
ALFURQAAN:- Idaacadda Islaamigaa ee Alfurqaan ayaa Jamcahaan Barnaamijkeeda Diiradda Jamcaha ku marti galisay Culimo Awdiinka Soomaaliyeed ee ku sugan Wilaayaadka Islaamigaa ee Soomaaliya iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ku sugan Yurubta iyo Maraykanka.
Barnaamijka waxaa ka qayb qaatay Sheekh Nuur Macalin Xafidahullah, Aqoonyahan Yaasiin Garaad oo ah Aqoonyahan ka baxay Jaamacadda Gobalka Minnesota ee University Of Minnesota, Aqoonyahan Suldaan Maxamed Ibraahim Garyare oo asna ka baxay Jaamacadda Stockhom ee Sweden, waxaa kale oo Barnaamijka ka qayb qaatay Aqoonyahan Saxaafadda qaabilsan Axmed Dayib Mursal.
Barnaamijka waxaa isku soo duba riday kana qayb qaatay Suxufiinta Warbaahinta Islaamigaa ee Soomaaliya ugu cad cad isla markaana leh Aqoon diineed iyo mid maadi lana socda Waaqica ka jira Caalamka. Barnaamijkaan waxaa lagu lafa guray Hay’adihii laga cayriyey Soomaaliya iyo Xaaladda wadanku hadda marayo. Macluumaad kale oo aad u xiisa badan ayaa ku jira laakiin idin sheegi mayno!.
Dhagaysi wacan MP3 Halkaan Riix Ama Guji|
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
ISha Barnaamijka Idaacadda Islaamigaa ee Alfurqaan
Somalimidnimo.com











































