Gaalkacyo:- Diyaaradaha dagaalka ee Reer galbeedka, ayaa weerar xalay saqdii dhexe ku qaaday deegaan udhaxeeya magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo, oo ay kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ku haysteen labo qof oo udhashay dalalka Mareykanka iyo Denmark, sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee la helayo.
Wararka ayaa sheegaya in la dilay dhalinyaradii heystay Ajaaniibtaas, isla markaasna ay saaka dadka deegaanku heleen Meydkooda oo yaala banaanka goobtii ay ka dhacday dagaaladaasi, inkastoo aan laheyn tiro rasmi ah oo ku aadan dadka dhintay.
Sun badan ayaa la xaqiijiyey in lugu daadiyay deegaankaas, oo ay saaka dadka iyo duunyaduba aad ugu dhibtoodeen, waxaana la sheegay in dadka qaarkood ay suuxeen suntaas daraadeed, maadaama ay xalay daadiyeen diyaaradahaas sun badan, oo ay doonayeen in ay ku suuxiyaan kooxaha Burcad Badeeda ah.
Diyaaradaha cadowga ee qaaday weerarkaas ayaa ka badnaa 8 kuwa dagaalka ah, iyadoo saaka markii ay baxayeen oo ay ka dhoofayeen madaarka magaalada Gaalkacyo, ay guud ahaan dadku arkayeen ayagoo is daba socda.
5 ka mid ah diyaaradahaas ayaa ahaa kuwa dagaalka, halka inta kale ay ahaayen kuwa qaada Sahayda Milateri iyo Gawaarida dagaalka, iyadoo dadweynuhu aad uga walaacsan yihiin arrimahan, oo aysan markii ugu horeysay ee la sameeyo.
C/laahi Shire
Somalimidnimo.com



































Bal eega gar darradaas iyo tacaddigaas loo geystey dhallin yaradaas iska xoogsanaya oo biilkooda iska raadsanaya?
Bal gaaladaas xayawaannimadooda labo gaaloo xun oo dhallin yaradu biilkooda ka raadsanayeen ayey wiilasha dhulkooda jooga u leynayaan.
Arrintaas ma ahan arrin indhaha laga qarsan karo ee waa inaan Minosota iyo Alaska qabsannaa si meesha gaaladu kasoo duusho oo dhanba intaan gacanta ugu dhigno aan ku qasabnaa shuruuddeenna oo oraneysa:
“Dadkiinna markaan qafaalanno annagoo lacag ka dooneyna far ha dhaqaainnina ee lacagta uun noo keena”.
Marka ballanteennu waa inaan usoo aar gudno xoogsatadaas lagu xad gudbey.
maamulka ashaahada la dirirka butland ayaaa la shaqeynaya lakin ialahay ayaaa nooga arayo dhibka nagu dhacay
Ma dhalinyaro xoogsanayaa mise waa burcad tuugo iyo drugs usoo labistay,mida kale soomaalimidnimo waa fogaadeen waayo wiilashaas waxba kugu tari maayaane iska daa taageeradooda qof iinaan isku caqiido ahayn,waayo may jihaadka ku caawiyaan xoogooda intay dhac iyo boob u taaganyihiin,hada khaatumo xumo ayay ku dhinteen,saa ilaahay diintiisa maysan difaacaynine,soomaalimidnimana hada kadib kuwaasoo kale inaad jidka alle ugu yeertaan mooyee sikale ha u difaacina.
Aahaha Axmed Maxmed. Ilaahay in aad ruux qafaalatid oo aad lacag haleyga siiyo hadii kale waa dilaayaa dhahdid muu kuula jiraayaa? Good job Navy Seals. tuugada cashar ayaa loo dhigay
Waa cajiib oo hadda idinku ma waxaad u doodeysaan niman burcad ah oo dad afduub isaga qabsaday iyagoon wax dagaal ah dhex marin. Diintee banaysay qof gaal iyo muslim kuu doone ha ahaadee in aad iska af duubto iyadoo ujeedka keliya oo laga leeyahay ay tahay inay lacag helaan.Lacagtaa ay helaana ay ku iibsadaan khamri.darag iyo wax walba oo fasahaad ah ay samayn karaan.
Dadka caynkaa ah marka taageeradooda wax aad ka heleysaan bal maxay tahay.?
Anigu waxaan qabaa calal aqal waxaa yaraanaya fasahaadkii ay bulshada islaamka ah ee ay ku dhex noolaayeen ku dhex samayn jireen hadii la laayo.
Asc wr wb
-
lama yabani mana ka naxsani dhalinyaradaan la laaye
-
laakin waxan la yabanahay awoda ay galadu u yelate dhulka in ay waxay rabto ka sameesate
-
waxan la yabanahay haba so furtan dadka laga heeste sunta maxa dhulka loogu dadiye?
-
burcad badedse ayaku maxay yihiin?mexey burcadnimadan u wadaan?
-
somaliya waa dhul loma ooyan ah somaliduna waa dad loma ooyan ah gaalada intaas o mile inta ay jarto ayey somaliya u imanesa si ay uga samesato waxa ay rabto,yaa u maqan somaliya?
-
wadaad yare
-
inta an commentigaga akhrinin aye isheydu ku dhacde magacaga wlh waxan garte in adan kheyr shegi donin
-
commentigaga iska akhri ayan is iri mise wa sida an filayeba
-
hadal ad dad ku duresid,fikir ad duresid iyo hadal jesjes ah ayu aha comentigaga intasna wan kugu oga wana ka filanaye
-
kheyrka allaah ku wafajiyo shar socdo ayad tahaye
Dhaaf hala laaye waxay noqdeen hawa raac lacag ayeey ku waashen somaliana ceeb ayaay u soojideen dhamaada.
Nimankaan la dilay, hadday noolaayeenna waxay dhulka ku hayeen dhibaato iyo burbur ay ka mid yihiin Khamri, dil, boob iyo faafinta zinada iyo macsida kale oo umadda u soo jiidey cudurro ay ka mid yihiin HIV, TB, iwm… Hadda oo ay dhinteenna waa belo umadda Eebbe ka qabtay oo sharkoodii bay nagala tageen, qofkii umadda dhiba waxaa Eebbe ku diraa bilaayo ka xoog weyn oo aan u naxayn, waana tan wiilashaas maafiyada ah ku dhacday.
Maxaad idinku u difaacaysaan?
waa yaabka yaabkiis hadiiba burcad taageero loo sameynayo soomaaliyeey bal arinkaas ka warama tankale maxa usa ku gaaray gurigaada ayayba gaalo haysataaye dadkan way iska hadlaan wiilal aya la laay kuye war xishoo kuwaas wiilal ka raaci maayaane dameer dhintay ayaa ka fican kuwaas