
بسم الله الرحمن الحيم وبعد.
وما أصابكم يوم التقى الجمعان فبإذن الله وليعلم المؤمنين وليعلم الذين نافقوا وقيل لهم تعالوا قاتلوا في سبيل الله أو ادفعوا قالوا لو نعلم قتالا لاتبعناكم هم للكفر يومئذ أقرب منهم للإيمان يقولون بأفواههم ما ليس في قلوبهم والله أعلم بما يكتمون
( وليعلم المؤمنين وليعلم الذين نافقوا أي ليميز . وقيل ليرى . وقيل : ليظهر إيمان المؤمنين بثبوتهم في القتال وليظهر كفر المنافقين بإظهارهم الشماتة فيعلمون ذلك . والإشارة بقوله : نافقوا وقيل لهم هي إلى عبد الله بن أبي وأصحابه الذين انصرفوا معه عن نصرة النبي – صلى الله عليه وسلم – وكانوا ثلاثمائة . فمشى في أثرهم عبد الله بن عمرو بن حرام الأنصاري ، أبو جابر بن عبد الله ، فقال لهم : اتقوا الله ولا تتركوا نبيكم ، وقاتلوا في سبيل الله أو ادفعوا ، ونحو هذا من القول . فقال له ابن أبي : ما أرى أن يكون قتال ، ولو علمنا أن يكون قتال لكنا معكم . فلما يئس منهم عبد الله قال : اذهبوا أعداء الله فسيغني الله رسوله عنكم . ومضى مع النبي – صلى الله عليه وسلم – واستشهد رحمه الله تعالى )
Ikhwaanii waxaan kalatagnay ayadoo Wadaadadii wixii kaharay labaacsanayo oo Badda lagu shubay. Waxaa kaloo ayagana jabsoo gaaray jiridii Wadaadada khiyaamay oo dagaalkii uga soobaxay (Araare) Waxaa loowada cararay labadii qolaba haljiho. Wadaadadu markay marayaan xeebta Raasgambooni ayey isceshadeen ama xasileen. Halkaasay isku’uruursadeen dhaawacoodii iyo dhibanayaashoodii intaba! Jiridii waxay iskushubeen ama baqadii ku galeen Kenya.
.Aan dib ugu noqonno dagaalkii Araare
Araare waxay ahayd meeshii koobaad oo dhiigga Wadaadu kudaatay! Wadaadadu waxay isu’arkayeen in ay Jihaad galeen habalaga’adkaado! Waxayna daliil sanayeen Aayado Qur’aan ah iyo Axaadiith Nabawi ah.Wadaadada waxaa lacayr-sanayey masaafo dhan 500 km. Markii baddii kahor timid ayay dhufays galeen oo waa dagaalameen intay awoodeen. Dagaalka waxaa ka horreeyay waanwaan ay damceen in ay galaan si dagaalka lagu baajiyo waase laga diiday waxaan dagaal ka’ahayn.
Akhristow meeshaan waxaa kujira Axkaam farabadan (dagaalkii Araare)
Anigu waxaan idiin soo gudbinayaa waa’akhbaar kaliya. Akhbaartu hadday khaldanto hala’isaxo. Akhbaarta”aan hayo waxaa kamid ah” dagaalkii Araare wuxuu dhaliyey khilaaf iyo tuhun soo kala dhexgalay Wadaadadii iskuman hajka’ahaa (Salafiya Jihaadiya= Al-itixaad Al-islaami) Raggii dagaalka Araare kagalay waxaa lagu tuhmay in ay lasafteen tolkood (Qabyaalad)
Yaan la hilmaamin waxaan ku jirnay gar ka dhaxaysay Culumo iskuman haj ahayd oo khilaaf soo kala dhexgalay! Tani waxay kamid tahay meelihii ugu horreeyey oo khilaafku kabilowday (dagaalkii Araare) Ragbaa kutagay khilaafkaas oo xarakadii kabaxay ayagoo u’arkayey in Walaalahood kutalaabsadeen khalad faaxish ah (tolkood oo ay lasafteen) Kuwii ka carooday tolka lala saftay ayagiina waxay lasafteen tolkood!. Labada qolo yaa gardaran ama gar leh?
Anigu aan aragtidayda ‘akhbaar ku’ishaaro. Ilafiiriya”akhbaartaan. Soomaaliya waxaa ka samaysmay maamullo aanyarayn. Maamulkastaa wuxuu samaystay xuduud asaga’ugaar ah. Tusaale: Xamar waxay leedahay xuduud ay ku difaacdo: Cirdigeeda, Hargaysa waxay leedahay xuduud aykudifaacdo Cirdigeeda, Garoowe waxay leedahay xuduud ay kudifaacdo Cirdigeeda, Kismaanyo waxay leedahay xuduud ay kudifaacdo Cirdigeeda. Wahaloomajarra.
Intaaan ogahay dhammaan xuduudahaas waxaa difaac ugajira dadka dagan oo Culumo iyo caamaba leh. Gobolada qaarkood waxaa kasocda xamlo’ama wacyigalin aan caadi ahayn oo dadka faraysa in ay isdifaacaan ayagoo iskuduuben! Waxa xamladaas wadaana waa Culumada ugu waawayn gobolkaas ama dagaanadaas isdifaaca kujirta. Wax horema’ahan waxaan kasheekaynayaa hadday taagen tahay (Maxaad Caamir ugu deetitahay soo ku guban maysid?!) Haduu xaaraam ahaa dagaalkii Araare 1991 burburkii Soomaaliwayn Hadana waa xaaraam 2012 in aad difaacdo xuduuddda qabiilkaaga adoo Shiikh Salafiya sheeganaya!
Tafsiiru Jaamicul Quraan ka Eeg Imaamu Qurdubi Aayadda Macaanideeda Halkaan Riix Ama Guji
Dagaalkii Araare Culumada ka xanaaqday waxaa kamid ahaa: Shiikh Axmed Daahir Aweys, C/qaadir Cukaashe, Shiikh Cali
Wajiis iyo taageerayaashiisii. Shiikh Cali Wajiis asagu Xanaaqii wuxuu ugeeyay in uu ugalo hogaamiye kooxeed Cali Mahdi. Waxaan gaari doonnaa Culumo badan oo’ugashay hogaamiye kooxeed tolkiis ah!
ولا يجرمنكم شنأن قوم علي ان لا تعدلوا.
Culumadaan hadda aan ugarnaqayno: waagaas waxay kumidays-naayeen: Adacwa waljihaad = aan dadka diinta gaarsiinno ciddii kahortimaadana aan la jihaadno. Goormay kala hareen? Yaala gaharay? Maxaa’asal ahaa oo in laraaco lagu qasben yahay? Raggaan lixda ah oo garta isuhaysta xiligaan: 1991 qaarna waxay ahaayeen dhalinyaro xamaasadaysan oo jihaaddoon ah, qaarna waxay ahaayeen Culumo waawayn oo katalinaysay masiirka Ummadda iyo sidii dowlad Islaami ah lagu heli lahaa (Arday iyo shuyuukh) Haddaan wax khalday hala isaxo (xog’ogaal hasaxo)

Akhbaarta Araare waxaan uga baxayaa arimahaan soo socda: 1) Waa meeshii koobaad oo Wadaadadu ayagoo hubaysan ay dagaal kugalaan (Jihaad) 2) Waa meeshii koobaad oo khilaafka Jihaadku kabilowday 3) Waa meeshii koobaad oo laga helay ciidan hubaysan oo Soomaali ah oo’udagaalamaya in kalimadda’Alle kornoqoto (100. Sano kadib)
.Aan usoonoqno xeebtii Raasgambooni
Wadaadadii waxay ku xasileen oo dagaan kasamaysteen xeebta Raasgambooni. Markay nasteen oo dhaawacoodii uroonaaday ayay shirar galeen. Waxay kaniqaasheen: siyaasadda, dhaqaalaha iyo istaarajiijiyadda dhulka (meel dagaan kuhaboon) Waxay kaloo is waydiiyeen ” Yaacadow noo ah ama cadowgeenu waakee? Waxaa la’isku’afgartay in cadowgoodu yahay qofkasta oo aan doonayn Shareecada Islaamka in lagu dhaqmo.
Waxaa soo baxday in Soomaaliya oo dhan aysan diyaaru’ahayn in Shareecada manhaj lagadhigto ama la’iskuxukumo! Inyar oo Ilaahay unaxariistay mooyee. Wadaadadii waxay galeen isticdaad ama diyaargarow. Waxay galeen hub uruursi iyo ciidan qoris. Waxay kaloo go’aansadeen in ay kafaa’iidaystaan dhicitaankii dowladdii cilmaaniga’ahayd (Ina Siyaad) Waxay heleen dacwo xor ah oo ay dadkii kugaarsiiyaanTowxiid-barax la!. Lama’ogolayn hadda kahor in dadka lagu yiraahdo Ilaahay kaligi caabuda (Ragbaa xabsidheer kugalay)
Waxay saldhig labaad kasamaysteen Dhoobley. Dhoobley waxay kutaalaa xuduud beenaada Kenya iyo Soomaaliya. Waa meesha Soomalida soo qaxday ay Kenya kagasho ama kagudubto. Wadaadadu meeshaas waxay kaheleen fursado dhowr ah. 1) Dadkii Kenya kuqulqulayey way-hakiyeen ama celiyeen. Waxay xusuusiyeen Ilaahay, way wacdiyeen intay awoodeen. Waxaa ajiibay dadfarabadan. Meeshii waxay noqotay magaalo wayn maalmo yar gudahood.
2) Waxay kaloo sifudud (qiima yar) ugu heleen hub farabadan oo noockasta leh oo ay aad ugu baahnaayeen maadaama ay rabaan in ay dhisaan dowlad Islaammi ah. 3) Waxay qorteen dhalinyaro aan yarayn 4) waxay uruursadeen dadkii aqoonta lahaa sida: ardaydii Jaamacadaha, aqoonyahanadii ama raggii mar hore ka qalin jabiyey waxbarashada dalka iyo dibaddiisa intaba 5) Waxay heleen
saraakiishii ciidamada qalabka siday oo heer walba leh. 6) Waxay mab’da’oodii kadhaadhiciyeen Culumo waawayn oo qaflad ku jirtay (In la jihaado) waxaa ajiibay Tujaar ama ganacsato waawayn oo maalgalin kusameeyey mashruucii ay Wadaadadu soo diyaarsadeen (in dowlad Islaami ah laraadsho)
Dhoobley waxay noqontay xarunwayn oo ay yeesheen ururkii Al-itixaad. Waxaa xoogga lasaaray in ciidamada la kobciyo xagga tirade iyo tayada intaba. Waxaa kaloo lagudadaalay in ciidamadu noqdaan ciidan Islaamka muraayad u’ah. Waxaa lagadhisay: Akhlaaqda, waxaa lagadhisay aqoonta diiniga iyo maadiga intaba. Waxaa lasiiyey tababarro Millatari oo weerar iyo isdifaac intaba leh. Waxaa lahelay hub kufilan in Maleeshiyaadka la’isaga difaaco ama lagu weeraro (Lagu’edbiyo)
!Fadhimayaal marhadii lahelay Ciidan la’isku halaynkaro
Waa in la raadiyaa meel Dhoobley kahaboon oo dhidibada loogu’aaso maamulkaan curdanka ah. Waxaa la sameeyey haykal dowli ah ama dhisme maamul dowladeed si loo helo kala dambayn iyo ismaqal. Waxaa lagalay shirar isdabajoog ah. Waxaa lagu heshiiyey in dowlad Islaami ah ladhiso saldhiggeeduna uu noqdo Gobolada waqooyi bari kadibna wadanka intiisa kale la’isku balaariyo! laga bilaabo Boosaaso ilaa laga gaaro xeebta Kismaanyo.
!Ragbaa u’arkay in tolkood duulaan lagu yahay mar haddii Boosaaso la soo
Culumo ayaa khilaaftay istaaratiijiyaddii ahayd in Goboladda Waqooyi Bari lagu hormariyo kudhaqanka shereecada Islaamka iyo dhismaha dowladda Islaamiga ah. Waxay umuuqatay in tolkood duulaan lagu yahay! Waxaa la’isku dayey in laga shaafiyo arintaas. Waxaa la’isula soo baxay Minhaajkii ama Axkaamta ay leedahay noolaynta Khilaafo Islaami ah iyo wadada loo marikaro. Waxaa lagalay niqaashdheer oo qaatay bilo dhowr ah.
Waxaa ku’adkaystay khilaafkoodii Culumadii diidanayd in Boosaaso lagu duulo ama tolkood! Waasiday ayaga ulamuuqatay. Wadaadadu miyeysan dhulka wax kulahayn!?
لتخرجن في ارضنا اؤ لتعود ن في ملتنا
Waa khilaafkii 2 baad oo Rag Culimo ah oo Mujaahidiin loo qabay sida daahirka ahayd ay kaga hareen Tayaarkii Jihaadiga ahaa ama Salafiya Jihaadiye. Culimada khilaaftay Mujaahidiintii oo isku duuban waxaa kamid ahaa: Shiikh Cabdiraxmaan Jibriil. Jibriil iyo taageerayaashiisii waxay xanaaqii ula galeen hogaamiye kooxeed Jen/ Moorgen!.
Yaa gardaran? Makuwa Moorgen ugalay mise kuwa Boosaaso ubaqoolay ayagoo leh waxaan raadinaynaa khilaafo Islaami ah sidii daahirka ahayd? Jawaabta waxaan uga tagey akhristayaasha. Waxaa loo dhaqaaqay dhankaas iyo Boosaaso. Waxaa wada socday ragga hadda is-haysta ayagoo Amiiro iyo ma’muuriin ahaa!= mid wax amra iyo mid la’amro. Sikale aan udhigo” Askar iyo Saraakiil.
Ikhwaanii aan sugno inta Ciidanku safarka kujiro, Annaguna aan nasanno. Waa inoo Qormada dembe oo wa xbadan bayaanindoonta inshaa Allaahu.
Akhuukum Fillaahi Abuuibraahiim.
Somalimidnimo.com











































maanshalaah akhuunaa abu ibraahiim ,anigu waan ku haystaaa garnaqidan .waa sheeko cabsi cabsi ah, sheeko libaax cml kkkkkk rag badan ayuu libaax qaadi doonaaa!ama tareenka ka dhici doona
waa wadaado markoodii horaba ahaa raqiis oo xaga alle ka ahaa raqiis balse allaah ookaliya uunbaaogaa shalay maantana allaah ayaa anaga naogeeysiiyay ee wadaadxumayaaloow leenkiinii waaqarxay
sc
Sheekh GOOB JOOGE ayaan u ahaa qadiyadahaan waana jeclahay in taariikhdii itaxaadka wax laga qoro lakin waxaa ku habooonaa rag CAsrigaa ururka si dhab ah uga tirsanaa oo xarakiyiin ahaa inay wax ka qoraaan , tan ku saabsan CALI WAJIIS asagu xarakada waxa uu ka baxay istiqaalana uu u dhiibtay sheekh Cali Warsame Horaantii Sanadkii 1990 wuxuuna cali markaa ka tirsanaa gudigii fulinta ee ITAXAADKA waxa uuna ku magacawnaa Masuulka Xafiiska Gobolada (raiis Maktab al Aqaaliim ) kaas oo ahaa makaatibtii ugu qiimaha badnayd una cuslayd itaxaadka marka laga soo tago maktabka Dacwada iyo kii Tacliinta
Insha Allaah walaal waan sugnaa safarka boosaaso meeshuu ku biya shubto
Bismillah Assalama Allaykum.
maba sugi karo qormada shanaad. fart labaad ee gacantayda midig ayaan afkayga ladhacayaa.
To Goob Jooge.
Waxaa ka maqan qormada Rag badan oo shiikh Cumar faaruuq kamid yahay anigaa dhagaytsya shiik cumar oo soomaalida sweden dagan ama wadamada yurubta lacag uu ka aruuriyey u geeyey general maxamed faarax caydiid
markuu soo laabtay ayuu yiri odaygii mujaahidka ahaa ayaan la kulmay caydiid ayuu kawadaa muxaadaradaas daarood badan ayaa ka dareeray xattaa isaaqa ayaa yiri somaliland ma tagtay maya muqdisho ayaan tagay ayuu yiri
sababihii uu yurub oga soo cararay ayey ahayd waan hubaa majeerteen badan in ay shiikha dhibeen, waagii dambana waa asagii c/qaasim salaad raacay waxaa yaab ahay waagii 1997 in uu cumar xaashi asaga iyo wadaado kale gaalaysiiyeen waliba shiikh cumar wuxuu u sharayt kufriga mid asal ah iyo mid ridaa.
gaalka zenawi ah ayuu tusaale u sooqaatay wuxuuna yiri magaciisa abdi ama yuusuf hala dhaho waa murtad ninkii gaal soo raaca odaygii magacaas u bixiyey ardaalkaas ayaa sidaas ah ayuu dhahay ma xasuusto wixii ka dambeeyey.
marka wadaadada salafka sheegta waxaa mudan in taariikhdooda la qoro sida marar badan shiikh xasaan ka dhawaajiyey. Ikhwaani su’aal ayaan idin weydiinayaa maxay rag badan u gabanayaan sida Dirir iyo Somali Salafi kkk
Nin walba markii reer kiisa la galo ayuu is gaabinayaa marka kalana afka ayaa la furanayaa walle taariikh ayuu qorayaa abu ibraahim rag badan ayaan aqaan laakiin qoraaga ayaan u daynayaa iyo gobislam
Ku Cali Cabdi
Beentu caliyow waa shaqo lagu yaqaan shaqsi laawayasha waana mida aan umalaynaayo inaad kamid tahay kolay Daarood ayaad kudifaacaysaa warka been abuurkaa eedka sheegtay sheekh cumarfaaruuq raxmatulaahi calayhi mana uu u gayn lacag dhiig yacabkii caydiid ee hadalka reerkiinu uu kacarooday wuxuu ahaa gaangaystarkii hadaan arkay intakale waa askartiisii iyo hadii ladagaalay daaroodn lahurgufay ereygaas ayaad kacarooteene shekh cumar hawiye lama safan daaroodna kama safan waana been aan xayo lahayn warka aad kasheegtay sheekha rc
Salaamuncalaykum dhamaantiin.
Ikhwaanii ma’ihi dadka qoraalada wakhtiga uhaya waase jeclaan lahaa in aan kaqaybqaato xiwaarka wadaadada ishaya! aniga waxay ila tahay in lagaaridoono ragbadan oo aad tabaysaan waasidaan ufahmay qoraalka qoraaga iyo meeshuu kuwado.
Waxaan kaloo tabayaa in aan laga qaybqaadan gartii qoraagu yiri haloogarnaqo Culumadaan ishaysa! Yaagardaran yaase laga garleeyahay? Micnabadan makeenayso in dadku meesha fadhikudirir kadhigtaan oo mararka qaarkood la’isku caayo.
Waxaa macno leh in qofwalbaa uu soogudbiyo cadaalada kaguuxaysa iyo meeshuu xaqqa u’arko in uujiro!
TO MIDKAN ISKUMAGACAABAY ABUU FAATIMA
marka hore waxaan leehay magacaan nin abwaan ah oo mujaahid aha ayaa lagu yaqaanay meel aad kakeenatay garanba waayay
tan kale maxaad kuhaysataa walaaalk calai cabdi al akh cali allaha xifdiyee arrin qabiil kama hadlin aan ka ahayn inuu magacaabay daarood in qabiil jira lamagacaabana xumaaniyo ceeb midna ma ahan
wuxuu kahadlayay itijaaha wadaadada wuxuuna tusaale usoo qaatay sh cumar faaruuq ramatullahi raxmatan waasicah shheekhu hada wuuu dhintay oo in wax laga sheeg sheego mafiicno
laakiin qofkasta haduu dhintay iyo haduu nooolyahayba itijaahiisa waa uun lasheegi
abuu faatimow anigan abuu ramla ah daarood ma ahi laakiin waxaan hubaa ama aan ogahay sheekhu xukuumadaha ama maamulada ka ag fogayn waxaan daliil cad u ah markuu jabuuti dastuur kufri ah kitaab kumariyay cabdi qaasim naaga qaaqaawan oo cawradoodu banaanka taalo hees kuqaadeen asagana uu dhexfadhiyay una sacbinayay
marka walaal intaas udhaafi maayo sheekha ooo wuu dhintaye waxaad kuhaysato cali cabdi waa khalad calina magacaabista daarood iyo qiso uu soo guurinayay iyo itijaah waadada salafiga ah ayuu kahadlay wax kale kama uusana hadlin qabiilna wax ooma dhibin sheekhaa qabiiil hebel lasaftayna ma oran
Walaalayaal Alle ka cabsada oo iska daaya wax aydaan xog ogaal u ahayn. Waxaan arrintaa ula jeedaa burburka Itixaadku waa ka qota dheer yahay sida aad uga hadlaysaan, taariikhdiisuna intaa waa ay ka dheer tahay. Wuxuu soo jiitamayay laga soo bilaabo 1987 oo ahayd markii loollan xooggani ka dhex qarxay labo kooxood oo Sacuudiga arday ka ahaa oo ay kala hoggaaminayeen Axmad Xaaji Cabdiraxmaan iyo Cabdulqaadir Garre oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ay hoggaaminayeen Axmad Daahir Aweys iyo rag kale oo beel ahaan isku kaashanayeen. Loollankaa dadka qaar waxay ku tilmaami jireen Xarbu Dakaatira. Arrintu halkaa kuma ekaan ee Xamarbay u soo gudubtay waxaan abuurmay kooxaysi qabyaalad ku dhisan oo markii dambe dhaliyay in rag badan oo ay ka mid ahaayeen Sh.Xasan Calasow iyo Cabdisalaam Sh. Ibraahim oo Shuurada ka tirsanaa in ay xarakada ka baxeen 1989. Haddaba, walaalayaal ha la iska daayo ku tiri ku teenta iyo taariikhda aan xaqiiqada ku dhisnayn.
Ascww.
walalayaal marka hore alle ka baqa marka xiga runta iyo cadalada ha la ilaaliyo danaha xunna ha la iska illaaliyo.
tariikhdu waxay ku ficantahay inay tahay mid qoran ama duuban ama goob joog qof u ah inuu ka hadlo intaa waxan ka ahay qofkii sheega been ayuu sheegay..
tan labaad qofka wax qoraya waa inuu qof macruuf ah ama layaqaan yahay, sidii loo ogada misdaqiyadiisa ama runtiisa iyo mujtamaca meshuu kaga jirro.
tan saddaxaad waa inuu shegaa qofka qoraaga ah meshuu wuxu qorayo ka keenay.
hadal badan haan ma buuxsho walalayaal intaa qofkay ka muuqan ama aan ku sifoobin waxba kama dhagaysanayno fadhi ku dirirka hanaga daayo alle haka baqo cullimadana yaan la ijaafayn. qofwalba groupka uu tageersanyahay ama uu yahay yuusan been ku tageerin wa la isweydiinaya.
tankale cullimada macsuumiin maha waa annagoo kale waxay ku gafaan hala saxo waxay saxaanna halaqaato,
Qofka abuu ibraahin ama abuu fulaan ah magacaaga maxa diday inad sheegto dadka haku aqoonsaden bal inad tahay nin wanagsan iyo ninkale illeen waa lagu aqoonsanayaa haddii magacaga la garto ceeb maha taariikhda inad sheegto lakin waxaa ceeb ah in aan lagu aqoon..
waayaab culama isku sheegii ayaaga is heesto waxaa layiraahdaa qod dheer haqodin hadaad qodidne hadheereen ku dhicidoontide waxaa heeysato diin tii ay kabeen sheegi jiriin waayo ayagaa ufad woon jiray wiilashaan eey dhu miyeen sakana waxaa heesto ardagoodii ku quusqaata qofkii been kasheega diinta sidaanaa udan beeysa