ARBAMINCH:- Diyaaradaha iswada ee afka Qalaad lagu yiraahdo (Drone) ee dalka Maraykanka ayaa Saldhig looga furay Wadanka cadowga ku ah Shacabka Soomaliyeed ee Muslimka ah ee Itoobiya, Koonfurta dalka Itoobiya Magaalada la yiraahdo Arba Minch ayaa Maraykanku ka furteen goob ay ka hagaan diyaaradaha basaasaya Mujaahidiinta Soomaliya. Magaaladaan Arba Minch ayaa macnaheedu yahay Afartankii Sano.
Dowladda Maraykanka ayaa muddo dheer in kiraysay in ay Saldhigyo ku leedahay gudaha dalka Itoobiya laakiin hadda si cad ayey u sheegteen in ay Magaalada Arba Minch ay ka samaysteen Saldhig laga hagayo diyaaradaha wax basaasa isla markaana meeshii ay rabaan dukhayn kagaysankara.
Qorshahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxaa aad u isticmaalaya Madaxweynaha Maraykanka Obama oo sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu askar geeyo Soomaliya isla markaana uusan doonaynin in Askar dambe oo Maraykana in ay kaga dhintaan dagaalada uu kula jiro Islaamka.
(The Obama administration confirmed today that it had been quietly operating unarmed Reaper drones out of an airport in eastern Ethiopia as part of the ongoing US.)
Warbaahinta ABC ayaa sheegay Obamada iyo Maamulkiisu in ay maantay qirteen in ay isticmaalayaan diyaaradaha iswada ayaga oo ka duulin doona garoon ku yaala Itoobiya Barigeeda.
Resource ABC Halkaan Ka Akhri Ama Guji.
Somalimidnim.com











































