Ciidamada xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa xalay howlgallo gaar ah kafuliyay Magaalada Muqdisho.
Ciidamo katirsan xarakada Al-shabaab ayaa in kudhaw 10 madfac kuduqeeyay Aqalka Villa Soomaaliya oo saldhig u ah madaxda Dowladda KMG iyo kuwa shisheeye.
Madaafiicda ayaa laga soo riday Gudaha Muqdisho Taasi oo dhaawac ku ah Amissom iyo Dowladda KMG oo horay usheegtay inay xaqiijiyeen amaanka Muqdisho kana saareen shabaabul Mujaahidiin.
Lama sheegin qasaaro kadhashay Hoobiyayaash kudhacay Aqalka Villa Somalia,mana ahan markii ugu Horeysay xarakada Al-shabaab ay duqeyn madaafiic ah labeegsadaan Madaxtooyada Muqdisho.
Dhinaca kale xalay Muqdisho waxaa kadhacay weeraro Toos ah oo xarakaad Alshabaab ay kuqaadeen Ciidamo katirsan kuwa Dowladda KMG Iyo kuwa Amissom.
Weerar Gaadmo ah ayaa shabaabul mujaahidiin xalay waxay kuqaadeen Isgoyska Eveko oo Fariisin ciidan u ah Ciidamo kasocda Dowladda Burund.
Waxaa kaloo xalay laweeraray ciidamo katirsan kuwa sirdoonka Dowladda KMG Guri ay kuleeyihiin Ceymiska ee Gobalka Banaadir.
Cabdicasiis Shureym
somalimidnimo.com












































xamaraa amaana been badanaa xaruntii eey gaalada iyo murtadiinta shirqoolka uga maleegaayeen dadka muslimiintaa aa lagu hoyan la yahey oo habeen walba kabteey ma aragtey ka dhacdaa markaaseey leeyihiin xamaraa nabada.
GUUUUUUUL MUJAAHIDIINTA
Holciya alaha hoojiyee munaafiqiintaas kufaarta isugu heeso filadaas…