
بسم الله الرحمن الر حيم وبعد.
MAQAAL:- Waaa Qormadii Garnaqsi Qaybtii 6 Aad

Waxaan Rususha kusoodajinnay Kitaabo iyo miisaan (Xaq ah) si’ay dadka ugu toosiyaan ama ugu xukumaan cadli. Waxaan kaloo soo dajinnay oo kitaabada iyo Rususha sooraacinay: Bir ay dhexdeeda ku sugan tahay baayo ama dhibaato, dadkana waxaa ugu sugan birta dhexdeeda dheef.
Ikhwaanii aayaddaan Culumadu waxay kala soo dhexbaxeen fiqi aan yarayn (Badan) Waxay kafahmeen ama kucad in Ilaahay soodiray Rusul una soodhiibay Kitaabo iyo xujooyin cadcad. Rususha waxaa loo soodiray Dad Caniidiin ahaa ama madax adag.
Markii Rususha la soodiray waxaa lala soodiray Hub ay isku difaacaan mab’da’a ay wataanna ay kumeel mariyaan (Macnaha xadiid ayaa hub ah ama bir afleh)
Aan milicsanno Rasuulkii ugu dambeeyey ee Nebi Muxamed CSW. Rasuulku asagaa kawaramaya amarada Ilaahay siiyey haday tahay Qur’aan ama Xadiith. Waxaan kubilaabaynaa Qur’aanka. Fiiri aayaddaan loogu ogolaaday in uu dagaalamo markii ladulmiyey isaga iyo mu’miniintii rumaysay oo tirada yarayd!

Aayadda 1 baad: waxaan u’ogolaanay in ay dagaalamaan markii ladulmiyey kadib anaguna waan awoodnaa in aan ugargaarno. Cidda wax amraysaa waa Ilaahay Cidda la’amrayna waa Nebi Muxamed SCW iyo mu’miniintii ladulmiyey. Sidii loo yiri Hubka qaata oo dagaalama aniguna waan idin garabtaaganahay! Goormaa la yiri hubka dhiga oo gaalada usidhiiba!? Aan fiirinno xagga axaadiithta Nebiga swc lagu amray oo lagu yiri hubka qaado oo dagaalan illaa dadku Ilaahay karumaynayaan!
Waxaa la’igu amray in aan ladagaalamo dadka illaa ay ka ashahaataan (ka’islaamaan) Nebiga SCW waxaa Ilaahay ku’amray in uu ladagaalamo ciddii diida in ay qaataan dhaqanka Islaamka. Akhristow yey kaahoosbixin kalmadda ah:
” Waxaa la’i amray in aan dadka ladagaalamo illaa ay ka ashahaadanayaan!” Haday ashahaataan oo aysan la’imaan kudhaqanka shareecada Islaamka dagaalku waa soconayaa illaa’ay kudhaqmaan ama dhaqan kadhigtaan shareecada Islaamka.

Meesha lagu kalatagey waameeshaan!! Murji’o waxay tiri dadku haday ashahaateen maxaa idin dabadhigay!? Matakfiirbaad tihiin!? Qofkii’ashahaata: haduusan soomin, Salaadin, suuqa galo (dhilaysto!) Iimaankiisu waa iimaanka Jibriil oo kale!! Subxaanallaahi cammaa yaquuluuna Culuwan kabiiran!
Annagu waxaan leenahay (Salafiya jihaadiya hadaan nahay) Qofkii aan Salaadin, Soomin, Suuqa gala oo aan cudurdaar sharci ah la’imaan sida Waalida iwm. Waxaan leenahay wuu gaaloobay haduu markii hore muslim ahaa!
Taasi waxay ahayd hordhicii qormadeenii 6 xaad! Aan utagno
ciidamadii aan kufurnay inta udhaxaysa Boosaaso
iyomagaalada Ceelaayo (Nasrudiin ama Qow)
Akhristayaalow hordhaca iyo nusuusta lasocota waxaa igu kalifay in aan qoro dhowr arimood 1) Ciidankaan hubaysan oo Boosaaso soo duldagay waa ciidankii koobaad oo la’arko muddo dhowr boqol oo sano kadib in ay yihiin Culumo hubaysan oo xukun doon ah (Xukuumo Islaami ah) 2) In aan muujiyo in looga horreeyey hubqaadashada iyo xukuumo raadinta Ururkii Al-itixaad Al-islaamiyiin (Salafiya jihaadiya)
3) Ururka oo isu diyaariyey in ay dowlad islaami ah dhisaan ayagoo ka faa’iidaysanayey fursaddii jirtay oo dowlad la’aanta ahayd, markay fursaddaas heleenna niqaash dheer kadib go’aansaday in ay hubka qaataan ayagoo raacaya wadadii Nebi Muxamed SCW iyo Rusushii kahoraysay ay dacwada umareen (Mabda’a Islaamka oo hub lagu ilaaliyo ama lagufidiyo)
Ikhwaanii Al-itixaad waxay saldhigteen ama dageen magaalada aan soo sheegnay (Boosaaso) Boosaaso ama Gobolada hoosyimada waxaa kajiray dacwo daciif ah. Waxaa joogay Culumadii ugu caansanaa xagga dacwada, dhaqaalaha iyo xagga awooda ciidan intaba oo ahaa (Ducafo dhanwalba marka laga eego) Waxaa Culumo looyaqaanay Suufiyada oo haysatay awood soo jireen ahayd sida: in dadka loo fadwoodo ama diinta lagaarsiiyo iwm.
Ururkii Al-itixaad markay soo dageen duleedka Boosaaso ayaa qaylo circa isku shareertay! Waxaa qayliyey: Suufiyo, Hogaamiye kooxeed, (NGO= jawaasiis) Bulshada rayidda ah iwm. Waxaa shaki galay oo qayladii soo raacay Culumadii Salafiyada sheeganaysay oo aan waligood arag Culumo ama Caalim qori wata oo doonaya Xukun! Waxaa su’aal keenay bulshadii Soomaaliyeed oo Culumada ku xurmayn jirtay (dhanka cuntada iyo wax siinta) Waxay arkeen Raggii dumarka umeherinjiray dhaxalkana uqaybin jiray oo hubaysan!
Barnaamijkii Al-itixaad wadatay (inay dhisaan dowlad Islaami ah) waxaa sicad uga horyimid Culumadii Salafiyiinta ee ducafada ahaa!. Daliilkii ugu waynaa oo ay wax kudiideen ama wax ku dhisayeen wuxuu ahaa: waligayo ma’anaan arag Wadaad hubaysan oo xukundoon ah ama dadka dacwo gaarsiinaya asagoo hubaysan.
Waxay kaloo daliil kadhigteen” Soomaaliya dacwadu waxay ku soogaartay (qori la’aan dagaal la’aan) Waxay kor ugu dhawaaqeen ayagoo kaalmaysanaya Ururadii badnaa oo ay isku danta noqdeen: war hubka dhiga!!!?
Al-itixaad dhagahay ka furaysteen dhawaaqii ka soo yeeray Soomaali wayn oo wadata Culumadeedii (Suufiyo iyo ducafadii Salafusaalix oo isku cadow noqday maalinkaas!)
.Sheeko gaaban
Waxaan maqlay Nin aan ilko lahayn ayaa gabar guursaday. Waxay uruugi jirtay oo ujilcinjirtay Cuntada. Markay dhadhanka ka dhamaysato ayey hoosdhigi jirtay markaasuu cuni jiray cuntadii oo aan dhadhan lahayn. Gabadhii baarriga ahayd ayaa dhimatay! Wuxuu yiri Ninkii: meel aan kuharo majoogo ee gabadha godka hala’ila galiyo. Waalaga diiday oo waxaa la yiri kasamir gabadhaas inta cuntada nuxurkii kala baxday ku hoosdhi jirtay
Muddo kadib ayaa gabadh looguurshay. Wuxuu go’aansaday in uu iskala noolaado asagoon ku qanacsanayn. Waxay utuntay ama ujilcisay cuntadii ayadoon afka galin!. Waxay hoosdhigtay Cuntadii oo dhadhankeedii wadata. Markuu afka galiyey ayuu malaysan kari waayey wuxuu kala kulmay oo wanaag iyo dhadhan ah.
Wuxuu waydiiyey seewax ujiraan? Isma lahayn gabadhii dhimatay ayaa qof kaaga wanaagsanu jiraa (xagga cuntada) haatanna waxaa ila dhadhan wanaagsan Cuntadaada!! Waxay u sharaxday wixii ay samayn jirtay gabadhii dhimatay.
Waxay kaloo usheegtay ayadu siday wax u farsamaysay. Wuxuu yiri igu raadi qabrigeedii? maxaa yeelay way ikhiyaamaysay oo waxaan rabaa in aan gubo qabrigeeda. Waxay tiri iska samir iskana cafi iwm. Sheekada in aan beeniyo ama rumeeyo dantaydu ma’ahan!
Dulucda warkaygu waakan: Al-itixaad xoogbay kuqabsadeen Goboladii oo dhan. Waxay maamuleen (lawaregeen) wixii dowladu maamuli jirtay oo dhan. Waxbarashadii, dhaqaalihii, nabadgalyadii, wacyigalintii dadwaynaha iwm. Waxaa circa isku shareeray sumcaddoodii oo dhanwalba ayaa laga’ammaanay.
Waxaa hoosgalay sumcaddii: Hogaamiye kooxeed, Suufiyo, NGO, Bulshada rayadka ah iwm. Waxaa waa cusub ubaryey oo madaxa lasookacay shacabkii ladulmiyey oo moodayey in aan loodhaamin Hogaamiye kooxeedyadii iyo Qabuuriyiintii ku dulnoolaa shacabka oo dhiiggooda jaqaysey!.
Waxaa magacyeeshay Culumadii ducafada ahayd ee Salafiyiinta ahaa. Culumadii diidanayd in qori laqaato waxay arkeen xikmadda kujirta in aad hubaysantahay! Maxaa yeelay waxay arkeen dadwaynihii liidi jiray oo inta neefka qasha sanbabka utuuri jiray (Cadquureed) oo ka haybaysanaya una ogolaaday in ay qayb libaax qaataan! Waxay sumcadda kuheleen qori caaraddi iyo Rag dhiigiis (Al-itixaad al-Muhaajiriin Al-mujaahidiin)
?Laakiin maku qanacsanyihiin sharafta iyo Ciziga ay heleen xiligaan kala guurka ah
Waxaan gaaridoonaa Culumadii sidaas loogu hiiliyey oo godka laga soosaaray waxay sameeyeen ama abaalgudkoodii ay mujaahidiinta ugu’abaal gudeen wuxuu noqday! Waxaa isbalaariyey Ururkii Al-itixaad. Waxay qabsadeen Boosaaso illaa Gaalkacyo. Waxay xarumo waawayn kuyeesheen wadanka Soomaaliya oo dhan. Waxay mucaskaraad iyo saldhigyo aan yarayn kafureen dhulka Itoobiya xoogga kuhaysato Soomali Galbeed.
Waxaa afwaajan afwaajan usoogalay: Dhalinyaro, Odayaal, Haween iyo Mooryaantii oo saraakiisheedii wadata! Waxaa qarka loogaaray (lasigay) Ciidamadii Gaalkacyo isku horfadhiyey oo kala ahaa: Jirri uu hogaaminayey Ina Yey iyo Mooryaantii uu hogaaminayey Ina Caydiid. Waxaa iswaraystay Ururo badan iyo afraad oo danahoodii ka dhex arki waayey howsha ay wadeen Ururkii Al-itixaad (ku dhaqanka shareecada Islaamka)
Waxaa shir degdeg ah galay Ururadii looga awooda roonaadey shacabkii. Waxay isudiyaariyeen in ay Al-itixaad xoog kumuquuniyaan si ay sharaftoodii usoo ceshadaan! Waxaa mu’aamaradii ka war helay Mujaahidiintii. Weerarbay kusooqaadeen falaagadii mu’aamarada waday. Waxay soo qabqabteen madaxya wayntii mu’aamaradda waday
Waa inoo qormada dembe
Akhuukum Fillaahi Abuu ibraahiim
Somalimidnimo.com













































Jihaadiyiintu waan ogahey iney niyad sami waddo, gaalana aysan u shaqeyn, laakiin waxey naftooda iyo tan ummaddaba ku dhibayaan wax aan loo dirsan hadda waqti xaadirkaan.
Ummadda takfiirinteeda thumma la dagaaliddeeda waqtiga badan la gelinayo ayaa haddana la xisaabsanayaa marka loo qiil deyayo istidaacada jihaadka caalamigaa iyo soo celinta khilaafa islaamiyah!
Haddey ku hortaallo howl boqol nin u taalla oo kayarna aysan qaban karin, dabeedna boqolkii 99 ka mid ah aad ku ceyriso ineysan kasoo bixin shuruuddii shaqada, macquul ma tahey inaad nimankii aad shuruudda ay kasoo bixi waayeen ku ceyrisey aad haddana mashruucii ku qaadato ood tiraahdo 100 nin baan heystaa oo mashruuca aan ku qabanayaa?
Hal doolshe haddaad heysato inaad wada cunto haddana meel dhigato iskuma heli kartid. Haddaba inta jihaadiyiinta ah oo ku qanacsan aragtidaas immisa ayey ummadda Islaamka ka tahey boqolkiiba?
Inta kale sidaan ka fahmey darxiga jihaadigaa kuwooda ugu fiican waa kuwa murji,o lagu sheegey.
Haddaba Jihaadiyiintu haddey xisaabsanayaan 1.5 muslimiintaa ha ula dhaqmeen sida muslimku muslimka kale ula dhaqmo oo ay ugu horreyso ineysan diinta ka saarin, kadibna amarku inuu shuuro yahey oo uu kala dhaxeeyo dadkaas ka badan ogaadaan.
Dadka waa inaad ka tashato dhibkooda iyo dheeftoodaba iyo inaad tix geliso oo dad jira oo kula mid ah oo diin iyo adduunyaba kula leh iney yihiin waa in mid lagaa helaa!
Haddii kale waxey noqoneysaa wax kuuma oggoli laakiin waan kugu xisaab qaadanayaa markaan fagaaraha tago.
Waan sheegeynaa waanan daawaneynaa laakiin aniga taasi gar ilama ahan!
بسم الله الرحمن الرحيم
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
والجدير بالذكر أن ترى ملتزما مشغولا بما لا يعود فيه فائدة دنيوية أو أخروية فها هو أخونا أبو إبراهيم لم يزل يسلسل مسلسله الطويل، فأمس القريب ودع بموضوع سماه (هل رأيتم مسلما قائم مع الكافر) ثم أردف نفس الحكاية، أخي الكريم هل حفظت كتاب الله كله أو نصفه أو بعضه فماذا تفني عمرك بهذا المسلسل الذي لا يهاية ، حاسب نفسك قبل فوات الأوان
Waxaan mar marka qaar is iraahdaa Ninka qormada qoraya wuxuu ahaa ragii meesha Joogay isla markiina waxaa ii muuqata in uusan wax badan kawar hayn. Tusaale hadaan soo qaato, qoraagu wuxuu ku leeyahay Al itaxaad waxay wada qabsadeen dhamaan Gobaladii Waqooyi bari ilaa ay ku sigtaan inay gaaran Furintii u dhaxaysay. Jiridii Majeerteen iyo Mooryaantii Habargidir. Taas markaad aragto waxaa kuu soobaxaysa inuusan joogin goobtaas, waayo ma aysan jirin Gobal ay si toos ah uqabsadeen ururkii Al itaxaad ee waxaa jiray meelo ay Dowladii hore maamulaysay oo ay iyagu hayeen. Sida Dakada Boosaaso iyo Kantaroolka laga galo Boosaaso. Lakiin waa runtiis in ay jireen Mucaskaraad kafurnaa BOOSAA QARDHO GARAWE IYO BACAADWAYN. SIDOO KALE WAXAA JIRAY MUCASKAR MARKII DANBE LAGAFURAY LAASCAANOOD.
Intaas markaan kasoo baxo walaalka waxaan waydiin lahaa. Majiraa Manhaj Qoran oo ay leeyihiin Salifia Jihaadiyadan aad sheegayso oo aan ka ahayn Sheegashada sida adoo kale ay walaaluhu waa yahan danbe u sheegtaan. Hadii ay jirto fadlan noo soo bandhig ogowna in waxaad soo qorto aan kaa doonayno inaad meelsaarto.
Wadaad yare,
.
Waxaa jira mabaadi’ quraani ah:
.
1. In Akthariyada tahay dad dhunsan. وإن أكثرهم لفاسقون…وما يؤمن أكثرهم بالله إلا وهم مشركون…
.
Marka maadaamoo ay dhinac dalaalka u badan yihiin, raacitaankoodana waa baadi وإن تطع أكثر من في الآرض يضلوك
.
2. In Mu’miniintu yihiin Aqaliyo إلا الذين آمنوا وقليل ماهم….
Sida darteed ayaga umbaa ah shaakiriin وقليل من عبادي شكور
.
Tiro wax ma tarto, e tayo ayaa wax tarta, umadan 1.5 milyaarka ahna (Quthaa’un ka quthaai say) Haday dadnimo leeyihiin Meeshii Rasuulka loo dheelmiyay kama maqnaadeen.
.
This time we need quality NOT quantity
Waatuu Samwaal yiri:
وإن هو لم يحمل على النفس ضيمهــا —- فليـس إلى حسن الثنـاء سبيـل
تعيـرنــــــــــا أنَّـا قليــــــل عـديدنـــا — فقلــت لـها إن الكــــرام قلــيـل
وما قـــل مـــن كــانـت بقايـاه مثلنـــا —- شباب تسامـى للعلـــى وكهـول
ومــا ضـــرنـا أنَّـا قـلـيـل وجارنـا —- عزيـز وجـار الأكــثـــريـن ذلـيـل
Waxgarad
1.5 milyaar oo muslimiintaa fii majaali siyaasah inaad dad kula siman oodan talada gooni uga laheyn uga xisaabtanto iyo inaad ka tashato oo aad waa kala labo.
Nebigu s.c.w kuma uusan xisaabtameyn bacdallaahi cid ka baxsan mu,miniintii Madiina la joogtey.
Abubakarna r.c saddex magaalo mooyee intii kale muslimiintii xataa joogtey waxaa la sheegey iney u bateen wax riddoobey iyo wax zakadii diidey. Isaguna inta uu heysto unbuu ku xisaabtamey.
Sidaas oo kale haddaad tiraahdo oo daa,ifadaas yar mooyee aadan cid kale ku xisaabtamin oodan axkaamtaada ku dhisin waa la garan karaa waxeyna yeelaneysaa consequencigeeda min naaxiya sharciya iyo siyaasiya.
Waxaana ugu horreeya oo kusoo waajahaya Nebiga s.c.w iyo Abubakar sharciyaddoodu meeshey salka ku heyso waaba la ogyaheye, adiga taadu haddaad 1.5 ka tashatey xaggee ka timid?
Ma Ilaaheyba kusoo dirsadey sida Nebiga s.c.w oo howshaan si shakhisiya ayaa Ilaahey kuugu magacaabey?
Mise sidii Abuubakar ayaa daa,ifadii mu,miniintu kula mubaayacootey?
Min naaxiya siyaasiya 1.5 milyaar inaad ka tashato oodan waxba kasoo qaadin diiniyan, caskariyan iyo dhinac walba isma bixineyso ayaan u heystaa.
‘aswrb dhamaan msliminta waan salaamay gaarahana qoraaga abuuibraahiim jzakllah kheeran siffiican baan
kuulasoconaa oo qormadii masoogaadhay gaal iyo wadad gaar uwadataagan ayaan waxbadan kufahanay oowax badan baad noo ifisa allah danbigaada dhaafo
Waxaa adduunka ku nool qiyaastii hal milyaar iyo bar muslimiin ah
Waxey leeyihiin dowlado gaaraya 53 dowladood oo tan ugu weyn tahey Indonisiya tan ugu yarna tahey Burunay.
Haddaba Alqacida yaa u dhiibey talada 1.5 milyaar oo muslimiintaa oo qofkii iyaga siyaasaddooda khilaafaa ku noqonayaa mid ama murtad ah ama baaghi ah?
1.Ma Ilaaheeybaa Alqacida si shakhsi ah usoo direy sidii Nebi Muxamed s.c.w?
2. Ma shuuro iyo talo wadaag ayey ku yimaadeen oo halka milyaar iyo barkaa beyco ikhtiyaari ah la galey?
3. Ma xoog beey ku qabsadeen(ghalaba) oo amrul waaqic ayey xukuumad ugu noqdeen?
Dowladda dadka xoogga ku qabsata waxaa loo aqbalaa maahan iney sharci tahey in sidaas la sameeyaa,laakiin waa amrul waaqic (de facto) arrin qasab ah oo dantu qasabtey.Iyadana haddii mid kale meesha xoog uga tuuro oo isagu qabsado sidoo kalaa loo aqbalayaa. Umawiyiintii qasabkaas ayaa lagu aqbaley. Markey Cabbaasiyiintu iyagii meeshii ka tuureenna lama oran dowlad sharciya ayaad riddeene iyagiina amrul waaqic ahaan ayaa loola mucaamiley. Waana taas meesha ay ku saleysantahey culimada aqbalaaddoodu ee sharciyad siin ma ahan. Marka ama is daali oo nafta u hur sidaad xoogga ugu qabsatey oo kale haddii lagaaga qabsado waa lala mucaamilayaa ciddii meesha xoog ku qabsata sida adigaba laguula mucaamiley.
Haddaad ogaatey inaan Alqacida laheyn saddexdaas sifo middoodna waxaa kuu soo baxaya iney yihiin afraad gashadey shaati aysan buuxin karin oo self styled ah (is magacaabey) oo aan laheyn wax sifo qaanuuni ah oo ay uga geddisanyihiin duq Isniino iyo xaajiyo Cosobo oon ka aheyn qoriga ay la gaamayaan oo dadka ku dilayaan!
AS/ C/ WR/
salaan kadib ikhwaanii markaan aqriyay hadalada uu kuhadaaqayey wadad yare
oo oo aan kusigtay inaan wada dhamaystiran waayo oo durbaba intii aan kudhex jiray aqrinta kalimaadkiisa daciifka ahaa diyaariyay jawaabtii aan kabixin lahaa ayaa islamarkiiba waxaan arkay cinwaanka wax garad uu kuxiga cinwanka wadad yare
ayaa waxaa iisoo baxay inta aanan aqrinin qoraalka al ak wax garad xafidahullah
maaah maah somali oo ahayd hal libaax saaranyahay dhurwaa kudil laguma habaro waayo dhurwaaga iyo libaaxa waad taqaanaanoo isuma dhawa waxaa khatarsan libaaxa
marka wadaad yare wadaad xume jawaab iigama baahna mar haduu ujawaabay walalkay wax garad jazaaahullahu khayran waxfidahullahu waracaah
‘ان هذا الرسالة بعيد تماماً عن الحقيقة والعدل واقول لااصحاب الانحراف لاتنسو هدالاية لقوله تعالي ا
{ اعدلوا هُوَ أَقْرَبُ للتقوى }
وفيه تنبيه عظيم على أن وجود العدل مع الكفار الذين هم أعداء الله إذا كان بهذه الصفة من القوة ، فما الظنّ بوجوبه مع المؤمنين الذين هم أولياؤه وأحباؤه؟
تفسير الزمخشر
abuu ibraahim jazakallahu khayran wabaaraka calayka waxa aad kahadlayso inbadan oo salafiya rabiiciyya madkhaliya kamid ah mafahmayaan haday fahmaana ma aqbalayaan maxaa yeelay waabii kuwii kasoo horjeestay dowla islaamiya oo qori caaradii lagu keeno oo yiri maba jirta dowlad qori caaradii lagu keenay tolow xagey kamari doonaan aayadiihi uu qoraalka hordhac ooga dhigay abuu ibraahim
rumaysta ama ha rumaysanina wallee waa lagaari doonaa insha aalllah
To :Cimraan
Ciraanow nin caajisihi waa caynka aad tahaye
Cadaw iyo sokeeyaa hardami caalam koo idile
Nin walbana cashiiradi ayuu cudud ku kaalaaye
Ciideena gaal baa qabsay cadaw Ilaahaye
Nin cabiray wuxuu ciilqaboo kicin cawaantiinan
Cay iyo walaahuna mudnayn hoy carqaladayne
Hadaan curuqa dhiigiyo kukicin cunaha boociisu
Oo caadi kulayahay kufrigan ama cabsoo nayso
Waxad Abuibrahim u carqalyeyn ama u ciidayso
Caqli naaqus inad tahay ayaan caaway filayaaye
Hadaad caarif tahay diinta caalim ama sheekhba
Culumadu ijmaac bay gunteen waadna caaliqine
Hadii anu cilmigu camal kuxigin waa ciqaab kalaye
Ciideena idilkeed kufraa caadi soo dagaye
Waadiga cayaayirahayoo keeni cilalkaane
Nin cabir cadaawiyo kufriga caawin niman siiyey
Intaad ceebu leeyahay furfuri ama cambaarayni
Cilmigiyo kumee camalki aad caaway ugu baaqi
Nin cajisay caacal iyo buuq waa cabirayaaye
Waa caynaday yiin dhamaan culumo suugiiye
Carbal keenso waa kaa cabiray ciil wuxuu qabaye
Hadii kale cawaan inad tahaad noo cabiraysaaye
Ileen ceebu laba maahan oo waad ku caan tahaye
Nin cilmiyo karaamaba kabadan caamo way xagane
Caacdiyo war taafiha kubadi caaqil xeeldheerle
Cabiid baad u noqoteen kufriga mana cabsootaane
Ceebtiina ruuxii qodqoda waad canjarafayne
Iidaa ciraabtiisu waa caaqil hadalkiise (Abuibrahim).
Oo way ku caafiyi wixii aan nifaaq cabine
asalaamu calaykum.aad baad umahadsantahay walaal abuu ibraahim.meel macaan ayaad noogajartay waana halkii lagukalamiirmilahaa.waxaan leyahay salafiya jihaadiyah way leeyihiin manhaj qoran,waxaana weeye kitaabka quraa.anka iyo sunada nabiga(scws).mabda ooda waxaa kamid ah(1)shareecada ilaahay inay taliso((2)dadka ladulmay inay ugargaaraan(3)wadamada muslimiinta in laxoreeyo(4)qoqobnaad in lagaboxo(5)gaalada in laladagaalamo intay ka islaamayaan ama jizyo ogalaanayaan iyagoo dulaysan.(6)ina y sooceliyaan khilaafa al islaamiyah. waxaan leeyahay taka dhulka ay al shabaab joogaan been badan ayaa la idinka dhaadhiciyay .markaas ayaad ogaanay xaqiiqda.ala maxay wanaag keeneen mujaahidiintu.dib uxusuusta isbaaradii iyo dhibkii lasoomaray .soomaaliyeey ilaahay kushugriya oo jihaadawabilaahi towfiiq
To geeljire.
Geeljirow maxuma in aad wixii khaldan saxdo, laakiin waxaa kaamuuqata in aad meel isugu keentay laba eray oo ah: maya iyo haa!
Waxaad tiri qoraagu waxba kalama socdo wuxuu qorayo sababtoo ah Al-itixaad maqabsan Gobolada Bari! waxay joogeen oo kaliya Dakadda Boosaaso iyo kantaroolka Boosaaso. Waxaad hadana hadana tiri haa way qabsadeen oo waxay mucaskaraad kulahaayeen: Boosaaso,Qardho, Garoowe, Gaalkacyo iyo Laascaanood!
Maxaa haray oo layiraahdaa Gobolada Bari!? Waxaan kuusheegi Geeljirow aniga kula hadlayaa waxan joogay barigaas meel gaalkacyo ujirta dhowr km oo layiraahdo (Bayra) Markaan Bayra imaanayey waxaan kasoo kicitinnay Boosaaso anagoo Ciidan aan yarayn ah. Waxaan markhaati ka’ahay in Al-itixaad Ciidankiisu ishaystay min Boosaaso Illaa Bayra oo Gaalkacyo ujirta inyar.
Maxaa kuubaxay boowow!? Gabanka maxaad karabtaa sooma’ogid in qoraalka abuunka daafihiisa laga akhrisanayo?
Birmilahi Raxmani Raxim. Alahuma Sali Calaa Nabiyana(Maxamed Bin Cabdillah)..
Walaalayaal Abuu Ibrahim Toolmoonaa, Warninku Muminsanaa. War ninku Caalimsanaa.
War ninku xog ogaalsanaa. warninku xusuus badanaa. war ninku xaq iska dhowr badanaa.
War ninku Mujaahidsanaa, war ninku geesisanaa, war ninku qoraal yahansanaa, wan Ninku aabaysanaa. War abuu ibraahinow intaas ayaan ka arkay qoraaladaadii oo dhan, Xitaa kuguma riyoone. Waxaan ku dhihilahaa raxmaankii intaa ku siiyey iyo in aanan Ogayn Sujuudu shukri u qor oo maalintii mur uun ladhac meelkasta oo aad joogtidba.
wadaad xume waxaan aheyn igama http://www.youtube.com/watch?v=R9zACJMb09I&feature=relatedistaahishide Aamiin dheh haddii aad rin sheegeysid!
lafoolow waad iga ooysiisay runtii waxaana tahay uguna horaysaa kuwa dadka walaalhood ah wax uquura, inta aad ku sheegtay abuu ibraahim iyo kabadan ayuu mudan yahay anaguba manaqaano laakiin waxaan ku jeclaanay dar illaahey iyo xigmadiisa.illaahey ayaan ka baryaynaa danbi dhaaf aaqiro aduunyadana wanaag inaad ku waartaan lafoole iyo abuu ibraahimba amiin.
بسم الله الرحمن الرحيم
لقد استغربت كيف غروه بأبي إبراهيم ، فإنهم جعلوا جسرا إلى ما لا يحمد عقباه ، وكم من شاب وشيخ قالوا يا مجاهد ويا علان ويا زاهد ،،فترنم من جهته بعد قراءة تلك الكلمات فإذا هو يسيل قلمه ليكتب مسلسلا لا له بل عليه فإن كل كلمة يكتب فسوف يسئل أمام الله إضافة إلى ضياع ما خلق لأجل من استفادة الوقت بدل ما يضيع يهذه التراهات ، ما الفا|ئدة التكرار أن جماعة الإتحاد جلست في يوم كذا بمكان كذا وقامت يوم الفلان ثم قعدت . أما أخونا أبو فاطمة لم أزل منذ أن رآيت به ينشذ ما أسماه شعرا ، والحقيقة ليس شعرا ولا فيه من قواعد الشعر المعروف بل إنما هو شتم وسب واعتداء على الآخرين من دون خجل ولا خوف من علام الغيوب فمن خالف بما في جعبته فلا ينجوا من لسانه الذي لا يترك يابسا ولا خصرا ، أخي الفاضل أما تعلم أن الله سوف يسئل عنك هذه الكلمات التي طالما نلت بها في أعراض المسلمين ، ألم يكن المسلم الخائف صاحب حياء وأدب فأين الأدب ،، فإنك ما تدعو إليه غير مقبول وذلك بقلة أدبك ،، فاتقي الله في أعراض المسلمين ،، والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته
abu ibraahim waxaad soo celisay mar labaad qoraalkaagii hore ee taxanaha ahaa , wax cusub maad soo kordhin marka laga reebo cinwaanka, ee maanaa degdegay mise wax cusub baad soo wadaa.
shukran.
To Garsuge
Walaal hadalkayga oo meesha hadaba ku qoran miyaad damacday inaad sidad rabto isku fahamsiiyo balkunoqo qoraalkayga waal. Tankale armaanba nahay rag isgaranaya hadaadba Bayra iyo Mucaskarkeedii ka mid ahayd. Tan aanrabo inaan kuu sheego waxay tahay walaal ma aysan jirin Gobal si Buuxda aan waagaas u haysanay Boosaaso Dagata iyo Kantaroolka oo kaliya ayaan joognay. Qardho Mucaskar kaliya ayaan kulahayn. Garawe sidoo kale Mucaskar kaliya ayay ahayd. Laascaano iyada Bacadal Xarbi baa lasameeyay. Marka walaal raga meesha wax ku sooqoraya ha u malayn rag Abu Ibrahim waa qaca wax ka waydiinaya ee waxaanba nahay Rag intuu ka soo qorayba Taagnaa amaba ku dhaawacmay. Marka aan lee yahay Qoraagu mar baad waxaad moodaa inuu nala joogay waxaan ula jeedaa meelo badan oo sax ah ayuu meelo badan kaga hadlayaa. Mar marka qaarna waxaad is lee dahay Qormadiisu waa wax uu dad joogay uu wax ka qoray. Taas ayaan ka hadlayaa walaal.
Cimraan,
.
Carabigii laftigiisii baabadan sixin, khaladaaadka aan arkaky:
WAxaad tiri:
.
1. فأمس القريب ودع بموضوع سماه
Why aad u leedahay فأمس
Sida saxda ah waa بالأمس ileen ba’da waxayaabaha loo isticmaalo waxaaa ka mid ah ‘Darafiyah’
.
2. ودع بموضوع
Maxaad ba’da u galisay, Why?
.
3. هل رأيتم مسلما قائم مع الكافر
.
Qoraalka waxaa la dhahaa ‘Ma soo Gaadhay Gaal iyo Wadaad Gaadh u Wada Taagan’?
.
Hadii la carabiyeeyona wuxuu noqoni, شيخاً وكافراً قائمان في حراسة
.
Carabiyada ha laiska saxo!
Aaaway culimadi la is xijinayay ma cilmi la’aantan baa laga qaaday? Yaabnaye
Anas,
.
Waxaad tiri:
“..ان هذا الرسالة بعيد تماماً عن الحقيقة والعدل ”
Maadaamoo aad isticmaashay رسالة oo ay tahay mufrad Mu’anath ah why aad khabarka oga dhigtay Mudakar ood u tiri بعيدِ
-
Sida saxda ah waa الرسالة بعيدةُ
-
WAliba waad hoos dhigtay, khabar la hoos dhigo ii kow!
-
War hadalka ILlaahy seed ku fahmaysaan, luuqadii uu ku soo dagayba ma taqaaniine, Allaah yahdiikum wa yucalimukum.
Cimraan qoraalkaagii labaad hadaan arkayoo:
aad tiri:
“لقد استغربت كيف غروه بأبي إبراهيم ”
1. Mufiid ma aha hadalkan.
2. Damiirkii iyo ismigii calamka ayaad 2 macrifo meel isugu keentay, mid baaba kugu filnaaye!
3.ba’ aad aabuu ibraahiim ku dartayna maxay ahayd?
.
Nimanyahow luuqadan ciyaarta halaga daayo!
.
Horaa loo yiri: Ninkii gala waxaan fanigiisa ahayn, ataa bil cajaaib!
-
Maxaad diin noo sheegtaan, shaygiiba ma fahmaysaan mutaciliqaatkiisa iyo mutacadigiisa ama Laazimkiisa.
-
It is time aad wax baran lahaydeen, ma aydaan gaarin xiliigii aad wax sheegi lahaydeen!
Wadaad yare,
waxaad tiri:
“waxaa la sheegey iney u bateen wax riddoobey iyo wax zakadii diidey”
-
Cidii Zakada diiday way ridoobay, adigana waxaad ka dhigtay 2 qaybood:
-
1. Qayb ridoowday
-
2. Qayb Zakada diiday?
-
Aan ku waydiiyee, cidii zakada diiday, mayna ridoobin miyaa xagaaga?
Qodobada kale waynu is la fiiriinin doonaayee, kuwan soo cadee yaa W Yare.
waxgarad
Mas,alada mancu zakaatka iyo qofka diinta si toos ah uga baxey mar ay isku noqonayaanna way jiraan, mar ay kala baddalanyihiinna way jirtaa. Hadduu qofku juxuud u diido zakada isagoon rumeysneyn wuu riddoobey. Laakiin hadduu bukhlan u diido ma riddoobayo.
Wuxuusan kale oo riddoobeyn hadduu dhiibiddeeda oggolyahey, laakiin uu diidanyahey inuu dowladda u dhiibo.Laakiin dowladdu waxey xaq u leedahey iney kula dagaasho si xaqaas looga qaado hadduu showko leeyahey,hadduu fardi yahey tillaabo tacziiri ah ayaa laga qaadayaa.
TO ANAS
walalkay wax garad ayaa kubaraarijiyay oo kaa saxay khaladaadkii aad kagashay xaga tarkiibka carabiga kheyr allaha siiyo salafiga jihaadiga ah ee culuumta diineedna kamuuqata wax garad jazaahullahu kheyran
waxaan kudari lahaa oo khalad kale ah markuu risaalada kahadalayay sida uu khabrkabo ukhalday ayuu mubtadahana ukhalday oo risaaladu waa mufrad mu,anath ah mubtadaheeda wuxuu ahaa in mu,anath laga dhigo oo layiraahdo inna haadihi risaalah sida khbarkaba mu,anath unoqonayo ayuu mutaduhuna mu,anath unoqdaa waa sida fiican ama raajixa ah intaasaan oogu dari lahaa walaalkay wax garad jazaahullahu kheyran
Assalamu calaykum ikhwaanii dalkii Soomaaliyeed waa loo tashaday bad iyo berriba waa lagasoo kubaareeyay,kuwii madax baan nahay lahaana waxa la isugu yeeray UK. Waxaa laga saxiixanayaa wixii larabo. Hadal badan iyo meel-heblaan joogay waa la isla soodhaafay,walaalaha haloo duceeyo qofkaan wax taraynina carrabkiisa haka haysto.
Wadaad Yare,
.
Arintan ah why aad u claim garaysanaysaan 1.5 milyaar, hadana aydaan ula tashanaynin!
In another word, intiina isku tashada oo takfiiriya dadka kale, ama umadan waxay qabto la qaba ayaan u gartay.
.
Horta miyeeysan u banaanayn in aanay umadan gaalaysiinin, acyaanta ridowday mooyee?
-
Why aad dadka ugu riixaysaa in wax takfiiriyaan, saw ma aadan necbayn takfiiriinta!
Marna in la dhaho maxaad umadii u takfiiriseen marna in la dhaho waxba ha dhawranine na takfiiriye, ayaa ah laba contradiction isku ehe, meel isugu bata, hadii talooyinkiinu bataan waa dhib waxan yeela iyo waxan yeela, hadii laba shay oo ‘Naqiid’ isku ah aad dadka fartaana ka sii daran!
-
Umadan cid takfiirisay malaha, hadii la dhahay waa “quthaaun ka quutha’i say’
Taas nabigaaba sheegay oo muran malaha.
-
Ayadoon la takfiirinin, baa dantii kalena lagu fulinayaa.
-
I rumayso waa lagu socodsiini, shaa’uu am abaw
-
1. Xagga Illaahay kama aysan imanin oo waa rusul lama dhihin, laakiin إن الله أمر بالمؤمنين بما أمر به المرسلين
-
2. Shuuro kumay imanino waa xaalatul fawdaa, dawlad Islaami ah oo mutamaasik ah ma aysan dhaxlin, hase ahaatee intii is raacaday ee u aragtay inay yihiin dad u qumaya diinta, badbaadinayana umada diinteeda iyo aduunyadeeda, ayeey ku go’aamiyeen.Saasayba shuura ku yihiin!.
-
3. Qalaba iyo xoog miyeey ku qabsadeen aa?
Oo taas ma shaki baa kaaga jira, dhulka ay ka taliyaan maadan arkin Koonfuraha, magaalooyinka iyo duurka ay haystaan!
.
War go’e indha kala fur miyaadan arkin wilaayooyinka, Isu soo baxa, casaakirta, iyo shacabka aad adiga xataa qirsantahay in la haysto!
.
Taas hadaysna qalaba ahayn anigu maba garanayo qalaba kale.
Tankale, soo process qalabada ma socdo, aaway maxaakimtii hiiraan, jawhar, iyo afgooye joogtay, saw lagama adkaanin oo lama jabinin? Isn’t that qalaba or qayru qalabah?
.
وما الحرب إلا ما علمتم ودقتم……..وما هو عنها بالحذيث المرجّم
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
إلى أخينا (Waxgarad )
لقد أضحكنا تعليقك الذي يستحق كل الإستياء ، وذلك حيث تركت اللب والمقصد وما تحتوي الرسالة من هذف، أخي الحبيب ليس العبرة معرفة الإنسان باللغة التي يستخدمها ولكن العبرة أن تفهم مضموم ما تحمل الرسالة، وقل أن تجد كاتبا إلا وله مآخذ ما كتبه وهذا الأمر ليس عبيا على المرأ بل يعد من مناقبه لأن سجية الإنسان السهو والغلط، إنني أعيد الإستغراب لك ولأمثالك حيث يركزون أتفه الأشياء ويتركون الأصول والمقاصد العظام ، لقد بينت التعليق السابق بأن ما يكتبه الأخ أبو إبراهيم ليس فيه كبير فائدة يذكر وأن الإعادة والتكرار الأشياء المعهود لدى الإنسان نقص في معرفة الإنسان لأن ذكر تحصيل الحاصل غير مرغوب عند جماهير المثقفين الأكديميين ، فلماذا لا تعلق هذه الرؤي التي أشرتها ، أخي الحبيب دعنا عنك بأخذ الغلاف وترك اللب والعسل واتنا بفكر سليم ، وبعد تمعنن والنظر بما ادعيت من اللغة ظهر لي أنه خال عن الصحة فإن حروف الجر كالباء يستخدم بأسباب كثيرة وتدخل كل آلات الاستعانة تقول مثلا (ركبت بسيارة ) واستعنت بعصا وما شابه ذلك ، فأقول لا ينبغي للمرء أن يلبس بما ليس فيه كفى ذلك عيبا عليه فانتبه والتحق من الآن إلى الكتاتيب وابدء بالأجرومية ثم اتني لأنظر مدى استفادتك من شيخك الذي قرأت عليه ،، والسلام .
السلام عليكم
Waxgarad
شيخاً وكافراً قائمان في حراسة
رمتني بدائها وانسلت
إذا كان فيك العيب فلماذا تحمل على الآخرين بما كان فيك، اعرب هذه الجملة التي كتبتها لم أر عمري مبتدء وخبرا مرفوعان ولو قلت ليس متبدا وخبرا مرفوعان وإنتما هما اسمان منصوبان والذي نصبهما محذوف فهذا غير وارد. أيضا
Akhii Waxgarad
Mas,alada takfiirinta anigu ma dalbanayee waxaan ka wadaa jamaahiirtaas muslimiintaa oo ciidda ka badan oo adduunka dacalladiisa ku nool iyaga iyo dowladahoodu ka xukun caam ah waa isku mid oo ama waa daarul islaam oo waa inaad sidaas ula dhaqanto ama waa daarul xarbi oo waa inaad sidaas ula dhaqanto.
Marka dowladaha muslimiintaa 50 kor u dhaafaya haddaad daarul xarbi ahaan ula dhaqanto kuwii gaalada ahaana daarul xarbi kale ma daarul xarbigaan muslimiintu deggantahey ayaad xoreysaa? marna ma daarul xarbi ayaad daarul xarbi ka difaaceysaa?
Soomaaliya waa xaalad shaad ahe. Nisbada aan ka hadleyno waa midda muslimiinta guud ahaan dowladahooda iyo Alqacida ka dhaxeysa.
Cimraan,
هل رأيتم شيخاَ وكافراَ قائمان في حراسة
Waa saas jumlada, maa daamoo aad adiga qortay هل رأيتم waan iska daayay e intii aad khaladay ayaan kuu saxay
Marka aad leedahay Mubtada iyo khabar la kor dhigay ma arkin!
.
رأيت ma taqanaa inay ka mid tahay أخوات ظن oo laba mafcuul nasbistaan!
.
War heedhe, Inaan hada Nawaasikh kuu sharaxo waa time consuming!
.
Mana arkin arday nin u ah Al isticmaar ay si fiican wax u baraan!
.
Intaas markaan ka gudbo, Hadaabad khalad ku jirta oo waxaad tiri:
1. وإنتما هما اسمان منصوبان
Antumaa khidhaabka yuu ku dhacdayaa?
.
2. Wali way taagantahay arintii aad tiri: قد استغربت كيف غروه بأبي إبراهيم
inaad noo sharaxdid waxaad ula dan lahayd kalaamkan qayru mufiidka ah, Iyo ب aad ku darsatay!
War ileen, ina adeerow carabiga ood toosisa waa asalka waxbarashadaada!
.
Wadaad Yare,
-
Arintan ah Daarul Xarbi iyo Daarul Islaam wax u dhexeeya ayaa jira.
Marka ha u qaadanin Black and white, waxaa jira gray area!
Sida ay isugu khilaafeen Culimada:
-
1. Shaaficiyada Qaar kamid ah ayuu ka soo naqilay IBnul Xajar AlHaythami “Ma noqonayso Daarul kufri Idlaaqan” Tuxfatul Muxtaaf fii Sharxil Minhaaj, Xaashiyada Shirwaani Mujaladka 12 page 108
-
2. Isma bedelayso Daarul Kufri gaalo qabsatay ama axkaamta gaalada oo ka daahirtay awgeed, inta ay Msulimiintu shacaairta diinta ama inteeda badan samaynayaan. Ka Fiiri Al Anwaar li camalil Abraar lil Irdibiile 2/555
-
3. Way noqon kartaa daarul Kufri, hadii sadex shuruud laga helo:
.
a. In Axkaamta kufriga ay ka daahirto Si Muuqata, Islaamnimana aan looga dhaqmin
b. In ahaato mid ku xiriirsan Geographically dawlada gaalada xuduud ahaan.
c. In aan Muslimka iyo Dimiga ayna Amaan ku halaynin, amaankii ay ku haysteen xiligii Islaamka.
Qawlkan waxaa doortay Abuu Xaniifah. Sidoo kale waxaa ku raacay Ibnu Caabidiin, Asbijaani, iyo Xalwaani oo culimada ah. Ka fiiri Alaxmadi 1/283
-
4. Hadii ay Gaalo qabsato waxay isu bedeli Daarul Kufri Suuratan laa Xukman (Muuqaal ahaan, ma aha Xukun ahaan) Qawlkaas waxaa loo nisbeeyay Ibnu Nujay Al xanafi ka fiiri Bahrul Raaiq 3/230-231.
-
5. Hadii ay gaalo qabsato, laakiin shacabku Muslim yahay waa Daar Murakabah. Lamana dhihi karo daarul Islaam iyo daarul Kufri midna, Waana Siduu qabo Sheikhul Islaam Fatwadii Mardin. Majmuucul Fataawaa 28/241-241
-
6. Waxayna noqoni Daarul Kufri hadii Axkaamta Gaalada lagu dhaqo ama gaalo qabsato, sida hadii uu Xaakimku Ridoobo. Waana qawlka loo nisbeeyay Jumhuurta. Ka fiiri Axmadi 1/ 278 iyo Fadaani 66.
-
Daarta iyo xukunkeeda waa arin dheer hadaan ka hadalnona waqti badan bay u baahani.
Wax wayna ma aha oo madaahibtii way isku khilaafeen, xataa kuwa qaba in Daarul Islaamka aysan waligeed is bedelin, waxay qabaan in ninka xaakimka haduu ridoobo lala dagaali asaga iyo ciidankiisa even inside Daarul Islam.
Waxgarad
Khilaafka aad soo naqlisey waa sax sida ay culimo badan sheegeenna qofkaan khilaafka aqoonna caalim laguma tirin karo. قال قتادة رحمه الله : من لا يعرف الاختلاف لم يشم العلم أنفه
Laakiin haddana waxaa la doonayaa in khilaafka aan loo isticmaalin marmarsiiyo wixii la doono lagu sameeyo. Kumana sii jirto haddey arrintu ku saabsantahey dimaa, iyo furuuj.
Kolley haddaan qaldanahey waad i sixi kartaa,laakiin Alqacida waxey ku dhaqantaa ikhtiyaarka lixaad oo ugu danbeeya. Soo ma ahan? Haddii ikhtiyaar kale aad doorato wax kalaa ka ratibmaya. Waa in meel laguugu soo hagaago.
Markey saas tahey Soomaaliya oo xaalkeedu shaad yahey welina aysan arrinteedu dhinac u dhicinna xagga la iska dhigo, caalamul islaami oo dhan soo ma ahan xasba fahmil qaacidah “meel xaakimkii riddoobey ama gaalo qabsatey” oo sidaasna “daarul kufri” kuma ahan?
Waxgarad
Marka haddeysan taqriiban aysanba jirin xasba hadal fahm “daarul islaam” maxey tahey xikmadda ku jirta in afraad yar oo xukunka guudna ku hoos jira “daarul kufriga” ay qof halkaas ku dilaan ama bumbo meeshaas ku tuuraan?
Adigoo kusii darsanaya iney jiraan dad doortey ikhtiraatka kale eed adiguba soo naqlisey ee kan koowaad ama labaad.
Iyo inta badan dadka oon kugu waafaqsaneyn in madaxdu riddodey ama dalka gaalo qabsatey.
Maxey macnaa oo leedahey inaad walaalkaa ama abtigaa ama aabbahaa oo dowladda u shaqeeya aad dhabarka ka toogato inuu dowladda u shaqeeyo awgeed?
Ama intaad tagto adigoon hal dowlad oo “daarul islaam” ahba dalkaagi ku heysan aad dad ku leyso Madriid ama London?
War ninyahow Waxgaradow miyaadan marna meeshaas in wax ka qaldanyihiin fahmi karin?
Al Takfiir Wal Hijra ayaa mowqifkaas igala xikmad badan uguna dhib yar ummadda iyo naftoodaba.
to wax garad
walaal dadkaan hadaad si kasta wax oogu sharraxdid qaadan maayaan fahmina maayaan waayo waxay isugu jiraan laba qaybood qolo jahli hayo oo uu kamid yahay midaan ba,da darfiyada ah iska gashanayo meeshuu doono ama xarafkii labada mafcuul nasbisanaay madaxa ooga istaagayo waxaa lamid ah kii khabrka mu,anthka ah mudakar kadhigayay ama mubtadihii mu,annathka ahaa mudakarka kadhigayay
qaybta kale waa cinaad iyo madax adayg seef ololaysa waxaan ahayn oo xaqa lagu galin karo majirto marka walaal haku daalin wadaad xumayaal ayaana waxaan ufadwooday
daartu waxay daarul islaam kunoqon kartaa oo kalya in lagu oogayo axkaamta islaamka haday doonto dadka jooga gaalaba ha ubadnaadeene hadiise daartu waxa lagu xukumayao ay tahay axkaam kufriya dadka jooga haba ubadnaadeen muslimiin hady rabaan shacaar hakamuuqato sida xijaabka jameecada masaajidka lama oran karo waa daar isslaam culimada qabta waa daar islaamna qowlkoodu waa daciif wa ra,yi marduud ah arrinkaasna waxaa si fiican ooga hadlay sheeykhul islaam ibnu teymiyyah majmuucadiisa tafaawad meela badan ayuu ooga hadlay marka walaal wax garad kheyr allaha kusiiyo waqtiga aad kuwaan nooga luminaysid meel kale noo gali kuwaan anagaa seeef ooga shaqayn doona insha allah
Yaa Abu Ramlah
Ninyahow dagaalku wuu wejiyo badanyahey Waxgaradna kaalin weyn oo raggiinna seeftu aydnan buuxin karin ayuu idiinku aaddanyahee arrinta seef kaliya hakusoo koobin. Seef aan kaabayaal kale heysan meel kuma tegeyside.kkk
Dhinac ruuxi ah, dhinac akhlaaqi ah oo adigu aad qudwo hufnaanta,naxariista iyo u dhimrinta aad noqoto, shabakad cilaaqaat ijtimaaci ah oo mug leh, mid siyaasad iyo diblumaasiyad. Mid fanka iyo suugaanta ah. Mushrikiintii Carbeed markuu la shicirtamey Xasaan Ibnu Thaabit ayey yiraahdeen “wallaahi ninkaani waan la dagaalney suu dagaalkii buu nooga adkaadey, waan la shicirtanney saa shicirkiibuu nooga adkaadey, wallaahi kan Ilaaheybaa watee aan rumeyno”!
Majaalaatka xiwaarka cilmigaa oo u baahan baaca baxthiga iyo iddilaaca waasicaa rag ka muuqda oo ugu yaraan dib looga joogsado uma baahnidin miyaa? Ee waxaad kaliya ood u baahantihiin askar dadka u indho guduudisa oo jallaadiin ah?
In markaad wax sheegtaba lagu raaco kaliya muhimku maahan.Laakiin wujhatu nadarkaaga inaad iyadoo boos leh soo gudbin karto ayaa la rabaa. Taasna jallaadku ma karee rag wax yaqaanna oo deggan oon dadka u indho guduudin unbaa kara.
Sh.Xasaan iyo Wax garadkaan iyo Cabdullaahi Raabbi iyo ninkii maalintii dhoweyd difaacey Sh. Xasan Takar ee Al Muqdishi iyo qaar kaloo badan oon Shabaabka ku arkey haddeysan Shabaabku heysan laheyn sha,nigoodu meesha uu gaarey ma gaari laheyn oo qoriga kaligiis wax kuma aysan noqdeene la soco.
السلام عليكم
To: Waxgarad
قد استغربت كيف غروه بأبي إبراهيم
أخي الفاضل عدم علم المرء بشيء لا يجعله معدوما. فإذا لم تدرك معنى الكلمة لا يستلزم ذلك أنه لحن فإن الجملة لابد أن أشرح لك بلغة الصومالية حيث أني مضر إلى ذلك لإيصال المعلومة إليك .
Walaal kalmadu mecnaheedu waxaa weeye (waxaan la yaabay sida ay u kediyeen Abuu ibraahim) maxaa yeelay adiga oo kale ayaa amaan u soo qoraya markaa ayuu qalimkiisa qaadanaya oo qoraya wax aan faaiido u lahayn aakhiro iyo aduunba.
أظن أنني لم آل جهدا بإفهامك ولكن ماذا يغني الضرير عن عدم رؤية الشمس أن قال : اليوم يوم غيم.
To: Waxgarad
1. وإنتما هما اسمان منصوبان
هذه الجملة من سبق القلم والقصد كان (وإنما هما اسمان منصوبان
Cimraanow afcaytamay Ninkiisuu kuyaalaa! Abuuibraahiim waakawayn yahay Nin laduufsado ama lagu kadiyo maxaa yeelay asagaan kaqaadannaa casharro iyo Cibro qaadasho waxyaabo badan oo annaan war uhayn!
Midda labaad mawaxaad kaxuntahay dhacdooyinka uu soogudbinayo oo looga markhaati furay in aysan ahayn wax lagu riyooday ee ay yihiin dhagrtii aad gasheen oo aad dadbadan kaqariseen ama sikhaldan ugu sheegteen.
Hadii taariiqdiinii foosha xumayd lasoogudbiyey mawaxay noqotay wax aan faa’iido lahayn aduun iyo aakhiraba!? Markaad samaynayseen ficilka xunka ah soo ma’idnaan ogayn in uu yahay wax aan faa’iido lahayn aduun iyo aakhiraba! Bal la’idin ku cinqaabi doono hadiidnaan katoobad keenin
Geed qabso adiga iyo saaxiibadaa! Abuuibraahiim Allaha ka’ajarsiiyo taariiqda uu ummadda usoodugbiyey iyo manhajkiina Murji’ada ah!
TO WADAAD XUME WADAD YARE
kkkk miyaad cabsatay? hagaadho hagaadhee hadaadan towbad kenin ama aadan mujaahidiinta kagaabsanin iney seeftu kumarayso waa hubaal inshaa,a rraxmaan bi,idnillah
Abuu Ramlah
Ninkaan cabsan waa loo cabsadaa, cabsiduna waxey ka mid tahey difaaca aadanuhu khatarta uga badbaado.
Waxa har iyo habeen “mujaahdiinta” i dabo dhigeyba waa cabsida aan ka qabo. Haddaan ogahey in jaanibkoodu ma,muun yahey oonan ka cabsaneyn intaan hortooda tago ayaan la niqaashi lahaa. Markaasna daliilka iyo xujada xoogga leh ayaa dad heli laheyd.
Laakiin hadda “mujaahidiintu” waxey isku gedaameen jaahiliin iyo jallaadiin warmo iyo seefo la rooraya oon qofna dhegeysaneyn.
“Seefteennu way kusoo gaareysaa” ayaa tiri! Waa macquul iney isoo gaarto, naftuna ajal ayey leedahey, aniga horteyna akhyaar badan ayaa gacantiinna ku maqan. Ma kuwaas ayaan ka fiicanahey?
To: Garsuge
أعتذر إلى سادة القراء حيث لا يفرق بعض الإخوة بين النصيحة والمناصحة وبين السب والشتم ، فالأخ الذي رمز باسمه لقد أسأت الفهم ولم تصب ، فإني لست من أصحاب الشتائم وليس من عادتي ، وأتسائل أين التاريخ التي تدافعون عنها ، فإسناد الفضل لأهله فضيلة، إن حزب الاتحاد في الصومال له دورا كبير في نشر الدعوة وبث روح الإسلام في الصومال وهوأمر ملموس لا ينكر ذلك إلا مكابر عن حقيقة التي لا مفر منها، أخي الحبيب أين أنت وأمثالك أيام الدعوة في الصومال ، أظنك كنت في غيبوبة ، لا ينفعك أن تبرر بما تقوم من أعمال لاصلة بالإسلام من تكفير وتفسيق وجحد لأهل الفضل فضلهم ، أما آن .لك أن تستيقظ من سباتك العميق، أرجو أن لا تكون سطحيا يتع كل ناعق بدون علم
Wadaad yare,
Qodobada in la isku khaldo ma aha.
-
1. Horta qodobka 6aad haday doortaan, kuma aysan ceeboobine, waaba qawlkii Jumhuurta, marka waxay raaceen meesha loo batay!
Taasi waa manqaba
-
Anigu ra’yiyan waxaaan door bidayaa Ikhtiyaarka Sheikhul Islam ee ah qodobka 5aad (Daarul Murakabah) oo shicibkuna Muslim yahay, maamulkuna uusan ahayn. Mushakal juice ma maqli jirtay.
-
Intaas markaan ka gudubno, xitaa hadii daarul Islaam aamba ka soo qaadno, kama dhalanayso hadii uu xaakimku ridoobo inaan lala dagaali Karin.
Taas cid tiri ma aanaan maqlin!
-
2. Xaakimku haduu ridoobo:
Diintii ayuu ka baxay, waxaana ka ratibmaysa axkaam:
A. In lala dagaali karo.
-
B. In la dili karo, ayadoo loo daliilsanayo “Man badala diinahuu, faqtuluuhu”
Lafdiga ‘Man’ wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ku tusiya Xasri, marka ama ha ahaado xaakim ama Maxkuume, xadiithku waa ku dhalanayaa.
-
C. Cidii soo raacda in la raaciyo, sababtoo ah waa ansaartiisa, ‘Ina Fircawna wa Haamaana WAJAUNUUDAHUMAA…”
Aayadaas Illaahay wuxuu nagu baray in ciidanku la xukun noqdaan qaaidka.
-
Arimahan kale ee ah maxaa faaido ah oo ku jirta abtigaa, aabahaa iyo ehelkaaga ku jira nidaamka oo la laayo.
-
Ehelkaaga iyo ehelkayga toona axkaam gooniya ma laha, si fair ah bay ula siman yihiin dadka kale, marka macna badan ma samaynayso ehelnimadiisa, shareecaduna ma taqaano favoritism!
-
Taasi hadaad ehelnimo u fiirisid waa immoral, khilaafsan hadyigii Nabiga SCW. Dagaalkii Badar, Abuu Cubaydah Aabihiis wuu ku tagay, Cumar Binu Khidhaab asna abtigiis buu u dhameeyay, Allaahna wuxuu ku soo dajiyay ‘Laa tajidu qawman….’
-
Igu khilaafsanaanta Ridada kuwa ridoobayna, ma aha khilaaf muctabar ah. Maadaamoo aysan haynin Nas Quraan iyo Sunno ah walaa Ijmaac ah.
-
Hada ruuxii igu khilaafa axkaamta daarta waa khilaaf muctabar noqon kara, laakin kuwa Rabbi ku tamaruday, ridadooda ma aha mas’alo khilaafi ah, e waa Ijmaac siday culimadii Islaamka ku fasireen aayadaha quraanka.
-
In ninkii cadaw la soo safta uu xeradii Islaamka ka baxayo waa Ijmaac. Waxaana Ijmaaca soo naqilay Ibnu Cabdil Bari, Ibnu Xazam, Ibnu Taymiah, iyo qayrkoodba.
-
Qiyaaska saxiixa ahna saasuuba qabaa, oo caqligu wuxuu sheegayaa in ruuxii khiyaana Qaran gala in loo dhameeyo. Treason iyo espionage aduunka waa la isku khaarajiyaa ruuxii lagu helo.
-
Haday kuwii wadanka ilaashan jiray saas u fikireen, khiyaanadee ka wayn in cadawgii Umada la soo horqaado?
Cimraan,
-
Walaal erayga aad tiri:
“قد استغربت كيف غروه بأبي إبراهيم”
-
Jumladaas hadaad si fiican u fiirisid khalad ayaa ku jirta, horaybaana kuugu tilmaamay.
-
Tarjamada aad saartay ee ah, “waxaan la yaabay sida ay u kediyeen Abuu ibraahim”
-
Waa khalad!
-
Hadaan ‘Hint’ ku siiyo damiirka غروه yuu ku dhacayaa?
-
Still, waad sii wadaa khaladkaagii, oo hada qoraalkaagii u dambeeyay, waxaad tiri:
“فإني لست من أصحاب الشتائم وليس من عادتي”
-
Bal wakaas وليس من عادتي
-
Meel saar!
-
Ugu dambayntii, inaan khaladkaaga soo saaro waxaa igu kalifay, adiga ayaa nin wax qoray daba dhigatay, hadaad qodoba la taaban karo ku daba dhigan lahayd, waaban fahmi lahaa, laakiin khilaaf aan cadayn buu ahaa.
-
Waxgarad
Mas,alada ah in xaakimka lagu baxo iyo in bumbo si xikmad la,aan ah meel kasta loogu tuuro waa kala labo. Xaakimka haddii inta lagu baxo shartiisi shar ka yar imaaneyso waa arrin la fahmi karo. Laakiin waxaan diiddanahey “Al khuruuj min ajlil khuruuj” “Al xarbu min ajlil xarb”
Anigu waxaan qabaa in Jihaadiyiintu waxa ay wadaan ay isku baddaleen “al khuruuj min ajlil khuruuj” “al xarbu min ajlil xarb”
Iney sidaas tahey iyo ineysan aheyn sida muuqata nusuus laguma fahmi karo oo waaqic na hor yaalla khasaaradiisa iyo faa,iidadiisa yaa badan nusuus ma sheegtee garashadeennaa lagu fahmi karaa.
Qiimeyntaas waaqicana isku si uma aqrineyno oo jihaadiyiintuna si ayey u qarinayaan, dadka kalena si ka geddisan.
Haddaba nusuusta iyo waaqica cilaaqo ayaa ka dhaxeysa. Oo wixii maslaxo ku jirto lana awoodo in la sameeyo waa la isku waafaqsanyahey. Laakiin qiimeynta maxaa la awoodaa maxaase maslaxo ku jirtaa ayaa aad loogu kala aragti duwanyahey.
Yaa xakam ah marka oo taqdiirintaas nagu kala saaraya? Anigu haddaan wax badan jihaadiyiinta la doodayey waan arki waayey xakam aan ka aheyn zamanka oo arrintaas nagu kala saari kara.
Aan sugno kolley meel unbey sal dhigan doontaaye
Wadaad yare,
-
Horta waxaan soo jarnay dariiq dheer iyo shawdh.
-
Waxaan soo marnay in daarta la isku khilaafay. Jumhuurtuna ay tiri cida xukunta ayeey la xukun tahay.
-
Waxaan soo marnay in xaakimka haduu ridoobo lagu bixi karo.
-
Waxaan soo marnay in la ridoobi karo, cidii ridowdana iyo ciidankeedaba isku si loola deal garayni.
-
Hada waxaynu maraynaa, Al masaalix wal Mafaasid.
.
Waxaa la yiri (Baabul Masaalix wal Mafaasid: waa baab aad u khatar badan, cid kastana way ka faaidaysan kartaa inay wax ku xarimto kuna xalaalayso, waana halka madkhal ee u furan Zanaadiqada inay diinta ka burburiyaan)
-
Xaakimka horta asagaa kharaja canillaahi warasuulih wal muslimiin. Asagaaba khaarij ah, umadu asalkeedii bay joogaan, haba yaraadaane.
-
Laba ayaan ukala qaadaynaa:
-
1. Xaakim Muslim ah oo Faasiq ah: Kaas culimadu way isku khilaafeen in lagu baxo.
-
A. Waa lagu bixi karaa haduu faasiq noqdo, waana mad’hab qadiim ah waxaana qabay saxaabadii qaar ka mid ah, sida Xusein Binu Cali Radiyallahu canhu (Sayidu shabaabi ahlil Jannah), Abdullaahi binu Zubeir, alhul madiinah waqcadii xararh, Abuu xanifah, Maalik, Siciid ibnu Jubair iyo qayrkood.
-
B. Laguma bixi karo xaakimka faasiqa ah ama caasiga ah: qawlkaas waxaa qabay A llaahi binu cumar, Xasanul Bisri, iyo qayrkoodba waana say u bateen muta’khiriinta.
-
Imaamu Nawawi wuxuu yiri: “Sababta uusan u cazilmaynin {faasiqa} iyo in lagu baxo toona waxyaabaha ka ratibma arinkaas oo ah fitan, iyo dhiig daata, fasaadu daatal bayn, oo ay noqoto cazilkiisa mafsado ka wayn in uu joogo” Mihaajka
-
-
2. Xaakimka gaalooba, iyo tasaludhka gaalada: Waa waajib in lagu baxaa, taasna waxaa laga soo qaatay qawluhuu tacalaa: (Wa qaatiluuhum xataa laa takuuna fitnah….”
-
A. Badbaadinta Diinta ayaa ka horaysa badbaadinta Nafta. Sidaa darteed nafta ayaa loo huri difaaca diinta. Fitnada ayaana ka daran dilka. Fitnaduna waa Kufriga.
-
B. Aduunyada wax wayn ma aha: Imaamu Shaadhibi wuxuu yiri: “Aduunyada ma aha maslaxa ama mafsado maxdi ah, taas haday dhici lahayd ibtilaaga iyo ikhtibaarka ayaaba xumaan lahaa, janadana lagu xayndaabeen wax naftu diido” Al muwaafaqaat
-
C. Jabka iyo guushana Illaahay baa bixiya, guusha asalkana waa ku dhaganaanta tawxiidka iyo mabaadi’da rabaaniga. Asxabul Ukhduud ayagoo dhamaaday buu Allaah ku tilmaamay “Fawzul cadiim”
-
Isku soo duuboo, Wadaad Yare, aniga iyo adigaba xaq baan raadinaynaa. Allaha ina waafajiyo, e xaqqa Allaah ka imaaday ha ka shakinin, kitaabka allena ka dhigo daliil.