Daawo Masawiro Faroole oo taageero milatari karaadinaya Itoobiya,xili maanta Saraakiil Itoobiyaan ah lagu arkay Garowe


GAROOWE:- Cabdiraxmaan Faroole Hogaanka Maamulka ashahaado ladirirka Puntland oo cabsi xoogan ay kasoo wajahday Buuralayda Galgala oo ay kusii qulqulayaan dhalinyarada Jihaad doonka ah ee katagay Deegaanno katirsan Puntland ayaa bilaabay qorshe oo uu ciidan kaga dalbanayo Gaalka Hogaamiya Wadanka Ethiopia.

Wararka lagu kalsoonyahay oo kusoo dhacay xafiiska wararka koonfurta Soomaaliya Mareegta somalimidnimo.com ayaa lagu xaqiijiyay Faroole inuu qorshaynayo socdaalo inuu kutago Adis Ababa halkaasi oo uu ku tagayo socdaalo taageero raadis ah kadib markii ciidamadiisa ay ku guuldaraysteen inay gaaraan dhulka buuralayda Galgala oo ay kusuganyihiin mujaahidiin Midoobay oo kasoo horjeeda Maamulka Faroole.

Faroole oo maanta kasoo muuqday xaflad kadhacday Garowe oo gaada kaciyaar Ciidamo ay kusoo bandhigaan ayaa si gaar ah xaflada kadib kulan laqaatay saraakiil Itoobiyaan ah oo dhawaan soo gaaray Garowe iyo kuwa Horay usii joogay oo tababar siinaya Ciidamada Maamulka Faroole ee diin ladirirka ah.


Macada wax uu kala hadlay Saraakiisha Itoobiya laakin wararka qaar ayaa sheegay inuu kala tashaday sidii Itoobiya ay kaalmo milatari usiin lahayd Maamulkiisa oo xaajadu ay kucadaatay tan iyo markii shabaabul mujaahidiin ay lamidoobeen ciidamada mujaahidiinta kadagaalamaya Dhulka Buuralayda Golis.

Gaalka Gacanta kuhaya Maamulka Faroole ee udhashay Itoobiya ninka lagu magacaabo Asmlasha Wal-meerat iyo saraakiisha Ethiopia ee gacanta ku haysa Ciidamada Puntland ayaa maanta fadhiyay munaasabad ay ugu magacdareen sanadguurada 52-aad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo ka dhacdey xerada ciidamada 54-aad ee duleedka Garowe taasi oo noqotay wax lalayaabo.

Saraakiisha Itoobiya waa kuwaa aad kudaawanaysaan warkaan taasi oo muujinaysa in Dowladda Nasaarada Itoobiya ay si buuxda gacanta ugu hayaan maamulka uu horboodayo Faroole.

Dadka Milatariga Falanqeeya ayaa aaminsan inay adagtahay in Dowladda Kirishtanka Itoobiya oo dhooqo lugaha kula jirta Duulaan ay kusoo qaaday Wilaayaatka wadanka Soomaaliya xiligaan in Ciidamo ay udirto Deegaanada Puntland si ay kaga dagaalamaan dhul buuralay ah oo aysan qibrad ulahayn Ciidankooda Kirishtanka ee duulaanka ku ah Marnaba in shareecada islaamka laga hirgalin wadanka Soomaaliya.

Dhawaan ayaa Cabdiraxmaan Maxamad Faroole waxa uu qeylo dhaan kamuujiyay mujaahidiinta kuqulqulaysa Buuralayda Galgala,isagoo gaalada caalamka kadalbaday in taageero lagu siiyo sidii loola dagaalami lahaa ciidamada mujaahidiinta Buux dhaafiyay deegaano badan oo katirsan Puntland.

Cabdicasiis Shureym
Somalimidnimo.com

7 Responses

  1. Abuu fatima says:

    Farooliyo amxaaraa
    Isu wada ekaan badan
    Ma aabaaba wada dhalay
    Isir miyey wadaa gaan
    Uurkooda wada jira
    Oogaduu kamuuqdaa
    Ifkana waa kasoo baxay
    Ashahaad ladiriryadu
    Siduu oday qurihi dhalay
    Isu wada ekaayeey
    Uurka gaal walaalkiis
    Waa oday nasaaraa
    Ama inan Tigreeyoo
    Adiguba bal eegoo
    ufiirsada wakaasee
    Isu wada ekaayeey
    May ahan oraahdee
    Oogada bidhaantiyo
    Waa muuqa aragtida
    Farooliyo amxaaradu
    Isu wada ekaayeey

  2. Abu xamza says:

    Farole iyo mamulkisa haka baxan dhulka ay jogaan intaas ayn dhi laha aniga

  3. xaqaani says:

    fidno huriye foroole waa foolxumo iyo ceebe feertiisa kuwaan jooga baan feydo soowadine fadhi gaalo af faraaqsan iyo indho fiish kujiro maanu filaneyne fajac weeye oo dunidaan faajir baa badataye ficilkaas xun iyo faasiqaas hadaan feysha laga gooynin fitnadaas xun wey faafinoo fisqigaa badane falanqayn taan fahmi mahaayo oday foox shita iyo kuwa falaagoobey dhab ufiirsha foolxumadu wuxuu kufaanaayo

  4. gaaldile says:

    aduun waa gabaawsi gaba gabagabadiiyoow mariye
    waa lasoo ganaanudaye gaal iyo islaamkine ninba gees ayuu maraye
    garna kama dhaxeeysoo gogol leeysku fidin maa,e
    nin waliba gantaaluhu garbka ku sidaya wana leys garaaciye
    goor horeeyna qaraxdoo wax magaratadaa mooge
    fulaygii gambaniyo midkii gees u leexday
    mid gadaal is mariyo midkii caarad hore is geeyay
    geeridu xaq weeyoo naftu weey go,eeysaaye
    gaalna weeyska tagayaa hadii gumuc kuleyliyo eedab laqabadsiiyo
    ragna wuu garamayaa intuu geed isugu tago geyigeeno xora,e
    midkii ceeb guntadiyo midkii guusha qaaday
    midkaan meeshaba jooginoo qurbaha ku hungoobay
    taariiqdu masintoo waqtigu wuu kala reebaahe
    ee gulufka adoon jarinoo gaalo ba,ay kaga siinin
    diintana u gargaarinoo muslimkana garab siinin
    xaqa aadan u dadaalinoo dulmigana diidin
    nin walboow garwaaqso war yaan ruuxu kaa go,ine

  5. gaaldile says:

    wale faroole gacanta mujaahidinta wad sogalidonta in shialah ama amxaaro waco ama galada kala waco mida kala al shabaab waxan ka codsanaya in dadka shacabka ah loo naxo oo tageeradoda la kasbado oo la joojiyo dilka ,micno darada ah gaalo waxa ay in laladagaalaman larabo wa shacab marka shacabka tageradiisa hala radiyo aniga ma jogo somali lkn marwalbo oo aan dadka mujahidinta ka so horjeedo la doodo waxa ay ku marmarsiyodan shacab aya la dilay marka taas hala jojojiyo si taagero badan lo hilo in shi alah xaqa qa u daahiraya gaaladana wa ay ku jabidonta

  6. turaabi says:

    Asc wan salamaya dhamaan Alshabab iyo tagerayashoda waxa iga su’aal ah kuli Culimada alshabab iyo tegerayashoda halkay diinta kaga taal in dad Muslim ah oo gurigodu xasilon yahay oo amaan kujira inlabara kiciyo oo qarax lala dhexgalo haday donanba haku jireen khaladad su’aal kale Diinta islamku ma Nastexa mise waa Fowdo

    Halaga sojawaabo waxana kajawabi kara cidii Aqoon uleh ninkasta logama bahna inuu hadlo

  7. Walaal somaliya waa mid kitabka ale iyo sunaha s.c.w. ayaa lagu xukumaya wadadka xukunka gaalo racsan iyo amxaaro waa lala dagalamaya insha Alahu farole joogis kuma leh somaliya

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS