Dhagayso Khudbadii C/raxmaan Sh. Cumar Xawaaladaha Waxaa Loo Xiray Lacag La Diray Qaanuunka Maraykanka Iyo Masaalixda Sidii Dacwadii Nabiga Makka U Ilaalisay Asnaabta U Ilaaliya! Subxaanallah (طاغوت العصر المصالح والمفاسد)


GOB-ISLAM:-
Khudbadii Jamcihii, Taariikhduna ahayd, Janaayo 13/2011., laga Akhriyey Masaajidka Al-ictisaamku Safiirka Maraykanka ku soo dhaweeyey ee Abuubakar Sadiiq kuna yaala Maraykanka Gobalka Minnesota Magaalada Minneapolis.  Khudbada waxaa akhriyey C/raxmaan Sheekh Cumar, ma ahan markii ugu horaysay ee C/raxmaan jiiro Usuusha Diinta isla markaana  Caqiidada uu kala dagaalamo Shacabka Soomaaliyeed.

Haddii aan nahay Walaalihiina Gob-Islam horta, Mustawaha Wadaadka xagga Caqiidada kuma wanaagsana mana lahan Saaxiibo wanaagsan oo ku baraarujiya khaladka Diinigaa ee kadhaca, waxaan sidaas u leenahay hadda kahor Khudbad uu akhriyey ayuu wuxuu ku sheegay in Qaanuunka Maraykaykan  la ilaaliyo asaga oo  daliishaday Xadiithka soo socda, waxaan filaynaa in aad xasuusataan waxaan keenay Xadiithkii uu daliishaday iyo Culimadu waxay ka dheheen, Khudbadiisaana wuu ku celiyey Xadiithkaas, dib ugu laaban mayno ee Laftiga Xadiithku wuxuu ahaa sidaan

عبد الله بن عمرو بن عوف المزني ، عن أبيه ، عن جده ، أن النبي صلى الله عليه وسلم قال لبلال بن الحرث اعلم أن الصلح جائز بين المسلمين إلا صلحا حرم حلالا أو أحل حراما ، والمسلمون على شروطهم إلا شرطا حرم حلالا أو أحل حراما .) (رواه الترمذي وقال حسن صحيح)

C/laahi Ibnu Camri Binu Cowf Almusani oo Aabbihiis iyo Awoowgiis kawariyey in Nabigu Scw ku yiri Bilaal Binu Xarath, waxaad ogaataa Sulxigu in uu banaan yahay in Muslimiinta dhexdooda laga sameeyo,  Sulxi keenaya mooyee in xalaasha la xarimo ama wax xaaraana la baneeyo!, Muslimiintu balamaha kama bixi karaan, illaa shardi xarimay xalaasha ama xaraamta baneeyey mooyaane.

Xadiithkaas wax  Qaanuun ah ma idin kaga dhexmuuqdaa? horta Sheekhu wuxuu keenay waa Qiyaas macal faariiq, Muslimiin ayaa laga hadlayey oo xattaa ayagii shardi lagu xiray oo la yiri Sulxi iyo Masaalix kale ma gasho in aad xalaasha xarimtaan ama xaaraanta aad xalaalaysaan, horaan oga hadalnay marka intaas aan oga gudubno si aan isku dultaagno Khudbadiisa khaladaadka Diinigaa ee ku yimid isla markaan mudan in laga jawaabo.

Dhagayso Khudbadiisii Jamcaha, Wuxuu dhiiqada ka bilaabaya Daqiiqadda 8, Marka wixii Daqiiqaddaas ka dambeeya si fiican u dhuuxa hadalkiisa, waxaan diidaynaa in aan hadalkiisa kala jarno oo Cadaalad ayaan u samaynaynaa! MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.


Muxuu Khudbada Oga Hadlay? 

C/raxmaan Sheekh Cumar wuxuu ka hadlay Maqaasida Shareecada Islaamka waa shanta Diinta Islaamku ilaaliso oo Muslimiinta badan koodu garanayaan (1) Diinta (2) Nafta (3) Maalka (4) Nasliga (5) Cirdiga

(1) Wuxuu Wadaadku ku tuntay Maqaasida Diinta Islaamka Qodobka ugu horeeyey ee Diinta gaar ahaan wuxuu jiiray Masaa’il Caqiidaa, , wuxuu dabcay oo isku dayey in uu shacabka ka dhaadhiciyo haddii ay qurbaha joogaan in aysan jabin Qaanuunka Maraykanka wuxuu kadhigay horta Maqaasida Islaamka ee Shanta ah iyo Qaanuunka Maraykanku in ay isla socon karaan!.

(2) Wuxuu C/raxmaan Sheekh Cumar dhexfariistay Dacwadii Makka ee Nabiga SCW. Wuxuu gafweyn u gaystay Nabiga Scw, waxaan arki doontaa Wadaado badan oo Al-ictisaam ah in aysan fahmin Dacwadii Nabiga SCW ee Makka. Waxaa hadalkiisa ku jirtay Xawaaladaha waxaa loo xiray Dad Lacag diray oo Al shabaab u diray, Dadkaas uu C/raxmaan Sheegayo horta waa Gabdhihii Muslimaadka ahaa ee Markii Gabdhaha ay Taageerada u baahnaayeen uusan taageerin C/raxmaan Sheekh Cumar oo uusan Maxkamadooda maalinna tagin ayada oo Gurigiisa iyo Masaajidka wax weyn u jirin Maxkamadu.

Maalintii Gabdhah Xabsiga loo taxaanay Bishii October 20/2011, Jamcadii ka dambaysay C/raxmaan Sheekh Cumar Khudbada Jamacaha wuxuu Shacabka Soomaaliyeed ugu sheegay in aysan Qaanuunka Maraykanka jabin, horaan oga hadalnay wakhti badan ku bixin mayno.

(3) Xawaaladaha Markii la xiray Al-ictisaam Diin Ilaahay dan kama lahan iyo Gabdho Muslimaada waa Macaan jecel wuxuu qaatay Boor weyn oo uu leeyahay Xawaaladaha hala furo, waayo waa ku qasban yahay oo  Biilkiisa waxaa bixiya Ragga Xawaaladaha iska leh, Ninka leh Gabdhahaa Xawaaladaha xiray ee Qaanuunka yaan la jabin oo lacag yaan Al shabaab loo dirin, waa Ninkii Gabdhaha difaaci waayey!.

Wakhti badan ku bixin mayno khaladaadka Diinigaa ee ku yimid Khudbada C/raxmaan Sheekh Cumar, waxaan kaliya oo ka hadlaynaa oo Baraarujinaynaa Dacwadii Nabiga Scw ee Makka sida ay ahayd Insha Allah.



Dacwadii Nabiga SCW Ee  Makka C/raxmaan Sheekh Cumarna Daliishaday Sidee Ahayd?

C/raxmaan Sheekh Cumar wuxuu yiri “Wadan gaalaa joogtaan, haddii aad Xarakadaadka Maraykanku diiday in lacag loo diro aad u dirto Dad badan ayaa halaagsamaya oo Xawaaladaha Kun doolar oo aad dirtay ayaa loo xirayaa!, marka Al Masaalix Wal Mafaatid ayaa jira wax la yiraahdo, wuxuu dabadhigay C/raxmaan Nabigu SCW Wadan Gaaluu ku noolaa Makka 360 Sanab ayaa ku dhex jirtay Kacbada Nabiguna SCW gees ayuu kaga Sajuudi jiray!, xigmadaas ayey Shareecada Islaamku ku socotay, ma ahan in aad Qaanuunka Gaalada jabiso! ma ahan in aad tiraahdo Freeway ayaan dhanka kale ka galayaa ama One Way!, Al Muslimuuna Calaa Shuruuduhum!“.

Horayna wuxuu u yiri waa “Waa Fiqi Daro in aad Akhii tiraahdo Qaanuunka ayaan Jabinayaa!” Erayo noocaas u badan ayuu ku hadlay Wadaadku horta ka hadli mayno Al Muslimiina Calaa Sharuuduhum, waayo Muslimiin kama hadlayno ee waxa laga hadlayo waa  Qaanuunka Maraykanka ee ogolaanaya Laba Nin ama Labo Haweena in ay is Guursadaan!, marka Wadaadka Mustawihiisa ayey ka tujurmaysaa horayna waan oga hadalnay, malaha sidaan sheegnayna cid saxda Wadaadka ma uusan helin, oo Saaxiibadiisna uma naseexayn.

Insha Allah waxaan ka hadlaynaa Dacwadii Makka ee Nabiga SCw iyo Diinta Islaamku waxay ka qabto  in loo kala Qaado Dacwada Makka iyo Dacwada Madiino!?.

 Sheekh Abuu Mohamed Almaqdi oo qolo Murji’aa radinaya ayaa yiri

(فنقول قد أكمل الله لنا الدين وأتم علينا بذلك نعمته، فمن أراد اليوم أن يفرق بين ما أنزل الله، بحجة أن هذا مدني وذاك مكي، فليأت ببرهان من الشرع على ما يريد، وإلا كان من الكاذبين، قال تعالى: {قل هاتوا برهانكم إن كنتم صادقين)

Waxaanu leenahay Ilaahay Diinta waa noo dhamaystiray Nicmadeediina waa noo kaamil yeelay, Qofkii doonaya maantay in uu Allah wuxuu soo dajiyey kala qaado, oo yiraahda Kaasi waa Madani ama waa Makki hakala yimaado xujo Sharciga Islaamka haka soo saaro, haddii kale Qofkaas wuxuu kamid noqonayaa kuwa beenaalayaasha ah“, kadibna Sheekhu Aayad Quraana ayuu gadaal ka raaciyey oo macnaheedu yahay “Nabi Maxamadow SCW ku dheh la imaada xujadiina haddii aad run sheegaysaan!“.

 



DALIISHA (1)

Nabiga SWC waxaa ka sugan in uu Makka asaga oo joogga uu Asnaamta Gaalada jajabiyey, inkastoo Xadiithka aan keenayno Sanadka ama dariiqa uu ku yimid badan yahay oo Sanadkiisa wax laga sheego hadda Asaga oo Xasana Xadiithku wuxuu ku jiraa Musnadka Imaamu Axmed

(في مسند الإمام أحمد 1/84).)  (في تاريخ بغداد     (13/303).) (وأورد الهيثمي الحديث في مجمع الزوائد (6/23) (باب تكسيره صلى الله عليه وسلم الأصنام))

Maraajicdaas ayaa Sixada Xadiithka ugu noqonaysaan, balse aan Laftiga Xadiithka wada aragno.

(قال عبد الله حدثني أبي حدثنا أسباط بن محمد حدثنا نعيم بن حكيم المدائني عن أبي مريم عن علي رضي الله عنه قال: “انطلقت أنا والنبي صلى الله عليه وسلم حتى أتينا الكعبة، فقال لي رسول الله صلى الله عليه وسلم: (اجلس. وصعد على منكبي فذهبت لأنهض به، فرأى مني ضعفاً، فنزل وجلس لي نبي الله صلى الله عليه وسلم وقال: اصعد على منكبي، قال: فصعدت على منكبيه قال فنهض بي قال: فإنه يخيل إليَّ أني لو شئت لنلت أفق السماء حتى صعدت على البيت وعليه تمثال صفر أو نحاس، فجعلت أزاوله عن يمينه وعن شماله وبين يديه ومن خلفه، حتى إذا استمكنت منه قال لي رسول الله صلى الله عليه وسلم: “اقذف به”، فقذفت به، فتكسّر كما تتكسّر القوارير، ثم نزلت، فانطلقت أنا ورسول الله صلى الله عليه وسلم نستبق حتى توارينا بالبيوت خشية أن يلقانا أحد من الناس)

Cali Ibnu Abii Daalib Ilaahay haka raali noqdee wuxuu yiri, “Nabiga SCW, ayaan Kacbada xaggeeda wada aadnay, markaas ayuu yiri fariiso kadibna Nabigu wuxuu fuulay garabkayga kadibna waan la dhici gaaray, markuu arkay daciifnimadayda iyo in aanan Culeyska Nabiga Scw aanan qaadi karin waa kadagay garabkayga oo waa fariistay Nabigu SCW, markaas ayuu yiri fuul garabkayga markaas ayuu yiri Cali, waxaan fuulay garbaha Nabiga SCW, markaas ayuu ila hoobtay ama ila ciiray“,

Markaan soo gaabino Turjaada Xadiithka, Cali wuxuu yiri “dhinacyada ayaan iska fiiriyey, kadibna Nabiguna SCW wuxuu yiri soo tuur Sanamyada, waana soo tuuray waxaana u burburinay sida dhalooyinka loo burburiyo, kadibna Aniga iyo Nabiga SCW ayaa israacnay Annaga oo isku qarinayna Guryaha iyo Geedaha, si aysan Dadku noo arag“.

Marka Nabi Maxamed SCW ayaa Makka joogay oo Asnaabta iskaga dhex tokon jiray oo Gaalada ayuu Xigmad kula noolaa Dacwatu Makka wax la yiraahdo ayaa jirta waa arin Wadaado badan ku wareereen oo Salaf sheegta.

Sheekh Abuu Maxamed Almaqdisi wuxuu leeyahay, Sheekha oo ka hadlaya Dacwadii Makka iyo Xiligii Nabigu SCW joogay Makka!.

(فما داهن الكفار لحظة واحدة وما سكت عن باطلهم أو عن آلهتهم، بل كان همه وشغله الشاغل في تلك الثلاث عشرة سنة، بل وغيرها هو: {اعبدوا الله واجتنبوا الطاغوت} [النحل: 36]، فلا يعني كونه جلس بينها تلك الثلاث عشرة سنة، أنه مدحها أو أثنى عليها أو أقسم على احترامها…) إلى قولنا: (بل كان يعلن براءته من المشركين )

Nabigu Scw waligiis Mudaahano kuma samayn Gaalada yacni uma dhawaan Ilbiriqsi kaliya, kama aamusin baadilkooda, iyo Walxaxa ay Ilaahyada ka dhiganayaan, iskadaa in uu ka aamusee, aad ayuu iskugu Mashquuliyey 13 kii Sano ee uu Makka joogay iyo Waliba 10 kii Sano ee uu Madiino joogay, in uu yiraahdo ka dheeraada Daaquudka“.

Marka yaan loo qaadan ayuu yiri Sheekh Abuu Maxamed 13 kii Sano ee uu Nabigu SCW joogay Makka in uu iskala fariisan jiray Gaalada, oo uu amaani jiray ama Ixtiraam u hayey, iskadaa intaas dhacdo  Nabigu SCW wuxuu muujisan jiray in uu Bari ka yahay Gaalada.

Sheekh Abuu Maxamed Maqdisi wuxuu leeyahay hadal aad u qiima badan oo ku aadan Qolyaha ku waashay Dacwada Makka , bal aan wada aragno meesha Sheekhu kuwaas saaro iyo Adilooyin nooga imaan doona gadaal.

(وفتح هذا الباب دون ضابط من الشرع أو دليل يدل عليه هو في الحقيقة فتح باب عظيم من الشر على دين الله، وفيه تعطيل لكثير من أدلة الشريعة، ولو قال قائلهم: إن إظهار هذه الملة العظيمة وإعلانها منوط بالاستطاعة، لما تعرضنا له، لكنهم أرادوا إماتتها بحجة أنها مدنية، نزلت لما كان للمسلمين دولة.. مع أن إبراهيم والذين معه عندما قالوها وصدعوا بها، كانوا مستضعفين ولم تكن لهم دولة، ومع ذلك بيّن الله أن لنا فيهم أسوة حسنة لمن كان يرجو الله واليوم الآخر.. ومعلوم أن النبي صلى الله عليه وسلم سار على طريقهم، فكان أهم مهمات دعوته طوال حياته سواء المكية منها أو المدنية، الصدع بالتوحيد والبراءة من الشرك والتنديد، وما يتعلق بذلك ويلزم عنه من عرى الإيمان الوثقى.. وسيرته صلوات الله وسلامه عليه شاهدة بذلك وقد ذكرنا لك أمثلة منها في هذا الكتاب)

Waxay fureen ayuu yiri Sheekhu Albaab aysan wax sharciya u cuskan ama daliil ku tusinaya xaqiiqada Albaabkaas weyn ee Sharkaa Diinta Ilaahayna lagu soo daray aysan jirin”!, waxaana ku jira ayuu yiri Sheekhu burburin iyo dayacaad la dayacayo Adilooyin badan oo Sharciya. Haddii mid kamida yiraahdo, Muujinta Diintaan weyn waxay ku xiran tahay Awood, waxay oran  lahaayeen in ay dhahaan oo xujo oga dhigi lahaayeen xiligii Madiino ayey soo dagtay, oo xiliga Madiina Aayaadka soo daga xiligaas Muslimiintu Dowlad ayey lahaayeen“!.

Wuxuu yiri Sheekhu laakiin Nabiga Ibraahim SCW iyo kuwii rumeeyey Gaaladu ku soo baxday, waxay ahaayeen Mustad cafiin Dowladna ma lahayn, sidaas darteedna Allah wuxuu noo caddeeyey in aan kudayano oo kudayasho wanaagsan waxay noogu sugan tahay Nabi Ibraahim SCw Qofkii rajaynaya Allah iyo liminta Maalinta Qiyaamaha, sidoo kale waa iska caddahay in Nabigu SCw, ku socday Dariiqii Nabi Ibraahim SCW, wuxuu Nabigu SCW Madiino ha joogo ama Makka ha joogo uu Muhiimada siinayey noolashiisa oo dhan Towxiidka iyo in uu Bari ka noqdo Shirkiga iyo waliba in uu sugo wixii arimahas la xiriira, maxaa yeelay waaba tiirka iimaanku ku taagan yahay“, Kitaabkiisa Sheekha Milatu Ibraahim ayaad ugu noqonaysaa faah faahin dheer.

 

 

Daliil (2)

Aayaadkii Xiligii Makka Soo Dagay, Dacwadii Makka iyo Culimadu Waxay Ka Dheheen!.

(

 {قل يا أيها الكافرون لا أعبد ما تعبدون} إلى قوله تعالى: {لكم دينكم ولي دين} [الكافرون: 1-6].

وهل قوله تعالى: {تبَّتْ يدا أبي لهب وتب} [المسد: 1].. إلى آخر الآيات كذلك؟؟ وقوله تعالى: {أفرأيتم اللات والعزى * ومناة الثالثة الأخرى * ألكم الذكر وله الأنثى * تلك إذا قسمة ضيزى * إن هي إلا أسماء سميتموها أنتم وآباؤكم ما أنزل الله بها من سلطان} الآيات [النجم: 19-23].

ومثل ذلك قوله تعالى: {إنكم وما تعبدون من دون الله حصب جهنم أنتم لها واردون * لو كان هؤلاء آلهة ما وردوها وكل فيها خالدون} [الأنبياء: 6].

ونحو ذلك من آيات الكتاب المكية وهي كثير..

وقد ذكرنا في هذا الكتاب قوله تعالى: واصفاً نبيه: {وإذا رءاك الذين كفروا إن يتخذونك إلا هزواً أهذا الذي يذكر آلهتكم}… [الأنبياء: 36].

فقوله: {يذكر آلهتكم} : أي يبرأ منها ومن عابديها ويكفر بها ويسفّهها.. فهل هذا كله لم يكن إلا في المدينة فقط..؟ كيف والآيات مكية؟؟ وأمثالها كثير)

 

Aayaadkaan Waxaan u Keenay in aan Muujino Dacwadii Makka ka jirtay Ee Murji’adu Beenta ka Sheegtay!.

 

(1) Horta Aayadda Koowaad Suuratul kaafiruun Allah, wuxuu Nabiga SCw Amray in uu Gaaladii Quraysheed u caddeeyo in aysan wax Qaanuuna oo uu u ilaalinayo aysan jirin isku Diinna aysan ahayn, (2) Aayadda Suuratul Masad ama Tabad, waxaa Madaxa looga garaacay Nabiga SCw Adeerkiis Abuu Lahab iyo Xaaskii Abuu Lahab, waxba looma qarin xeer iyo Qaanuun Quraysheedna lama eegin ee waa la fadeexeeyey Naarna waa loo banal qaaday waliba Xarigii Naarta lagula xiri lahaa ayaa loo sheegay Xaaskii Abuu Lahab! Dab ama Holacna waxaa looga dhigay kuunyo ama Naynaas, wataas Dacwadii Makka ee Nabi Mohamed SCW.

(3) Ayaadda Suuratul Najmi, waxaa lagu weeraray Asnaabtii Quraysheed, oo Magacyadoodii la xusay kuwii ugu waa weynaa waxaana Allah caddeeyey in ay yihiin Magacyo ayaga iyo Aabbayaashood iska dhoob dhoobteen Qaanuun Quruna oo aan meelna haysan in uu yahay ayaa la tilmaamay, maantayna Wadaadxumaa leh Dacwadii Makka iyo Nabiga Mohamed SCW ayaa Boqolaal Sanab ku dhexnoolaa oo Gaalo la noolaa, asaga oo Wadaadku qariyey Risaaladii Nabi Maxamed SCW kana dhigay Dacwadii Makka Nabiga SCW in Soomaalida ama Muslimiinta Maraykanka joogta ay la mid yihiin Nabi Maxamed SCW oo Makka ku nool!.

(4) Suuratul Anbiyaa Allah wuxuu ku sheegay oo Nabigu SCW gaarsiiyey Gaalada, “Gaalada iyo waxay Caabudayaan in Jahannamo lagu gurayo“!, “waxaana loo raaciyey oo la yiri “War waxa aad caabudaysaan haddii ay Ilaahyo yihiin cadaabta magaleen” Dacwadtii Makka wataas ee Al-ictisaam ay sida khaldan u fahmeen, wax Qaanuuna ma Ilaalin Nabi Mohamed Asnaabta iyo Gaaladii Quraysheedna Naarta in ay xaabo u yihiin ayuu u sheegay Nabigu SCw.

(5) Isla Suuratul Anbiyaa Allah wuxuu ku yiri ” Markii ay ku arkaan way kugu jees jeesayaan waxay leeyihiin kan miyaa kan Ilaahyadayada wax ka sheegaya!”  Waa Qanuunkii Gaaladii Quraysheed waxay Nabiga SCW ku haystaan Quraysh, maantayna Wadaadxumaa leh Nabi Mohamed SCW ayaa Gaala la noolaa!, kawarama maantay marka Ninka leh hala ilaaliyo Qaanuunka Gaalada Nabi Maxamed SCW ayaa Gaala ku hoosnoolaaye,? Bilaahi Calaykum bal isku eega Allah iyo Rasuulkiisa sida ay u ceebaynayaan Gaalada iyo sida Wadaadxumayaal ay u leeyihiin Gaalada Qaanuunkooda hala ilaaliyo! oo waliba ay Nabiga SCW Dacwadiisa Makka ay ugu been abuuranayaan! Ilaahay ayaa la xisaab tamaya kuwa Diinta Islaamka Taxriifinaya.

 

 

Daliilka (3)

 

Sheekh C/ladiif Ibnu C/raxmaan wuxuu ku leeyahay (في الدرر السنية جزء الجهاد ص167)

Wuxuu yiri hadalkaan aadka u qiimaha badan

(

* يقول الشيخ عبد اللطيف بن عبد الرحمن في الدرر السنية: (لا يُتصور أن -أحداً- يعرف التوحيد ويعمل به ولا يعادي المشركين ومن لم يعادهم لا يقال له عرف التوحيد وعمل به) أهـ. جزء الجهاد ص167.

وكذلك رسول الله صلى الله عليه وسلم لو أنه سكت في بادىء الأمر عن تسفيه أحلام قريش والتعرض لآلهتهم وعيبها ولو أنه “حاشاه” كتم الآيات التي فيها تسفيه لمعبوداتهم كاللات والعزى ومناة الثالثة الأخرى.. والآيات التي تتعرض لأبي لهب والوليد وغيرهما.. وكذا آيات البراءة منهم ومن دينهم ومعبوداتهم – وما أكثرها كسورة (الكافرون) وغيرها.. لو فعل ذلك.. وحاشاه من ذلك.. لجالسوه ولأكرموه وقرّبوه.. ولما وضعوا على رأسه سلى الجزور وهو ساجد، ولما حصل له ما حصل من أذاهم مما هو مبسوط ومذكور في الثابت من السيرة..  ولما احتاج إلى هجرة وتعب ونصب وعناء.. ولجلس هو وأصحابه في ديارهم وأوطانهم آمنين.. فقضية موالاة دين الله وأهله ومعاداة الباطل وأهله فُرضت على المسلمين في فجر دعوتهم قبل فرض الصلاة والزكاة والصوم والحج، ومن أجلها لا لغيرها حصل العذاب والأذى والابتلاء.

)

 

Wuxuu yiri Sheekh C/ladiif Binu C/raxmaan “Qofna ma suuraysan karo fahmay Towxiidka kuna dhaqmay in uusan Gaalada colaadiyin, Qofkii aan gaalada colaad u qaadina lama oranayo Towxiidka ayuu fahmay, sidoo kale Nabiga SCW, haddii uu ka aamusi lahaa bilowgii waxyiga lagu soo dajiyey, shirkigii Qurays oo uusan ceebeeyeen, xaashaa, wuxuu qarin lahaa Aayaadkii ka hadlayey caabudida, Sanabyadii laataa, Cusaa iyo Maanata. wuxuu Nabigu SCW Xaashaaye Xigmad Dacwo u qarin lahaa, Aayaadkii Abuu lahab, iyo Sifooyinkii xumaa ee laga bixiyey Waliid Ibnu Waqiiro, sidoo kale waxaa Nabigu SCW qarin lahaa Aayaadka Bariga looga noqonayo Gaalada, waxay rumaysan yihiin iyo waxay caabudayaan“!.

Wuxuu yiri Sheekh C/ladiif  ”Xaashaa haddii Nabigu SCW ka tanaasuli lahaa Kitaabka Allah oo isla fariisan lahaa, waa soo dhaweyn lahaayeen, Madaxana kama saareen Mandheer Geel Nabiga SCW asaga Sajuudsan. Markii Nabiga SCW la dhibay, sida ku sugan Siiradiisa, haddii xaalku Gaalada ixtiraama oo la dhexgalo yahay, Nabigu Scw ma Hijroodeen, oo dhib iyo daal ma soo gaareen, ee Asaga iyo Saxaabadiisu waxay iska joogi lahaayeen Guryahooda, ayaga oo aamina ama Nabad ku naaloonaya!.

Marka Qadiyada isku xiriiranta Diinta Islaamka ma ahan sida aad moodeen, ee waa in col laga dhigto Ahlu baadilka iyo Dadkiisa, Muslimiintana waxaa Waajib looga dhigay bilowgii Dacwadaba inta aanan Salaadda, Sakada iyo Soonka waajib laga dhigin, Dacwadanii Nabiga SCw iyo Manhajkii uu la yimid kama dhasheen cadaab, Dhib iyo Ibtixaan ayuu yiri Sheekh C/nadiif Ibnu C/raxmaan“!.

Ilaahay baan idin ku dhaarinaye Wadaadxumayaal maantay jooga miyaa Nabi Mohamed SCW Almasaalix Walmafaasid ka badiya!? soo Nabi Allah ma ahayn oo Waxyi lagu hagayo? maxaa loo dhihi waayey Masaalixda eegoo Qaanuunkooda iska ilaali si aan Dacwadu u burburin? waxaa ka dhalanaya Arimo khatar ah oo Gaalnimo keenaya (1) In la yiraahdo Allah iyo Nabi Mohamed SCW ayaan ka xigmad badan nahay oo Masaalix iyo Mafaasid iyo waliba Xigmada Dacwada ayaan ka naqaan, (2) In Been laga sheego Dacwadii Makka ee Nabiga SCW, (3) In la yiraahdo Xigmadii iyo Masaalixdii Nabigu qariyey ayaan fahannay oo Dacwad ku wadaynaa (4) In Towxiidka Caqiidada Umadda lagala dagaalamo oo laga leexiyo Hadyigii Nabiga SCW!. Fahanka Khaldan ee Dacwada Makka ay ka fahmeen Wadaadxumayaal badan Arimo gaalnimo ka dhalan karto ayaa ka imaan kara.

Marka Aawey Dacwadii Makka ee Ilaalinaysa Qaanuunka Maraykanka? Aaway Qaacidadii loo daliishaday Caqiidada oo aan Ijtihaad galin Al Masaalix Wal Ma Faasid!?, waxaa cad Wadaadka in masaa’il badan ay iskaga khaldan yihiin kaligiisna ma ahan Rag badan ayaa ku halaagsamay oo si khaldan u fahmay Dacwadii Makka xiligii Nabigu SCW joogay.

 

 

Daliil (4)

 

Sheekh Maxamed Ibnu Catiiq oo kawaramaya Sababtii Nabiga SCW looga saaray Magaalada Makka wuxuu yiri

(

* يقول الشيخ حمد بن عتيق في رسالة له في الدرر السنية: (فليتأمل العاقل وليبحث الناصح لنفسه عن السبب الحامل لقريش على إخراج رسول الله صلى الله عليه وسلم وأصحابه من مكة وهي أشرف البقاع، فإن المعلوم أنهم ما أخرجوهم إلا بعدما صرحوا لهم بعيب دينهم وضلال آبائهم، فأرادوا منه صلى الله عليه وسلم الكف عن ذلك وتوعدوه وأصحابه بالإخراج، وشكا إليه أصحابه شدة أذى المشركين لهم، فأمرهم بالصبر والتأسي بمن كان قبلهم ممن أوذي، ولم يقل لهم اتركوا عيب دين المشركين وتسفيه أحلامهم، فاختار الخروج بأصحابه ومفارقة الأوطان مع أنها أشرف بقعة على وجه الأرض {لقد كان لكم في رسول الله أسوة حسنة لمن كان يرجو الله واليوم الآخر وذكر الله كثيراً}  أهـ. من جزء الجهاد ص199.

وهكذا فإن الطواغيت في كل زمان ومكان لا يظهرون الرضا عن الإسلام أو يهادنونه ويقيمون له المؤتمرات وينشرونه في الكتب والمجلات ويؤسسون له المعاهد والجامعات إلا إذا كان ديناً أعور أعرج مقصوص الجناحين بعيداً عن واقعهم وعن موالاة المؤمنين والبراءة من أعداء الدين وإظهار العداوة لهم ولمعبوداتهم ومناهجهم الباطلة.

)

 

Sheekh Maxamed Binu Catiiq wuxuu yiri, “Qof kasta oo Waxgarad ah ha suuraysto hana baaro Qofkasta oo Naftiisa u Naseexaynaya, Sababtii Nabiga SCw looga saaray Magaalada Makka ee Qurays ku xanbaartay in ay Nabiga SCW Iyo Asxaabtiisa inay Makka ka saaraan, Makka oo ah Meesha dhulka ugu sharafta badan, sida cad waxaa weeye wax kale loogama saarin illaa markii ay si cad u sheegeen ceebta waxay caabudayeen Quraysh iyo baadilka ay ku sugan yihiin Aabbayaashood mooyaane,.

Nabigu Scw wuxuu isku dayey in uu iska celiyo laakiin waxay ugu goodiyeen Nabiga SCW iyo Saxaabadiisii in ay ka saarayaan Magaalada Makka, Saxaabaduna arintaas ayey ka sheegteen dhib badan oo Mushrikiintu gaarsiisay, Nabigu SCw wuxuu Amray Samir, iyo in ay ku daydaan Dadkii ka horreeyey ee la dhibay, Nabigu SCw kuma oran ka taga ceebaynta Mushrikiinta iyo waxa xun ee aad ku sifaynaysaan, Wuxuu Nabigu doortay asaga iyo Saxaabadiisii in ay ka baxaan Magaalada Makka kana hayaamaan Guryahoodii iyo meeshii dhulka ugu sharafta badnayn!“.

Aayadda Quraankaa ayuu markaas Sheekh Maxamed Binu Catiiq keenay, “Nabiga SCW waxaa idin kugu sugan ku dayasho wanaagsan Qofkii rajaynaya Allah iyo Maalinta Qiyaamaha Ilaahayna inta badan xasuusta ama xusa“!. Sheekhu wuxuu yiri “sidaas oo kale ayaa Dawaaqiidda Wakhtigaan sameeyaan, Raali ka noqon maayaan Diinta Islaamka waana liidayaan, waxay samaynayaa Shirar Shirqoola ah, waxay qorayaan Maqaalo ama Kitaabo, waxay qaybinayaan Joornaalo,

waxay dhisayaan Macaahid iyo Jaamacaad illaa ay ka dhigaan Diinta Islaamka mid Isha Cawiran ama Weersha ah,  labada garboodna lakala dhiftay waxayna ka  fogaynayaan Waaqicooda si aan Muuminiinta loo xiriirin Cadowga Diinta Islaamkana aanan bari looga noqon oo loona muujin Cadaawad loo qabo waxa ay caabudayaan, Qaanuunkooda baadilka ah!”.

Xasbunallah Wanicmal Wakiil, Wallaahi waxaad moodaa in uu ka waramayo Sheekh Maxamed Binu Catiiq  kulankii Safiirka Maraykanka iyo qaabka loo soo bilaabay in Shacabka Soomaaliyeed Caqiidada laga marin habaabiyo Diinta Islaamkana Indhaha laga rido. Soo uma jeedaan Dacwadii Makka in Nabiga SWc iyo Saxaabadu ka doorteen Hijro Gaalada Qaanuunkooda in ay ixtiraamaan!?, Nabigu SCW xattaa Saxaabadu markii ay dhib u sheegteen Samra ayuu yiri, Wadaadkii C/raxmaan Sheekh Cumar ahaana wuxuu yiri Gaalada ka dambeeya oo Ixtiraama Qaanuunkooda Ilaaliya!, Dacwadii Makka ee Nabiga SCw ayaa saas ahayd! Xasbunallah Wanicmal Wakiil.

Allah ayaa ku mahdinaynaa Irjaaga, Jahliga naga bad baadiyey Ilaahow Adigaa mahad leh, waxaan dhihi lahayn sidii Shaacirku u yiri

واجعل لقلبك مقلتين كلاهمــا من خشية الرحمن باكيتان

لو شاء ربك كنت أيضاً مثلهم         فالقلب بين أصابع الرحمن

Daliil (5)

 

Sheekh Calaamah C/raxmaan Binu Xasan Binu Sheekh Binu Sheekh Maxamed Cabdiwahaab Wadaadka Kitaabu Towxiid Sharxay ee Fatxu Majiidka aad u taqaanan weeye ee Wadaadadii Al-Itixaadna ay noo Akhriyi jirteen intii aysan Magaca iyo Manhajkooda wax ka badalin, wuxuu Sheegay Sheekhu hadal uu ku cadaynayo Dacwadii Nabiga SWC ee Makka wuxuuna yiri.

* ويقول الشيخ العلامة عبد الرحمن بن حسن بن الشيخ محمد بن عبد الوهاب (صاحب كتاب فتح المجيد) حول آية الممتحنة السابقة: (فمن تدبر هذه الآيات عرف التوحيد الذي بعث الله به رسله وأنزل به كتبه وعرف حال المخالفين لما عليه الرسل وأتباعهم من الجهلة المغرورين الأخسرين قال شيخنا الإمام رحمه الله – يعني جده محمد بن عبد الوهاب – في سياق دعوة النبي صلى الله عليه وسلم قريشاً إلى التوحيد وما جرى منهم عند ذكر آلهتهم بأنهم لا ينفعون ولا يضرون أنهم جعلوا ذلك شتماً، “فإذا عرفت هذا عرفت أن الإنسان لا يستقيم له إسلام ولو وحد الله وترك الشرك إلا بعداوة المشركين([1]) والتصريح لهم بالعداوة والبغضاء كما قال تعالى: {لا تجد قوماً يؤمنون بالله واليوم الآخر يوادون من حادّ الله ورسوله…} [المجادلة: 22] الآية، فإذا فهمت هذا فهماً جيداً عرفت أن كثيراً ممن يدعي الدين لا يعرفه، وإلا فما الذي حمل المسلمين على الصبر على ذلك العذاب والأسر والهجرة إلى الحبشة مع أنه أرحم الناس ولو وجد لهم رخصة أرخص لهم، كيف وقد أنزل الله عليه: {ومن الناس من يقول آمنا بالله فإذا أوذي في الله جعل فتنة الناس كعذاب الله} [العنكبوت: 10] فإذا كانت هذه الآية فيمن وافق بلسانه فكيف بغير ذلك”؛ يعني من وافقهم بالقول والفعل بلا أذى فظاهرهم وأعانهم وذب عنهم وعن من وافقهم وأنكر على من خالفهم كما هو الواقع” – الدرر – جزء الجهاد ص93 وأنا أقول لهم: لله درك كأنك تتكلم في زماننا…) 

 

Wuxuu yiri Sheekhu, Asaga oo macnaynaya Aayadda Suuratul Mumtaxina, “Qofkii dhuuxa Ayaadda wuxuu garanayaa Towxiidkii Rususha lala soo diray, iyo Kitaabadii la soo dajiyey, wuxuu kale uu garanayaa xaalka kuwa khilaafay wixii Rasusho la timid iyo kuwii raacay, marka la eego kuwa la kadiyey iyo kuwa khasaaray“. Wuxuu yiri Sheekh Imaam wuxuu ula jeedaa Awoowgii Sheekh Maxamed Binu Cabdiwahaab, asaga oo ka hadlaya Dacwadii Nabiga SCW iyo sidii Quraysh uu Nabigu Scw ugu yeeray Towxiidka iyo wixii dhex maray, markii Nabigu Scw Ilaahyadoodii uu sheegay in aysan waxba taraynin waxna dhibi karin.

Quraysh arintaas waa qaadan waayeen, marka haddii aad sidaas garato, waxaad ogaanaysaa Insaanku in Diintiisu u istaagaynin Allahba hakali yeelo oo shirki yuusan samayninba, illaa in uu colaadiyo Mushrikiinta mooyaane, waxba uma saxmayaan weeye macnahu. isla markaana waa in aad u muujisaa Gaalada cadaawad, iyo Caro. wuxuuna keenay Sheekhu Aayaaddaan oo macnaheedu yahaya, “Ma helaysid Dad Allah Rasuulkiisa iyo maalinta Qiyaamaha rumaynaya oo xiriirinaya Qof Allah iyo Rasuulkiisa la colaytamay“.

Sheekh Maxamed Cabdiwahaab wuxuu leeyahay “Haddii aad arintaas fahantid oo si dhaba u fahantid, waxaad ogaanaysaa, Dad badan oo Diinta sheeganaya in aysan fahmin Towxiidka,!, haddii aysan sidaas ahayn ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdiwahaab maxaa sidaas ku qasbay Muslimiinta in ay ku samraan Cadaabka, Qafaalashada iyo Hijrada ay u aadeen Dhulka Xabashida!?, Nabigu SCw wuxuu ahaa mid aad u naxariis badan, haddii uu wax Ruqsaa u heli lahaana wuu u ogolaan lahaa!, laakiin sidee arintaas ku dhici kartaa weeye Allah ayaa soo dajiyey ayuu yiri Sheekhu Aayaddaan oo macnaheedu yahay“.

Dadka waxaa kamida kuwo dhahaya waan rumaynay Allah, markii Allah dartiis loo dhibana waxayna Fitnada Dadka ka dhigaan sida cadaabka Allah oo kale!, Suuratul Cankabuud Ayaadda 10”  Sheekh Maxamed Cabdiwahaab wuxuu yiri “Kawarama Qofkii Carabka kaga dhawaaqay Islaamnimada haddii sidaas Aayaaddu oga hadashay kan aan rumaynin xaalkiisu muxuu noqoyaa!?. Yacni oo ku waafaqa Gaalada Ficilkooda, hadalkooda, oo u muujiya wanaag asaga oo aan wax dhiba loo gaysan Gaalada caawiya, ku raaca Aragtidooda!, isla markaana Qofkii khilaafa, inkira oo yiraahda kugu raaci maayo Irjaaga iyo Gaalimada dhinac loo riixo Muwaxidiinta sida Waaqica ah!”.

Sheekh Abuu Maxamed Maqdasi wuxuu yiri Sheekh Maxamed Cabdiwahaahow waxaad moodaa in aad hadda hadlayso!“, Maqaalkaan waxaan ugu talagalnay Culimada, Ducaadda iyo Dalabada Cilmigu in ay dib u muraajaceeyaan Caqiida aan u nasab sheeganayno ee Salafka, waxaan kale oo ku talagalnay in shacabka Soomaaliyeedna ka faa’idaystaan oo aan Been looga sheegin Dacwadii Nabiga Scw ee Makka iyo Manhajkii Rususha Allah la soo diray.

 

 

Daliil (6) 

 

Dacwadii Rususha SCW iyo Wixii Kala Qabsaday Towxiidka iyo Qaanuunkii Gaalada, C/raxmaan Sheekh Cumar leeyahay hala ilaaliyo!.

 

Waxaan is dultaagaynaa Insha Allah, dhowr Aayadood oo Quraanka ku jira, oo Allah kaga waramay Rusushii iyo waxa Gaalo kala Qabsaday, waxaa idiin cadaan doonta Ninkii Towxiidka fahma in uusan ku dhiiran karin in uu yiraahdo Qaanuun Gaalo hala ilaaliyo, waliba dhowr khudbo oga hadlo!, war waayaabe yaa Diintii Allah ilaalinaya haddii aad Muslimiintii la hortaagan tahay ilaaliya Qaanuunka Gaalada!? Maxaa keenay in Nabi Mohamed SCW lagu been abuurto oo Dacwadiisii ama xiligii uu Makka joogay been laga sheego!?

 

(ويقول الشيخ محمد بن عبد اللطيف بن عبد الرحمن: (وهذا هو إظهار الدين لا كما يظن الجهلة من أنه إذا تركه الكفار وخلوا بينه وبين أن يصلي ويقرأ القرآن ويشتغل بما شاء من النوافل أنه يصير مظهراً لدينه هذا غلط فاحش فإن من يصرح بالعداوة للمشركين والبراءة منهم لا يتركونه بين أظهرهم بل إما قتلوه وإما أخرجوه إن وجدوا إلى ذلك سبيلاً كما ذكره الله عن الكفار قال تعالى: {وقال الذين كفروا لرسلهم لنخرجنكم من أرضنا أو لتعودن في ملتنا} [إبراهيم: 13] الآية. وقال إخباراً عن قوم شعيب: {لنخرجنك يا شعيب والذين آمنوا معك من قريتنا أو لتعودن في ملتنا} [الأعراف: 88] الآية. وذكر عن أهل الكهف أنهم قالوا: {إنهم إن يظهروا عليكم يرجموكم أو يعيدوكم في ملتهم 

ولن تفلحوا إذاً أبدا} [الكهف: 20] وهل اشتدت العداوة بين الرسل وقومهم إلا بعد التصريح بمسبة دينهم وتسفيه أحلامهم وعيب آلهتهم) أهـ. الدرر – جزء الجهاد ص207.

* ويقول الشيخ سليمان بن سحمان عند آية الممتحنة أيضاً: (فهذه هي ملة إبراهيم التي قال الله فيها: {ومن يرغب عن ملة إبراهيم إلا من سفه نفسه} [البقرة: 130]، فعلى المسلم أن يعادي أعداء الله ويظهر عداوتهم ويتباعد عنهم كل التباعد وأن لا يواليهم ولا يعاشرهم ولا يخالطهم…) أهـ ص221، جزء الجهاد – الدرر السنية.

وأخبر الله تعالى عن إبراهيم عليه السلام في موضع آخر: {قال أفرأيتم ما كنتم تعبدون * أنتم وآباؤكم الأقدمون * فإنهم عدو لي إلا رب العالمين} [الشعراء: 75-76].

وفي موضع ثالث يقول سبحانه: {وإذ قال إبراهيم لأبيه وقومه إنني براء مما تعبدون إلا الذي فطرني فإنه سيهدين} [الزخرف: 27].

* يقول الشيخ العلامة عبد الرحمن بن حسن بن الشيخ محمد بن عبد الوهاب: (وقد افترض الله تعالى البراءة من الشرك والمشركين والكفر بهم وعداوتهم وبغضهم وجهادهم: {فبدّل الذين ظلموا قولاً غير الذي قيل لهم} [البقرة: 59]، فوالوهم وأعانوهم وظاهروهم، واستنصروا بهم على المؤمنين وأبغضوهم وسبوهم من أجل ذلك، وكل هذه الأمور تناقض الإسلام كما دل عليه الكتاب والسنة في مواضع).

 

Sheekh Maxamed Ibnu C/ladiif wuxuu leeyahay “kuwa u fahmay muujinta Diinta Islaamka sida kuwo Juhalaa u malaynayaan, in ay tahay Salaadda oo la tokodo, Quraanka oo la akhriyo iyo Salaado badan oo Sunooyina sidaas ayey u qaateen in Diinta Islaamka lagu muujiyo!, wuxuu yiri Sheekhu arintaas waa Khalad foolxun, maxaa yeelay Qofkii Gaalo Cadaawad u muujiya oo bari ka noqda waxay caabudayaan, sidaas oga tagi maayaan, ama waa Dilayaan ama waa Masaafurinayaan, haddii ay awoodaan, sida Gaaladii kuwaan ka horreeyeyba ay Rususha ula dhaqmeen!“.

Kadibna Sheekhu wuxuu akhriyey Aayaadka uu keenay iyo Adilooyinka.

 

Qaacidada Almasaalix Wal Mafaasid oo Noqotay Daaqudka Casrigaan

طاغوت العصر المصالح والمفاسد)

Wadaadku Aayad Quraana ayuu u qabaa Qaacidada uu daliishanayo, Asagu haddii uu u arko Ifsaad ama Mafsado in Al shabaab lacag loo diro, soo Culimo iyo Ducaad ka cilmi badan asaga uma arki karaan Masaalix in ay tahay, waliba haddii aan eegno Maqaasida Shareecada Islaamka ee uu ka dhawaajiyey waxaa cad in uusan fahmin bal aan eegno Risaaladii Sheekh Abuu Maxamed Almaqdisi uu ku taageeray Mujaahidiinta Soomaaliya isla markaana uu ku weeraray Culimada Al-ictisaam ee uu ku tilmaamay Sheekhu Culumaa’u Dajaal.

Wuxuu sheegay Sheekh Abuu Maxamed in ay waxyaalo badan oo ay qoreen Al-ictisaamku Caqiidadii Murji’adu ka buuxdo. Risaalada Sheekhu uu ku radiyey Culimadii Alwifaaq ee Bashir Axmed Salaadka Al-ictisaamka horjoogaha u ah iyo Raggiisa, wuxuu Ciwaan oga dhigay Sheekh Abuu Mohamed Almaqdsi

رسالة نصرة للمجاهدين في الصومال وكشف شبهات مشايخ الدجال)

Risaalo Taageeraysa Mujaahidiinta Soomaaliya Faydaysana Shubahaadka Culimada Dajaal!.

Sheekh Abuu Maxamed Almaqsadi mar uu ka hadlayey Masaalixda ama Maqaasida Shareecada Islaamka, waxaa kamid ahaa oo aan soo xasuusanay markii aan aragnay C/raxmaan Sheekh Cumar sida uu ugu dhiiqday Maqaasida Shareecada Islaamka uu u fahmay in Qaanuunka Maraykanka la ilaaliyo Muslimiintana la gooyo xiriirkooda, sida uu u dhexfariistay Mowduuca uu ka hadlay ayaa Qosal iyo Taariikh noqon doona!.

Aan Aragno Sheekh Abuu Mohamed Almaqdisi oo ka hadlaya Maqaasida Shareecada Islaamka ama Noolasha Diinta Islaamka iyo dowrdka Dawaaqiidda

(فنقول : إن الهلاك والحياة لا تحددها السياسات الطاغوتية ولا الأهواء والشهوات ولا العقول المعيشية التي يصدر عنها فقهاء الإنبطاح ومشايخ المارينز ؛ وإنما يحدد ذلك وفق حدود الله وكلامه سبحانه ..) 

Wuxuu yiri Sheekhu Abuu Maxamed Almaqdasi, “Halaaggu iyo Noolasha Siyaasadaha iyo Dawaaqiiddu maxadadi karaan, Hawooyinka, Shahwaadka Caqliyada iyo waxa ka soo baxaya Sheekh yaalka damacu ka buuxo, waxba ma xadadi karaan, waxaa Xuduudahaas ilaalinaya oo wax xadadi kara waa Allah“.

(وقد دلت آيات الكتاب أن الحياة الكريمة والحقيقية التي يحبها الله ورسوله صلى الله عليه وسلم هي الحياة في ظلال القرآن وفي ظل حكمه وشريعته فقال تعالى : (وَلَكُمْ فِي الْقِصَاصِ حَيَاةٌ يَا أُولِي الْأَلْبَابِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ ) .

كما بين القرآن أن الحياة الآمنة والمطمئنة التي تحفظ فيها حقوق العباد وأنفسهم ودماؤهم أموالهم وأعراضهم إنما تكون في ظل طاعته جل وعلا فقال تعالى : (يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اسْتَجِيبُوا لِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ إِذَا دَعَاكُمْ لِمَا يُحْيِيكُمْ)  

Sheekkh Abuu Maxamed wuxuu yiri, “Aayaadka Quraanku waxay ku tusinayaan, Noolasha Sharafta leh, ee Xaqiiqadaa in ay tahay tan Allah iyo Rasuulkiisu jecel yihiin, waana noolasha ah in la hoos harsado Quraanka, Xigmada oo ah  Sunada Nabiga, SWC, iyo Shareecada Islaamka, “Ilaahayna wuxuu yiri, Qisaasta waxaa idin kugu sugan Noolaal, kuwa Caqliga usaaxiib kaayow waxaadna mudan tihiin in aad Allah ka cabsataan. Sida Quraanku cadeeyey Noolasha Aaminka ah ee dagan, waa tan Xafiday Xuquuqda Addoomaha, Nafyaalka, Dhiigga, Xoolaha iyo Sharafta, intaasna waxaa la rabaa in ay daacada Allah harsadaan“, Ilaahay wuxuu yiri, “kuwa Allah Rumeeyow Ilaahay yeela iyo Rasuulkiisa haddii ay idin kugu yeeraan waxay idin ku noolaynayaan!”.

Marka waa noo caddahay in uusan Fahmin C/raxmaan Sheekh Cumar Maqaasida Shareecada Islaamka ee uu ka dhawaajiyey, waayo waxaa loo noolaadaa ee Dadka nooleeya waa ku dhaqanka Shareecada Islaamka, kawaran Nin la dagaalamaya ama leh Mujaahidkii Shareecada Islaamka dhaqan galinteeda hirgalinayey yaan lacag loo dirin!? oo haddana daliishanaya Maqaasida Shareecada Islaamka oo iska dhigaya Nin fahmay Ujeedooyinkii Allah usoo dajiyey Shareecada Islaamka! una qaatay in Qaanuunka Gaalada Muslimiintu in ay ilaaliyaan oo Dacwadii Makka ay ku jiraan ee aan soo aragnay qaabkii ay ahayd iyo Allah iyo Rasuulkiisa sida ay Xaqqa u cadeeyeen!.

Sheekh Abuu Maxamed Almaqdasi oo hadalkiisa sii wata Culimada Dajaal wuxuu ka yiri!

 

(وبين سبحانه أن الهلاك الحقيقي إنما يكن بترك أوامر الله ومنها الجهاد والإنفاق في سبيل الله فقال جل وعلا : (وَأَنْفِقُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَلَا تُلْقُوا بِأَيْدِيكُمْ إِلَى التَّهْلُكَةِ وَأَحْسِنُوا إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُحْسِنِينَ ) ..

 

Ilaahay wuxuu caddeeyey Halaaga xaqiiqadaa in uu yahay Amarka Allah oo laga tago waxaana kamida Jihaadka, iyo dhaqaalihii lagu bixin lahaa Jidka Allah oo laga tago ama la iska reebo“, Ilaahayna wuxuu yiri, “Ku bixiya Jihaadka dhaqaalihiina, Gacmihiinana halaag haku kasbanina, Wanaajiya Ilaahay wuxuu jecel yahay kuwa Muxsiniintaa ee Jidkiisa wax ku bixiya!“, Allahu Mustacaan.

Aawey Maqaasidii C/raxmaan Sheekh Cumar fahmay? ma waxay noqotay xigmaddii Al-ictisaam in ay Qariyaan Risaaladii Nabi Mohamed SCW?, ma waxay u qaateen in ay Dad koodhan caamo yihiin?, mase Wadaadka waxaa ku dhacay hadalkii Sheekh Ibnu Qayim uu yiri “Qofkii Fanni uusan lahayn gala wuxuu la yimaadaa Cajaa’ib, wax lala yaabo!“. Waa taas Maqaasidii Shareecada Islaamka ee uu uqaatay Wadaadku in ay Maslaxad tahay in aan Jidka Allah waxba lagu bixin Carruurtana loo xiirto oo caamada loogu sheekeeyo Nabi Mohamed SCW ayaa Asnaab ku dhexnoolaa iyo xaalad makkaan ku jirnaa ama Dacwada aan wadno ayaa ah Dacwatu Makka!.

Waxaan kusoo gaba gabaynaynaa Dardaarankii Sheekh Abuu Mohamed Almaqdsi uu la dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Mujaahidiinta oo uu yiri iska ilaaliya Murji’ada Kuraasdoonka ah, hana halmaaminina dhiiggii Shuhadada, Sheekhu wuxuu kusoo khatimay Duco iyo dardaaran dhaxal gala haddii Mujaahidiintu qaataan ay ka bad baadayaan dhagarta Wadaadxumayaasha hawadooda Ilaah ka dhigtay, isla markaana doonaya hirgalin Shareeco Islaam oo aysan dhiig u daadin xoola aysan u hurin in ay Kuraas iyo Mansab ka helaan!.

 وعليه فأوصي إخواني المسلمين في الصومال وفي كل مكان بإعلان نصرتهم للشباب المجاهدين الذين رفعوا راية التوحيد ، وأن يقدّموا لهم كافة أنواع الدعم والعون والنصرة ، وأن ينحازوا إلى صفهم وأن لا يخذلوا رايتهم أو يتخلوا عن جهادهم ؛ فقد عرف الناس صدقهم واستقامتهم ونظافة أيديهم ونزاهة حكمهم في كل ولاية فتحوها وحكموها. 

كما أوصيهم بأن لا يغتروا بتلبيسات مشايخ الدجال ؛ الذين يلبسون الحق بالباطل ويخلطون سبيل الجنة بسبل الجحيم .. وأن لا ينخدعوا بحكومة الدجال شريف الذي تحالف مع الأمريكان فأعطاهم صفقة يده ، وفتح لهم ذراعيه ، وصار وكيلا لمصالحهم في الصومال شأنه شأن إخوانه من الحكام العملاء في سائر بلاد المسلمين اليوم. 

ولذلك أحذّرهم من نصرة حكومة هذا الدجال أو العمل في شرطته وجنده أوالدخول في جملة أنصاره أو الانحياز إلى جيشه ؛ لأن من يتول الكافر كافر مثله ، قال تعالى : (وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ مِنْكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ ) ، ومن يظاهر أعداء الشريعة وأولياء الأمريكان على المسلمين والمجاهدين فقد كفر بالله العظيم ؛كما بين ذلك العلماء المحققون ..

كما أوصي إخواني المجاهدين بالثبات تحت راية التوحيد ، والاستقامة على منهجها الحق وعدم التضرر بالمخالفين والمخذلين ؛ عسى أن يكونوا إن شاء الله من الطائفة الظاهرة المنصورة التي أخبر النبي صلى الله عليه وسلم بأنها تقاتل على أمر الله لا يضرها من خالفها ولا من خذلها حتى يأتي أمر الله وهم كذلك ..

وأن يحذروا كل الحذر ومنذ الآن من التحالف مع أي منحرف عن نهج التوحيد ؛ ممن يتربصون بهم ليقطفوا ثمرة جهادهم ويتسلقوا إلى كراسي الحكم على أشلاء الشهداء وجماجم الأبطال الذين ضحوا بأعمارهم وبذلوا مهجهم وأرواحهم من أجل رفع راية التوحيد وإقامة حكم الله في الأرض .. فالله الله في هذه الأمانة العظيمة حوطوها برعايتكم وعضوا عليها بنواجذكم ولا تفرطوا فيها أوتشركوا في ثمراتها كل دعي يتمسح بحرقة الشجي .. 

اللهم انصر عبادك المجاهدين في الصومال اللهم سدد رميهم ووحد كلمتهم وألف بين قلوبهم ومكن لهم في الأرض واكبت عدوهم ورد مكره في نحره ، اللهم أبرم لإخواننا المسلمين في الصومال أمر رشد يعز فيه أولياؤك ويذل فيه أعداؤك ويؤمر فيه بالمعروف وينهى فيه عن المنكر ويحكم فيه كتابك .. 

وصلي اللهم وسلم على نبيك محمد وعلى آله وأصحابه أجمعين


وكتب أبو محمد المقدسي
شوال 1430هـ. http://tawhed.ws/r?i=05100905

Walaalihiin Golaha Baraaruga Islaamka, haddii nala ka codsado Qayb labaad ayaan oga hadlaynaa Dacwadii Makka Insha Allah.

Somalimidnimo.com

38 Responses

  1. soomaali says:

    horta nimanyahoow anigu waxaan la yaabanahay idinku inta aadan culumada wax ka sheegin waayo culumadu waxeey dhaxleen anbiyada,naftiina ma eegteen sadaxdaan suaal ka soo jawaaba
    1.maxaad ugu noosghihiin mareykanka oo aad uga jeceshihiin in aad ku noolaataan wilaayadaha islaamiga ah ee aad sheegeeysaa?
    2.ma ku camal fasheen waxaad ogtihiin oo aha in gaalada laga beri noqdo aan lagu dhax noolaan,mase sidii culumadii yuhuuda ayaad tihiin oo meesheey rabaan diinta ka qaata?
    3.sideen idinku aamina idinka waxa aad soo qortiin,

  2. wadaad yare says:

    Abuu Muxamed Al-Maqdisi wuxuu ka mid ahaa Jamaacadii Juheymaan ee Kacbada weerartey oo Imaamkii xaramkana ku dishey iyo dad kaloo badan. Adinkuna muftiga muslimiintaad ka dhigeysaan.

    Meeshaan thowratul Khawaarij weeye waxa ka socdaa natiijo la,aan ayeyna ku dhammaan doonaane juhdigiinna ha iskaga khasaarinina. Waan idiin sheegeynaa qaadashadana innaga nama saarna.

  3. abuu ramla says:

    subxaanallah yaa xayuu yaa qayyuum walaa xawla walaa quwwata illaa billaah
    maanta mwaxay maraysaa in siiradii nabi muxamed (scw)laga been sheego oo layiraahdo sanam ayau ku agsujuudi jiray cajiib wadaadkan qarriban lamaba yaabani oo horaybaanba u ogaa waxa uu yahaye waxan layaabanahay kuwa hoos fadhiya soo wax ajruumiga iyo usuuluthalaathka laqbaystay kuma jiraan mase qalbigoodiibaa daboolan
    waan hubaa tan inay tahay fadeexad iyo tamxiis dadka lagukalasaarayo wadaadxumayaasha ummada wareeriyay ayuu ilaahay fadeexaynayaa ha waxayba marayaan inay kabeen sheegaan siiradii rasuulkeena nabad gelyo naxriis korkiisa ha ahatee
    waxaabo sugan xataa inataanan risaalada loosoo dhiibin xataa yaraantissii inuusan sanam caabudin ama usujudin waxba tacliiqin maayoo gob islaam ayaa tacliiq oogu filan shubahaadkiisiina kajaawabay allo ceebtaanada astur culumaa,u suu waa lugu yaqaan inay maalinba meel xun kadhacaan meel xun alla idinkarid diintana dabar alle idinkagadhig shartooda allaha naga qabto kuwaan waxay soo wadadn iyo wabiga keee wayn
    xasbunallahu wanicmalwakiil

  4. Somali Salafi says:

    Asc wr wb
    -
    Marka hore waxan Salamaya Walaalaha GOB-ISLAM
    O sida Cilmiyeysan isku dultaagay Khudbadi C/raxman Sh Cumar
    -
    Xadiithka Nabiga CSW e ahaa
    عبد الله بن عمرو بن عوف المزني ، عن أبيه ، عن جده ، أن النبي صلى الله عليه وسلم قال لبلال بن الحرث اعلم أن الصلح جائز بين المسلمين إلا صلحا حرم حلالا أو أحل حراما ، والمسلمون على شروطهم إلا شرطا حرم حلالا أو أحل حراما .) (رواه الترمذي وقال حسن صحيح)
    Xadiithka wuxu oranaya
    -
    (Muslimiintu balamaha kama bixi karaan, illaa shardi xarimay xalaasha ama xaraamta baneeyey mooyaane)
    -
    C/RAXMAN SH CUMAR WAXAN KU HAYSANA XADITHKA NABIGA CSW U DHEXDA KA KALA JARAY
    -
    Waxaad Moda in C/raxman Sh Cumar u Xadiithki Nabiga Csw kala gooyay
    O wuxu so qatay inta ah (Muslimiintu balamaha kama bixi karaan)
    Wuxuna ka tagay inti aheyd (illaa shardi xarimay xalaasha ama xaraamta baneeyey mooyaane)
    -
    Marka Qaynunka Mareykanka o Xarimaya Xalasha, sida
    -
    1- In Raga Musliminta ah ay Laba Dumar ah isla guursan karin
    2- In aan Mujahidinta Dhaqale lo diri karin,iwm
    MALO HOGANSAMI KARAA, JAWABTU WAA MAYA
    -
    Qaynuunka Mareykanka o Xaranta baneynaya sida
    -
    1- Raga o isguursan kara iyo dumarka o isgursan kara
    2- Qamriga iyo Zinada o ay baneyeen,iwm
    MALO HOGANSAMI KARAA JAWABTU WA MAYA
    C/raxman muxu marka Umada u marin habaabinaya
    -
    WAAYO U C/RAXMAN SH CUMAR XADIITHKA U DHAMEYSTIRI WAYAY
    MISE INU UMADA QALDO AYU RABAA
    -
    Wuxu kale o yiri
    -
    (C/raxmaan Nabigu csw Wadan Gaaluu ku noolaa Makka 360 Sanab ayaa ku dhex jirtay Kacbada Nabiguna csw gees ayuu kaga Sajuudi jiray!, xigmadaas ayey Shareecada Islaamku ku socotay,)
    -
    DACWADI MAKA MA LAGU DABIQI KARAA WAQTIGAAN XADIRKA AH
    -
    1- Nabiga csw risaladisu wey cusbeed dhul islaam ah u u Hijrodana ma jirin?
    ( Lakin C/raxman sh cumar iyo Musliminta kalaba meel ay u hijrodan ayey leyihin)
    (Marka C/raxman inu yirahdo Nabiga csw dhul gaalo ayu jogay waa GAF)

    2- Nabiga csw ma Qaynuunka kufaarul qureysh ayu ilaalin jiray? MAYA MA ILALIN JIRIN
    WAXA NABIGA CSW LO SO DIRAY WAXEY AHEYD
    Inu burburiyo qaynuunka kufarul qureysh
    ( Muxu marka C/raxman u leeyahay qaynuunka hala ilaaliyo)
    Ma inu Umada marin habaabiyo ayu rabaa?
    -
    3- Mida kale waqtigaan xaadirka ah
    Qof Muslim ah maku dhex tukan karaa qol ay yalaan 360 Sanam
    JAWABTU WA MAYA
    (Marka C/raxman muxu Umada u marin habaabinaya)
    -
    4- Nabiga csw Makka waxa loga saray madama u ilaalin wayay
    Qaynuunka kufarul qureysh
    ( C/raxman sh Cumar wuxu Umada ku leeyahay ilaaliya qaynuunka mareykanka
    Si mareykanka lo si jogo iyada o la nabad qabo)
    C/raxman ma Nabiga csw ayu a badiya ALMASALIX WAL MAFASID
    -
    UMADA SOMALIYEED E MINESOTA KU NOOL AYA KA FITRO FIICAN C/RAXMAN
    -
    Shacabka ehelkoda lacagta xawaaladaha u dhigi jiray
    Aya dareemay dhibta jirta inta ay la eg tahay marki ay wayeen
    Meel ay dadkooda wax u mariyeen iyaga o Mudaharaadyo dhigay
    C/raxmana wu ka damqan wayay arintaas
    -
    C/RAXMAN SH CUMAR KHUDBADISA JIMCAHA
    -
    Waxa is burinaya Khudbadisi Jimcaha inteeda badneed
    Iyo Ducadi uku so xiray Khudbadisa
    -
    Khudbadisu waxey u badneed inu leeyahay Qaynuunka mareykanka hala ilaasho
    Ducadi u khudbadisa ku so xirayna waxey aheyd
    -
    (—— wathabith aqdamuna, wansurna calal qowmil kafirin)
    -
    C/raxman kafirinta u sheegayo so kuwa u leeyahay ma aha
    Qaynunkoda hala ilaasho, idinka o og in Mareykanku u hogaminayo dagalka Salibiyiinta
    ILLAHEY SO MA ORAN
    يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِن تَنصُرُوا اللَّهَ يَنصُرْكُمْ وَيُثَبِّتْ أَقْدَامَكُمْ
    -
    Kuwa Xaqa rumeeyow hadaad u gargaartaan Eebe Diintisa
    Isna wu idin gargaari Gommadihinana wu sugi
    Suratul Muxammad, ayada 7aad
    -
    Marka Diinta ILLAHEY o lo gargaaro ma in Qaynuunka Mareykanka la ilaasha?
    Gargaarka u C/raxman sugayana ma wuxu ku imanaya
    Inu qaynunka mareykanka ilaasho MISE inu gaalada la JIHAADO

  5. Abuu fatima says:

    Gob islaam bayaanada kayimid waan u bogayaaye
    Aniguna bareerahay tixbaan soo bandhigayaaye
    Butaacada horeetaan harqini biindhadoo idile
    Sida wabi barwaaqadu heshaan bawdka jabiyaaye
    Bulxankiyo dagaalkayga way baqi cawaantiiye
    Bmkiyo dhashiikaha ayaan gaalka boobsiine
    Barta shiishka goortaan qabsado baydad way noqone
    Cabdaw aan bogaadiyo hadana baabkan falanqeeyo
    Kala baranay beentiyo runtii waana kala baabe
    Balaayiyo ninkii nala jeclaa hooga bayd kiisa
    Iyo kii bukaan keena dhayi beerka ka ogsooni
    Gaal baaraliyo kii jecla una baqoo laayey
    Bara iyo Anfaal kii nabari beerka ka ogsooni
    Ninka gaalka naga beeciyee buurka naga gooya
    Iyo kii basaas teen dhibtana beerka ka ogsooni
    Birlab weeye diinkuye ninkii diidan bololkiisa
    Iyo kii barxaayoo nasakhi beerka ka ogsooni
    Booraan cadaawuhu qodee boor kusayn saabay
    Midka noogu baaqee kufriga beec sharaw siiyey
    Iyo kii bartiis noo haligi beerka ka ogsooni
    Baqoolaha nasaarada ahee boobtay ciideena
    Bafto iyo ninkii shaalu gada deedna bari taaray
    Iyo kii baxoo dirira yiri beerka ka ogsooni
    Badihii kuwaa iibsadayee boobi khayraadka
    Baadari nasaaraa kuwii siiyey balanqaadyo
    Iyo wiilka booshkaw sitee bixiyey dhiigiisa
    Bila caaneheed uma simeen oo Billaahiyahe
    Buurkaan kajarlilaa kan hore mana bad baadsheene
    Midka kalana waw badin lahaa baad waxaan helaye
    Ninkii cadaw Ilaahay badshow waadku baxaysaaye
    Wadaadkaa baqaayee hadana dhabarka boohaarin
    Iyo geesi aan biru karayn waaba kala baabe
    Bilaash laba canlayn buurabaa buurka laga gooye
    Aduunyadu badbaadiyo malahan balaxsi joogtaahe
    Barta lagu nagaadiyo ma ahan baydki raaxadaye
    Waxaa uu badhaadhaha u qabay waaba baaskiise
    Bulsha yahay waxaa lagugu dagi bayd go,aagiiye
    Waxa aad naf biday saan kufrigi balagta dheeraaye
    Oo waysu buustaan midkii baa ba,aan dhigaye
    Hadii adan baraaruga lasocon waad banjaraysaaye
    Wadaadkaa qaxwaha uun bartee nololsha baandheeyey
    Baqoolaha wuxuu kuugu raray meel bah gooyaahe
    Hadii aad baxnaaniyo rabtaan baaqi kuu dooga
    Kacarara bartuu joogo iyo baydki lagu sheego
    Marhaduu nusuustii ba,shee beenka faaleeyo
    Waa boog dhacaantoon lahayn waxun boksiimaahe
    Kacarara bartuu joogo iyo baydki lagu sheego
    Nas haduu mar baal goosto oo karinba buursaaro
    Bidco iyo irjaa iyo nifaaq yuu barxahayaaye
    Barbarqaadyey goobtii sharcigu baaca dheer dhigaye
    Asalkyba baraa uu ahaa baydka diinteene
    Balantii Ilaah nala galiyo baaqi Nabigeena scw
    Waa inaan baraa,ada kufriga abidku baaq naaye
    Beelaha dagaalamay haday qoloba baal qaado
    Waa inaan islaamkaa bilane baal istaagnaaye
    Jirkaagoo barkiis kaarayaa lagu bineeyaaye
    Baabacada adigoo kajaban jiifma badiseene
    Bashiir baa saraaxada kuyiri oo bilaahiyahe(scw)
    Tawxiidka baashiis nqodoo bila islaamkiina
    Ruuxuna marbuu bixilahaa oo mabaaqdeene
    Bareeraha jihaadkiyo aqbala baaqa xamar yaala

  6. cabdullahi says:

    asc anigo qoraal akhrinin khudbada sh cabdi raxman sh cumara ayaan dhageystay wax qalad ahna kuma anan arkin ee ilaahay sheekha hanoo xafido wax aad ka qaadi kartan malahan allah ayaa ilaashanaaya adoomadiisa wan wanaagsan

  7. abuu ramla says:

    to wadaad yare abuu maxame almaqdasi waa salfi jihaadi ah murji,ada aad adigu kamid tahayna meel ooga soo haray waase yaabe diinbaad sheeganaysaa waxaadna kahadalaysaa wax qeyb ah insha allahuna kuma adarysid bal dib u eeg kalimadaadii kujirtay qoraalkaaga waxaad tiri waxaan jnatiija l,aan ayay kudhamaan allena ooma aadan tiirinin waa yaabe ma adaa qeybka og ama gacanta kuhaya waxaasoo kalaa culimo iskadhigayo kaaga darane wuxuuba labaxay magaca wadaad yare wadaad yare matihide waxaad tahay wadaad xume

  8. umuzakariya says:

    as wr wb
    iqwaani waxaan dadkan loogu warerin Alle subxanahu watacaala ayaa noosheegey surada israa 73-74-75 Alle wuxuu leyahey( galadu waxey doonayaan ineykaa fidneyaan kii an kugu soodajineyxagisa sadnoguben aburato korkena midaan asagii aheyn markaas adsas yesho ayey kaayelanayaan gaalada saaxiib) halkaas waxaan ka oganey gaalo iney saxiib kadhiganeynin ilaa aad katakto qur aanka ama ad kubeen aburato mooyee. ineynan saaxiib kulanoqoneynin ayadaha kuxigana waxey kahad layaan qofkii sasyela abaalkisa wuxuu noqonayo. marka wadaadadan ilaalinaya sharciga gaalada sharciga Allena qofkiiweyneya dhahaya dhibatu nookenayaa xalkodu waa iska cad yahey Alaah awoodiisa ayaanan laweyneyn iyagoo aqrinaaya hadalkii Alle waxaa kala weynaadey awooda gaalada oo waa indho kugaraadlayaal isaga iyo kuwa laqaba fakarkaas qaldan . waxaan oran lahaa dadka halaga qabto wadaad xumayaasha wadamada gaalada kunool oon dan kalaheyn Ilah sharcigiisa indhulka korkiisa laguxukumo. waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa GOB-ISLAM meeshaas kawada oo wajiga kafiiqa kuwa kugabanaya maga diinta oo xaqa ucadeeya dadkaan kadhalaney seymarka dambe lowaayo waxkudabatukada. baarakalaahu fiikum

    ws wr wb

  9. Soomaali says:

    Soomaali anigu waxaan ula jeedaa inta ku abtirsata magaca SDoomaali oo ahj dad Muslim ah oo iska diiday inay yeelaan wax meel ugaddhacay diintooda iy dadnimadaadaba.
    Saan ku oggaa ictisaam waxay u galeen Xabashi iyo gaalo kale.
    Soomaalinida ay noo sheegayaan maxay ula jeedaan?

  10. Maxamed Jaamac says:

    Waan idin radin lahaa laakiin shiikh maxamed cabdi wahaab ayaan jeclahay oo meel aan ka maro waayeyy.

    waxaan kaloo ka baqay in aad shiih ibnu taymiyana keentaan, waxaanse idinka faaidaystay in aan makka iyo madiino diinta loo kala saarin.

    shiikh c/raxmaan wuxuu kamid yahay culimada soomaaliya iyo ducaadii dacwada soo waday mudo badan, laakiin kuma raacsani qaanuun hala ilaaliyo, waliba kan gaalada, si kale ayuu shiikhu dadka wax ugu sheegi karay sida in ay isla ilaaliyaa wixii xadgudub ku ah wadanka ay ku nool yihiin laakiin mar walba waa laga fiican yahay in nabiga nhh la yiraahdo asnaam ayuu ku cag noolaa ama dacwatu makka ayaan ku jirnaa

    sida takfiirka gob-islam keeneen ee c/waaxid ugu weyn yahay nabiga nhh xaqqa waa cadayn jiray sida aayaadka ku cad, marka shiikh maxamed cabdiwahaab risaalooyinkiisa bal culimadu haka hadlaan xoogaa fikir takfiir ayaan dareemaa laakiin shiikhu waa shiikhii culimadu noo akhrin jireen

  11. umu_barau says:

    Subxanallaahi qaynuunkii Allah aawey kan reer galbeedkaba waad ka fakareysaaye??? imaamu axmed binu xambal markii lagu yiri waxad dhahdaa qur,aanka waa makhluuq waan ku sii deyneynaaye muxuu ku jawaabay?? waxa uu ku jawaabay hadii aan maanta kaga fakado xabsiga oo aan sidaa irraahdo waxan ka baqaya inta iga dambeysa ee diin u qaadan doonto arrinkaas!! sidoo kale imaamu axmed binu xambal waxa dardarankisii ka mid ahaa waxan la yaabay dad markii ay arkaan xadiis ki rasuulka csw oo ay ogadaan inuu saxiix yahay ku weydiinaaya muxuu sheikh hebel ka yiri arrinkas!!!???.

    Markaas ayuu akhriyey ayadii Allah uu ku lahaa haka digtooonaden kuwa khilafaya amarkaaga inay asiibto ciqaab adag ama cadaab xanuun badan!.imaamu shaafici waxa uu leeyahay muslimiinta oo dhan wax ay isku raacen shey hadii leysku raco inuu ka mid yahay sunihii rasuulka csw aan la qaadanin hadal sheikh kale sheegay! waxa kale oo uu imaamu shaafici yiri haddii hadalkeyga khilaafo hadalkii rasuulka csw hadalkeyga darbiga ku dhufta!!!.

    Rasuulka csw waxa uu noo sheegay inay islamku is jeclaadaan oo leys taageero,leys caawiyo,leysku hiiliyo naf iyo maalna leysugu gargaaro!! adna waxad na amartay sheikhoow inaan lacagta la dirrin miyaadin maqlin in Allah iyo rasuulkisiiba ay dhaheen muslimiinta waa tiirar mid ba mid kale adkeynaya!!! imaamu maalik isna waxa uu leyahay kuligen waxaan nahay mid la ridiyo iyo mid wax radiyo illaa qabriga ninkaas maahee waxa uu na farta ku fiiqay nabiga csw qabrigiisa,markaas ayuu yiri imaamka isagoo hadalkii sii wata ma intaan ka tagno nabiga csw hadalkisi ayaan mid kasta oo dood badan qaadaneynaa hadalkisa!???.

    Xaqiiq waxaa ah dintaan inay ku bilabatay dhib iyo rafaad dhibtii ayuuna sheegay rasulka csw inay ku noqoneyso, waxaase su,aal mudan diinta waxii qurxiyey ee ay ku wanaagsaneyd in dadka isla fahman waayo islaamka duli ayeyju jireen markii la amray inay dagaalamaana waxa uu islaamka yeeshay cis,dagaalkana maaha in hub kaliya la qaatee waxaa ka mid ah in carabka laga dagaalamo aad ayaan ugu hambalyeynayaa reer towxiid camalkaan wanaagsan ee ay ugu dagaalamayaan diinta Allah gacan iyo af intaba!.

    Aniga hadalka wadaad xume waxan ka soo qaadayaa hangaraarac luq ka go,day miyuu u dhutiyaa??? jawaabta waa maya hadaba Allah waa naga kiin kaafiyey sheikhoow wixii xaq ah waa lagaa qaadanayaa wixi aad jeebkaaga kala timid se wajiga ayaa lagaaga dhufanayaa!! waxaan hadaba umada islaamka ah u soo jedin lahaa inaan diinta barrano noguma horeyso qof shalay dadka wanaag amrayey maantana gadaal u sii liicayee aan diinta ka qadano dadkii dhintay sida ay salaf kaba u dhihi jireen qof nool fidno loogama aamin aha ee diinta aan ka qaadano dadka dhintay!!!.

    Dadkii saalixiinta ahaa ayaa waxay dhihi jireen, waxaa jirray nin diinta intuu bartay uga mashquulay aduunyo iyo wax la mid ah, markas ayu dhihi jiray hadii aan toosnaan lahaa ma,aanan noqdeen,waxaa dib u labta oo gaabiya kuwa aan illahay si xaq ah aqoon fiican ugu laheyn!! waxay kaloo orran jiren walaahi waxaan ka baqayaa inuu inta Allah eego qalbigeyga uu Allah ka wayo wax aniga illa mid ah!! hada waxay reer kii duub weyne ahaa socdan ma waxay leeyihiin nabiga csw ayaa sanam ku dhex tukaday? ma is weydiiyey intaan laga reebin inay aheyd???.

    Qaab sidee ayuu ah ayuu nabiga csw asnaam ugu dhex tukaday??? mase is weydiinay inay jirto wax yabo badan oo ku koobnaa rasuulka csw oo karaamo iyo mucjisaad ah! Subxaallahi cammaa yaquuluna culluwan kabirraa!! Allow adiga ayaan kaaga magan galeynaa inaan ku hadalno wax aan xaq aheyn subxanak,waxaan la yaabanahay nimankaas lagama hayo wax islaamka farax galiya wax carro galiya maahee Laa xowla wallaa quwata illaa billaa billah!.

    Waxan asiibay Allah xagiisa ayey ka ahadeen oo xeelad iyo caqli awood midna ma lihi waxaan qaldayna sheydaan xagiisa waaye maxaa yeelay sheydaanku waxa uu ahaaday mid bani,aadamka cadow ku ah Allah ayaanan ka magan galayaa Allaahayoow noo dhaaf khladadkeena oo hanoogu caroonin waxa ay sameynayaan suufiyaasheena iyo daalimiinteena adiga ayaa kariim ahe Subxanakallahuma wabixamdik nash,hadu an Laa,illaaha illaa anta nastagfiruka wanatuubu illeyka.

  12. Sheekh Maxamed Aadan says:

    Saalumu Laah.

    Ikhwa allah ha idin barakeeyo, haddii aan nahay ardayda jaamaca madiino waan idin mahad celinaynaa waxaan filayaa hadda kahor in aan walaalaha email kuwada xiriirnay.

    Waxaan filayaa talooyin badan oo aan soo darxinay in aad qaadateen oo dalabeena iyo culimadaba aad xasuusiseen dacwadii salafka. ilaahay hawaaniji aakhiro iyo aduun waxaan maqlay nasuusta aad keenteen inta badan in aad ka faaideen kitaabada sh abuusalmaan uu kahriyey.

    waxaan kudari lahaa in aad sh. iskaga ogolaataan sh c/rixmaan shiikhana waan jeclaan lahaa meel aan kala xiriiro si aan naseexo ugu gudbiyo in aan helo. asbaabtii hijradii nabaiga salalahu calay keentay waxay ahayd towxiidka waliba muslimiinta waxaa waajib ku ah hijro ee waajib iyo suno midna kuma ahan in ay gaalada qaanuunkooda mudnaanta siiyaan shiikhana taas ayaad moodaa in ay ka hoos baxday

    hadii nimankaan maraykan dadka dhibeen shiikha waxaa waajib ku ah in uu muslimiinta ku guubaabiyo dhulalalka muslimiinta in ay u haajiraan, hadii gaaladu weydiisana waxaa iala qurux badan in uu yiraahdo idiinka muslimiinta dhibay oo yiri muslimiinta kale ma xiriirin kartaa

    xigmad ayaa dacwadu u baahantahay ee uma baahna umada in towxiidka laga leexiyo waana dambi weyn ayaa la oran karaa in taariikhda makka iyo dhibkii nabiga salalahu soo gaaray.

    daa’if soo ma ahayn meeshii nabiga salalahu calayhi lagu tuuryeeyey!, shiikha waxay ahayd in gaaladu tuuryeyso oo uu samro hadii uu samri waayey xaq uma lahan in uu muslimiinta fitneeyo, ninkii raba asagu in uu culimada sh maxamed cabdiwahab ugu horeeyo in uu lla dagaalamana hade suufinimadii iyo ahsaaciradii haku noqdo

    sh cali xaaji ayaan ka dhagaystay asaga oo leh sh cali warsamaa yiri sh maxamed cabdiwahab iyo sh ibnutaymiya waan khaldanayn in aan dacwadeena ku xirno, marka dambi weyn oo al shabaab iyo alqaacida nacayba oo shareecada laga galayaa jira taas hala ogaado.

    Sheekh Maxamed Aadan

  13. wadaad yare says:

    Abu Ramla

    Jihaadiyiintu dagaalka ay wadaan inuu guul keenayo ayey u arkaan, dadka kasoo horjeedana inuusan guul keeneyn ayey u arkaan. Markey qiimeynta ku kala tageen ayaa ninba daliil raadsadey uu ku xoojinayo qiimeyntiisa.

    Bal u fiirso iimaankana is geli waxa khilaafku ka taaganyahey oo dagaalka Jihaadiyiintu wadaan ma waxaan labada ixtimaale soo socda aheyn ayuu xanbaari karaa:

    1. Dagaalkaani in guul uu keeno ayey u badantahey walow tadxiya badanba halla bixiyee

    2. Mayee ma heysto fursad uu guul ku keeni karo oon khaariqul caada ka aheyn,khaariqul caadana inaan ku dagaal galno Ilaahey naguma addoonsan.

    Marka dadka diidan Jihaadiyiinta dagaalkooda waxey u arkaan ixtimaalka danbe, Jihaadiyiintuna ixtimaalka hore. Markii halkaas iyo labadaas qaddarinood la kala qaatey ayey Jihaadiyiintu iney qaddarintoodi qasab ku meel mariyaan wixii ka hor yimaadana diintooda tuhmaan, si qasab ahna meesha uga wareejiyaan ku dhaqaaqeen. Taasoo geyeysiisey iney dhagaro badan galaan colaadna halkaas ka aloosanto aan la daaweyn karin.

    Xalku ma wuxuu ku jiraa in qiimeyntiinna si qasab ah iyadoon la aaminsaneyn loo qaato? Taas ninkii lagu ikraaho wuu ku qasbanyahey. Laakiin qofka xortaa wuxuu qalad u arko uuna ogyahey inuusan natiijo keeneyn hadduu iska raaco isagaa naftiisa dulmiyey.

    Marka ma waxaad igu colaadineysaa inaan damiirkeyga iyo caqligeyga si daacadnimaa wax u sheego oo waxaad iga dooneysaa inaan immaca kuu noqdo adiga iyo intaad isku fikirka tihiin? Ilaahey inaan kooxdaada indho la,aan u raaco iima abuurin igumana addoonsane wixii aan fahmo oo xaq ah inaan ka run sheego ayuu igu addoonsadey.

    Midda Inshaa Allaahuda. Dabcan wax kasta mashii,ada Alle ayey ku xiranyihiin. Haddaan illoobana way ku qaddarantahey ee adiguba iska garo ” وما أنسانيه إلا الشيطان

    Wax irjaa, ka galey ma jiraan in qofku hadduu dagaalka u arko in aan lagu guuleysaneyn uu iska daayo.

    Maxaa idin waaley oo dadku waxeysan aheyn markii qiimeyntiinna la idinku khilaafo ugu sheegeysaan.

  14. Waxgarad says:

    Wadaad yare,
    .
    Waxaad tiri Al maqdisis wuxuu ka mid ahaa jamaacadii Juhaymaan.
    .
    Sida cad xiligaas Almaqdisi wuxuu joogay Kuwayt mana xaadirin dhacdadaas. Kuwayd xiligaas waxaa ka taageersanaa hal nin oo la dhaho.
    .
    Fikir ahaan Juhaymaan Al cutaybi si la mid ah Salafiyada Taqliidka ee Bin Baaz ma takfiirin jirin xukaamta, taasina waxay ahayd mid uu kaga duwan yahay Al maqdasi oo takfiiriyay Xukaamta, Sucuudiga ka mid yahay.
    .
    Dhanka kale, Juhaymaan wuu khaldamay marka uu Xaramka Hubka ku dhex qaatay oo Muslimkii laayay, taas Al maqdasi ma qabo, in xaramka hub lagu weeraro.
    .
    Isku soo Duuboo Juhaymaan wuxuuu ahaa nin Muslim ah oo macaasi ku dhacay sida dhibkii uu xaramka ka gaystay, oo salaadii tacdhiilantay, waase nin muslim ah, kutubtiisa waxaa ku jira waxyaaba mufiid ah, Allaha u dambi dhaafo.
    .
    Laakiin wadaadyarow, say kaa noqotay, waa maxay iftiraaga.
    .
    Sow ma aynaan isku waafaqsanayn in haba laka aragti duwanaadee, laakiin inaan la iska been sheegin, waxan uu yahay amaana cilmiyah?

  15. Waxgarad says:

    kuway waxaa ka taageersanaa Juhaymaan xiligaa Abdi Ladhiif Darbaas.

  16. Garyaqaan says:

    Waxaan layaabanahay ABUU FAADUMO. Waxaan is badan isweydiiyey gabayadda aan loo meeldayin ee uu iska tuurayo, waxaanse shabaabka iyo abuufaduma kula talin lahaa, waxaad doonaysaan inaad ummadda masiirkeeda qabataan, waxaad kala xukminaysaan arimo badan, marka intaad naqaabka iska furtaan bal horta magac layaqaan iyo meel layaqaan ha la idiinku soo hagaago.

  17. abuu ramla says:

    TO WADAAD YARE
    akhii faadil waad kumahadsantahay wixii aad asiibtay oo ah in la isu nasiixeeyo
    tan kale cajiib waxaan layaabay waxaad u egtahay markii fikirkaaga lafiiriyo nin xadaari ah ama waaqica fahmsan hadan markii lasii dhuuxu xujajkaaga waxaa laga dareemayaa nooc ahlu hawaa ah oo aan wax daliil ah wax kudhisaynin
    TUSAALE
    waxaad tiri khilaafku wuxuu kasalaysanyahay labo ixtimaal
    waa iga su,aale ixtimaaal miyaa ladaliishadaa iyo way ilatahay amaa saadaalin mase waxaa ladaliiishadaa alkitaab wasunna wa,ijmaacul,ummah waqiyaasu saxiix
    cajiib waa yaab akhii waxa la isku hayo waa jihaadka maanta kasocdo caalamka khaasatan soomaaliya mayahay jihaad sharci ah mase amahan? qolada leh waa jihaad sharci ah waxy leeyihiin shuruudii jihaadka fardulcaynka ah way dhamaystirantahay sidaa darteeed waa in lajihaadaa qofkii diidana arrinkaasna burhaantiisa halayimaado
    qoloda kalena markaan soo dhaweeyo oo aan ixtiraamo anoo ilaalinaya asluubka niqaashka waxay leeyihiin jihaadkaan waa fitno sharcigana mawaafaqsano
    akhii labadaas ayaa la isku hayaye waxan aad ixtimaal kuhayso meesha maba yaalaan ixtimaalna la iskuma qabsado iyo saadaalin hadaan ogaanay in labada aan soo sheegay la isku haysto akhii faadil maxaa lagu kala baxaa oo marjic ah soo allah naba oran hadaad shay isku qabataan yacnii mashay banaanbaa mase maya allah waxuu leeyahy uceliya shaygaas kitaabka iyo sunnada
    waa iga su,aale wadaadyarow kitaabka iyo sunnada nuguma filno miyaa marjicooda?
    dayib dagaalka kasocdo somaliya afghanistan ciraaq filistiin shiishaan iyo caalmka intiisa kale eeiska cad inuu yahay dagaal diine oo xataa gaaladii ay leedahy dagaalka aan kujirno waa dagaal diineed maxaa daliil ah oo aad kudiiday ama aad haysaa?
    tan kale anigu kuma oran fikirkayga qasab kuraac adigana ima aadan oran laakiin waxaan kajawaabay oo kaliya shubahaad kusoo arooray qoraalkaagaii iyo sheeekha abuu muxame almaqdasi oo aad xoogaa durtay
    akhii waxay ahayd hadaad qoraalkaygii ku aragtay wax xaq ahna inaad qaadato hadii wax khald ah aad ku argtana aad iga saxdo laakiin mahaboona inaad ku cel celiso wax aananba ku oran oo ah kuma qasbani fikirkag ilaahy iguma adoonsan indha l,aan inaan kuguraaco miyaad rabtay
    waxaanoo dhan oo aaad daldalayso yaa kuwaydiiyay yaase ku yiri qasab igu raac indhala,aan iraac walal waxaas wa fiican ma,ahane wixii wanaag ahna aan kala qaadano wixii khald ahan aan si asluub ah isga naseeexayno
    tan kale irjaa hadaan sheegay waa sax hadaanba kuleehay wadaado badan oo salfi shegan jirayb waxay noqdeem murji,o yacnii madhabkii murjii,ada ayay qaateen
    tusaale yar hadaan kusiiyo murji,ada wixii lugu haystay wuxuu ahaa inaysan waxba gaalaysiinin oo ay dhahaan diintaan qof kabaxo majiro illaa aan ogaano gaalnida uu qofku kudhacay inuu qalbiga kajeclaado waa iga su,aale qalbiga miyaaa naloo dirayu mase daaahirka? suufiyada waxaan kadiidnay nabiga ayaan jecalahay wixii uu reebayna ama bidcada ahaan waan samaynayaa hadana sunnibaan ahay waan kadiidnay suufiyo
    hada sali baan ahay waxaan rabana waan aamini ama waan samayn xuguna ima fuulayo diidnay kaan yeeli mayno bashiir axmed salaad ayaan kadiidnay iyo c/qaadir gacameey ninka suufiga ee qabuuriga ah asagoo ilaaahy qeyrkii baryaya ayuu kuleeyahay anaa dariiqiisaxda ahaa kutaagan hada waxaa soo baxay salfi baan ahay waxaan rabana waan qasani anaana xaq kutaagan kuwa kale waa qar iska tuur allow naxifdi ooo ceebtaaanada astur gabagabo ixtimaal iyo saadaal daliil manoqdee iyo waxay ila tahay xuja ma ahane wadaad yare marada isku qabo si asluub iyo daliil kudhisana uniqaash wabillahi towfiiq

  18. wadaad yare says:

    Waxgarad

    Akhii maya kuma been abuuranayo ee isagu xiwaar uu leeyahey ayuu ku sheegey sidaas. Inaadan arag ayaa laga yaabaa. Wuxuuna ku jiraa xiwaarkaas “Minbaru Towxiid Wal-Jihaad”.

    Waxaa la weydiiyey su,aal aheyd hadduu Jaamacad dhigtey. Marka wuxuu sheegey inuu sannadkii saddexaad uga tegey daraasada isagoo dhiganayey Jaamacadda Baghdaad,maadaama sida uu sheegey uu ku qancey fikirka Jamcaacadii Juheymaan,isla markaana uu Bin Baaz iyo culimo kale kala taliyeen inuu dhigto jaamacad mukhtalad ah.

    Dabcan xiwaar dheer ayey ku jirtaa xaqiiqadaas meeshaas ayeyna ku jirtaa.

  19. wadaad yare says:

    Abu Ramla

    Akhii miyaadan ogeyn in “istidaacadu” ama in la awoodaa takliifka sharcigaa ay shardi u tahey waajibnimada. Oo haddaadan karin uusan kugu waajibeyn?

    Tan kale jihaadku ma cibaado “macquulul macnaa” ahbaa mise waa tacabbudi oo kuma xirna inuu maslaxo xaqiijinayo iyo in kale ee waa uun in la iska jihaado marba haddii gaal soo galo dal muslimku leeyahey?

    Waxaa ra,yi keenaya qiimeynta in la karo iyo inaan la karin qiimeyn iyo ra,yi ayey ku xirantahey mise kuma xirna?

    Waxaa kale oo ra,yi u baahan dagaal meeshaas iyo waqtigaas la qaado maslaxo ma ku jirtaa mise kuma jirto?

    Haddaad igu khilaafsantahey labadaas arrimood oon kor kusoo xusey oo leedahey aayad iyo xadiith baa sheegaya waad sheegi kartaa.

    Anigu jihaadka inuu istidaaco ku xiranyahey maslaxad inuu xaqiijiyana loo jideeyey ayaan aaminsanahey. Kan hadda jihaadiyiintu meelo badan ka wadaanna inuusan heysan shardigaas istidaacada ayaan qabaa uusanna wax aan kharaab iyo halaag aheyna keeneyn. Calaamadihii khaaraabkaasna way muuqdaan.

    Markii qiimeyntaas aan ku kala tagney oo adinna aad in la awoodo maslaxadna uu xaqiijinayo ku qanacdeen,annaguna caksigeed ayaa markaas qolo kastaa daliil diini ah oo mowqifkeeda ku xoojineyso doonatey ee qiimeynta iyo qaddarinta ayaa asal ah.

  20. Waxgarad says:

    Wadaad yare,
    Fadlan soo cadee, meesha Uu ku qirtay inuu kaga tirsanaa Jamaacada Juhaymaan rahimahullaah.
    .
    Xiwaarka aad sheegtayna bal soo gali linkigiisa,

  21. Dirir says:

    Somalimidnimo Editor

    Runtii waxaan ogahay inaad ka cabsataan Dirir qoraalladiisa. Haddii ayan sidaa ahayn maxaad u soo dhejin waydeen tacliiqaygii. In badan baan arkay aniga iyo waxgarad ama Somali Salafi inaad tacliiqayga aad xadaftaan oo hadalkii sidii iyada oo geed hoostiisa gar loo fadhiyo gunaanadka siisaan ragga kale.

    Diintiinu ka fudud warqadda. Waxaa dhab ah inaad og tihiin warkaan qoro inuu badi meel taabanayo.

    Alla ha idin tusiyo in xiwaarku yahay wax weydaarsi, garsoorkuna yahay halbeegga dhabta ah ee ruux kasta muslim looga baahan yahay.

  22. SOMALIMIDNIMO says:

    From Editor To Dirir.

    Dirirow Qof ayaa maal mahan Magacaaga isticmaalayey ama adigaa badalay Emailkaagii aad isticmaali jirtay ama Xigmadii ayaa kaa dhamaatay oo Rag ayaa kuu muuqda ee Nas wax aad oga jawaabto iyo meel aad ka marto oo kale ayaad garan weysay malaha,

    Marka waxaan aad ugu dadaalnaa in aanan Qofka Magaciisa la isticmaalin oo Emailada aad galisaan ayaan tixraacnaa.

    Dirir, Somali Salafi, Al Mujaahid Abwaan Abuu Faadumo, Umuba’rau, Wadaadyare, Sh. Maxamed Aadan iyo Akhyaar kale waxaan ilaalinaa magacooda in aan Qof kale isticmaalin.

    Markii ay Niqaash Diiniya ay tahay Qofkii caytamaya waxba kama soo qaadno, sidoo kale Qofkii weerar ku gaaciya Qof asna macna badan malahan waxaa muhiimada saarnaa in aad Aragtidiina ka dhiibataan Adilooyinka la keenay, ama Aragtiyooyinka la soo halgaaday ee Dadweynaha Habayn iyo Maalin lagu soo dhex tuurayo!..

    Qofka Isticmaalay Magacaaga Sheekh Abuu Maxamed Maqdasi ayuu weeray Aflagaadeeyey!, marka Aayaad, Xadiithyo iyo Culimo badan ayaa la keenay midna kama hadlin Qofka Magacaaga isticmaalay, waayo Emailkii aad galin jirtay ma ahayn mid aad horay magacaaga ugu isticmaashay.

    Haddii Nasuustii la keenay iyo Culimadii Sheekh Maxamed Cabdiwahaab ugu horreeyey aad arki weyday, dee waxaa cad Culimada Salafiyiinta ama Wahaabiyada loo yaqaano in aadan Culimo u aamisanayn!.

    Dacwatu Makka malagu jiraa mase laguma jiro ayaa laga hadlayey, waxaana filaynaa Qoraa C/waaxid in uu ka hadli doono, haddii aad Maqaal aad kaga jawaabayso Qoraysana waxaan filayaa Gob-Islam Adiga iyo Somali Salafi iskugu tagi mayso.

    Akhyaarta waxaa idin ku baraarujinaynaa in wixii Diiniya Qofkii sida loo sheegno aan u rumaystnayn in uu sheego sida asaga ay ula muuqato, laakiin cay faa’ido ma ahan iyo Shakhsi wax laga sheegay, haddii aan Aragno in Mowduuca laga hadlayo aad garab martay uma badna in aan sii dayno comments kaaga.

    Waxaa hubaala Dad badan in laga faa’idaysto Diintooda iyo Garaadkooda.

    Editor

    W/s

  23. wadaad yare says:

    Waxgarad

    Cinwaankaan hoose haddaad google ka ku qorto waxaad heleysaa linkiga oo word ku qoran

    أجوبة أسئلة اللقاء المفتوح لأعضاء شبكة شموخ الإسلام مع فضيلة الشيخ

    محمد المقدسي

    Linkígiina waakan hoos ku qoran.Laakiin cinwaankaaba kaaga filan.

    http://www.tawhed.ws منبر التوحيد والجهاد http://www.alsunnah.info

    http://www.tawhed.ws/r?i=10090901

    Anigu khasmiga inaan been ka sheego abadan mid aan banneysto ma ahan,laakiin fikir iyo taxliil iyo ra,yi inuu qof kale wax been ula muuqda keeno waa dhici kartaa.

  24. abuu ramla says:

    TO WADAAD YARE
    akhii badala niqaash hadadba taagantahay ilaa iyo hada waxay ila tahay ra,yigayga
    in lugula niqaashaba mabanaana daliil am xuja cad ayaan kaa sugayay nin daliilkiisuba yahay ra,yigiisa waxa uu tuso in diin ilaahay lagalaniqaasho maba banaano
    intaa kadib waxaan cadaynayaa si aysan shubahaadka wadaad yare wadaad xume oogu kadsoomin waxaa ijmaaculmuslimiin ah kitaabka iyo sunnadan ku dareersadeen hadii dhul muslim leeyahay gaalo kusooduusho ama ay qabsato
    waxaa waajib fardulcayn ah kunoqonaya qof kasta oo muslima ah inuu dagaalamo
    tan kale wadaad yarow waxaaad tiri istidaaco bal keen ama kakeen kitaabka iyo sunnada meel oraynaysa muslimiineey jihaada hadaad awoodaan
    tan kale istidaacada maanta muslimiinta kamaqan maxay tahay? waan badanahay dhaqaale ayaan haysanaa hub ayaan haysanaa dowlado ayaan leenahay dhaqaalaha aduunka oogu badan muslimiinta ayaa laga helaa waxa nahaya akhii istidaaco la,aana mahane waa aduunya jacayl iyo geeri nacayb illaa manraxima rbbah shuruudaan aad jihaadka uxirtayna wa shuruud baadil ah lam yaqul axadan minqablika

  25. Dirir says:

    Somalimidnimo Editor

    Runti waxaa jirtey cisho dhowayd inaan ka tagey emailka oo furan aniga oo tacliiq idiinka soo qorayey cyber cafee. Haddii ay dhacday oo aad aragteen in voilation lagu sameeyey emailkayga waxaa loo baahnaa inaad iso wargelisaan oo aad tidhaah war heedhee this is not your language ee sidee wax u jidhaan.

    Maydan sameyn ee waxaad iila hadlaysaan laba codayn ah emailkaada ayaa wax laga soo qoray waxna waa kaa qaldan yihiin.

    Waxaa hubaal ah inaad in badan warkayga celiseen aniga oo addiilo qadhciya ku doodaya oo gunaanadka aad siiseen Waxgarad ama Somali Salafi. La yaabi maayo oo caddaaladda ibnu aadanka. Haddana shaki kuma jiro inaad marar badan siidaysaan idinkoo ku mahadsan tacliiqayga manhajiga ah ee aad ku diidanahay masaarkan dacwada jihaadiga ee marin habaabay.

    Waxaan idinkula talinayaa inaad ka dignootaan duridda culimada iyo marin habaabinta dhacdooyinka ka dhaca ducaadda dhexdooda ama Soomaaliya.

    Ogaada rayul mukhaalif waa laga khibra qaata haddii u addiilo iyo khibrad sito. Maantana waxay mareysaa halkaan ka degaynay.

    Dirir

  26. muraad says:

    To: Dirar
    walaal waxaan ujeednaa in walaluhu kuu cadeeyeen sababta keentay arintaas waxaana kula haboon inaad ku qanacdo ee hadda kadib bal ufiirso sida lagula tacaamulo kadibna go’aan ka qado hadaadan khilaafin shuruudaas laguu sheegay waxay ila tahay inaysan
    waxna utarayn walaalaha inay fikirkaaga aysan soo gudbin..

    Dhanka kale waxaan aragnaa xoriyadan meeshaan taala inaysan oolin webka al-ictisaam buuqa u ah ee halgan.net bal halkaas car arag fikir mukhaalif ku ah maqalada meeshaas lagu soo qoro!!!

    Kuli waa isku jiibid iyo isku camirid meeshaana waad aragtaa sida la isugu jaawabyo bi shardi inaan af-;agaado la isticmaalin..

    Taasna waan ku taageeereynaa maamulka webka marna inaysan ogolaan in la duro shuyuukhda iyo culimada ee kaliya afkaarta meesha taal laga niqaasho
    Dhamaanteen Allaah hana waafajiyo sawaabka carrabkeeena haka dhowro baadil inuu ku hadlo aamiin amaiin

  27. wadaad yare says:

    Abu Ramla waxaad tiri:

    “tan kale wadaad yarow waxaaad tiri istidaaco bal keen ama kakeen kitaabka iyo sunnada meel oraynaysa muslimiineey jihaada hadaad awoodaan”!

    Qof wax u billaabanyihin hadalkaas maku hadli karaa?

    Camalka dhammaantiis ma ahan jihaad kaliyehe ayaa istidaaco ku xiran. Haddii kale “takliifu maa laa ydaaq” ayuu noqonayaa,taasna shariicadu wey ka nastahantahey.

    Camal kale hannoo danbeeyee shanta arkaanul islaam oo xataa Shahaadadu ugu horreyso “istadaaco” ayaa shardi u ah. Qof mubtadi, ah haddana inuu wax kasta ogyahey isku heysta waxba lama fahamsiin karo. Shahaadada qofkaan ku dhawaaqi karin waajib kuma ahan. Qofkaan dhawaq walaa faham midna aan karin oo abkam asam acmaa ahna waajib waxba kuma ahan.

    Salaadda qofkaan si kale ku tukan karin wuu ishaarayaa, qofkaan ishaaradana karinna waxba lagama rabo. Zakada xowl iyo nisaab ayaa shardi ah oo istidaaco ah. Wahakadaa acmaasha kalena.

    Waxaad kaloo tiri:

    “tan kale istidaacada maanta muslimiinta kamaqan maxay tahay? waan badanahay dhaqaale ayaan haysanaa hub ayaan haysanaa dowlado ayaan leenahay dhaqaalaha aduunka oogu badan muslimiinta ayaa laga helaa”!

    Dowladuhu kuwaad gaalada ku sheegtey dhammaantood miyeysan aheyn? Sideed marna iyaga iyo awooddooda ugu xisaabtameysaa marna “murtaddiin” ugu sheegeysaa?

    Haddaad dowladaha muslimiinta iyo shucuubta muslimkaa ictiraafsantahey waa hagaage, talada ummadda kaa badan la wadaag oo kaligaa dagaal kuu gaar ah ha qaadine ummaddaada ka mid ahow.

  28. Somali Salafi says:

    To: Dirir
    -
    Akhi waxan ku sheegaya inu Webkan Somalimidnimo yahay
    Webabka Somalida kuwa ugu cadaalada badan
    -
    Runti anaga lafteena hadaan nahay Salafiya Jihaadiya
    Waan so dhoweyneyna Ra’yiga Mukhalifka ah
    Waayo waxan jecelnahay inan ogaano fekerka kale
    -
    Wax cabsina kama qabno fekerka Muqalifka
    Waayo waxan aaminsanahay inan Wado fiican hayno
    -
    Mida kale aniga shaqsi ahan maba jecli
    Meel hal feker keliya Commentiga lagu qorayo
    Sida webka Halgan oo aad arkeysid
    Dad isku camiraya keliya, runti waa BORING
    -
    Dirirow akhi adigana Cabshada badan iska dhaaf
    Waad ogtahay adiga o Dilki axmed Xaji C/raxman
    Mujahidinta dusha ka saaraya ka hor inta ay beesha Leelkase hadlin
    In Commentigaga lagu ogolaa
    -
    Mida kale waxan ku qoslay sida aad u jeceshahay
    Inad adiga hadalka Gunaanadka ugu danbeyso
    O labadada Commentiba waxad tiri
    -
    1- (gunaanadka siisaan ragga kale.)
    2- (oo gunaanadka aad siiseen Waxgarad ama Somali Salafi.)
    -
    Akhi micnaha ma aha Qofka hadalka ugu danbeya aya badiyay lol
    Mar mar waxa dhacda adiga o Commenti iga so jawaabay
    Inan ku so jawaabin, waayo waxan arkaa
    In mowduci dhamaaday, o wax la si wado aynan jirin
    Ujeedoyinki aan laheyna aan garnay
    -
    Marka ha u arag qofka Commentiga ugu danbeyay aya Winner ah

  29. wadaad yare says:

    Haddaad aayado u baahantahey oo adillada “badiihigaa” ku qanci weydo waa laguu hayaa iyagoon tiro laheyn.

    Adillada badiihigaa waa waxa la midkaa hadda ma maalibnaa mise waa habeen iwm.

    Waxaa ka mid ah:

    لا يكلف الله نفسا إلا وسعها

    Iyo aayado badan oo ku macnaa

    Inuu jihaadku sida acmaasha kale oo dhan “istidaaco” ku xiranyahey “ijmaac”xataa wuu ka xoog badanyahey oo “ijmaaca” muranbaaba ku jira,laakiin “istidaacadu” muran ma geli karto.

    Laakiin malla awoodaa mise lama awoodo ka dood. Markaasna waxaa imaaneysa “yaa go,aaminaya in awood loo leeyahey in la jihaado iyo in kale”?

    Arrintaasna waxey kusii xirantahey “maslaxada iyo mafsadada ka dhalaneysa”

    Iyaduna sidoo kale cibaadaatku waxey u kala baxaan:

    a. Kuwo tacabbudi ah oo aan cillad loo fiirineyn. Waxey culimadu yiraahdeen “waa maraasiim ama hab maamuus Ilaahiya. Sida(walillaahil mathalul aclaa) salaanta milleteriga.

    b. Kuwo leh macno oo laga leeyahey ujeeddo la yaqaanno, sida Jihaadka iyo xudduudda iwm. Haddey ujeedkii laga lahaa xaqiijinayaan si la hubo ama loo badinayo waa la sameynayaa. Haddii la hubo ama loo badinayo in ujeedkii laga lahaa aysan xaqiijineyna waa la iska deynayaa.”Leysat maqsuudatan lithaatihaa”!

    Dabcan dadka wax yaqaanna oo Shabaabkaa way ogyihiin in Jihaadka “istidaaco iyo maslaxo” loo shardinayo oo dood taas kama qabaane. Waxey dood ka qabaan “waan awoodnaa” iyo “maslaxaa ku jirta”.

    Waan awoodnaa iyo maslaxaa ku jirta aayad iyo xadiith miyaa sheegaya mise innagaa qaddarineyna innagoo isticmaaleyna caqligeenna oo isna ah amaano Ilaahey na siiyey?

    Jihaadku inuu yahey cibaado maslaxi ah arrin dood geli karta ma ahane waa badiihi.

    Sidoo kale yaa qaddarinaya way sahlantahey oo waa “Ahlul xalli wal caqdiga ummadda”

    Hadda waxa socda waa tamarrud iyo kacdoon lagu majo xaabiyey “Ahlul xalli wal caqdigii” Mana ahan mid keeni doona guul aniga aragtideyda.

  30. umu_barau says:

    umada ma waxaa looga mid noqon in gacmaha la,laabto??? sow Allaah ma dhihin dagaalka sow kama darna fidnada??? ma in hablaha muslimaadka ah xijaabka loo dii daad raali ka tahay??? sow Allaah ma dhihin haddii aan diinta islaamka iyo kitaabka u gargarno in Allah inoo gargaarayo??? awooda aad sheegeysid se malaha indhahaaga ma arkaan waxa caalamka ka dhacaya! waxaan kugu nasteexeyn lahaa aawey kuwii didiay jihadka sow ma aysan aheyn mid xabaal iyo xabsi loo taxaabo ,iyo kuwo culumo nimadoodii la dafirro! walal su,aal ayaan ku weydiinayaa diintaan waxa ay ku bilaabatay qariib weyna ku dambeyneysaaye maxay aheyd waxii ay cis ka ku yeelatay?? bal iskaba daa duullanka soomaaliya! waxaad iiga jawaabtaa ciska ma waxaa lagu helaa dadku inay badan yihiin?? mise waxaa lagu helaa in leys difaaco wake up hur,da,dana ka soo tag walal waa iga nasteexee walaahu aclam.

  31. Dirir says:

    Somali Salafi

    Kkkk. Waxaan ku qoslay sidaad u fahmin gunaanadka aan ka hadlay.
    Saaxiib hadalka waxaa uu ahaa idinka oo khalad manhaji ku dhacaya oo jawaab u baahan ama suaalo i waydiiyey ama marin habaabiyey ama si khalad ah u fahmay oo jawaab u baahan in hadalkiinna lagu xidho. Halkaana saamici ama dhageystihii waayo jawaabtii uu raadinayey.

    —-

    Caddaaladda Somalimidnimo waxaa ka idhi caddaalooy xaal qaado.

    -

    Waxaad ogaataa inaanan akhrisan Halgan.

  32. Waxgarad says:

    Wadaad yare,
    -
    Walaal waan arkay linkigaas, mar la waydiiyay maraaxishiisii waxbarasho ayuu sheegay inuu 3 sano jaamacada ka dhiganayay ciraaq. Laakiin uu ka tagay jaamacada, asagoo ku saamobay Jamaacatul Juhaymaan, bilowgii tawajuhiisa, Albaani iyo IBnu Baaz oo u fatwooday xaaraantinimada Jaamacadaha Ikhtilaadka(Mixed Gender) leh.
    -
    Hadaba hadalkaas waxaa ka cad inuu ka tagay jaamacadii Ciraaq maadaamoo ay ahayd jaamacad rag iyo dumar isla dhigtaan, tagitaankiisana ay sabab u ahayd:
    -
    1. Sheikh Juhaymaan Jamaacadiisii oo waagaas aaminsanayd in ikhtilaadhka xaaraam yahay, sid ay xaaliyan Boko Haram, dhaalibaan iyo fuqaha qayrkoodba ah u qabaan ikhtilaadhka inuu xaaraam yahay, taasna uu ku saamoobay oo uu ka tagay ikhtilaadhka.
    -
    2. Sh Bin Baaz iyo Sh Albaani oo u fatwooday inuu ka tago inay xaaraam tahay jaamacada Mukhtalidka ah, taasna uu ku saamoobay.
    -
    Hadalkaagii ahaa, “wuxuu ka mid ahaa Jamaacadii Juheymaan ee Kacbada weerartey oo Imaamkii xaramkana ku dishey iyo dad kaloo badan”
    -
    Waxaad ka dhigtay sidii asagoo ka qayb galay weerarkii xaramka, ama uu raali ka ahaa!
    -
    Sheikhu qoladii xaramka weerartay kuma jirin, raalina kama ahayn from day one, bal wuuba cambaareeyay arintaas, adigiina waad u idaafaysay wuxuusan shaqo ku lahayn, waana dulmi arintaas.
    -
    Koleey waad aragtay inuu yiri: “Waanu ku khilaafsannahay (Juhaymaan) ra’yigiisa Xukaamta oo uusan gaalaysiin jirin…… taas khalad baanu u aragnay iyo waliba hubkii u ku dhex qaatay xaramka iyo wuxuu sababay oo ah salaadii oo tacdhiilantay, taasina laa shakka waa kabiira ka mid ah kabaairta….”
    -
    Wakaa caynu maa yactaqidu canil Juhaymaan.

  33. Waxgarad says:

    Wadaad Yare,
    -
    Arinta Istidhaacada horta waxay kula tahay saad sheegta nin iyo say la noqoto, waana taas taad aminsantahay.
    -
    Waagii Maxaakimta, Ethiopiankii lala dagaalayay waxaad aaminsanayd in lala dagaalo, oo la iska celin karo, waxaa is waydiin leh ‘Istidhaacada’ waagaas jirtay een hada jirin?
    -
    Taas waxaa dheer, waxaad taageersantahay Xamaas halganka ay kula jirto Yahuuda, dabcan materialy, xamaas ma laha awood ay ku hor istaagto Arsenalka Yahuuda, marka Istidhaacda Gaza ka jirta een Gedo ka jirin baan ayadana fahmi waayaye.
    -
    Wax kaloon ku fasirto ma laha oonn ahayn, ‘Xalaalun Calayya, xaraamun calayka’
    -
    Marka min baabil cadaalah, Abuu Ramla u daa kooxda uu aaminsanyahay inay Istidhaaca leeyihiin, adigana 2 case ee hore aan kuu daynee, miyeeyna fair ahayn yaa Wadaad yare?

  34. wadaad yare says:

    Waxgarad

    Kolley hadal ninna si u yiri ninna si u qaadey. Laakiin dad badan oo hadda Shabaab taageersan ood ku jirto haddii la yiraahdo Shabaab ayaad ka mid tihiin macnaheedu ma ahan inaad howl galladooda qarsoodigaa iyo kuwooda muuqdaba aad kala qeyb gashaan. Haddana kama dhigna inaad wax kastoo ay sameeyaan aad ku waafaqsantihiin.Laakiin in la idiin idaafeeyo been abuur ma ahan ayaan u maleynayaa. Marka isagu isagaaba sheegtey inuu ku ta,athurey fikirka jamaacadaas.

    Anigu waan ogahey meelbeyna ii taallaa qanaacada ah in haddey hubka qaadaan jamaaco Salafi ah ay noqonayaan Shabaab oo kale. Muxamed Cabdul Wahaab dagaalkiisi, kii “Ikhwaanu man adaacallaaha”, kii Juheymaan, iyo kan hadda Alqacida, Shabaab iwm. Kulligood waxey ku taaganyihiin waddadii Sh. Muxamed Cabdul Wahaab.

    Hase ahaatee haddii ay soo baxaan rag Salafiyiin ah oo arrintaas bannaanka ka mara oo dadka mushaalifiintaa lafahooda u nabad gelinaya anigu waxaan leeyahey aragti qeybsanta oo inaan nabad kula noolaado dhib kuma qabo so long aan lafaheyga uga nabad gelayo innagoo aragtida ku kala geddisan.

    Anigu Suufi ma ihi laakiin ninka Suufigaa nabad gelintiisa iyo aniga nabad gelinteydu ineysan qeybsamin oo hal mid tahey ayaan u heystaa. Sidaas darteed haddaad Suufiga disho waxey iila mid tahey inaad aniga dishey waanan kugu colaadinayaa sidii adigoo aniga i diley oo kale ayaanan kuula dhaqmayaa. Sababtoo ah anigaa ku xiga isaga.

  35. wadaad yare says:

    waxgarad

    Horta miyaad diidantahey in istidaaco shardi u tahey camal kasta oo sharci ah?

    Miyaad kaloo diidantahey in acmaasha sharcigu u kala baxdo kuwo tacabbudi ah oon macno loo fiirineyn sida salaaddoo kale iyo kuwo ujeeddo iyo macno laga leeyahey oo maslaxo xaqiijinteed iyo mafsado celinteed loo sameynayo sida jihaadkoo kale?

    Haddaba istidaacada iyo maslaxada qaddarinteeda anigu ma qabo sidaad ii maleysey iney nin iyo dooqiis tahey. Ee waxaan qabaa iney “ahlul xalli walcaqdiga” bulshadu leeyihiin howshaas.

    Haddaba yaa “ahlul xalli walcaqdi” ahna dabcan doodbaa hadda la geliyey. Laakiin xaqiiqdeeda haddii daacad la yahey oon dadka hawo wadin waa la heli karaa.

  36. Waxgarad says:

    Wadaad Yare,
    Istidhaaca waa wax asal u ah qabashada howl kasta diin iyo duunyaba.
    -
    Maadaamoo ay saas ahayd, ayeey dadka qaar relative la noqotay, oo xiligiii uu doono ayuu ON ka dhigaa, markii uu diidana OFF ayuu ka dhigaa.
    -
    Nin socon karo oo dagaalami kara, oo duur gali kara oo mucaadalada wax ka bedeli kara hadaad tiraahdid ma dagaalami kartid adigoo Istidhaacadii naftigeedii isticmaalaya ka waran!
    -
    Tusaale ahaan ONLF kuwa ka soo horjeeda ee dabaqoodhiga iyo ICtisaamka waxay qabaan inaan xabashi istidhaaca u lahayne ay hubka iska dhigaan.
    -
    ONLF waxay leedahay, qorigan xal buu ii keeni asagaana guul ku gaari, waana awoodaa.
    -
    Amaa Ahlul Xali Wal Caqdi, taas mar hore ayaa lagu kala tagay nin 550 MP ayaa u ah Ahlul xali wal caqdi, nin shuuradiisa , nina golihiisa dhexe.
    -
    Marka nin Shuuradiisii (His ahlul Xali wal caqdi) ay u sheegeen inay awoodaan dagaalka oo saas ku dagaal galay maxaad ku haystaa?
    -
    Arintan aad tiri: “ujeeddo iyo macno laga leeyahey oo maslaxo xaqiijinteed iyo mafsado celinteed loo sameynayo sida jihaadkoo kale?”
    -
    Koleey Illaahay wuxuu sheegay ‘Wal yatakhida minkum shuhadaa’ taasina waa maqsad min maqaasidi tacabud!

  37. qiiro says:

    ku: midka sheegtay wadaad yare
    waxaad tiri :-
    innagoo aragtida ku kala geddisan.
    Anigu Suufi ma ihi laakiin ninka Suufigaa nabad gelintiisa iyo aniga nabad gelinteydu ineysan qeybsamin oo hal mid tahey ayaan u heystaa. Sidaas darteed haddaad Suufiga disho waxey iila mid tahey inaad aniga dishey waanan kugu colaadinayaa sidii adigoo aniga i diley oo kale ayaanan kuula dhaqmayaa. Sababtoo ah anigaa ku xiga isaga.

    hadalkaagaas wuxuu tusinayaa in aadan caqiido aadan lahayn , aniga iguma cusbid dadka aad wareerinaysidna kuma jiro waxaan aad u ogahay in aad gaalada aad ugu doodid majaahidiintana aad aaad u daleecaysid waxaad tahay mustashriq ama nin diinta ubartto si uu diinta kula dagaalamo saas darteed waxaad isticmaalaysaa shubhaat aan macna lahayn waxna kuu tarayn , waana hawsha dadka caynkaadoo kale lagu yaqaana , msalxadda diinta kawayn ee la ilaashanayo maxay tahay? mase qur aankaa ama xadiiskaa laga heli karaa jihaad istidaaco loo shardinayo, marka laga saaro intaal lajideenba jihaadka laftiisa waa yaab ! waa wax lunsan oo rabo dadka in ay lumiyaan .
    marka umadadana ha wareerin hana qaldin adigana naftaada uga tur naarta allaah ee wayn , xaqqa meeshuu ku jiro waad ogtahay tawfiiqdaase kaa maqan .
    f.g
    hadii qof qalad lagu haysto oo laradinayo daliilna la tusinayo waxba kuma jabna ayaan umalaynayaaa khaasatan haduu muqadasaadka ku cayaarayo waa xaq in laga difaacaa
    إنا لله وإنا إليه راجعون

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS