DHAGAYSO Qaybtii Labaad Sheekh Xasaan Xuseen oo ka Hadlaya Arrinta Nabi Yuusuf (CS) ee Qof Kastoo Safka Gaalada Gelaya ka Dhigta Jaranjar!


GOB-ISLAM:- Ilaah baa mahad leh. Ammaan iyo Nabadgelyo ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa.

Website’yada Al-ictisaam sida Indha la’aanta ah u taageera ee xattaa ku ammaana culimadooda in ay jecel yihiin in gaalada lala xamaasho ama lala shaqaysto, ayaa daabacay cod Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan leeyahay, Codkaas Sheekh Xasaan laftigiisa ayaa ku radiyey Muxaadaraadkiisa qaar kamida, Culimadu waligood waa la haayeen Qowl hore iyo mid dambe.

Waxaa Ilaahay mahadiis ah, Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan in uu nool yahay, waxaa kale oo xusid mudan, Sheekh Xasaan Xuseen in uu radiyey codka uu Baarlamaanka gaalada in lagali karo uu ku fatwooday ee Wiilasha Al-ictisaam la ordayaan si ay taageero ugu heleen Shubahaadka Sheekh Maxamuud Shibile uu qiilka ugu raadinayo Axmed Madoobe, Ibraahim Dheere, Yuusuf Xaaji iyo Faarax Macalin, Insha Allah codka Sheekh Xasaan kaga laabtay ayaan dhawaan idin soo gudbin doonnaa.

Marka Insha Allah, Shubahaadka Sheekh Maxamuud Shibile, in aan radinno waa sii wadaynaa, oo Qowlka qadiimkaa ee Sheekheena Xasaan Xuseen Abuu  Salmaan nagama hor istaagayo oo Sheekh Xasaan ayaaba radiyey, waxaan jeclaan lahayn Sheekh Maxamed Umal iyo Sheekh Maxamuud Shibile in ay ka hadlaan fatwooyinkoodii hore ee ka hor imaanaya barnaamijyada ay wataan oo ay taageerada ugu raadinayaan, Axmed Madoobe, Ibraahim Dheere, Yuusuf Xaaji iyo Faarax Macalin!.

Howsheenii aan sii wadnee waxaad ku soo dhawaataan, qeybtii labaad ee arrintii Nabi Yuusuf (CS). Shalay baan ka cududdaarannay inaannu maqal muxaadarooyinka sheekha ee aan annagu baabkaas ka hadalnnay. Ilaahay mahaddi waxaan ku raacnnay sida sheekhayagu qabo. Waxaan berri hadduu Ilaah idmo berri soo dhejineynnaa muxaadaro sheekhu uga hadlayo qeybtii labaad ee Qisadii Nabi Yuusuf (CS). Beri dambana insha Allaahu waxaan soo dhejin doonnaa arrintii Boqorkii Najaashe (AUN) ee Xabasha heystay ee Muslimay.

Maalmahan waxaa socota shubbaho dadka loogu qurxinayo in gaalo la hoos galo. Marka bal dhageysta muxaadarada sheekhu kaga digayo arrimahaas.

Halkan ka dhageyso qeybtii labaad ee arrintii Nabi Yuusuf (CS) oo MP3 ah.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Dhagayso Codkii Hore ee aan daabacnay Sheekh Shibile oo Nabi Yuusuf SCW, daliishanaya, Mp3 Halkaan Riix Ama Guji

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Qormadii Golaha Baraaruga Islaamku ka qoray Sheekh Shibile inta aan Muxaadaraadka Sheekh Xasaan Nasoo gaarin, Halkaan Riix Ama Guji 

Dhagayso MP3 Sheekh Xassaan Codkii Shalay ee aan daabacnay oo uu kaga hadlayey Qisada Nabi Yuusuf iyo u shaqayntii Boqorka, Waa Qaybta ana maantay daabacnay qaybtii ka horaysay ee Koowaad, Halkaan Riix Ama Guji

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Qaybta Saddexaad Insha Allah, dhawaan ayaan idin soo gudbinaynaa, ee Sheekh Xasaan kaga hadlayo Boqorkii Najaashi Insha Allah. 

Golaha Baraarugga Islaamka

Somalimidnimo.com

25 Responses

  1. usama says:

    Allahayow sheikh xassaan noo barakeey.gaalo Allaha ka xifdiyo.Ameeeen

  2. wadaad yare says:

    Golaha baraarugga islaamka iyo somalimidnimo

    Horta hal khaslo oo i cajab gelisey ayaan idinku arkey oonan idiin qirayaa. Waxaa weeye inaadnan sida dadka qaar isku deyin inaad qarisaan waxaan la qarin karin. Si geesinnimo leh ayaad marar badan runta u waajahdaan sida hadda dhacdey ood caddeyseen inuu sheekhiinnu hore sidaas u qabey.

    Taasi waa mid

    Tan kale Sh. Xasaan muxaadaro hore ood halkaan kusoo gudbiseen wuxuu qirey in culimadu markey doodayaan aan looga fadhin iney soo gudbiyaan qofka kasoo horjeeda daliilaha mowqifkiisa xoojinaya.Oo wuxuu yiri caalimku wuxuu la mid yahey qareen qadiyaddiisa sida xoojineysa kaliya xoogga saaraya. Taasna iyadana wax badan ayaa ka jira oo Ilaahey qofka labo qalbi uma yeelin. Qalbi uu mowqifkiisa ku difaaco iyo mid uu khasmigiisa ku xoojiyo oo ugu nusreeyo laga sugi maayo.

    Waxaad kaloo xusteen inuu sheekhu hore u qabey mowqifkaas isagaa haddana uu ka laabtey oo uu qabo midkaan cusub.Arrintaasna aysan aheyn mid bidco ahe ay tahey sha,ni culimada dhan lagu yaqaan. Taasna iyaduna waa sax.

    Laakiin

    Waxaan sax aheyn in mowqifkii shaley aad qabtey qofkii maanta qaba aad khiyaano ku tuhunto, gaalnimo iyo cilmaaninnimana ku tuhunto!

    Shaley adigu ma khaa,in baad aheyd mise cilmaani mise gaal oo hadda markaad mowqifkaan qaadatey ayaad soo islaamtey?

    Haddey culimadu sidaas yihiin oo is baddali karaan ma caammada culimadu u fatwooto oon daliilka soo istinbaadi karin ayaan ku gaaleysiinnaa wixii culimadu u fatwootey uu Sh. Xasaan ku jiro?

    Takfiirinta aan loo abdayeyn sidey u macno beeleyso idiinma muuqato miyaa marka?

  3. wadaad yare says:

    Fatwooyinka Sh.Xasaan oo lagu taageerayo jihaadiyiinta maslaxo uguma jirto aqalliyada muslimiintaa ee Kenya deggan.

    Very simple weeye arrintu

    1. Iney kula noolaadaan aqlabiyadda ka badan heshiis qaran oo jagooyinka wax ka wadaagaan.

    2. Iney shareecada ku sandulleeyaan oon dhici karin.

    3. Iney wadaagga iyo sinnaanta ka doortaan ineysan waxba dowladda ku yeelan.

    4. Iyo iney hijro guud ka hijroodaan dalkooda.

    Afartaas ixtimaal waxaan aheyn muxuu yahey oo yaalla meesha?

  4. Fawzi says:

    Sh.maxamud shible manshalah sifican ayu uga hadlay sida u shekha uga hadlay aya sax ah bal iniga kena waxu khalday shekha

  5. waheliy_3 says:

    War cadaaday,Alloow kuxifdi–>Sh Xasaan Xuseen;Ninkii Ama Awgii{wadaad} Gaalinmo raboow iska gaaloow Dastuur iyo Barlamaan waa kufriye!! laakiin Gaalnimo aad Adigu Amoore kutahay=jeceshay,hanagu Qasbin Diinna hanooga dhigin–Wadaadka Shibile ee lawareegaya fiqi istidcaaf iyo tabar mahaayno ee aan isdhiibno,Ikhwaanii Maalkiisa oo kaliya Jifada uu kadhashay waa Dagaal gelin karaa 10 sano kkk waxaana u camiran oo uu iska saaranyahay Tareen layiraahdo *Mustadcaf Express* iyo Diyaarad *Mu’tamar Air ways* Around the World. CajiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiB.
    Marka warkaasi{Mustadcaf} wax jira maahee Culima Allaay Umadda yaan Qubxi iyo Been loosheegin, Cabsidiina iyo Aduunyo jaceeylkiina Diin hanooga dhigin-saraaxa waa Cabsanay iska dhaha aan idiin cudur daarnee–laakiin ummad GAALO guryaha ugu gashay oo Banaanka ladhigay in aad tiraahdaan Jihaadkoodu waa fitno ayay joogtaye,, Baarlamaan Gaalnimaa Gala Miyaad maantana Naga Gadaysaan?? Diidnay oo Baraarugnaye Iska Aamusa Yaa Bil Caamo ladheel.=== Wabillaahi towfiiq.

  6. Somali Salafi says:

    Asc wr wb
    -
    Gob-Islam ILLAHEY ha idin barakeeyo
    -
    Culumada waxey leyihin Qowl hore iyo mid danbe o waa wax iska caadi ah
    -
    Qof so Muslimay o markisi hore masixi aha
    Ka warama hadi la yirahdo hebelka hada muslimka ah wuxu ahan jiray masiixi
    O cay loga dhigo, macquul ma tahay
    Waa maya
    -
    Marka qofka waa in lo raaco wuuxu hada ku jiro
    -
    Sheekh Xasan XafidahULLAH wuxu so maray
    Suufiyo,Islaax,Jameecatu Tabliiq,iwm
    Hadana Afkaartas ma aaminsana ee Waa Caalim salafi ah
    -
    Marka hadi webka halgan ay so galiyaan
    Hadalisi hore, wuxu barlamaanka ka aaminsanaa
    Wax micno ah ma sameyneyso
    -
    Tusaale
    -
    Maxey qiimo leedahay hadi ay webka halgan so galiyaan
    Sheekh Xasan
    -

    - Marki u Suufiya aha wuxu aaminsana
    - Marki u Islaaxa ahaa wuxu aaminsana
    - Marki u tabliiqa aha wuxu aaminsana
    -
    Micno ma sameynayo lakin waa in laga hadlo WAQTIGAN XAADIRKA AH
    -
    Waqtigaan xadirka ah, Sheekh xasan ma aaminsana in barlaaman la galo
    Wuxuna ka aaminsan yahay iney gaalnimo tahay
    Dabcan waana gaalnimo
    -
    Shibilina barlamaanka in la galo wu tageersan yahay
    Cilmi la’aana uma geyn ee ujeedoyin gaar ah aya u geeyay

  7. Doolaal says:

    Wadaad Yarre.

    Aniga oo aan kula aragti ahayn, hadana su’aashaada hore waa su’aal wajih ah, waxaana fiican in aad jawaab ka hesho qolyahaa aad ku wajahday ee GOBISLAM, anigu se waxaan isleeyahay Sh.Xasaan maalintaa qowlkaa uu qabay wuu ku qaldanaa isagana sheegay, waxanay la mid tahay suufiyonimadii ay culimada soomaaliyeed ahaan jireen ee ay hadana ka toobad keeneen oo kale.

    Arinta khaainimada lagu tuhmay shible maaha kaliya qodobkan laakiin waa qodobo silsilad ah iyo godob uu ku galay magaca diinta markaa wajhul muqaaranaha xasaan iyo shible kaliya noqon maayo halkan mas’alo.

    Arinka muslimiinta kenya ee aad kusoo koobtay khiyaaraadka 4ta ah, ee aad ku qasbayso in ay qaataan khiyaarka wax wada qaybsiga, hal su’aal aan kaa waydiiyo’ee Muslimiinta Kenya wax wada qaybsi miyay ku noqon karaan kuwo ku hela waxay rabaan, mise waa aqaliya ay tahay in ay u hogaansanto aqlabiyada, Joogitaankooda iyo maqnaanshohoodu waa isku mid, wax ay wax ku ta’siirin karaan ma jirto, kaba sii darane kuwa ay muslimiintu doortaan sida aan ka aragno qaar badan oo ka mid ah ujeedo saami ah oo ku saabsan maslaxada umada muslimka ah ee kenya kama shaqeyan ee waa dan khaas ah iyo siyaasi iyo xaalkii.

    Wadaad ha is odhanin mar walba noloshu waa fududahay khiyaaraadka ugu sahlana in la qaato macneheedu maaha mar walba saaib, marbaabay gaalnimo noqotaa, ogowna in rasuulkeenii muxamed scwm uu inoo sheegay in ay iman doonto wakhti qofka diinta ku dhegaa uu noqon doono sidii qof dhinbiil dab ah gacanta ku haya, hadii khiyaaradaa aad soo gudbinayso ee iska faakihaysiga ah umadu ay diin ahaan ku badbaadayso uma malaynayo in nabigu sidaa u dhigi lahaa xaalka qofka xaq raaca ah,

  8. Yaasiin says:

    Ilahow shikha xasaan xifdi ilahow nafta lagama amin ahe diin manhajka saxda kusug inta musliminana kurug inta kadib
    wadad yare shibi wa gaal lama dhihin xashaalilah lagumana tuhmin e qalad aya lasaxaya si caamadu ugu fitnobin marka hadalka hadaba gadin hanaxumeyn qof shibile wax kashegtay malaha qalad kisana in dadka loga digo wasax xita ilaah maqadare hadu sh.xasaan isi cml noqda qaladka xasaan walaga digaya si logu fitnobin marka ilaah kabaq shibili gaal lagumatilmamin lagumana tuhmin wlh shibil wa jeclahay lkn awayhe marka been aburadka dey wadad yare

  9. somali says:

    asalaaca leykum walaalayaal bacda salaan dadka looma kala eexdo lalaala yaall culimadu xay isku waad dood marka qoralada qaarkood waxaa ka muuqata in culimac aad qaarkood gaalaysiinaysaan labada sheekh wayxay isku hayaan way duuban yihiin dhegeysa iyagoo dhamaystiran yaan la jarjarin hada goba layidhaado halgan waxaa ku duuban sheekh xasaan xuseen adan oo kuwaafaqsan sheekh maxamuud shbile ninkii rabaa hadhegeysto boga halgan.net dadka wax soo qoroqrayow calimad nin qabiriga kulama gelaayee yaan lagu aakhiro seegin

  10. ibnu mohamed says:

    Waxaan la hadlayaa somali salafi CADAALAD UMA AADAN WADA HADLIN CULIMADANA MA AADAN DHAWRIN OROD HALGAN GAL OO FIIRI HADALADA SH XASAAAN IYO SH SHIBLE ADIGANA GAALNIMO MA XUKMIN KARTID NIN YAHAW SH XASSAAN WUU QABAA KENYA MARKA LA JOOGO WAXUUNA YIRI WAA LA GALI KARAA OO MASLAD ISLAAMKA LOO QABANAYO QISADII NABI YUUSUSF CS AYUU DALIISHADAY SH SHIBLANA SIDAA OO KALE DHIBKA XAGEE KAA HAYSTAA INATAA KA DIB WAXAA FIICAN QALBIGA SH SHIBLE INAAD DAALACATID INUU DANO QAASA L;EEYAHAY IYO IN KALE WALLAAHI WAA JAHLI WAXA AAD KU HADLAYSO SOMALI SALAFIYOOOW

  11. Somali Salafi says:

    To: Ibn Mohamed
    -
    Hadalka sheekh xasan e halgan la so galiyay waa mid hore
    Lakin hada sheekh xasan fekerkas ma qabo
    Wuuna ka laabtay
    -
    Fekerka sheekh xasan e hada u qabo
    Waa kan somalimidnimo ku jira
    Sheekh xasan hada wuxu aaminsan yahay
    Qofki barlamaan ku biira inu gaalobayo
    Waana sida saxda ah ee Diinta ku cad
    -
    Shibili isaga xita feker ah qofki barlamaan ku biira wu gaalobaya wu qabi jiray
    Lakin sidi axmed madoobe iyo ibrahim dheere iyo kuwa kale u so baxen
    Wu isbadalay
    -
    Isbadalakisa cilmi la’aan uma geen lakin ragaas inu tageero ayu go’ansaday
    Mab’daii diinta waxa laga weynaaday rag

  12. wadaad yare says:

    Mar kale ayaan si fiican u dhegeystey hadalka Sh. Xasaan. Waa hadal miisaan cilmi ah leh marka aan isku waafaqsannahey in “dastuurka wadcigaa” oo dowladaha casrigaa uu yahey “shariica kufri ah” oo la loollameysa “sharciga islaamka”! Qofkii sidaas qira marka horeba waxaa ku laazimaya inuu keeno “ikraah xaqiiqi ah” oo kufrigaas inuu ku dhaco loogu cudur daarayo.

    Waxaan wax badan ku cel celiyey anigu in dastuurku uusan aheyn shariico leh macno diini ah ee uu yahey “heshiis ama caqdi ama shuruud” la wada dhigtey. Ghaayatu maa fil amrina ay tahey oo kaliya iney ku jiri karaan shuruuddaas kuwo khilaafsan shariicada Islaamka.

    Qadiyadda Nebi Yuusuf c.s oo meesha taalla iyo fasirka aayaddana waa sidaas oo kale. Oo mufasiriintu waxey ku fasireen qowlka Ilaahey ee ah:(ما كان ليأخذ أخا في دين الملك إلا أن يشاء الله) in laga wado Nebi Yuusuf uma suurto geleyn inuu walaalkiis ku qaato sidii uu qabey nidaamkii boqorkii Masar oo Nebi Yuusuf ka hoos shaqeynayey. Waa xeer bashari ah iyo qaanuun dunyawi ah iyo caadaat iyo hab dhaqan u yaalley dowladda oon laheyn “macno diini ah” oo wuxuu la mid ahaa xeerarka hadda dalalka looga dhaqmo iyo xeerka dhaqanka soomaalida oo kulligood aan laheyn macno diini ahe gebigood ah heshiis bashari ah.

    فسر معظم المفسرين الاية المذكورة اعلاه( مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ الْمَلِكِ ) بمعنى شريعة و نظام الملك فهذا الامام الطبري رحمه الله يقول [وقوله:(ما كان ليأخذ أخا في دين الملك إلا أن يشاء الله) ، يقول: ما كان يوسف ليأخذ أخاه في حكم ملك مصر وقضائه وطاعته منهم ، لأنه لم يكن من حكم ذلك الملك وقضائه أن يسترقّ أحد بالسَّرَق]
    ويقول الامام ابن كثير رحمه الله[قوله: { مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ الْمَلِكِ } أي: لم يكن له أخذه في حكم ملك مصر، قاله الضحاك وغيره]
    وورد في تفسير البغوي[{ مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ } فيضمه إلى نفسه، { فِي دِينِ الْمَلِكِ } أي: في حكمه. قاله قتادة. وقال ابن عباس: في سلطانه. { إِلا أَنْ يَشَاءَ اللَّهُ } يعني: إن يوسف لم يكن يتمكن من حبس أخيه في حكم الملك]
    ويقول سيد قطب في تفسير هذه الآية في الظلال[{ كذلك كدنا ليوسف . . ما كان ليأخذ أخاه في دين الملك . . } . .إن هذا النص يحدد مدلول كلمة « الدين » في هذا الموضع تحديداً دقيقاً . . إنه يعني : نظام الملك وشرعة . . فإن نظام الملك وشرعه ما كان يجعل

    عقوبة السارق هو أخذه في جزاء سرقته . إنما هذا كان نظام يعقوب وشريعة دينه ]

    Hadalka Sh. Xasaan uu ku leeyahey kalimadda “ما كان” waxey noqotaa macnaheedu “ما ينبغي” marar badan waa sax laakiin marar aysan noqonna waa jirtaa oo Qur,aankeyba ku jirtaa waxaana ka mid ah:

    ما كان الله ليذر المؤمنين على ما أنتم عليه حتى يميز الخبيث من الطيب وما كان الله ليطلعكم على الغيب ولكن الله يجتبي من)

    (رسله من يشاء فآمنوا بالله ورسله وإن تؤمنوا وتتقوا فلكم أجر عظيم

    sidoo kale

    (ما كان إبراهيم يهوديا ولا نصرانيا ولكن كان حنيفا مسلما وما كان من المشركين)

    Iyo sidoo kale

    ( ما كان محمد أبا أحد من رجالكم ولكن رسول الله وخاتم النبيين وكان الله بكل شيء عليما)

    Aayadahaas dhammaantood “ما كان” da ku jirta iyo tan ku jirta “ما كان ليأخذ أخاه في دين الملك” waa isku macno.

    Kalimadda “دين الملك” oo aayadda ku jirtana waxey ugu jirtaa macnaha ah “caado, dhaqan, xeer” sida mufasiriintu caddeeyeen. Mana ugu jirto “diin wata macno qudsiya tacabbudiya”.

    Qawaaniinta wadcigaa oo hadda lagu dhaqmo waa sidaas oo kale oo ma lahan macno qudsiya tacabbudiya ee waa heshiis iyo xeer dhaqan la mid ah kan qabaa,ilka soomaalidaa u yaalla oo dhiig iyo dhaqanba leh.

    Qofkiise aamminsan in xeer dhaqanka soomaalida iyo qawaaniinta wadcigaa iyo dasaatiirta wadcigaaba ay la mid yihiin kitaabka bible kaa oo qofkii ku dhaqmaa uu la mid yahey qof bibleka ama kitaabka Hunduuska ku dhaqmey markaas isagey xujadu kusoo rogmaneysaa.

    Oo kitaabka biblekaa oo isugu jira shariicadii hore ee towraat oo la nasakhey iyo waxyaabo kale ayaaba markaas ka dhowaanaya “sharci kale” oo aan asal ahaanba Ilaahey xaggiis ka imaan.Laakiin su,aashu waxey tahey ma tahey qawaaniinta wadcigaa iyo dasaatiirtuba diin leh macno muqaddas ah mise waa mujarrad xeer iyo heshiis dad degsadey oo sax iyo qaladba leh?

  13. Warsame says:

    Walaalayaal way muuqataa inuusan qabin sheekh xasan fakarka ah baarlamaan lama gali karo hada, oo koox dhan ayuu wuxuu yiri waaba ku gaalawday arintaaas oo waxaa loo yaqaan طائفة كفرية أم مرتدة waana kooxda loo yaqaan الإعتصام بالكتاب والسنة oo aniga ayaa fadhiyay laakiin warkan ay halgan soo galisay ayaa wuxuu igu noqday kadis oo waxaan la yaabay sida uu sheekha khatar ugu jiro inuu gaaloobo laftirkiisa oo mas’alada qabay oo naga dhaadhiciyay oo waliba noo sheegay mas’aladan waa masaa’isha la yiraahdo المعلوم من الدين بالضرورة dee hadii aan cadaalad samayno aan gaalaysiino wadaadka waliba in muda ah ayuu qabay mas’aladan bal aan la xisaabtamo, wadadka waan jeclahay ma takfiirinayno laakiin waxaan leenahay waxaad al baabad u furtay baab shar ah oo waxaad tiri qofka gaalnimada sidaa marka uu ugu dhaco ayaan takfiirinaynaa marka adigana waxaan kaa helnay wixii lagu gaaloobayay ee is takfiiri ama aan ku takfiirni aysan ahayn marka aad wax takfiirinayso u fiirso oo iska ilaali oo iska daa duul duulka badan.

  14. wadaad yare says:

    Dadkii waxaa lagu kari la,yahey war isku mid ma ahan shariico macno diini ah oo qudsiyaa wadata iyo xeer dunyawi ah oo ku saleysan heshiis la wada gaarey ama maraasiim iyo awaamiir xukmi ah oo xaakim soo saarey!

    Haddey taksiilayaasha soomaalidaa oo ka shaqeeya magaalada Chicago iyo garoonkeeda ay heshiis qodobbeysan la galaan taksiilayaasha kale een soomaalida aheyn oo hallagu wada shaqeeyo la yiraahdo waa heshiis. Haddey ku dhaartaan ama ballan qaadaan iney ilaalinayaanna waa heshiiskii oo ay ballan qaadeen iney ilaalinayaan.

    Hadduu maraasiim iyo awaamiir shaqada ku saabsan uu soo saaro xaakimka chicago iyaduna waa amar kor ka yimid oon diin aheyn.

    Laakiin way ka baddalantahey hadduu yiraahdo anigaa Ilaahey ii waxyoodey ee adinkoo amarkii Alle rumeynaya ku dhaqma amarkaan oo ku dhaarta inaad u hoggaansameysaan.

    Waxaa muuqata in xilligii Nebi Yuusuf c.s oo jirey nidaam dunyawi ah oon diini aheyn oo umuurta dowladnimada nidaaminayey sida hadda jirta oo kale.

    “diinul malik” waa nidaamkiisa sida mufasiriintu caddeeyeen. Xeerka soomaalidu ku dhaqanto oo kale oo qabaa,ilka weeye. Macno diiniya oo qudsiya ma watee waa heshiis iyo awaamiir bashari ah oo sidaasna loo wada ogyahey.

    Waagii Kacaanka madaxweynuhu wuxuu soo saari jirey awaamiir”maraasiim” ay tahey in lagu dhaqmo oo mararka qaarna dhici karto iney khilaafsanyihiin sharciga Islaamka.

    Maraasiimtaasi way ka duwantahey haddii la qoro oo nidaam laga dhigo iyo haddii kaleba kitaab diini ah oo muqaddas ah! Saas halloo kala saaro arrinta haddii la doonayo inaan lagu hafan takfiirin aan qof ka badbaadayaa jirin.

  15. Waxgarad says:

    Wadaad yare,
    -
    Sxb ixtimaalaadka aad 4ta ku soo koobtay, sax ma aha, oo ixtimaalaad kale ayaa ku jira, e dib u fiiri, waxa ay culimada usuulka u yaqaanaan ‘Assabru wa taqsiim’ waa inuu wada shamliyaa ixtimaalaadka kale ee suurta galka ah, aniguna halkan waxaa iiga muuqda in muslimiinta kenya ay u yaalaan ixtimaal aan kaas 4ta aad sheeqtay ahayn,.
    -
    Mida kale Macnaha ما كان
    ee aad tiri macna kale ayuu yeelan karaa, bal cadee, Anigu ma arki wax diidaya in

    ما كان الله ليذر
    -
    In la dhaho ما ينبغي الله ليذر
    -
    Aniga koleey waxaan u arkaa ما كان
    waa tarkiib (2 kalimo) ما iyo كان
    -
    ما : Nafyi ixtiraasan canil Mawsuulati wa qayrihaa. Tacmalu camala Laysa cindfal xijaaziyiin. Somali ahaan ta nafyiga: ‘Ma’
    -
    كان: Ficil Maadi oo Naaqis, (Wa qallamaa ay taama noqotaa) mararka qaarna istimraariya ku tiusini.
    -
    ليأخذ Laamu tacliil waad ogtahay si uu u shaqeeya waa inay ka hor martaa ما كان ama لم يكن

    -
    Waliba waxaa ii cad, Wallaahu aclam, hadii uu laamu tacliil ay ka hor marto ‘Maa kaanada’ inayba wax kale noqonaynin oon ka ahayn ‘Maa yanbaqii’
    -

  16. wadaad yare says:

    Waxgarad

    “ما كان”

    ku jirta aayadda dooddu ka taagantahey iney tahey macnaheedu “maa yanbaghii” iyo iney la mid tahey “ما كان محمد أبا أحد من رجالكم” waa mas,alo baariddeedu sahlantahey oo tafaasiirta loogu laabanayo shiddana ma lehe. Maqaalka cusub oo Sh. Xasaan ku saabsan is baddalkiisa oo somalimidnimo ku soo baxey waxaan ku qorey dood aan labadiinna qolaba midba wax usoo jeediyey.

    Qolada Sh. Xasaan iyo qolada Sh. Shibli doodda Nebi Yuusuf ku saabsan waxey la mid tahey masaa,ilkii hore oon weligeey mowqifka ghariibka Salafiyiinta ku dhex ah ka istaagi jirey.

    Waxey ila noqotey iney labada qolaba isla qirsanyihiin hal arrin oo ah iney kufri tahey “bixaddi thaatihaa” in laga mid noqdo dowlad aan sharciga ku dhaqmin.

    Qolada Sh. Xasaanna waxbaan ku iri qolada Shiblina iyagana arrinbaan ku iriye aqriye nin saaxibul fikriya ayaad tahaye bal halkaas aan wax iska dhahno.

  17. waaniye says:

    wadaad yare

    sxb bad aan xeeb lahayn ayaad dhex dabaalanaysaa marba meel ayaad aadaa taasina waa nasiib darro mar falsafo ayaad nala aadi marna nas

    marka waxaa fiicnaan lahayd inaad mid uun kuqanacsanaato laakiin inaa wax kasta laysku qaso oo marba meesha uu qofku istuso inuu fikirkiisa kuxoojin karo aado waa nasiib darro

    waxaana haboon inuu qofku dawaabid iyo qawaacid uukaduulo leeyahay

    waxaad tidhi qawaaniinta wadciga ah iyo xeerarku gaalnimo maahan waxaanad kucilaysay inayna wadanin qudsiyo diini ah

    waxaa xaqiiqo ah inuu qofkastaaba waxa uu kudhaqmayo ee caadada u ah inuu aaminsanyahay inay wanaag tahay umadaha kalana uu kadhaqan fiicanyahay

    dawlad kastaabana xeerka ay dajisanayso sidaas silamid ah ayay ka aaminsantahay

    diintuna macnahaas unbay wadataa oo qof kastaaba diinta uu aaminsanyahay wuxuu ka aaminsanyahay inay tahay diinta uugu wanaagsan ee lagu badbaadayo

    intaas waxaa siidheer xeerka ama qawaaniinta waxaa loodajiyaa inuu masloxo umadeed xaqiijiyo

    diintana waxaa loosoo dajiyay inuu masloxo umadeed xaqiijiyo

    taasna waxay kuucadaynaysaa inay qawaaniinta iyo diintu isku midyihiin

    waxaa kaloo sii xoojinaya macnaha luuqawiga ah oo diin macaanideeda waxaa kamid ah

    dhaqan, jid laraaco, adeecid iwm qawaaniintuna intaas iwm ayay wadataa

    aniga hadda hadafkayga maahan inaan kalimadda diin macaanideeda kawada hadlayo laakiin inta majaalkan qusaysa unbaan sooqaadanayaa

    macnaha kalimada diin iyo qaanuun inayna wax farqiya haba yaraadeene udhexaynin waxaa kuusiicadaynaya

    diintu waa manhaj la aamino inuu yahay ka uugu wanaagsan ee mudan inaa laraaco kadibna afka kaliya laguma daayee waa ladhaqan galiyaa

    qawaaniintuna waa lamid

    waxaad xujo kadhiganaysaa haduu qofku aaminsanyahay inuu waxan ilaahay soodajiyay markaas ayay diin noqonaysaa

    haddii kale manoqonayso diin

    runtii fahanka noocaas ah waa mid aad uliita oon luuqo ahaan iyo sharci midna kuhaboonayn

    tusaale ahaan waxaa jira aqwaal aad ubadan oo ay madaahibtu qabaan inay sax tahay laakiin ay ogyihiin inuuna jiri wax daliil ah oo kusoo arooray (=yacnii ilaahayna madhihin rasuulkuna madhihin)

    aqwaashaasna kutubta fiqiga ah dhamaan waad uugu tagi hadaba waxaasi diin maahan miyaa???
    maadaama ay culimadu aaminsanyihiin ilaahay madhihin saas

    waxaa xaqiiqo ah oon qof caqli ilaahay siiyay kaqarsoonayn inay diintu tahay

    manhaj laraaco iyo dhaqan ama ilaahay haloo tiiriyo ama yaan lootiirinine

    kalimaadka diintu isticmaashana waxaa kamid ah sharci, manhaj, xukmi iwm

    diintuna macaanidaas unbay kudul wareegaysaa waxayna kutusinayaan dhamaan macaanidaasi

    inaa umad manhaj loosameeyo laguna dhaqo qof kastana lagu abaal mariyo wuxuu manhajkaas dhexdiisa kamudanyahay

    quraanku dhamaan wuxuu na amrayaa inaynu raacno manhajkaas

    hadda haduu qof yidhaahdo shaydaanka waa laraaci karaa oo manhaj uudajiyay waa lagu dhaqmi karaa

    miyuuna gaal ahayn qof kaasi???

    miyuuna diin kale qaadanin???

    mise ilaa uu ka ictiqaadinayo shaydaanku waa ilaahay ma gaaloobayo???

    waxaan filayaa inuuna qof in uun diinta kayaqaanaayi kashakinaynin qof kaas bal qof caqli le ayaan kashakinaynin

    allaah sw wuxuu na amray inaa ragga iyo dumarka laysu guuriyo ee ayna si kale isugu tagin

    hadaba taasi ma taqdiisinbaa mise waa qaanuun laynagu ilzaamiyay???

    wuxuu inagu waajib yeelay inaynu is asturno taasina ma taqdiisinbaa mise waa sharci laynoo jideeyay oo masloxo inoogu jirto???

    waxaan filayaa inaad kujawaabi waa sharci laynagu ilzaamiyay

    waxaase lagayaabaa inaad tidhaahdo hede marka aynu samaynayno ayaynu aaminsanahay inuu ilaahay sharciyeeyay saas ayayna diin kunoqonaysaa

    waxaan kuleeyahay adiguna hadda waxaad aaminsantahay inuu qawaaniinta ilaahay sharciyeeyay

    sababtoo ah waxaad kudoodaysaa qawaaniinta wadciga ahi waa wax sax ah oo banaan

    taasna macnaheedu waxaa weeye allah ayaa raalli ka ah allah ayaa raalli ka ah macnaheeduna waxaa weeye allah ayaa sharciyeeyay

    maxaa yeelay wax kasta oo uu raalli kayahay waa sharcigiisa

    midda aad leedahay taxi iwm sharciga loodajiyo anagu waxaanu ka aaminsanahay taxiga iwm sharciga loodajiyo inuu diinyahay

    laakiin uu diinteena waafaqsanyahay wax kasta oon diinta kahor imanaynina uu diinta waafaqsana uu diinta kamidyahay laakiin inaan sharci buburinaya kii allah aan kutilmaano wax lagu dhaqmi karo rabbi ayaanu kamagan galnay

    hadaan hadalka kuusoo khulaaseeyo diin macnaheedu waxaa weeye

    allah magacyadiisa waxaa kamid ah الدّيان

    macaanida wuuleeyahay magacaasi waxaa kamid ah

    و الدَّيَّانُ= القاضى .
    و الدَّيَّانُ= الحاكمُ .
    و الدَّيَّانُ= المُجازي بالخير أَو الشر .
    و الدَّيَّانُ= الحاسبُ .
    و الدَّيَّانُ= القهَّارُ

    hadaba allah waa kalasaare kala xukume wuxuuna wax kukala saaraa sharcigii uu isagu jideeyay

    ilaahay waa sharci dajiye qof kastana wuxuu ku abaal mariyaa wuxuu mudanyahay marka loo eego sharcigaas uu isagu dajiyay

    qolyaha qawaaniinta dajiyaana waa nafsu shay

    marka anagu waxaanu taaganahay qof kasta oo umad ku ilzaamiya wax ilaahay sharcigiisa khilaafsan waa gaal

    ilaahnimo sheegtay

  18. waaniye says:

    marka aan leeyahay allah waa kala saare kala xukume yaan khalad loofahmin oon looqaadanin inaan diidayo fuliyayaal (tanfiid) oon leeyahay ilaahay isagaa maanta intuu sicad inoola hadlo ina kalasaaraya oo dadka kala xukumaya

    maya taas uuma jeedo laakiin sida qolyahay sharciga dajiyaaba ay uleeyihiin sharci dajiyayaal iyo fuliyayaal ayaynu inaguna uleenahay sharci dajiye iyo fuliyayaal

    laakiin inaga sharci dajiyeheenu waa allah sw iyaga sharci dajiyohooduna waa parliamentga

  19. wadaad yare says:

    Waaniye

    Waxaad tiri:

    “midda aad leedahay taxi iwm sharciga loodajiyo anagu waxaanu ka aaminsanahay taxiga iwm sharciga loodajiyo inuu diinyahay”!

    Markaad mowqifkaas jeedisey ayaad haddana dabo dhigtey:

    “laakiin uu diinteena waafaqsanyahay wax kasta oon diinta kahor imanaynina uu diinta waafaqsana uu diinta kamidyahay laakiin inaan sharci buburinaya kii allah aan kutilmaano wax lagu dhaqmi karo rabbi ayaanu kamagan galnay”.

    Hadalkaan danbe kaagi hore ayuu burburinayaa walaal aad ugu fiirso.

    heshiisyada qodobbeysan oo u yaalla meelo kala duwan oo nolosha ka mid ah sida taksiyada iyo waddooyinka iyo caafimaadka haddaan diin ku sheegno magaceed diintaas?

    Marka hadduusan ku jirin heshiiskaas hal qodob oo diinteenna khilaafsan ayna gaalo degsatey waa islaam miyaan leennahey?

    Heshiis kale oo dad muslimiin ah degsadeen amaba gaalo oo isla taksida ku saabsan hadduu hal qodob diinta ku khilaafana wuxuu noqonayaa diin lagu gaaloobayo miyaa?

    Tusaale wuxuu labada heshiis midkood qabaa shardi ah inaan khamro lagu qaadi karin taksida qof khamreysanna aan la qaadi karin. Mid kalena wuxuu qasab uga dhigayaa taksiilayaasha iney dadka customerskaa u qaadaan waxa ay wataan oo khamraduna ku jirto, qof khamreysanna aysan uga tegi karin inuu khamreysanyahey awgeed!

    Marka sidaas ayey labadii contract midna diin kale oo lagu gaaloobayo ku noqonayaa midna diin islaam ku noqonayaa miyaa?

    Akhii intaan jikaartanka iska deyno bal tusaalahaas aan kuu sheegey aan ku dabbaqno waxa aan isku heyno oon isla eegno.

  20. wadaad yare says:

    تعريف التشريع: هو مجموعة القواعد والأحكام الملزمة التى تحكم سلوك الافراد فى المجتمع وتكفل الدولة التزامهم بها وهذه القواعد والأحكام هي ما يسمّى بالقانون الوضعي.
    إذا كان هذا تعريف التشريع أو القانون الوضعي أين يكمن مناط التكفير في هذا التعريف؟
    هل مناط التكفير هومجرّد سنّ ووضع الأحكام الملزمة؟ وفي هذه الحالة شركة التاكسي التي أخذناها كمثال فمجرّد سنّ قانون يعتبر كفرا بصرف النّظر عما إذا كان هذا التقنين مخالفا للشرع الإسلامي أو موافقا له. لا أعتقد أنّ شخصا يعي ما يقول يجرؤ بأن يقول هذا القول. إذن نطرح هذا الإحتمال جانبا ونأتي إلي الأجزاء الأخري من التعريف.
    هل مناط التكفير هو الإلزام؟ طبعا لا أيضا لا يقول عاقل هذا القول. إذن أين مناط التكفير في وضع القوانين؟ أفيدونا ودلّونا عليه بارك الله فيكم.
    في هذا التحليل لمفردات تعريف القانون الوضعي لم نظفر أن نجد مناطا للتكفير ولذلك يلزم أن نبحث مناط التكفير في أمر خارج عن وضع القانون. ولكي يستقيم الأمر فلابد أن نضيف إلي تعريف القانون الوضعي كلمة تصلح أن تكون مناطا للتكفير. لكي يستقيم النّقاش ويكون علميّا أرجو من الأخوة القائلين بهذا القول أن يأتو لنا بتعريف للقانون الوضعي فيه مناط للتكفير. وإن كانوا يرون أنّ مجرّد سنّ القوانين الملزمة وإصدار مراسيم للدّولة تعتبر من الدّين وهي عين مناط التكفير فليكونوا صريحين وليقولوا به فنناقش قولهم هذا. وإلّا لا يعدوا الأمر كونه محفوظات حفظتموها صارت عقيدة عندكم لا تقبل النّقاش.
    أين وانيي ووحغرد والسلفي الصومالي ودرر تفضلوا يا إخوة وأفيدونا بمناط للتكفير يتعلق بالقوانين الوضعية التى تتعامل بها الدول سواء كانت هذه الدول إسلامية أو غير إسلامية مثل كينيا. لا تتعجبوا ولكن أبذلوا جهدكم لكي نصل إلي الحقيقة.

  21. Kamadaale Dareenka Dadkiisa says:

    Dowladii shuuciga ahayd baa markey rabtey iney xeerka qoyska iyo dastuurkii shuuciga dadka ku qanciso wadaadxume aruurisey, una dirtey wadamo ku abtirsada muslimiin, waxay soo noqdeen iyagoo ku wacdinaya laguma gaaloobayo dasatiirta!! Oo wadamada muslimiintoo dhan baa looga dhaqma!! Maxa ka dambeeyey hee?!! Yaa meel ku sheega wadaadadii shuuciyada iyo islaamku isma diidayaan dhihi jirey?!! Inna shaani’ak huwal abtar baa ku dhacdey. Sidaaso kala ku dhici Alle idanki marka shareecada la qaato, kufriga caalamigana jabo, ee smallwadaadow dadba kaaga horreeyey, haku nafbixin, qabrina ha la gelin, baan ku iri Alla ha kugu anfaco haduu Alle sw hanuun kuu qorey.

  22. Kamadaale Dareenka Dadkiisa says:

    Contract between X iyo Y u dhexeeya, iyo sharci dejin baad isku qaldeysaa,, smallwadaadow, mishkilada cadee, bacdeyn sharciga aaminsantey la’aad, hada ashcar,shuuci,salafi ama dimoqraadi kaa tahay. Maxay dimoqraadiyadu ama ashcariyadu ama salafiysdu ama shiicadu ka qabaan ka qabaan isweydii.

  23. abuuwaliid says:

    waagabay taabanayadhibka omada xildhibaanninkiisheegtayee xaarkalacunsiiyay xigmadii ilaahmarkaadxoortaybaad xeelkucarartaaye xisbigiixasuuqaatohoo xeerkuqabanwaaye xaasaskaaninkiixoogayee xornimadasheegtay xarfaanawxogbaankaahayaa xaasidbaatahaye xirfadaaduwaaxumaan ileenxishmadmalihide xumaaantaaxanuunkabadaneed xubinkudoonaysid xubinxubinlaguugoo maxaadxornimokasheegi xaajadaa inaadxuurtaysaa xeerumalihide xidhiidhkii ilaahbaad xidhoodwaadnaxaasidiye xisaab iyoxanuunbaajiroo laguguxayndaabi xeer iyoxaaraan iyoxumaan waanukaxanaaqi xadhigii ilaah hadaan xigsanowayxanuunsaniye xisbigii ilaahbaannohoo waadnaxaasidiye xaajadaninkaanxoogaynaw xaaladawarayso xertiixabashixubinbaykanoqon waaxaajanaagoode xumaan oodhanbayxaabsadeen xulafaweeyaane xeefawninkiixigaalmoodayee xaynta u uruurshay gabaygaa soobixiyaoo igagaadhsiiya somalimidnimo.com walaalayaal

  24. abuuwaliid says:

    waagabay taabanayadhibka omada 1 xaarkalacunsiiyay 2 xigmadii ilaahmarkaadxoortaybaad xeelkucarartaaye 3 xisbigiixasuuqaatohoo xeerkuqabanwaaye 4 xaasaskaaninkiixoogayee xornimadasheegtay 5 xarfaanawxogbaankaahayaa xaasidbaatahaye 6 xirfadaaduwaaxumaan ileenxishmadmalihide 7 xumaaantaaxanuunkabadaneed xubinkudoonaysid 8 xubinxubinlaguugoo maxaadxornimokasheegi 9 xaajadaa inaadxuurtaysaa xeerumalihide 10 xidhiidhkii ilaahbaad xidhoodwaadnaxaasidiye 11 xisaab iyoxanuunbaajiroo laguguxayndaabi 12 xeer iyoxaaraan iyoxumaan waanukaxanaaqi 13 xadhigii ilaah hadaan xigsanowayxanuunsaniye 14 xisbigii ilaahbaannohoo waadnaxaasidiye 15 xaajadaninkaanxoogaynaw xaaladawarayso 16 xertiixabashixubinbaykanoqon waaxaajanaagoode 17 xumaan oodhanbayxaabsadeen xulafaweeyaane 18 xeefawninkiixigaalmoodayee xaynta u uruurshay gabaygaa soobixiyaoo igagaadhsiiya somalimidnimo.com walaalayaal

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS