Garnaqsi Qormadii 3 Aad Abuu Ibraahim!


بسم الله الرحمن الحيم  وبعد.

قال رسول الله سلي الله عليه وسلم:  من كان يأمن بالله واليوم الأخر فليقل خيرا اواليسمد(او كما قال سلي الله عليه وسلم)

Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: qofkii Ilaahay iyo maalinka qiyaame rumeeyey markuuhadlayo khayr hakuhadlo, hadii kaleha’iskaaamuso.

Waa qormadeenii 3 xaad. 27/o1/2012

Ikhwaanii waxaan kalatagnay ayadoo ciidankii Al-itixaad dhufays kujiro, dhufayska ka soo horjeedana ay kujiraan ciidan beeleed!Wakhtigu wuxuu  ahaa salaadda subax kadib ama aroortii. Waxaa lawada sugayay waaga barigiisa iyo goorta ay xabaddu bilaaban doonto! Waxaa bilowday dagaal faraha la’isulatagay oo qaatay saacado badan.Waxay qola walbaa kudadaalaysay siday guushu uraacilahayd kooxdooda!

Inta  dagaalka lagu kala baxayo aan milicsanno dagaalku wuxuu salka kuhayo iyo cidda’isaga soo horjeeda.

تحقيق المناد.

Markay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991 waxaa dhacay burbur aan wali laga soo kabsan. Wuxuu saamayn ku yeeshay ummadii oo dhan fardi yo jameecaba. Marka laga hadlayo burburkii nagu dhacay waxaa tusaale laga dhigtaa magaalo madaxdii Soomaliya oo Xamar ah. Xamar waxaa daganaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed oo dhan qabiilooyinka ay ka kooban tahay (Hal qabiil dagaan uma lahayn)

Dadkii Xamar daganaa waxay u qayb sameen 2 kooxood. Koox waa lacayr sanayay oo waxaa lagu yiri kabaxa Xamar, kooxina waxbay cayrsanaysay. Dadwaynihii inta soo hartay oo aan dagaalka ku jirin: labada qolo  ayay niyadda kala jireen yeysan dagaalba ku jirine!.  Marka lagareebo inyar oo Ilaahay unaxariistay.Waxaa dhacay wax qiyaame u’eg (Inta dhibtu gaartay)

Saan qormadeenii 2 baad ku sheegay:  waxaa jiray kooxo farabadan oo cabursanaa oo sugayay jaanis ay kafaa’iidaystaan. Waxaa kamidahaa Ururkii  Al-itixaad iyo sssssstii ay kala wateen hogaamiye kooxeedyo farabadan oo Soomali ah. Culumadaan Al-itixaad waxay kadhasheen ummaddaan la’isku imtixaamay oo is cunaysa. Hadiiloo garto in uu yahay qolo hebla wadaadka waala dilayaa yuusan dagaalba ku jirine.

Waxaa si outomatic ah qabiilooyin koodii ukala raacayay ayaga oo aan kutashan Culumadii Al-itixaad Al-islaami. Qolawalba oo culumo ah oo raacday dadkoodii waxay kudadaalayeen in ay dhibka yareeyaan haday waayeen awood ay dadka kukala badbaadiyaan.Ururka Al-itixaad wuxuu kaloowatay ujeedo ahayd in ay marhubka gacanta kudhigaan si ay dowlad Islaami ah dhidibada ugu aasaan.

Ummaddii waa’iscayrsatay, waxaa la kala baxay Xamar iyo agaraargiisa. Qaarbaa waxaa lagu shubay badda madow (xeebta Kismaanyo oo Xamar ujirta 5oo km) Markii baddii kahortimid gadaalna looga yimid ayay dhufays galeen. Cid bad-baadaysaa majirto hadii gacanta lagudhigo Culumo iyo caamaba!. Shirbaa lagalay waxaa lagorfeeyey sidii lagayeeli lahaa colkaan soo socda oo aan cidna bad-baadinayn!.

Waxaa loo kala baxay laba kooxood. Koox aan dagaalka kujirin laakiin hubaysan oo ujeedo kale wadatay (Al-itixaad) iyo koox dagaalamaysay laakiin laga awood roonaaday (Jiridii) Waxaa lagu heshiiyay in meel-looga soo wadajeesto ciddii badda ugadaba timaada (Xeebta Kismaanyo)

Al-itixaad waa rag Culumo ah oo aan dagaalkaan Ehliga (qabiilka) ku jirin. Waxay galeen shir degdeg ah.Waala niqaashay:  maxaan ka yeelnaa colkaan soo socda oo aan cidna dhaafayn!?. Waxaa lagu heshiiyay in wafdi loo diro oo la-la xaajoodo Ninka colka hogaaminaya.Waxay qoreen waraaq ka turjumaysa waxay ka qabaan in dagaal dhexmaro ayaga iyo beeshaan beelaha kale cayrsanaysa!!

Waxaa kamid ahaa qoraalkoodii: Na-nabadgali waan kunabad galinay-naaye iwm. Waxaa ku soo noqotay jawaab ah” maya waa inoo dagaal. Mar labaad ayaa lagu celiyey warkii mid u’eg ama asagiiba. Waxaa u timid jawaabtii mid lamid ah (goobjoog ma’ahayn anigu sidaasaa isoogaartay) Ciddii wax kabadalan haysaa ama haday akhbaartu khaldantahay ( Hala’isaxo dhibyari)

Wadaadadii markay kaquusteen in ciidamada lakala badbaadiyo ayay go’aan qaateen. Waxay galeen dhufayskii ay kudifaaci lahaayeen: Cirdigooda, Caruurtooda iyo Cibaadadooda (Diintooda) Waxay gaashaan buur noqdeen Jiridii lacayr sanayey ama dagaalku kala dhexeeyay Mooryaanta! (Cadowgaaga cadowgiisu waa saaxiibkaa) Waxaa wadaadadii lasiiyay aag ayaga ugaar ah, Jiridiina waxaa lasiiyay aag ayaga ugaar ah dagaalkiina sidaasaa lagu galay.

La’ismajecla (qabiilka iyo Al-itixaad) danbaase meesha isugu keentay. Raggaan Culumada ah waxay ku dagaalamayaan xaq siday istusiyeen ama ay diinta kafahmeen.Waxay rogrogeen waxa diintu kaqabto marka ay tanookale dhacdo (lugugu xadgudbo adiga iyo ehelkaaga!. Waxay daliilsadeen axaadiith ay kamid tahay:

من قتل دون ماله فوه ثهيد.

Waxay rumays-naayeen in haday dhintaan ay yihiin shuhadaa, haday wax dilaana ay dileen daalim mudnaa in ladilo (Horor) Sidaasaa dagaalku ku bilowday. Waa dagaalkii aad maqasheen oo loogu magac daray (Dagaalkii Araare 1991)

Aan usoo noqonno goobtii dagaalku ka holcayey oo gacmahala’isulatagay!

Dagaalkii markuu kululaaday ayaa Jiridii kabarbardagaalamaysay wadaadada meeshii lagu ogaa banneeyeen (Waa carartay Jiridii) Wadaadadii waxaa looga yimid: gadaal,horay iyo dhinacyada! Waxaa lagadhigay midladilo iyo mid nolosha lagu qabtay in yarmooyee oo faro cidileh kubaxsatay! Mooryaantii weerarkii majoojin ilaa ay Kismaanyo kugaleen ama qabsadeen.

Waxaa dhacay wixii wadaadadu kabaqayeen oo ahayd:  in aan lahayn meel dembe oo loo cararo (Xaggu waa bad xagguna waa col) Dadkii wixii dil kabadbaaday badday iskushubeen wixii dabaal yaqaanay. Waxaa lafuullay doonyo  yaryar oo labuux dhaafiyay.Waxaa iskuwaddo kucarayay wadaadadii iyo Jiridii wixii dil kabadbaaday! Waxaa qarqoomay (rogmaday) doonyo badan oo ummad farabadanu saarnayd.

Dhibaatadii halkaas taalay waxaa cabiri kara qofkii joogay oo kaliya!! Waxaa howdka kucararay oo bahalo kucuneen caruur badan iyo haween aan yarayn. Waxaa dhamaaday (ladilay) Culumo farabadan oo dadka xumaanta kareebaysay. Dadku mayaqaanaan meel ay usocdaan iyo wax kahoreeya toona. Waxay labaxsanayaan naftooda oo kaliya. Waxaa kaladhumay qoysas aan yarayn. Qofwalbaa wuxuu leeyahay Allow aniga ibixi qofkii dhimanayaa hadhintee!.

قيام زخري د ون قيام الكبري!!

فبماكسبت ايديكم ويعف عنكثير!

Ikhwaanii macabiri karo waxa dhacay iyo dhibaatadu xadiga ay leedahay kof’aan meesha joogin. Dadkii qaarna waxay ucarareen dhanka badda oo ay ku halaagsameen in badan oo ayagii kamid ah, qaarna waxay  ucarareen dhanka barriga oo ayagana dhibaato ku soogaartay.

Waxaa ila qumman in aan sugno meesha dadku ku hakan doono iyo waxay kudambayn doonaan oo nolol iyo geeri ah

NB: Yaan la deg degin oo la’oran wadaadku muxuu usoo faagay wixii dhacay  1991 oo laga biskooday ama la’ilaaway!? Mafoga markaan idin dareensiin doono sababta keentay in aan sheekadaan soo nooleeyo inshaa Allaahu.Waa inoo qormada dambe  bi’idmillaahi tacaalaa.

Akhuukum fillaahi Abuu ibraahiim. 

Somalimidnimo.com

2 Responses

  1. garsuge says:

    Salaamun calaykum.

    maashaa Allaahu. Abuuibraahiim Allaaha kubarakeeyo. Waxaa lagaaga bartay in aad xaqqa cadayso. Waxaa soojeedinlahaa in qoraaladaan buug laga sameeyo si aysan udayacmin taariikhda laga hadlayaa.

  2. Waxgarad says:

    Somali baa iska dhigi dad janno ku jiray, oo hada dhib la galiyay.
    -
    Dad bahala ah oon isu nixin, Islaamnimo aan kugu daynaynin, xataa Insaaninimo kugu cafinaynin.
    -
    Mooryaantii USC sida ay umada u xasuuqday, qabiilooyinka waa wayn haba is qabtaanee, masaakiintii reer Xamar, reer Goleed iyo qayrkoodba lahayd maxay ku galeen?
    -
    Jiridii kale ee SSDF, SPM, iyo SNF ayaguna xumaanta dilka, kufsiga, iyo dhaca waxay u ahayd waxay ku dagaalamaan.
    -
    Saasay isu gashay soomali, from 91-2006. Markaasaa hada lagu dhihi dhib baa nagu soo kordhay, dhibka kaa maqnaa muxuu yahay?

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS