GOB-ISLAM: Culimo Iyo Arday Kitaabka Quraanka & Sunnada Ayaa Kala Saara (Faa’idooyinkii Muxaadaaradkii Baraa’atu Dimmah Ee Sheekh Xasaan Xuseen Abu Salmaan)


GOB-ISLAM:-
Walaalihiin Golaha Baraaruga Islaamka ee loo soo gaabiyo Gob-Islam waxay is dul taagayaan Muxaadarooyinkii Sheekh Callaamah Al Mujaahid Sheekh Xasaan Xuseen Aadan Abu Salmaan Xafidahullah.

Muxaadaradka Baraa’atu Dimmah Fii Naseexati Ummah Qofkii dhagaystay ama Daawaday, waxaan filaynaa in aysan waxba u dhimanayn, waa Muxaadaraad lagu kala baxay Insha Allah xalaqaad isdaba socda ayaan ka samayn doonaa Muxaadaraadka Sheekh Abu Salmaan wax yaalihii aan ka faa’idaysanay ayaan farta ku fiiqi doonaa!.

Ciwaanka Muxaadaraadka Sheekh Abuu Salmaan:

Baraa’atu Dimmah Fii nasiixati Ummah” Wixii xila iyo Masuuliyada in la guto laguna guto in Umadda lala taliyo loona naseexeeyo!” 3 Cajal oo Maqal iyo Muuqaala weeye Muxaadaraadku.

Faa’idooyinka Cajalka 1 Aad!.

Sheekh Abu Salmaan “Wuxuu sheegay in Naseexada Iimaanka Asaaskiisa ay tahay waxaa kale oo lagu tilmaamaa ayuu yiri Sheekh Abu Salmaan Islaamka oo dhan”  Maadaama ayuu yiri Sheekh Abu Salmaan Xadiithkii Saxiixul Muslimka ku jiray ee Tamiimu Al Daarimi  uu warinayey arinkaas tilmaamay.

(عن تميم الدّاري رضي الله عنه قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم :(( الدِّينُ النَّصِيحَةُ قُلْنَا لِمَنْ قَالَ لِلَّهِ وَلِكِتَابِهِ وَلِرَسُولِهِ وَلِأَئِمَّةِ الْمُسْلِمِينَ وَعَامَّتِهِمْ)) [البخاري ومسلم ])

Waxaa kale oo tilmaamaya Naseexada xadiith kii Jariir Binu Cabdillaahi AlBajali,  (عن جرير بن عبد الله قال : بايعت النبي صلى الله عليه وسلم على إقام الصلاة ، وإيتاء الزكاة ، والنصح لكل مسلم .وفي ” صحيح مسلم )

 

“Rasuulka Allah waxaan beeco kula gallay Salaadda in aan Tokodo, Sakadana bixiyo Qof kasta oo Muslim ahna u naseexeeyo”

Naseexada Asalkeeda ama Curfiga Shareecada waxaa la yiraahdaa sida Sheekh Abu Salmaan sheegay

(الإخلا ص رئي من القشي والخيان)

Khayaanada iyo Qishiga in laga saafi gareeyo talada Ra’yiga Diineed aad bixin ama mid Duunyo ee aad bixin ama Ruuxa Muslimka ah ee talo iyo Eray ku weydiiyay in sida ugu roon ee asaga Maslaxadiisu ku jirto Aakhiro iyo Adduun aad kula taliso ayaa Naseexo la yiraahdaa!”

Hordhaca Muxaadarada.

Sheekh Xasaan Xuseen wuxuu tilmaamo dhowr ah ka bixiyey Naseexada iyo qaabka Culimadu u qeexaan, balse intaas kore ayaan hordhaca ku joojinaynaa.

Bilowga Muxaadarada iyo Baraarujinta Sheekh Xasaan Xuseen Aadan Abu Salmaan.

 

Sheekhu wuxuu tilmaamay in Asal ahaan in ay Xaaraan tahay in Qofka Muslimkaa lagu sheego wuxuu dhibsanayo ama kohanayo, gaar ahaan haddii loola jeedo in Qof kaas la duro oo lagu ceebeeyo dan kalana aan laga lahayn.

Ammaa Aadanaha in wax laga sheeko Muslim, Caabid, Caalim Faqiih Ilaahayba haka dhigee in wax laga sheego, wax sheegaas oo ku lug leh la talin iyo maslaxa Muslimiin, Maslaxadaas ha noqo mid caamo oo Umadda oo dhan ah ama mid khaasa sida Ardayda iyo Dumarka ama qayb kamida Muslimiinta ayuu yiri Sheekh Abu Salmaan” . Sheekhu wuxuu yiri “Taasi waa banaan tahay waa Ijmaac ama waa la isku raacay”. Sheekh Abu Salmaan wuxuu yiri “Waxaa  sidaas ku guntamay Ijmaaca Fuqahada iyo Muxadathiinta.

Waaa arin Mamduuxa ama la amaanay sida ku qoran Kitaabada jarxiga iyo Tacdiilka, muran badana qadiyadaas kuma jiro ayuu yiri Sheekh Abu Salmaan”

Sidoo kale Culimadu waxay isku raaceen sida Sheekh Abu Salmaan sheegay Qofkii wax laga sheego ama Sheekhii khatartiisa laga digo in haddii uu dhibsado aanan waxba laga soo qaadaynin ee wax ka sheega iyo sharkiisa in laga digo la sii wadayo, Culimada Muslimiinta ayaana sidaas isku raacday ayuu yiri Sheekh Abu Salmaan oo wax ictibaara ma lahan ama cabaadkiisa waxba laga soo qaadi maayo!.

Ma ahan ayuu yiri Sheekhu Wadaadka sharkiisa laga digayo in asaga Naftiis wax laga sheegayo laakiin Umadda ku xiran ee uu aafaynayo ama difeetada u gaysanayo ayaa looga digayaa sharkiisa! mana ahan in asaga Naftiisa wax laga sheegayo haddii uu asagu ku dhibsadana Muslim baa dhibsaday, Wadaadbaa dhibsaday, halaga daayana la oran maayo waana Masalo mutafaqa la isku raacsan yahay oo ahli cilmigu qabaan.

Waxa la doonayo waxaa weeye in Qofka Muslimkaa uu ku farxo Dadku in ay gartaan xaqqa oo Xaqqu soo baxo Abu Salmaan“!,

Bilowga Muxaadarada.

Culimada, Ardayda Iyo Qofka Soo Islaamay Wakhti Dhow Waa Isku Dhigmaan, Markii Nas ama Adilooyin La Isku Hayo!.

Sheekh Xasaan Xuseen Abu Salmaan wuxuu Muxaadaraadka ku bilaabay, in Culimada ama Ninka Caalimkaa, Ardayda iyo Qofka wakhti dhow soo islaamay haddii ay wax isku qabtaan Naska ama Adilooyinku ay kala hagayaan oo aanan la oranaynin Adigu Arday baad tahay ama goor dhow ayaad soo islaamtay IWM, wuxuu Sheekhu tilmaamay in ay iska tahay Sheekooyin Soomaaliyeed oo Diinta Islaamka aan Sal ku lahayn.

“Macalin iyo Ardaygiisa haddii uu shan biri wax u dhigo oo ay maalinta dambe is qabtaan waxaa kala hagaya Nas iyo daliilkii waa kan ee meesha ma taalo war shalay ayaan Alifka kuu bilaabay in aad i fanato ma ahan ee us ama Aamus, meesha ma taalo ee Nas ayaa lagu kala baxaa! taasna waa in lagu baraarugo oo muran Culimada Muslimiintu kama qabaan, Sheekh Abu Salmaan

“Sidaa darteed shayga waa jibkaa waxaa weeye in Gafka, ama Khaladka khilaafsan Kitaabka iyo Sunnada, Ninka Gafkaa cadaynaya Saqiir ha noqdo ama Qof weyn ha noqdo, maxa yeelay Culimada iyo Ardaydu waa isku dhigmaan marka laga hadlayo Nas ama adilooyinka.

 

(Qayb 1) Tusaalooyinka Sheekh Abu Salmaan Ka Bixiyey Culimada Iyo Ardaydu In Ay Isku Dhigmaan Oo Naska La Eegayo Ama Adilooyinka!.

 

Imaam Sheekh Ibnu Cabdi Bar, mar uu fiqigeeda marayey ama sharaxaad ka bixinayey, doodii dhex martay Aabbaheen Nabi Aadaan SCW iyo Nabi Muuse SCW, wuxuu yiri,

فحج آدم موسى)

Nabi Aadan SCW ayaa gartii iyo xujadii ka badiyey Nabi Muuse Scw” Waxaa dood dhex martay Nabi Aadan Scw iyo Nabi Muuse Scw, Nabi Muuse ayaa yiri Adiga Aadan ah oo Allah gacantiisa kugu abuuray Malaa’igtuna kuu Sajuuday, ayaa na hoojiyey oo Janadana naga soo saaray!. Markaas ayaa Aabbaheen Nabi Aadan SCW ugu jawaabay, Adiga Muusaa Ilaahayna kuu dooray Risaalooyinkiisa kulana hadlay Towraadna kugu soo dajiyey miyaa igu eedaynaya arin Ilaahay horay u qadaray inta uusan Aniga i abuurin Afartan Sano kahor!, markaas ayaa Nabigu yiri waa Nabi Mohamade Faxaja Aadamu Muusaa,

( فحج آدم موسى)

Nabi Aadan SCw Xujadii ama gartii waa ka badiyey Nabi Muuse SCw.

Sheekh Abu Salmaan wuxuu yiri Imaam Sheekh Ibnu Cabdi Bar, wuxuu u daliishaday in Qof yar iyo mid weyn ay doodi karaan, sida Nabi Aadan iyo Nabi Muuse SCW, Nabi Aadan ma oran Aamus Wiil yar oo aan dhalay ayaad tahay ee waxaa kala hagay Naska Adilooyinka, sidoo kale Nabi Aadan ma oran Diintaan kaaga horeeyey ama waan kaa weynahay, sidoo kale Aabbahaa ayaan ahay ha ila doodin ma oran, Sheekh Abu Salmaan ayaa si wanaagsan u sharxaya ee hoos ka eeg dooda Nabi Aadan iyo Nabi Muuse SCW.

 

 (يقول النبي صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: {احتج آدم وموسى، فقال موسى لآدم: أنت آدم الذي خلقك الله بيده وأسجد لك ملائكته، خيبتنا وأخرجتنا من الجنة   } هكذا في بعض الروايات وكلها متقاربة، وهكذ احتج موسى على أبينا آدم عليهما السلام: {فقال له أبونا آدم عليه السلام: أنت موسى الذي اصطفاك الله برسالته وبكلامه، وخط لك التوارة بيده، تلومني على أمر قد كتبه الله علي قبل أن يخلقني بأربعين سنة، فقال صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: فحج آدم موسى، فحج آدم موسى، فحج آدم موسى   } أي: غلبه بالحجة.) (صحيح البخاري  أبو هريرة- الصفحة أو الرقم: 4736) 

Sheekh Abu Salmaan wuxuu kale oo uu sheegay Saxaabiga la yiraahdo C/laahi Ibnu Cabaas in ay Ardaygiisa oo Taabici ahaa ay doodeen Abu Salama Ibnu C/raxmaan Al Suhri, waxay isku qabsadeen Cidada Haweenku tirsanayaan markii laga dhinto ama la furo, waxay garti ula tageen Saxaabiyada la yiraahdo Umu Salamah, gartana waxaa helay ama ay Umu Salama u xukuntay Abu Salama, lama oran Arday ayaad tahay, waxaa kala hagay Naska sidaas ayaa Sheekh Abu Salmaan u wadaa Culimada iyo Ardaydu in ay isku dhigmaan markii Nas ama Adilooyinka ay yeelaan oo aanan waxba la is dheerayn aan ka ahay Naska.

Ka Eeg hadalka Sheekh Imaam Ibnu Cabdi Bar Kitaabka Muwada’u Ibnu Maalim Sharixiisa Tamhiid Sharxu Muwada’i Ibnu Maalik,

التمهيد شرح موطأ ابن مالك

Mujaladka 15/508, Xadiiska 1281 Kitaabka Sharaxa Kitaabka Muwada Imaam Maalik Binu Anas Halkaan Riix Ama Guji  Hoosna ka Akhri inta Sheekh Abu Salmaan daliishanayo oo aan idiin soo Masawirnay

 

 

Tusaalaha 2 Aad Ee Sheekh Xasaan Xuseen Abu Salmaan Ka Bixiyey Isku Dhigmida Culimada Iyo Ardayda Markii Ay Nas Ama Adilooyin Tahay!.

 

Sheekh Xasaan Xuseen Abu Salmaan wuxuu yiri, Imaam Suleymaan Ibnu Abdi qawi al duufi, wuxuu fiqi kala baxay oo keenay Aayad Quraana Ilaahay iyo An biyadii oo doodaya!, Ayaaddu waa sidaan

(فلما ذهب عن إبراهيم الروع وجاءته البشرى يجادلنا في قوم لوط (74)( (هود)

Sheekh Abu Salmaan wuxuu yiri “Waxaan soo marnay hadaayey waa Tusalaaha 1 Aad, ee Sheekhu bixiyaye Labo Nabi oo isku waalida oo Niqaashaya ama Doodaya, haddana Sheekh Imaam Suleymaan Ibnu Abdi Qawi wuxuu keenay Nabi Ibraahim SCW oo ka niqaashaya ama ka dooday Su’aala badana Ilaahay weydiiyey ku saabsan halaaga Reer Luud la halaagayo”!.

Wuxuu yiri Sheekh Suleymaan “Dooda waa in aan ku raacnaa Nabi Ibraahim maadaama nala amray in aan ku dayano”, Sheekh Xasaan Abu Salmaan wuxuu yiri ” Dooda Nabi Ibraahim SCW lagu raacayo waxaa weeye Dadka waa weyn iyo kuwa yar yar in ay doodi karaan, ka eeg Kitaabka Sheekh Suleymaan Ibnu Abdi Qawi Al Duufi!.

Sheekh Imaam Suleymaan Ibnu Abdi Qawi (

 المؤلف: سليمان بن عبد القوي بن عبد الكريم الطوفي نجم الدين أبو الربيع)

Wuxuu ku yiri Kitaabkiisa Al Ishaaratu Ilaahiya Ilaa Mabaaxis Al Usuuliya Bogga 342 Ama Bogga 320

(الإشارات الإلهية إلى المباحث الأصولية)

Dhammaan Kitaabka Al Ishaaraad ee Sheekh Imaam Suleymaan Ibnu Abdi Qawi Al Duufi Akhri Halkaan Riix Ama Guji

Tusaalaha 3 Aad Ee Culimada Iyo Ardaydu In Ay Isku Dhigmaan Markii Ay Nas Ama Adilo Joogto!.

Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan wuxuu Tusaalaha 3 Aad keenay Sheekhul Islaam Ibni Taymiyah oo waliba arintaas Sheekh Abu Salmaan ka hadlayo aad oga hadlay oo isku dhibay in uu ka hadlo, wuxuu yiri Sheekhul Islaam ” Dadka oranaya Culimada iyo Ardaydu ma doodi  karaan ama Nin weyn iyo Nin yar ma doodi karaan waxaa la dhihi karaa Ninka Sheekha ah ee aad ku dhagan tahay laftigiisa mid ka yar iyo mid ka weyn waa jiraa ee nasii dawaabid ama wax aan ku miisaano!”

Sheekhul Islaam Ibnu Taymiyah wuxuu yiri Kitaabkiisa Al fataawaa Al Kubraa Mujalada 5 Bogga 123

(أنّ هؤلاء الصحابة بعضهم لبعض أكفاء في موارد النزاع وإذا تنازعوا ) ,

“Saxaabadu mid yar iyo mid weyn waa doodi jireen waxayna  doodooda u celin jireen Kitaabka iyo Sunnada Nabiga SCW,

Sheekh Abu Salmaan wuxuu soo guuriyey Cali Ibnu Abi Daalib iyo C/laahi Ibnu Cabaas in ay doodeen, Calina ma oran war Amiir ayaan ahay ama Islaamnimada ayaan kaaga soo horreeyey ee Nas ama Adilooyin ayuu ku dooday, wuxuu kale oo Abu Salmaan soo guuriyey Ibnu Cabaas oo Oday noqday in C/laahi Ibnu Subayr uu la dooday, shakina kuma jiro ayuu yiri Sheekhu in C/laahi Ibnu Cabaas C/laahi Ibnu Subayr uu ka cilmi badnaa!.

Kitaabka Sheekhul Islaam ee Fataa Al Kubraa Dhammaan ka Akhri Halkaan Riix Ama Guji 

 

Qaybta Labaad Waxaan Ku Qaadaa Dhigaynaa Qof In aad Gaalnimo iyo Nifaaq in aad ku xukunto adiga oo ula jeeda Difaaca Islaamka!.

Qaybtaan Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan wuxuu kaga hadlayaa haddii aad Qof Gaalnimo, Bidco iyo Nifaaq ku xukunto adiga oo Islaamka difaacaya ama qiira Islaamnimo ku hayso ee aadan wax kale ula jeedin sida in aad Qofkaas iska dulmiso oo kale, taas lama ogola laakiin haddii aad Islaamka ka difaacayso oo aad xukumadaas aan soo sheegnay ku rido Sheekhu wuxuu sheegay in aad Ajar ka helayso.

Sheekh Abu Salmaan wuxuu keenay oo ka soo guuriyey Kitaabka Sheekh Ibnu Qayim Al Jowsi ee Saadul Macaad, 3/373 iyo 423 Sheekh Ibnu Qayim oo sharaxaya Qisadii xaatim Ibnu Baltaca oo Cumar Ibnu Khadaab Takfiirinayo waxaana kamid ahaa hadalka Sheekh Ibnu Qayim Al Jowsi

(

وفيها : أن الرجل إذا نسب المسلم إلى النفاق والكفر متأولا وغضبا لله ورسوله ودينه لا لهواه وحظه ، فإنه لا يكفر بذلك ، بل لا يأثم به ، بل يثاب على نيته وقصده ، وهذا بخلاف أهل الأهواء والبدع ، فإنهم يكفرون ويبدعون لمخالفة أهوائهم ونحلهم ، وهم أولى بذلك ممن كفروه وبدعوه .)

 

Sheekh Ibnu Qayim, wuxuu leeyahay, “Haddii aad Nin u tiiriso Nifaaq iyo Gaalnimo,adiga oo muta’awila oo Ilaahay dartiis, Rasuulkiisa iyo Diintiisa ka qiiraysan laakiin aadan hawadaada iyo wax aad doonayso aadan raacin, arintaas kuma gaaloobaysid, bal iska daaye wax dambiya kaa soo gaari maayaan ajarna waaba lagaa siinayaa ayada oo Niyadaada iyo Ujeedadaada la eegayo“!, arintaas waxay khilaafsan tahay Ahlu Ahwaaga iyo Ahlu Bidciga”,, waa hadal dheer oo aad u qiima badan Sheekh Abu Salmaan ayaa si wanaagsan u sharaxay ee ka faa’idaysta.

Hoos ka Daawada Muxaadaradaadka Laba Cajal ee kale, Insha Allah waa inoo mar kale  Walaalihiin Golaha Baraaruga Islaamka Gob-Islam.

GOB-ISLAM
Somalimidnimo.com

14 Responses

  1. caaqil says:

    wallee sawirkan wajiyada kamuuqda kalaqiimo iyo qaayo ween oo nuurkoodakaladuwan. ee inta jihaadka taageersan ee banaanka kanoqday munaafaqnimo allaha xafido intakale yeelkadooda jidfiicanse kumasocdaan ee aallahayoow wakhtigan lakamiiranyee mililiq iyo intakucaasissay hanaraacin iyo amison.

  2. wadaad yare says:

    إِنَّا أَنْزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ لِتَحْكُمَ بَيْنَ النَّاسِ بِمَا أَرَاكَ اللَّهُ وَلَا تَكُنْ لِلْخَائِنِينَ خَصِيمًا

    “لِتَحْكُمَ بَيْنَ النَّاسِ بِمَا أَرَاكَ اللَّهُ”

    Yaa dadka ku kala saaraya kitaabka iyo sunnada haddii la isku qabto muraadkooda ku aaddan dhacdadaan horteenna taalla haddeysan jirin xakam aadane ah oo ku jira maqaamka

    “لِتَحْكُمَ بَيْنَ
    “النَّاسِ بِمَا أَرَاكَ اللَّهُ

    Su,aashaas dad aan ka jawaabi karin doonayana iney ka boodaane muran aan dhammaad laheyn oo xuruuf iyo nusuus lagu dul murmo xal ka raadinaya soo cajiib ma ahan?

    Intaad culimo leedihiin oo Xasaan ku jiro su,aashaan u geeya ee bal na siiya jawaabteeda.

    Yaa dadka ku kala saaraya waxa kitaabka fahamkiisaa oo ay isku qabtaan? Dad nool oo la iskula tago oo “xakam” ah ayaan ka hadleynaa!

    Looma baahna dad nool nool oo “xakam ah” miyaad leedihiin?

  3. Xaaji-KaaD says:

    Asc Wr Wb
    -
    لتحكم بين التاس بما أراك الله
    -
    Waa hadal ku socda Nabiga SCW,Nabiguna ma noola
    -
    Anaku no dhacaya hadalku saas daradeeda Jawaatada oo gaban aya wexey tahay Waxaa xakam noqonaya Qof walba oo garanayo mas.alada xukunkeeda
    -
    lama dhihin caalim waxan ehen ma hadli karo ee waa nin walbo yaqana
    -
    Adigaan iska dhigayo in aad kente su,aal taxadi ah waxan ku leyahay cagaha dhulka dhig dabeel kaa weyn aaya ku wadee
    -
    shekha aad ledahay intad culimo ledihin o xassan u ki jiro afka kala bax ma tihid waxan ka eheen Ghabi fahankiisu uu yaryahay,waxad la mid tahay qof candhuf qoraxda ku tufey sida inu daminayo o kale kadibna cabdhufti ay afkiisa kusoo labate,
    -
    xanaaq ama caytan ama farax ama qosol ama ooy wax dhamestiran ma dhimeesid wax dhimana ma dhamestireesid.caadi intaa iska dhigtid suufidaada la baashal

    • Umalmasaakiin says:

      To..xaaji-kaad ,shukran sifican ayaad, wadaad yare uu jawaabtay, ilaahay xaqa nagama indhatiro,,,,saadakalaahu fahman

  4. Abuu-caa,isha algedaawi says:

    Wadaad yare waxa la isku hayo maba ah kitaabka iyo sunada fahamkeeda mana ah masalo khilaafi ah iyo mid ijtihaadi ah toona bal waa masalo iska cad oo caasho garatay ah oo leh nas qadci ah wax lagu wareero meesha ma yaalaan ama culimo loo raadsho balse waxaa caamadii wareerinayo culimo naq raacday oo risaaladii khiyaantay aayaadkiina ku iibsaday thamanan qaliilan. Mathalan culimadii soomaaliyeed waxay marayaan heer bahuuko uu yiraahdo somaliya jihaad kama jiro oo culimada waaweyn ee somaliya ayaana noo sheegtay! Heer waxay marayaan dowlada kirishtanka ah ee kenya ay tiraahdo culimada gacanta kor u taaga inta taageersan in alshabaab la laayo! Heer waxay marayaan ay mahige u muxaadareeyan una dardaarmaan cabsida ilaahay! Heer waxay marayaan ay zanaawi ku wareejiyaan dhulkii muslimiinta! Marka wax lagu wareero iyo waxla isku heysto toona ma jiraane meesha waxaa yaala nin dalkiisi gaalo kusoo duushay jihaad dafci ah ku jira iyo wadaad diintiisii ku gatay daraahim oo gaalada u doodaya afkuu qaadana leh waa fitno waxa ishayana waa muslimiin.

  5. Qorane says:

    Wadaadow wadna waynida daa oo waranka qaado.wadaad yare maxaad jihaadka kunacday?mabda aagu waa maxay?suufi,jadiidiyah,tabliiq,islaax,ictisaam iyo wlm.

  6. wadaad yare says:

    Xaaji-Kaad

    Waxaad tiri:

    “Anaku no dhacaya hadalku saas daradeeda Jawaatada oo gaban aya wexey tahay Waxaa xakam noqonaya Qof walba oo garanayo mas.alada xukunkeeda”.

    Anigaa garanaya iyo anigaa garanaya marka la isku qabtana soo cid kala saarta uma baahna? Mise kii xoog bata oo kan kale maquuniya ayaa garta leh oo “xakamku waa xoogga”?

  7. Cumar says:

    Kheyr aan dhamad laheyn ilahay hasiyo shekha cilmigisana hasiyadiyo wa shekha masaa’ilka dineed si fcn ubaara kadib jwb ku habon usoo gudbiya umada muslimka waxa ay qariyan culimada kalena sheega waxan urajeyneyna kheyr bdn inta cadow ah allah kaqabto wadado bdan markey maqlan sh xassaan xusen oo isku kaadsha ayaa jira wana alle fadligii hadaa nahay ardada somaliyed din doonka ah wa inaan kuxirana al calamah sh xasaan ma ahan wadad burdhagleysta malinba mel jira ma ahan wadad cabuda qabiilka wa bini aadam wu sakatiyi karaa allah udhafo illen magafe wa alle Nb muxadaro uu shekhu dubay ayan dhagestay waxana ka faa’iday waxa kamid ah hadad dhalib cilmi tahay hal wadada haku kobnanin wuxuna kucileyay hadad kukobnato inadan fahmeynin akhdha’disa wana sida sawabka ah walalaha webkan ilahay qeyr ha idin siyo dhamantina wsc

  8. umu barau says:

    Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu yahay sheekh xasaan xuseen abuu salmaan! Walaa nuzakuu callallaahi axad! laakin waxa aan Allah agtiisa uga rajeynayaa kheyr tiro badan waxaan se Allah agtiisa markii la hortaagan yahay Aan ugu marqaati kici doonaa inuu na soo gaarsiiyey diintii islamka isagoon nusqaamin ama aan qayaamin! kaligiis na maahee waa ay badan yihiin reer towxiid Allah ha xifdiyo dhamaantood waa da,daasheen Allah ha idin dhowro walee taariikhda baal dahab ah ayaad ka gashen ninkii doonaa ha hadlee Allah waxa aan inoo weydiinayaa inuu san ciribtii xumeyd uu san dib noogu cellen sabur iyo taqwana rabigeen hanagu irsaaqo Aamiin (WALAAHUMUSTACAAN)

  9. yasiin yusuf says:

    scw waad mahad santhiin somalimidnimo sida aad u kala dhig dhigteen cashara skeekheena xasaan xfidahulaah. barakalhu fiikum….

  10. abu.suheyb says:

    asc w.w. horta wxan leyahay gesigena sheiq xassan xussein adam illahay hano xifdiyo tankale wxa waye galo wey jabtay ilahay ba mahad is kale mujahidiinta melkaste oo jogaan wxan ura jenaya guul

  11. Dadka dadka caayaya xagee diinta kaga jirtaa caay seefta dhiga suaal haduu qof so qora ha caayina caydu waxay ka timaadaa jahliga amaanta badan waa tazkiyeen tazkiyadana dhaafa Oo duceeya taabaa Idin kaga kheyr badan

  12. barwaaqo says:

    masha allah sheekhaan sheekh xasaan ilahay ha xiftiyo walahi ruuntu sheegaa ilayhi ha ilaa laliyo

  13. Calii says:

    Sh.xassan wa nin macruf ah wadad yare ama qofki kale e rabo tarikhda mesha u wax kasobartay herka aqontisa anaku bari adiga maclumadka aad heyso wa khalad ilagaso xarir e.mail dahiro6@binu.com

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS