Sheekh Abu Cabdiraxmaan Alcumari Oo Risaalo Ka Qoray Duulaanka Kenya Iyo Shirkii Culimada Al-ictisaam Iyo Saraakiil Kenyaati Ah Ay Ku Yeesheen Nairobi (Akhri)


NAIROBI:-
Waxaa Salafiyiinta Bariga Afrika Maktabada Daarul Xadiith naga soo gaaray Risaalo la yiraahdo Kalmadda Amaanada. Risaaladaan Waxaa qoray Sheekh Cismaan Shire Abu C/raxmaan Alcumari Xafidadhullaah.

Sheekh Abu C/raxmaan wuxuu ka hadlay Amaanada Cilmiga iyo Xaqqa in aan la qarin wuxuuna iska dulqaaday waajibkii Allah saaray Shakhsi ahaan, Sheekhu wuxuu ka hadlay duulaanka qaawan ee Dowladda Kenya ay ku qaaday wadanka Soomaliya, sidoo kale Sheekhu wuxuu ka hadlay shirkii Culimo ay kamid yihiin Sheekh Maxamed Cabdi Umal, Sheekh Maxamed Sheekh Cismaan iyo Sheekh Maxamuud Shibile ay kala qayb galeen Saraakiil kamida dowladda Kenya.

Waxaa kamid ahaa hadaladii Sheekh Abu C/raxmaan Shirkaas ka yiri.

(Wixii ka dhacay goobta lagu tokodo Salaadda Ciidda Sir Ali Muslim Club ee Magaalada Nairobi, Taariikhdu markii ay ahayd 24/10/2011, goobtaas ma ahan mid saas nooga fog, wuxuu kulan kaas la sharaystay  muuqaal ahaan u muuqday, mid Qosal iyo Bishaaro iyo Gacmo kor u taagid wata si loo bari gantaalo duulaanka Saliibiyiinta. Ilaahow Musiibadaan naga badbaadi Ilaahow musiibadaan noogu badal khayr, Kalmado kamida Risaalada Sheekh Cismaan Abu C/raxmaan Alcumari).  

Risaalada PDF Halkaan Riix Ama Guji|

Salafiyiinta Bariga Afrika
Gob-Islam 
Somalimidnimo.com

26 Responses

  1. wadaad yare says:

    Wahaabiyada R/Cabdul Caziiz iyo Wahaabiyadii asalka aheyd ayaa khilaafku u dhaxeeyaa!

    Jihaadiyiintu waa Wahaabiyadii asalka aheyd oo qalban wa qaaliban waafaqsan xarakadii Muxamed Cabdul Wahaab. Wahaabiyada hadda Sacuudiga ka jirta oo soomaaliyana culimada looga yaqaanno waa Wahaabiyadii ay farsameysatey dowladda Sacuudigu una qaabeysatey si danaheeda dowladnimo aan ka carqalateyneyn. Arrintaas qarameynta Wahaabiyadu waxey soo bilaabatey 1929 kii markii la jebiyey xarakadii la oran jirey (al ikhwaan) oo uu hoggaaminayey Feysal Bin Suldan Al duweysh,macrakadii Sablah.

    Wahaabiyadii waqtigaas laga soo bilaabo waxaa laga dhigey xarako ciddiyaha iyo miciyaha laga gurey oo danaha R/Cabdul Caziiz shabbadda sharciga saarta.

    Meesha Sh.Umal doodda ka socota waxaan ku qorey dood arrintaas ka hadleysa dadka iney wax ogaadaan doonayana waxaan ku talinayaa iney aqriyaan.

    Hadda waxaa bannaanka yaalla waa khilaaf u dhaxeeya Wahaabiyo R/Cabdul Caziiz iyo Wahaabiyo dooneysa iney u laabato usuusheedi iyo taariikhdeedi asalka aheyd.

    Anigu labada Wahaabiyaba midna ku manhaj ma ihi,laakiin Wahaabiyada R/Cabdul Caziiz in la kashifo oo bannaanka la keeno asraartooda waan soo dhaweynayaa. Danaha qoyska boqortooyada Sacuudiga dad loo tajniidiyey oo Wahaabiyo mucaddal ah wata weeye wadaaddada aad na leedihiin “culimada”! Yaa culimo kasoo dhigey oo wax intuu kusoo shubey haddana lacag ku bixiyey oo ilaa haddana lacag qaar badan ku siiya? Waa Sacuudiga. Markey sidaas tahey Sacuudigu xagguu isagu ka taaganyahey ilaalinta danaha muslimiinta iyo xataa fikirka ay iyagu faafinayaan oo ay usuushiisa ka duulayaan?

    Maxey inta dhallin yarada u xamaasad geliyaan markey dhallin yaradu hubka qaataan uga dhuumanayaan iyagoo wadaaddo Sacuudiga jooga ku xiran? Saas xaq miyaa?

  2. Ramzi says:

    kuwa aad ka hadlayso waa kuwa taageersan siyaasaddii ay boqor c/casiis iyo roosevelt ku heshiiyeen ee ahaa in aala sacuud laga waardiyeeyo cid alla ciddii xukunka ku qabsata oo doonta inay afgambido halka mareykanka la siiyay furayaasha ceelasha batroolka iyo ka talinta mustaqbalka bariga dhexe. taas waan ognahaye, waa kuwee culumada taageersan heshiiskaas ee soomaalida ah ee aad garanaysid ama aad aragtay/maqashay iyagoo difaacaya.

    culumada aad doonaysid inaad af lagaadeysid waa kuwa wadanka keenay tawxiidka saafiga ah, umadda u sheegay ama ku faafiyay al-walaa wal baraa. iyo in gaalo/ munaafiqiin aan lala shaqeynin.

    aala sacuud intaas faafinaya miyaad aragtay? adeer waxba ha isku qasin, dad meel wax ku wada cuna ayaad rabtaa inaad noo kala saar saartid oo qolona aala sacuud ku sheegtid qolana magac kale? adigu haddii aadan labadaba aheyn ma waxaad tahay liberal? noo caddee waxaad tahay.

    midda kale waxa la isku khilaafay ee culumadeena ay ku kala aragti duwan yihiin waa wax aad u yar marka loo fiiriyo waxa ay isaga mid yihiin.. usuusha,manhajka, iyo fikirkaka waa isku mid, hase yeeshee waxaa lagu kala aragti duwanaaday masaa’il yaryar oo ijtihaadi ah

    intaas inaad ogaatid ayaan kaa rabaa sheekh.

  3. Alibaashi says:

    TO:wadaadyare

    Wadaadyaroo adigu haddii aadan jihaadi ahyn ama aadan ahayn kuwa aad ku tilmaantay wahaabiyada aan saafiga ahayn maxaad tahay? Dabcan suufiyada tigree injiree ku hoos jira ayaad tahay sida aan qiyaasayo.

  4. sheik abdi says:

    marka hore qofki khaldan wa in uu asaga isa saxa ee kuwina shabab ka sheganaya dadka hawarerinana oo diinta uso noqda plz

  5. Xamaraawi says:

    Masaa’isha yaryar ee ijtihaadiga ah xitaa hadii lagu kala tago mar unba laysugu waafiqi lahaa ileen waqtiga iyo dhacdooyinkaba way isbedalaan lakin culimadu haday isku waafaqsanyihiin jowharu towxiidka makala maarmi laheen mar walbaba wax cusuble arke.

  6. biyo says:

    walaahi wadaad yare waa nin baraarugsan intaasaan ku kari la nahay umadan inay fahmaan alaa yacizak yaa akhii wa alaa dawiilak cumrak

  7. Bint Soomaal says:

    wadaadyare<— qof isku buuqsan mowduuca laga hadlayo iyo wahaabiyuu ka hadlaa.markii sac loo heesaa ri,i uu u heesay lol u need doctor

  8. Xaaji-KaaD says:

    T0:wadad yare

    wahaabi ma tihid,salafina ma tihid(jihaadi ama jadiidi)dabcan cilmaani ayaad tahay waana sida hadalkaaga ka muuqata waxaad u hadleysaa sida nin wax yaqaana o kale laakin xaqiiqdii waxaad tahay dadka caamada ah mid aan dhaamin hadalkoodana wada wuxuu iska dhaadhiciyeyna daliil iyo xujo ka dhigta,marka aad hadleeyso waxaad u hadleysa sida nin dhaxdhaxaad ah laakin waxaa kaa muuqda inaa tahay nin cudur cuqdad loo yaqaano sakaraad la ah qalbiga ayuuna kaa gale bal ii sheeg manhajka ahlussunnah wal jamaacah xageed kaga jirtaa mise kamaba jirtid oo cilmaani la diini mulxid ah ayaad tahay?waan ku arke somalimirror wage tosneed ilaa maanta waxaad durtaa ood waxka sheegta salafi iyo nin walbo jihaada,waa yaabe gormaad yeelate fadli aad culumada kula tartantid ood iskula meel dhigtid?gormadse yeelate awood aad mujaahidka ku durto jihaadkiisa baadil ku tilmaamto,hadaad aminsantahay ineey qaldanyihiin aad meesha y joogan oo qaladkooda u sheeg hadii kale muslimka maxaa kugu taage ood habeen iy maalin u durtaa?gaalna uu kaaga badbaada waliba yahuuda iyo nasaarada gaar ahaan nasaarada kuso duushey somaliya maxaad wax uga sheegi la,adahay?anakaba waan ogahay qaladaad ineey jiraan lakin ALLAAH ayaan u barinaa wixii qaldan inuu xaqiisa tuso dambigeedan u dhaafo xaqana ku sugo gaalada iyo cadawga diintan uga guleeyo,adiga maxaad muslimka muslinimadiisa u qiri la,adahay hadaad qirteyna muslimka maxaad afkaaga uga celin la,adahay ood xumantiisa ma ehee wax kale aadan uga shaqeynin?cuqdada muslimiinta gaar ahaan mujaahidiinta iyo culumada aad u qabtid ma diin ayaad kaa tahay iyo ALLAAH dartiisa mise jahdli iyo doqonimo iyo xasidnimo ayeey kaa tahay?hadeey kaa tahay ALLAAh dartiisa muslimka ALLAAH dartiisa cuaqdad maba loogu qaado xumantiisa la nacaa lagana aamusa wixii la sixi karana la saxa wanaagana waa lagu taagre sida nabuguba SCW uu ula shaqme khaalid iyo usaamah wuxuu yiri ALLOOW QALADKOODA AYAAN BARI KA AHAY laakin ,ma dhihin ayaka ayaan bari ka ahay adiga maxaa kuu diide hadaad diin sheganeeso wadadaas nabiga uu mare in aad marto mise wuxu diin maba kaa aha oo waa qabyaalad iyo cuqdad iyo xasad,ALLAAH KA BAQ inta aqoonta ah ee ad diinta u leedahaya waxaa fiicnaan leheed muslimka iyo mujaahidnka inaad ugu gargaartid laakin aqoontaadu waa hal bacaad lagu lise meesheedena ma aadan dhigin ee dhig meesheeda niayahaw muslimkana afka kala bax cid aan qaldanenyna duunka ma joogot laakin hadii la dhaho qof walbo qa;dan ha fariisto yaa istaago oo u adeegayo danaha umada muslimka ah?soo ma aha midka qaldan qaladkiisa in laga saxo horeyna loo wado wanaagana lagu taagero,gabagabdii hal su,aal aan ku weydiiyo adigu mar walbo waxad dhahdaa koox heblaayo ma ihi koox heblaayana ma ihi ee yaad tahay tayaarkee ka tirsantahay mise afkaada ayaan kugu xukuna oo koox ayana ku tiirinaa?

  9. somali says:

    Asalaamu Calaykum

    Ikhwaanii bacda salaan ninkaan wadaadyare ah horta waa nin ikhwaan -cilmaani ah aadna u neceb salafiyiinta guud ahaan

    laakiin asagoo sidaas ah hadduu wax run ah sheego waa in la aqbalaa waad ogtihiin sheydaan ayaa rasuulku scw ka yiri (sadaqa wahuwa kaduub).

    wadaadyare warka uu sheegey waaxbaa ka jira salafiyiinta is heysa waa labada nooc ee uu sheegey rag manhajkii sheekh muhamad cabdilwahaab iyo xarakadiisi heysta dadkana raba in ay dawlad Islaam ah iyo khilaafadii raashidadada ahayd ay usoo celiyaan iyo wadaaado ka shaqeeya siyaasadda reer aalasacuud oo hadba diinta u jeediya waxa dawladdu rabto waxii shalay ay xaaraantimeeyeen maanta haddii dawladdu sameyso waa xalaalaynayaan.

    sida uu wadaadyare sheegey markii aala sacuud ay dariiqii aabayaashood ka beyreen raggii waqtigaas joogey waay fahmeen waana la dagaalameen waxaana la oran jirey Ikhwaan waxaana dawladda garabsiiyey rag culimo ah oo ku qaldamay khaainiintaan laakiin goor xeero iyo faandhaal kala dhaceen oo raggii la baabi’iyey ayay culimadii baraarugtey waxaana raggaas ka mid ah sheekh sacad ibn catiiq risaalo uu qaladkaas uu aalasacuud ku taageerey kaga qoomameynayo ayuu qorey.

    salafiyiinta maanta is hayana waxey isku hayaan waa labadaas uu wadaadyare sheegey qolo siyaasadda ilma sacuud sidey rabto diinta u qaloocineysa iyo qolo asalki ku taagan qofkasta oo taariikhda wax ka aqriyana waa wuu arki karaa meesha wax ka jiraan.

    Culimadaan reer sacuud hadba siday rabaan diinta u dhigaya baadilkaas meelo badan ayay ku faafiyeen dad badan ayayna mushahar ugu qoreen waana waxaan maanta caalamka ka taagan oo la leeyahay culimo aya la diidey.

    tusaale ahaan culimada sacuudiga iyo sidey boqorka hadba waxuu rabo ugu fatwoodaan kaligoodna ma aha oo markii ayagu halkaas marayaan waxa kale ee caalamul islaami dawladaha la shaqeeya waa kasii liitaan waxaa reer Azhar laga sheegey markii xusni mubaarak fatwo u baahdo waxey ku dhihi jireen ma xaalaynaa mase waan xaaraantimeynaa ilaa aad ogtihiin maalmihii ugu danbeeyey daaghuutkii dandaawi in uu gabdhaha muxajabaatka ah uu indhashareerka ka fiiqaayey calayhi minallaahi maa yastaxiquh markii uu baqtiyeyna nasiib darro reer aala sacuud waxey ku aaseen Baqiic oo ah qabuurihii ashraaftii Umadda.

    tusaalayaasha

    1.Waqtgiii Afghaanistaan ruushka lala dagaalamayay dawladda sacuudigu waa taageertey dagaalkaas culimadiina minbarada ayay keentey iyagoo ku dhawaaqaya in uu fardu ceyn yahay naf iyo maalba lagu bixiyo.

    1-Maanta jihaadka afghanistaan dawladdii sacuudiga aya diidan sidaas darteed culimadiina waa diideen waxeyna ku sheegeen fitnah.

    2.horey waxey u fatwoodeen in qofkii gaalo muslimiinta usoo raaca oo la dagaalama uu gaal yahay,

    2- markiii reer ciraaq mareykan kusoo duuleey sacuudiguna u raacey culimadii mawqifkoodi ayuu bedeleen waxeyna dheheen waxa dawladduu sameysey waa arin waajib ah sharciga alle ayaana baneynaya usuushii ayaatka iyo axaadiistii faraha badneyd na wa iska dhega tireen waxeyna soo daliilsadeen xadiis mursal ah (daciif).

    3.horey waxey u fatwoodeen qofka aan diin allaah wax aan ahayn wax ku xakumin ee dastuurka sameysta kitaab ka alle kasoo horjeeda in uu gaal yahay dhulkaasuna uu dhul gaalo yahay waajibna ay tahay in laga hijroodo.

    3-markii sh almaqdasi uu dawlah sacuudiya wax ka qorey oo uu kashifey wax qarsoonaa oo dawladdaan kudhaqanto oo gaalnimo ah ayay ka laabteen fatwadaas waxeyna dheheen alxukmu biqeyri maa anzalallaah waa macsiyo ee kufri ma aha.

    muftiga sacuudiga uu qiranaya in uu caalim suldo yahey.
    http://www.youtube.com/watch?v=ph9CoUvLBGA

    ikhwaanii lama soo koobi karo culimadaasna ayagaaba sheegtey in ay culimo suldo yihiin oo ku faanaya oo aan qarsanayn caalim suldaana waad ogtihiin sida uu madmuum u yahay diintana aan lagu amini karin.

  10. wadaad yare says:

    Saaxada fikrigaa waa saaxo furan oo dadkoo dhan ka dhaxeysa. Waana la xujeytamayaa waana la is dhallilayaa.

    Salafiyiinta Ictisaamka iyo Salafiya Jadiidah waa looga xoog badanyahey madrasada Salafigaa dhexdeeda,taas qofkaan Salafi aheyn sideydoo kale laakiin wax kala socda khilaafaatka fikrigaa oo dawaa,ifta muslimiintaa dhex yaalla wuu ogyahey.

    Markaan Salafiyiin Shabaabka Khawaarij ku sheegaya oo kumannaan qofood warkaas ka dhegeysaneyso arko waan la yaabaa wallaahi. Dadkaasi karti uma lahan miyaa:

    1. iney qawaacidda wax lagu takfiiriyo madrasada dhexdeedaa u celiyaan khilaafka

    2. Iney taariikhdii aasaasayaashii madhabta la kaashadaan fahamka waxa la isku hayo.

    Halkaan nin la yiraahdo Wax Garad ayaa wax ku qora,waana nin heerkiisa aqooneed munathir tayaarka Salafi Jihaadigaa la oran karo, wax badanna la socda. Tayaarka jihaadigaa oo Salafiyada ama Wahaabiyada saxdaa ayuu heystaa, isagoo matalaya iyo anigoo matalaya dadkii muslimka ahaa oo ay is khilaafeen Sh.Muxamed Cabdul Wahaab haddana tayaarka Salafi Jihaadigaa is khilaafsanyihiin, inaan jilbaha isku laabanno oon doodno oon kutubta iskula soo baxno waxaa naga hor taagan waa tayaarka “Salafi Sacuudigaa” oo isku arka iney iyagu yihiin kuwa culimadaa, caammadiina qaar badan iyageyba ka danbeeyaan oo culimmo u yaqaannaan.

    Waayahaye sideen ka yeelnaa nimankaan sheyga iyo lidkiisa isla qaba oo caammadiina dabo yaaceyso oo daqiiqadna Wahaabigaa,midda kalena aan aheyn oo dadkuu afkiisa ku takfiiriyey muslimka yaan la taaban ku wardinaya?

    Fikirka mutashaddidkaa iyagaa faafinaya,markii la dabbaqana iyagaa khawaarij ku sheegaya! Tanaaqud ka badan mala arkey waxaas?

    Adigu maxaad tahey ayey dad badan i weydiiyeen. Anigu waxaan ahey ruux muslim ah oon ku qanacsaneyn fikirka Wahaabigaa waxa uu Wahaabiga ku yahey. Waxa musallamkaa oo muslimiinta kale la wadaagana hadde maxallu khilaafba beynal muslimiin ma ahan oo waa muttafaq beynal jamiic.

    Ninkii waxa Wahaabiyadu wahaabiyo ku tahey oonan aaminsaneyn awgeed islaamka iiga saaraya waa yeelkadiis ugumana horreeyo dad sidaas islaamka looga saaro,mana u jixin jixayo warkaas,laakiin intaad i takfiiriso haddana muslimbaad tahey ha i dhihine hal dhinac oon kuugu soo hagaago igaga imow si aan dagaal iyo dood mid uun ugu kala baxno!

    Sidaas waadixaa ayuuna sameeyey Muxamed Cabdul Wahaab,cudurdaarka uu bixiyey oo dadkii kasoo horjeedey uu siiyeyna ma uusan aheyn cudurdaar iska furan oon dhammaad laheyne mid digniin ah oo haddey diidaanna dagaal ku xigo ayuu ahaa.

    Laakiin cudurdaarka hadda ay wadaan Salafiya Sacuudigu waa mid mahzalo ah oon waafaqsaneyn qawaaciddii iyo taariikhdii xarakada Wahaabiyada aniguna taas waan ogahey,qofkii rabaa caammada haku harowsado wax kale oo siyaasado dowladeed keeneene.

    Shiicada Raafidadaa waa gaalo ayey ku leeyihiin Wahaabiyada Sacuudigu,haddana way soo xajinayaan. Cid istitaabo weydiineysa oo kufrigaan ayaad ku jirtaane ka laabta oraneysa ma maqasheen weligiin,haddii kale xaj gaal kama ansaxayee iska laabta leh?

    Anigu waa gaalo ma orane adigaa yiriye meel laguugu soo hagaago yeelo!

  11. cabdullaahi says:

    illaahayba mahd leh naxliis guud iyo mid gaar ahba suubanheenii ayay u sugnaatay.

    sc wr wb.

    somalimidnimo idinku marna culumada daliilshada marna caaya marna kalmadooda copiyeeya oo qoraal ahaan iska dhiga idinka inaad cilimi leedihiin sidii sh umal aad u koobiyeeyseen kalmadiisii soonka carafa

    illahay ka cabsada culumadaad shaqda ka dhigateen iska daaya tacusubkna iska daaya aakhiro ayaa danbeysa.

    cilmi iyo aqoon diimeed shekh aydan ku gaain marna daliil u so qaata marna aflgaadeeya
    cuqubadaad ka heshaan waxba hanaga siinina.

  12. sayful islaam says:

    asc aya muslimiin
    to wadayare
    walal su al hortadigu ma sufiyada may tahay maxa se ka aminsantahay sufiyada

  13. Abu salmaa says:

    TO: CABDulaahi Marka hore walal wan ku salamey a/s/c salan kadib walal culimada wa la difaca xaqana difaac ka mudan ok culimadu ma la caayey walal ma lagu ben aburtey maya waxa lacadeyey tanaqudka ku yimid oo kaliya wana wajib diini ah adiga wax is weydi mulaxado same yey wax ka qaldan yihin To: wadad yare walal waxan ku maleynaya in ad taabacsan tahey xarakatu ikhwanu muslimin adna ku afkar tahey sayid qudbi iyo xasanu albanaa ama an irahdo waxa tahey ashcari lakin waxan qiraya in aad tahey nin muthaqaf ah oo wax weyn ka og salafiyada anigu waxan taabac sanahey salafiyal jihadiyah mana ku galeysinayo ila an ka ar wanta tubashiru acmalal kufri maca dhawabidhihi anaga oo u firineyno shurud iyo mawanic hada mimaa nadiinu allaah

  14. Abuu-caa,isha al-gedaawi says:

    Asc, akhyaarta bacda salaam, haku mashquulina wadaad yare cida uu yahay oo waala yaqaanaa dadka yaqaano ayaan ka mid ahay iyo waliba walaalka somali waan ku salaamay bal waxaan idinku boorinayaa inaad ka dhageysataan mawduucan wahaabiyada sucuudiga ee sandareertada raacay soomaaliyana ka dagi la,dahay ee wadaadxume wadaanta u hayo sida bashiir salaad iyo maxamad idiris in tooshka lagu qabto aad baan usoo dhaweynayaa, wadaad yare waxaan ku leeyahay mowduucan aad bilowday waa mid aad u xiiso badan waxna laga faa,iidayo waa hadaad hesho qolodii difaaci jirtay kuwa sandareertada ka doortay manhajkoodii warse wuxuu ku haystaa markaad maagtid nin manhajkiisa ku toosan kana run sheegay iska daa taa haku mashquulin waa hadaad rabto in lagu dhageysto kuwa naq raacayna aad kashifto ayadoo maanta loogu baahi badan yahay inkuwaa caamada laga soo reebo wada shaqeyn wacan wadaad yare.

  15. Keysar says:

    Asalaamu Caleykum waraxmatullahi wabarakaatuh

    Marka hore inta aanan u guda gelin waxaan ka dhihi lahaa arintaan aan ka hormariyo arintaan.

    Walaalaha muslimiintow sida aad lasocotaan caalamka waxaa ka socda dagaal aad xowli u ah, dagaalkas oo isugu jira mid gacan mid maal iyo mid af ah.

    hada midka aan ku jirno ee somalimidnimo dhexdeeda waa mid ka mid ah dagaalada kasocda caalamka waana midka afka ah waxaana loo yaqaan dagaalka warbaahinta.

    Walaal dagaalkaasina waxaa ku guuleysta qofka ku warbadiya weliba keena war run ah dadkana ugu sheega siday warkaasi ku qaadan karaan.

    Marka walaalaha wabkaan isticmaala waxaan u sheegi lahaa inay marka hore ogaadaan iney macrako ku jiraan ama dagaal dagaalkaasna u diyaar garoobaan ama ay diyaarsadaam hubka ay isticmaalayaan oo ah ereyada wanaagsan ee uu cadawga la beegsan lahaa.

    Mida kale hadaad rabtid inaad mowduuc ka hadasho uusan mowduucaagu marwalba moqon difaacee weerar waa inuu u bataa si cadowgu kalmadahaaga uu ugu wareero.

    Midkaan wadaad yare la magac baxay waa mid kamid ah sameecadaha cadawga codkiisa laga sii daayo waxaana microphone-ka haayo waa cadow isaga kasii daran oo isagu afkiisaa lagu hadlayaa.

    Marka walaalaha mawaadiicdii ay ugu tala galeen inay kahadlaan haka hadleene yeysan Sameecadaan isku mashquulin.

    Mida kale Qofwalaw Allaah waxaad ka baridaa inuu xaqa kugu sugu islaamka kugu dilo waxaa lagu jiraa Aaqiro saman.

    Wabillaahi Towfiiq

  16. xaqaani says:

    maa shaa alaah halkaa kawada

  17. umu_baraa says:

    Dabcan qofkasta oo hadal soo qorro waxaa uu cabirayaa waa fikirkisa ama mabda,a uu manhaj,ahaan aaminsan yahay! waxaan jeclaan lahaa inaan wax uun ka iraahdo manhajka aan aaminsanahay!! ninkii googarad xirran lahaa oo surweelka tuuri lahaa iyo kii Allah manhajkiisa qaadan lahaaba isagay u taala waxaaan aaminsanahay tageersanahayna wiilashaas yar yar uu dhufeyska ugu jirra Allah dartiis si ay diinta iyo dalka u difaacaan!! waxaanan aaminsanahay inay wadadii saxda ahaa taagan yihiin wallaa nuzakuu cala,llaahi axad!! tusaale yar! taariikhda dib u raaca rida,dan aan manta isku heynaa wax hada bilowday maahan abubakar khilafadisii ayey bilaabatay cumar iyo asxab badan ayaa ka hor yimid abuu bakar radiyallahu canhum jamiican wa,ardaaa!! lakiin meelaha kama aysan dacaayadeynin markii dambana waa ay garteen inuu abuu bakar xaq ku taagnaa! waana sune qofkii xaq la yimaada in la khilaafo! ma waxaan idiin sheegeyna Allah ayaa yiri gaalo idinma jecllee ha racina oo ka difaaca dhulkiina iyo dhulka muslimiinta!! manhajkii rasuulka muxuu ahaa?? qabaxallahu wajhakum kaan maanta difaacin diinta iyo dalka iyo cirdiga muslimiinta khaasatan cirdiga gabdhaha muslimaadka ah ee maalin walba xijaabkoodii looga dhigaayo wadankoodii!!! Subxaanallahi sacuudiga waa taageereen dagaalkii afganistaan hadana waa diideen miyaad noo keenteen!! xasbunallaahi wanicmal wakiil. walaalaha waxaad niyada ku dajisataan Allah hadalkii sii ahaa (WAAN KAA KAAFINEYNAA KUWA JEES JEESAYA!!) Allah isaga ayaa nooga kiin fillan cidina uma baahna nimankaas Allah ayey aamineen wana guuleysanayaan Bi,idnillahi Baarrii!! maxaa yelay Allah ayaa u ballan qaaday inuu wada,da saxda ah ku hanuuninaayo kuwa jidkiisa ku dagaalamaayo!! hade maaha kuwa facebook iyo somalimidnimo ka caytamaya inkirayana Aaydkii Allah!! maxey sharaf iyo wado sax san jideeyeen dhalinyaradaas!! maxaase abaal marrin xun loogu badalay mujaahidinta Walaahu Mustacaan!!.

  18. runsheege says:

    ac
    waxaan aad iyo aad uga xumahay in cid aan talin jirin taliso ninkna buuga qoray horta maaha nin buug qori kar ama 4 sano wax ku fahmi kara markaa inan yar oo madaraso sucuudiga kasoo baxay sidii uu udabo socadey nin kale oranaya kitaab ayaan qorayaa markaa hore bal waxbaro oo dabo istaag cawaanta iska daa weli maad daweyn dhaawacii aad kutimi goormaad waxqoreysaa deg deg badanidaa,
    mase lahubaa buugaan waxaa kaqaldan waxbadan xitaa naxwaha iskuma aadineysid.
    markaa waxbaro is sax jihaadkaa dadka ugu yeereysid ukaalay caloosha wen hatagine.imow goobta jihaaadka. hadii ay kaaruntahay.

  19. mujahid says:

    sida uu illahy u simin farah dadkana uma sina kiii man kiisa kaban yahay yana lagu dayan qofka hduu qur,anka yaqano waa in uu ku dhaqmaa dayahw diida ama yela dintan waa ladifacayaa rag baa mar walba utagananayo waxaan idin shegayaa shababul mujahidiin illahay ba umada usoo diray wana rag saxan ee ninkii didanow soo raca bari kamalin ayaad shalenaysaa

  20. umushaadiya says:

    asalaamu cwrwb ummada islaamka ah meel kasta oo ay joogaan ee soomaliyeed garahaan umadaa u tageen diintooda dalkoda iyo naftoodaba iney cadowga allaah ka difacaanoow salaantaas islaamka kadiib allaah ha inagu sugo xaqaa hainagu dilo hana inagu soo saaro aamiin intaas kadiib

    waxaan u dirayaa dhanbalkan umadda somaliyeed meel walba iyo waa walba oy joogaan

    walaalayaal waxaan wada ogsoonahey inaan nahey umaad islaam shegata lakiin diinta sey tahey ugu dhaqmin taas waxaan uga gol leeyahey walaalayaal soomali waxey ka kooban tahey 4 nooc

    1 culimo
    2 caamo
    3 caruur
    4 ciroole

    markaas waxaan u soo gudbinayaa culimada somaliyeed iney dadkaas allaah uga baqaan islaamka ah 3 dooda qeybeed ee kala duwaan xaqana ka runshegaan dadkana u cadeyaan cilmiga allaah barey oysan qariin kii qaata iyo kii qadan wayana culimadu masuul kama ahan madamey soo garsiyeen xaqaa cadeyn tiisa intaas kadiib

    somaliyeey dhamanteen inaguna aan allaah ka wadaa baqno oo akhiradeena aan u turano insha allaah intaas kadiib aan u soo dadego gogol dhigeyga hadalkeyga

    hadii aan dooneyno iney inoo badbadaan diin daal daad aan iska deyno 5 taan arimood

    1 gaal aan iska qabano dalkeena ku soo duleey dhinacwaba

    2 calooshisa u shaqeyste diin dan ka laheyn afka ka islaam uurka ka gaal

    3 qabyaalaad aan sal iyo bar toona laheyn oo ina kala jarjartey

    4 qaadka iyo muqadaraadka iyo waxii la halmala

    5 iyo wadaad xume diinta kala qariyexaqa ma cadeeye calooshiis u shaceyste dadkiisa gatee doqoniimo qaate xaqa uma soo laabte dadkiisa sire darmaan ka doorte duli walwaashe insha allaah

    intaas ayaan ku soo gaba gabeynayaa hadalkeyga wabilaahii towfiiq allaah ha inagu dilo xaqaa toosaan aamin

  21. umubushra says:

    asalaamu caleykum wrwb salaantaas kadiib an allaah u noqono soomaliyey allaah aan talo saarano saan nimcada aduun iyo ta aakhiraba u helno insha allaah

    sidey shinbirtu u shaqeysato uguna kalaahdo uguna kalsontehey oo salaadii iyada oo bahan u baxdo habeenkiina u soo hoyato iyada oo dharagsaan ayuu allaah inoo arsaqayaa ee aan xalaasha miirano allaahna ku kalsonaano iskuna dhiibno allaah insha allah

    aduunka aniga heleyna kheyrkeeda iyo aakhiraba haddi allaah wax walba oo ku raali yahey aan yeelno wax kasta oo uu inoo diideyna iska dhaafno ducadana badino insha allaah

    somaliyeey dalkeena waxaa boobayaa gaal iyo aloshiis u shaqeyste inala dhashey oo diirka inooga eeg uur ka gaal afka islaam dadka caqliga leeh ayaan u dirayaa dhanbaalkan allaah ha inagu anfaco

    calooshood u shaqeystayaasha ayaan la dar darmayaa allaah dartiis walalayaal allaah ka baqaa ku kalsonadaa dalkina nimcada ku jirta walaalahiin iskaga dheex noolada cidna idin dilimeyse siduu rasuulkuba scw u deynayay munaafaqintii ku dheex noleyd muminiinta dhexdoodaad iskaga nolaan doontaane qoriga dhiga galkaad dhufeyska kula jirtaana ka soo baxa safka muminiinta ku soo biira masajidka iskaga jira noloshiina raacda insha allaah allaah qof walba ka abaal marinayaa qalbigiisa wabilaahi towfiiq

  22. umubushra says:

    asalaamu cwrwb waxaan halkaan dadka somaliyeed ugu sheegayaa inaan la taageerin tastuurka qabyada ah ee shariif wato ee dowlaada shariif wato waa gaalnomo caad qofka raaca ee dacaada u ah taastuurka cidaa ka soo hor jeeda ayaan la dagalameynaa ayay dhaheen dadka qateey tastuurkaas yaa ka soo hor jeeda tastuurka oo lala dagalamayaa waa allaah iyo muminiinta allaah iyo cidankiisana cidna ma ka adkaan karto la socda qaniinka allaah uunba ka talinayaa koonka allaah ilaa qiyaamaha waa soconayaa jihaadka lagula jiro gaal iyo munaafaaq ilaa diinta allaah ka kor noqoneyso oo dhulka allaah bees laga xusaayo meeyaane wabilaahi towfiiq

  23. umu shaadiya says:

    asalaamu calaykum walayaal waxaan doonayaa inaan halkan idiinku soo gudbiyo somaliya waxey nabad ku gareynaa iyo reyn reyn cadowgeedana uga adkaaneynaa waa 5 ariin.

    1 soomalidu waa iney iska dhafaan qabyaalada iyo dadka sidaa gaarka ah loo xaqiraayo sida dadka gabooyaha loo yaqaan iyo 4.5 iyo kuwaa la midka ah.

    2 dowladaa somaliland waa in la isku racaa iney xor u noqoto madaax banaanideeda lakiin shuruud waa in looga dhigaa iney shareecada islaamka lagu dhaqaa iyo sunada rasuulka scw jaar wanaagna kula dhaqmaan dowlada somaliya

    3 waa in la sameyaa dowlaad somaliyeed ilaa garoobe ilaa ogaadeniya ilaa libooya hal calaan leeh la iskana dhaafo intaan oo dowlaad yar yar ah

    4 in la iska dhaaqo taastuurka gacanta lagu soo qor qorey qabyo qoraal oo taastuurka allaah ee waxyigaa ah lagu maamulo dalka iyo sunada rasuulka scw

    5 ugu danbeyntii waa iney midoobaan wada shaqeeyaan 2 dowladood ee somaliya iyo somaliland somalidu waxey dhahan ninkii tiisa daryeela ayaa takalana ku daraa

    arimahaas oo dhaan waxaan ka faideyna

    1 raali galin Allaah

    2 raali galin diinta allaah

    3 midnimo iyo isku duubnaan isku filnaasho rabaani ah xoog iyo xoolo

    4 ku dhaqaanka diinta barashadeeda

    5 cadaalaad iyo ku dhaqaankeeda

    6 nabaad galyo iyo mulkii adduun

    7 adduun iyo aakhiro oo allaah ka raali noqdo

    3

    • umu bushra says:

      baryaahan gabaaygii waan dhiigo ma guul guulin, gumeystigaan dalkeeni dagaan hada u soo laabtey, geesiyaa dalkeeni u kacoo gashiraaya, goobtey istaaganba guula gargaaro gurmaad u fidiyaa, gabdho xuraar ceyn ah garaabkooda xiji janadii fartowsiyo gee garaarkeeda aamiin

      goor iyo habeenba guuloow allaahayoow guusha sii mujaahidinta. gabal dhiciyo waabari garaabkooda istaag, gashaankooda hey guurmaad bay ka sugayaan guulow alaahayow gashanka hey ,waa ku helan yihiine

  24. umu shaadiya says:

    guulbaa u soo baxdey gayigii soomali malasanaawa baqtiiyey gaalkii weynaaye geesiyada dalkeygoow kacoo gaalo goo gooya gumaac iyo rasaas ku mansheeya gumeys tagan dalkeeni qaribey gacamaha googooya gabdhii xijaabnaa iyo hooyo u soo hiilsha gashanqaadka waddo goobta wada geeya gacalayaal guuba gaaladan isasoobaheystey insha allaah

Leave a Reply

© 2011 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS