
Inaalillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun waxaa goordhaw oo caawa ah geeriyooday Sheekh Daahir Aweys oo ah aabaha Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Caawa Fiidkii ayuu deegaanka Ceelasha Biyaha ku geeriyooday Sheekh Daahir Aweys oo maalimihii lasoo dhaafay xanuunsanaa.
Allaha Unaxariistee Sheekha ayaa dhalay carruur badan oo culumo ah oo uu ugu caansanyahay Sheekha Mujaahidka ah Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Maamulka iyo Howl-wadeenada SomaliMeMo waxay Taczi u dirayaan ehelka iyo qaraabada uu ka baxay Sheekh Daahir Aweys waxaana si gaar ah Taczi ugu direynaa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah sheekh Mujaahid ah.
Sheikh Xasan Daahir oo Madaxa ka Dhunkanaya Aabihiis Sheikh Daahir Aweys.
Taariikhda Sheekh Daahir Aweys waansoo qori doonaa Insha’allaah
Xigasho Shabakadda Islaamigaa ee Somalimemo



































waxa aan halkaan tacsi ugu dirayaa dhamaan ilmo dahir aweys iyo dhamaan reer towxiid geeridii ku timid aabiheen ama sheekhena oo ahaa waayeel mudana xanuunsanaa ayaa caawa ku geeriyooday ceelasha biyaha ee taxta raayatul islaam! waxa aan leeyahay (inaa lillaahi wa,inaa ileyhi raajicuun! Allah waxa aan uga baryayaa inuu u dambi dhaafo sheekha una iftiimiyo qabrigiisa aamiin. waxa aan si khaas ah tacsi ugu dirayaa sheikheena amirkeena Al mujaahid sheikh xasan daahir aweys iyadoo aan si khaas ah u aqaan sheekha, Allah waxa aan inooga baryayaa inuu sabur iyo iimaan naga siiyo Aabe daahir isagana Allah hala soo xaadariyo anbiyada iyo shuha,dada maqaamkooda Aaamiin inagana Allaah nama fidneeyo gadaashiis Aamiin. (innaa lillaahi wa,innaailleyhi raajicuun) llaa xowla lanaa wallaa quwata illaa billaah.
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN ilaahey ha u naxariisto shiikha daahir aweys anagana gadaashiis nama fitneeyo Qabrigana ilaahey ha u waasiciyo samir iyo iimaana allaha kasiiyo dhamaan inta u ehel iyo asxaab iyo macrifo ba u aheed aamiin.
inaa li laahi wa inaa ileehi raajicuun allaha u naxariisto marxuum macalin daahir aweey ehelkii iyo qaraabadii iyo dhamaan umada soomaaliyeed samir iyo iimaan allaha naga siiyo qaasatan caruurtiisa oo uu uga dhintay cilmi uu baray amiin amiin
Inaa lilaahi wa inaa Ilaahi rajucuun.Ilaahay wuxuu qaato asagaaleh wuxuu reebana asagaa leh Alaah samir iyo iimaan sheekha eheladiisa iyo muslimiinta oo dhanba hakasiiyo naxariistiisana haw waasiciyo janatilfirdawsal aclaa Alaah gurigiisa iyo hoygiisa hakadhigo anagana rabi gadaashiis nama
Kalaam kii Ilaahay
korka ruuxa kaxiftiyey
Camalkana kusii daray
Rabigay karaamee
Waana laga kor yee laa
Kashif iyo dhib waxa jira
Karimayso ciiduna
Korkiisiyo oogada
Maalintii kulaylkiyo
Kurbadiyo halaagana
Waaba lagu koryee laa
Janadana kobtuu dagi
Salaanbaa kor lagu dhihi
Kitaab kaan tartiiloo
Kalaam kaa Ilaahay
Kobtuu kaaga idil yahay
Waa adiyo kartidaa
Aakhiru kalaamkii
Yaa kuu ah gurigaa
Kalaam wada sidqiyahaa
Kariim keen Rasuulkiis
Kan idiinku khayroon
Kanbartee kukale bara
Korbaa loogu qaadaa
Kii abid daryee lee
Kaxiftiya dayaacee
Karaamiyo xushmaba badan
Kaan saa udhuganee
Kashiisaba an galin abid
Rabi waw kadeedaa
Kalaamkaa wanaagsane
Kariim keena hadalkiyo
Daahhir waa kutaabtii
Kuxiftiyayey laabtoo
Kiciyoo malcaamado
Koofurtiyo bartamihiyo
Kaymaha dalkeenee
Dadku wada kasaayeen
Rabiyow karaamee
Kakoryeel kadeediyo
Kurbadiyo hawlkaba
Korkayeel Ilaahoow
Kafantiyo xanuudkana
Laga keeno janadoo
Kayrkayrka baqidiyo
Kabadbaadi salalkoo
Kalaamkay suaalaan
Rusushaada karamkale
Rabow kaamil qabadsii
Fahmadana kukaalmee
Kaafi waa Ilaahay
Kanu waa Rasuulkiis
Kor ahaatay diintiis
Ayadaana kaafiya
Ana aan kasaayaa
Kalaamkiyo sawaabtiyo
Alow kalimadaw sahal
Kakoryeel dhiboo idil
Aamiin kariimoow
WAXAAN U TACSINYEYNAA SHEEGENA ,SHEEG AXMED HAAIR AWEYS IYO INTA XAQA KU TAAGIN IALAHY HA UNAXRIISTO ABO WLALAYAAL
inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun alahuma ajurlanaa fiimusiibatanaa wakhliflanaa khayra minhaa alaha unaxariisto marxuumka janadii firdoowsa ala haka awaalmariyo amiin aamiin
inaa ilaahay raajacuun waxaan halkan tacsi uga dirin meelkasta oo ay joogaan somlida muslinka ah ee uu ka geeryooday sheik dahir aways waa abihii hugaanka mujahidiinta sigaar ah waxaan ugu dirin sheik hasan dahir iyo qarabadiisi hoose ilaahay samir iyo iiman hanaga siiyo waa qoskii somaliya soo gaarsiyey towxiiidka lana dagaalamay mushrikiintiii qabriyada cabudsey iyo galadiii wawayneed waxaa la orankaraah ninkii somaliya risalada soo gaarsiyey alahayow qabriga uwasici
Inaalillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun
alaah ha u naxariisto sheekh daahir aweys samir iyo iimaana haka siiyo Eheladiisii iyo dadka somaliyeedba
innaa lillaahi wa inna ilayhi raajicuun. Alle ha u naxiirsto maydka innagana gadaashiisa nama fidneeyo
ilaahay subxaanahu watacaalaa ha unaxariisto macalinka, ilaahayna janada ha ka waraabiyo,sh/xasan iyo sh/axmed iyo guud ahaan reer daahir aweysna samir iyo iimaana allaha ka siiyo. geeridu waa xaq, qof kastana geerida waa dhadhaminayaa. ilaahaw unaxariiso…… aamiin…… aamiin…….. aamiin
Innaa lillaahi wa inna ilayhi rajicun Waxan tacsi udiraya dhaman ehalada ukageriyoday shekha wuna ga wada geriyoday madama uahaa macalinkeni dinta geriduna wa xaq Ilahay kitabkisa gacanta midigta hakasiyo ambiyada shuhadada salixinta Allaha macoda kayelo janatul firdowsa allaha geyo amin inshaallah Allaha anagana nagadhigo kuwi dinta koryela on fidn0bin gadashisa Allaha naofsado anago kitabka Alle difaceyn0 amin inshaallah
Sh. Daahir X. Aweys waxa uu ku cimrigiisa oo dhan ku dhammeystay barrashada iyo fiddinta diinta ISLAAMKA. Waxaan Weyne ka baryayaa in uu xabbaasha u nuuro jannadii fardoosana ka Warrraabiyo. AAMMIIN..AAMMIIN………………….iddinkuna AAMMIIN DHAHA.
ANIGOO KU HADLAYA MAGACA GOLAHA BARARUGA DHALINYARADA SOMALIYEED EE SOUTH AFRICA WAXAAN TACSI U DIREYNAA EHELADII IYO QARABADII IYO CARUURTII UU KA GEERIYOODAY ALAHA U NAXARIISTEE SHEEKH MACALLIN DAHIR AWEYS WAXAN KALOO SI GUUD UGU TACSIYEYNEYNAA DHAMAAN MUSLIMIINTA GAAR AHAANNA SOMALIDA GEERIDAA NAXDINTA LEH EE SHEEKH MACALIN DAHIR AWEYS WAXAAN MAR LABAAD SI GAAR AH UGU TACSIYADEYNAYNAA MUJAAHID ASHEEKH XASAN DAHIR AWEYS WAXAANA LEENAHAY ILAAHAY HA U NAXARIISTO EHELKII IYO QARAABADII IYO DHAMAAN MUSLIMIINTIINA ILAHAY SABIR IYO IIMAAN HA KA SIIYO ISAGANA WAA SH XASAN ILAAHAY SI GAAR AH SABIR HA U SIIYO AAAAMIIIIN AAAAMMIIIIN AAAAMMMMMIIIN
ALLAHUMAQFIRHU ALLAHUMMARXAMHU
Waxaan tacsi u dirayaa Allaha ha u naxariistee eheladii uu ka geeriyood macalin Dahir Aweys waxaana lee yahay Ilahey janadii fardowsa ha ka waraabiyo.
alah ha unaxariisto