
Ugaas Xuseen Ugaas Cabdulaahi Ugaas Muxumed oo Radio Alfurqaan ugu waramay Tuulada shaw ee Gobalka Hiiraan ayaa ka codsaday Hogaamiyaasha iyo Xubnaha kale ee Beesha Gaal jecel ee uu ka soo jeedo in ay garab ku siiyaan Xilka Culus ee loo dhiibay, waxaanuu hoosta ka xariiqay in aanay ahayn in ay iska daba joogaan uun ee laakiin ay tahay wixii uu ku saxan yahay in ay ku taageeraan hadduu tilaab qaldan qaadana ay ka qabtaan.


Ugaas Xuseen waxa uu Carabka ku adkeeyay in hogaamintiisu noqo doonto Haddi Alle idmo mid Shareecada Islaaka ku saleysan.



Beelaha Soomaalida ayuu u sheeegay in aanay jirin wax lagu badbaadayo oo aan ahayn Diinta Islaamka sidaa Daraadeedna ay tahay in ay ku dhaqmaan.
Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in uu haddii Alle yiraahdo uu Cadaaladda ka shaqey doono.
Ugaas Xuseen waxa uu tilmaamay in qorshaha ay ugu jirto in uu xaliyo hadday jiraan wax Mad madow ah oo Beeshiisa ka dhex jira, iyo wixii ay kala tabanayaan Beesha Gaal jecel iyo Qabiilada kale ee ay ood wadaagta ama deriska yihiin.

Doraad oo Taarikhdu ku beegneyd 17 bisha lixaad 1433 ee hijriga geesta kalena ku aadaneyd 08 05 2012 ee Taarikhda Milaadiga ayay Beesha Gaal jecel Tuulada Shaw oo hoos tagta Degmada Jalalaqsi ee Gobala Hiiraan waxa ay ay ku Caleema saartay si rasmi ahna uga dhaawaqday in Xuseen Ugaas Cabdulaahi Ugaas Muxumed yahay Ugaaskooda ama hogaankooda dhaqanka.

Abwaan Xasan Barrow Bocor oo tirsan Nabadoonada Caanka ah ee Gaal jecel ka soo jeeda ayay Beeshu wakiilatay in uu Cod sareeya ku yiraahdo “Gaal Jecel waxaa ugaas u ah Ugaas Xuseen Ugaas Cabdulaahi Ugaas Muxumed” waxaanuu uga dhawaaqay erayadaasi ka qeybglaayaasha Munaasibadda joogay hortooda.


Markaas kadib dadka oo wada faraxsan ayaa yiri “Allaahu akbar”
Ugaaskaan ayay tilmaameen in Beeshu u dhan tahay waana kii laba iyo labaataanad ee beeshu yeelato.
Munaasibadaasi oo ahayd mid si heersareysa loo soo Agaasimay waxaa ka qeyb galay khudbado guubaabo iyo dhiiri gelin u badana ka jeediyay madax dhaqameedyo ka kala socday qabiilada Soomaalida oo halkaas lagu Casuumay.


Xilkaan ayaa ah mid dhaxal ah waxaanuu Ugaas Xuseen uu ka dhaxlay Aabihiis Ugaas Cabdulaahi Ugaas Muxumed oo geeriyooday horaantii sanadkii tegay.
Abwaano ay ka mid yihiin Xasan Barrow Boqor oo sidoo kalena nabadoon ah iyo Yuuusuf Dhalahow ayaa Xafladda Gabayo ka jeediyay. Waxaa sidoo kale Khudbado wax ku ool ah ka jeediyay Nabadoono Metelayay Jufooyinka Beeshu ka kooban tahay.

Buun ayaa la yireeninayay dadkuna Caleemo qoyan ayay ruxayeen waxaana la is daba dhigayay tixo gabay ah oo qaarkood Ugaaska lagu amaanayo iyo kuwo loogu sheegayo Culeyska Mas’uulayadd uu qaaday leedahay iyo in uu Cadaaladda ka shaqeeyo oo aanuu Beesha u kala eexan.

Ugaas Xuseen waxa uu ku dhashay Degmada Buq aqable ee Gobalka Hiiraan sanadkii 1986-kii ee Taariikhda Milaadiga, waxaanuu iminka ku jiraa sanadiisii 26 naad.
Waa Nin dhalinyaro ah oo Sunadu ka muuqato, si aadna u degan, waxaanuu Qur’aanka ku dhameeyay isla degmada uu ku dhashay.
Waxa uu ka baxay Dugsi sare kadibna waxa uu ka qebgalay Dowraad Diini ah.
Asiga oo ay kor u sidaan rag ka tirsan Jufada Curadka u ah Beesha Gaal Jecel Kitaabka Qur’aanka Kariimka ahna Gacanta Midigna ku haysta korna u taagaya ayaa laga soo geliyay Albaabka Goobta Munaasibadda Caleema saarkiisu ka dhaceysay ee Tuulada Shaw ku taalla.
Waxa la sheegay in uu Caan ku yahay farda fuulka ama fardo bedridda.
Madaxda dhaqanka Beesha Gaal Jecel ee Munaasibadda joogay una riyaaqay in uu hogaanka u qabto Ugaas Xuseen Ugaas Cabdulaahi waxaa ka mid ahaa:-
Nabadoonka Jufada Caloofi Xasan Qaasim Kheyley
Nabaadoonka dirisame Cusmaan Aadan Nuur (qataarey)
Nabadoonka abtisame Xuseen Xassan Aamin (Geryare)
Nabadoonka sheekh Muuse Maxamed oo ka socday Jufada Axmed Aadan .
Nabadoonka Jufada Oday cad,Yuuqow Muumin Xareed .
Maxamed Axmed Kulmow oo wakiil ka ahaa Jufada Barsane.
Sheekh Muuse Cumar Cabdi oo ka socday Jufada abtisame qeybta degta Gobalka shabeelaha dhexe.
Xasan Jeelle Yuusuf ka socday Jufada Bees.
Maxamed Barrow Jufada Caafi Metelayay
Iyo wax garad kale oo fara badan
.Soomaalidu waxa ay leedahay Madax dhaqameedyo Beelaha hor kaca welow waayadii dambe Siyaasaddu ka xoog badisay oo Xukunkoodu aanuu sidii hore ahayn.
Hogaamiyo dhaqmaeedyadu waxa ay beelaha iyo guud ahaan Dalka iyo dadka u horseedi karaan Guul iyo Guul darro labadaba, waxaase Ugaaska Cusub loo rejeeyya in uu Beeshiisa iyo Soomaalida kaleba wanaag u kor kaco.

Halkaan Ka Dhageyso ku Dhawaaqistii Ugaaska
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Ugaaska Cusub
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Xigasho Alfurqaan.












































maashallah ugaska beesha gaaljecel waan uu hambalyaynaya.Allah hakula garabgalo xilka lagu saaray.anagana reer mandera beesha dagoodhiya waanku faraxsanahay.waxan kula talin laha ugasku in uu beesha ku hoogamiya dareeqa jihadka iyo sidha cadowga Allah lola dagalami laha.wabillahi towfiq
Allaahu akbar, Maashaa,allah nin ba ugaas leh, keygiina dastuur ayuu u suxul duubayaa! Qaatallahummullahu ciddii diinkiisa la dagaallanta!.
[...] DHAGAYSO DAAWO MASAWIRO CALEEMA SAARKA UGAASKA IYO SOCDAALKII ABWAAN SUXUFI C/LAAHI SOOMAALI, HALKAA… [...]
asc hambalyo beelweynta gaaljecel frm hiiraan 2 waamo greenland, ugaaskana Allaha no roneeyo mid diinta dalka iyo dadkiisaba anfaco Allaha kadhigo aamiiin …..ciidennaas gaduudene quruxda badan iyo inaan ku dhex jirka dadkeena waan u bahanay Allaha nokasso amiiiiin….. dhibka iyo cadawgana Allaha naga dulqaado …..amiiin
[...] Daawo Masawiro Dhagayso Caleema Saarkii Ugaas Xuseen Ugaas C/laahi Halkaan Riix Ama Guji [...]
Soomaali oo idil ayaa isku raacdey ineey isku xukumaan Islaamka waxey ila tahay in aritaas aan mar hore xal u helney!