Dhagayso Dhooye 5 Star Oo Laga Xayuubiyay Xilkii Xarunta Abubakar AS-Sadiiq Loona Caleemo Saarayo Sheekh Al-ictisaam Kamida! Siday ku samaysmaan Culimada Al-Ictisaam??


MINNEAPOLIS:-
 Habaynimadii Sabtida Bishuna ahayd March 31-2012 waxaa Xaflad isdhaafin ah loo qabtay Dhooye 5 Star, inta aan og nahay Xafladdaan waxay baaqatay 2 jeer oo horre, Shacabkii Soomaaliyeed ee Minneapolis daganaa gaar ahaan Ducaaddii ayaa iskaga tagay Masaajidkii Safiirka Maraykanka lagula shiray ee Shirqoolka Muslimiinta loogu dhigay.

Shacabka badan koodu Fatwooyinkii Culimada rabaaniyiintaa ayey qaateen, qaarna waxay ogatageen Dhaqan xumada iyo jahliga Dhooye 5 Start.

Dhooye dhowr jeer ayuu diiday in uu xilkaan wareejiyo, kadib markii Dhaqaaloxumo ay ku dhacday Horjoogayaasha Masaajidka Abuubakar ee Mareykanka, sida C/rashiid Barre oo horjoogayaasha kamida uu ka sheegay Xafladda in dhaqaalo xumo baahsan ay jirto.

Dhaqaalo-xumadii waxay keentay in Dhooye biilka uu qaar ka jaro, Horjoogayaasha Masaajidka.

Talaabadaas waxay dhalisay in Rag badan oo horjoogayaasha kamid ahaa uu qorsha xumada Dhooye 5 Star gaaray, waxaa kale oo Dhooye Afla gaadooyeen ugaystay Qoysas Soomaaliya oo rabay in ay ku dhigtaan Masaajidka Aroosyo ayada oo lagu sheegay Wiilashoodu in ay yihiin waxay Reer Galbeedku u yaqaanan Argagaxiso.

Doorka Odayaasha Horjoogayaasha ka ah Masaajidka ayaa ayaguna dhaliil usoo jeediyey Dhooye 5 Start, kadibna waxay sameeyeen guddi qabyaa oo ka shaqaynaya sidii Dhooye looga saari lahaa Masaajidka.

Magacyada Guddiga Dhooye 5 Start meesha ka saaray.

(1) C/rashiid Barre Muuse
(2) Macalin Khaliif
(3) Maxamed Cabdi Salaad
(4) Macalin Hambaase. Iyo Rag kale

Waa Kuma Xasan  Maxamed Jaamac Dhooye 5 Start?.

Xasan Dhooye Wuxuu ahaa ganacsade ku billaabay ganacsiga taarwade wuxuu taarkiisu caan ka ahaa ganacsiga isgaarsiinta taarka ee soomaaliya inta aysan Taleefanadu wadanka soo galin. Muddo kadib Dhooye wuxuu yimid wadankan Maraykanka  wuxuu halkiisii kasii watay ganacsigii waxaa markaan haatan billaabay inuu ka ganacsado Maktabad Islaami ah ayadoo uu ka furtay maktabaddaas Xaafad ku taala magaalada Minneapolis.

Ganacsigaas ayaa waxa uu ku bartay wadaadadii dacwada kawaday wadankan Maraykanka. Muddo yar gudeheed Dhooye wuxuu caan  ka noqday Raggii dacwada waday dhexdoodii oo kusoo dhaweeyay maadaama uu duruustooda ka ganacsanayo waxa uu ka helay fursad uu ku gaaro darajo daaci taasoo dhaxal siisay  in uu ku biiro gudiga dacwada ee Masaajidkii Shafici.

Muddo aan sii dheerayn Dhooye wuxuu isku bedelay daaci iyo masuul ka trsan dacwadii Al-Ictisaam ee ka jirtay wadanka. Nasiib darro dhooye ayaa kasoo muuqday kulayl farabadan iyo is fahmi waa kaga imaanayay raggii dacwada waday oo ugu dambayntii sabab u noqotay in rag ka mid ahaa hogaanka dacwada ay af labadii dhawaaqaan ayagoo ka sheeganayo qalafsanaanta Dhooye iyo xulufadiisa ugu dambayntii taas waxay keentay in ay dacwadii soo kala dhex gashay kala qaybsanaan ku salaysan “anaa iri iyo anaa idinka ka aqaan” taasoo ku danbaysay in rag ducaad ahaa uga tagaan hawshii ay u hayeen umadda iyo dhooye oo si fiican loogu bartay qalafsanaan iyo kaligii hadle.

Dhanka kalena Dhooye waxa u helay xulufo iyo rag ay wax isla fahmaan  kuwaas oo dacwadii gobolka u adeegsaday inay rag kula dagaalamaan umadana ku kala qaybiyaan.

 

Dhooye iyo Xilkii ugu horreeyay ee ka qabto Xarunta Abubakar As-Sadiiq.

 

Dhooye Markii uu Maraykan yimid dacwada wuxuu kasoo galay Maktabad uu furtay, kadibna wuxuu noqday Baqashii Fardaha la miratay, Masjidka Abuubakar markii la gaday, wuxuu bilaabay, oo uu dalbaday in masaajidka loo gado Idaacad FM  oo ku kacaysa $50,000 illaa $60,000 waxaa la yaab umadii ku noqotay in kharash intaas le’eg lagu bixiyo Idaacad aan maqalkeedu  gaarayn in ka badan 300 oo tallaabo dhanka kalena aan sharciyaysnayn.

Idaacaddii waa la iibiyey, balse Dhooye waa ka xiisa dhacay, Qalabkeediina wali waa dayacan yahay, Dhooye wuxuu oga xiisa dhacay wuxuu dalbaday lacag gaaraysa $2,000 in Bil kasta lagu siiyo Idacaad Masaajidka gadaashiisa kaliya laga dhagaysan karo, balse waa laga diiday.

Dhooye, Masaajidka wuxuu ugaystay Asaga oo aanan waxba ka ahayn dhibaatooyin badan, wuxuu dhexda u xirtay sidii uu u taageeri lahaa Maxaakimtii Islaamiga ahayd Asaga oo shaati Qabiil huwan sida ana u tagidoono, wuxuu Abaabulay shirar Soomaalida oo dhan uu kiciyey, wuxuu aad u guubaabiyey Dhalinyaradii Masaajidka ku xirnayd, halka uu qaarkoodna kula kulmay Nairobi sida aad warbixinta hoose ka akhrin doontaan, Dhibaatooyinka uu Dacwada gaarsiiyey ayada oo aanan la soo koobi karin ayaa haddana xal waxay bideen horjoogayaasha Masaajidka in ay gacanta u galiyaan Dhooye, si uu ula dagaalamo  Golaha Baraaruga Islaamka.

Waxayna halmar ku laabteen Dhaqaalo xumadii soo foodsaartay, waxaana Masaajidka iskaga tagay kumanaan Qof oo talooyin Dhooye ay kaga soo horjeedaan soo jeediyey, Natiijadii waxay noqotay, in Dhooye laga qaado Masaajidka ayada oo Xafladdii loo qabtay laga sheegay in dhaqaaloxumo laga qaaday maamulxumida Dhooye, waxaa sidaas sheegay sida aan hoos kadhagaysan doono C/rashid Barre iyo Dhooye laftigiisa oo u sheegay Maamulaha cusub in meesha dhaqaaloxumo ay ka jirto.

Xiligii Maxkamadaha Islaamigaa Iyo Kaalintii Dhooye!. 

Xasan Dhooye wuxuu Sanadkii 2007 Qol kula shiray Dhalinyaro Rag iyo Dumar leh oo diidanaa Ciidamada Itoobiya.

 


Xiriirkii Mujaahidiinta Iyo Xasan Dhooye, Raggii Ridoobay Iyo Kuwii Murji’ada Noqday!.     

Waxaa Xiriir la soo sameeyey Xasan Dhooye xiligii uu Mujaahidka ahaa, Murtad Sanyare Nuur yare Kamas oo kamid ahaa xiligaas Ciidamadii Mujaahidiinta ee Dowladdii Almaxaakim Al Islaamiyah, kuwaas oo ka dagaalamay Tuulada Bandiiradley, waxaa hogaaminayey Ciidamadaas Mujaahidiinta ah, Sheekh Jaamac C/salaam Warsame, Sheekh Cagaweyne, Sheekh Al Shahiid Aadan Xaashi Cayrow.

Beesha Dhooye 5 Start uu ka dhashay ee Maxamed Cumar, oo kamida Beesha  Cumar Maxamuud Saleebaan, Beesha ayaa ku dhawaaqay Maxkamad Islaamiya oo Badbaado ay u bixiyeen, Raggii horboodayey waxaa kamid ahaa Ninka Murtadka ah ee aan Magaciisa kor ku sheegnay oo ay isku dhow yihiin Dhooye waa Sanyare Nuur Yare Kamas, wuxuu ka rucleeyey Magaalada Nairobi, wuxuu hadda kamid yahay Baarlamaanka Ridada ah ee Villa Soomaaliya.

Sidoo kale Murtad Axmed Muuse Nuur Yare (Dabakariix) ayaa Maxkamada ay ku dhawaaqeen horjooge ka ahaa wuxuu ku biiray hadda Ninkaas maamulka Asha-haado ladirirka ah ee Puntland, waana Guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobalka Mudug, wuxuuna kamid ahaa Raggii C/laahi Yuusuf Janaasada ku tokoday!, Asaga oo Horjoogo ka ahaan jiray Maxkamadihii Islaamiga ahaa.

Ciidamadii Maxaakiimta Islaamigaa ee Dhooye 5 Start xiriir ka la yeeshay waxaa cagta mariyey Murtad Cadde Muuse iyo Murtad Cabdi Qaybdiid, Dhalinyaradii Mujaahidiinta ahaa badankoodii waxna waa la xasuuqay oo waa Shahiideen Ciidan 50 ka badanna waxaa Qafaashay Itoobiyaanka, waxay u badnaayeen Isaaq, Mareexaan, Habar Gidir, Majeerteen Leelkase, Qabiilo kalana waa ku jireen.

Dhooye wuxuu isku dayey Asaga oo leh Amaxaaro ayaan diidanahay isla markaan la xanaaqsan Reerkiisa, in uu noqdo Guddoomiyaha Somali United Diaspora, Asaga iyo Rag kale oo qaab Qabiil u xamaasadaysnaa ayaa Mucaarad badan ka keenay Casmara, waxayna ku casumeen oo shir ay ku qabteen Minneapolis Convention Center.

Shirkaas wuxuu ka jeediyey Dhooye Khudbooyin uu leeyahay, waa in aan ficil ku muujinaa dagaalka aan kula jirno Gaalada, waa in aan fadhiga ka kacnaa oo dagaalannaa, Takbiirta iyo Sacabka ayaanan kala istaagaynin, Dumarkii Shirka ka qayb galay ayaa Ilmada qubay, waxaa cagtaagnaa Heesta markuu u istaagayey C/raxmaan Sheekh Cumar Wiilashii Mujaahidiinta ahaa ee Jihaadka Soomaaliya u aaday, Muuqaalkooda waxaa garanaya Waaridkii dhalay haddii ay cajaladaha dib u fiirsadaan!.

Waxaa la qabtay banaan bax, waxaa Dadweynaha isku oo hiyey C/raxmaan Sheekh Cumar oo Habaaraya Murtad C/laahi Yuusuf!. Saraakiisha Maxkamadaha ee Xasan Dhooye Magaalada Minneapolis ku casumay waxaa kamid ahaa C/qani Qorane, oo ay isku Reer yihiin Dhooye 5 Start, asna waagaa ka xanaaqsanaa Dilkii Ilaahay ha u naxariistee Suldaan Hurre.

C/qani markii uu Shirar badan oo Qarsoodiya iyo kuwo Masaajidda lagu qabtay uu ka hadlayey wuxuu watay Computer, wuxuu soo dayn jiray Asha-haado ladirirkii Magaalada Muqdisho laga saaray iyo Murtadiinta C/laahi Yuusuf la socotay, Dhammaan Raggaa Muxaadaraad iyo Gabay intaba waa ku gaalaysiiyey!. Haddii loo baahdo waan haynaa Muuqaalo Taariikhiya!.

Dhooye wuxuu tagay Magaalada Nairobi, halkaas oo uu kula kulmay ama shirar kula qaatay Mujaahidiinta aad u da’yar oo ka tagay Gobalka Minnesota, dhammaan Mujaahidiintaas wuxuu kula dar daarmi jiray in ay dilaan ama isku qarxiyaan Murtad C/laahi Yuusuf!, wuxuuna balan qaadi jiray in uu sheegto Qaraxyadaas ama Maxkamadda Badbaado ay sheegayo!.

Dhooye Goormuu Noqday Jaajuus!?. 

Dhooye markii la ogaaday, doorkii uu ku lahaa kacdoonka Soomaalida iska celiyey cadowgooda Itoobiya, wuxuu dhib kala kulmay Hay’adaha Sirdoonka, wuxuu u cararay oo muddo ku maqnaa Dalka Canada, kadibna, Saaxiibadiis sida C/raxmaan Sheekh Cumar ayaa qaatay waxa loo yaqaano Deal oo ah jaajuus noqo, waxaana laga saaray xayiraaddii lagu soo rogay C/raxmaan Sheekh Cumar, Dhooye xiligaas ayaa waxaa loogu yeeray in uu Minneapolis yimaado oo uu jaajuus noqdo, tolow maxaa dhacay waa noo soo socotaa!.

Dhooye wuxuu diiday in uu jaajuus noqdo, wuxuuna wadatashi la sameeyey Ducaad badan oo Gobalka Minnesota Macalimiin Dugsi ka ah, waxayna ugu naseexeeyeen in uusan Jaajuus noqon, Dhooye wuxuu ka qayb galay shirkii Safiirka Maraykanka, waxaana talo lagu siiyey in uu Shirkaas carqaladeeyo, ficlan wuxuu shirkaas ka cayaaray door aad u wanaagsan, wuxuuna Runta u sheegay jaajuus C/raxmaan Sheekh Cumar iyo Safiirka, balse natiijadii ayaa noqotay in lagu jees jeeso oo lagu qoslo, si xunna loo bahdilo.

Hadaladii C/raxmaan Sheekh Cumar waxaa kamid ahaa, “Taasi Waa Aragtisiisa nama khusayso, noowada Sheekada!”,”, Kadaawo Cajalka Safiirka Daqiiqadda halsaac iyo 6 Daqiiqo,   markuuhadlayo Dhooye, Ina Sheekh Cumar xattaa Suxulka ayuu ku riixayaa Safiirka oo jeego jeego Qosal ula dhacaya oo ku qoslaya Xasan Dhooye, wuxuu dareen siinayaan ina Sheekh Cumar Safiirka, Dhooye in uu yahay Miskiin meesha iska soo fariistay oo aan cidna matalin, cid aragtidiisa ku raacsana aysan jirin.

Raggii waa gaas Dhooye ku xanaaqay waxaa kamid ahaa oo Shirka Safiirka Fadhiyey, C/rashiid Aabi Amaxaaro, waa Ninka hadda Daaquudka noqday ee Ibraahim Dheere u geeyey Meles Zenewi!, Dhooye Shirkaas markii uu dhammaaday, Asaga oo xanaaqsan oo magac kale isticmaalaya ayuu Website yada Soomaalida ku qoray Dacaayado dhan ka ah C/raxmaan Sheekh Cumar, kadibna wuxuu aaday Wadanka Canada oo ay dagan tahay Gabar Xaaskiisaa oo Ina Adeertiis ah. Dhooye wuxuu ku sugnaa Muddo Wadanka Canada!.

Dhooye Oo Canada Looga Keenay in uu la Dagaalamo Golaha Baraaruga Islaamka Iyo Soomaalidii uu Guubaabin Jiray!. 

C/raxmaan Sheekh Cumar oo kamid ahaan jiray Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ahna Nin dowlad Militari iyo Shuuciyo ahayd oo wax isdaba marin kud dhisnayd, ayaa ku fakaray in uu Dhooye 5 Start isticmaalo, si Dhooyana uu ula dagaalamo Aragtidii Jihaadka ee uu Dhalinayarada iyo Soomaalida ugu yeeri jiray.

Dhooye waxaa laga keenay Canada, maalmihii uu yimid wuxuu isku dayey in uu la kulmo Dhalinyarada Golaha Baraaruga Islaamku gaaray, wuxuuna bilaabay Hanjabaadyo, waxaa hadaladiisa kamid ahaa, “Geelow Geedkasta Daaqdaye Markii aad Ciin Daaqdid ayaa laguu yaabaa!”, Dhooye si toosa ayuu oga qayb galay Shirarkii Jawaasiista, wuxuuna Website yada Soomaalida kusoo baxay Asaga oo Buugaagtii jaajuusnimada Wata, !. Qoraaladii aan ka qornay ayaad ugu laaban kartaan.

Dhooye Xiligaas Golaha Baraaruga Islaamku waxay ka sameeyeen Cajal ay ku cadaynayaan Aragtidiisii hore ee Jihaadka, iyo Jaajuusnimada uu hadda ku qancay iyo la shaqaynta Sirdoonka Reer Galbeedka, Asaga oo leh Labo Waji, Waji Al-ictisaam Culima kacag dhawaasho, ama kamid noqosho Urur Diineed iyo Waji Sirdoon!, Double Agence, waxa Afka Qalaad lagu yiraahdo.

Dhooye Xafladdii Masaajidka loogu dhiibay Asaga oo faraxsan wuxuu yiri, “$80,000 Check ahna Soomaali waa kusiinayaan, haddii aad dhahdi Masaajidka Abuubakar ayaan ka socdaa!, Hotel 5 Start ahna waa ku seexinayaan, marka Ikhwaani maxaa ka fiican!”.


“Rahbaa Yiri, “Biyo Haddii Ay Faa’ido Leeyihiin Lugahayga Ayey Ka Muuqan Lahaayeen!

“ 

“Ikhwaani haddii Dhooye Faa’ido leeyahay Masaajidkay ka muuqan lahayd!

Wax Qabadkii Dhooye Inta uu hayey Xilka, 2010, to March 31 2012. 

(1) Dhooye wuxuu kala yareeyay oo Masaajidka ka cayriyey Umaddii Masaajidka ku xirnayd.
(2) Dhooye wuxuu diiday ugu yaraan 2 Aroos Masaajidka in ay kadhacaan Asaga oo ku sheegay  Aroosayada in ay yihiin Al shabaab.
(3) Dhooye, wuxuu weeraray Macalimiinta Dugsiyada Quraanka ay dhigaan, wuxuu la hadlay Mulkiilashaashii iska lahaa Dhismayaashaas, Asaga oo Macalimiinta ku tilmaamay in ay yihiin argagaxiso.
(4) Dhooye, wuxuu Masaajidka ka sheegay, in Rag garweyn oo Sulweelku ugaaban yihiin in ay joogaan Masaajidka, Shaati Jihaad ama boor isku qarinayaan, !, Asaga oo raba in Xabsiga loo taxaabo Dhalinyaradaas oo leh waa Mujaahidiin.

(5) Dhooye, intii uu joogay Masaajidka waxaa katagay Macalinmiin badan, oo Dugsiyaal kale furtay,

(6) Dhooye waxaa wax qabadkiisa kamid ahaa in uu Soomaalida xiligii ay Abaartu ku dhacday uu yiraahdo, Qofkii lacag aanan ogayn iska dira, ha ogaado waa la xirayaa, waa in aad lacagaha marsiisaan Hay’adaha, gaar ahaan Hay’ad ay markaas la galeen hishiis, wuxuu Argagax galiyey Gabdho Muslimaada iyo Wiilal Ducaada oo rabay in ay Walaalahooda Muslimiintaa wax gaarsiiyaan!.

Dhagayso MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

(7) Dhooye waxaa kamida wax qabad kiisii in uu Niman aan la aqoon uu hishiis lagalay kuwaas oo Caamirooyin, Casriya ku xirtay Masaajidka, si ay oga ugaarsataan Dhalinyarada Muwaxidiintaa iyo Qofkasta oo ka aragti duwan.

Ugu danbayntii mashruucii dhooye ayaa ku gabagaboobay la dagaalanka ahlu diinka iyo raali galinta gaalada si ay ayaga u badbaadiso.

Xafladdii Xilka Looga Wareejiyey Dhooye 5 Star. 


Xiriiriyaha Xafladda waxaa ahaa Macalin Hambaase oo ah Nin Beeshiisu dhawaan ku magacowday Culimada Nabadda, kadib markii uu ku garab istaagay dagaalada ay Somaliland kula jiraan.

Xiriiriyaha Xafladda Hambaase, ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Xafladdaan lama duubi karo, Qofkii aan Aragno Asaga oo duubaya Banaanka ayaan u saaraynaa!”.

Dhagayso Hadalka Hambaase MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Xafladihii ka horeeyey Dhooye video ayaa laga duubi jiray, laakiin Xafladda Dhooye ayaa ahayd mid loo dhigayo Nin la cayrinayo oo la isticmaalay, sidoo kale Ina Sheekh Cumar ayaanan imaanin Xafladda maada Saaxiibkiis laga qaaday Jagadii uu yahay!. Sidoo kale waxaa naloo sheegay in Lacag $20,000 kudhow oo laaluusha ama baad ah la siiyey Dhooye, waxay qaarkoodna sheegeen in Lacag la’aan ay jirto, taasna waa loo fahmay Dhooye in uu keenay oo loo baahan yahay lacag ama dhaqaalo in la helayo haddii meesha laga tuuro Dhuuyo sida ay qaarkoodba sheegeen!.


Khudbaddii Niyad jabka ahayd ee Dhooye, “Suhayb kusoo dhawoow, Abuubakar,  waa Dowlad yar oo aan Baalal lahayn, waana Adiga howl kuu taala sidii aad yeeli lahayd” Dhagayso MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

C/rashiid Barre, ayaa kamid ahaa Dadkii ka hadlay meesha, C/rashiid wuxuu kamid ahaa Guddiga hoose ee PDF ama Puntland Dispora, wuxuu kamid ahaa Shakhsiyaadkii qabiil ahaan ama Suldaan Hurre ayuu dilay C/laahi Yuusuf oga soo horjeeday!.C/rashiid Barre wuxuu kamid yahay Guddiga fulinta ee Masaajidka ka hawl gala,si faahfaahsan ayaan u aadaa dhigi doonnaa sida masjidka idaaradiisu u shaqayso.

C/rashid Barre wuxuu Khudbadiisa ku yiri, “Qof kasta Masaajidka Abuubakar waa u furan yahay, Qofkii Aanan diidin, Qofkii diidana waa Qof Culimada Masjidka wax ka sheegay!”, wuxuu kale oo uu weeraray Macalimiinta Dugsiga oo qaarkood ay oga shakisan yihiin in ay yihiin Muwaxidiin jecel Mujaahidiinta, wuxuuna yiri C/rashiid Barre “Qofkii Salaadda naga goosta Asna masaajidka kuma tokonayo!, Xattaa kor kuma tokon kartaan!”,wuxuu ula jeedaa Macalimiin, hawsha caruurta darteed Masaajidka Qaybta kore ku tokoda!.

Dhagayso C/rashid Barre MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 



C/risaaq Xaashi iyo 3dii Tuurle!. 

 

C/risaaq Xaashi, Asagaa Niman, Tuur leh ka sheekeeyey, oo iskugu maah maahay!, Markii cabaar uu hadlay ayuu yiri, “Magacii horre ee aan ku hadlayey wuxuu ahaa kii Culumada, hadda waxaan la soo baxayaa mid kale oo ah Maamulida Macadka”, Waayo waxaa jiray  3 Nin oo isku eg oo Tuur leh, kuwaas oo kuwada noolaa hal magaalo!. Saddexdii Nin kamida ayaa Guursaday ama Aroosay Gabar, Ninkii waa Dhintay, Niman ayey u yeertay oo tiri Aasa Ninkaan waa Geeriyoodaye, Ninkii Qabuuraha ayaa la geeyey waa la Aasay,

Haweenaydii ayaa waxaa u yimid Labadii Nin mid kamida oo Tuur leh, Ogow waa mid kamida Saddexdii isku ekaa, wuxuu yiri Gabadhii aan ku guursado haye ayey tiri, waa uu guursadaym Ninkiina, wax yar kadib waa Geeriyooday, waxay u yeertay Nimankii kii hore ee Aasay Ninkii hore, waxay tiri Ninkii aad Aasteen Guriga ayuu dhexyaalaa, Nimankii waayaabeen Maydkii ayey qaadeen waa soo Aaseen!.

Ninkii Saddexaad ayaa u yimid ee Tuurta lahaa, wuxuu yiri Gabar in aan ku guursado ayaan rabaa, Asaga oo Gurigii dhex taagan ayaa waxaa soo istaagay Nimankii Labadii horre ee Tuurta lahaa soo Aasay amarkaas ayey Gabadhii tiri War Ninkii aad Soo Aasteen Guriga ayuu dhex taagan yahay!.

Ilaahay ayaan idin ku dhaarinaye, Aayaadkii Ilaahay iyo Xadiithyadii Nabiga Scw, ma waxaa lagu badalay, is Amaanid ah Anigaa Culimaa, Anigaa Maamulaa, Niman Tuur leh ayaa jiray, Aniga, Aniga!, C/risaaq Xaashi sidoo kale wuxuu yiri Asaga oo ku xumaynaya C/raxmaan Sheekh Cumar oo Sancaani iyo Qardhaawi Sheekh Nimadooda, ka masayri jiray in ay wax Akhriyaan, ayaa hadda C/risaaq Xaashi leeyahay, Xasan Dhooye Sheekh ayaan ka dhiganaynaa, Khudbooyinka Jamcaha ayuu noo akhrinayaan, garo wuxuu rabaa booska in uu ka riixo C/raxmaa Sheekh Cumar!.

Ogow Nimankaas uma baahna Qof wax Akhriyee, ayagii ayaa isdhibsanayee oo waxay Umadda ku hayaan isku haya, ee Ninba Nin ayuu rabaa in uu xaniiyaha kala baxo, Xasan Dhooyihii shalay lahaa, Dimuquraadiyad ayaa la igu doortay ee gaandhariga ahaa, oo dabeecad xumo, Isla weynaan, Kibar looga qaaday Masaajidka miyaa Dad wax u akhrinaya?, waa markii xoogaaga Al-ictisaamkaa ee meesha jooga ay kala carari lahaayeen!.

Dhagayso MP3 C/risaaq Xaashi Halkaan Riix Ama Guji

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 Sidee Al-ictisaamku u Caleema Saaraan Culimadooda!?

Maxaysa u Xaqiraan Culimada Mujaahidiintaa

Ee Cilmi Baaris Iyo Jaamacad Kaga Horeeyey!?

Carabtu waxay dhahaan “Taariikhdu Ayadaa Isa Soo Celisa”, waxaa kale oo ay dhahaan Carabtu  “Maxaa Xalay Oga Eg Maantay!”

Insha Allah Mustaqbalka dhow ayaan qaadaa dhigi doonnaa Qoraalo Taarikhiya oo aan oga hadlayno qaabka Xarakada Al-ictisaam ay u caleema saaraan Culimada iyo waliba sida ay u xaqiraan Culimada Rabaaniyiintaan, Mujaahidiintaa, Jaamacadaha ka baxay 1980 oo badan koodu Muddo 20 Sano ku dhow Maktbadaha Islaamigaa Baaritaanka Cilmiga kawaday, sida ay ugu dhex jiraan dhex seexan jiray!, sida Culimada Daarul Xadiith ee Bariga Afrika!,

halka Culimada Rabaaniyiinta qaarkoodna ay ka soo baxeen Jaamacadda Madiino Sanadihii 1980, balse Culimada Al-ictisaam ay xaqireen ayaga oo Ibraahim Dheere ku tilmaamay in uu yahay Culimo, halka ay haddana Rag Dhooye uu ka mid yahay ay Culimo u caleema saarayaan.

Carabtu waxay dhahaan “Al Xaqqu Yuqaal, Xaqqa Waa La Sheegaa!”, Al-ictisaam Culimo waa leeyihiin, taas waan qirsannahay mana xaqiranyno, laakiin waxaa ku jiro Rag badan oo loo caleema saaray Culimo in ay noqdaan, balse aan Cilmi lahayn Culimonimo lagu gaaro!, Ikhwaani hadalkaas waxaad fahmi kartaan markii aan Raad raac ku samayno Taariikhda Rag badan oo horboodaya Xarakada Al-ictisaam kuwaas oo isku Amaana in ay yihiin Culimo ama Shakhsigii Hawadoodu ka hesho u caleema saara Culimonimo!.

Ikhwaani Insha Allah, waxaan Maqaaladeena dambe oga waramaynaa, taariikh mudan tixraac oo ku salaysan sida ay Al-ictisaamku u caleema saaraan Shakhsiyaad ay rabaan in ay Umadda oga dhigaan Culimo, waxaan kaloo soo gudbin doonaa, Culimada, Ducaadda ay rabaan in ay Aasaan ayaga oo nool!.

Waxaa cad Ninkasta oo Mujrim ah, haddii uu Xarakadaas Al-ictisaam ah uu Amaanayo, baadilkooda uu difaacayo in ay u caleema saarayaan Shiikhnimo, Taraagle, sida Abul-Fadli Taarwale Sida Xassan dhooye, Sufuxi Sida Maxamed Ididis, Afkiis maal Cabdirisaaq xaashi, Askari Shuuci ahaan jiray iyo Rag badan oo taariikhdooda la yaqaan ayaa noo soo socda, waa inoo Qormooyinka dambe Insha Allah.

Walaalihiin Golaha Baraaruga Islaamka

GOB-ISLAM.

Somalimidnimo.com 

 

 

 

17 Responses

  1. mohamed says:

    ictisaam dhowwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwn

  2. Guure says:

    Walle waa taariikh muxuu yiri Qof lacag diri kara ma jiro kkkkkk oo dhooye maxaad tahay adigu? shabaab walle waa markhaati madoonto in gaalo iyo ictisaam ay iskugu tageen kaalay aad soo ma jirin dhahaysa in qurays ay dheheen ha quudinina qofkii rasuulka la jooga

    walle waa yaab allahuma salim salim ayaan qormadii abu ibraahim ka bartay wakhti fiican ayaan kabaxay ictisaamka hadday rabaan waxgarad iyo somali salafi ha igu qoslaane,

    macnuhu ma ahan in aan alshabaab ku biiray laakiin ceebtaan ka cararay haddii ayba cilmigii la baran jiray caleema saar ku badalin oo jaaisada shiikhnimada bixinayaan rag ana wax is dhaamin

  3. Fardowsa says:

    waa hubaal in la isticmaalay xasan dhooye laakiin ninkii gabdhaha caariyaadka cashada gayn jiray oo aan sirtiisa hayno goormaa shiikh laga dhigay ? cashadii iyo baashaalkii qurbaha joogtaaba soo xasuustaaye wale wadaad waa nin ayay dhahaan soomalidu laakiin nin xun ma ahan in uu masaajid ilaahay ka hadlo asagu ha isa saxo dumarki haka nabad galaan ilaahayna xaaraanta ha oga cabsado

    • Abuu Bukhari says:

      Asc walaaley fardowso waan kuu naseexaynayaa Hadalka aad ku hadlayso Alaah uga baqa. Alaah dadkiisa nabadgali xataa walaalkaa hadaad ceebo ku shagto waxba adiga ka helimaysid danbi aan ahayn dadka Muslimkana waxba ku tarimaysid xumantaa aad shegtay. Hadii uu dooye waxaad ku shaygtay uu yahay asaga u nasteexee haduusan ahayna inta cagtaada ciida ka korayso cafis kadalbo waa iga nasteexo

  4. Waayeel Cedar says:

    hahahaha dhooye awalba reer mahad nacayb ayey ka ahayd diin kama ahayn, haddii aad ilma nuur yare kamas keenteen dabariix iyo ina qorane wax jiraad qorteen waa aan doodnay ayaaba soo xasuustay marka wadaadka ina sh cumar ah down ha dhoho marna ha u duceeyo koley caruurta iyo wixii aan caqli lahayn ayaa lagu khaldayaa shaati culimo in aysan diin meesha la isku haynin shaatiga loo galiyey dhooyaad kagaran

  5. Abu bakar says:

    baaritaan ayaan ku haynaa ciddii duubtay codka la yiri lama duubi karo, waana balan in masaajidka laga raafaa abkay anti ictisaam waana og nahay ragga idin la shaqaynaya arintaana waxay cadayn u tahay sida maamulku aysan talada nooga qaadan waa in baaritaano dheeraada la siiyaa haddii kale meesha idin oo indhaha taagaya ayaa wiilala yar yar masaajidka idin ka qaadayaan waa waxa dadku idin kaga cararay soo celiyaad leedihiin dadka amaankana ma sugi kartaan kawarama hadii hada masawiradeena loo gudbiyey alshabaab oo markii aan safar galno madaxa nagu dhuftaan kkkkk walle xaflad dambe ma idin kugu imaado abniguba ma sugna

  6. Masjid harti isku hardiday says:

    looooooooooool horta rahu indhaweynaa lol niman yahow run ma idin sheegaa masjidkaan wax aisku hardinaya waa harti ragga wax ka sheegaya waa harti kuwa joogana dee waa harti wadaadka shiikhaaleed ayaa noqday maroodi casmaray hawiye waxba lagama siin difaaca ayaa ladhaa hartida jooga kuwa kamaqanna ka difaaca mareexaana horkooda daah, xattaa ogaadeen waa kablalax

    marka hadda waxaan aad oga xumaado in loo dhiibay mid kale oo hartiya meeshii dhaxal ayey noqotay hada kan loo dhiibay malaha faroole ayaa soo magacaabay waa ciise maxamuud ayaa la igu yiri waxaa fiicnaan lahayd in aan masawirkiisa nashrisaan

    • kaahin says:

      @MASJID HARTI ISKU HARDIYEY, asc wr wb ugu horeyn, war nin yahoow Rabi ka cabso oo iska daa naceybka iyo xumaanta qabyaaladeysan, soow ma ogid weedhaha kaa soo fulaya inuu ka turjumaayo xiqdi iyo xumaan kaa buuxda, Rabi ka cabso oo qabyaalada isaga fogoow, maxaad ku haysataa culumada Masaajidka abuubakar, ma waxaad ka xun tahay in ay diinta ALLAAH u khidmeynayaan.

  7. Geelle says:

    Gablan tala aduuney maxay galaba heer joogtay.
    Raadiyo Muqdisho ayaan waxaan ka maqli jiray Hees ay qaadi jireen Hobaladii Waabari oo ay mirahiisa kamid ahayd “Waadigan salwaayoo leexadu ku sidatoo habda laan cuskanayee maxaa luray naftaadii…Waadigan tilaabtiyo lugaha isla waayoo meel daran lal manayee maxaa luray naftaadii…dhaxaad ladnaydoo sidaad Aar libaaxtahay tilaabada laraysee anigana lugooyiyoo laddi waayey ciiloo liidnima iraacdee”
    Xassan Dhooye maanta ayaad haysaa murihii aad beeratay, ragii shaatiga diinta kuu gashadayna maanta ayey cidla kaaga dhaqaaqeen. Laakiin anigu fool xumadaada iyo taariikh xumadaada kuma farxayo. Illaahoow maxaan madax adayg iyo macangagnimo kaa waaniyey. Illaahay ayaa loo sheegtaa in Masaajidkii aan lacagteena iyo Muruqeena ku dhisanay laga dhigtay meel nala kula dagaalo iyo dhaqaalaha ummada Soomaaliyeed rag siday rabaan ugu cunaan dulmi Diin loo ekeysiiyey. Illaahoow yaa sii noolaada oo goob joog ka noqda wax rag ku dambayndoonaan.

  8. ENGKA says:

    war nimankaan masjidu diraar heeysta maalaga gubo war reer mareeykan dhooye ha dilaan waa jaajuus tuug ehe aniga ciil buu igu dilay wasaqa afka baqtigaa leh

    • abdi says:

      ASSALAAMU CALAYKUM WA RAXMATULLHH WA BARAKAATUH.
      runtii SHiikh suhayb oo Masjidka Abuubakar Assadiq hadda loo dhiibay waa nin aan ilaa isaga oo aad u yar aqaannay, waa nin runtii xishood iyo ixtiraam badan, reer Abuubakar iyagaa u tegay oo soo baryey, isaguna waa ka yeelay runtii shaqo wanaagsan ayuu haystay, waa nin Xaafidul-qur’aan ah. waxaan ilaah uga baryayaa in uu ka badbaadiyo ceebta ay dadka qaarkood la wreegayaan, runtii kuma aan farxin ee waan ka naxay in meeshaas Sheekh Suhayb loo dhiibay. walaalaha wax qorana waxaan leeyahay ilaa bayina cad aad aragtaan qofkii Abuubakar Assadiiq Maamulkiisa qabtaba ha Dhaliilina hana xukminina oo waliba u nasteexeeya inuu markaas naseexadana diido mooyaane, markaas xujada lagu oogay loona nasteexeeyay ayaa la xukumi karaa amase la dhaleecayn karaa.

  9. Geelle says:

    Shaley Jimcihii ayaan ku tukaday Masjidka Abu-Bakar waxaa layaab ah waxaa ogaysiiska sheegayay C/Rashiid Aabi oo ahaa ninkii anta Adis Aba tegay oo Melez Zanawi lakulmay ku faanayey. Waxaan is weydiiyey dad Soomaaliyeed oo Muslim ah oo aan dambi galina waxaa Masaajidka looga cayr shey, Shabaab baad tahay iyo Shabaab baad taageertaa ninkii Meles Zanawi lasoo kulmay oo Adisababa ka yimidna Microphoneka ayuu haystaa oo dadkuu wax u sheegayaa (Cadaalada iyo Justice ka) Maanta Masaajid deena ka jiraa waa kaas. Illaahay baa og sidaan shaley u caroodey heer aan gaaray in aan dhidido dadka waxaas samaynaya ayaa raba inay ku wacdiyaan oo xaq iyo cadaalad kaaga sheekeeyaan, cajiib. Anigu waxaan leeyahay Masaajid kaasu uma horayn hanti ummada Muslimkaa leedahay oo la bililiqaysto kuwa sidaa ugu takri falayana meel dheer ma gaari doonaan oo waqtigaa ka daba iman ee waxba yaan lagu samayn. Illaahoow anigu Beri ayaan ka ahay waxa lagu samaynayo Masjidkeenii aan u dhisanay in aan Illaahay ku caabudno.

  10. Waxgarad says:

    Al-Ictisaam waxay leeyihiin dhawr xarun NOT dhowr magaalo: 6th st Nairobi, Abu Bakar in Minneapolis iyo few other maraakiz.
    -
    Waxay tabcadeen xiligii la is watay oo ay mathali jireen Salafiyiinta. Amaa hada waxay mathalaan Ictisaamka kaliy.
    -
    Gobolka Minnesota way ku faani jireen oo xarun baan ku leenahay, shacbiyad baan ku leenahay!
    -
    Laakiin kadabkoodu wuxuu galay maalinkay gudihii ku soo noqdeen, waxaan kacdoon kala hor tagay ardaydii u fadhfadhiday, ragii akaadimiiynta ahaa sida Dr. Hussein iyo xataa odayaal dhaqameedyada qaar ka mid ah.
    -
    Dagaalka abaabulan ee ay wadaa GOB, waa mid lagu naafaynayo Ictisaamka, una qaabaysan qaab maaraysan.
    -
    Tusaale ahaan:
    A. Infiltration: oo la dhex galay ayadoo laga soo duubayo, waxaa iiga daran kan leh, “Lama duubi karo…”

    Sxb digital era aan lagu jiraa no longer lahaystanimo yaa xerow!
    -
    B. Sumcad dilka: bal fiiri kan waxbaan muxaadarayn leh, ee hadana ka tirsan SSC ama KHaatumo, lana safan beeshiisa,
    -
    Dhanka kalena waxaa jooga mid SLand la jira, labaduba hada waa Ictisaam, nin walowbaa tolkaa!
    -
    Ma waxa saasaa ayaa halgan hubaysan iiyo mid af ah gali karo.
    -
    Guure,
    sxb waan soo dhowaynayaa in laga baxo urur kasta oon Ahlu sunna ahayn, urur kasta oo qabyaaladista ah, iyo urur kasto oo xumaha dadka fara! walaa karaamata.
    -
    Raga kale ee ku harayna ha ka soo bexeen, .

  11. xaqaani says:

    Ictisaam cibaaraa lagu arkay iyo ceebo faro weeyne ma caloosha hooyadood baa cilad kusoo gaartay mise cilmiga ay sheegtaan baan caadilkeen oronba ma waxay cunaan cagayaraha iyo calaqa oo ceny ceyn ah? ilaaheey qofkuu ceeb larabo caqligaa lumine cidladuu u cararaa oo baluu lacayshaaye caafimaad mayeeshoo camalkiis lumiye ilaahoow hadaabtii kutuur qof an kuceesaynin

  12. abudar says:

    Rag iska Celi iyo Rabi kacabsi kala fogaa. Saaxiib Allaah ka cabso, arimahan iyo hadaladan

    waa lagu weeydiin Allaah hortiisa maxaad ka dhihi doontaa???? War nin yahaw Nabigu ma

    aheeyn nin dadka caaya ceebahoodana faafiya. Adigu sidaas miyaad tahay mise?

  13. xaqaani says:

    war aniga isdifaaci maayo wax naga wada dhexeeya baan difaacayaa sida diinteena iyo wadankeena oo gaalo kusooduushey damcan gaaladaas qofkii garab unoqda asna waa gaal ama waa dulmane an dantiisa garaneyn

  14. Amla says:

    To ayFardowsa

    Walsheey Fardoowsooy saad u hadshay uma hadsho gabar muslimad ah oo weliba diinta ale waxuun ka garneysa ama xishood lagu soo tarbiyeeye, aniga waxan kuugu nastexayn lahaa hadii rijaashu wax isku qabteen adigu faxisho adan qaadi karin maalinta qiyaame haku dhicin, qofkii akhriya qoraalkaaga waa yaabin oo kaa gudbin ee hadaad wax qorayso soo qor wax umada anfaca oo aan denbi kaaga imaan hadii kale diintaad saad ku baran layad oo aad ugu dhaqmi lahayd raadi, hadaad ilmo iyo sowj leedahayna iyaga ayaa kuu baahan ee waqtigaaga geli walal waa iga nasteexo aadayaan kaaga naxay markaan arkay qoraalkaaga waxaana markiiba qiyaastay in uusan ka soo bixin maskax fekereysa.

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS