
MUQDISHO:- Warar ku soo dhacaya warqabadka Warbaahinta Islaamigaa ayaa xaqiijinaya in Culimo iyo Ducaad kamida Xarakada Al-ictisaam ay ku sii qulqulayaan Magaalada Muqdisho, waxaa hadda Magaalada Muqdisho ku sugan Bashir Axmed Salaad iyo Axmed Cabdisamad.
Waxaa kale oo lagu wadaa Wafuudda Alictisaam ee kusii jeeda Magaalada Muqdisho in ay ka imaanayaan, Waqooyiga America, Yurub, Magaalada Qardho iyo Nairobi. Warar hordhac aan u helnay ayaa tibaaxaya in Bashir Salaad iyo Labo Nin oo kale oo kamida Culimada Al-ictisaam ay isku haystaan u tartamida Jagada Madaxweynanimada Soomaaliya ee xiligaan gacanta ugu jirta Mahigo iyo Beesha gaalada.
Bashir Salaad Labada Nin ee ku haysta u tartamida Madaxweyna nimada ayaa mid kamida wuxuu ka imaanayaa, Waqooyiga America halka kan kalana uu ka imaanayo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa wararka xarakada Al-ictisaam ku saabsan noo xaqiijiyey ducaad kamida Al-ictisaamka oo aan filayno in ay wixii been abuura ay Allah oga baqayaan, balse wixii xaqiiqaa waa soo baxayaan maalmaha foodda nagu soo haya.
C/laahi Shire
Somalimidnimo.com












































Horta wax wayn maaha oo soomaaliya madax wayne waa laga noqon karaa,hadhowna waa inay ku xukumaan sharciga allaah soo dajiyay.waxaan tegay turkey magaalada ankara,ninka hada madaxda ka ah thayib wax yar kahor waxa uu ahaa mid la ihaanaysto asaga iyo xisbigiisa islaamka ah.turkey waxaa iska haysan jiray genaralo yahuud u badan asalkooda,ma u malaynaysaan hada inay ku xirxiran yihiin dhulka hoistiisa 50 genaral.mid mid ayuu u ugaarsaday.wadankii dhaqaalihiisa cirkuu isku shareeray,hada soomaaliya malaga yaabaa in wadaad qunyar socod iska dhigaya la wareego,deedna xirxiro qashinkaan laba shariif iyo dadkooda mise somaliya laba is aaminsanba waa laga la,yahay.
Asc Wr Wb
-
Amir
-
Sheekada Dhinac Aysan Jirin Ha U leexinin
Sheekadu Waxay Taagantahay Ictisam Iyo Madaxweynenimo
Ee Ma Taagno In La Xirxiro Sharif Iy Waxa La Midka Ah
Sheekaduna Ma Taagna Ardugan Inaan Tusale Ka Dhigane
Ee Mowduuca Ha Marin Habaabinin
-
Intaas Kadib Akhyaareey
-
Ictisam Ma Gaalnimo Ayeey Rabaan Mise Wax Kale Ayaa Jiro?
Shaley So Te Lahaye Ninka Kursiga Ku Fariista Wuu Galobaya?
kkkkkkkkkkkkkkkkk Hala Isku Cayara Mey Wadaan Wadaadadu
Wlh Waa Yaab ileenba Baryahaan Wexeey Ugu Haayen Galnimo
Maslaxo Waa Loogu Dhici Karaa ileen Booska Ayeey Sii Salaxanaye
Si Dadkuba Aysan Ula Yaabin Amab Aysan U gaaleysiinin
-
Bashiir Axmad Salaad Agteyda Mar Hore Ayuuba Ka Ridoobe
Maantana Lama Yaabayi Haduu Shuqulkaan La Imaado
Gaal Gaalnimo Kale U Socdo Lee Waaye
-
Bal Mexee Umada Diib Been Ah Ugu Akhrinayen Hadyeba
Saan Ay U Dambeyneso?Lkn Yaab Ma Jiro Shariifba Haduu
Ridoobe Shaleyna Uu Mujaahid Ahaa,Maantana Lama Yabayi
Wadaad Haduu Ridoobo,Alla Maxay Uur Ku Gaal Badan Ay Umada
Ka Buuxan,Nas,alullaahas-salamata Wal Caafiyah
-
Ictisaamna Sh Xassaan Allaaha Barakeye Ayaa Meel Uga Soo Hare
-
Axmed Cabdisamadna Wuxuu Yiri*Afkeenu Waa Isku Amaane*
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
-
Ana Waxaan Leeyahay Afkeena Waa Isku Amaan
War Wixii Jiraba Cakaaraha Ayuu Yimaadaye
-
Asc Wr Wb
Amiir,
Baarakallahu fiika , Akhii laa shakka qoraaldaaada waan arkay waxaad tahay walaal islaamka khayr la raba, waana sida la rabo. Wafaqakallahu wa iyaaya.
-
Walaal arintan ku saabsan Ordogan:
-
1. Ordogaan walaal nin aan aaminsanayn culuwiga illaahay, markuu ugu yaryahay waa ‘Ashcari’ waaba haduusan ahayn ‘Jahmi’
-
Waana hayaa cadayma muujinaya, arintaas upon request.
-
2. Shareeco Illaahay ma rabo inuu tadhbiiqiyo, wuxuu aaminsanyahay Calmaaniyo,
-
A. Waakii markuu Qaahiro tagay yiri looma baahna dawlad diiniya dawlad cilmaaniya oo dadka iyo dintaba dan u ah!
-
B. Sida ay NYtimes qortay last year oday kurdi-Turkey ah oo wiilkiisii noqday kuwa sameeya ‘Faaxishada’ markuu intuu tagay Istanbul wiilkii dilay, odaygiiina uu baxsada Waqooyiga Iraq, ileen dastuurka Turkeyga ma qabo in gayga la dilo!
-
Nabiguna wuxuu yiri, “Ruuxi sameeya camalka qawmu luudh ha la dilo faacilka iyo ka lagu sameeyay”
-
Turkeyga in ayakii la dilo iska daaye, kii dila ayaa la dili!
-
3. Ciidamada turkeyga waxay ku jiraan Nato-da joogta afqaaan!
-
Waxaasoo dhan markaad fiirisid, waxaa kuu soo baxaysa Dajjaalnimadiisa!
-
-
Hadana saasoo ay tahay, asagaas ayaa dhaama kuwa balaayadii ka horaysay ee Ajaawiid iyo Gaaladii kale, laakiin badiil kama noqon karo dariiqii lagu raadinayay system waafaqsan wixii allaah soo dajiyay fii ardihii.
-
culumaausuu cumaamada masidinkunoqotay
Somalimidnimo arintaan aad leedihiin Sh bashir salaad baa jagada
Madaxweyne nima utartamaya, waa hore ayaad soo
Sheegteen, marka hadii ay arintaas run noqoto waxaad tihiin xog ogaal.
alictisaam==kufaar. nimanyohow munaafiqiintaan daalimiinta ah ee laaciniinta ah haku sheegina culimo.
Akh Waxgarad
-
Runtii waan ku farxay markaad ka gaabsatay warka tahriijiga ee uu qoray qoraaga Somalimidnimo.
-
Marka lagu gudbo mabaadi;da guud meel ma ku ogtahay nidaam islaami ah oo xukunka oo lagu qoray? or Shall sida ay dawlad islaami ku iman karto ie gun, vote, revolution, strike etc iyo habka ay u shaqayso ie imaam or khalifa, president, king, council of shura etc ama habka ay u shaqeeyso waaxyadeeda iyo gobolladeeda?
-
Masar aragnay miraha ay ikhwaanka ka heleen bacda tacabin ku fadhiisiga xukunka.
-
Rajada laga qabana kaama qarsoona in Masar shareeca la dabaqo inta ay la eg tahay?
-
Laakiin sadiiduu waa qaariibuu in the context of good governance waa macquul.
-
Inamada yar yar iyo salafiyadda guud waxay dhaleen dhiig, jab, drones etc.
-
Markii ay half of Somaliya gacanta ku dhigeen xitaa laydhkii umadda waa u shidi waayeen?
-
Salafiyada across the world waa la mid including Yamen, Mali, Afghanistan, Aljeeriya, etc
-
Sow sax ma noqonayaan culimada leh xukumka shareecada waa madhlab sharci ah oo must ah laakiin kayfiyada uu ku imaan karo waa ijtihaadi?.
-
Just I want to stir up honest debate in this ellusive topic si dhullaabul cilmiga u kala faaidaystaan?
-
Allow fiqi sax ah na sii
asc…
alcitisaaam aniga waxaan kudaray liiska munaafiqiinta caalamka markii laga reebo inyar ooo warmooga ah ….
marka hada hadii aan arko ayagoo dawlada ridada u ah madax markaa waaba wanaagsantahay maxaa yelay waxaa cadaanaysa khiyaamadii ay khiyaamen shacabkan muslimka ah oo ay ku gaadeen shurweelkan gaaban iyo garkan wayn …
lakiin ilaahay makhiyaami karaan…
diintoodiina waxay ku iibsadeen aduunyo aysan lahayn ayagu..
waxaana dhihi karaa waxaaba dhaama gaalracyada maxayelay gaalraacyadu waxay diintoodii ku iibsadeen aduunyo ay ayagu faa iido ku qabaan ..
waxaan iidiinjeclaa iILAAHAY dartiis maantana waxaan idiin nacay nacaybka aan nacbahay shaydaanka mid kaxun ILAAHAY dartiis …..
Sheekh dirir akhii waasidaa aad sheegtay, waxaa ilaa hadda aan la isku diidanayn in shareecadda islaamku ay waajib tahay isku xukunkeedu, laakiin haddaa aduunkaan aan joogno sidee shareeco islaam looga dhalinkaraa.
marka hore sidee shreecadii lagusoo celinkaraa: Ma jihaad joogta ah oo qura, oo aan wax siyaadda oo kale lasocon oo hal xaroko uun garwadeen ka tahay, ma siyaasad iyo in baarlamaanadda la galo siddaa akhwaanka hadhoow madaxweynne la isku sharaxo kadibna aan waxba shareeco lagu xukumi karin. Ma in layiraahdo wax horta inta doontaba hanoqotee aynu dacwo wadno jiil fiicana soo saarno, bulshaaddaas fiican ee dacwadu tarbiyeysay iyagay kasoo dhexbaxayaan dadka leaders oo islamic ahee.
Marka arintaa laga soogudbo, haddiiba ay kooxi ama xaro usuuro gasho inay gobolo qabsato, majiraa sharci islaami ah oo diyaar ah oo aan lahayn ikhtilaaful culumaa, oo aan keenayn in qaadiga marka joogaa nin tuugah oo wax xaday gacanta ka gooyo, kan kismaayo joogana uu siidaayo iyadoo labaduba daliil haystaan. waxaa intaa dheer diintu maaha uun in xukun la rido, laakiin waa nololdhan, marka xarakaatka islaamiga h makufilan yihiin dhammaan inay daboolaan noloshii oo dhan dhan walba oo laga eego, mise waxaan ubaahan nahay bulsho islaami ah.
Isku soo duub oo aniga waxay ila tahay khilaafaddi islaamiga ahayd inaysan kusoo noqonayn xiligan lajoogo, inaan niraahno AK47 baan la taagnaanayaa waxkale oo aan maqlayaa ama qaadanayaana majiraan, haddaadan xarakadayda ahayna gaalbaa tahay.
Waxaan aaminsahay in loobaahan yahay in bulsho islaamiya la kiciyo laakiin aynaan kicin xarko islaami ah.
Assallaamu aleykum wr wb
-
Allamagan wallaal
Khilafa Islaami ah in ay hadda soo noqoto iyo in kale waa wax ALLE gacantiisa ku jirta, in cimrigeena gaaro iyo in kale hawl noo taal ma ahin, laakiin waxaa nalaga rabaa in aan heyno waddaadii saxda ah ee ALLE raali ka yahay.
-
AK47 hadda waxa uu u taagan yahay seeftii! wax ka weyn haddii la helo waaba lagaa ilaalin hayaayee waa lagu raadin, yaambada iyo qalinkana ha kala reebin.
-
Dhib iyo dagaal cidna ma rabtee! wadda gaaban “short cut” ee aad heysaan naqshadeeda soo daaya aan idin la aragnee!!
-
Wax kale oo aan maqleyno ma jirto cid tiri ma jirtee arintu waa shuuree bal noqda mid uun ama talo keena ama talo raac!
-
ALLE uga cabso haddaadan xarakadayda aheyn gaal baa tahay cid tiri ma arag waxaanse arkay culima leh haddii aad diideen jihaad annagaa isku dayeenee cadawga isku kaaya daaya aan idin ka nabad helno iyo mayee annaga diyaar ma nihin idin ma fasaxin nala fariista!!
-
Hadda dagaalka caalamka ka socda waa difaac ma ahin dalabi, galaada soo qaaday dagaalka waa og yihiin haddii hadda la daayo in uu isu badali doono dalabi!! marka idinka iska daa dalabiyee kii difaaca ahaa ma waxaad leedihiin AK47 dhig maslaxo kuma jirto ciidamadda XDS-na waa Uganda, Eithopia, Kenya, Djoubti, Sierra Leone, USA, Europe iyo carab
-
Dhibka ma XSM iyo Aqaacida ayaa usabab ah?! ileyn Ictisaam saas bay qabaanee!
-
Suubanaheenii CSW baa raaxo iyo gudasho dacwo adduunkaan kaga degi lahaa taariikhdiisana waa la socotaa siiradda, la isku waa dhafi iyo fuud yicibeed!!
-
Bulshada islaami ah in la kiciyo baad aaminsan tahay habkii jiilkii hore ee salafka mid ka duwan oo loo kicin karo bal noo sheega!
-
Xarako Islaami ah kicinteeda cidna taageeri meyso halka loo socdaa waa in la oogo waajibaadkeena kana soo baxno shaqadeena oo aheyd in aan wax aan ALLE aheyn adduunkaan lagu caabudin markaan dayacnayna haddee waa taa godkeenii biyo noogu soo galay!!
-
Waxaad qirtay in hadda la isku diidaneyn in shareecadda islaamku ay waajib tahay isku xukunkeedu, ma hadda keliya ayey waajib noqotay mise waa horaa la dayacay oo laga seexday?!
-
Waxaad is weydiisay ” laakiin haddaa aduunkaan aan joogno sidee shareeco islaam looga dhalinkaraa.” Wallaalkeey hawsha waa socotaa hurdana Bush baa dadkii ka kiciyay seexasho danbe ma jirtee duca uun hay! afka qabsada ku dheh Ictisaam!! cidna idin gaaleyn meysee waxna waa ku leedihiin wixii khayr ah ee la helo.
-
Jiilkaan muuddaa la soo dhisaayay sidii wax naloogu sheegi jiray runtii baan aragnay, imtixaankii lagu kala bixi lahaa waa nala hor keenay, qofkii cudur daar raba Kacab Bin Maalik RC ha ku dayo runta ha iska sheego kii kaloow dhabarkaaga sii muuqda waa la arkaa!!
-
Haddii Marka xad laga oogo aanse laga oogin Kismaayo wallaal samir khilaafa 100% sugi meynee ugu yaraan mid aan hoos tagno oo na wada kulmisa wadajirkeena ilaalineysa cadawgeenana yur aan ku wada iraahno waxaase dhici karta mid beenaalle ah warkiisa in lala boodo hubsiimada iyo dulqaadka aan badino.
waayeel
subaxana laaah war rabi ka xishoo isaga mudan in laga xishoodee afkaag culimahada
ialaah in ku galeyso yaa ku baneeyay subxana laahi war miyadan islamka wax ka aqoonin sidee qof ahlu towxid ah aad gaal ugu shegeysaaa miyadan ogeen in ay adiga kugu so labaneyso mise qofki aaan firqada khawarijta aheen oo dhaho islamka dhigiisa waa iaga reban yahay waxaa u taqan gaal markana gaal katoliga maxa u taqana dinta islamka maha in ahlu towxidka la cayi la galeyo la dilo ee wax baa idinka qaladane rabi u labto o isi sax
Bro Allamagan
-
Aniga sheekh ma ihi laakiin dhaalibu cilmi noloshiisa ka caydhsada Hargeysa ayaan ahay.
-
Sidaad u dhigtay hadalka waa sida la garab marayo.
-
Maqaalkana waa mid sii libdhayo.
-
Qolyahan Somalimidnimo haddii ay noo dhejin lahaayeen waynu wadaamaysan lahayn bishardi in dhullaabul cilmiga la wadaagaan akhristayaasha iwm sida loo badhi gantaali karo masaallidan calaa dhowi ma xaqaqahu al culimaa fil qadiimi wal xadiithi.
-
juzita khayran
Rabbiyow cullumo maahee waa caammee nagga qabo.