GARNAQSI Qormadii 5 Aad Abuu Ibraahim Sh. Cukaashe Iyo Caydiid Oo Dhinac Ah Iyo Jiridii Daarood Iyo Mujaahidiintii Sh. Maxamed Xaaji Yuusuf, Sh M Macalin Nuur, Iyo Sh Tiire Oo Dhinac Ah!(قال تبارك وتعالى: سَتَجِدُونَ آخَرِينَ يُرِيدُونَ أَنْ يَأْمَنُوكُمْ وَيَأْمَنُوا قَوْمَهُمْ كُلَّ مَا رُدُّوا إِلَى الْفِتْنَةِ أُرْكِسُوا فِيهَا فَإِنْ لَمْ يَعْتَزِلُوكُمْ )


بسم الله الرحمن الرحيم    وبعد.

قال تبارك وتعالى: سَتَجِدُونَ آخَرِينَ يُرِيدُونَ أَنْ يَأْمَنُوكُمْ وَيَأْمَنُوا قَوْمَهُمْ كُلَّ مَا رُدُّوا إِلَى الْفِتْنَةِ

أُرْكِسُوا فِيهَا فَإِنْ لَمْ يَعْتَزِلُوكُمْ وَيُلْقُوا إِلَيْكُمُ السَّلَمَ وَيَكُفُّوا أَيْدِيَهُمْ فَخُذُوهُمْ وَاقْتُلُوهُمْ حَيْثُ ثَقِفْتُمُوهُمْ

وَأُوْلَئِكُمْ جَعَلْنَا لَكُمْ عَلَيْهِمْ سُلْطَانًا مُبِينًا

 

[النساء:9131/o1/2012.

Ikhwaanii waxaan kalatagnay ayadoo loodhaqaaqay Gobolada Waqooyi Bari ee Soomaaliya. Waxaa lagalay socdaaldheer. Walaalayaal safarkaan waxaan rabaa in aan soo gaabiyo sheekadiisa oo aan sidhaqso ah kugaarno Boosaaso oo maqsadkaygu haa. Safarkaan waxaan kufaah faahiyey qormadii “Masoodhay Gaal iyo Wadaad gaar uwada taagan.  Akhristow waxaan gaadhnay xeebaha Badda cas ee magaalada Boosaaso. Waxaan kasoodhaqaaqnay Badda madow ee kutaal Raasgambooni. Ikhwaanii inta ciidanku nasanayo aan milicsanno meeshaan kanimid (Koofur)


?Goboladii koofureed yaan uga nimid? (Maamul ama wax ciidan ah)

Walaalayaal Gobolada koofureed waxaa looga yimid Ciidamo iyo maamullo bilow ahaa oo kala joogay meelo dhowr ah sida, Buulo Xaawo. Magaaladaas waxaa ka furnaa mucaskaraad bilow ahaa laakiin xowli kusocday. Waxaa si isdabajoog ah usoo xaroonayey dhalinyaro Jihaaddoon ah. Waxaa maamulkaas iyo mucaskaraad kaas haystay Rag Culimo ah oo aad ka xasuusan kartaan:  Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf, Sheekh Muxamuud Mucalim Nuur, Sheekh Yuusuf iyo Sheekh M Tiire iyo Rag kale oo Aqoonyahan ahaa

Akhristow qormadeenii ka sheekaynaysay dagaalkii  Araare waxaad xasuusataan in meesha dagaalkii kadhacay uu ahaa dagaal dhexmaray koox Wadaado ah oo dhinac ah iyo koox mooryaan ah oo dhinac ah iskumeelna kasoo wadjeeda. Dadkaas dantaa isu gaysay ee kama dhaxayn isdifaac ama in ay dhufays wada galaan (Jiridii Daarood iyo Wadaadadoodii) Waatii laga adkaaday oo badda lagu shubay waxay maal wateena lagala haray (General Caydiid)

Marlabaad ayaa Caydiid weerar ku qaadey Gobolka Gado. Cagtuumariyay oo wuxuu soo qabsaday dhulbalaaran jiridiina wuxuu kushubay Kenya wixii dil kabadbaaday. Wuxuu soo dul istaagay Buulo Xaawo oo ay degen yihiin ama mucaskaraad kuleeyihiin Ururkii Al-itixaad oo hadda kahor qaar ayaga kamid ah Araare Jenanku ku gumaaday. Raggu sidii hore ma’ahan oo tayo iyo tiraba waa buuxaan (Ciidamo hubaysan) Waxaa loodiray Rag Culumo ah oo la xaajooda. Waxaa Culumadaas kamid ahaa Sheekh Cabdulqaadir Cukaasha. Waxaa lagu heshiiyey in la’isnabad galiyo (Itixaad iyo Caydiid)

Waxaa balantii kabaxay oo weerar soo qaaday Mooryaantii Caydiid watay. Waa la’iska caabiyey oo waxaa lagu yiri sidii hore manihin (maalinkii Araare) Caydiid iyo mooryaantii uu watay waxay soo qaadeen weeraro isdabajoog ah waase lamari waayey Wadaadadii  yaraa oo magaca Alle kudagaalamayey ( Waa Al-itixaad intuu Manhajka ku toosnaa) Mooryaantii iyo madaxdii wadatay waxaa lagu shubay Xamar wixii dil kabadbaaday. Waxaa xanaaqay oo hogaamiye kooxeedkii ugalay Shiikh Cabdulqaadir Cukaasha iyo taageerayaashiisii (Sidee tolkayo looga adkaaday)

NB: Akhristayaalow  Fadlan yaynaan kalaharin!  Marka Nabadda layahay Wadaadadu waa  Akhii, Ukhtii, IKhwaanii iwm. Araare intaan dagaalku dhicin waxaa la’ ahaa Walaalo, Boosaaso intaan lagu duulin waxaa la’ haa Ikhwaan, Buulo Xaawo intaan Caydiid lagula dagaalamin waxaa la ‘ahaa Al-itixaad Al-Islaami (La’isma gaarin!)

 Waxaa Caydiid Xamar ugu yimid oo dhaqaale farabadan dibadaha ugasoo uruuriyey Culumo waawayn oo la iiga tilmaamey Shiikh Cumar faaruuq  Allaha unaxariisto wixii zalaad ah oo kadhacayna xasanaad ha ugu badalo Aamiin Aamiin.

Ragga Culumada ahaa oo hogaamiye kooxeedyada gacansaarka layeeshay  ama qabyaaladda kuraacay waxaa kamid ahaa:  Shiikh Axmed Daahir Aways, Cali Wajiis, Abtidoon, Xabeeb iyo Culumo aan yarayn. Waa qoladii ugu horeysay oo badalatay magacii ama Manhajkii lagu wada socday (Salafiya Jihaadiya) Waxay labexeen Salafiya Jidiidiya!! Yaa gardaran maqolada qabaa’ilka ugashay magaciina badalatay mise qolada laga tagay

Anigu waxaan soo gudbinayaa waa akhbaar akhbaartana waxaa laga qoraa Qof dhintay iyo Qofnool intaba. Waxaan kaloo rabaa in aan muujiyo burburkii Al-itixaad iyo wixii sabab u’ahaa iyo waliba cidda bilowday in ay kaharaan tayaarkii hubaysnaa (Mujaahidiintii Al-itixaad Al-islaami) walina  dhufayskii looga tagay kujira oo gaalada hortaagan (Magaciibay badasheen  ee Manhajkii mabadalin)

FG: Waxaan soo dhawaynayaa Qofkasta oo qoraalkaan igu mucaarada ama iga saxa waxaan khalday. Waxaan gaar ahaan xusayaa Walaalka kahadlay Shiikh Cali Wajiis. Walaalku wuxuu yiri asagoo isaxaya: Shiikh Cali wajiis wuxuu Al-itixaad kabaxay sagaashankii  1990. Wuxuu kaloo yiri Walaalku: Waxaa fiicnaan lahayd taariiqdaan in ay qoraan Rag xarakada xog ogaal u’ahaa. Maah maahbaa waxay ahayd: Farsamayaqaan agtiisa wax lagu haleeyaa! (Asagaa samayn markuu khalad arko)

Akhii soo dhawow.  Qormooyinkaan dantaan kalahaa waxaa kamid ah:  1) In aan tilmaamo burburkii Mujaahidiintii Al-tixaad wuxuu salka kuhayey 2) Burburka Cidda bilowday in ay ahaayeen Culumadii hogaanka loodhiibay 3) In lagarto in ay tahay taariikh loo baahan yahay in la qoro oo markaan kurafto la’igala wareego’oo ladhamaystiro iyo in turxaan bixin lagu sameeyo Taariikhdii aan soo marnay inta Dadkii joogay nool yihiin!.

Waxaan ufahmay in aad igu waafaqsan tahay Shiikh Cali Wajiis in uu ugalay hogaamiye kooxeed Cali Mahdi? Haba kabaxo Al-itixaad 1990 kii

Waa inool Qormada dembe.  Akhuukum Abuuibraahiim.


Somalimidnimo.com 

33 Responses

  1. caaqil says:

    ilaa iyo hada waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa 5 – 0 geymka garnaqsi

  2. Somali Salafi says:

    Asc wr wb
    -
    Sheikh Cumar Faruuq ILLAHEY ha u naxariisto waxan hadaladisa ka xasuusta
    -
    1- Sheydaan waa la kalmeysan karaa
    -
    2- Hadi caruur isdagalto waa in la kala celiya
    ( isaga o ula jeeda Mujahidinta iyo kuwa Murtadiinta ah)
    Kadibna ku baaqay iney Itoobiya dalka so gasho o caruurta kala celiso
    -
    Cali Wajiis so ma aha ninki Emailkisa la helay isaga o Qabiil Duulinaya
    Ila iyo hadana webabka gaalada u adeega wax ku qora
    Isaga o Mujahidinta duraya
    -
    Cukaashe waaba ninki bilaabay Qabyaalada isaga o difaacaya ina adeerki
    -
    Axmed Dahir aweys so ma aha ninki Murtad C/lahi Yusuf laha ha lagu jihaado
    Sharif Murtadna yiri laguma jihaadi karo
    -
    Axmed Dahir aweys so ninki ma aha Mujahidinta Minbarka ka habarayay
    Isaga o ila iyo hada aan gaalada Muxarabiinta ah waxba ka sheegin
    -
    Xabeeb ma Xasan Xabeeb baa?
    -
    Abtidoonkana maba aqaano?
    -
    Isku so duubo Salafiya Jadiida waa urur Qabiil sameystay
    Hadi taladooda la raacana, Umada danahooda gaar ah ku fushanaya
    -
    WAXA KALE O MUHIM AH IN LA OGAADO
    -
    Salafiya Jadiida ma aha urur Murjio ah
    E waxey Murjio noqdaan marka Tolkoda ama qarabadooda la so galo
    Taasna waxa daliil u aha Axmed Dahir Aweys o yiri C/lahi yusuf halagu jihaado
    Marki sharif la so galayna Murjio isku badalay
    -
    Marka ay dan leeyihina waa MURJIO marka kalana waa dad iska caadi ah

  3. abu yanyuur says:

    abu ibraahim waxaan kaa codsanaya fadlan qoraalka inaad soo raciso wax daliil ah tusaale raga aad ledahay inay qabiil dartiis uga baxeen manhajkii saxda ahaa oo qabiilkooda ayay adeen fadlan noo cadee arinkaas hadaad awoodo tusaale kale hadaan ku siyo waxan maqlay sh ahmed dahir aweys inuu hada kahor yiri caydii dakaalka uu kujiro waa jihaad sidoo kale sh cali wajiis uu yiri cali mahdi waa mujaahid hadaladaas waa wax duuban ayaan maqlay fadlan arinkas noo cadee hadaad awoodo washukran

  4. umu barau says:

    Allow ku barakee waxaaban ka yaabanahay sida aad markasta qoraalkaada u kala dhig dhigto! rabi maalin aad kaga baahi badan tahay sida aad gacantaada ugu gargareyso rabi hakuugu gargaaro maalinta cabsida badan,abuu ibraahim rabi haku barakhttp://www.youtube.com/watch?v=R8fJR5bm478&feature=relatedeeyo Aamiin.

  5. abuu maxamad says:

    asw walaalayaal waxaan aad ugu faraxsanahay macluumaadka abuu ibraahiim mar walba

    macluumaadka qayimka ah uu noo soo gudbiyo waloow xoogaa shaki ah ama tuhma ah na

    galayso markaan aragno asagoo qabaailka qaarka mid ah darbiga kala boodayo hadana

    waxaan isku qanciyaa sowtaad aqrisay maqaaladii badnaa ee uu qaray ee taabanayay

    hawiye iyo daarood si isku mid ah reer xamarkaaa ku maahmaaho ( hadii la waramo waala

    walaal beelaa ) laakiin inshaa allaah wixii run ah ka xanaaqi doono

  6. Xuseen Guled says:

    Assalamu calaykum Abu Ibrahiim akhii aan kaasaxo Sh.Yusuf waa Sh.Yusuf Muxumed Tiirre waa hal qof ee laba qof makala aha midda kale hadaad dacwadii iyo jihaadkii gedo wax ka qorayso ha ilaawin SH. Cumar Aw faarax Dhurwaa waa qaadigii sheekhii degmada Luuq kaddibna ku shahaado qaatay jihaadkii xabashida.ee Doolow Dhamaadkii 1996.

  7. Salaamun calaykum.

    Dhamaantii Allaha idin xifdiyo Aamiin.
    Waxaan xasuusinayaa Xuseen Guuleed Aaden Deer in uusan hilmaamin taariikhdii miimiga badnayd ee uu joobjoogga u’ahaa asaga iyo rag badan oo maantay kusugen meel aanan jeclayn. Allaha idinka soobadbaadiyo adinka iyo ehelkiinaba.

    Xuseen walaal waan soodhawaynayaa in aad isaxdo wixii aan khaldo adiga iyo walaalaha utaagan in ay kaqayqaataan hardankaan socda.

    Igala sooxiriir: Abukalthum@gmail.com

  8. Umu Salix says:

    Haduu sheekh Cumar Faaruuq idinka nabad galli waayay raxmatullahi calayhi ma ogi cid idinka nabad gali doonta ilaa aad gurataan dulmigaad falateen

  9. ANIGANA WAXAAN KU DHEGENAHAY MAGACA RAGA SAXAYO QAAR BAAD KATAGTEEN WAA SH YUSSUF MUXUMED AXMED TIIRE ALAHA UNAXARIISTO ASAGA IYO WAALIDIINTIISABA AAMIIN- TANKALE WAXAAN USHEEGAAYAA QORAAGA INAAD ILLHAY UGA CABSATO WAXA AAD QOREYSO FARAHA KA QAAD SH CUMAR FAARUUQ WAANA SHEIKH AAN ALLA DARTII KU JECLAADAY QOFKII WAXAAS AKHRISTO OO SII TABIYO DAMBIGIISA ADAA KA MASUULAH ISKA DHAAF MARXUUMKA IYO CULIMADA KALEBA MARWALBO KU DADAAL INAAD UMADA WAX KHEYR AH USHEEGTO EE XUMAAN HA FAAFININ ILAAHAY UGA CABSO WABILAAHI TOWFIIQ….

  10. SomaliMuslim says:

    aniga waxaan xusuustaa in sheikh Cumar Faaruuq Allah ha u naxariistey Sweden Daaroodkii dagnaa ku eedeeyeen lacago badan oo loo aruurshey Dadkii gaajada Baydabo in uu Caydiid u geeyey sidaa dardee ay dacwado iyo probugando uu sweden uga tagey. Allaah uun baa og runta

  11. Geeljire says:

    Asalama Calaykum. Abuibrahim waa nin Taariikhda wax ka dhagaystay markaad sii fiirisidna aad moodo inuuba joogay. Lakiin waxaa xaqiiq ah inuu ku jiro Xiqdi aad u wayn oo ay wali kuwayntahay dhinac jeclaysiga. Hadalkiisa markaad dhadhansato waxaa uu iskugu tagayaa in Ururkii Al- Itaxaad Al islaam. Ay ahaayeen rag xun oo Qabiil iyo qurun ku dhexjiray. Rag Mas’lo Diini ah ku kalatagay ayuu Qabiil bay ku kalatageen ku leeyahay. Walaalka waxaan dhihi lahaa allah kabaq Xaqa dhexda ka istaag hadii kalase ka har.
    Taas waxaa ii dheer waxaan ku tusayaa Ceeb aad soo faagtay oo ku saabsan Sh Cumar Faruuq oo ah marxuum maanta naga hooseeya. Khayrkiisana uu ka badan yahay khalad uu malin sameeyay am hadal uu malin ku hadlay. Bal fiiri inta Comenti laga bixiyay Sh Cumar Faruuq oo xitaa qaar badanoo walaalaha kamid ahi ku talax tageen Shiikha. Taasna Mas’uuliyadeeda madaxaada ayay ahaatay. Waxaan kaagala talin lahaa waxaan Bulshada xumaan mooyee wanaag ku soo kordhinayn inaadan sooqorin.

  12. garsuge says:

    Salaamun calaykum.

    Dhaantiin Allaha xaqqa idinkutoosiyo Aamiin. Hadaan fikradayda kdhiibto erayga ah: Culumada maxaa waxlooga sheegay waxaan leeyahay hadaan Culumada waxlagasheegin oo wax loosheegin yaad kubadalaysaan oo ama khayrka ay sameeyeen lagu bogaadiyaa ama sharka ay sameeyeen looga digaa!!

    An jilciyo warkayga intii meelkale lala aadin lahaa. Culumada iyo caamadaba in lacaayo ama la aflagaadeeyo waaxaaraam. Qolooyinka kuwaashay Culumadiibaa waxlaga sheegay ama lacaayay warkoodu wuxuu u’egyahay in ay Culumada Caabudaan ama uqabaan in aan dambiba kadhicin!! Subxaanallaahi!

    Ma maqlaysid ayagooleh maxaa Ilaahay loocaayayaa! maxaa Rasuulkii loocaayayaa! maxaa mujaahidiinta idin dabadhigay oo aad shaqada ugadhigateen maad iska daysaan hadiidbnaan garab istaagayn!

    Culimada lama kala xigo. Waxay ushaqaynayaan dadwaynaha. Haday dadkiiloosoodoray oo layiri dacwada gaarsiiya qaarna dulmiyeen qaarna lasafteen oo gaalo unacamleeyeen ama gumayste in lacaayo ama la aflagaadeedo ayagaa kashaqeeyey. Kitaab gurigiisii loodiiday Sayax Allaabaday! waa hadal murti Soomaaliyeed ah.

    Culumada hadifaacina ayabuba loolanka kujirta ee Ilaahay diintiisa u kaalmeeya kuwiinaan qaafiliinta ahow!?

  13. qorane says:

    asacalaykum.aad baan kuugu magadcelinayaa walaalka abuu ibraahim.taariikh aysan lasoconin da yarta ayaad ifinaysaa.dhag jalac ha usiinin dadka war mooga ah.dadku waxay maqleen urur hebel urur hebel …………….adiguna waxaad cadaynaysaa meesha ay kasoo uskumeen.ruuxa in loosheego khaldkiisa isagay udantahay.waxaana lagarabaa inuu kajoogsado khaladka loosheegay. waxaan nahay muslimiin .asalaamu calaykum

  14. Abdlla says:

    Asc wr wb.
    Abuu-ibaarimow akhii ogow inbadan oo goob joog u ahayd xawaadithtii waqtigaas inay wili waxbadan ka joogaan,marka waxaan ku oranayaa oo kaliya wixii ilaahay kugu ogyahay oo aad maxkamada rabi la hor istaagi doontid kaliya qor taariikhduna ma duugoobayso yuuna xamaaskuna kaa tanbadin, qoraalka hoosana sifiican u akhri lacala inaad wax ka faa’ido.

    Dagaalkii Dhex Maray Itixaadka iyo Jan. Caydiid

    Raggii shanta ahaa ee laga soo diray Muqdisho, una dhashay beesha Hawiye, waxay ka kala ahaayeen Sh. Xasan Daahir Aweys iyo Dr. Max’ed Daahir Aweys (Rabi ha u naxariisto) oo isla dhashay iyo Sh. C/lahi Axmed Sahal (Rabi ha u naxariisto) waxay ahaayeen Habargidir, Sh. Xasan Calasow, Abgaal iyo Sh. C/lahi Lakari oo Murursade ahaa. Waxay la kulmeen Jan. Caydid waxayna u sheegeen in wadaado ay saaxiibo yihiin ay ku sugan yihiin Kismaayo ayna ugu yimaadeen in maleeshiyaadka USC ay ka hor istaagaan inay dhibaateeyaan wadaadadaas.

    Jan. Caydid wuxu u sheegay raggii shanta ahaa in wadaadada saaxiibadood ah ay mar hore dagaalka soo galeen, safka horana ay ku jiraan, uuna kala kulmay iska caabin xoog leh dhankooda. Waxay ka codsadeen Caydiid inuu siiyo 48 saacadood si ay dagaalka uga saaraan ragaas. Caydid wuxu u sheegay inuu siinayo 24 saac oo ay ku dheertahay 48 saac. Saddex nin oo ka mid ah shantoodii ayaa aaday dhanka Kismaayo. Waxana looga tagay Jan. Caydiid inay lasii joogaan Sh. C/lahi Lakari iyo Dr. Max’ed Daahir Aweys.

    Saddexda nin ee soo aaday buundada Araare waxay ahaayeen Itixaad, waxayna halkaas kula kulmeen wiilashii dhalinyarada ahaa oo cimaamado gaduudan xiran iyo horjoogayaashii watay oo ay ka mid ahaayeen Xasan-Mahdi oo ay isku hayb yihiin Jan. Caydid iyo Ibraahim-Afgaan. Waxay u sheegeen inay usii gudbayaan Kismaayo, waxayna kula balameen inaysan weerar qaadin iyagana aan lasoo weerari doonin.

    Saddexdii nin Sh. Xasan Daahir, Sh. Xasan Calasow iyo Sh. C/lahi Axmed Sahal waxay usoo gudbeen Kismaayo waxayna halkaas kula kulmeen rag ay ka mid ahaayeen Sh. Daahir Cabdi (Indha-buur) C/raxman Max’ed Jibriil, Xuseen Cabdule Codweyn, Sh. C/lahi-Raabi, Dalmar Guureeye, Max’ud Ciise Sicid (Rabi ha u naxariisto) Cali-Muuse Siciid. Niqaash dheer iyo caqli calin kadib raggii dagaalka waday waa diideen inay ka baxaan dagaalka marka laga reebo Cali-Muuse Sicid oo ku raacay ragga yimid inay ka baxaan dagaalka u dhexeeya qabaa’isha Soomaliyed.

    Sh. Xasan Daahir ayaa ka codsaday ragga dagaalka hogaaminayay bal inay usoo bandhigaan saadka dagaalka ee ay haystaan, markii ay tuseena wuxu yiri “hubkaan waa maalin-dagaal, hadaad u badataana saddex maalmood ayaa isku celcelin kartaan” ee ka baxa dagaalka. Waa laga diiday. Sh. Xasan Daahir hadana wuxu soo bandhigay dalab kale oo ah, “maadaama aad diideen inad ka baxdaan dagaalka, saraakiil sar sarana aysan idinla joogin, ka warama hadaan anigu idinku soo biiro oo dagaalka hogaamiyo, si aan saanadaan yar u beekhaamiyo.

    Taladiisii waa u guuxeen waana ka aqbaleen inuu hogaamiyo dagaalka, lakin Sh. Xasan Calasow ayaa ku qabsaday arinkii Sh. Xasan Daahir, wuxuna ku yiri “Shiikh ii sheeg meesha ay diinta uga taalo nin ergo ah oo lasoo diray, dadkana kala badbaadinaya inuu isagu dhan kasoo jeesto oo dadkii uu kala badbaadinayay uu qaarkood ka diriro. Sh. Xasna Daahir markas ayuu baraarugay kana laabtay go’aankisi, waxayna dib ugu laabteen Jan. caydid oo u sheegeen inay xal usoo waayeen arinkii.

    Mudo yar kadib Jan. Caydid wuxu qaaday weerarkiisi ragiina Muqdisho ayay u laabteen. Ciidankii Jan. Caydid waxay la kulmeen iska caabin aad u adag, rag badana waa laga laayay, waxaana maalinkaas ay nolol ku qaban rabeen wadaadada Itixaadku fanaanad Xaliima Qaliif Magool oo ka mid ahayd ciidanka Jan. Caydiid.

    Dib ayuu usoo gurtay Jan. Caydid, difaacna wuu galiyay ciidankiisii, wuxuna dirsaday sahan usoo fiiriya sida difaacyadu kala yihiin. Wuxu soo ogaaday in dhanka kale ee buundada ay difaac iga jiraan ciidan uu wato Jan. Moorgan, wuxuna go’aansaday inuu difaac yar uga tago dhanka wadaadada uuna weerar ku qaado dhanka Moorgan. Qorshahaas waa u shaqeeyay Jan. Caydid wuxuna si fudud ku jiiray ciidankii Moorgan, wuxuna gadaal uga yimid wadaadadii Itixaadka oo ku mashquulsan difaacii hortooda fadhiyay.

    Halkaas ayaa lagu jabiyay dhalinyaradii Itixaadka, waxana goobtaas ku geeriyooday dhalinyaro yar yar oo da’doodu labaatan sano aysan dhaafin, halka madaxdii dagaal galisay ay kuligood badbaadeen oo Raaskamboni ay nabad ku tageen, qaarna ay Nairobi usii gudbeen. Dhalinyaradii ku dhaawacantay dagaalka iyo intii badbaaday waxa la dajiyay Raaskamboni, waxana laba mucaskar oo hor leh laga kala furay Dhoobley iyo Buula-Xaawo.

    Dagaalka noocaas ku dhacay waa lagu kala jabay, burburkii Itixaadka ayuuna dhamaystiray. Raggii waawaynaa ee ururka ee dibada iyo gudaha dalka kala joogayna way ku kala qaybsameen.

    Tusaale ahaan Dr. Cusmaan Macalim Max’ud iyo Dr. Axmed Daahir Aweys waxay noqdeen labadii qof ee ugu horeeyay ee muxaadaro radis ah ka duubay dagaalkaas iyo qaabka loo galay, waxayna isla markiiba ka bexeen ururkii Itixaad. Raggii Muqdisho iyo meelaha kala joogay waa ka xumaadeen dagaalkaas, waana diideen inay jihad u aqoonsadaan, laakin kama aysan bixin ururka, waxana ka mid ahaa ragaas Sh. C/qadir Cukaasha, Sh. Max’ed Cabdi Daahir, Sh. C/lahi Diriye Abtidood, iyo rag kale.

    Waxayna sabab uga dhigeen in shuuradii Itixaadku aysan ogolaan dagaalkaas, rag gaar ahna ay galiyeen dhalinyarada dagaalka. Waxayna iskugu yeereen shir deg deg ah golaha shuuradu inuu iskugu yimaado Jabuuti, si loo maxkamadeeyo raggii dagaalka galiyay dhalinyarada.

    Raggii dagaalka abuulay ee aan kor kusoo sheegay waxa wehliyay rag dibadaha jiray oo taageeray dagaalkaas, dhaqaale iyo niyadbana ku ayiday, waxana ka mid ahaa ragaas Dr. Axmed Xaji C/raxman, Sh. C/qadir Max’ed Cabdule (Garre) Sh. C/waaxid Xaashi, Sh. C/qadir Nur Farax (Gacamey) C/casis Faarax Max’ed (Rabi ha u naxariistee) Sh. Jaamac C/salaam, C/casis Guureeye, Max’ed-Rashid Cismaan, C/wahab Isxaaq iyo rag kale.

    Abu-cataahiya
    dantiisyaqaan@gmail.com

  15. SOMALIMIDNIMO says:

    Codsi Ku socda Abdll Au cataahiya.

    Walaal Maamulka Shabakadda Islaamigaa ee Somalimidnimo.com iyo Abu Ibraahim waa soo dhaweynayaan wixii Taariikh ah in laga faa’idaysto oo Umadda loo cadeeyo oo aan laga qarin taariikhdeeda iyo meelaha sartu ka quruntay ee Culimadii Soomaaliyeed ay wax ka khaldeen.

    Taariikhdu Qof gooniya masuul kama saarna cidna lama dhalan, Abu Ibraahinna wuxuu wadaa wali Taariikhda, Qormaduna waa tii 5 Aad, marka waa soo dhaweynaynaa in aad waxaad og tahay oo Taariikh ah laga faa’idaysto.

    Sheekh Xasan Daahir Aweys amuu xiligaas joogay Gobalada Waqooyi Bari, Culimada aad Magacyadooda sheegtay ee aad tiri dagaalka ayey taageereen ma u haysaa wax cadayn ah?.

    Buugaag ayaa soo socda Abu Ibraahim leeyahay marka wixii Taariikh ah aan Umadda u qorno si ay oga faa’idaystaan.

    Fadlan Email ka Webka la xiriir Emailna waan kuu soo dirnay webmaster@somalimidnimo.com

    Qadarin

    Maamulka Shabakadda Islaamigaa ee SOMALIMIDNIMO.COM

    W/S

  16. Abdlla says:

    Wcs wr wb.

    Waxaan inbadan u mahadcelinayaa walaalaha mamulka webka sida wacyigoodu u sareeyo una ogolyihiin naqdi bannaa ah & in hadii wax ka dhimanyihiin loogu kordhiyo sidoo kale walaalka qormada qoray ee abu ibrahiim, ikhwaanii kaliya waxay iga ahayd un in aan ku baraarujiyo walaalka inuu si daqiiq ah u baaro wixii iska yar dhex gala taariikhda maadaama waqti dheer uu kasoo wareegay si wax sax ah oo dhaxal gal ah oo aan ka babadbadisna lahayn dibna umadu uga faa’ideysato ay unoqoto, una ekaan qormo si gaara dad gooniya loogu ataagayo WJZKL kheyran wsc ww

    Abu-cataahiya

  17. Ahmed says:

    As cwr wbrt.WALAAL aLLAHA KU BARAKEEYO QORAALKAAGA WAXAA KA MUUQDA DEDAAL BADAN LAAKIIN XOOGAA XOG YERAAN AH , WAXAA KA MID AH ANIGA MA JOOGIN ARAARE,LAAKIIN WAXAAN KA HAYAA WAR OO ANIGA GEDAAN KU SUGNAA, MEESHAAS WIXII KU DAGAALLAMAY MA AHAYN WADAADDO DAAROOD KELIYA EE WAXAA QAA,ID KA AHAA XASAN DAAHIR AWEYS, SAAN OGNAHAYNA MA HAN XASAN SAAROOD,TAN LABAAD .MARKII UU CAAYDIID SOO GALAY BUULA XAAWO, WAXAA KA MID AHAA RAGGII KEYNTA MALKAARRIYEEY GALAY. MARKAAS. RAGGII CAAYDIID U TAGAY OO LA HADLAY WAXEEY AHAAYEEN LIX NIN . CUKAASHE KUMA JIRIN.WAXEEY AHAAYEEN 3 HAWIYE AH IYO SADDEX DAAROOD AH .(XASAN DAAHIR, XASAN MAHDI IYO NIN KALE OO AANAN HADDA XASUUSAN OO AA MALEEYNAYO INUU AHAA MUAXAMMED MUUMIN OO MARKII DAMBE JADIIDIYA NOQDAY ALLE HA U NAXARIISTEE, OO DHINAC AH, M.MACALIM NUUR ,JABRIIL SH, CABDI IYO C/LLAHI XASN FOOLXUN OO DHINACA KALE AH. WARQADDII LA SOO KALA QORTAYNA .WAXAA LOO SOO BANDHIGAY RAG DHALLINYERADII ASKARTA AHAYD KA MIDA OO AAN KU JIRIN WXII KU QORNAANA, WAAN DIIDNAY XATAA IN LA SHEEGO XATAA-
    WABILLAAHI TAWFIIQ

  18. Xuseen Guled says:

    Assalamu calaykum walaal Abu Ibrahiim,Kolley inkastoo aanan hadda kugarinin haddana waad kumahadsan tahay waanadaada inaanan ilaawin maalmihii qiimaha badnaa ee aan goob jooga ka ahaa waa runtaa mararka aan akhriyo qoraalkaaga [ inkastoo aanan kuwada qanacsanayn] waxaan iraahdaa AGAH miyuu kulasocday maalintaas.midda kale camallada qaar waanba ku tawasulaa.
    Midda kale ducadaada Allah hanoo aqbalo, Allaha nasamata bixiyo meelkastoon joognaba.

    Sikastaba walaal waxaan ku xasuusinayaa qofka waxaa dambi ugu filan inuu sheego waxkasta oo uu maqlay,gaar ahaan nin sheekh ah oo dhintay Allah ha unaxariistee wax kasheegiisa magaranayo xigmadda kujirto iyo baahida loo qabo. SH.Cumar Faruuq wuxuu nooga baahan yahay DUCO, WAXKASHEEG MAYA.

    Mdda saddexaad ooaan rabo inaan kuxasuusiyo taariikh laqoro iyo wax lasoo dhaafay oo laga sheekeeyo waxay ubaahan yihiin fiirsi badan iyo hubsiino maxaa yeelay hadaad qof kuqaldanto warkaagi kolley waa tagay, shallaytana [NIDAAMA] waxba tari mayso waxaan kugula dardaarmayaa inaadan ilaawin inuu kusugayo qabri { LAA UMMUN HUNAAKA WALAA ABUN SHAFIIQUN WALAA AKHUN YU ANNISUKA]

  19. Geeljire says:

    To Somalimidnimo. Waxaan u malaynayaa inaydaan fahmin qisooyinka iyo sheekadu meeshay u socoto. Kismanyo iyo Areere ayay sheekadu maraysaa. Taariiqduna waxay ku beegan tahay Jun/july 1991. Goormuu tagi karaa Xassan Daahir aways Waqooyi Bari. Wuxuu tagay waqooyi Bari 1992 Dhamaadkiisii. Marka sidaas ula socda. Waayo Xassan isagoo mudu kayar 3 bilood jooga ayuu dhacay Dagaalkii ka dhacay waqooyi Bari. Taas waxaa ii dhiir waxaan u sheegaynaa walaalka Abu Ibraahim inuusan is daalin oo uusan Buugna qorin. Waayo sheekeeyinka uu hayo mahan kuwa Saxiix ah. Waxaana hubaal ah haduu kuwan iyo kuwa lamid ah lasoo shirtago uu ku ceeboobi doono. Waayo hada ayaanba u jeednaa meelo badan oo uu qoraagu u arko sax oo ah waxaan jirin. Taasi waa iga talo hadii aad diidana kolay waxa kaliya oo buugaag taada aqrisan doona waa ina Somalimidnimo iyo rag lamida oo ku dhahaya Xassan Daahir Aways 1991 Waqooyi Bari sow majoogin.

  20. Mahdi Jaamac says:

    Walaalayaal Alle ha laga cabsado oo wax aan xog ogaal loo ahayn ka sheekaynteeda ha la iska daayo. Waxaan arrintaa ula jeedaa, burburka Itixaadku waxa uu bilawday waqti taariikhda aad ka sheekaynasaa aad ugu hooreeya. Waxa dhab ahaan la odhan karaa wuxuu ka bilawday loollankii saldhiggisu Sacuudiga, dadka qaarna u yaqqaaniin Xarbu Dakaatira oo loola jeedo raggi xarada ka tirsanaa ee Sacuudiga ardayda ka ahaa waqtigaa kuwoodii ugu waaweyna sida Cabduqaadir Garre, Axamad Xaaji Cabdiramaan, Axmad Daahir Aweys, Cumar Lugey iyo kuwa kale. Arrintaasi waxay keentay in ay Xarada ka baxaan rag badan oo ay ka mid ahaayeen Xasan Calasow iyo Cabdisalaam Sh. Ibaraahim oo ka mid ahaa Shuurada Guud ee Xarakada. Raggaasi waxay xarakada ka baxeen 1989. Haddaba aan alle ka cabsanno oo aan iska daynno ku tiri ku teenta .

  21. Salaamun calaykum.

    Ikhwaanii dhamaantii Allaha idin xifdiyo Aamiin. Walaalayaal aan idin daba qabto intaan shidaalku idin kadhamaan ama idnaan daalin!!

    Qormadayda nuxurkeedu waa arimadhowr ah: 1) Ururkii Alitixaad oo Nin waluba ugalay tolkiis mid Alle unaxariistay mooyee 2) Siday ukala horreeyeen 4) Safiinatul xarbi ama doontii mujaahidiintu saarnaayeen oo Ninba maalin kadagey 5) Aakhirka Jihaad mayahay dagaalka kadhexeeya Cadowga sooduulay oo cadanka iyo madowgaba leh iyo Muslimiinta tirada yar oo walaalahood garabkoodii kabaxeen!!!!!!!!!!?

  22. umu barau says:

    Abuu ibrahim Allow ku barakee Aamin. waxan la yaabay ragii ku saxaayey aawaye? su,aasha may ka jawaabaan xagey iska qaban la,dahay!? inagu waan ku qanacsanahay taariikhaha ay noo soo gudbiyaan suxufiyada hadii se ay idinka daacad tahay inay wax saxdaan si eedaab leh wax u saxa oo karaamo leh haddii kale afataan mitir shalaay aya timi hor taa ayaan daganaa!!! salaama salaama.

  23. nasteex says:

    Asc..

    Abu ibrahim Rabbi uga cabso dadka aad halkan maandooriyaha taariikhda aan jirin ah ku siinaysid, culumonimo waad sheeganaysaa haddana wixii aad reebi lahayd baad fidinaysaa. suaal aan ku weydiiyee Xasan Daahir markuu isagoo ergo ah qoladii Kismaayo ku soo talo diideen ee uu Xamar ku noqday maxaad u dhihi weysey qabyaalad buu la noqday oo inuu walaalkiis Caydiid la dagaalamo ayuu diidanaa? mise waxaad is tustay inuu sh Xasan weli dagaalka aad jeceshahay ku dhex jiro, Hawiye aad hoosta u gelisana aadan halkan wax dambe ku soo qori doonin? cajiiiib waan kula yaabay isa sax walaalkayga qaaliga ahow, waxaan taariikh ahayna taariikh ha ku sheegin.
    Mar kale Rabbi baan ku dhaarshaye qoraaladaadii hore markaan dib kuu xasuusiyo 2dan suaalood waad qortaye ma ku adkaysan kartaa? waana sidan:-

    1) waxaad tiri sh C/qaadir gacamey ayaa Itixaad shiriey una sheegay inay guuraan oo aan qoraxdu ka dhicin , dhinacii kale ee SSDF-tana ku yiri warjeefa markay dhaqaaqaan itixaadku ee guuraan oo laaya intaysan dagin oow ax iska caabin gelin? ma ku adkaysan kartaa, haddii maya tahay Rabbi u toobad keen inay been ahaydna akhristayaashii aad qalbi doorisay u sheeg!.

    2) Sh c/qaadir gacamey wuxuu yiri baad tidhi, oo itixaad ku yiri Majeerten dhiigiisa lama tuso madaxyo weyntoodiina waad xirateen xalkiinu waa inaad gobolkan ka guurtaan, Majeerteena idinkam yeelayo, ma ku adkaysan kartaa? hadday maya tahay Rabbi u toobad keen, akhristayaasha aad doorisayna u sheeg inay taariikh xumaatay tahay!.

    wabillaahi towfiq.

  24. Salaamun calaykum.

    Nasteex Allaha kaa ajarsiiyo nasteexadaada hadaad ulajeeday daacad!? Waan qaatay wixii khayr ah oo aad iisheegtay. Allaha kaaga dambidhaafi malada xun oo aad iimalaynayso!

    Aan usoodago Fahamkaaga aadtiri waxaan akhriyey taariikhdii Masoogaadhay. Waxaan ku’oranlahaa khalad ayaad ufamahtay waxaad akhriday ee kunoqo, maxaa yeelay anna maqorin waxaad sheegtay kaligaana ma’adan akhrin taariikhdaas ee waalagula akhriyey. Haday dhabkaatahay waxaad sheegayso soogudbi qoraalkii oo sidiisii ah.

    Aan usoonoqdo warbixintaada kusaabsan Shiikh Xasan daahir. Xasan daahir wuxuu ahaa nin xor ah oo meeshuu rabo aadaya! Cidi madhihi karto magaaladuu kudhashay muxuu ugu noqday intuu kismaanyo yimid. Midda ah maxaad udhihi wayday Cadiidbuu garab istaagay: Ma’uugarab istaagin oo taariikhdaa shegaysa!

    Taariikhdu waxay kawararantaa wixii dhacay ee wax aan dhicin masheegto Shiikh xassanna lamasafan Hogaamiye kooxeed.

    Aankusaxo adiga iyo kuwo kale oo laga yaabo in aysan fahmin waxaan qorayo! Waxaan qorayaa waa akhbaar ee ma’ahan taariilh. Waxaan akhbaar idinka siinayaa ragga Culumada ah oo qabiilkoodii lasaftay ama qabyaaladda kuraacay! Waxaan qorayaa ma’ahan wax aan kaligay arkay ee Culumadu ayadaa lataagan oo kadhexmuuqda meesha aan tilmaamayo!

    Aan kuunaseexeeyo adiga hadaad diyaar utahay! 1) Ilaahay ayaa mudan in ladifaaco diintiisa lagana dagaalamo markii loogafo ee Alle darti uxanaaq, ha’uxanaaqin wadaad asagiiba taagan oo dagaal kujira!? 2) Yey qabyaaladu kuqaadin oo xaqqa ku garab marin, maxaa yeelay Shiikh xasan daahir iyo Shiikh C/Nuur faarax waa kuusiman yihiin hadaad fayowdahay!

    Ugu dambayn maahmaahbaa waxay ahayd ama eraybixin: Minhaaj lama hor ordo. Sug xaqiiqada waalagaaridoonaa adoon in kiri karin!

  25. SOMALIMIDNIMO says:

    FROM: GOB-ISLAM.

    Assalaamu Caleykum.

    Akhyaarta Niqaashaysa, waxaan idin cadaynayaa Abu Ibraahim Su’aalo badan oo aad weydiinaysaan ama dhacdooyin aad leedihiin waa ka tagtay in uu kaga hadlay Qormooyinkiisuu Masoo Gaashay Gaal iyo Wadaad Gaadh Uwada Taagan.

    Marka Buug ayaa soo socda Hala sugo Insha Allah, waxaa kale oo cad Dad badan in aysan fahmin Ujeedooyinka uu Qoraagu ka leeyahay Qormooyinkaan Garnaqsi iyo Go’goshaan uu dhigay.

    Gob-Islam

  26. qorane says:

    asalaamu calaykum.TO:abdlla.walaal waxaad kasooqaadatay waxaaad qortay buug uu qoray nin lagumagcaabo c/shakuur mire adan 2008.

  27. najib says:

    KKKKKKK IKHWAANII ILAAHAY HA IDIN ILAALIYEE dhmaan musliiminta xaqa jecele,, qabyaalada hala iska dhaafoo waa TB galaamise bahashu, xaqana haloo hiiliyo no more qabiil… cidii ilaahay xaqiisa ku taagan ayaan isku qabiil nahay…… BUUGAAS soo socda ikhwah NINKA UGU HOR GTA ALLE HAIGA DHIGO ANIGU WAAN WAAYAY GAAL IYO WADAAD GAADH UWADA TAAGAN QORMADII AHAYD WEERARKII LAGU SOO QAADAY WEBKA CULIMADA AYUU RAACAY IKHWAANII FILAAAHI…. hadaan raadiyay waana waayay maalmo hore. marka ikhwaaanii bugaasna wan sugayaa hadii la ii timaami karaba hala iigu soo hagaajiyo….emailkan–qarni_tagay@hotmail.com ascw

  28. xarbi says:

    subxana laah war maxa aheydeen dadkian culimada aflagadeynayo oo umadiba wada cayay

  29. muslim says:

    tuugo ayaga dhan dagaaalkiii cabdulaaahi yuusuf ayeeey u haystaaan culimada hadalkiinu sida qoraxda ayuuu u cadyahay qabyalada la maloookeeeyey culimada ku caydaye yaaad wax ka qadeee diina laga badan qabiillna wadiga ku calacalaaayo bada lagushubay iyo qabiil aaad xarakeynee ,
    caydiiid hadii la yiri waaa jahaad soo moogid cabdulaaahi axmed sahay waaa aaayatulaaahi ninkii qarxin jiray baaabuurta mareykanka in oow caydiid ka garab dagaalaaayeen iyo sh cumar dheere ooo labaduba ku shahiideeen soomaaali galbeed mase mooryaaan aaaan tariiqda la socon ayaaad tihiiin mase maraykanka ayaaad u arkeyseeen dadkii la leynaaayey in aaay xaq ahayd .
    waligiiin geeed aaan idin qarinkarin haku dhuumanina mooryaaan qabiil waan fahamsanahay hadaaaba dad ku eedeyneysid maxaaay caydiiid u dhehen maraykan hala diriro iyo cabdulaaahi yuusuf maxaaa loola dagaaalay adeer sakiin laq waxuush maxaaad qadinkartaaaan diina la idinka badan dadnanimona laga baryimaaayo

  30. maxamed cumar xabeeb says:

    Qof wayn oo ilaahey caqli siiyay inuu waxaan isku soo dubo rido waa wax lala yaabo. oo salafiya jadiida inay ka timid raafidada shiicada ah ee wasakhda ah aad garan waysay. waa caqli xumo ilaahey ha ku soo hanuuniyo. culimadana dhagaysta oo dadka la takfiirinaya iska daaya ilaahey dhabrka waa idinka jabiyay inta hartayna allaha dhamaystiro oo mamlikada sacuudiga ilaahey ha sii adkeeyo hana kula dadaalo dagaalka ay kula jirto khawaarijta xun ee idinla midka ah meel waba ay joogaan oo uulaatul amriga ku baxa.aamiin

  31. dahir says:

    s/w/w walaalkeey gar yarow ma wanaagsantahay inad qof muslim ah iskaba dhaafe nin sheekh ah aad ku ceebeyso waxaa la iga shegay sh. cumer faruuq inuu caydiid lacag u uruuriyay.

  32. abu Abdullahi says:

    asalamu caleykum,

    akhii waxaan jeclaan lahaa in aan ku xusuusiyo in aad khalad weyn ku jirto kaasoo ah in aad culimadii wax ka sheegeysid sida shiikh cumar faaruuq allaha u naxariisto shiikhaas oo aan wax badan ka aqaan waxaan hubaa in aad ku qaldantay wax dhici karana maahan waxa aad ka sheegeysid waxaad kale oo agaataa in uu jiro xadiis saxiix ah oo ka sugaandey nebiga sallallaahu caleyhi wasalam kasoo ahaa haddii shiikhu ama caalimku asiibo masalada wuxuu leeyahay labo ajar hadduu gefana wuxuu leeyahay hal ajar shiikh cumar allaha naxariistii jano ka waraabshee labadaas ayuu mid gelayaa ee ka har hadda intaad nooshahay ka toobad keen waxaan aad sheeqa ka qoreysid anigu ururada aad sheegeysid weligey ma noqon qabiilna weligey uma dagaalamin haddana leyga sugi maa insha allaah oo alle ayaan ka magan galey, laakiin sheeqaas ka har oo bannaanka ka mar waa nin islaamka usoo qidmeeyey oo cimrigiisii dacwadda islaamka ku dhameystey waxbadanna islaamka soo gaarsiiyey soomaalidana u ah caalim ay jecel yihiin denbigiisana allaha dhaafo aammin.

  33. hijri says:

    war wadaadada dhimtay kaleexda ilaah baraka ha inka qaadey

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS