DHAGAYSO: Waraysi, Ducaadda Iyo Shacabka Koonfur Afrika Oo Al-ictisaamka Ka Difaacaya In Ay Afgambiyaan Imaamka Masaajidka Shaafici Sh. Maxamed Amiin Oo Tafsiirka Quraanka Laga Joojiyey In Uu Akhriyo!


SOUTH-AFRICA:-
Waxaa Warbaahinta Islaamigaa xiriir la soo sameeyey Macalimiin iyo Ducaad ku sugan Koonfur Afrika, sida aad waraysiga ku dhagaysan doontaan, Imaamkii Masaajidka Shaafici ee Magaalada Johannesburg Sheekh Imaam Maxamed Amiin, ayaa Al-ictisaamku waxay ku dhiiradeen in ay joojiyaan Tafsiirka Quraanka Kariimkaa ee uu akhrin jiray Sheekhu.

Imaam Sheekh Maxamed Amiin muddo 20 Sano kudhow ayuu dacwad kawaday wadanka Koonfur Afrika, balse dhawaan ayaa Rag Al-ictisaamka kamida, waxay muddo ka shaqaynayeen in ay cinqilaabaan ama Afganbi ku sameeyaan, Imaam Sheekh Maxamed Aamiin, guddi dhawaan loo sameeyey Masaajidka ayaa Nin dhalinyaraa ka keenay Magaalada Nairobi, waxayna Imaamka u sheegeen in ay Masaajidka la wareegeen isla markaana waxay amar ku bixiyeen in uu joojiyo Tafsiirka Quraankaa oo uu akhrin jiray.

Waxaa nooga waramaya Sheekha iyo dacwadii uu waday iyo sida loola dhaqmay Daaci Cumar Macalin Cabdi Xade, Daacigu wuxuu noo caddeeyey in Ragga Imaamka cinqilaabay ay ku eedeeyeen Imaam Maxamed Amiin in uu Tafsiirka Quraankaa uu Aayaadka Jihaadka si wanaagsan u sharaxo isla markaana aysan ka yeelaynin in uu sii Akhriyo Tafsiirka Quraankaa.

Waxaa Masaajidka kadhacay buuq iyo qaylo, Ragga Imaamka raba in ay Afganbiyaan ayaa Kaamirooyin ku xirtay Masaajidka, waxaana cabasho ka muujiyey oo diiday in ay Masaajidka soo galaan, Gabdhaha Muslimaadkaa oo codsaday in Qaybta Dumarka laga daayo kaamirooyinka maadaama ay mararka qaarkood ay dhici karto in Dumarku is halmaamaan.

Golaha Baraarugga Islaamka.

Waxaa sidaan horay idin kugu sheegnay aan diyaar u nahay in aan difaacno oo garab istaagno Qof kasta oo Diintiisa darteed loo dhibo, isla markaana la isku dayo in la caburiyo Manhajkiisa ama laga hor istaago in uu difaaco Muslimiinta iyo Khayraadkooda. Horay ayaan u difaacnay, Gabdho Muslimiina oo lagu xiray Dalka Maraykanka, waxaan Asbuucyadii la soo dhaafay aan garab istaagnay Sheekh Tawakal oo markii la xiray xattaa Imaamyadii Saaxiibadiis ahaa ay ka carareen, waxaana Xabsiga ka soo ka xeeyey soona galbiyey Walaalaha Baraaruruga Islaamka oo u muujiyey macaanka Walaaltinimada Islaamka.

Shirqoollada Wadaadxumayaal Iyo Shacabka Baraaruga Islaamku Gaaray Dhibka Kala Haysta.

Barnaamijyo badan oo Wadaadxumayaal ay qaateen ayaa waxaa ka horyimid Culimo iyo ducaad ku sugan Qurbaha, sida Kenya, Yurub, Koonfur Afrika, Maraykanka iyo Waddamo kale.

Culimada iyo Ducaadda farta loogu fiiqay cadowga qaarkood waxaa loo taxaabay Xabsiga sida Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan oo kale, waxaa Masaajidda qaarkood kadhacay Feer iyo Faralaad, waxaa Walaalaha Baraaruga Islaamku gaaray loo adeegsaday Booliis, hadda waxay Maraysaa in Masaajiddii Gaalada iyo Murtadiinta lagu soo dhaweyn jiray in Afgambi laga sameeyo oo Culimadii joogtay Banaanka loo soo tuuro lana joojiyo Tafsiirkii Quraanka Kariimka ahaa.

Waxaa si bareeraa Imaam Sheekh Maxamed Aamin loogu eedeeyey in uu taageerayo Xarakada Al shabaab isla markaana uu Dhalinyaro Koonfor Afrika ka tagtay uu u diray Soomaaliya taas oo ah Been abuur lagu sameeyey Sheekha si looga fara maroojiyo Sheekha Dacwadii uu soo waday muddo 20 Sano kudhow loogana hor istaago Baraarujinta Muslimiinta.

Waxaa Waddamada Yurubta, haruuf iyo gees garaac lagu hayaa Ducaad badan oo ka soo horjeeda duulaanka ciidamada shisheeye ay ku soo qaadaan Wadankeena Soomaaliya.

Haddaba sida wax u jiraan iyo xiisadda ka taagan Masaajidka Imaamu Shaafici ee Koonfur Afrika, waxaad kaga bogan doontaan Waraysiga aan la yeelanay Daaci Cumar Macalin Cabdi Xade.

Dhagayso MP3 Waraysiga Daaci Cumar Macalin Cabdi Xade uu la yeeshay Suxufi Dalboon.

Halkaan Riix Ama Guji

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Golaha Baraarugga Islaamka,

Somalimidnimo.com

22 Responses

  1. salwa says:

    walalaha gob islaam ilahay haidin xifdiyo xaqiiqdi dad ilahay xaqqa fahansiya tihin allaha inkusugo dhagarta galadana inka jeediyo

  2. abu hudayfa says:

    war yaah naga qabta nimankaan ayadah jihaadka qandaraska ku soo qaatay in
    la joojiyo

  3. abu hudayfa says:

    war ictisaam waxay lawareegiin dowladaha galada masajidadiid ku yaalay oodhan
    waxayna soo qaateen in diiinta rabi labadalo laakin taas ilaahay baah diiday
    qofkasta oo islaamka sheegta waxaad iska ilaalisaah inay gaalo raali kaa
    noqoto oo ay kula sxbto

  4. Dhoolayare says:

    Asc walalayal ad ayad umahadsantihin wlh ban kudhartaye arinta wadad xumayasha nagu hayan hadey jojin wayan waxey lakulmayan cawaqib xuma mana kayeleno hadanu nahay musliminta kunol south afric gar ahan somalida marka wa in an talabo cad ka qadna insha alah

  5. Axmad wali says:

    Ascww. Waxaan ka mid ahay dhalinyarada kunool magaalada johannesburg ee ku taxnayd tafsiirka quraanka kariimka ah ee uu akhrin jiray sh. Maxamad amiin xafidahulaahu tafsiirkaasoo uu joojiyey nin la yiraahdo cabdirisaaq mowlaana oo aad ay iskugu dhawyihiin maxmad idris waxaana imaamka lagu badalay nin ay ilmo adeer yihiin cabdirisaaq mowlaana oo nayrobi lagasoo qooriyey. Raga kaloo ictisaamka ah ee sheekha ku taagan waxaa oogu cad cad oo sheekha meel laga dhiga la la,yahay waxaa oou horeeya xasan guure, axmad dheer iyo cabdisamad seed. Waxa sheekha looga qaaday masaajidka waa dulmi iyo cudwaan la isku bahaystay, waxa lagu haystana waa diinta uu ka run sheegay iyo maxaad xaqa u cadaynaysaa! Nimanka alictisaam albayaan waxay hada ka hor diideen in sh. Xassaan xuseen uu ka mumuxaadareeyo asaajidkankan xataa waxay diideen inuu kaga muxaadareyo telconfrence asagoo joogo nayrobi sidaa daraaded hadaan nahay shacabka koonfur afrika waxaan heegan u nahay inaa iska qabano dulmiga afradan ictisaamka ah inshaa allaah dadweynuhuna aad bay u kacsan yihiin mana ku qancayaa waxka yar in masaajidka laga wareejiyo ictisaamka hada faraha ku haya.

  6. Rowdi says:

    Galacalka jojiya sidastagera kumaheleysane

  7. alictisam says:

    jihaadka sidiisaba waxaa micnihiisa uuyahay in laiska dhiciyo gaalo kugu soo duushay lkn jihadku ma ahan in dadka la argagax galiyo oo shacab laqarxiyo ama qofku isqarxiyo

  8. asc anaga hadaan nahay somaali muslimiin ah waxuu go aankeenayahay hadey naga daafiwaayaan dibka ee naguhayaa ictisaamka waxaan baneysaneynaa dhiigooda ayaga iyo culimadooda bisababi fasahaadkooda meeshey rabaana ha joogaan africa iyo yurub iyo america taasi waa dardaaran

    • somalimidnimo maxaat utirtirten fariinteeni ee lashabaab kusocotay mid waxay ehed canaan midna waxay ehed in aan inkaka hiilin kaafir midakale waxay ehet ceebaha adleedihiin waad dirtirteen tii aan itinkutuseeynay qaladaadkiina wainaad qofwalba aat ixtiramtaan rayigiisa maha qofka kusheega qaladkaaka inuu xaasid yahay ama diinta kabaxay

  9. anaga madingaga hilineyno kaafi iskaceliya kaafir waa kaafir iskaceliya xabasho injireeyda khasiiska meles zanaawi waan idinku taageereynaa amxaaro urtoy sidii lobaabinlahaa lagiin alshabaab anaga waxaan tiidanahay dadka somalida aat gowreceesan daaya iska celiya ugaandheeska iyo buridiga iyo xabashida iyo kenya iyo kuwa kuxeran siyaasata gaalada iska celiya kuwaas daaya gudoomiyayaasha dagmooyinka ayaga malaha waxdambiya waa niman kunool wadan aanshaqo kajirin oo shaqaysanaya bariiskooda ee iska celiya kuwa dabadhilifka xabashida ee mushrikiinta qabuuro caabudka ah iyo ninwalbo oo itoobiya istiraasho u ah kaas dila guwa gowrac

  10. Xaq-raadiye says:

    Nimankaan ictisaamka waa la iska qabtaa ileen waxay ushaqaynaa gaalada

  11. Cismaaney says:

    Maalinba maalinta kadambeesa waxaa iisii cadaato munaafaqnimada kuwaan magaca culumada afduubtay oo la dhaho ictisaam not jus waxaan somalimidnimo wadwado, lkn beryahaan dambe marwalba ficiladooda hadaladooda waxaanba u arkaa iney yihiin cadawga kuwa ugu daran oo umada iyo diintaba u lughaayaa kufaarta…

  12. Abuu fatima says:

    Wabigaa budaacaan nahoon buuru celinayne
    Haday cadawgu baal naga galaan baahday cududeene
    Bislaad bay maraayaan waqtigan beerihii baxaye
    Allaa boqore gaal waa banjaray oo bas wee yaane
    Daadadbaa bartay soomaraan buuxshay oo yimide
    Waa ay basbeeleen waxay quwado biirsheene
    Taayaradu banjare gaaladii balagta dheerayde
    Bari iyo galbeed buu islaam buuxshay dunidiiye
    Ictisaam haday baqahayeen beena naga sheegay
    Ama ay kufriga noo baryeen inu na buundeeyo
    Bartaa iyo xagiyo maali bay biyo kahooreene
    Biqilkii jasiirada ayaa buuxshay dhudhunkiye
    Qawqaas bishaaraa ka timid beerku doogsadaye
    Khuraasaan barwaaqada katimid waan bogaagsadaye
    Baaq yaaba shaam nooga yimid wada bishaaraahe
    Wadaad xume bartuu joogay iyo baydki waa dumaye
    Anagana bishaariyo farxado beeshu waa khayre
    Billaahiye Ilaah baan mahado badan ka sheeg taaye
    Gob islaam bahday iyo hadaan boqoradii sheego
    Wiilashaan baqayn iyo Dalboon boosto uga tuuro
    Calamada bishaarada ku qoro beeshu way heline
    Nimankii baraarugu baryahan baaqay may heline
    Gaarsii bishaariyo inaan boowe nabad haysto
    Inay gaalo badankeed jabtoon biixiyaha dhuuxnay
    Biijaale inu hoogayoo booqday Malas weeye
    Bawdyuhu inay wada jarcayn baaniyaal weeye
    Balcad iyo Afgooyoy tahaan biidna ma ahayane
    Inaan baylahdoodii sakhiro boowe wee yaane
    Beesheen inay nabad qabtoo jeeshku noo buuxo
    Bartii iyo qiyaadadu talada bixiso hawsheeda
    Oo aan bishaariyo wanaag bariga khayr joogno
    Bahdeeniyo u sheeg odayadii cadawgu beebbeenshay
    Bari iyo Galbeed baa jihaad buunki yeeraaye
    Cilmaaniyo basbeeshoo kufriga baydki waa dumaye
    Bashiir iyo Idiris iyo kuwii baasha naga qaaday
    Nimankii baleebee sharciga baal maroo diiday
    Bujunbuure nimankii na yiri booliskeen weeye
    Baadariga nimankii ku yiri baabkan naga caawi
    Axmed kayse nimankuu barxee badi inoo sheegay
    Bixin iyo haroowiyo kuwii Boorame u duulay
    Oo baaq naxdimi buuxisee beena soo dhiibay
    Nayroobi nimakaa bartee Moy u bahalkeeyey
    Waysadu siday uga budhay baaqi ku ahaane
    Bustihii nifaaqay wateen yey ku baadeene
    Bukaan looga quustay qabaan oon baxnaansamine
    Bidhikoolihii in abayade bi,iyey weedhiisa
    Asagana baraan haw kaqaban bi,idnillaaheeye
    Gaarsii bushadu waa nabade biiri qaatoodahan
    Nin bartii Nabiga lagu qadfiyo joogay baydkooda
    Oo boqonta qaacido kajari riibi baqay weeye

  13. umu yacquub says:

    Asc

    jzkumullaah gob islaam Allaah ha idinka ajarsiiyo hawsha wanaagsan ee aad uheysaan islaamka,,,siwaangasan baad u ifisaan kuwa ku badashey,,diintoodii macaaneyd aduun
    Allaah hanaga qabto culumo usuu,,, walee hunguri iyo gaala jeceeyl meel xun bey geesey culumo usuu al ictisaam,,ma dhargaan miyaa mayaxaasbaa,,,allow noo xafid culumada rabaaniyiinta ah ee an u xilaj in jeebka loo buuxiyo,,allaah ha hoojiyo bashiir fansalq iyo inta raacsan ee gaalada kobaha usida Allaahuma aaamiin

  14. xaqdoon says:

    walee kuwan la dhahaayo al ictiraaf waa balaayo la daba dhigay dhalin yarada muslimiinta ah iyo dacwada saxda ah waanay arki doonaan wixii ku dhaca waxay mari doonaan wadadii suufiyadu mareen waa qawlaysato ka ganacsata dhiiga dhalin yarada muslimiinta oo hadba waxay doonaan ayey u sheegaan waana duloobi doonaan

  15. Waxaa layiri qaylaa yeertay Markaas baa layiri
    War an maskidka u cararno waxaa layiri asageyba
    qayladu kayeertay hada ictisaam markay
    kaniisadihii kusoo tukadeen miyey masaajidii
    ilaah meel gaalada lagu casuumo oo loogu qidmeeyo
    Kadhigeen oo weliba muslimiinta lagudhibo?

  16. Mawliid says:

    Asc_____ walaalayaal anuu waxaan kamid ahay dhalinyarada kunool koonfur afrika gaar ahaan mayfair joberg waxaan ka mid ahay dadka kutukada masaajida 5ta salaadoodba markaan maqalnay in sheekh maxamad amiin laga qaaday xilkii imaam nimada waxaa masaajidka ka dhacay buuq iyo is qabqabsi badan dadka meesha wada fadhiistay ee arinta buuqa badan ka dhaliyay waxaa u badnaa suufiyo islaax iyo niman la iigu sheegay inay yihiin baraaruga islaamka dhawr ninbaanse anuu ka aqaanaa nimankaa waxaa shirgudoon u ahaa wiil ladhoho cabdirisaaq al ashcari waa nin ashcari ah isagaa u qaybinayay hadalka nimankaas gudigii ay soosaareen sheekha saan maqlay wuu diiday inuu la kulmo .. qabiilka sheekhu ka dhashay iyaguna waxay ku andacoonayeen hadii sheekha booska laga qaaday in ninkale ooo qabiilkooda ah loogu badalo maadaama ay soomalidu 4.5 tahay . markii dambe odayaasha magaalada ayaa gudi iska soo dhexsaaray oo arinta soo dhexgalay odayaashii markay sheekha u tageen sababaha looga qaaday xilka inay waxjirayihiin wuu wada qirtay anuu hada soo qorimaayee hal mid mooyaane .. marka arintaasi halkaasay ku dhamaatay wayna soo afjarantay .. sheekh amxamad amiin waxaa loodhiibay amxkamada oo uu gudoomiye u yahay wuxuuna kamidyahay 9ka nin ee albayaan ugu sareeya marka albayaan haday xilka maamulayaasheda isku bad badasho wax wayn inayna ahayn baan umalayn .. mida ah in sheekhu uu jihaadka ka hadlijiray wayjirtaa waana run laakiin ardayda kutaxan sheekha ayaa darsiguu akhriyaba duubijiray deedna waxaa lagayn jiray safaarada maraykanka arimaha sabababay in laga qaado imaam nimada inay kamid tahayna waan maqlay waayo naftiisana khatar bay galinaysay dacwadana khatar bay kuahayd waayo dadkan wax duubanaya cid xakamaysa lamahayo hadii xataa loodiido microphoneka masaajidkay kaduubanayaan … ninka aad waraysanaysaan ee daaciga ah haduu reer joburg yahay waan garan lahaa lakiin ma aha reer joburg !!!!!!!!!!!!!!!

  17. Abu Faisa says:

    Assallaamu aleykum wr wb
    -
    Waxaan soo xasuustay Kacaankii & waagiisii in ayaadka dhaxalka culimadii ku dhici wayeen qaar in ay faah faahiyaan, waxaan goob joog ahaa ALLE ha u naxariistee Sh Aadan Sh Abdullahi oo tafsiir ka aqrinaya masjidka weyn ee ummadda isaga oo ayaadka dhaxalka maraya galab ayuu yiri si guud baan u kor mareynaa ma dooneyno dhib in na soo gaarto si guud buu u kor maray. ayaadka kalena waa uu is dul istaagi jiray.
    -
    Sh Aadan Sh Abdullahi halkaan ku eedeyn maayo ALLE ha u naxariisto waase dhacdo aan goob joog u ahaa balse aan xuso wannaagiisii waxaa uu had & jeer soo deyn jiray waddaad aan magaciisa ilaway keliya aan ka xasuusto Yusuf oo nabad sugidu xiri jirtay mar waliba, si toos ah buu ugu tagi jiray Siyaad oo ka soo deyn jiray xabsiga, waxa ay dhacdayna waa dhowr jeer.
    -
    Hadda ma waxay mareysaa ayaadka jihaadka ha la dul maro yaan la faah faahin?!
    -
    Magaca sheekha Aadan iska hubi aniga oo is leh baan google ku qoray “Tafsiirka quraan ee radio muqdisho ee Sh Aadan sh” nasiib wannaag waxaaba isoo baxay ALLE ha u naxariistee isagii oo sharaxaya jihaadka bal ila dhageysta una duceeya!
    -
    http://www.youtube.com/watch?v=1SHI7vH2QLY
    -

    Arintaan Ictisaam wallee waa dhib iyo musiibo ku soo korodhay ummadda Islaamka ee Soomaaliyeed, fulaynimo, adduun jaceel iyo dano gaar in ka hormariyaan tan guud waxbse ma ahin waa imtixaanaadka waa laga gudbi sida looga gudbay Islaax.

  18. umu_barau says:

    Ahmed dheere saliid ciidankiisii ayuu ka mid ahaa,aduunoow gabalkaa dhac isagoo sugan ayaa iigu dambeysay! Walee maalinba qof bay xabada la tageysaa dhabarka taabasho baas dheh, Allahayoow adigaa weyn toloow xaaskiisii muxubo jihad jacel ma sugan tahay? Gob islaameey ninka axmed dheere la dhaho bal iga gaarsiiya inaan ahay walashiisi arooskiisii ka jeedisay erayo xusuus mudan, Allahayoow lakala miiranye ictisaam hay raacin.

  19. wadad says:

    saad u hadashaan baan idiin la hadlanaaa hadaad meel intaad fadhiisataan dadka takfiirisaan kitaabkana ku dhex akhridaan dulmi iyo muslimiinta gaalaysiin teeda waa xaq in la iska kii qabto oo loo dhiibto dad aan muslimiinta gaalaysiinayn

    bal dhagayso si fiicanna u dhuux sheekh xassan xuseen oo ictisaamka gaalaysiinaya isla markaasna ku yaboohaya in la dilo ictisaamka fil xilli wal xaram !!! idinkana maxaa la idinka filayaa talaw , geel duqdiisii dur durisay aaran kiisa maxaad moodaaa !! sheekh xassan oo aan ognahay in uu yahay nin sheekh ah idiinkuna tug tug roon baan biyo u kabanayn in uu wax gaalaysiiyo oo waliba culimo gaalaysiiyo marka idinka maxaa la dinka filan karaa
    halkan ka dhagayso shekh xassan oo xukun la dhacaya culumadiisii

    http://halgan.net/2012/06/28/sheekh-xasaan-xusen-oo-ku-baaqay-in-culumada-ictisaam-lagu-dilo-meel-walba-dhageyso/#comment-14955

    intaas ka dib wadaadka kitaabka laga joojiyay waxaan filayaa hadday jirto oo aad run sheegasaa – illeen been hore oo badan baad noo sheegteene – waxaan qabaa in uu ahaa wadaad gaalaysiinta billad sharaf ku qaatay almuhiim xarakaadta islaamiga wadada ay hayaan waa waddo madaw badan kii ku diidanba in la gaalaysiiyo ama la fatwodo in la dilo

  20. Somali Salafi says:

    Asc wr wb
    -
    Marka hore waxan salamaya walaalka C/wali dalboon iyo walaalka Daaci Cumar Macalin Cabdi Xade
    -
    Waxan kale o salamaya Sheekh Maxamed Amiin
    Sheekhow iska samar waa aduunyo iyo imtixaankeeda
    -
    Walaalaha gob-islam waxan ka codsanaya
    In sheekh Maxamed Amiin Tafsiirkisa la galiyo websiteka DAARULXADIITH
    http://daarulxadiith.com/
    Ulama jeedo inaad websitekaas xiriir la leedahiin
    Lakin inaad isku daydaan inaad la xirirtaan website kaas
    O ah website qiimo badan o ay daruus badan o sheekh Xasan Xuseen ku jirto
    -
    Daaci Cumar Macalin Cabdi Xade waxan ka codsanaya inu arintas ka qeybqaato
    -
    Sheekhaas la dulmiyay e rabaaninga ah aad ayan ugu baahanahay daruustisa
    -
    JzakumuLLAH kheyran dhamaantiin
    -
    Ictisaam waxey yihiina walaalka Cumar Macalin Cabdi Xade hadalkisa aya nagu filaan
    Wixi aan intaas ka qeylineynayna WAA TAAN

  21. Salim says:

    Anaga Rer South africa hadaan nahay Majlis ba arimahas noo Qaabilsan lagu magacabu Majlis Albayaan Al-Islaami qofkay u gartaana bay badalayan kay rabana way daynayaan ,ee dad aan war ka hayn yana arinta Dhexboodin. Majlis albayaan wa majlis Salafi ah oo diinta Insha Allah ka run sheega ,culumo iyo aqooon yanaina wa leeyihiin.

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS