Dagaalo lagu naafeeyay cadowga oo saaka iyo xalay kadhacay Magaalada Muqdisho

Dagaalada oo saaka ay qaadeen ciidamada xarakada mujaahidiinta Al-shabaab ayaa xoogooda waxa uu kadhacay qaybo kamid ah jidka dheer warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada jabhada wilaayada Banaadir ayaa saaka hiiradii weerar saf balaaran ah ku ekeeyay fariisimo gaalada iyo murtadiinta ay kuleeyihiin xaafadaha Sos,carafaad,Eveco,iyo qaybo kale oo dhaca jidka warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo hubka kan culus iyo midka fudud la isku adeegsaday ayaa qasaaro xoogan lagu gaarsiiyay cadowga kusoo duulay diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

Dadka deegaanada lagu dagaalamay ka akdhaw ayaa somalimidnimo.com usheegay in saaka ay arkeen gawaarida anbalaasta oo daabulaya qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh ee soo gaaray ciidamada kufaarta Ugandha iyo Burundi.

Dhanka kale dagaalo xoogan ayaa habeenkii shanaad xalay lagu miriyay ciidamada shisheeyaha ah ee soo duulay kuwaasi oo kusugan jidka dheer warshadaha magaalada Muqdisho.

Dagaalkii xalay waxaa laga maqlay guud ahaan Muqdisho iyo nawaaxigeeda,iyadoo uu kadhacay carafaad iyo xaafadaha ku teedsan.

Murtadiinta iyo kufaarta oo dadka reer muqdisho iyo beesha gaalada usheegay in Muqdisho ay kasaareen xarakada mujaahidiinta al-shabaab ayaa hadda xaaladu ay kutahay mid kuculus maadaama weerarada ay kunoqdeen kuwa kabadan kuwii ay kal hore lakulmi jireen.

Sikastaba majirto wax warar ah oo naga soo gaaray dhanka mujaahidiinta oo ay kaga hadlayaan dagaalada xalay iyo saaka muqdisho kadhacay.

Cabdicasiis Shureym

somalimidnimo.com                           

5 Responses

  1. al-xagari says:

    Gumaadsom oohinteeda ayaa loo fadhin la’yahay .Gobolada dalka Uganda oo idil waxaa bilooyinkii lasoo dhaafay utiilay tacsi joogta ah.Maydadka Reer Gumaadsom looma ogala in saxaafada ay sawiro ka qaato laakin ehelada ay ka dhasheen askarta calooshood ushaqeestayaasha waa kuwo baroordfiiq joogta ah ku jiro oo ay ilmada ka qubanayso.

    Waxaan qabaa in Ciidamada Gumaadsom aysan dagaalada caynkan usii adkaysan doonin oo ay goordhaw cabaadkooda si toos ah looga maqli doona saxaafadaha idil.
    Inta ay wax qarin karayn wey qariyeen laakin waxaa marag madoonata ah ninkii si hoose ukuur galo xaaladaha dhabta in gumaadsom uu kusocda dhiig bax joogta ah.

    War xaqiiqo ah oo aan shaqsiyadeeda hayo waxay tilmaamaysaa in ciidamada Uganda ay sheeg hayaan in dhiig baxa hada haysto uusan mid lamid ah waligood kusoo marin magaalada muqdisho.Waxay ka haysaa talow mar un may usuurto gasho in ay dib ugu laabtaan dhufaysyadoodii waa weynaa ay ku lahaayeen madaxtooyada oo ay kasoo halgaatami jirayn.
    Waxaan leeyahay war Gumaadsom sida hada lagu hayo ku wada wey karkarayaan iyaga ayaa furka tuuri doono laakin waa in laga diktoonaada waxaa loo yakhaano “Make up Victorious war exit Strategy” oo ay ku dhaqaaqaan ciidamada kufaarta marka ay arkaan in ay jabayn oo talo gacanta ugu jirin.
    Waxaa lagu yakhaanaa in qeyb ka mid ah Mujaahidiinta ay saabaansabtaan oo dhinacooda marsadaan iyagoo ugu sheekenaya in ay xukuumada madax uga dhigayaan sida lagu Sameeyey dagaal yahanadii maxkamadaha oo loo afduubay Sheikh shariif.

    Marka Waa in hogaanka Alshabaab uusan marnaba fursad laga helin oo ah firaaq siyaasadeed oo abuuri kara in iyaga laga dhex macaashto dabadeeto aynu galno wareeg labaad oo dhexdeena ah iyagoo banaanka inaga eeganaya oo ku dhoola cadeenaya sida fudud ee la iskugu jajabin karo lafa geri.

    Waxaan qabaa in ay muhiimad gaar ah uleedahay in Alshabaab ay dakaysi dheeri ah ay sabar la timaado todabada bilood ee fooda inagu soo hayso oo ah waqti ay xukuumad isku sheegta Sheeikh shariif ay siyaasad ahaan si toos u fashilmi doono iyadoo ay xigi doonto in ay meesha ka baxdo qandaraaskan la isku yiraahdo TFG.
    Waxaa hubaal ah in ay qeybaha kala duwan ee TFGda aysan is haysan karin Somalidana waaga ku baryo doono oo iftiinka xaqiiqooyinka jiro dalka ay si toos ah ukala garan doonaan.
    Marka waa in waqti xaadirkan sabir iyo adkaysi la yeesho.Xukuumada kusheega Sheikh /shariif waa ay fashilan tahay ee inaga dhinaceena yuusan wax fashil ka imaanin.

  2. Abuu fatima says:

    Naafeeya gaalada xaqbay naar u yee sheene
    Nacalay qabaan iyo habaar kuna nagaadeene
    Nasab maahan iyo reer goboo waa nijaas abide
    Nasri iyo Ilaah guul masiin nooc kastuu yahay
    Nabad kuma helaayaan aduun nabar xun moo yaane
    Nabaad guuri gaalada Ilaah nabarna gaar siiye
    Nugul weeye abidkiis kufrigu naar Ilaah galiye
    Nabadii haduu diiday oo kibirki noo keenay
    Nabar adag inuu naga helaa waaba nolosheene
    Naafaynay cadawgii Aloo wax uma noolayne
    Niyaaxiyo cabaad baa kabaxay nacala fuulkiiye
    Nacaskii sharifkee kufriga mooday niman xoogle
    Nasribaa Ilaah noogaliyo guusha nooc saraye
    Nama ay yaqaaniine way nagu sirmaa yaane
    Naafeeya naafeeya waakaa kufrigu diiday nabadiiye

  3. umu.sayfuLaah. says:

    Allah ha ku barakeeyo, sida wanaagsan ee damiirku ku jiro tacliiqa u saaray,dhiig baxa kufrigga caalimul isam ku soo duulay ku socda iyo reer caloolaweynyaal waa somalidee.

    Baraalaahu akhi al-xaqari.

  4. ascwrw…………….dhamaan waxaan salan sharafle leh u dirayaa mujahidiinta uu ilahay ku
    sharafay ilaalinta diinta islaamka iyo naafeynta cadowga islaam ee wadanka iyo diinta
    islaam ku soo duushay
    waxaan leeyahay……………..shaf ku dhimo nin rag uu gayaa sharafna noolow
    ……………………

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS