Daawo Aw Jaamac Cumar Ciise Oo Ka Waramay Shirqoolkii Canjeel Talawaa In Uu Nugaal Ka Dhacay Iyo Shirqoolkii Garoowe ( Taariikhdu Ayadaa Isa Soo Celisa Abu Muslim)


MAQAAL:-
Walaalayaal sida aynu ognahay taariikhdu waa fursad loogu tala galay dadka caqliga u saaxiibka ah in ay ka faa’ideystaan  sidaa darteed Qur’aanka Allaah SW, wuxuu meelo badan inoo ku sheegey qisas kala duwan kuwo wanaagsan Iyo kuwo xun si kuwii wanaagsanaa dariiqi ay ku badbaadeen aan u qaadanno oo aan ku  dayanno kuwii xumaana aan dariiqii ay ku halaagsameen aan uga leexanno.

Sidaa darteed Culimada Muslimiintu dadaal dheeraada ayey siiyeen Taariikhda oo waxaa la qorey taariikhihii Islaamka  soo marey dhacdooyinkii soo marey muslimiinta si looga faa’ideysto oo shalay wixii dhacay kolley way soo laabanayaane aan loogu kufin.

Haddaan usoo laabto geyigeen Soomaaliya waxaan leenahay taariikh dahab ah Caalamka Islaamkana boos fiican ku leh taariikhaheena waxaa ugu muhiimsan Taariikhdii Ahmed Gurey,Halgamayashii ka danbeeyey Sida Sayid Muxamad Abbdallah Hassan, Sheekh Bashiir iyo halgamayaal kale oo fara badan oo soo marey Soomaaliya, kana hor taagnaa cadawga hororka ah ee shacabkaas maskiin ka ah Reer miyigana u badan ka hortaagnaa waraabayaasha doonaya in ay cunaan.

Waqti walba wuu jiraa Siraaca ka dhaxeeya Xaqqa iyo baadilka Islaamka iyo kufriga Damaca hunguri ee ay umaduhu Is damcaan waana sida duur joogta oo kii aan wax iska dhicin waa la cunaa illaa adduunka laga dabar gooyo wuxuuna noqdaa sida Hindida gudgudoodan ee America ku tabaalaysan ama Aboriginal people (Australia).

Umaddeena Soomaaliyeed waxey u dhexeysa cadaw  oo waxeynu leenahay laba xuduudood oo barri ah inta kale bad ayaa inoo ka hareereysan  labada xuduudba waxaa inaka jira cadaw gaalo ah oo doonayana in ay ina liqaan waxeynu nahay dad xero ugu xereysan  cadawgaas, laakiin Allaah wuxuu inaku badbaadshey Islaamnimo iyo Rijaal Halgama oo naftooda u hura sidii aynu  u jiri laheyn inagoo Muslimiin ah.

Halgankaas wuu soconayaa inta Adduunku jiro waana arin uu Allaah amrey adoomihiisa.

قوله تعالى : { وقاتلوهم حتى لا تكون فتنة ويكون الدين كله لله  }

Allaah ayaa ka dhigey Ghaayada Siraaca u dhaxeeya ahlu Xaqqa iyo ahlu baadilka  inta laga weynayo gaalnimo  taasna waa mid aan suura gal ahayn oo Aakhiro zamaanku wuxuu ku dhamaanayaa  Jihaad gaalo iyo muslimiin ah waxaa kaloo uu qiyaamuhu dhacaya reer Room oo dadka ugu badan.

Sidoo kale Rasuulkeennii suubnaa SCW ayaa inoo sheegey in marnaba aan la weyneyn  koox la dagaalanta cadawga (gaalada iyo gaalo raacyada) waxaana magaceeda lagu sheegey Daa’ifah mansuurah sidaa darteed haddii umaddu isdhiibto oo cadawgeeda ay qoorta u dhiibato kooxdaas ayaan yeeleyn isdhiib oo dagaalamaysaa ilaa qiyaamuhu ka dhaco ayagoo dagaalamaya Allaah waxaan ka baryeynaa in uu kooxdaas inaku daro Aamiin Aamiin.

عن جابر بن سمرة رضي االله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال : ( لن يبرح هذا الدين قائماً يقاتل عليه عصابةٌ من المسلمين حتى تقوم الساعة ) ، رواه مسلم

Intaas Haddaan uga soo dego mawduuca aan rabo in aan is xasuusinno, Walaalayaal waxaad xasuusantihiin shir ama Shirqool in maalmo ka hor lagu soo gabagabeeyey Magaalada Garoowe shirkaas waxaa soo qaban qaabiyey  Gaalada Caalamka ama si gaar ah cadawga doonaya in uu gumeysto Soomaaliya Shirqoolkaas waxaa kasoo qayb galay dadka Gaalada la shaqeeya haddey noqon lahaayeen kuwo Gobollo khaasa u matala  sida Somaliland iyo Puntland ,kuwo Guud sida xukuumadda ay gaaladu u magacawdeen Soomaaliya,Ururro diin sheegta Gaalada gacan saar la leh oo si toos ah ama si dahsoon ula shaqeeya Gaalada Mashruucoodana fuliya Sida Suufiya(Ahlu sunah la baxey) iyo Ictisaam (Farac Ex Itixaad)

Shirkaas wixii kasoo baxey badankood waa la qariyey laakiin intii Inakasoo gaartey waxaa ka mid ahaa:

(1) In Soomaaliya loo dejiyo Dastuur (dabcan Dastuur ku wuxuu meesha ka saarayaa Shareecada Islaamka oo umadda Islaamka laga hor taaganyahay).

( 2) In Soomaaliya dhamaanteed lagu wareejiyo Ciidamada Gaalada ah ee AMISOM si wadanka dhan uu Ixtilaal iyo qawaaniin gaalo uu hoos galo.

(3). In lala dagaalamo Dadka Muslimiinta ah ee dalkooda in gaalo qabsato ka dhiidhiyey.

(4). In Mujaahidiinta meel looga soo wada jeesto dicaayaat na laga faafiyo si umadda loogu diro.

Shirkaan markaan  arkey waxaa kasoo baxey, waqtiga la qabtey Goobta lagu qabtey iyo Cidda qabatey waxey I xasuusisay dhacdo taariikhi ah oo loogu magac darey  Shirqoolkii Canjeel Talawaa

Haddaba Qisada Shirqoolkii Canjeel Talawadaa Muxuu Ahaa?, Xaggee Ka Dhacdey, yayna ku dhacdey?

Halgalkii  Sayid MohamedAbdallah Hassan ee dhexmaray  Nimankii gumeystaha ahaa iyo taageerayaashooda, kadib markii ay u taag waayeen halganka Daraawiish waxay bilaabeen khidad kale oo ay ku waajahayaan Musliminta la dagaalamaysa waxay soo saareen Istaraatijiyad cusub oo ah in Daraawiish sumcadda laga dilo Culimadana lagu kacsho ayagana lakala jabiyo waxaa Ingiriisku tagay Makka oo ah Qalbiga Muslimiinta iyo deegaankii Culimada oo Culimada Muslimiintu Inta badan dhulkaas barakaysan ayay degi jireen ama ka ag dhowaan jireen waxaana joogey Culimo fara badan oo meelo kala duwan ka yimi.

Waxaa Makka laga soo direy 7 Wadaad oo loo direy Muqdisho si ay dadka ugu kiciyaan Sayidka iyo daraawiish, una tusaan in ay yihiin dad aan diin wadin ama diinta si qaldan u fasiraya waxaa kale oo taas dhinac socdey dagaal xaraki ah oo ay kula jirtey Qaadiriyada (suufiyo) oo Soomaaaliya xoog ku lahayd Sayidkuna wuxuu la yimid dariiqa Saalixiyah oo Soomaaliya ku cusub saas darteed dariiqadii qaadiriyadu waxay soo gashey Safkii gumeystaha(Ingiriiska ,Talyaani iyo Itoobiya) sida Ictisaam maanta ugu jiro safka Gumaystaha(Itoobiya,Kenya Amisom Iyo Gaalada Adduunka).

Waxaa kale oo 7 daas Sheekh ay Muqdisho keeneen fatwo ka timi sheekhii Saalixiyada ee Makka Sheekh Muxammad Saalax As-Suudaani oo ahaa sheekhii Sayidka  waxaana fatwadu u qorneyd sedan:

(من هذا الوقت لاأريد أن يكون لي صلة بك وممن معك، وإنك تلقب نفسك بالسيد ولا أعلم من أين جئت بهذا اللقب، وكذالك من أين لك المهدية

Wuxuu yiri:

Hadda laga bilaabo ma doonayo in aan xiriir kula yeesho Adiga iyo dadka kula socda,waxaad isugu yeertey Sayid Mana garanayo meesha aad magacaas ka keentey,sidoo kale  magaranayo sida mahdinimadu kuugu sugnaatey.

Sayidka cadawgiisi ayaa ka fidiyey in uu Mahdi Sheegtey madaama magaciisa iyo magaca Mahdigu is waafaqsanyahiin laakiin arinkaas wuu diidey in aan waxba ka jirin ayuuna cadeeyey Sayidku u diray Sheekhii Saalixiyada Waraaq uu isku bari yeelayo wuxuuna yiri:

( أنا و الله لست المهدي المنتظر إنما درويش من دراويش أو الشيخ )

Wallaahi ma ahi Mahdigii la sugaayey Wax kale ma ahi waxaan ahay Darwiish daraashiishta kamid ah ama Sheekh.

Waxaa kale oo la sheegaa in fatwada Sheekh Muxammad  Saalax loo tiiriyey aysan asaga kasoo bixin ee Rag kale sameeyeen sheekhana khatamkiisii (Stamp) laga xadey ama la koobiyey.

Waxaana macquul ah in Sheekha cadaadis la saarey oo lagu qasbey in uu ka beri noqdo Sayidka iyo xarakadiisa sida maanta Culimo badan loogu qasbo ama loo xiro  xarakaatka Jihaadiga ah dartood.

Waxaa kaloo muuqata Sheekha in loo war xumeeyey oo lagu yiri mahdi buu sheegtey sheekhuna asagoo wax hubsan uu go’aan ka qaatey waxaa badan dadka warka qaldan sheega in ay inta badanyihiin dad Culimo ah oo warkooda run loo qaadanayo sida kuwii isku direy Callaamah Amiir Sancaani,Shawkaani iyo Sheekh Muxamad Cabdilwahaab.

Fatwadaas markii la faafiyey iyo warkii 7dii Sheekh ee Muqdisho loo soo direy, waxaa arintii khal khal gelisey halgankii Umadda, waxayna soo gaartey sufuuftii Daraawiish gaar ahaan Culimadii daraawiish  sida Sheekh Cabdullaahi Qoriyow oo ahaa Nin Caalim ah oo boos weyna ka jooga Daraawiish.

Kadib Shir ayay qabteen Culimadii, shirka waxaa lagu qabtey Geed Canjeel ah oo markii danbe loo baxshey Canjeel-Talawaa tala xumadii ka dhacdey awgeed geedkaas wuxuu ku yaaley deegaanka Nugaal.

Shirka waxaa lagu gorfeeyey Sayidka arinkiisa waxayna ku dagmeen Fatwadii gumeystaha iyo Wadaad xumayaashi Makka laga soo direy kadibna waxaa laga niqaashey Sayidka sidee ka yeelnaa Rag waxay soo jeediyeen in la khaarijiyo Sayidka Ragna waxay soo jeediyeen  in Madaxtinimada laga qaado Ragga badankiis waxay dheheen dili meyno oo dilkiisa cadawga ayaa ku farxaya kadibna warkii Rag baa qaadey oo Sayidki gaarsiiyey Sayidkiina Ciidan ayuu ku kiciyey khaas ah oo Raggii meesha ku shirey wax la diley iyo wax la qabtey ayay noqdeen waxaana shirkaas kasoo baxey wax  aan ciribtiisa la mahdin oo Rag door ah ayaa fatwadaas  ku baxay daraawiish na jab ayaa kasoo gaarey uu cadawgu gaarsiin waayey  11 sano oo halgan ah.

Hoos Ka Daawo Qoraaga Taariikhda Aruuriya Aw Jaamac Cumar Ciise, Idaajaa, Abwaan Yamyam Iyo Rag Kamida Bahda Tixraaca ku samaysay Suugaanta iyo Taariikhda Umadda Soomaaliyeed, hal halmaamin Geeddii Canjeel Talawaa in uu Nugaal ku yaalay waa Gobalka Sh. C/qaadir Nuur Faarax shirka oga qayb galay!.



Maxaa laga shirey Shirqoolkii Canjeel-Talawaa yaana shirey?.

(1) Canjeel Talawaa dadka Shirayey waxay ahaayeen Dad Culimo ah oo Mujaahidiin gumeystaha la dagaalama ah, laakiin ku kadsoomey Fatwada Wadaad xumayaal gumeystuhu ku shaqeysto.

(2) Canjeel Talawaa waxaa laga shirayey in Sayidka oo kaliya booska laga qaado madaama sida loo sheegey qalad diini ah uu galay, laakiin aan Jihaadkana laga tagin gaalada aan daba dhilif loo noqon.

(3) Canjeel Talawaa waxaa looga shirey hogaamiyihii jihaadka in laga takhaluso asagoo wax lagu dhisay Fatwo Gumeysi soo dhisey lagu ridayo.

(4) Shirqoolkii Canjeel Talawaa waxaa kasoo baxay wax halgankiii dhaawac u geystey oo gumeystihina farax geliyey.

(5) Shirqoolkii Canjeel Talawaa waxa sababay Jallaafo cadaw uu dhigay uuna usoo marey Culimo xun xun oo diintooda dheef yar dhaafsatey.

Haddaba hadddii shirkii noocaas ahaa Taariikhdu shirqool ku sheegtey ka warama shirqoolka Garoowe ee qof kasta arki karo muxuu noqonayaa?.

Shirqoolkii Garoowe maxaa laga shirey yaana shirey?

(1) Shirqoolka Garoowe waxaa ku shirayey Gaalo madaw iyo cadaan, Murtadiin Gaaladaas wakiilo u ah,Xarakooyin Diin sheeganaya Danaha gaaladana fulinaya Sida Ictisaam iyo Suufiyo.

(2) Shirqoolkii Garoowe  waxaa looga shiraayey in Jihaadka iyo Mujaahidiinta la baabi’iyo shareecada Islaamkana laga tanaasulo sharci gaalona dhidibaha loo taago gaaladana daba dhilif loo noqdo.

(3) Shirqoolka Garoowe waxaa laqabtey waqti cadawgi Umadda uu jabay Mujaahidiintuna ay guul gaareen sharciga Allaah na ay dhulka ku xukumeen Duulaankii isbahaysiga kufriguna uu fashil ku socdo oo xuduudihi uu soo dhaafi waayey.

(4) Shirqoolka Garoowe waxaa lagu sharciyeynaayey gumeysiga casriga ah ee uu Mahiga madaxda ka yahay iyo in Soomaaliya oo dhan Gumeystaha la gaarsiiyo oo Ciidamada kufriga wadanka lagu fidiyo.

Fiira Gaara!

Waxaad  muhiim ah in aan xasuusanno in goobtii shirqoolkii Canjeel talawaa ka dhacay ay ahayd Nugaal iyo Garoowe meesha Ahlu Tawxiidkii iyo halgamayaashii lagu gumaadey ay ahayd  Garoowe iyo Nugaal maantana meesha laga shirqoolayo halganka umadda looguna tashanayo Muslimiinta halgamaysa waa goobtii.

Sayid Muxammad Allaah haw naxariistee ayaa yiri:

.          Nin dooriyo wixii sheikh la dilay, Culumadii diinka

•         Wixii duubcaddii ay wadhnayd, Bixin duleedkeeda

•         Dooxada Garoowe ah wuxuu haadku, dul u faagay

•         Dirirtii Nugaaleed wixii, nalagu dooxaayey

Mu’arikhiintu ama Taariikhyahanadu waxay dhahaan Taariikhdu iyadaa soo noqota, marka yeynaan shirqoolkaan ugu dagmin sidii shalay loogu dagmey Sayidkii iyo Daraawiish taariikhdaa xustey oo halgankoodii ma khasaarin aakhirona khayr ayaan u rajeynaynaa dadkii shirqoolada kaqayb qaateyna waxay ka dhaxleen dullinimo iyo in magcoodi lumo haddii la maqlona waa la lacnadaa.

Allaah hanagu hanuuniyo tubta toosan Allaah ha nagaransiiyo dibin daabyada cadawgeena iyo acwaantooda.

Wasalaamu Calaykum.

Akhuukum Abuu Muslim

Somalimidnimo.com 

16 Responses

  1. Dhoodimeer says:

    Waa maqaal aad u xiiso badan.
    Taariikhda waa in lugu cibra qaataa. Garowe waa shirqoolkii sadexaad ay martigeliso. Waana kii ugu dambeeyay Insha Allah.

  2. najib says:

    aamiin akhuuuunaa.kuwam garoowe ku shiray kuwii horaaba diiiinta uga dhawaa oo kuwaas waxay ka shakiyeen inuusan sayidku ku taagnayn wadadii nabiga csw ,lkn kuwan quluwi xataa magaline iyagoo xaqii arka ayay gaalo iyo dasaatiir u fatwoonayaan dulli alle ha badee umadii ayay dhaan dabagaale aan diin ahayn u dhisayaan oo ay rabaan in mahiga qabsado wadanka diintana umada ka tirtiro

  3. Sayidku mujahid ayu ahay hadaladisa bal dib u eeg… Lo’dur duura wixi nalaga dhacay dalawidii geela. Ari daad masaalkii ah wixi nalaga sii daayay. Nin dooriyo wixi ladilay sheekh culumadii diinka. Gabdhahey dilaacsheen wuxuu dhiigu dibiqleeyay. Duqow iyo dhallaan iyo waxaan dumar naloo reebin.. Annagu diidi meyno wadbaa daa’in noo qoraye. Ninki dunida lagu daynayaa ha igu diirsado’e…….. Ilaahow umadda xaqqa kusug

  4. Abuu fatima says:

    Cibaaradu canjeel oo kaliyo caaway waa tiiye
    Cabdulqaadir Nur Farax baa caaneheed dhamaye
    Ciiduna Nugaal weeye iyo ceelki bixineede
    Haduu cido nasaaraa ahaa culumo kay raacday
    Ayagoo cimaamada lehbay caaway duuleene
    Oo ay canaan iyo dagaal nagu canjeeleene
    Coodkii markii laga gubee shacabku cayrteey
    Cadcad bay u gooyeen barqadi caalim saahidahe
    Ciida lagama qaadine durbaba duudsi caaq dilaye
    Ictisaam cirooliyo saqiir been cirkaw tuurye
    Runtii oo cadaaniyo xogtii ciida lagu aasye
    Dhiigina calaal looga yeel cido bariiyaahe
    Camalkaa ragii lagu yaqiin caawa dhalay yeelye
    Cidi shalay irhaab lagu xukumay caawin laga doonye
    Caalim kooda goortii ladilay loo calaal dhiige
    Cawa dhalay Faroolana kayeel Aw ciroolaahe
    Cashiiradi darteed hiiliyoo jawr calaal dhiige
    Cuqaaliyo shuyukhiyo Haween cuurki bari joogay
    Cudud waxay kubiirsheen kufriga ciida soo galaye
    U codee mahigiyo wixii caasi gaal yimide
    Boqolsano canjeel oo markale diinta cadawgeeda
    Iyo ciidan gaaliyo shuyuukh cudud is taageray
    Nabsi cirifji bay taagan yiin cidihi soomaale
    Camal kiisu waa buri ninkii diinka cadawgiisa

  5. lafoole says:

    Ikhwani. Gaaladu far madhaajiseen inamana hawaysateen laakiin waxaa taas sahlay soomaida lashaqaysa. somalida Ethipia lashaqaysa ama ugandha ama burindhi ama waxa ay yiraahdaan United shaydaanka mulxid oo dhan uu xubin kayahay. soomalidaas waa inaynu ku kalifnaa inay nebcaystaan inay gaalba agtiis tagaan.

    soomalidaas waa inaan sharciga islaamka latiigsano, somalida gaalada ka soo haraysa waa inaynu walaalhood iyo reerahoodu dilaan sidii saxaabigii aabihiis dilay oo kale.

  6. abuu cabadullaahi says:

    as calaykum
    nasiib daradu waxay timid makii qof walba yiri diin ayaan ka hadlayaa isagoo aan aqoo iyo faham midna u lahayn, sidaas darteed ay arintu noqotay oraahdii ahayd (Qofkii galaa waxaanu aqoonteeda lahayn wuxuu la yimaadaa cajaa’ib).

    abuu faadumo ninka la baxayow waayahaan oo dhan waxaan shaashaadka internenyada qaar ka mid ah ka arkaynay wax gabay u eke ah oo deel qaaf ah oo aad ahlu sharafka ku wasakhaynaysid laakiin waxaad u diyaar garawdaa gabay rasmi ah oo taariikhda kuu gala kuna dulleeya intaad nooshahyna aan kaa harin iyo dhimashadaada ka dibba, sida aad hadda tahay ayaadna ku dulaysantahayba sababtoo ah intii allaah caza wajalla sharfay ayaad shaqo ka dhigatay wallaahi waan dhaartaye inaadan din u gargaarayne inxiraaf ayaa kugu dhacay, ninka aad afka ku taagaysidna waa sh. c/qaadir nuur faarax oo aan ilaahay agtiisa uga rajaynayo inuu ka mid yahay awliyada allaah, uunka ilaahay oo dhanna ay markhaati ka yihiin inta uu diinta alaah u taray, ee bal adigu waxaad tartid daaye intii alle doortay ayaa kaa fakan la’. waxaanse kula sugayaa adiga iyo amsaashaadaba wixii ilaahay ku samayn jiray kuwa awliyadiisa dhiba, aan wada sugno sida xaalkiinu ku dambeeyo, hadda waad isla qumantihiine.

  7. runta fiican says:

    horta ninkaagan abu fadima la baxow bal fiiri meerisyadaan

    Geeraar waa nin wanaajiyo

    Ninuu waraar kaga oodmiyo

    Nin sidayda warkiisiyo

    Wacdigiisa yaqaana

    {Raage Ugaas}

    Uma kiilo maansada siddii, xuud kalluunsada e

    Kasha muran kuyaaleey xikmadu, kilinkilaysaaye

    Kulcubaha xiskay dooda iyo, kiishash laabta ahe

    Faalada kalyaha buuxisiyo, kubada uurkayga

    Kaah iyo iftiinkay baxshaan, kaaxi maan arage

    Kurka gabayga soo muujiyee, sheegidda u kaalman

    Ma kaakicine dhowr goor anigoo, kaalay odhan waayey

    Kud iyo mid karaysa ah afkana, kaabiga u jooga

    Geedada wuxuu kuuriyoo, saabka kuududuba

    Kol hadduu karsamay oo shidmayoo, aad u kululaado

    Lama kaydin karo maansadii, kaayaheed galaye

    Saakana karaamaa jirtee, bal aan tix kaynaansho

    {Dhoodaan}
    Dirqi gabaygu kuma fiicaniyo, waan darooryamiye

    Kaga dayasho door kuma noqdiyo, xaraf la doondoone

    Duxna kuma leh dheef lagu dalbiyo, ugu ducee ruuxe

    Dardarsiintu way u daran tahee, marin-daygaa u roone

    Darsi ma aha la is baro xigmadi, way da’a weyn tahaye

    War waa deeq Ilaah baxshiyo, doobir gooni ahe

    {Dhoodaan}

  8. XASAN says:

    haddiid aad ni ragga tahey oo in loo gabyo oo loo jawaabo diyaar uu ah magacaaga madasha keen iyo tariikhdaada balse
    Cad hadduu carada kaaga dhaco, amase ciidoobo

    - Caqli nimuu ku weyn yahay ma cuno, calafka qaarkiise

    - Anigana caruuraha yaryari, waa iga caynkaase

    - Maxaan Aadan Carab kala hadlaa, caaqil baan ahaye

  9. ABU ANWAR says:

    to: abu cabadulaahi walaal horta allaah kabaq c/qaadir gacameey hadii uu diinta wax usotaray maanta diintii ayuu cadow kuyahay oo cadowgii diinta ayuu lasosaftay anagu gacameey macaabudno allaah ayaan caab udnaa owliyada ilaahayne waa kuwa mujaahidiinta ah ee cadowga hortaagan sidaan urajeeneeno waad lasocotaa mujaahidiintii bari wuxuu kudhigay maxasuusataa wixii mujaahid sheikh qaari meeshaas nogashahiiday yaa sabab u ahaa jawigii lagulaayey maanta mujaahidiinta muwaxidiinta ah muxuu kuhayaa ninyahow wax iskufal barine kabaq midakale hal ayaa kaqaldan qofku lagumaqiimeeyo waxaas ayuu ahaanjiray ee waxaa lagu qiimeyaa hada muxuu yahay taasne qofkasto wuu fahmi karaa sh. Gacameey wuxuu maanta yahay alaahuma yaa muqalibal quluuba thabil quluubanaa calaa dii naka wixii an qalday naftayda iyo shaydaan allaahne haidambi dhaafo wixii an asiibay alaah ayaa kumahadsan iwaafajiyey

  10. Garmaqaate says:

    Waa yaabe, Sayidku reer Bay & Bakool wuxuu ku layn jirey “tusbi” ha oranina ee “tusbax” dhaha. Tolow taasi ma jihaadkii Sayidkay ka mid ahayd?

  11. umu_barau says:

    af nool illeyn hadal ma daayo! sayid ka mujahid ayuu ahaa dad bey meeli bugtaa! oo marki ay maqlaan mujahid xasaasiyada ku kacdaa!!! waa yaabka yaabkiis!!!

  12. Abuu Fatima says:

    Wuxuu kusocdaa dhamaan inta gunuunucaysa oo ku qanci waayey wanaaga oo uu ugu horeeyo midkan xunee goodinaaya halkaan ayaan kusugayaa dhamaan dabadhilif iyo gaal raac iyo culumaa usuuga meelay joogaanba .

    Rag warkiis intaad keeni oo kicin adoon mootan
    Adigoon kadliyo oradka baranways kilkilaysaaye
    Kildhi maran ayaad dawarsataa kuna irsaaq nayde
    Kisba maanka kama haysid iyo caaqil karamkiise
    Kir dameerka waa lagu wadaa goortu kicwaayo
    Kafarada dulowdiyo wixii gaal u kaba qaada
    Karam iguma ay lahan waxay koorar wayn yiine
    Muslim iyo kufroo kaliyahaa laysu kadayaaye
    Kaad idinku raacdeena waa kunuf dulays naaye
    Kalcaamiyo namruudbaa kibriyo kuraygi qaaruune
    Ayagana Ilaah baa kambalay mana u kaalmayne
    Idinkuna kataamaha ibliis waad korjoogtaane
    Hadaad gaal u kabaqaad tihiin kabad madiidaane
    Kurkaygiyo hadaydaan kaxigi kaafir daba jooge
    Kalahada wayaanada uroor kaal markaad waydo
    Kobtan iyo malkadan khaas anay iigu kayd tahaye
    Kayb kayga ruuxii jantiyo kaare inu jiiro
    Koodkiyo markaan laad lahelo luqunta koorkeeda
    Kadabkiisa waan jari xunkaas kaadso laga waaye
    Kulise urura gaal kaarki iyo koofil baad tiine
    Karaamada islaamkiyo jihaad uma kifaaxdaane
    Kiinyiyo wayaanada u kaca waydin kudayaane

  13. Abuu Fatima says:

    January 15, 2012 at 2:37 am

    Wuxuu kusocdaa dhamaan inta gunuunucaysa oo ku qanci waayey wanaaga oo uu ugu horeeyo midkan xunee goodinaaya halkaan ayaan kusugayaa dhamaan dabadhilif iyo gaal

    Culumaa usuugiyo qofkii raba cadayntooda
    Calaamaad ugaaraa jiroon caaway taabsiinee
    Cartiiqaha haday naga dhigaan cadaw nasaaraahi
    Colbaa reerka soogalay maliyo caaway duulaane
    Cirdi wiil mujaahida ayey casharku qaataane
    Calamada kufriga iyo ridada kama caroodaane
    Cad udhaafi maayaan ninkii gaal canjarafayne
    Curaaf saaxiriyo faalalow caabud bay orane
    Cabdow jiimka goortay maqlaan way caroodaane
    Cadaaniyo madaw gaaladaa cabaya dhiigeena
    Ciljigiyo goriiliyo kufriga ina cadaabaaya
    Cilaancilaha wiilkii baxshee cadawga naafeeya
    Caqiidadi khawaariju lahayd yuu cabay dhihine
    Iskajira irjaabay cabeen culumasuugiiye

  14. gaalodiid says:

    abu fadumo allaah sxb hakubarakeeyo wallee bushucle wax soo bosadaan kuubirdhigin

  15. Umalmasaakiin says:

    To,Abu Fatima cadawgii iyo kii uurka kabukayba. Carabkaagaad ku gawracday, maabsha allaah hakadaalin Inaad diinta carabkaaga kudifaacdo nastawdicukalaah w,c,

  16. ibnu xasan says:

    c/risaaq walaal waa ku salaamay walaal waxaan kaacodsanayaa in aad noosoo dhameys tirta gabayga sayidka insha,allaah mahadsanid f.g walaal aad baan u xiiseeyaa gabayada sayid maxamed cabdille xasan gaar ahaan gabaygii colfield aad ayaad u mahadsantahay

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS