Dhagayso Oo Ha Ooyin Kashmiir, Qudus Iyo Soomali Galbeed Ayey Dhiibeen Dood Kulul Culimada Diinta Islaamka Sh. Jaamac C/salaan, Sh. Ismaaciil Sahal, Sh. Cismaan Shire, Sh. Taqwudiin Iyo Culimo Kale


MUQDISHO:-
Culimada Diinta Islaamka ee Wilaayaadka Islaamigaa iyo Qurbaha jooga ayaa xalay Barnaamijka Dhuuxa Waraysiyada ee Idaacadda Islaamigaa Alfurqaan oga hadlay Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Duulaanka Gaaladu ku soo qaaday. Doodaan oo ahayd Dood cilmiyeysan ayaa Culimada ka qayb gashay waxay kala ahaayeen.

Sheekh Jaamac C/salaan Warsame, Sheekh Cismaan Shire, Sheekh Ismaaciil Sahal, Sheekh Taqwadiin, ugu horayntii Culimadu waxay Tacsi u direen Qoyskii iyo Qaraabadii Sheekh Macalin Daahir Aweys Allah ha u naxariistee. kadibna waxay ka doodeen meelaha laga haysto Umadda Muslimiinta gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed!.

Culimadu waxay hoosta ka xariqeen in Adduunyo jacayl iyo Geerida oo la neceb yahay darteed Muslimiintu u arki waayeen cadowgooda, Doodaan ayaa Culimadu ku sheegeen in Dadkii la rabay in ay Aakhirada Umadda ugu yeeraan ay ugu yeerayaan Adduunyada iyo sidii ay u noolaan lahaayeen taasi waxay keentay in Aakhiro meel la iska dhigo ayey dheheen Culimadu.

Culimadu waxay sheegeen in Nabigu SCW uu sheegay in la gaari doono xili Gaaladu aysan ka baqin Muslimiinta, sababtuna Nabigu SCW sheegay ayaa Culimadu ku sheegtay Muslimiinta oo Geerida naca Adduunyadana jeclaada, Culimadu waxay ku tilmaameen cudur halis ah Adduunka oo la jeclaado waxaana ka dhasha ayey dheheen Gaaladu in ay Muslimiinta ku dhiirato!.

Culimadu waxay sheegeen in Kashmiir, Qudus iyo Soomaali Galbeed Dad Khawanaa ay u dhiibeen cadowga oo la rabo Muslimiinta in Saliibiyiin iyo Hunuud gacanta loo galiyo!. Culimadu waxay sheegeen in aan Dad badan xattaa Suuratul faatixa aysan ka run sheegin oo aysan fahmin Macaanida ay xanbaarsan tahay iyo Ducada ku jirta.

Culimada Diinta Islaamka waxay ku dhiira galiyeen Culimada in ay ugu yaraan doorkii  Imaam Axmed Guray, Sayid Maxamed Cabdille Xassan iyo Rag badan oo Saliibiyiinta Soomaaliya ka difaacay ay qaataan isla markaana ay muujiyaan Geesinimo!.

Culimada ayaa hoosta ka xariiqay in la isku haysto laa Ilaahay Ila Laah!, Barnaamijka ka dhagayso Insha Allah Macluumaad kale oo la xiriira kuwa Adduunyada Dadka ugu yeeraya iyo Khawanada gacanta Muslimiinta u galinaya Saliibiyiin iyo Hunuud.

Dhagayso Barnaamijka Dhuuxa Waraysiyada Idaacadda Islaamigaa ee Alfurqaan waxaa isku soo duba riday Suxufi Maxamed Daahir Daahir Calasow Ilaahay ha Xiftiyee iyo Dhammaan Bahda Warbaahinta Islaamigaa ee Idaacadda Alfurqaan, Jazzaa Kumullah Khayran.

Dhagayso MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Isha Maqalka Idaacadda Islaamigaa ee Alfurqaan

Maxamed Xaamud
Somalimidnimo.com 

 

3 Responses

  1. alahu agbaar alahu agbar oo ileen culimaa wali nool oo ileen culimaa wali noool war yaadheheen inaal ilaahi wa inaal ilayhi rajucuun hun guribaba ii galay masha allah masha allah

  2. abdirazak says:

    asc ww maanshaa alaah culimada kheyr alaha siiyo inta kale waxaan leenahay ilaahay xaqa hatuso inshaa alaah allaahuma aamiin oo xaqiiqadan ay culumadu kahadleyso ilaahay umada somaliyeed oodhan hagaransiiyo inshaa alaah cadowgana ilaahay hajabiyo inshaa alaah ayaga iyo inta wadaba inshaa alaah

  3. Abudujaana says:

    Allaha barakeeyo culumadeena xaq sheegyada ah, waxaase hubaal ah in falastiin, kashmiir iyo Somali galbeedba la furan doono insha allaah

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS