DHAGAYSO: Bashir Salaad Oo Leh Manhajka Al-ictisaam Ayaan Sharaxayaa Oo Ku Daray Manhajka Al-ictisaam Qodobadii United Nationka Ee Sh Abu C/raxmaan Alcumari Ka hadlay! (حظر أي نظام إسلامي يطبق الشريعة في العالم)


GOB-ISLAM:-
Golaha Baraaruga Islaamku hadda, kama hadlayo wixii niqaash ah, laakiin si hordhaca ama war ahaan ah ayaan idin kugu soo gudbinaynaa, Bashiir Axmed Salaad oo sheegay in uu bilaabayo Daruus uu oga hadlayo Manhajka Xarakada Al-ictisaam Bil Kitaab Wa’Sunnah.

Wuxuu iska duubay Cajal lagu daabacay Shabakadaha Al-ictisaam, Bashir Salaad wuxuu sheegay maadaama uu og yahay in Copy Right,ka ama Xuquuqda lagu qabsanayo wuxuu sheegay in ay Manhajkooda ka qaateen meelo badan, sida Kitaab uu leeyahay Sheeh Abu Xasan Almarabi, oo aan ka hadli doonno wuxuu yahay iyo wuxuu aamisan yahay Manhajkiisana aan cadayn doonno Insha Allah, isla markaana aan idin hayno Dood Abu Xasan Marabi iyo Sheekh Xasaan Xuseen Abu Salmaan dhex martay.

Bashiir Salaad wuxuu sheegay Manhajkaan in ay diyaariyeen Guddi u qaabilsan Jamaacada Al-ictisaam Cilmi baarista Diinigaa, wuxuu kale oo uu sheegay in uu dhammaan Ragga Al-ictisaam ka tirsan ee qurbaha jooga loo diray Manhajka Jaamacada oo wixii talaa ay ka dhiibteen. Wuxuu sheegay in ay Manhajkaan qaateen, isla markaana uu u akhrin doono Duruus ahaan, wuxuuna hadda Akhriyey 35 Daqiiqo oo muuqaal ah, waxaana la sheegay qaybtii koowaad in ay tahay.

Ikhwaani dhowr qodob ayaan si hordhaca u sheegaynaa.

Horta la isma gaarin oo qaybtii ugu horaysay ayey Shabakadaha Al-ictisaamku daabaceen, laakiin qodobadaan ayaa muhiim ah, in la ogaado.

(1) Haddii ay u dhan yihiin Culimada Al-ictisaam Manhajkaan uu qayb kamida Bashiir Salaad akhriyey gurigooda ayaa ba’ay waa hoogeen, haddii aysan u dhamayn oo ay tahay Bashiir wuxuu samaystayna hadde ayagaa sheegi doona ciddii uu Manhajkooda caddeeyey ayaa ama beenin doonta ama Manhajkooda aan baran doonaa.

(2) Jamaacadu markii ugu horaysay ma ahan ee ay Manhaj keeda badasho, Sanadkii 2009 ayey ahayd markii ay Garoowe ku dajiyeen Manhaj Gaalnimo iyo Irjaa ka buuxo, Ninkaan dhagaysan ha ugu noqdo Cajaladaha Sheekh Xasaan Xuseen ka duubay, waa 18 Cajal hoos ayaan Insha Allah Muuqaalka koowaad galinaynaa kadibna Magaceeda kaga raadso youtube ka.

(3) Sheekh Abu Xasan Al marabi, Manhajkiisa tolow ma iska hubiyeen Al-ictisaamku?, waa kuma Al marabi? waxay u baahan tahay si gooniya in loo radiyo oo looga niqaasho.

(4) Bashiir Salaad Shinbir maalin ayey Dab qaaday maalintiina Buul keeda ayey gubtay ayaa Soomaalidu tiraahdaan, markii ay wareereen Al-ictisaamku ayey leeyihiin Manhajkeena ayaan sharaxaynaa Nin wareeray ma u malaynaysaa in uu cid Manhajka Asagu ku wareeray uu u sharixi karo?.

(5) Haddii Manhajka Bashiir Salaad Akhriyey qaar kamida, oo Al-ictisaamku isku raacsan yihiin, maxay United Nation ka ugu raacan Qodobka ah in ay ka tanaasuleen in aysan Khilaafo Islaamiya aysan raadin? mase laga yaabaa qodobkaas in ay wax ka soo noqdaan, maadaama uu khilaafsan yahay Manhajka Salafka?.

(6) Cajalka Bashiir Salaad waxaa lagu daah furayNashiido la leeyahay Argagaxiso dooni mayno!, Tolow waayo Argagaxisada ay ka hadlayaan?, Ma soo celinta Khilaafada Islaamigaabaa??.

Manhajka Al-ictisaam wuxuu kudaray Bashiir Salaad ama Al-ictisaamkii diyaariyey ay qoreen sidaan oo ah Khaladka aan ku haysano qaybta Koowaad ee hordha Manhajka Bashiir Salaad Akhriyey markuu Akhrinayey waxaan hadaladiisa ka xusi karnaa.

“In aan Khilaafo Islaamiyah aysan ugu jirin qorshaha oo Dadka loo baahan yahay haddii uu baadiyo joogo iyo haddii kale in uu iska cibaadaysto, xalaasha cuno, Salaadda tokodo, xaaraanta ka dheeraado, waayo buu yiri haddii Khilaafo Islaamiya la raadiyo oo lagu fashilmo waxaa la moodayaa Shareecadii Islaamku in ay fashilantay.”

“Marka Dadka qaarkiis waxaa laga yaabaa in ay dhahaan oo is weydiiyaan Jamaacaadka qaar ayaa soo celinta Khilaafada Islaamigaa qorta ee maxaa idin kudhacay, taasi cibaado Rabi naas ayaan ka dooranay oo ah Dadku in ay Ilaahay caabudaan taas ayaa ka gudo weyn, Jihaad iyo Khilaafo soo celinteeda!“.

Muuqaalka iyo Manhajka uu sharaxayo u raadso Shabakadaha Al-ctisaamka, laakiin Qodobka aan ku haysano ee Khilaafo qorshaha nooguma jirto Warkii United Nation ka weeye. Subxaanallah, Ikhwaani Walaahi Manhajkaan gaar ahaan Qodobkaan  Gaalada midowday United Nation ayaa dajisay, aan idin xasuusinno,

Sheekh Cismaan Shire Abu C/raxmaan Alcumari, Risaaladii uu dhawaan qoray, ee Magaceedu ahaa Duulaanka Itoobiya Shalay iyo Maantay, wuxuu ku keenay 5 Qodob oo Gaalada Midowday ay dajiyeen (United Nation) , waxaa kamid ahaa Qodobkaan Bashiir Salaad uu ku daray Manhajka Jamaacada Al-ictisaam ee ah Khilaafo Islaamiya Qorshaha kuma jirto mana samayn karaan Muslimiintu..

Sidaan ayaa Shanta Qodob u qornaayeen United Nation ku dajiyeen Gaalada midowday.

(1) In la joojiyo Nadaamkasta oo Islaamiya oo Shareecada Islaamka hirgalinaya!.
(2) In la joojiyo Ciidankasta oo Islaama in Caalamka laga hirgaliyo!.
(3) In la joojiyo Muslimiintu in ay ku midoobaan hal nadaam ama hal dowlad Sida Khilaafa Islaamiya!.
(4) In la joojiyo Xaraka kasta ama ciddii  u istaagta Qodobada Saddexda ah ee kor lagu soo sheegay!.

  1. حظر أي نظام إسلامي يطبق الشريعة في العالم.

  2. حظر أي جيش ذي توجه إسلامي في العالم.

  3. حظر أي اجتماع للمسلمين تحت نظام واحد.

حظر أي منظمة أو حركة تسعى إلى تحقيق المحظورات السابقة .4

Ikhwaani waa dhaweyd waa tii uu Mahigo Bashir Salaad, Cali Wajiis iyo Rag kale oo Culimo lagu sheegay uu ku shirsaday Villa Soomaaliya malaga yaabaa in uu Qodobadaan u dhiibay!? waxaan saas u niri Mahigo Shaqaalaha Gaalada midowday ayuu kamid yahay (United Nation).

Waraysigii Sheekh Cismaan Shire Risaaladiisa kaga hadlay iyo Risaaladii HALKAAN RIIX AMA GUJI 

DHAGAYSO Bashir Salaad oo Sharxaya Manhajka Al-ictisaam gaar ahaan Qodobka Khilaafada Islaamiyaa oo ay ka tanaasuleen Xarakadu, MP3 Halkaan Riix Ama Guj

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Dhagayso Manhajka Al-ictisaam Qaybtii koowaad oo dhamaystiran cadaalad ahaan ayaan usoo galinaynaa iyo in Culimada iyo Ducaada Rabaaniyiintaa ay radiyaan markay Maqalka oo dhamaystiran ay dhagaystaan maadaama aanan Soomaliya daawashada Muuqaalku uusan sahlanayn khadka Internetka Awgeed, MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Waxay  daliishadeen Rabi naas, Towxiidu Rabuubiya ayey taagan yihiin , wali masoo gaarin Towxiidu Uluuhiya, Kufaartii quray sheed ayaa laga yeeli lahaa in ay Xaramka iska dhex joogaan oo Cibaado ku faanaan, oo yiraahdaan Jihaadka Cibaadada ayaa ka khayr badan C/laahi Ibnu Cabaas Ilaahay haka raali noqdee wuxuu yiri  markuu sharaxayey Aayaadka hoos ku qoran ee looga hadlay Dadka Jihaadka oo ah Islaamka baarka ugu saraysa ka fariistay, sida in ay Xaramka cibaado u fariisteen, ama Ganacsi galeen, ama Tolkooda Gaalnimo ku raaceen,

عن ابن عباس في تفسير هذه الآية ، قال : إن المشركين قالوا : عمارة بيت الله ، وقيام على السقاية ، خير ممن آمن وجاهد ، وكانوا يفخرون بالحرم ويستكبرون به من أجل أنهم أهله وعماره ، فذكر الله استكبارهم وإعراضهم ، فقال لأهل الحرم من المشركين

 

 

 

 

 

“Mushrikiintu waxay dheheen, Guriga Allah oo la camiro, iyo Xaajiyaasha oo la waraabiyo, ayaa ka khayr badan Qof Jihaaday, waxayna ahaayeen  kuwo ku faana Xaramka, oo is kibrya, maadaama ay isku haystaan in ay yihiin kuwo Masaajidka Xaramka camiray, markaas ayaa Allah kawaramay Kibirkooda iyo jeesashadooda”  Ka eeg Tafsiirka Ibnu Kathiir, Macaanida Aayadka aad hoos ka akhrin doontaan ee Ibnu Cabaas sharaxayo.


سُوۡرَةُ التّوبَة

۞أَجَعَلۡتُمۡ سِقَايَةَ ٱلۡحَآجِّ وَعِمَارَةَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ كَمَنۡ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأَخِرِ وَجَـٰهَدَ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ‌ۚ لَا يَسۡتَوُ ۥنَ عِندَ ٱللَّهِ‌ۗ وَٱللَّهُ لَا يَہۡدِى ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ


(١٩) 
ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَهَاجَرُواْ وَجَـٰهَدُواْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ بِأَمۡوَٲلِهِمۡ وَأَنفُسِہِمۡ أَعۡظَمُ دَرَجَةً عِندَ ٱللَّهِ‌ۚ وَأُوْلَـٰٓٮِٕكَ هُمُ ٱلۡفَآٮِٕزُونَ (٢٠)

يُبَشِّرُهُمۡ رَبُّهُم بِرَحۡمَةٍ۬ مِّنۡهُ وَرِضۡوَٲنٍ۬ وَجَنَّـٰتٍ۬ لَّهُمۡ فِيہَا نَعِيمٌ۬ مُّقِيمٌ (٢١) 

خَـٰلِدِينَ فِيہَآ أَبَدًا‌ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عِندَهُ ۥۤ أَجۡرٌ عَظِيمٌ۬ (٢٢)

 

يَـٰٓأَيُّہَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُوٓاْ ءَابَآءَكُمۡ وَإِخۡوَٲنَكُمۡ أَوۡلِيَآءَ إِنِ ٱسۡتَحَبُّواْ ٱلۡڪُفۡرَ عَلَى ٱلۡإِيمَـٰنِ‌ۚ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمۡ فَأُوْلَـٰٓٮِٕكَ هُمُ ٱلظَّـٰلِمُونَ (٢٣)

قُلۡ إِن كَانَ ءَابَآؤُكُمۡ وَأَبۡنَآؤُڪُمۡ وَإِخۡوَٲنُكُمۡ وَأَزۡوَٲجُكُمۡ وَعَشِيرَتُكُمۡ وَأَمۡوَٲلٌ ٱقۡتَرَفۡتُمُوهَا وَتِجَـٰرَةٌ۬ تَخۡشَوۡنَ كَسَادَهَا وَمَسَـٰكِنُ تَرۡضَوۡنَهَآ أَحَبَّ إِلَيۡڪُم مِّنَ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَجِهَادٍ۬ فِى سَبِيلِهِۦ فَتَرَبَّصُواْ حَتَّىٰ يَأۡتِىَ ٱللَّهُ بِأَمۡرِهِۦ‌ۗ وَٱللَّهُ لَا يَہۡدِى ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡفَـٰسِقِينَ

 

Insha Allah Walaalihiin Golaha Baraaruga Islaamka haddii aan nahay waan ka hadli doonnaa, waxaan sugaynaa inta ay Manhajka ay ku wareereen ay Shacabka Soomaaliyeed u sharaxayaan, waxaa aad wax loola yaabo ah Xarako dhowrkii Sanaba sii daciifaysa oo ka tanaasulaysa Ma’baadiida Islaamka sida Khilaafada Islaamka oo Gaalada midowday ay diideen.

Maantay in Qof Islaama oo Urur Islaamiya oo Salafiya sheeganaya Umada Muslimiinana raba in uu Magac Culimo ku hogaamiyo uu yiraahdo qorshaha nooguma jirto Khilaafo Islaamiya waxay ila nala tahay Qof kasta qiimaha Ururkaas leeyahay iyo han yaridiisa in uu miisaan saari karo.

Halkaan ka Daawo Sheekh Xasaan oo ka hadlay Shirkii Garoowe Sanadkii 2009 ay Al-ictisaamku Manhajkooda ku badaleen, CajaladuhuYoutube ka ayey ku jiraan waa 18 Cajal, ama Muuqaal, xiligii Youtube uusan waxban qaadi jirin ayaa la galiyey, marka Cajaladaha inta kale Raadso Adiga oo raacaya xeerka 1/18 macmaheedu waa Cajalka koowaad, Ciwaanka ama Magacuna waa sidaan, hoos ku qoran,

1/18 Bayaankii Ictisaam Garowe – Sh Xasaan Xuseen

DAAWO HALKAAN RIIX AMA GUJI SI AAD CAJALADAHA KALE U ARAGTO  

Golaha Baraaruga Islaamka Gob-Islam

Somalimidnimo.com

13 Responses

  1. Waxgarad says:

    Laa xawla walaa quwata ilaa bilaahil caliyil cadiim.
    .
    Somalidu waxay dhahdaa nabar aad filaysay naxdin ma laha!
    .
    IMaamada iyo khilaafada waxay ku jirtaa kutubta caqiidada sida Al fisal fil Milal Ibnul xazam iyo Al milal wal naxli li Shahrastani.
    .
    Marka waa waajib in la nasbiyo IMaam diinta xifdiya, sababtoo ah fawdo ma soconayso!
    .
    Sheikhayga baa wuxuu nooga sheekayay in IBnu Xazam uu ku sheegay Murji’ada qaybta Karaamiyada la dhaho inay aaminsanyihiin in 2 Khaliif hal mar la samaysan karo!
    -
    Taasina waxay ka hor imaani Caqiidada Ahlul Sunnah wal Jamaacah ee qabta in 1 khaliif la samaysto!
    -
    Illaahow nagu noolee Miladii Nabi Maxamed naguna Oofso Sunnadiisii.
    -
    Arinta saan kuma daynayno, e waxaan ka war dhowrayaa inta kale Ictisaamka inay ku waafaqaaan Dr. Bashiir arintan iyo inay say diinta tiri la saftaan!
    -
    Walow aan shaki badan ka qabo sida loo heli doono Ruux ICtisaam ah oo ka hor imaada Baadhilka Amiirkooda!
    -
    Waa bidco cusub iyo manhajkii Karaamiyada Murji’ada oo tartiib tartiib loogu xuub siibanayo!
    -
    Baabul kufri wal iimaan baa horay loogu inxiraafay, hadana waa Imaamadii, barina Saxaabadii, bari dambena Sifaatkii.

  2. Axmed Cali says:

    Shiikh waxgarad waa sida aad sheegtay nin yiri manhaj ayaan dagsanayaa khilaafo iyo imaamna qaayo ma ahan cibaadaa ah waxaa la garan karaan mustawihiisa xagga caqiidada marka aan sugno bal in ay la qabaan culimada uu afkooda ku hadlayo iyo in kale.

    akhyaar gobislam la baxday ayaa yiri towxiidka uu dadka ugu yeerayo waa towxiidu rabuubiya marka halkaas ka fahan in wax khaldan yihiin, gaaladu waa og yihiin in Allah abuuray kuwii xiliga nabiga joogayna waa ogaayeen, marka nin aan xukunka Allah u dayninin ee raba dadka waxay og yihiin in uu u sheego qaayadiisu waa maxay sidee ayuu rabaa in dadku janada ku galaan haddii aysan isku xukumin kitaabka allah oo aysan raadin imaamk iyo khilaafo ?

    arinta unka ah shaki weyn baan ka qabaa in la afduubay xarakada marka bal aan kawarsugno

  3. Abu Qataata says:

    kkk ictisaam waa wareereen hadana ma un ayey manhajkoodii qaateen, bashir iyo nimankii manhajkaan qoray dib ha ugu laabtaan gabal diinta kamida ma ahan isku xukuna shareecadu waa sida waxgarad sheegay kitaabada caqiidada dib ugu laabta إعادة إقامة الخلافة واجب شرعي على المسلمين

    markii ninkii manhajkiisa ka saaray waa cilmi yari jahli ama waa kibir

  4. Bint Soomaal says:

    ilaahoow facshir fadhiisi umada ha wada arkaanee

  5. Abuu fatima says:

    Markhaatiga waxaad ugu furteen mayti Ictisaame
    Saylacaa masaladaan marhore muujay darafkeede
    Mindi lagu qalaayuu Bashiir saaray madaxoode
    Waatii muftiga laga curshoo aydin maqasheene
    Maantana mataahaad kaluu muujinaha yaaye
    Muflis iyo faqiir weeye iyo duul mucsurahaaye
    Miisaanka diinkiyo kalume mawjadeediiye
    Mahlakiyo bahgooyey lugaha maantay saareene
    Magacood inuu ba,ay ayey maanta joog taaye
    Mudutuusha waayahan kuwaan muuqay hadafkoode
    Miftaaxiisu ruuxuu lumee baladu maagayso
    Waxaa laga malaasaa qalbiga moolka kaydkiise
    Mawjadiyo dabaylaa kufuran qariya maankiise
    Magawsiga fisqiga waa cabaa ama macaasiiye
    Rabigay wuxuu maanicana waw macaanayde
    Miskiin xabashiyiyo Burundibaad madaxa goyseene
    Janana kuma mutaystaan inaad gaalo marisaane
    Miduu ina Salaad shalay yiriyo maragi wee yaane
    Waxaad maanta sugaysaana waa malahay tiisiiye
    Muqdishoo kufrigu taagan yahay maatadana laayo
    Misbaaxdiyo iftiinkuna shidnaa malaha dayniile
    Shacbiguna mushaaxaan halkiyo calamo meeshooda
    Minhaajkiyo shareecada Alana muuqdo dhankiisu
    Mujaahidiintu taatiik dhigyoo mari difaaciisa
    Maalin qura intay uga bexeen xeelad malabaysan
    Waatuu macaac yiri Fansalakh miidiyana booqday
    Mulkiyaay kufriga uu lahaa moobilaw diraye
    Muslimkana shiqaaqay wadaan mariyey goortiiye
    Mufti Kiinya joogana asana waad maqlayseene
    Moy Kibaaki hadalkuu lahaa Umal ka meer meerye
    Marmarsiinyo waatuu kadhigay baytil may galaye
    U ducee Mahiigoo duqana waad maqlayseene
    Maaiduu ku daah furay markuu dhiibay magiciise
    Yamays moola oo hoos u qodan way muquurteene
    Ictisaam makaabkiis jabyoo maato laga yeelye
    Miskiin iyo caruur baw hariyo maato taag darane
    Mir fayowna laga dhawr hadaad maagi laydeene
    Macalaha kuwii cunayey baa muunad uga roone
    Inaan suufi maagaa karoon magac yadoodiiye
    Mariid iyo waxay dhagar galeen muuji Rabigaye
    Mahlakay dhexdeed taagan yiin moolal hoos qodane
    Ayagiyo Masiixiyadu waa mala walaalaaye
    Bal dhawr magansigoodiyo sideer loogu milay haatan
    Baleeg maamul goboleedka iyo magaca diintooda
    Baleeg siday Mahigaw rabaan ama u maamuusi
    Madax goosigeeniyo baleeg meeshu xaaljoogo
    Malas iyo Kibaakiyo Museveni waw maqsuudeene
    Madaxdii kufriga oodhan baa sheegtay magacoode
    Buuhoodle mashaqada dhacdiyo baleeg meella kalajoogo
    Mariid iyo wixii qurunku jiray laabta iyo maanka
    Mawjad wada qabiiliya ayey magac ku dooneene
    Masaafay irjaagii cabeen miru rakaateene
    Mayraca cilmaaniyo ayey maandhaw daaqaane
    Dalboonow adaa magacyadiyo garan malaa taase
    Midmid hadii an sheekada kadhigo meeris kaa badane
    Gob islaam muraadkeedi iyo muuqay hadafkiiye
    Mucusrkaa xigtada noo ahee maantay naga leexday
    Ilamadaw miskiiniyo waxanu maati wee yaane
    Mudnay oo asiibnaye miyaan marun ladhaafaynin
    Mise waa kufriga magantiyee beebe mari weeye
    Malaxdiyo hadaad jeexday iyo maasha ubucdooda
    Maatiyo isumawada qadiyo waa masaakiine
    Marduuf qaada suufiga cunaa muunad kuwan roone
    Gob islaam muraad keedi iyo muuqay hadafkiiye
    Mucsurkaas xigtada noo ahee maantay naga leexday
    Ilmadaw miskiiniyo waxanu maati wee yaane
    Mudnay oo asiibnaye miyaan marun ladhaafaynin
    Mise waa kufriga magantiyee beebe mari weeye
    Maansada hadaan soo dabroo meero idilkeedba
    Inay yiin qulaad wada murjiyan maragi haynaaye
    Maxfalada kasheeg yey shacbiga malaxda gaarsiine

  6. Absamaawi says:

    As.wr

    Wax lala yaabe iga dheh..!!!!

    Oday bashiir inta uusan meesha soo fadhiisan, fiicnaan laheedaa haduu su’aalahan isaga

    iyo ragiisu is waydiiyaan.

    Qowlkiina iyo ficilkiina keebay umaddu qaadataa?

    Ictisaamka aad manhajkooda sharaxaysid, waa kuwee ?

    Ma kuwa Murtad ina Illey hoos fadhiyaa, mise kuwa Murtad Faroolle, Mise kuwa Murtad

    Siilaanyo, Mise intaasoo dhan ma ahee waa kuwo Murtad Shariif isku beesha yihiin……??

    Jamaacadu xaalad aad iyo aad u xun ayay maraysaa, waxaanse kula talin sadex arimood:

    1:Ilaahay utoobadkeenaan,

    2:ummada islaamka ah ee soomaaliyeedna ay cafis waydiistaan.

    3: Iskana aamussan oo masaajidooda iyo kutuba akhrintooda ku ekaadaan, inta ilaahay

    kala xukumahay mujaahidinta iyo nasaarada mad-madow.

    Allow ceebtanada astur.

  7. Abu Faisa says:

    Assallaamu aleykum wr wb dhammaantiinba.

    Waxaan la yaabay soo rasuulku CSW ma jihaadin!, soow saxaabadu ma jihaadin! iyaga oo aad u yar, soow magaladooda Madina laguma hareereyn in ka badan 10 kun oo ciidan ah, iyaga oo ka yar ma ku dhow 3 kun, haddana wadaadkaan wuxuu leeyahay waxaan ku dayaneynaa Rasuulka CSW iyo saxabadii. waa cajiib!

    Wadaadkaan xiiqsan ee manhajka qooxdiisa sharaxaya, difaacii dalka iyo diintaa la isugu yimidee, manhajkeenaa sharaxayaa waa isaga ku hayee

    Shaydaan Zanaawi raali ma ka yahay?! muxuu u diryaarsaday haddii uusan raali ka aheyn, sheydaankaas ma qarsan in uusan raali ka noqon doonin dawlad islaami ah oo soomaliya ka dhalata.

    Manhajka uu sharaxayo yaa u difaacaya! dhalinyaradaan uu garabkooda ka baxay meysan isku manhaj aheyn waaba yabayee!!

    Manhajkaan uu sharaxayo muxuu kaga duwan yahay manhajka P & S land ileyn iyagaba waxa ay sharaxayaan waa manhajkoodee.

    Wadaadoow soo ALLE ma oran ayad macnaheeda marka aan soomaliyeeyo ku soo koobo “Xarigeyga qabsada dhammaantiin, hana is qilaafina”
    Qeyb ayad kale ka mid ah soow ALLE kor ahaayee ma oran “Xisbi kastaa wixii agtiisa ahaaday buu ku faraxsan yahay”

    Wadaadoow faro waxba kuguma jiranee ummadda ha lugoyn, ha hoos geynin Sharif, Faroole & Siilaanyo iwm, kuwaas Ictisaam miyaa, haddeysan aheyn waxba faro idinkuguma jiraanee masaajidda iska jooga, xilligii Makka iska jooga, ayaadkii kusoo degay Makka iska aqrista, Mujaahidiinta ha idinka nabad helaan, sida gaalo idinkaga nabad heshay.

    Intaad manhajkiina sharaxeysid maad tood furan la gashiin Mujahidiin AL-SHABAAB, umadda ha idin kala xaq soortee!! Culimadiina Ictisaam waa wada qaxooti, gaallo madoow iyo mid cad hoos wada fadhida, weliba kuwa ku soo duulay wadankii bay hoos fadhiyaan Kenya iyo Eithopia. iwm.

    Waa ALLE mahadii mar haddii hayadda aad matasho aysan aheyn hayaddu culimaa al soomaal oo aad matashid sida aad shegatay Ictisaam.

    Culimada kooban ee Ictisaam bal aan ka warsugno taariikh baa qormeysee!!

    .

  8. Amla says:

    Qoraaladayda waad tirtirtaan waayo waa nabar wadnaha idinkaga dhacaya waba igama gelin hadaad tirtitaan waan hubaa kan masxaaya in uu ku caafimaadaayo ana waan soo qorin idina masaha ileen waxaad rabtaan in aan caqli fayoow lagu hadlin ee aad dadka indhaha qabataan dumarkiini caytami jiray waa kuwa saaxiga keenay oo caadi wax u qora saan u lahaa asluubta islaamka meel ha uga dhicina, idina saaxiga ayaad keneysaan inta walan oon wax ka qabadka lahayn yeelkeed.

  9. Amla says:

    Abu Faduma ayaantaan waa laga trastay sidii ay cubtan daaqada ugala baxday oo u tiri abu faaduma nasiixa ma lee yahay qoraalkaas kama daalo markaan akhriyo wax badan ayaan qoslaa waxaan la yaabay say gabdhaas ninkaas daqada uga tuurtay weliba ay cilmi ku saartay isagu waxuu soo akhriyaa gabyo markaasuu inta u isu keeno wax ka lalushaa iyana waxay soo akhriday kitaabka ale markaas ayeey meel saartay ala cubtan jeclayaa ilaahoow ku dhowr may mar noo biisto.

  10. Amla says:

    Somali ayaa tiri beeni raad ma leh, sowtaad sheikh ku haysateen been abuurka sheikhii bosaaso ayuu caawa hurada oo dowro u tegay maxaad soo qori dontaan hadna cajiib walee farihiini shib waa qabaan aloow yaa wareesta.

  11. Cilal says:

    To Amla walaashii waadku raacaysanaysas wiilkii ay gabadhu daaqada kala bax day oo waliba waxaad jeceshay in laguugu soo biiso kula yaabi maayo oo waligaa maadan arag will gabadh daaqada kala baxday way kugu cusub tahay cajiib abaayadiis iskaga raaxayso

  12. abuuhurayra says:

    asc waxaan idunku naseexaynayaa in aad joojisaan gaalsiinta iyo xanta aad ku wadaan dadka muslimiinta hadalkiina maalaaig baa qoraysa kalmad kasta ayaad ku hadlaysaan way qoraysaa aakhirana idinka qarsoomi mayso daka aad gaalasiinaysaana ma idnkaa ilaahayoo xukuma dadka aakhiro miyaan la idin waydiinayn kalmad aad iska macaansateen ee ah ( murtad ) iyo cayda aad ka faafisaan culimada soomaaliyeed kadibna aad ugu dartaan dil culimadu camalkoodii khayrka ahaa bay aakhiro la soo baxayaan idinku xaaad joogtaa oo aaakhiro ka galysaan xadiiska nabiga scw waaa kii ahaa muslinku waa qofka ay ka nabadgalaan muslimiintu carabkiisa iyo adinkiisa intee qof muslim ah baad disheen hadaan dilin inteed qorshe muslim lagu dilayo baad maleegtay hadaan maleegin intee baad qalbiga kaga faraxday war hoow miyirsada hawadiinana ka soo noqda culimdana cayda ka joojiya waa kuwii idin baraye …….. waa iga nasiixo ..

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS