Akhri Wakaalad Cusub Oo Ku Soo Biirtay Warbaahinta Islaamigaa Luuqadda Carabigana Ku Hadlaysa (شهادت الإخبارية)


MUQDISHO:-
Waxaa Warbaahinta Islaamigaa kusoo biiray Warbaahin Cusub oo ku hadlaysa Afka Carabiga, Wakaaladdaan waxaa magaceeda la dhahaa (شهادت الإخبارية) Wakaalatu Shahaadaad Al Ikhbaariya. Cadadkii koowaad ee Wakaaladaan  ayaa soo baxay Bisha Safar 15 Sanadka 1433 ee Hijriyada, tan miilaadiguna tahay Janaayo 10 Sanadka 2012.

Wakaaladdaan ayaa aad oga warbixisay Wilaayaadka Islaamigaa waxaana loogu tala galay, Culimada, Ducaadda iyo  Muslimiinta ku hadla Luuqadda Carabiga.

Maxay Wakaaladdu Ka Hadashay?.

Wakaaladdu waxay ka hadashay duulaanka Saliibiyiintu kusoo qaadeen Wilaayaadka Islaamigaa sida Magaalada Beledweyne,
Weeraradii lagu qaaday Ciidamada Saliibiyiintaa ee Kenya kana dhacay Magaalada Qooqaas. Maxkamada Radul Madaalim ee Xarakada Al shabaab  iyo howl galkeeda.

Qisooyinka ama Taariikhda soo jireenkaa ee Saliibiyiinta Kenya duulaanka ay ku hayaan Muslimiinta Soomaaliya ayey Wakaaladdu wax ka qortay!. Wakaaladdu waxay ka hadashay Ciimada Jabuuti iyo Weerarada Qaraxyada ah ee loo dhigo cadowga.

Wakaaladdu waxay xustay Odayaasha Beledweyne oo shacabka ugu baaqay in ay difaacaan hirgalinta shareecada Islaamka, Mushrikiinta oo dhuusamareeb oo weerar lagu gaaciyey.

Sheekh Cali Maxamuud Raage Afhayeenka Xarakada Al shabaab Al Mujaahidiin oo kulan khaasa Wakaaladdu la yeelatay!. Insha Allah dhawaan filo Wakaaladda iyo hormarka Warbaahinta Islaamigu samayso.

 Wakaaladda PDF HALKAAN RIIX AMA GUJI 

Maxamed Xaamud
Somalimidnimo.com 

3 Responses

  1. xagaleey says:

    maasha allaah,waa horumar loobaahnaa.

  2. asc all aad ayaad u mahadsantihiin .somalimidnimo.com walaalaha doonaya link ga web ka waa http://muslm.net/vb/showthread.php?t=466888 wa sc wr wb.

  3. Abuu fatima says:

    Way diiya geesood wuxuu shalayto gaar siiyey
    Gaf inay ahayd iyo afxumo godobna siidheere
    Gaaljecel miyay wada yihiin guran majaaniina
    Ama uu gadaal uga noqdaa gacalku feen feenan
    Waa gaan Hawiyuhuye haduu godobka faalooday
    Go,yaal shaala saw inu baxshaa garu masheegayso
    Godob reeb ayey mudan yihiin gaanku weeraraye
    Bal inuu gartaa yeelayiyo waydi godobtiisa

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS