Dhagayso Dagaalkii Xajjka Ka Dhacay Sanadkaan Ibraahim Dheere, C/risaaq Xaashi, Abu Naqsi Iyo Ina Sheekh Cumar Oo Lagu Yiri Rag Meles Iyo Safiirada Maraykanka U Shaqeeya Xaramka Nagu Wacdin Maayaan!


GOB-ISLAM:-
Waxaad la socotaan in Golaha Baraaruga Islaamka meelkasta uu joogo uu diyaar u yahay fashilinta Wadaadxumayaasha Meles Zanewi iyo Safiirada Maraykanka la shaqeeya. Sidoo kale horaan idin kugu soo gudbinay warbixino Xajajkii hore aan oga hadalnay dhaqdhaqaaqa Xarakada Al-ictisaam ee gacanta u gashay Cadowga Ilaahay iyo kan Umadda Soomaaliyeed.

Haddaba Xajjkii Sanadkaan waxaa ka dhacay dagaal gacanta in la iskula tago gaaray. Ibraahim Dheere oo isku dhiibay Xukuumadda gumaysiga ku dhisan ee Itoobiya isla markaana xoogga ku haysata dhulka Soomaaliyeed ee loo yaqaano Soomaali Galbeed ama Ogaadeeniya.


(Muslimiin taagan Carafa Isha Masawirka File Google)

Soomaalidu ma xishooto Ninkii Meles Zanewi lafadhiyey ee lahaa “Waxaan go’aansanay in aan Itoobiyo wax la qaybsano kamid noqono shacabka Itoobiya annaga oo raacayna Qodobka 39 ee ku qoran Dastuurka Itoobiya” Ninka saas leh ayaa wuxuu rabaa in uu shacabka Soomaaliyeed uu wacdiyo, waliba Xujayda rabta in ay dambiyada iska dhaqaan ayuu rabaa asaga oo lacagtii Meles Zanewi kusoo xajiyey in uu wacdiyo shacab Muslim ah oo leh Labayka Allahumma Labayka Laa Shariika Laka.

Waxaa dhacay Ikhwaani sida aad maqli doontaan oo aad hoos ka dhagaysan doontaan Insha Allah, in Ibraahim Dheere, Abu Naqsi (Abu Fadli) waa Ninkii xadi jiray Risaaladii Sheekh Saalax Fowsaani, C/risaaq Xaashi iyo C/raxmaan Sheekh Cumarkii Safiirka Maraykanka la Qoslayey ee uu lahaa diyaar ayaan u nahay oo waan ka qayb qaadanaynaa in aan la dagaalano Dadka dowladda Maraykanku dagaalka kula jiraan oo aad ogtihiin ama shaki uusan idin kaga jirin dadka uu dagaalka kula jiro Maraykanku in ay yihiin Muslimiin.


(Masjudu Naimra, meesha laga jeediyo Khutbada Carafa Isha Masawirka, File Google)

Afartaas  Nin ayaa soo galay Teendho kamida Teendhooyinkii ay ku jireen Xujay kamida Xujayda Baraaruga Islaamku gaaray isla markaana gartay dhagarta ay leeyihiin kuwa Shaatiga Culimada gashaday ee khayaamay Amaanadii Rususha SCW laga dhaxlay, Diinta Islaamka iyo Muslimiinta isla markaana la saftay Meleska Itoobiya, Safiirada Maraykanka iyo dowladda Kenya.

Haddaba waxaa dhacay Xujaydii in ay Taleefoonadoodii I Phone koodii ay diyaarsadeen isla markaana ay Afka Qaylo ku shubteen!, waxaana kamid ahaa erayadooda,  ” Dooni mayno Nin Lacagta Meles Zanewi kusoo xajiyey, maxay tahay Diinta uu noo sheegayo”. Sidoo kale Ibraahim Dheere ayaa waxaa u fara baxsaday Xujayda Rag kamida oo ka kala tuuray Sameecaddii uu watay.

Ibraahim markiiba gacmaha ayaa gariiray wuxuuna ku sigtay in la ceejiyo, balse Abuu Naqsi iyo Ina Sheekh Cumar ayaa isku dhigay wixii ku dhici lahaa, dabada ayaa looga dhacay waana lagu oriyey!. Karaamada Qofkii iska qaada oo Diintiisa gata sidaas ayaa u dambaysa, kawarama Ikhwaani Nin Xaajiya oo Culimo sheeganaya oo dhulka Ilaahay meeshii ugu sharafta badnayd jooga oo la leeyahay duli ayaad tahay Diinta aad noo sheegaysid Naftaada ayey wax tari lahayd!, Ilaahay ayaan idin ku dhaarinaye dulinimo ka weyn miyaa jirta? waa maya Jawaabto.


(Teendhooyinkii Mina oo cidlaa ama laga caraabay! Isha Masawirka File Google)

Hadda Dadka dhaha Culimaa la caayey ee aan Cilmi ku filan lahayn Caqligoodana aan isticmaalin oo aan garan waxa lagu haysto Raggii Culimada sheegan jiray iyo waxa lagu nacay, ha u noqoto cashar iyo tusaalo xun. Ilaahay Diintiisa iyo Awliyadiisa Ciidamada Allah Qofkii la dagaala oo Gaal aan kaadida iska dhaqin la Qosla sidaas ayaa u dambaysa. Haddii aan xattaa lagu qaylin oo uu xoogaa Dad cawaana uu meel ku xaraysto, ogaada Qalbigiisu ma fadhiyo. Rag kamida kuwaas waxay ku sugan yihiin xaalad ay ka naxeen shacabka Soomaaliyeed!.


(Busaska ka baxa Carafa, Isha Masawirka File Google)

Dhowr Qof oo aan is ogayn ayaa Emailo iyo Taleefoono kula soo xiriiray Warbaahinta Islaamigaa waxay noo sheegeen Raggaas qaar kamida in ay cariiri ay ku jiraan kuna sugan yihiin xaalad murugo oo walwal leh, Nabiga SCW ayaa horay u sheegay oo yiri dambigu waa wax guba laabtaada oo ku soo noqnoqda isla markaasna aad dhibsato oo aad ka cabsato in Dadku ogaadaan!. Walaalaha nala soo xiriiray waxay noo sheegeen sheekooyin muraga leh oo ay Raggaas Gaalada raacay ay ku arkeen,

Sida in ay dhahaan Sidqiga ama Runta ayaan ka hadlaynaa!, Been ma sheegayo i rumaysta, Websiteyada yaan la galin qaarkood, Qaanuunaanka yaan la jabin, Jawaasiis ma nihin, maxaad iiga cararaysaan, Culimada yaan laga cararin Dadkii Al shabaab ayey noqdeen, iyo erayo kale oo lagu turjumi karo waalida Qalbiga ku dhacda ee Nabigu sheegay SCW.

Hoos ayaad ka dhagaysan kartaa sida loo eryaday oo loo bursaday Wadaadadii Gaalada raacay.

Hoos ka daawo Foolxumada iyo fadhixumada Gaalada Al-ictisaamku hoosta oga jiraan, idinka oo Indhihiina kusoo arkay Quruxda iyo Nuurka ka baxaya Xujayda iyo dhulkii Allah barakeeyey, xujaydu isma oga barakada dhulka Allah sharfay ayaa diiday Culimada Gaalada raacday, waa Mucjiso mudan in lagu cibra qaato!.

Nabigu SWC wuxuu yiri Magaalada Madiino dajaal markuu soo baxo Masoo gali karo Makka iyo Madiino laakiin waa soo dul istaagayaa kadibna wey gilgishaan markaas ayaa Munaafaq oo dhan kabaxaa, marka hadda Nimankii Khawanada ahaa shacabkii ayaa gilgilay oo Walaahi Xaaji ayaa noo cadeeyey in gacmuu ay gariireen kadibna sidii Tuugo la qabtay ayey cagaha wax kadayeen!.


(Ibraahim dheere oo la fadhiya dhiig yacab Meles Zanewi xiligii uu ku qancay Qodobka 39 ee gumaystayaasha Itoobiya, gumaystayaashii uu noosheegi jiray in ay Masaajidkii Harar ugu weynaa ama Masjiddkii Afaraat ee Muslimiinta Caalamka ku dulkaadshay kadibna Kaniisad ka dhigay illaa haddeerna Manaaradihiisii ayaa ka taagan Masaajidka oo ah Kaniisad, Waa kaas Wadaadkii Taariikhda Harar noo duubay Qodobka 39 ee Dastuurka Itoobiya ku qancay!.)

Gob-Islam Iyo Fariinteeda ku aadan Dadka Baraaruga Islaamku Gaaray!.

Golaha Baraaruga Islaamka Waqooyiga America iyo Yurub wuxuu u mahad u celinayaa Allah Subxaanahu Watacaa, kadibna wuxuu Umadda Soomaaliyeed inteeda Cilmiga leh iyo Garaadka u sheegayaa kuna dhiira galinayaa in Qof kasta Allah dartiis uu u difaaco Diiinta Islaamka, Muslimiinta iyo Dhulalkooda gumaysigu xoogga ku haysto. Walaalayaal ogaada Muslimiinta oo la jeclaado waa qayb kamida iimaanka!.


(C/raxmaan Sheekh Cumar Imaamka Masaajidka Abuubakar oo Safiirka Maraykanka la fadhiya Masaajidka dhexdiisa, waxaa laga codsaday Kaamiro in lagu xiro Masaajidka si Villa Soomaalida Rag jooga la iskugu xiro isla markaana dagaalka Maraykanka ay ka qayb qaataan, wuxuuna yiri C/raxmaan diyaar ayaan u nahay in aan ka qayb qaadano waxaana nahay Culimadii Soomaaliya ugu waa weynaa xabadka ayuu garaacay!, goobtaasna waxaa lagu afla gaadeeyey Al Mujaahid Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Safiirku caayey, kadibna Ina sheekh Cumar ayaa madaxa ruxay si Nin u riyaaqay, Ninkii aan Waaqica la socon cadowgiisa iyo kan Muslimiinta ma yaqaan!)

Walaalayaal ogaada Muslimiinta Qofka jecel ma dacaayadeeyo, Gaalo ogama hiiliyo, lama Qoslo, Cadowna uma dhiibo!, Ninkii maantay Wadaadxume Diintiisii ka tanaasulay ee Gaalo la saftay Sheekhnimo u dabafadhiya ha ogaado in Allah Diintiisa iyo Muslimiinta Wadaadxumayaal ay kala qiima bateen Ilaahayna uusan u baahnayn oo uu Qani ka yahay Qofkii aan Diintiisa difaacin.


( C/raxmaan Sheekh Cumar Imaamka Masjidka Abuubakar oo la taagan Wakiilka Meles Zanewi Abdi Ilay, wuxuu gacanta ku hayaan Bushqad Lacag ah oo sooryaa goobtu waa Hotelka Marriot City Center Minneapolis!, Nin aan waaqica la socon waa Nin aan Aqoon Cadowgiisa!)

Sidoo kale ha ogaado Allah Ninkii qiimayn waaya in uu Jahanamo uu galayo, Allah Subxaanahu Watacaalaa Qofkii u hiiliya Diintiisa iyo Muslimiintiisa waa u gargaarayaa Qofkii Allah aan u hiilinna wuxuu Allah ku badalayaa kuwo Allah iyo Diintiisa jecel oo aanan noqon doonin kuwo Wadaadxumayaal Diintooda ay fitneeyaan iyo Nin dano u gaara Diinta Allah ku burburinaya.


( Ragga sheegta Culimadii iyo Ducaadii Al-ictisaam oo fadhida Hotel Marriot City Center Minneapolis, Cashadii Wakiika Meles Zanewi Abdi Ilay!, Nimankaas sidaas Cashada xaaraantaa u daaqaya ee Meles, ayaa Culimo iyo Ducaad sheeganaya, kadibna Mujaahidiinta dacaayadaynaya! Nin aan waaqica la socon waa Nin aan Cadowgiisa aqoon)

Ugu Dambayntii Ikhwa Diinta Allah oo loo gargaaro waxaa kamida cadowga Diinta Islaamka oo la fashiliyo shirqoolada iyo Shirarka khawanada oo la fashiliyo, Ogaada Nabigu SWC in uu Saxaabadiisa u diri jiray in ay soo dhagaystaan kuwo shirqoolada la maagan Muslimiinta si dhagartooda iyo sharkooda looga digtoonaato.


(C/rashid Aabi oo Kamida Guddiga Masaajidka Abuubakar Sadiiq oo Calanka Itoobiya ka hoos khutbaynaya, Minneapolis xili InaAbdi  Ilay Wakiilka Meles Zanewi soo booqday, Nin aan waaqica la socon waa Nin aan Cadowgiisa Aqoon!)

Hadda ikhwa I Phone kiina iyo Aalat kasta oo aad isticmaali kartaan adeegsada Il gooniyana ku fiiraya shirqoolada iyo Muxaadaraadka ay ugu gargaarayaan Gaalada Culimada Inxiraafku kudhacay ee looga maara waayo in ay ka haraan Gaalada sharaftoodana soo ceshadaan, hadalkasta oo ay dhahaan waa in Icraab la saaraa oo aad soo gaarsiisaan Muslimiinta sida Saxaabadu yeeli jirtay!.


(C/raxmaan Sheekh Cumar oo Sharif Murtad Hoosta oga jiray xili uu Minnesota yimid, Masaajiddanaa uu yiri Sharif Murtad daroogo ayaa lagu gadaa oo uu towxiidka ka waday, xiligaas waxaa difaacay C/raxmaan Sheeh Cumar, NIn aan Waaqica la socon waa Nin aan Cadowgiisa Aqoon1)

Gob-Islam

Golaha Baraaruga Islaamka Waqooyiga America iyo Yurub| Dhagayso Ibraahim Dheere, Abu Fadli iyo C/raxmaan Sheekh Cumar oo la Cayrsanayo, MP3 Halkaan Riix Ama Guji|

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.


(Isha Masawirka File Google)

Golaha Baraaruga Islaamka Waqooyiga America Iyo Yurub| GOB-ISLAM|

Somalimidnimo.com

24 Responses

  1. mohamed says:

    ictisam down down ibrahim dheere down dulli ilahay ha bado ninkii diinta ka hiiliya

  2. Ahmed yare says:

    Takfiir Allahu Akbar beenta iska wada ILLAAH baan idin raacinay

  3. Abdullahi says:

    Al-shabaabeey intaas xajineyso malaayiintaas imisa ayaa rido iyo gaalo ah?

  4. kadabaa says:

    ascwrwb
    wxaan salaamayaa dhamaan bahda Gob-islam, iyo walaalaha muslimiinta ee aduunka dacaldiisa kala jooga

    salaan ka dib, waxaan hadalkeygya yahay Ictisaam waa eray carabi ah
    afsoomaali waxa uu ku yahay “ku xirnaan” ama ku xidhnaan”

    culimo ictisaam.. =culimo ku Xidhan..maxay ku xidhanyihiin? su’aashaa jawaabteeda hadii isku dayo waxay noqoneysaa..1.waxay ku xidhanyihiiin Dadka ama dowladaha ka soo horjeeda Jihaadka iyo isku xukunka shareecada islaamka, sida kenya,ethiopia, iyo reer galbeedka, in ay ku xiranyihiin kuwa culimo sheegta waa ogtihiin waxay tagey bashiir salaad ninka lagu magacaabo oo ah horjoogaha kuwa ku xidhan reer galbeedka. magaakada addis abeba,

    walaalaha soomaaliyeed ee jecel diinta ,dalka iyo dadkooda, erayga “kuxiran” u fiirsada
    waxaa ka haboonaan lahayd in ay ku xirnaadaan kuwa diinta u gargaaraya..
    allah weyn dadkii aaminaa awood leh,Geeri waxay dhibeysaa gaal iyo dab-dhilif horboodaya oo dhuuni qaada,,
    waxaan ka sugeynaa kuwa diinta iyo xaqa qarin in indhaha furaan oo ay ogaadaan in u soo noqdaan dhinaca xaqa jiro

    Maanta waxaa iska soo horjeeda Xaq iyo baadil
    allah ha soo hanuuniyo amiin amiin amiin oo safka walaalaha dhaqdhaqaaqa dadka dadaalayaasha diinta in ay kor noqoto ku soo laabta..
    wa bilaahi towfiif

  5. Somali Salafi says:

    Asc wr wb
    -
    SUBXANALLAH
    -
    -
    ICTISAAM MA SAAN AYAA U DANBEYSAY
    -
    -
    Waa Koox Cisaabo ah (Gangs)
    -
    1- Ibrahim dheere ( ninki Muslimiinta gaalada u gacan galiyay)
    2- Abu fadli ( ninki xaday Muxadaradi Sheekh Salax fawzan)
    3- C/raxman sheekh Cumar (Ninki safiirka Mareykanka la shiray)
    -
    Gangs noocas ah bal ka waran hadi ay Micriphone ku so qaatan
    O ay raban iney Xajka gudahisa kugu wacdiyaan kkkkkkkkkkkkk
    -
    Waxan ku qoslay Tendhadii buuqa ka jiray
    Nin baa lahaa MEEQO QOF AYA RABTA INEY SHEEKHA DHAGEYSTAN
    Muxadaro vote lo qaadayana maanta igu horeysay lol
    -
    Ictisaamow is dabaqabta intey gorgor tahay
    Intaan iyo wax ka darana wey idinku so socdaan
    Hadadan ILLAHEY u toobad keenin,Mujahidintana aadan nabad galin
    -
    To: Ustad Dalboon
    -
    Akhi marki hore waxan moodayay inaan dhageysanayo buuqi dhacay keliya
    Lakiin Runti markan Codkaga maqlay aad ayan ugu farxan
    Iyo sida hufan ee ad wareysiga ula yeelatay Xaajigi
    Mida kale waxan kugu mahad celinaya
    Sida Iclaamkaga u sareyo iyo sida aad Wararka Xaqiiqada ah u so tabiso
    Ilaa Xajka ayey wariyayaal ku jogaan Masha ALLAH
    -
    Ustad Dalboon waxan ka baqaya
    Hadi wadaad Ictisaam ah isaga o jidka maraya u kufo
    In u horay ka kaco o u isyirahdo
    WAR MEESHA KAKAC YUNA DALBOON KU SAWIRINE lol
    Next day na u somalimidnimo so booqdo
    In Sawirkisa la so galiyay iyo in kale

  6. Abu Salama says:

    Ascwrwb ya ikhwa…
    ikhwani waxa jirta wax laga xishooda oo aan afka la so marin ama walalkaba loo quudhin lakin dadka waxay ka gadhay xata inay wadadadii cirdigoda iyo sharaftodi lagu xadgudbo. bilaahi calaykum ma cadalad baa inad dad akhyara ama culimo ah aad ina hebel iyo abu naqis ugu wacdaan? hadi aad afrad is haysan ama wadaad/sheykh is haysan, ma diin iyo cadlad baa in cirdigisa la baneysto o wixi la doona lagu yidhahdo. Alle halaga baqo, oo cadalada yan laga tegin, aslubta radinta yan lagu xadgudbin. jaceyl ama naveyb ad shakhsi ama jamaco u qabtan yaney idin mara habaabin oo aad aney meel an ficnayn idinka ridin.
    umaleyn maayo in qof Alle ka cabsanaya, diin leh, ehlu caqli ah, xishood iyo asluub ay ku jirto, walaaltinimo iyo islaanimo dhawraya inuu waxa aad soo qoraysan oo ku hadli lahaa ama soo qori lahaa. war Alle u laabto oo wa lays weydinaya waxa aad qoraysan ama soo sawiraysan, intan malintasi iman Alle ka baqa, oo xishoda oo iska daaya inad soo qortan waxa qof yar iyo mid wayniba ka xishoodo.
    hadi an cid ku gefay, fadlan iska kay cafiya. wa bilaahi tawfiiq

  7. Abu Muscab says:

    Shabaab sida xayeysiiska loo duubo aad ayaad u taqaanaa sababtoo marka xayeysiis laduubaayo ayaan la isku keenaa dad badan si ay u buuqaan marka waad ku mahadsantahay xayeysiiskiina

    Qofkii dilay Dr ahmed xaaji c/raxman (allaha u naxariistee) allaha fashaliyo

  8. cabdi says:

    cagtii joogsan waydaa marbay ceeb la kulantaa..

    halkaasaa udanbayn ninkasta oo iibsada diintiisa iyo dalkiisa..
    halkaasaa udanbayn nin kasta iyo koox kasta oo gaalo hoos orodda mujaahidiinna cayda….

    ilaaahoow diintaada nagu sug …ilaahoow soo hadee kooxdaa luntay ee ictisaam…..aamiin….

  9. Abdirisaq says:

    Asc wr wb. Dadka mar welbo la so tagan culimadi ayaa wax laga shegeya waxaa wangsn in lagu xirirnaan ashkhas goni ah keli ah kutubka Alle iyo sunida nabi muxamad Csw wayo shekh wu gefi karaa wuna xuman karaa wuna dhiman karaa marka qof jceyl yeysan xaqa idin ka lexin qofki ciribtisa danbo kulabtan asi ubey dhibeysa dadka manta laheystan xaqey yaqanen ayey ka amusen dadki wadeyna wey u didanyihin marka u hiliya dadka dinta alle u tagan noqdana dad ku xiran dinta alle iyo dadka haqa sheqa xanoqonina dad shekh khas ah ku xiran ama ashkha intii gefsan xaqa allaha wafijiyo qof walbana wu gefaa lkn kuwi gefkoda garta allaha ha naga dhigo kan toba kena, walal Somalimidnimo waxan leyahay xaqsidan u grabtagnada Allena ha idin xafido Asc

  10. cubtan says:

    asc
    Yaabka yaabkiis sheeko ma halkaasay gaartay iyo in laysku aakhiro seego!

    Waxaan ku talin lahaa hadday arintu sida aad sheegteen u dhacday qolada xujayda ah ee arbushaada iyo buuqa gaysay dhulkii barakaysnaa isla markaasna ku buuqay duyuufu raxmaanka, ha soo celiyaan xajkooda Rabbina cafis ha waydiistaan iyo waliba culumaday dhibeen maxaa yeelay xajka waxaa loo aadaa in la helo xaj mabruur ah wixii danbi ah oo horay loo galayna xalay dhalay laga noqdo, ee looma tago in dhib hor leh la soo kororsado. akhriya Ilaah qowlkiisii ahaa “الحج أشهر معلومات فمن فرض فيهن الحج فلا رفث ولا فسوق ولا جدال في الحج” البقرة
    Midda kale yaa idiin xilsaaray shaqadaan noocaan ah ee ah inaad ku sallidan tihiin adoomadii Ilaah xataa hadday baytkii Ilaah marti ku yihiin? Ma Raqiib iyo Catiid baad is moodeen? War nimanyahow cagta dhulka dhiga oo danihiina raacda, naftiinaana saxid idiin ka baahane una daaya Ilaah adoomadiisa. Allow ma idin la taliyay waa haddii dhagihiinu wax maqlaan!

  11. Abdinassir says:

    ASALAAMU CALAYKUM.

    CAJIIB WAR MAXAA KU DHACAY IBRAHIM DHEERE? MA SHABAAB BA WAXAH SAAS U GALAY WADAADKII WEECDAY? MISE WAA ONLF! WAR MAXAY SAAS OGU GALEEN WADAADKA.

  12. abuu , maxmed says:

    walee waa calamadihi lagu yaqaanay takfiirka in kumaanan xaineyso wax laga sheego xajkooda ilahayoow waaad u jedaaaa nimankaan la bnaxay shahaab waxeey raabaan ineey xajka xataa nagu dilaan oo dhiigene xalaaalsadeene iyalahay naga qabo rabiyooow amin dhah yaa muslimiin

  13. Waxgarad says:

    Waa tusaale kale oo ku tusinaya kacdoonka ku wajahan. Aduunyada ayaaba iska gashay kacdoon iyo Thowra.
    -
    Markii ay thuwaartu mudaaharaadayeen, madaxda Carabta, waxay dhihi jireen, ‘Shacabkeenow waan fahanay risaaladiina’.
    -
    Dabcan ma aysan fahmin risaalada oo hadii ay fahmi lahaayeen, waxay ahayd, “Ashacbu yuriidu isqaadha nidaam…” repeated.
    -
    Laakiin madaxdu dhankooda yabooh iyo waanu fiicnaani bay ku celcelin jireen.
    -
    Hadaba ma fahmi doonaan nimankan in thawaartu Somaliyeed ay leeyihiin fariin cad.
    -
    “Albaraarugu yuriidu isqaadhal Ictisaam”.
    -
    si lamid ah sida ay dhawaaqida carabtu u fahmi waayeen fariintii shacabka, ayeey iyagana fahmi la’yihiin kacdoonka ku faafay tan iyo tendhooyinka MIna!
    -
    Markaasay leeyihiin culimada ha la ixtiraamo, culimada ha la difaaco….
    -
    oo yaaba kuu qirsan, isqaadhkaaga ayaaba ah hadafka loo socdee.
    -
    Waxaan shaki ku jirin in maalin uun ay iska tagi doonaan, sida madaxda carabtuba u tageen, laakiin waxaa jiri doona kuwa sida Qadaafi cidayaha ku dagaalami doona, iyo kuwa muraawaqayn doona sidii Ali abdalla Salax.
    -
    Waxaanse anigu ku baaqayaa waxaad samayndoontaan bari, maanta iska sameeya, si loo kala nafiso, ileen Mubaarakba Adoomaha illlaahay iyo dhulkuba waa ka raaxaysteen!
    -
    ‘Irxal, irxal yaa Ictisaam, Albaraarugu maa yuriidul Isltislaam…!’

  14. Abu 3ammar says:

    ikhwaan waan aqaan odayga ka qayliyey muxaadaradii ibrahim dheere, waa oday 65-75 jir ogaadeen ah oo onlf taageera wuxuu daganyahay Mareekanka hadanah wuxuu ku suganyahay England, hadaad rabtaan teleefankiisa waan hayaa……

  15. caaqil says:

    ictisaamka nimankaan kuqaraabta waakadareen markaan ee kiilakulmoow xanuunji kolaad candhuuf kutuftaan

  16. umu mumtaz says:

    Subhanlaah laa ilaaha ilaa anata war tana ma danbaysay ma hadaa hajkana in la isku daagalo inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. War sheikh ibrahim lagaray war kiisu waa cadyahee kuwa kale maxaa lagu haystaa teeda kale dalboon adiga prediction aad samaynayso aad leedahay ilahaybaa nacay culumadaa war ilahay ka baq dalboonow
    Walee fitantan socoto ilahay ha naga badbaadiyo war hajka sanadgasta ina la isku laayo waa la sheegay walee tolow maxay raadsadee dalboon keep going meentadaa sheegayso adna iyo umada somalida kala guraysid adoon diin u lahayn ilahay ha ku soo hanuuniyo dalboon wax kaloo dhaho maleh

  17. lafoole says:

    Ibraahin dheere –Melez iyo Maraykan ayaa cajibiyey oo uu ciziga iyo sharaf karaadinayaa.

    waa arrinta wadaadada aan daacad ka ahayn diintooda lagu yaqaan inay gaalada qadariyaan ilaahay iyo rasuulka iyo kitaabka iyo muslimiintana liidaan.

  18. Adoon Ilaahay says:

    ASC. Alshabaab waa dhunsanyihiin, laakiin qofkii ilaahay hunuuniyo unbaa hanuunsami. Dadkan sidey rabaan u hadlayaan xagey ka imaadeen. dad diinta soo arki jiray soo kuma jiraan. Dadkan waxaad moodaa dad hada soo islaamay oo lalumiyay inay yihiin oo wixii loosheego uun sheego. maxaa yeelay dad wax garanayo haday yihiin sidan fowdhada ah ooma dhaqmeen. Laakiin shibka dheh iyagaa runta soo taaban doonee

  19. Allamagan says:

    TO WAXGARAD:
    akhii waxaad isku xirtay wax aan haba yaraatee is qabsan karin, maxaayeelay shacabka carabta ee ka cay waxay doonayeen inay iska dulqaadaan nidaam faa sidda ah oo in badan xukumayay dadka, ogow waxa kacayna waxay ahaayeen shacabkii oo dhan, wadaado, aqoon yahan rag iyo dumarba.

    Waxaan markaa kuweydiiyey waxaa tiri Albaraarugu yuriidu isqaadhal Ictisaam” mARKA AAN KUWEYDIIYE baraarugu maxawaad ula jeedaa shabaabka ileen shacab hadda kacsan oo shabaab taageerayaa oo kumanaan ah nooma muuqdaane, al ictisaamse ma nidaam meel haysta oo la tuurayaa, waa wadaado aan waxba haysan, meelna xukumin siday aniga ila tahay, maxaa markaas aad ridaysaa oo aad ka hadlaysaa, horaybaan in badan uga doodnay oo aan idin iri waxaa aad idiinku dhacay shaki alictisaam la yiraahdo., markaasaa humaagii idiin baxaba waxuu idiin noqonayaa alictisaam.

    teeda kale waxaad soo guuriseen buuq inuumeesha ka dhacay oo dad qayliyey waa sidaad hadalka udhiogteene, marka miyaanay mudnayn inaad dadka qayliyey unaseexaysaan oo ku tiraahdaan FALAA RAFATHA WALAA FUSUUQA WALAA JIDAALA FIL XAJ, mise akhii waa la jiifiyaana banaaan, indha la aan urur lagu taageeray iga dheh???

  20. qowdhan says:

    -
    muslinnimo nimaan kugu dhaafeen muumino khaalisa
    gaal maxasta kuu dhowroo magansataa dhaama.

    -cali jaamac haabiil.

  21. a/c salaan sare ilaahy khayr hasiiyo walaalaha web kaan

  22. muse says:

    Xajku soo mahayn baytii xurmadalaahaa ee xataa ugaadhiisa aan lataabanin, Hadaad noosheegisaan miyaa inaydaan xajj utaginee inaad soo dagaashaan utagteeen. Wixiina ictisaam kawaynee, Maalinta danbana intaa isku soo qarxisaan xaajka baad ku faani doontaan.
    Subxaanalaah.

  23. ibnu mohamed says:

    as cl wr marka hore waxaa fiican qofka qoraaga ah inuusan ka tagin xushmada iyo inuu ilaaliya anshaxa iyo dhaqanka wanaagsan ee laga rabo qofka qoraaga ah. caydu ma banaana waana xaaraam diinta islaamka xataa qofku haduu qaldan yahay miyaa la caynayaa. waxaa fiican qofku inuu isasaxo asagu marka hore kadib dadka wax u sheeg. \
    قال الشاعر: ياأيها المعلم غيره هلا لنفسك ذا التعليم

Leave a Reply

© 2011 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS