boqol maalin kadib Kenya maxay kadhaxashay Duulaanka Soomaaliya(waraysi lala yeshay afhayeenka Xarakada)

Xili ciidamada Ciidanka kirishtanka Kenya maalintii boqol iyo afaraad  ay ku jiraan Deegaano katirsan wilaayada Jubooyinka iyo Gedo ayaa mujaahidiinta Soomaaliya waxa ay kahadleen halka uu kudanbeeyay dardartii iyo cartankii ciidanka Kenya xiliga ay soo galayeen gobaladaasi.

Shiikh Cali Maxamuud Shiikh Raage (Cali dheere) oo xalay waraysi gaar ah siiyay idaacada Andalus ee ku hadasha afka xarakada mujaahidiinta Al-shabaab ayaa sheegay in Ciidamada Nasaarada Dowladda Kenya xiligii ay kusoo duulayeen qayb kamid ah wilaayaatka wadanka Soomaaliya ay isbadeen kibir,handadaad joogta ah taasi oo dhamaadkii noqotay inay kawalaacdo xaalada jaha wareer ee kusugan yihiin ciidamadooda kusoo duulay wadanka Soomaaliya.

Shiikh Cali ayaa sheegay mujaahidiinta Soomaaliya oo kaashanaya Alaah iyo shacabka Soomaaliyeed ay jilbaha udhigeen cadowga kirishtanka Kenya ee sida gardarada ah ugu soo duulay Jubooyinka iyo Gedo.

Afhayeenka Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa sheegay Ciidamada Kenya ee in ka badan boqol cisho kusugan goobaha ay soo galeen bishii October ee dabayaaqadii sanadkii tagay ay hadda katilaabi Karin,iyagoo lakulmaya dagaalo xoogan oo kaga imaanaya shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka xarakada ayaa kusoo aadaya xili ciidamada Kenya ay yihiin kuwa ku guuldaraystay qorshahoodii ahaa in gacanta ay kudhigaan magaalo madaxda jubooyinka ee Kismayo.

waqtigii ciidamada Kenya Soomaaliya ay soo galayeen ayaa xarakada Al-shabaab waxaa ay kaga digeen Dowladda Kenya ciidamadooda inaysan kusoo xadgudbin wilaayaadka laga hirgaliyay shareecada Islaamka.

Kenya oo taageero afka ah ugu heshay  weerarkooda dalalka gaalada ayaa dhagaha kafureystay hadalka Al-shabaab taasi oo haatan ay gocanayso digniintii kol hore ay ujeediyeen aqoonyahano Kenya udhashay iyo xarakada mujaahidiinta Al-shabaab.

Soomaaliya inta aysan kusoo duulin Dowladda Kenya wadankeeda kama aysan jirin wax amni xuma ah laakin hadda oo boqol maali kabadan Soomaaliya ay kujirto wadankeeda waxaa kadhacay qaraxyo garneelo loo adeegsanayo iyo weeraro toos ah oo lagu qaadayo ciidamadeeda iyo saraakiisha Dowladda.

Xarakada mujahaidiinta Alshabaa ayaa xiligaan waxa ay gacanta kuhayaan ciidanka maxaabiis ah oo katirsan dowladda Kenya,kuwaasi oo ay kasoo qabteen howlgallo ay kafuliyeen dhulka xooga looga haysto umada Soomaaliyeed.

Cabdicasiis Shureym

somalimidnimo.com

7 Responses

  1. Umu~haytham says:

    Allahu akbr horaa lagu yiri kenya(kenya warmogey somalia wa qaburaha silibiyinta)kenya wali la isma garin howl way kula bantahay ad ka qaylisid bi idnilah

  2. mohamed says:

    Shacabka dalka Burundi sidee u arkaan ciidamadooda ku sugan Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya?

    Burundi waxaa uga dhintay dagaallada ka socda Soomaaliya laba jeneraal oo mid ka mi ah ay diyaaradi lasoo dhacday halka midka kalena lagu dilay weerar ismiidaamin oo Al-shabaab ay ku qaaday xarunta ay AMISOM ka daggan tahay Muqdisho.

    Haddaba, shacabka Burundi sidee u arkaan hawlgalka ciidankooda ku sugan Soomaaliya? Wariyaha BBC ee dalka Burundi, Prime Ndikumagenge ayaa shacabka ku nool Bujumbura kasoo ururiyay rayigooda ku aaddan arrintan.

    ***** Uma maleynayo in ciidanka Burundi ay Soomaaliya nabad kusoo celin karaan. Xitaa Mareykanka ayaa ku fashilay. Inkastoo ay dhab tahay in Burundi gacan lagu siiyay inay nabad ka dhaliso Soomaaliya, haddana waxay ila tahay in colaadda Soomaaliya ay ka gun-dheer tahay sida la moodo. Marka la fiiriyo tirada ciidammada Burundi ee illaa hadda ku dhintay dagaalka Muqdisho, waxay u muuqataa in ciidankeenna ay ku maqan yihiin hawl is-biimeyn ah oo aysan ka badbaadi doonin.

    ***** Waxaan cabsi ka qabaa in askartu ay ku faraxsan tahay inay Soomaaliya aadaan, iyadoo sababtu ay tahay lacagta wanaagsan ee ay qaadanayaan. Qof aan xidid nahay ayaa ku jira guutada aadi doonta halkaas. Haddaan awoodo waan ka joojin lahaa inuu baxo, sababta oo ah, qaar badan ayaa ku dhintay dagaalkaas.

    **** Ra’yigu ma xuma, laakiin waxaan cabsi ka qabaa in Al-Shabaab ay sii laba laabto dagaalkeeda sidii Al-qaacida. Dadku waxay yiraahdaan Afrika ayaa nabad ka dhilinaysa Soomaaliya. Waxaa la is-weydiin karaa, sidee Afrika nabad uga dhalin kartaa Soomaaliya maadaama dalal badan oo Afrikaan ahi aanay laftoodu nabad heysan. Kaba billow dalkeyga Burundi. Halkaan maalin walba dad ayaa ku dhinta. Fiiri waxa ka dhacaya Liibiya, markii Qaddaafi dhacay. Iskaba illow Nigeria, halkaas oo khilaaf diimo u dhexeeya dartiis maalin kasta ay masiibo ka taagan tahay.

    **** Ciidankeenna lama weydiinayo inay rabaan inay aadaan Soomaaliya iyo in kale… waa shaqadooda. Marka iyagoo nabad qaba ay Soomaaliya kasoo laabtaan, waa sida mucjiso oo kale. Waa sidii carruur ooyeysa laakiin hooyadood aanay dheg u dhigeyn ooyintooda.

    Dowladda Burundi ayaa waxay qayb ka tahay howlgallada Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya, waxaana kaga sugan Muqdisho in ka badan 5,000 oo askari oo ku sugan saldhigyo ku firirsan caasimadda iyo duleedkeeda.

  3. Abdullahi says:

    Idinka ayaa ku qasbaayo in cadawga wadanka soo galaan. Allah kabaqa nabada qaata ee dowlada lahadla oo heshiis wada gaara. bismilah mucjiso aad tihiin walee

  4. Umu~haytham says:

    C.dulilah hadalkena wa sayfta iyo qoriga caradisa anaga gal iyo gal raac ma lahadalno wayo sharafta aya naga bidayso kuwa leh wadada hadal an diyar unahay wa kuwa siyasad wato haday runshegayaan galada wadanka hakasaaran kadib gogol haso fitsadan sayetena galkeydan kucelinenaaye

  5. bismilah waxan leyahay kenya kama adkanaysan nin alaah kashanaya waligiin ee doqoniimada gula noqda guriginii waxleyay burundi iyo uganda calooshoda uu shaqaystayal maxad ku dhimanaysa waa itobiya qadhmuunwan waynu isnaqana markuu bakhtikiinu bato wad bixitaqanaan waa kuwa somalida ah ee galada lasafan war waxad ladagala maysan wa walaalihiin iyo shacabkiini dawladaha galaduna way bixidoonaan oo majogayaan somalia waxa laysu bahaysanayana waa walaalihiin muslimiinta ah waxa kaga siidaran aakhiira markad dhimato oo naftu ka baxdo walugu waydiin maxad uu soo dhimatay waxad dhimatay adoo galada lasafan waxad ladagala maysay muslimiin donaya inay shareecada islaamka wadan ka kuxukumaan waxad difacay say mad hab gaalo oo donaya inay wadanka kuxukuman dastuur aay gaalo dajisay iyo waxay galadu doonayan hadaba khaatumo xumaan haku dhimaan naftaada kabad baadi narta iyo cadabka iyo cadhada allaah alahyoow quluubta muslimiinta isku soo jeedi

  6. asc says:

    jisaa alah ukhdiiiii waa runtaaa

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS