
SUUGAAN:- Abwaan C/laahi Cali Xagaleey, ayaa gabay Tobanle ah tiriyey, Abwaanku ma ahan markii ugu horaysay ee uu tiriyo Maasooyinka halganka ah ee Taariikhda Soomaalida baal dahab ah kagali doona Mustaqbalka dhow, horay ayuu Abwaan Xagaleey noosoo gaarsiiyey Maansooyin aad u qiima badan. Maantay Abwaanku wuxuu ka hadlayaa, jabka ku dhacay Ciidamada shisheeye ee Afgooye iyo Muqdisho inta u dhaxaysa lagu xasuuqay.
Abwaanku wuxuu kale oo uu ka hadlayaa sida Taabta loogu jahwareeriyey Ciidamada shisheeye ee Kenyaanka ah, waxaa intaas dheer Turkiga Shirkii kadhacay Rag ka qayb galay ayuu Abwaanku Hanjabaad u dirayaa.
Kusoo dhawaada Maansada Abwaan C/laahi Cali Xagaleey.
Sidii tiir adoo taabto suran oonba kugu toogto
Hatalaabsan soowtaan ku iri nama taqaaniine
Haysku tegin tubtaan kaaga digay sowdigaan taagan
Taangiyadu waa taakuleyn anaga nootaale
Soow meel laydinku toogan karo sooma tuuraanin
Inaad tiicdo oon kugu tuntaa waaba kuu tiile
Car bal yaad tanaasulay hadhow cirrid lasoo taagin.
Timo xun teedii gashaan looba taag heyne
Tigreeguba tii aan kudhigay way tixgeliyaahe
Tu kale haddii ay latalin maba timaadeene
Matanaado nin teennii damcaa taniyo haabiile
Tun gooyada ninkii looqoraa tagaye meesheede
Tamiifta waa laguu tirin waxaan ka taagnaaye
Tii horoo nagamaqnayd baan tebeynaaye
Tafaraaruq haddaan laygu hayn teyda ley daayo
Taangiyada tooreey quraan kaaga tuuraaye
Waxaan kaaga takhalusi lahaa toban dharaaroode.
Tollaaye ma anaa tiraba tiina qiimeeya
Tundhumiyo waxaan tegi lahaa tii caruushaade
Toban wiil ayaa toban bilood kugu takbiirsadaye
Laba tuulo haddeey isu tagaan way ku tirayaane
Alloow yaa tagoog iyo muggeed taam isugu keena
Alloow yaa tabliiqeeya oo is taaba ku yiraahda
Alloow yaa kuwa aan tebaa teyda gaarsiiya
Alloow yaan turkiya tegine tooda naga moosa
Tobanka milyan alloow yaa kutuma tii maqnayd doona.
Tun maroodi towdii shabeel toogashada Aarka
Turkaaniyo kikuuyada markuu taabto hooyaanka
Tuugmado inaysan tab noqon taana gaarsiiya
Town dumay tubo boor kakacay tiiro kala yaac ah
Tafo goan toostoosin tood madax takoor yaala
Tacshiiraad adinkaysku furay waa idiin taale
Waa taah iyo tiiraanyo culus waa tabtaan garane
Tacabbir adigow kusugi taakuleyn qarane
Tog dhibaato goortaad gashey teendho kuu dhisiye
Turjubaan uma baahnidiin waysla tii uune
Tanzaaniyaan haddaan kugu tixnaa soow tolkaa maaha
Kibirkaa lagaa toobayaa toban ya kow jeere.
Waxaa tiriyey Abwaan C/laahi Cali Xagaleey.Somalimidnimo.com
اللهم انصر عبادك المجاهدين في سبيلك في كل مكان اللهم سدد رميهم وثبت أقدامهم والحقنا بهم يا كريم وأمدهم بجند من عندك يا رب العالمين اللهم شافي جرحاهم وعافي مرضاهم اللهم يسر لهم كل أمر وفرج لهم كل غم وهم واربط على قلوبهم اللهم امين
اللهم انصر عبادك المجاهدين في سبيلك في كل مكان