DAAWO VIDEO: Warbixin Sir ah: Jeelasha Puntland iyo Tacdiibinta Maxaabiista Abu Ghuraib Mise Guantanamo (Warbixin)

WARBIXIN:- Dhisme burbursan iyo biro miriray, maxaabiis buux dhaafisay iyo qurmuun kaadi ah oo soo uraya ayuu ahaa muuqaalkii ugu horeeyay ee aan ku soo arkay Xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso, waxa xabsigaasi ka dhacaya waa xadgudub kale oo maamulka Obama uu geysanayo balse indhaha Caalamka ka qarsoon.

La isma weydiiyo waxa ku dhaca dadka loo qabto eedeymaha Argagixiso marka ay xabsiyada galaan? Balse jawaabta isweydiintaas halkaan oo ah Xabsiga Boosaaso ayaan ka heleynaa; sidaasi waxaa qoraalkiisa ku daah furay wariye dhanka amaanka u qaabilsan wargeyska News Week oo lagu magacaabo Eli Lake kaasi oo tagay dhulka maamulka Ashahaada la dirirka Puntland kataliyo.

Lake wuxuu sheegayaa in Argagixiso ay ka shalleynayaan sida uu hadalka u dhigay gelitaankooda xabsiga Boosaaso in ka badan inta ay ka shalleyn karaan dhibka ay kula kulmayaan falalka ay ku jiraan, waa xabsi uu ka yaabay nolol xumida ka jirta iyo tacadiga ka soconaya.

Maxaabiista badankood iska daaye Uniform gaar ay u leeyihiine xittaa ma heystaan kabo, waxaadna arkeysaa iyagoo xiran garan ama funaanado garbo go’an ka dibna hoos ka xiran qaarkood buumooyin ama Macawisyo.

Markii aan gaaray Xabsiga dhexe, madaxa ilaalada Xabsigaasi Shuuriye Saciid Max’ed oo aan la kulmay ayaa qudhiisa qiranayay dhibaatada taalla xabsiga wuxuuna ii sheegay in xabsiga oo loogu talo galay ugu badnaan 300 maxbuus in ay hadda ku hayaan 390 maxbuus.

Dabcan maalinkii maxaabiis kale la geeyana waa la qaabilayaa iyadoona ay galayaan godkaasi weyn ee dhibaatada ka dhaceysa aaney cidna la socon.

Arrinka kale ee Shuuriye uu sheegay ee cajiibka ah wuxuu yahay in maxaabiista qaar ee Xabsiga ku jira ay yihiin dad ay soo qabteen Ciidamada sirdoonka Mareykanka ee CIA-da!, inkastoo uu diidanaa arrinkaas inuu ka hadlo hadane wuxuu sheegay isaga in kaliya 16 nin uu ogyahay in Mareykanku u keeneen.

Afhayeenka Pentagon-ka James Gregory oo wariyuhu uu la kulmay waxna ka weydiiyay ragga ay qabteen ee ku jira xabsiga wuu ka gaabsaday tiro cayiman inuu sheego, balse wuxuu tilmaamay  in dawladda Mareykanka dad ay ku qabato falalka loogu yeero Argagixisada in ay ku wareejiyaan maamulada dagaanadooda ka jira.

Wariyuhu wuxuu leeyahay Xabsiga Boosaaso iyo kuwa la midka ah ee adduunka ka dhisan ayaan wax xog ah laga heyn lana ogaa Karin dadka ku jira, madaxweynaha Mareykanka Barak Obama ayaa marki xafiiska uu qabtay ka dib wuxuu ballaariyay howlgallada dhanka sirdoonka iyo duqeymaha diyaaradaha duuliye la’aanta ay ka geystaan dhulalka Caalamka Islaamka.

Sidaasi oo ay tahay maamulka Obama wuxu sheegay inuu albaabada isugu dhuftay xabsiyada fadeexadda ee Yurub ay ku lahaayeen CIA-da, isla markaana aan maxaabiis cusub la geyn doonin Guantanamo, laakin arrinkaasi ma u muuqdaa mid dhab ka ah maamulka Obama?.

Halkani Waa Jeelka Boosaaso oo Maxaabiista Qaar Qaawanyihiin/News Week

Muuqaal yar oo aad ka aragtid Xabsiga Boosaaso ayaa kuu muujinaya sida ay u ekaan karto nolosha ka dib marka la xiro xittaa Guantanamo, dadka meesha ku jira ayaa eedeymo kala duwan loo heystaa, waxaa ugu badan eedda ah Argagixisinimada, laakin dhaqanka lagula macaamilo ayaa ah mid ka baxsan banii’aadanimada.

Gudaha Xabsiga intii aan u kuur galayay nin dhalinyaro ah oo ka soo dhexbooday maxaabiista ayaa cod dheer xoogaa Af English ah igu yiri “ Magaceygu waa Axmed, waxaan doonayaa in aan kula hadlo”, wuxu ii sheegay Axmed cabasho ay ka qabaan nolosha ku heysata xabsiga.

Qurmuunka musqulaha, xabsiga oo buux dhaafay iyo xagudubyo loo geysto ayuu ka sheeganayaa, wuxuu soo jiiday nin kale oo maxbuus ah oo madaxiisu daqar ka muuqday, wuxuu igu yiri “ waxaa dhibkaan geystay ilaalada xabsiga”.

Markii aan weydiiyay arrinkaasi masuulkii Xabsiga Boosaaso Shuuriye Saciid wuxu ku jawaabay in ay jiraan, maxaabiista ayaa dhexdooda is disha, in la kala dhex galena waa adag tahay sida uu ku andacoonayo Shuuriye.

“ Waa rag dagaalamaya, meeshaan xeerku wuxuu yahay kow inaga ayaa is ilaalina..ka dib ayaan maxaabiista kala ilaalinaa’ ayuu yiri taliyaha Xabsiga.

Wiil dhalinyaro ah oo magaciisa ku sheegay Axmed Max’ed Cali ayaa ka mid ah dadkii aan xabsiga ku arkay, Axmed waxaa la qabtay isagoo lagu xiriirinayo Al-Shabaab, wuuna qirsan yahay arrinkaas.

Wuxuu ii sheegay intii aan la keenin xabsiga Boosaaso in meel gooni ah ay su’aalo ku soo weydiiyeen ciidamo ka tirsan sirdoonka Mareykanka, dabcan halkaasina waa xarumaha lagu tacdiibiyo dadka, sida adagna loogula macaamilo maxaabiista.

Axmed lama yaabana in Mareykanku ay su’aalo weydiiyeen, wuxuu ogyahay in ay aad uga howlgalaan Puntland, isaga xittaa aniga ilama hadleen mooyee waxaa ii fududeeyay maamulka Puntland oo hadda uu la shaqeeyo Axmed.

Isagoo ka jawaabayay dhibaatada ka jirta Xabsiga Boosaaso ayaa ku xigeenka kaaliya xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Bruce Wharton wuxuu sheegay in ay doonayaan si banii’aadminimo leh in lagula dhaqmo maxaabiista, “ waan kala hadleynaa arrinkaas maamulka Puntland” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Mareykan Fadeexad Beni’aadanimo kama naxo oo Isaga ayaaba Gacantiisa ku sameeya

Laakin Mareykanka oo fadeexaddii ugu darneyd ka geystay xabsiyada Abu Ghuraib ee Ciraq iyo Guantanamo ee Jaziiradda Cuba ayaan looga fadhin in ay cadaalad u sameeyaan dadka ay heystaan, adduunka oo dhan ayaa daawaday muuqaaladi argagaxa lahaa ee laga soo qaaday Xabsiga Abu Ghuraib, iyadoona laga wada dharagsan yahay wax ka weyn arrimahaasi in ay ka dhacaan gudaha xabsiyada aaney tagi Karin saxaafadda.

Xabsiga Boosaaso gudihiisa waxaan ku arkay in ragga meesha ku xiran gooni loo kala geeyay, burcad badeed, Al-Shabaab iyo dad kale ayaa meesha ku jira.

Masuulka Xabsiga Shuuriye wuxuu ii sheegay Al-Shabaab meel gooni ah in lagu xiro, wuxu yiri kuwaasi waa sida Virus, haddii aan dadka caadiga ah kula xirno xabsiga waxaa suuragal ah in Virus-kooda oo uu kala jeedo Islaaminimada ay u sii gudbiyaan maxaabiista kale, oo halkaasi dhaqaaq ay ka bilaabaan.

Laakin sida ka duwan Xabsigan, jeelal badan oo ku yaalla dalalka Carabta ayaa loo ogolaadaa dadka Argagixisanimada u xiran in ay dadka dhex galaan, waana arrin jirta in ay saameyn ku yeeshaan dadka ay la kulmaan.
Ilaalada Khaaska ah ee Faroole Waa CIA-da Mareykanka

Wariyaha warbixintan diyaariyay ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha maamulka Ashahaada la dirirka Puntland uu u sheegay ilaaladiisa gaarka ah iyo ciidamada sirdoonka Mareykanka ee CIA-da si dhow in ay u wada shaqeeyaan.

2 sarkaal oo Mareykan ah oo hadalka Faroole aan hor dhigay ayaa iyana ii xaqiijiyay arrinkaas.
::Gunaanadka::
Haddaba ninkii jiifayow hurdada ka toos, kii imaahinayow ishaada wax ku arag, Puntland waa qalcad adag oo loo adeegsado dagaalka Islaamka, waxaana ku waajibaya dadka dagaankaas in ay gacan siiyaan gulufka la doonayo in dulmigaas lagu zuuliyo.
Waagu wuxu ka soo bidhaamayaa buuraha Golis, go’aankuna wuxuu yahay Boosaaso oo dib Islaamku ugu cizzoobo.

Warbixinta Waxaa Faafisay News Week waxaa Tarjumay Tifaftiraha SomaliMeMo
Editor@somalimemo.net  

Isha Warka Shabakadda Islaamigaa ee Somalimemo Soo Turjuntay, Thedailybeast  Resource Link

http://www.thedailybeast.com/articles/2012/06/27/somalia-s-prisons-the-war-on-terror-s-latest-front.html

 

 

8 Responses

  1. waayo'arag says:

    Ilaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa.
    Asc wrb,
    maxaabista sawirkan kujirta niinka askariga ee dultaagan somali ayu ila eygyahay, waa arin laga xumaado.dagalka xaqa iyo badilka usocda ma arkaysan ,dad la iska xirtay sida xolaaha. Anigu kolayba kamayeleen inay sida adhiga ood laygu xiro , nimanka iladashe ayaguna ma aqbalayan in aniga lay xirto .
    kuwan xiran sida xoolaha qososkoga ayaa xiray oo jaajuusay o gaalo cadow ah udhiibay ee hakumucaradan qabiilladoda sii ay xoriyadoda uu helaan sidasi ayay ila tahay aniga.
    Ilaahay subhaanahu wa tacaala hadad ku mucaaradid oo qabiilkaga karacdid , uu ku duleen ilaahay. farole iyo siilanyo (abayaasha jawaasiista) ayuu faraha kuugalin.
    Sideedaba Qofka muslimka waa xor,xasuusta walaalayaal qureishti iyo qabiiladii jahliga kujiray markii ilaahay soodajiyay dinta islamka ah qabiiladi maka mukarama daganaa way kumucaaradee nabi muxamed naxariis iyo nabadgelyo ha ahato korkiisa .Jahligii ayay kajecleysteen nuurka diinta islamka,
    dad la dhaco , gadho sagiir ah oo la aaso, qamri iyo shirki
    Kuwaas puntland iyo somaliland iskugu yeedha shacbiga muslimka meeshas ku nool walahi way jahwareeriyeen.qaabyaalad, jaajusnimo iyo shirki ayay ukalabadinayan. Gaalkuna uu ka faideysanaya.

  2. mooha says:

    yaab badanaa? Al shabaab oo xuquuqul insaan ka hadlaysa waaba mucjiso shabaab waxay dheheen xabsi ayaa wax lagu jirdilaa idinku horta xabsi ma leedihiin ileen kii aad qabataanba surka ayaad ka goysaan qof xabsi leh waaba qof naxqriis ku jirto idinku dil kaliyaad taqaanaan xabsi haba sheegin mida kale caruurta aad laysaan dumarka wadada nadiifiya aad isku qarxisaan masaajida hortooda aad dadka ku sugtaan si aad u dishaan waa yaabe idinkoo muslim sheeganaya ayaa gaalka idinka naxariis badanyahay sababtoo ah marka aad ardaysa layseen ayuu gaalku yiri waan ka xumahay halka sh. Cali dheere uu idaacada intuu soo istaagay ku faraxsanaa mid aan idin su’aalo? Waxaad dhahdeen dalka ayaan shareeco islaam ku maamulaynaa sidee ugu maamulaysaan madaama oo wixii aan shabaab ahayn gaal u haysataan seed ugu maamulaysaan ileen somaaliya gaalo ayaad u haysataan wiilasha al qaacidana islaam ayaad u haysataan

  3. salwa says:

    koley waxa dadka lagu haystaa soo allah dartii maha waxbo yey is murjin adunyada wawax yar ilahay ayaa ka abal marin inshaallah allaha sugo ayagana iyo anaga dhamanten

  4. faroole ilaahey hanacladee wax uu noosheegaayi malahan muslimiintan uu cadaabayana ilaahey baa kuburburindoona sababtooda waxana ilaah karajeynrynaa in gacantayada uu kucadaabo

  5. moohaa miirkaaga hatagee mxad gaalada uga doorbidi muslimiinta!alla doqonsanidaa ilaahey haqa hakutuso waad lunsan tahaye .

  6. Garmaqaate says:

    Kuwa idinka gacanta idiin gala sidee ula dhaqantaan? Inta marag la’aan basaasnimo ku xukuntaan deedna mindi saawir kuma gawracdaan miyaa?

  7. waayo'arag says:

    ilaahay baa mahad oo dhan iska leh. Naxariis iyo nabadgeylo ha ahato nabi muxamed korkisa.
    asc wrb.
    To: mooha booha jaasjuus berjileec
    sidaad u hadlaysid wa tabtii hadalkii sheek maxamad umal, ardeedii waxaa ka naxday gaaloo oo waxaa ku farxaday mujaahindinta ladagaalamaya kiristiyaanka saliinbiyinta nagu soo duushay.
    Barobangadada meel kalee la tag , halkani wa somalimidnimo qosol qosol loma bahno.
    meeshani ma aha imamyo masjid galay, iyo niin somaaliya oo sheek loo hasto oo sirdoonka cadowga gaalada iyo yahuuda la shiraaya.

  8. abdirahman says:

    ASALAAMU CALAYKUMA DHAMAANTINI intaa ka dib tani waa fududahay wax wayn maaha jeelal ayaad ka hadlaysaane hadii aan ilaahay loo noqon dhamaanteen waa la ina zuulin ee dadkaa ashaadanaya ee qoriga sita qof walow waxaad ku taageeri kartid ku taageer kii muslin sheeganyow hadii aanad taageerayn afkaaga ha laga nabad helo arinku waa gaal iyo muslin muslin ku dila ayaa kaaga khayr badan gaal ku dila hadhowna kugu kaadsha ku caqligooga iibsaday ayaan u sheegayaa maalin dhawayd naag maraykan ah ninkeedii oo u dagaalamayay oo isna maraykan ahaa markii uu bakhttiyay meesha qashinka lagu tuuro ayay ku tuureen gaalkoodii kale ayay sidaa gaalo u galaysaa adigu xageed joogtaa oo ilaahay sheegay inayna kuu joojinaynaa ilaa aad iyaga ka mid noqoto hadii aad ka mid noqotana way ku liidi markaa xanuunso adiguna xanuuni iyaga af iyo adinba ilaahayna SWT waxaad ka rajaynayso iyagu xabad kama rajynayaan ee gaalo dhulka islaamka ha iskaga baxdo hadii kale iga waloo sidaas ayay u soconaysaa ilaa suurtu ka afuufmayso qof walowba taas ogow .

    wsc wr wb

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS