TAARIIKHDII ISLAAMKA EE ANDULUS IYO SIDII AY MARKII DAMBANA UGA BAXDAY GACANTII MUSLIMIINTA (Sultan Garyare Qormo Taxane Ah Qayb 1)

بِسۡمِ ٱللهِ ٱلرَّحۡمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

 

TAARIIKHDII ISLAAMKA EE ANDULUS IYO SIDII AAY MARKII DAMBANA UGA BAXDAY GACANTII MUSLIMIINTA

 

الحمد لله رب العالمين، والصّلاة والسّلام على رسوله الأمين محمد بن عبد الله وآله وصحبهِ أجمعين

اللهم منزل الكتاب مجري السّحاب هازم الأحزاب، اهزم الصّليبيين ومن حالفهم من المرتدّين

اللهم أنت عضدنا وأنت نصيرنا، اللهم بك نصول وبك نجول وبك نقاتل

 

Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

ARAR

Qoraalkan waxaa jeclahay inaan kaga hadlo taariikhdii dheereyd ee uu Islaamku xukumayey qaybo badan oo ka mid ah Yurubta bari iyo tan Koonfureedba (Andulus) muddo ka badan  todoba qarni (781), laga soo bilaabo Sanadkii 711 ilaa 1492 ee Miilaadiga kuna beegan  897 Hijriyada.

Qoraalkan waxaan ku eegi doonnaa marka hore sidii Islaamku ugu fiday dhulalkaas iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, waxyaalihii markii dambana sabab u noqday in Wilaayaadkii Islaamiga ahaa ay dummaan oo Saliibiyiintu gacanta ugu dhigaan Wilaayaadkaas.

Waxaan kaloo ku eegi doonaa ama aan isbarbar dhigi ku samayn doonnaa xaaladda maanta ka taagan geyiga Soomaaliyeed iyo Wilaayaadkii Islaamiga ahaa ee Andulus,  waxyaalaha ay isaga mid yihiin iyo waxay ku kala duwan yihiin. Taas oo aan rabo in aan ummadda Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed u muujiyo macnayaal badan oo saluugmo ku jirto lagana muujiyey Jihaadka Soomaaliya ka socda, marar badanna ay dhacdo in tusaalo loo soo qaato iyadoo laysku masalayo guuldarooyinkii Muslimiintii Reer Andulus qabsaday inay qabsan karto Soomaaliya haddii Jihaadka lagula jiro Gaala madowda Dhulka Muslimminta Soomaaliya soo weerartay aan la joojin oo aay dhacdo in weerar lagala hor yimaado Gaalada weerarka ah taasoo keeni karta in Gaaladu dhulka qabsato, iyadoo aan cadeymo waafiya oo diin ku salaysan ama hab caskari ah ku dhisan aan lagu fariisin.

Hadaba su’aashu waxay tahay ma dad Muslimiin ah oo gaalo la jihaadayaa la qabsadaa mise dad jihaadkii ka seexday oo adduunyo iska raacday? Su’aashaa jawaabteeda waxaan ka helaynaa qormadaan aan kaga hadli doono taariikhdii Muslimiintii reer Andulus.

 

HORDHAC

Kadib markii Islaamku si xowli ah ugu fiday Jasiiratul-Carab, Muslimiinta waxaa u soo baxday inay jirto fursado badan oo Islaamka loogu gudbin karo meelo badan oo caalamka ka mid ah iyadoo la fidinayo aas-aaska towxiidka Alle (swt). Asxaabiga jaliilka ee la oran jirey Camri Ibnu Caas (alle haka raalli noqdee) wuxuu ahaa hogaamiyihii furtay dhulka Masar  gaar ahaan magaalada Fustat 641 ee miilaadiga isagoo qabay in furashada dhulka Masar ay fure u tahay marin wanaagsan oo dhulal badan oo Afrika kamid ah dacwada lagu gaarsiin karo. Arrintaasi waxay sabab u noqotay in Muslimiintu gaaraan dhulal badan oo Afrika kamid ah ilaa ay gaareen meesha loo yaqaan Qayrawaantii Afrika oo maanta ah dhulka Tuuniisiya.


(Magaalada Fustat ee Suldaan Maxamed Garyare Ka Waramayo!.

Mujaahidiintii halkaa gaadhay waxaa hoggaaminayey Nin uu adeer u ahaa Camra Ibnu Caas, lana oran jiray Cuqba ibnu Naafic. Xaruntii Muslimiinta ee Fustat waxaa loo raray Qayrawaan sanadkii 671 .Qayrawaan waxaa loo arkay in aay aad munaasib ugu tahay jidkii loo mari lahaa Afrikada kale iyo Koonfurta Yurub. Dhanka kale waxa jirtay aragti kale oo iyana ahayd in magaalada Dimishiq, loo arkayey jid kale oo lagu gaari karo furashada Istambul, oo barigaa loo yiqiin Qusdandiiniya ahaydna caasimadda Bariga ee Boqortooyada Romaanka.

Aabbahii Xaakimkii/Waaligii Bani Ummayah ee Qayrawaan lana oran jiray Muuse Binu Nusayr wuxuu kula taliyey Khaliif Mucaawiye in jidka kaliya ee lagu gaari karo Istambul uu yahay iyadoo la isticmaalo dhanka koonfureed oo marka la adeegsado dhulkii markaa laysku oran jiray Anatoliya, oo maanta ah: Isbayn, Faransiiska, Itaaliya, Romaniya iyo Hangeeriya.

Intaa kadib Muuse waxaa loo soo wariyey inuu weerar ku qaado dhulalkii Yurubta Koonfureed si loo gaaro Istambuul.  Waxay taariikhyahano badan oo Islaamka wax ka qora oo uu ka mid yahay Ibnu Abii Haashim Al-Muhajir,  qabaan in xoogaa dib u dhac ah uu ku yimi sidii loogu dhaqaaqi lahaa dariiqaa cusub waxayna sabab uga dhigeen muran soo kala dhex galay Muslimiinta, taasoo keentay in arrinkaasi dib u dhaco ilaa sanadkii 710 ee Miilaadiga.

Isla sanadkaa ayaa la faray Waali ka hooseeyey Muusa lana oran jirey Tacriif Ibnu Malik inuu soo derso sidii Ciidammadda Mujaahidiintu uga gudbi lahaayeen dhul xeebeedka koonfureed ee udhexeeya Qayrawaan iyo Isbayn ama Andulus, isagoo ka faa’iidaysanaya khilaaf soo kala dhex galay boqortooyaddii Quudiyada, kadib markii ay isku dhaceen Julian oo ahaa Xaakimkii gobolka Sabtada oo ahaa gobol kamid ah boqortooyadii Quudiyada iyo  boqor Redoric kana talinaysay dhulka Andulus. Macne badan baa lagu sifeeyaa Andulus, laakiin waxa ugu dhow macne ahaan inay tahay “Dhulkii cagaarnaa xaggaaga dabadii waxaana laysku oran jirey magaalooyinka kala ah Almeria, Malaga, Cadiz, Huelva, Seville, Cordoba, Jaen and Granada oo dhammaantood ku yaal koonfurta Isbayn.


Muuqaalka Magaalooyinka Almeri 
Malaga Cadiz Huelva Seville Cordoba Jaen Granada

Isku daygan cusub ayaa la aaminsanaa inay burbur ku keeni kartay Boqortooyadii Quudiyada, midaasoo horseedi karta qalbi jab iyo kala yaac la soo darsa ciidamadooda, waxayna keeni kartaa in si sahlan ay Muslimiintu ugu guuleystaan weerarkooda. Qaa’idkii la oran jirey Taariq Ibnu Siyaad ayaa isla sanadkaa wuxuu xeebaha Jasiiradda Jabal Tariq oo maanta loo yaqaan Gibralter, kala degay tiro lagu qiyaaso todoba ilaa laba iyo toban kun (7000-12000),  oo Mujaahid si uu weerer uga ekeeyo Isbayn taasoo usii gudbin doonta dhanka Waqooyi ee Qaaradda Yurub, si loo gaaro dhulka ay ka taliso Quudiyadu.

Taariq wuxuu halkaa ka sheegay oo uu ciidamadiisii ugu sheegay hadalka taariikhda galay kaasoo ahaa “Halkan waxaynu u nimi inaynaan noqon” “Cadowgii waa innaga horreeyaa baddiina waa innaga dambaysaa”. Hadalkaas Culimmo badan oo taariikhda Islaamka wax ka qorta waxay yiraahdaan wuxuu markhaati u ahaa oo tilmaamayay in Islaamku ahaa amase yahay cadaalad, horumar, sinnaan iyo kala dambayn,  meesha ay Yurub xilligaas ku noolayd burbur, nidaan darro iyo isboob.


(Muuqaalka Wabiga Guadalete Isha Masawirka Riix Wikipedia

Kadib weeraro is daba joog ah oo la qaaday waxaa Mujaahidiinta u suura gashay inay cadowgii jabiyaan ilaa ay gaareen macrakadii Wabiga Guadalete, aadna loogu jabiyey ciidamaddii gaalada, hoggamiye Taariqna wuxuu ku guulaystay inuu jabiyo Boqorkii Roderic,. Macrakadaasi waxay ahayd meeshii ugu dambaysay ee aay isku wajaheen Mujaahidiinta iyo Saliibiyiinta ee dhulka loo yaqaan Isbayn, ciidamaddii uu watay boqor Redoric waxa lagu qiyaasaa ilaa 20,000 oo askari, isagiina waxaa lagu dilay goobtaas, waxaa taariikhda ku xusan in xaaskii Redoric uu guursaday Cabdul Casiis Ibnu Muuse.

Ugu damabayntii Ciidamadii Muslimiinta ee halkaa gaaray waxay dhidibbada u taageen Wilaayo Islaami ah oo hoos timaadda Khaliifadii Islaamka ee dhulka ka talinaysay, caasimadna waxay uga dhigeen magaaladii Ishbiliyyah, maantana loo yaqaan Seville. Waxaa laga dhaqan geliyey Shareecadda Alle waxaana loo ogolaaday ummadihii Nasaarada ahaa iyo kuwii Yuhuuddaba in naftooda iyo maalkoodaba loo nabad geliyo iyana aay baxshaan wixii Islaamku xaq ugu leeyahay oo ah (Ahlul Dimma) Jizyo. Qaa’idkii iyo Mujaahidiintuba intaas kuma ekaana waxay sii wadeen duullaankoodii aay dhammaan deegaanadda kaga xoreynayeen wixii ka harey boqortooyadaa la jabiyey amase loo arkayey inay keeni karaan kacdoon ka dhan ah Wilaayaadda Islaamiga ah ilaa aay Mujaahidiintu gaareen dhulka loo yaqaan Tours 732dii.

Taariikhdu waxay xustaa in Waaligii markaa loo dhiibay dhulka Andulus lana oran jiray Cabduraxman Al Ghafiqi uu ahaa  qaa’idkii soo gabagabeeyey kacdoonaddii ugu dambeeyey boqortooyadii Saliibiga ahayd ee Quudiyada, waxaa taas bar bar socotay, in dhaqanka Muslimiinta oo ahaa mid ku dayasho mudnaa uu qayb libaax ka qaatay in dad badan oo dadyowgii halkaa loogu tagay ay Mujaahidiinta raacaan ama ku qancaan dacwooyinkii loogu yeerayey iyadoo meelo badan aysan Mujaahidiintu dagaal ku gaarin ee aay si nabad ah ku tageen.

LA SOCO QAYBTA LABAAD

Wa Billahi Towfiiq

Qore: Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)

10 Responses

  1. wadanisomali says:

    Asc. Sida laga fahmaayo ARARKA qormadan waxaan u maleenayaa inaad ujeedo kale kaleedihiin kasheekaynta Taarikhda Andalus, Laakiin waxaan idiin sheegaya inay culumo badan oga hadleen tariikhdan si qoraal ah iyo si muxaadaro ahba, lagana wada dheregsan yahay sida ay wax u dhaceen, qofkii u baahdana wuu heli karo iyadoo luqad kaste ah, waxaana ugu danbeeyay oo ka muxaadareeyey sheekh Max`d UMAL xafidahullahi. ujeedadiina ugu weyn waa inaad marin habaabisaan dadka muslimiinta ah. walaalayaal Alaah ka cabsada oo culumada idinka aqoonta badan ka faa`iideysta. wabilaahi tawfiiq.

  2. Kamadaale Dareenka Dadkiisa says:

    Waxa beri dhacdey in tuug wax soo xadey masaajid salaad lagu jiro uu soo galay, iimaamki masajidku wuxu akhriyey aayadi tuuga iyo tuugada gacanta ha lagooyo,, tuugi caguhu wax kadeyey oo wuxu is yiri adaa laguu jeedaye intaan lagu qaban carar. Kuwa qalbiga kajirran ee inxiraafey majecla in taariikhda lasoo qaado waayo waxay kunoqoneysa xujo waxayna ku ifineysa toosh in waxay maanta wadaan uu baadil yahay. Jidka qaldanna ey kusocdaan ee cadow kalkaalka ah uu halaag u horseedi doono. Marka layaab maleh inaad hareeraha marwalba eegtaan sida tuuga masjidka ka cararey.

  3. Cabdala says:

    Taariikhda Andulus meel kasta ayay taalaa iyadoo culumada caalamka iyo kuwa Somali labaduba ka hadleen. Mida kale Garyare goormuu bartay taariikhdaas soo ninkaan miskiinka ah oo Xaafada Tenesta dagan ma ahan, nin aan waligiis subax shaqo u ka lihin waxna baran lugu xanto inuu gaalada u jaajuso wiilasha shaaabka ah .

    Walaahi ilaah xaqa lugu caabudo ayaan ku dhaarataye ninkaas gaalada ayuu la shaqeeyaa, xana ma ahan ee dhalinyaradu yaanay ku kadsoomin.

  4. Kamadaale Dareenka Dadkiisa says:

    To cabdala,

    Abdallow waxad u muuqataa kuwa nicknameyada soo bedesha ee ku lacag qaata aflagaadada iyo kashakisiinta dadka xaqa sheegaya. Jaallow waanu ka gudubney xilligii dadka lagu cabsiin jirey yaan anaga maahane cid kale la dhegeysan, ee xasadka iyo xiqdiga qalbigaaga madoobeeyey baad nagu mantagtey, ee ladhimo caradaada.

    Suldaanka Alle ha xafidee umadu waxay ku taqaan in xikmad iyo cilmiba laga faaideysto maasha Allaah Alle ha u barakeeye. Marka sidi bisad hilib gaari weydey baad uf leedahay.

    Cilmiga,derejada Alle sw baa bixiya, ee maahan mid adiga iyo kooxdaada kibirka iyo jahligu kediyey ey bixiyaan, ee Allow yaa kudhaha edebso meel fariiso.

  5. Acuudu billah!!! Ninka waxan kuhadlaya maskaxdisa mafadhiso ma suldaan garyare aya gaalada lashaqeyo? Wa wixi ey ku hadli jireen dadka fusuqada ah sow kuwi dhahay ma aha macalin aadam ceyrow aya gaalada lashaqeyo!!! Tolow hadda maqancin miyaa dadkaas maadaama ey arkeen macalin aadam walalken saalax nabhaan iyo amiir usaama oo madaafic madaxa lagala dhacay kuna shahiday bi’ idnillah wadada alle… Mise doqoni hadal madeysee dadki tagay kaliya ayey mujahidin u arkan? Intaa kadib qormada wan ladhacay qaab cilmiyeysan aya loo diyariyay ninki wanaag rabo ha arko hana aqristo ninki wax kale rabana umadda mujahidinta ah alle haka qabto

  6. najib says:

    To cabdala—-
    adeer ma shirkiii garoowaad dhaqan galinaysaaaa ,,
    qodobadii kasoo baxay shirkiiii muslimiintan loogu tashanaya ayuu kamid ahaa warkaagaasi ee meel iska fadhi dadkan saalixiinta waxba haka shegine,
    adaa mahiga qandaraas kasoo qaataan filyaaye ,

  7. Subxaanalaah,ilaahay adoomadiisa saalixiinta ah afkaada hakutaagin ee safkaad la jirto she ego, adoon alaahna ilaalinayana Ma fadeexadayn kartide ku Tasho, mid iimanleh hadaan tahayna alaahna u tawbadkeen,intayanfadexadikugu dhicin

  8. abu mohamed says:

    cabdala waaad hurudaa ee kac nin wax og matihd in aad xaqa taageerto ama cadowgii muslimiinta soo raacdo wax kadheexeeya majiraan marka adaa yaqaan cida aatahay waxaana kuu fiican in aad xaqa garab istaagtid waa hadii aad muslim dhab ah aa tahay

  9. Xaq doon says:

    Tarikhda An-dalus sax way qoran tahay muxaaadaro-na waa laga duubay laakiin qof munaafaq ah hadii uu dhagaysto aad buu u dhibsadaa waxaana lagu yaqaan inuu af lagaadeeyo cida soo hadal qaaday , ka dib waxaan u jeedaa dad muuqaalkaas oo kale goobtan ku dhex leh sida kuwa Mujaahidiinda dagaalka kula jira , anagu reer somaliland ayaanu nahay ma taageerno cidna waxaan ahay mujaahidiinta somalia , Allah ha xifdiyo oo ha guuleeyo mujaahidiinta meel kasta oo ay joogaan , kuwa qalbiga ka xanuusanaayana Allah ha shaafiyo oo xaqa ha tuso.

  10. Fawzi says:

    Ado sarbeb uhadlay iskadaye adomagacya tirisay aya danlagalin marka ader walag ogyahay dadka doho marki khawarij laga hadlo ama dad diig islam dadiyo anaga aya nalo jeeda culumada malin walbo webkan lagucuno hilibkoda walimamaqashen ayago qoraladina kajawbaya?

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS