DHAGAYSO: Aabbaha Jihaadka Soomaaliyeed, Callaamah Sh. C/Laahi Raabbi, “Gaalnimada Kaddib Majiro Dambi Ka W eyn Wadaad Jihaadka Ka Reebay Dadka


Ilaah baa mahad leh. Ammaan iyo Nabagelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

Akhristayaal sheekh C/Laahi Raabbi waa sheekh kamid ah culumada ugu waaweyn Soomaaliya! Sheekh C/Laahi culumadii ku eyniga ahayd waa kuwa qaarkood Mahiga, Banki’ Moon, William Huge, Meles Zenawi, Yoweri Museveni, Moi Kibaki,Sharif, Faroole, iyo Siilaanyo hoos jooga!.

Sheekh C/Laahi Raabbi siduu dadka u baraarujin jiray markii Kacaanku waddanka heystay buu weli u hadlayaa! Waa sheekh da’ ah! Wuxuu  madax ka soo noqday Jabhaddii Soomaali Galbeed ee Ibraahim-dheere u gacan gashay Zenawi! Isagoo cimrigaas jooga buu weli sidii lagu yaqaannay u hadlayaa! Haddeer oo gaalomadow meel kasta ka soo gashay Soomaaliya wuxuu u hadlayaa suu awal u hadli jiray!

Sheekh C/laahi Raabi wuxuu ka soo guuriyey Sheekh Ibnu Xassam Al-Daahiri iyo Sheekhul Islaam Ibnu Taymiyah in ay yiraahdeen “Dambi kaweyn ma jiro Gaalnimo iyo Shirkiga kaddib; in  Jihaadka Wadaad  uu Dadka kareebo oo qoriga ka digo!  si fiican u dhagayso daqiiqadda 10-naad markii uu fasirayo Aayadda Qur’aankaa!

Sheekh C/laahi wuxuu fasirayey Aayaadka ku jira Suuradda Al-Nisaa ee 71,72 iyo 73  ee Allah yiri:

((٧١) وَإِنَّ مِنكُمۡ لَمَن لَّيُبَطِّئَنَّ فَإِنۡ أَصَـٰبَتۡكُم مُّصِيبَةٌ۬ قَالَ قَدۡ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَىَّ إِذۡ لَمۡ أَكُن مَّعَهُمۡ شَہِيدً۬ا (٧٢) وَلَٮِٕنۡ أَصَـٰبَكُمۡ فَضۡلٌ۬ مِّنَ ٱللَّهِ لَيَقُولَنَّ كَأَن لَّمۡ تَكُنۢ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُ ۥ مَوَدَّةٌ۬ يَـٰلَيۡتَنِى كُنتُ مَعَهُمۡ فَأَفُوزَ فَوۡزًا عَظِيمً۬ا (٧٣) )

“Sheekh C/Laahi wuxuu sheegay in rag badan oo culimo iyo ducaad ahaan jiray ay safka gaalada galeen. Wuxuu kaloo sheegay in Ilaahay u soo saaray dhallinyaro aanan cidna ka baqaynin; Ilaahay mooyaane!

Sheekh C/Laahi Raabbi wuxuu hoosta ka xariiqay: ninkii in ninkii Jihaadka ka hara Ilaahay uusan u baahnayn oo ay noolasha ku arkeen Hadalkii Ilaahay ee ahaa in uu kuwa Jihaadka ka haray Ilaahay ku badalayo kuwo ka fiican.  Wuxuu  akhriyey Sheekh C/Laahi Raabbi Aayadda Suuratu Muxamed ku dhammaato.

(هَـٰٓأَنتُمۡ هَـٰٓؤُلَآءِ تُدۡعَوۡنَ لِتُنفِقُواْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ فَمِنڪُم مَّن يَبۡخَلُ‌ۖ وَمَن يَبۡخَلۡ فَإِنَّمَا يَبۡخَلُ عَن نَّفۡسِهِۦ‌ۚ وَٱللَّهُ ٱلۡغَنِىُّ وَأَنتُمُ ٱلۡفُقَرَآءُ‌ۚ وَإِن تَتَوَلَّوۡاْ يَسۡتَبۡدِلۡ قَوۡمًا غَيۡرَكُمۡ ثُمَّ لَا يَكُونُوٓاْ أَمۡثَـٰلَكُم)


TAARIIKH: Muuqaalka gaaladii iyo murtadiintii, Ban ki Moon, William Hague, iyo kuwo kale ee hogaamiyaha Al-ictisaam Bashir Salaad Shirka Istanbuul kala qayb Galay!

Sheekh C/Laahi Raabbi wuxuu sheegay in la kala baxay oo Jihaadkana lagu kala baxo. Wuxuu yiri, ” Inta xaaladdu caadi tahay oo aan Jihaadka la gaarin, ninkasta waa geesi xataa fulayga ayaa ka geesisan ninka geesiga ah markii!

Marka Raggii Culimada Al-ictisaam sheeganayey ee waliba Afka Culimada Al-ictisaam ama Manhajkooda ku hadlayey Ilaahay wuxuu qaddaray in Hogaamiyahoodii Bashir Salaadkii ay difaacayeen oo ay la haayeen Taangi Amisom ma saarna ee Burco ayuu joogaa, hadda waa kaas William Huge, Banki’ Moon, Murtadiinta iyo gaaladii Caalamka la shiraya!, marka waa hubaal sida Sheekh C/laahi sheegay in lakala baxay!.

Sheekh Imaam Ibnu Kathiir wuxuu leeyahay, markii uu fasirayey Aayaadka Sheekh C/laahi Raabbi daliishaday!

(وقوله : ( وإن منكم لمن ليبطئن قال مجاهد وغير واحد : نزلت في المنافقين ، وقال مقاتل بن حيان : ( ليبطئن أي : ليتخلفن عن الجهاد . 

ويحتمل أن يكون المراد أنه يتباطأ هو في نفسه ، ويبطئ غيره عن الجهاد ، كما كان عبد الله بن أبي ابن قبحه الله – يفعل ، يتأخر عن الجهاد ، ويثبط الناس عن الخروج فيه . وهذا قول ابن جريج وابن جرير ولهذا قال تعالى إخبارا عن المنافق أنه يقول إذا تأخر عن الجهاد : ( فإن أصابتكم مصيبةأي : قتل وشهادة وغلب العدو لكم ، لما لله في ذلك من الحكمة ( قال قد أنعم الله علي إذ لم أكن معهم شهيدا أي : إذ لم أحضر معهم وقعة القتال ، يعد ذلك من نعم الله عليه ، ولم يدر ما فاته من الأجر في الصبر أو الشهادة إن قتل . 

ولئن أصابكم فضل من الله أي : نصر وظفر وغنيمة ( ليقولن كأن لم تكن بينكم وبينه مودة أي : ص: 358 ] كأنه ليس من أهل دينكم ( يا ليتني كنت معهم فأفوز فوزا عظيما أي : بأن يضرب لي بسهم معهم فأحصل عليه . وهو أكبر قصده وغاية مراده . 

“Sheekh Mujaahid ahaa oo Rijaasha Imaamu Bukhaari ka mid ah iyo culimo kale waxay dheheen: Aayaadkaas waxay kusoo dageen Munaafaqiinta” Sheekh Muqaatil Binu Xayaanna wuxuu yiri: Macnaha (ليبطئن) waxaa laga wadaa Jihaadka ayey dib oga dhacayaan oo waa ka harayaan! Waxaana suurta gala in  uu Jihaadka markuu ka haro uu dadka kalana uu ka reebo! Waayo sidaas waxaa samayn jiray Munaafaqii weynaa ee C/Laahi Ibnu Umayah Ilaahay wajigiisa ha xumeeyee. Wuxuu samayn jiray Jihaadka ayuu ka hari jiray, wuxuuna Dadka kale ka fariisin jiray Jihaadka!.


Dhinaca kale Akhristayaal Sheekh C/Laahi Raabbi wuxuu ku cid yahay Axmed-madoobe iyo Gaandi! waxaan qabiilkiisa u xuseynnaa waa iyadoo markii Axmed-madoobe iyo waxa la midka laga hadlayo la dhaho: qabiil baad heysataan! See qabiil loo heystaa soow Sheekh Xasan-Turki, Sheekh C/Laahi Raabbi iyo sheekh Dulyadeyn ku cid maaha Axmed Madoobe!?, soo Culimada Al-ictisaam kama dhalan Qabiilo kala duwan oo Soomaali kamida!?.

Sheekh C/Laahi Raabbi waa Sheekh tawaaduc badan oo jecleyn in hadalka labadiyo! Wuxuu jecel yahay inaan dad badan ogaan howlaha Jihaadka ee uu ku jiro, Ilaahay ha xiftiyo Sheekh kasta oo Ilaahay Diinta run ka sheegay iyo Manhajka Salafka Madaxa ayuu noo saaran yahay, waxaana siinaynaa walaheena Ilaahay dartiis ayaan u jecel nahay, Sheekhii Banki Moon iyo William Huge oo Ciraaq, Afganistaan dhulka la simay Malaayiin Muslimiinana ku xasuuqay Caalamka meela kamida, Bari ayaan kannahay Ilaahay dartiis ayaan u nacnayn.

DHAGAYSO MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Golaha Baraaruga Islaamka
Somalimidnimo.com

 

33 Responses

  1. mohamed says:

    culimo leexatay & caamo xaQa uma istaagee Allahbaa usoosaari cidkaleetee oo aakhiro lagu abaalmarin camalkoodiiwanaagsanaaye Ee waxaan waa aduunyo intixaame ma Aha arin caadi ah cidii baasta ALLAH ayaa ka abaalmarin Aakhiro oo aan kahadlikarin AFRICAN &AMERICA AMISOM& IGAD &CIDKASTOO U ADEEGTA OGAADA IN AAN LA,ISKAYEELEYNIIN CALAA CAL OO AY,ISLEEYIHIIN ADAA,IILAHAA ,ADAA IILAHAA AMARKAN AYAGOO CADAABAN AWOODIKARIN IN AY KASOOBAXAAN AAWEY EDABDARADII ADUUNKA LALAJOOGAY ALLOW HANA DHIHIN CEEBTAAS

  2. Somali Salafi says:

    Asc wr wb
    -
    Sheekh C/Laahi Raabbi ILLAHEY ha xafido, waa Caalim Rabbaani ah
    -
    Waa sida u sheekha sheegay Jihaadka ay lagu kala baxaa
    -
    Jihaadki ugu danbeyay e Somaliya laga Iclaamiyay 2006
    Inti ka horeysay Culumo badan oo ictisaam ah aya la moodi jiray iney Rabbaaniyiin yihiin
    Lakin waxa ka kashifay Jihaadka
    -
    Sidaas darteed ayey Mujahidinta u colaadinayaan
    Yacni maxa cimaamada noga rideen idinka o shalay yimid

  3. caafasi says:

    Jazaakumu-Allah kheyran kathiiran, Idinka iyo Sheekha iyo inta Xaqqa jecel….Allaha Mujaahidiinta guuleeyo…Aameen!…

  4. Samadoon says:

    Ascww
    fadalan waxaad iska deysaan cayda culimada. Sh Bashiir waa sheekh. meel kastana shir waa kaa qaybgeli karaa. Gaal waa lala shiri karaa, lala maacaamili karaa, lala heshiin karaa, lalana diriri karaa. Intaas oo dhan waxaa sameeyey nebi Maxed Csw. Marka ka daaya culimada dacaayadda raqiiska ah ee aad caamada ku marinhabaabinaysaan.

    Midda kale, yaa sababay in muslim iyo gaaloba go’aan ku gaaraan inay si wada-jir ah idiinla dagaalamaan. Dabcan idinkaa sababay. Waxaad layseen muslimiintii intaad gaalayseen, waxaad layseen madaxdii maxkamadihii, waxaad layseen xisbul-islaam, waxaad layseen aakhirkii culimaddii. Yaa diley Prof, Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan. Haddaba, eed aad leedihiin dad kale ha saarina. Naftiina eeda oo keliya.

    Ugu dambayn, ilaa hadda waxaad ku socotaan wadaddii hallaaga. Waxaad ka shaqaynaysan sidii dhiig badan oo muslim u daadan lahaa. Waxaad ka shaqaynaysaan sidii tiro badan oo kale oo gaalo ah aad dadlka ugu soo horseedi lahaydeen. Angiu waxaan idinkula talin lahaa inaad illaahay u toobad keentaan. Dadka muslimiinta ah kala fogaanshahoodana aydinaan ka shaqayn. Dadka iyo diinta sidii loo caymin lahaa waxa ka harayna aad ka shaqaysaan. Culimadana cayda ka deysaan. Nabdna ku baaqdaan.

    Wscww

  5. Abu mixjan says:

    A s c bacda salaam shekhayga aan jeclaa yow ee allaah ku dhowro adiga iyo sheeq xassaan waxuu allah subaxanahu watacalaa idin baray waad ka run sheegteen cilmigiinana allah idin barakeyo

  6. Ghurabaa says:

    Allahu ekbar asc yaa ikhwaah waa lakala tagay walee mu’miniinta rijaal ayaa ku jira allaahuma inoogaga dhigay min ghorrati acyuninaa asiga iyo wallaaha kale sida sh.x.takar sh.j.A.salam sh.A.mu’min wa mithlahum

  7. siid says:

    horta waxaa qalad ah ruux muslim ah inaad ku dhahdo gaal waye taasi Muhiim ma haan inaad saad doontaan u hadashaan

    tani kale al-shabaab iyadoo taageero buuxdo shacabka ka heysteen ayey bilooweed masaakiinta iyo waayeelada subax walibo dil iyo carabka dadka ka joysaan iyo ilkaha ka siibtaan diinta halkey kaaaga talaa umada gaajeysan 21 sano dhib iyo macluul ku jireen iyo diin lahaan heysay aaway diintaa naxriista badeen aaway

    waryaada rasuulka SCW markuu reer dhaa,ifa uu diinta gaarsiinayey reer dhaa,.ifa wey dhagexeyeen way dileen dhiigiisa ayey daadiyeen Rabucul ciza ayaa u soo diray Mal,aaik oo ay ku dhahayaa rasuulka alloow magaladaan dhammanateeda hal mar maku qeylinaa markaasu rasuulka yiri Maya maya malag kale aya ku ayaa yiri rasuul alloow tuuladaa dhammaanteeda dhulka iyo ciida ma ula gedinaa rasuulka waa diiday Marka rasuulka scw waxa uu yiri maya maya waa diiday markaasi rasuulka scw malaa,igta ku yiraahdeen aduunkaa dhan raxmada ayaa lagugu soo diray

    Reer alshabaab ,reer takfiir reer islaax iyo Al groups dhan rasuulka ayaad ka hor boodeen idinka diinta usoo laabta ee qof muslim cid gaali dhihi kartaa ma jirto ee iska daaya laab la qaadka iyo hunguri weynaan yey ku qaadin umddaan wey dhibaateysan tahay dhibka ka yareeya shabaab waa soomaali dowladane waa soomaali waddda hadalne waxa diiday waa shabaab
    marki koow ayaad wada hadal diideen hadda dadka iska daayee waxaa kaliya ku leedihiin inaad waanisaa seef la boodkane iska daaya

  8. Abu Bilaal says:

    Aniguna alle dartiis ayaan u nacay culimada Ictisaam

  9. Abuu fatima says:

    Nin jihaadka diidoo
    Hadba shubah jaraafoo
    Jabkeeniyo halaag raba
    Jixiimiyo inoo wada
    Jahanama salkeedoo
    Khayrka abid jikaaroo
    Jahli nagu tilmaamoo
    Ku jeesjeesa culumada
    Inuu jaahi gubay gaas
    Jaraafeeya dhalinteen
    Jid abaara nala rabo
    Iyo jimic la,aanaan
    Ruxu jeer lugtiis dhiga
    Jareeriyo wanaag helin
    Jaliilkaan kudhaartee
    Jali weeye muuqdee
    Shacabyohow jidbaysani
    Jaaliyo mad kala baran
    Jaratiyo balaayada
    Gaalku jeebka wax ugu riday
    Bal eeg jubada lootolay
    Halkuu jaan fansalakh dhigay
    Jabad uu ibliis dagay
    Waaka jaahi gubaygii
    Sidii muun u jaaqlayn
    Idina waad u jeedaan
    Inuu khayrka jeestoo
    Ibliis jeebki uu galay
    Xaqana laga jarmaadoo
    Jareeriyo kobaan khayr
    Abidkeed jil laga siin
    Uu jaakad wayn yahay
    Zuurkana ka jeedshoo
    Jaga doonid awgeed
    Ceebta jaqantideedii
    Jubuq lugaha kula yiri
    Jaaifiyo ilxaadiyo
    Jawriyo qawaaniin
    Jankiis khaan kasooraray
    Wakaa qalin ku jiidoo
    Beenta soo jarjarayoo
    Xaqa jaaifaynoo
    Bilad jaaisaa ay
    Reerihi jaxiimaad
    Jaale hoo ku leeyiin
    Jeebka miyey u buuxsheen
    Kolay julub bukhala ahi
    Irsiq lagama jiriyoo
    Jawaab Kayse bixiyaad(axmedkayse jaajuus)
    Jabaq deeda maqasheen
    Inaan gaalo jeeb galin
    Irsiq lala jarmaadoo
    Jahanama ku iibsiga
    Jawaabteeda noqon kara
    Jaahoodu gubayganu
    Jahanama haday gadan
    May juuni dahabiyo
    Jawaan ceeba dhaansado
    Warma joqore yaalbaa
    Warma julub dagaagaa
    Warma jiri habaabaa
    Jees Ilaah duleeyiyo
    Ma duulaanba jirin baa
    Jeeb maran maxaa baday
    Jab Ilaah maxaa baday
    Joogto godoba maxaa baday
    Joqoraha cilmaaniga
    Daba joogi maxaa baday
    Juhala an islaam garan
    U janjeerso maxa baday
    Amisom la joogoo
    Shabaabkana jareexee
    Jawrkaa maxaa baday
    Jimicli,i qiyaamada
    Ilaahay hor joogsigi
    Jeel gaal maxaa baday
    Jaw jawda beentaa
    Jid la qaad wayaanada
    Jeerkaan maxaa baday
    Bashiir waa u jeestee
    Jawrkiyoduliga iyo
    Markhaatiga janjeersaday
    Jaalow odayga maxaa baday
    War jihaad ka cararkiyo
    Been jidee maxaa baday
    Judi gaalna hoos joog
    Hadaad jabaqdi maqashana
    Jihaadaaye kacarara
    Joqoraha maxaa baday
    Jaliilkaan ka magan galay
    Halkuu jaanta dhigay kaas
    Iyo koox juhaal oo
    Wax loo jeeda dafiroo
    Kajan jeeray khayrkoo
    Niman wada jiciirtoo
    Noowada jaxiimiyo
    Jahanama salkeedoo
    Looyaqaan jihaad diid
    Looyaqaano jeeb dhawr
    Looyaqaano jago doon
    Looyaqaano jeeskay
    Jaliilkaan kamagan galay
    Balo jalabutaysoo
    Jawdiyo dadnimo iyo
    ka jeedsaday akhlaaqdiyo
    Jidkeedii haboonaa
    Gaalana u jixiyoo
    Jundigeeda qaar yahay

  10. wadaadyare says:

    Wax badan halkaan waan ku qorey in caqliga isticmaalkiisa Jihaadiyiintu ka siyaadiyaan sida hadda ay u isticmaalaan.

    Xamaasad indho la, intaad go,aan ku qaadato qaldan haddaad aayadaha Qur,aanka isku sii deyso ood soo daliishato go,aankii qaldanaa sax kuma noqonayo.

    Wax badan oo makri ah oo dad cadow islaamka la maagganyihiin ayey usoo maraan dhallin yaradaan aan dhegta la qabto laheyn oo iska duufeysa.

    Waxaa soomaalida usoo jeesatey iney caawiyaan dowladda turkiga. Diyaarad soomaalida soo daabusha oo dalkooda hooyo keenta ayey kusoo biimeeyeen. Ma ogtihiin diyaaraddaas in si sharci darro ah Ugandeyska iyo shirkadda calooshood u shaqeysatadaa ee SKa iyo gaalo kale ugu diiddanyihiin iney garoonka si caadi ah uga soo degto?

    Waxey ku marmarsoonayaan ammaanka, marna dabeylbaa dhaceysa iwm.

    Yaa siiyey fursaddaas Ugandeysku ay ku baqo maalayaan soomaalida iyo turkiga? Waa jihaadkiinna aan aqligu hageyne caadifadu hageyso.

    Lama baciidsan karo inta fursad la idin siiyo aad gantaal ku dhufataan diyaaradda Turkish airlines ka iyo dadkey siddo?

    Waxaad tihiin dad aqligoodi meel dhigtey oo ciddii dhib ummadda la maagganba ay isticmaali karto si ay wax ugu kharbuddo.

    Dagaalkiinni Ciraaq yaa ka faaiidey? Iiraan

    Kiinni Pakistaan yaa ka faa,iidey? Hindiya

    Haye bal noo sheega cidda jihaadkiinnu danta u yahey?

    Maalin dhoweto waxey qortey jariidad yahuuddu leedahey in Obama la qaarajiyo si hal dhagax labo shinbirood loogu dilo. Loona maro qaarajintaas jihaadiyiinta caalamigaa oo Mosadku fursad u siiyaan arrintaas maadaama ay iyagu galaangal ku leeyihiin Mareykanka!

    Dadyow qatar ah oo aad u sir iyo xeel badan oo ku isticmaalaya adigoon ogeyn ayaad dabin ugu jirtaa ismana ogide nin qadiyad leh ayaad isku heysataa markaasaad naftaada iyo buulka hooyadaaba gubeysaa.

    Fox News oo weliba Israel aad ugu dhoweyd ayaa maalin dhoweyd waxey soo kashiftey sir cajiib badan oo sheegeysey in ay Israel Modadkeedu ka war hayeen markey Alqacida qarxineysey daarihii Mareykanka?

    Uma aysan sheegin oo iney iyada qarxintaasi dan u tahey ayey u arkeysey? Iney iyadu fursadda siiseyna waa dhici kartaa oo lama baciidsan karo.

    Xaab cadowga ummaddu shito oo ummadda ku wiiqo weeye Alqacida. Iyagaana iska diyaar ah in la isticmaalo oo waxey la mid yihiin dibi weyraxsan oo lagugu soo deynayo oo wixii u dhow geeska daraya.

    Jihaadka noocaas ah oo cadowga u daneynaya muslimkana wiiqaya in aayado lasoo xifdiyey loo soo daliishado waxba sooma kordhineyso.

  11. wadaadyare says:

    Adduunka waxaa hadda isteerrinka u haya oo maamula sida dad xog ogaal ah sheegayaan dad hantiley ah oo u badan Sahyuuniyiin iyo kuwo saaxiibbo la ah iyo kuwo masaalixdoodu ku xirantahey. Dadkaasi iyaga ah waa dad xarko iyo xeelado badan oo xataa dowladaha waaweyn oo sida Mareykankoo kalaa ayaa laga aqdaamanayaa laguna aqdaamanayaa.

    Ururka Alqacida miyuu kordhiyey kaalintii kooxdaas yar adduunka ay ku laheyd mise wuu yareeyey?

    Waxaan xogta ku heynaa in ururka Alqacida loo isticmaalo si shucuubta caalamka qaarna loogu cabsiiyo si dan qarsoon looga gaaro kuwaasi waa shucuubta Galbeedka. Kuwo kalena waa lagu cuuryaamiyaa laguna kharribaa si aysan meel u gaarin.

    Bal Ilaahbaan idinku dhaariyee gumaadka Alqacida ka waddo Yemen iyo Somaliya iyo Ciraaq oo masaakiinta dan yartaa oo rootigoodi oo dadkoodi ah ay ku hayaan, muxuu dhib ah oo ku hayaa ra,sumaaliyadda caalamigaa oo Sahyuuniyaddu hoggaamiso?

    Duf ku baxee hal marba Allaha ka dhigee fakara oo buulka hooyadiin dabka aad ku dhijineysaan oo la idinku meel gaarayo iska daaya cidna howl uma heysaan aan Israel iyo Sahyuuniyad aheyne.

  12. umu yacquub says:

    Asc

    jzkallaah kheyran sh/c/llaahi rabi Allaah hakugu sugo jidka xaqa ah ee maanta aad heyso

    Allaah hakugu irsaaqo mansil shuhadaa,Allaah maci hakaala dhigo min,nabiyiin wasidiiqiin washuhadaa

    Aaaamiiiin Aaaamiiin Aaaaamiin

    mujaahiidiinta sabarbaa ka xiga in ay guuleystaan insha allaah…….gaalo burundhi iyo ugaadha iyo kufaar dhamaantood,iyo murtad gaalo raac ah,,,Allaah ,idinkagama hiilindoono ee sabara mujaahidiiney

    dad waxaa unasiib xun ruux islaanima sheeganaya hadana nifaaq qalbiga uga jiro markaasna ku geeriyooda sariirtiisa dusheeda asagoo ka soo horjeedey in la koryeelo kalimatullaah,,, Allaah xaqa ha nagu sugo Aaaamiin Aaaamiin Aaamiin

  13. cabdulahi says:

    abaha jihadka ha duu yahay maxu galada ugu caray ama is ku qar xin wayay

  14. caaqil says:

    shariif murtad jahanama allaah hakugurido deg deg

  15. caaqil says:

    culumaausuuga hadeey isdahiriwaayaan ha ogaadeen in fircoon ayladarsi doonaan aniga waxaan leeyahay culimada xunxun towbadla,aan bakhtiya

  16. najib says:

    Jazaakumu-Allah kheyran kathiira

  17. caaqil says:

    allaah magaciisaan kudhaartaye waan madluunsanaa kahor intaanan dhageeysan aabaha jihaadka allahaxafido sheekh c-laahi raabi isaga iyo inta garabkiisa taagan oo rabbaaniyiinta ah masookoobikaro magacooda laakiin aniga iyo allaah ayaaislaoge alloow unaxariiso aduun iyo aakhiraba intaanan dhageesan kahor iyo hada saanucaafimaaday farqiween ayaaudhaxeeya allaah ayaamahadleh waxwalba horey noogucadeeyay intauusheegay sheekha oo kalmadaha allaah ah waanlayaabay waawaxa hadataagan wixiijiray iyo waxadhicidoona wwnaxigmad alle allaamahadleh sheekheena iyo mushaaikhda shabaabkalasafan iyo suxuufiyiinta muminiinta ah allaah haka ajarsiiyo waan bogsaday ,,,,, munaafiqiineey wadaadxumayaaloow soomaalimiskayarwaxmagarato maantaay waaidinsugaa beri ama saadanbe hadaad dhimataana waxaanidiinrajeeyay gaasmadoontada inuu rabbi idinkabuuxsho waabalhubaaye.

  18. Ali Maalin says:

    ILLAHEY ha xafido Sheekh C/Laahi Raabbi, wax run ayuu sheegay laakiin dad badan

    munaafiqiin ah oo gaalo la safan, ayaan ogolayn.f

  19. Abdirahim Korane says:

    Wadaad yare oo kale aa Kugula doodaa Muslim baan ahay Alle maxa adunka yab jira.
    Bal ninkan Fiiriya cadaawada uu uqabo islaamka iyo Musliminta.

  20. Abu mixjan says:

    A s c bacda salaam ku socoto siid marka hore niyow sirada nibiga dhan tariiqdaa un miyaad ksoo baratayna balse waxaa tahay nin kaadib ah oona kaadib dhafay maxaa yelay markad ledahay mujahidiinta ayaa umada layaan dadka ayay micno daro ku dilaan dadka ayay carabka ka goyaan ee alle ka baq oo mujahidiinta aflagaada kadaa oo manta ku aad tagerada aad radinaysid wax ay faa iido ku hayaan malaha maxaa yelay alle subaxanahu watacalaa ayaa inoo shegay manta galadaan oo umada muslimka oo dhan werar ayay ku yihii wax kalana marawaan
    ودولوتكفرون كما كفرو
    walhi way iska cadahay manta muslimiinta wax kale lama rabo in sharci aan sharciga alle aan ahayn lagu xakumo manta hadan hal wadan kaaga hadlo sida wadanka tanzaniya wadankaa waa wadan muslimiinta ku badan balse maxuu tarayana awood uma laha inay shrciga alle isku xukuman maxaa yelay muslimiinti dhan qalbiga ayaa laga qabsaday sharci galeed ayaana lagu dhaqayaa manta somalina intaa gaalo duulaanka kusoo ah wax kale marawaan waxay kaliya ayrabaan waa inay kadhigaan sida tanzaniya oo kale iyo sida zanzibar maxaa yelay manta hadii diinta islaamka laga run shego gaal marnaba kagama raali noqonayo taa alle baa inoo shegay mida kale manta miyaad rabtaa in somaliya o boqolkiiba boqol oo wada muslimiin ah in sharci gaalo lagu dhaqo miyaad rabtaa oo dimuqradiyad lagu dhaqo wadanka oona nimanka inay isguursan karan oona isku tagi karaan sidaa miyaad rali katahayna su aasha adigaan kuu daynayaa sxb jawabteda siidka

  21. Abu Faisa says:

    Assallaamu aleykum wr wb

    -
    Wadaadyare

    Sax halkaan wax badan waa ku soo qortay laakiinse maxaan kuu qaban karnaa haddii indho, dhego iyo qalbiba aadan laheyn.
    -
    Wax badan wallaalkeen Waxgarad kor iyo hoos buu wax kuugu tusaaleeyay waxse kuma aadan dheefin.
    -
    Wallaal kale baa kugu sheegay filasoofi magacaagana wad-kaaga in uu soo dhow yahay ku sharaxay inta uu kala gooyay wad & yare, halkaas u ka soo saaray in wadkaaga soo dhowyahay saa habaar aadan umeel dayin adigey kugu soo noqon adiga tuf ku bax! Idin ka ALLE.
    -
    Goormaa caqliga laga hor marin kitaabka & sunnada, Ali Bin abudalib RC baa yiri haddii caqli la istimaalayo khufeynka hoos baa laga masixi lahaa.
    -
    Cadowga ma mid cusub baa mise waa kii nebi nuux CSW waqtigiisii joogay!
    -
    Ma Fox News baa la soo shirtagtay iyo sheydaan waxa uu ku cabsiiyo addoomada ALLE.
    -
    Ciraaq ba diin baa lagu weeraray?!
    Pakistaan ma jihaad bay gashay oo lagu jabiyay?!
    -
    Adduunka waxa hadda hogaanka u haya hortiis baa hogaan loo soo hayay waana usoo noqoneysaa muslimiinta hogaankooda inshaa ALLAAH waqtiba ha qaadatee imtixaan ka dib inta adiga & wadaaadadaada oo kale safka muslimiinta ku jiraan iska suga kala baxa ALLE kor ahaayee waa kala saari inshaa ALLAAH sida uu noo sheegay.
    -
    Meeday dawladdii adduunka in ay ugu xoog badan tahay sheegan jirtay ee USSR! Halkeese laga raacay galbeedna waa og yihiin in keligood jebin ha isticmaalaan “Cadawgaaga cadawgiisa waa saaxiibkaa”
    -
    Horaan commet aan ka bixiyay hadalkaaga inta aan ka yaabay ku xasuusiyay in aadan noqon doqonkii nabi Muse CSW markii uu damcay in uu mar kale u gargaaro wixii hadal ahaa ee uu isdaba dhigay waa ogtahay fuleynimada intaa le’eg uu ku yiri

    -
    Ma waxaad dooneysaa in aad i disho halkaa sirtii ku ka shifay cid kale aan ogeyn.
    -
    Intaa kuma ekaanee bal muxuu kaloo is daba dhigay gargaarihiisii buu eed dusha ka saaray kuna sheegay isla weyni filasoofiyoow taada tan maxay kaga duwan tahay, alqaacida waa adigaan ku hayee dhibka ay kugu heyso muxuu yahay.

    -
    Turkiga waa nooc cusub oo lagu dayaayo Soomaaliya markii hore Bush senior baa xoog is biday isku shegay world police isaga oo aan cid kala tashan buu ciidamadiisii markii ay ka dagi rabaan adduunka u sheegay in uu Soomaaliya u diray gar gaar waa lagu qasaaray.
    -
    UNISOM baa ku xigtay waa qasaartay.
    -
    GUMASOM baa la isku dayay waa qasaartay
    -
    Turkiga baa hadda socota iyo kuwii kale ee hore u qasaaray oo la isku soo daray wayna qasaarayaan inshaa ALLAAH aydda micnaheda aan Soomali kugu soo koobo “Dadkii waa idin kulmeenee ee ka cabsada iimaan baaba uga sii kordhay waxa yiraahdeen ALLE baa nagu filan isagaana wax la talo saarto ugu fiican waxay la noqdeen nicma xag ALLE ka ahaatay iyo fadli mana uusan taaban xumaan”
    -
    Turkigu waa hal dhinnac arimaha Soomaaliya Islaamnimana kuma soo gelin wixii uu ka helo ayuu leeyahay adiga filasoofiga ah aamiin ALLE baan isku xirnay cirbta danbena muminiintaa leh.

  22. abuu baari says:

    allah barakeeyo sheeqa

  23. wadaad yare says:

    Adduunkana dadkii waad ku leyseen oo naftoodibaan u qoonsateen. Aakhirana sida hadalladiinna ka muuqata in jahannamo soomaalida badankeed la geliyo ayaad jeclaan laheydeen. Gaalana waad u loogteen oo talo xumadiinni intaad adduunkii oo dhan u baaqdeen ayaad markey yimaadeenna dadkaad ka talo diiddeen ku eedeyneysaa may nala saftaan!

    Waa cajiib iyo amankaage bal maxaad isla xanaajineysaan oo la idiin dhimey adinkaaba ba,a dhigaye?

    Waxaad ogaataan adduunkana dadka ma wada dili kartaan oo inteysan dhammaan adinkaa dhammaanaya. Aakhirana cadaabka Ilaahbaa iska lehe adinku ma lihidin.

    Adinkoo ciil qaba oo cartamayaad nasoo gasheen, adinkoo ciil qabana waad na dhaafeysaan.

    Soomaalidii rajo ayaa soo gashey iyo nasteexo. Dalkoodi ayeyna dalxiis u aadayaan. Adinkuna nasteexada ayaad ka xuntihiin oo dhibka iyo jirrabka ayaad jeceshihiine Ilaahey aqligiinna aad laasheen ha idiin soo dejiyo inaad isticmaashaanna ha idinku duwo.

  24. caaqil says:

    rabbulcizaankudhaartaye in aanloodarsaneen culimadii xumeed ee ufadwoota gaalada waayo sheekh c-laahi raabi iyo sheekh c-weli iyo sheekh c-qaadir muumin iyo sheekh calidheere iyo sheekh nuur macalin c-raxman iyo fu,aad iyo abuumascab abuuzubeeyr sheekh takar iyo in badan ooaansookoobikarin hadeey xaqa utaaganyihiin bashiir salaad iyo shibile iyo masaakiin dawarsata amison lagareeysay allaana mahadaaleh culimadeena rabbaaniyiinta alloow dhawr ooxafid guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul

  25. caaqil says:

    rabbulcizaankudhaartaye in aanloodarsaneen culimadii xumeed ee ufadwoota gaalada waayo sheekh c-laahi raabi iyo sheekh c-weli iyo sheekh c-qaadir muumin iyo sheekh calidheere iyo sheekh nuur macalin c-raxman iyo fu,aad iyo abuumascab abuuzubeeyr sheekh takar sheekh xasaan sheekh abuumansuur iyo in badan ooaansookoobikarin hadeey xaqa utaaganyihiin bashiir salaad iyo shibile iyo masaakiin dawarsata amison lagareeysay caradooda hakudhinteen oo hadana caradooda hakudhinteen, allaana mahadaaleh culimadeena rabbaaniyiinta alloow dhawr ooxafid guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul

  26. ali says:

    To Wad,aad yare
    Cidi kuma dhagaysananeysee meesha iskaga bax, hadalka siidi saxaraduu kuu qabtaa.

  27. bulxan says:

    Asc wadaaad yare, waxaad la hadlaysaa waa dad kaa mustawa hooseeya oo xataa mawduuca aad ka hadlaysid aan garan karin bal eeg waxa ay la soo boodayaan muslim ma tihid, gaal iwm waxaa ka maqan asluubka wax loo raddiyo waana sababta aan u leeyahay waa dad mustawa hooseeya oo caamo ah oo lagu soo kiciyay xamaasad aan cilmi la socon
    ugu yaraan hadii ay fahmi lahaayeen waxa laga hadlayo waa arki lahaayeen dhiiqada ay dhex fadhiyaan iyo dhiiga muslinka ay banaysanayaan allaha soo hanuuniyo ayaan leeyahay sidooda oo kale cay iyo habaar uma quuro

  28. qorane says:

    assalaamu calaykum
    -
    ilaahay haxafido sheekh cabdulaahi raabi al muhaajit al mujaahid.
    -

    markii wadaado badan ridoobeen kuwokalana cabsadeen ,kuwakalana munaafiqoobeen isaga ilaahay baa sugay.
    -

    waa runtii ruuxi kahadha jihaadka waa munaafaq sida ilaahay inoo sheegay. bal kawaran xaalkiisa kii diiday jihaadka ?

    -

    waa caalim wayn alamaxuu dad soosaaray.
    -

    masjidka uu kitaabta ka akhriyo meel lakala fadhiisto baa lawaayaa.
    -

    hadaad aragto waxa cilmi kadagana afkiisa markuu kitaabta akhrinayo waa tacajubi maan sha,allaah.
    -

    hadii ay Nigis qaadashaasha culimaa.u suu ay hal abeen hor fadhiisanlahaayeen way isbadalilahaayeen midkii ilaahay ladamcay.
    -

    markii aad hal darisi kadhagaysato sheekha c/laahi iimaankaagu wuu siyaadayaa.
    -

    waxaan leeyahay yaa sheekhanaa baarakalaahu fiika.

  29. Muruqmal says:

    Warkan wadad ma aha waxa ey shabab dilan so isaga mafadwodo ninfadwoday iyo kiwaxdilay wa iskumid mise wadadkan walaqasbay?

  30. abu-ibrahim says:

    ascl….. salaan ka dib walaalayaal waxaan rabaa inaan halkaan idinkugu soo gudbiyo su’aal in badan naftayda i weydisay oo ah “maxay ka qabtaa shareecada islaamka in la xiro qof ka mid ah mujaahidiinta u dagalamaya difaacida kitaabka allaah S.W iyadoo aan horay loogu dhex arag siiradii nabiga N.N.K.H iyo khulafadii raashidiinta ahaa allaha kawada raali noqdee iyo weliba salafkii suubaanaa dhamaantood”?

    • WACALAYKUMUSLAAAMU WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU!

      Horta walaal su’aashaada lagama jawaabi karo ilaa aad sheegto: yaa la xiray! Xitaa haddaad ka dhigayso mid iska mala-awaal ah, ama aad rabto inaad qariso qofka la xiray, waxaad soo raacisaa maxaa loo xiray? Dambigee lagu heystaa? Ma la iska xiray? Ma dulmi baa lagu xiray baad ka waddaa? Haddaad ka waddid in qof Mujaahid ah dulmi lagu xiray; qolada xiratay ma weydiisay inay arrintaas jirto? Adaa laga rabaa inaad wax caddeyso?

      Si kastaba ha ahaatee Mujaahidiintu waa dad ka mid ah Muslimiinta! Cidna ma oran waxay ka sarreeyaan Sharciga oo laguma qaado waxay geystaan! Waa jirtaa in marka goobta dagaalka la joogo waxyaalo badan indhaha laga laabto haddaan waxaasi la xiriirin xuquuqda binu Aadamka ama amiirka markaas jooga cafiyo!

      Arrinta ah iyadoo goobta dagaalka la joogo, qof Mujaahid ah malagu qaadi karaa dambi uu galay? Taasi waa mas’alo kale ileyn Mujaahidiintu ma wada joogaan goob dagaale!

      Maxaad ka waddaa Mujaahid?

      Ma qof goobtii dagaalka jooga? Mise qof u heellan mar kasta inuu difaaco diinta Islaamka iyo Muslimiinta meeshuu rabo ha joogee? Haddaad ka waddid qof u heelan Jihaadka, waa jirta in Nabigu (SCW) ganaaxay saxaabo Jihaad khaas ah ka hartay sidii Kacab binu Maalik (RC) iyo labadii saaxiib ee kale (RC). Kacab binu Maalik Mujaahid wuu ahaa laakiin Tabuur ma tagin!

      Ahlu Siiyarku waxay sheegeen in Khulufaa’u Raashidiin (RC) oo joogta la ganaaxay Mujaahidiin! Waxaa ka mid ahaa Abu Mixjin oo ku jiray dagaalkii Qaadisiya in isagoo goobtii dagaalka jooga loo xiray khamri uu cabbay! Inta badan intii Cumar binu Khaddaab (RC) joogay, qofkii khalad magaalo ka gala waa la ogaysiin jiray! Ahlu Siyarkuna waxay leeyihiin Cumar (RC) isagaa amray in Abu Mixjan marar badan loo tacsiiro khamri uu cabbay!

      Marka adigu annagaa su’aal na soo weydiisee; annaguna adaan ku weydiineynnaa ee xaggee ku qoran tahay inaan Nabiga (SCW) iyo Khulaa’u Raashidiin aysan marna xirin qof Mujaahid ah?

      Somalimidnimo.com

  31. Maxamed says:

    Waraaba yare iyo bulxan waxa aad haysaan majiro fulayo xaar weyn baad tihiin yaan lagaaga darin ayaad u daab yareysaneysaan turkiga aad sheegeyso somali buu wax taray ayaa biil kusiiya ee doolar caabud baad tahay waraabe yarow. tan kale jihaad yuu dan u yahay baad tiri ,jihaadku wuxuu dan u yahay islaamka iyo muslimiinta oo cizzi ama shahaado ka helaya , alqaacidana adiga kaagama baahna tazkiyeyn ee dadka ka tirsan ayaa arkay faa iidadeeda marka adiga iska dhageyso marna iska akhriso fox news-kaada aad mooda inuu kaala wanaagsanyahay qur’aanka maxaa yeelay markaad soo xigan laheyd aayad ama xadiith ayaa waxaad soo xiganeysaa adigoo ugaba kalsooni badan jariirad ay leedahay yuhuuda iyo kanaalada kale ee gaalada . magacaasna iska tir malaha wadaad kaniisad baad tahaye.

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS