الحمدلله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه أجمعين

Gabyaa baa lahaa:
- Saaddii dabuurihii dibbay, kula dillaantaaye
- Dibnahaaga hadalkii aad ka tiri, doog xun nagu reebye
- Wuxuu noo dednaadaba hadduu, soo daleel baxaye!
- Wuxuu galowgu ka sii dananayaa, DirirkaCawleede
- Weligana wax loo daalacshaa, walaxyo diimoone
- Malayga daafkaad ogayd, haatan soo degaye
Waan ogayn Mujaahid, sheekh Abuu Bakar Seylici inuu qoray qoraalkii ahaa: dhimashada Ictisaam! Asbuucyo kama soo wareegin markii la arkay iyagoo safiirro reer Galbeed ah keenaya masaajidaa! Iyagoo isu dhiibay Zenawi! Bahuko leeyahay waa nala shaqeeyaan! Difaacaya isu-dhiibiddii Ibraahim-dheere ee Zenawi! La saftay Axmed-madoobe. Faroole iyo Siilaanyo hoosta ka galay! Ka khudbeeyey shirar Mahiga joogo. Cabdi Iley Jigjiga ugu khudbeeyey. Turkiga u raacay guddiga soo-xulidda kuwii ansixin lahaa dastuurka! Bayaan ay u direen odayaasha dhaqanka si ay u soo xulaan ciddii ansixin lahayd dastuurka. Iyo ugu dambeyn warqaddaas kore oo ay ugu hambalyeynayaan doorashii Dr Maxamed Mursi ku guuleystay madaxtinimada Masar?
Goormaa qof diin sheeganaya qof kale ugu hambalyeyn jiray adduunyo? Soow iyaga ma ahayn dadkii shacabka u sheegi jiray siday Salafku uga carari jireen madaxtinimo?
Ninka ku saxiixan warqaddaas loo diray Mursi wuxuu ku jiray wadaaddadii aaday Jigjiga ee Cabdi Iley u khudbeeyey? Cabdi Iley waa camiilka Zenawi u jooga Somali Galbeed! Warqaddaas Ictisaamku ka dhigteen “Letterhead” waxa ku qoran calaamadda (logo) qeybteeda kore waxay ka wadaan kitaabka waa qeyb ka mid ah Aayad Qur’aan ah:
وَاعْتَصِمُواْ بِحَبْلِ اللّهِ جَمِيعاً وَلاَ تَفَرَّقُواْ
Warqadda seddex “logo” bey leedahay. Midda u korreysa iyo midda hoose ma heysanno! Waxaan ka hadleynnaa waa midda dhexe! Xaqiiqdii Qur’aankii Ilaahay bay ka dhigeen inuu ka soo baxo khalfiyaadka wax kasta ooy ku qoraan warqaddaas! Tusaale ahaan, hadday warqad u qorayaan Mahiga, ooy “Letterhead” aan aragnno isticmaalaan, waxaa Aayaddaas oo Lafdu Jalaaluhu ku jiro dhici karta in lagu dul qoro magaca Mahiga! Xaqiiqdii, warqaddaas ay u qoreen Mursi, waxay ku kor feegaareen Qur’aankii! Ilaah baannu ku dhaaranee wey qeylin lahayd haddii hooyo Soomaaliyeed oo reer miyi ah aragto cunug ay dhashay oo ku feegaaraaya Musxafka Qur’aanka ah, dabadeedna inta soo orodo bay ka qaban lahayd halka kuwa sheeganaya culumadii Soomaaliyeed ku feegaarayaan Qur’aankii Ilaahay; weliba iyagoo nin madaxweyne loo doortay oo fidnno raadsaday u hambalyeynaya! Ma Qur’aankii Ilaahay baa saas loogu cayaarayaa? Soow Ilaahay ma oran:
إِنَّهُ لَقُرْآنٌ كَرِيمٌ (77) فِي كِتَابٍ مَّكْنُونٍ(78) لاَّ يَمَسُّهُ إِلاَّ ٱلْمُطَهَّرُونَ (79) تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ ٱلْعَالَمِينَ (80)
Ibnu Khatiir (AUN) markuu Aayadahaas fasiray wuxuu yiri:
وهذا القول قول جيد، وهو لا يخرج عن الأقوال التي قبله، وقال الفراء: لا يجد طعمه ونفعه إلا من آمن به. وقال آخرون: (لاَّ يَمَسُّهُ إِلاَّ ٱلْمُطَهَّرُونَ ) أي: من الجنابة والحدث، قالوا: ولفظ الآية خبر، ومعناها الطلب، قالوا: والمراد بالقرآن ههنا المصحف، كما روى مسلم عن ابن عمر: أن رسول الله صلى الله عليه وسلم نهى أن يسافر بالقرآن إلى أرض العدو؛ مخافة أن يناله العدو، واحتجوا في ذلك بما رواه الإمام مالك في ” مُوطئه ” عن عبد الله بن أبي بكر بن محمد بن عمرو بن حزم: أن في الكتاب الذي كتبه رسول الله صلى الله عليه وسلم لعمرو بن حزم: أن لا يمس القرآن إلا طاهر.
وروى أبو داود في المراسيل من حديث الزهري قال: قرأت في صحيفة عند أبي بكر بن محمد بن عمرو بن حزم: أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: ” ولا يمس القرآن إلا طاهر ” وهذه وجادة جيدة قد قرأها الزهري وغيره، ومثل هذا ينبغي الأخذ به
Maxaa laga yiri Abu Nuwaas markuu Gabay ka Dhigay Qeyb ka mid ah Aayadaha Qur’aanka?
Culumadu waa diideen oo waxay dhaheen waa xaaraan markii Abu Nuwaas lahaa:
خط في الأرداف سطر … …. من بديع الشعر موزون
( لن تنالوا البر حتى ……….تنفقوا مما تحبون )
Abu Nuwaas waxaa lagu heystaa waa inuu Qur’aankii u ekeysiinayo gabay weliba iyadoo Qur’aanku leeyahay:
وَمَا عَلَّمْنَاهُ الشِّعْرَ وَمَا يَنبَغِي لَهُ إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ وَقُرْآنٌ مُّبِينٌ
Qaar culumada ka mid ah baa arrintaas ku gaaleeyey Abu Nuwaas! Culumada qaarkood waxay dhaheen dhib ma leh ciddii aan sida Abu Nuwaas wax u dhigin ee si kale wax u dhigta sida:
أقول لمقلتيه حين ناما …… وسحر النوم في الأجفان ساري
تبارك من توفاكم بليل ……..( ويعلم ماجرحتم بالنهار
Yaa Daran Ihaanada Terry Jones ee ku Aaddan Qur’aanka iyo Tan Ictisaam?
Marka la fiirsho gaalnimada iyo cuqdadda baadarigaas u qabo diinta Islaamka waxaa daran isaga! Laakiin markii la fiirsho labada ficil ee gubitaanka iyo in Qur’aanka lagu dul feegaaro waxaa daran feegaarka! Muslimiintu markay xafidayaan Musxafka oo waraaquhu jilcaan wey gubaan oo si fiican bay u asturaan! Laakiin macquul ma aha in Musxafka lagu feegaaro! Xitaa carruurta looma ogola!
Qoraalka u dhaxeeye xariiqaha wuxuu ku dul qoranyahay Aayadda Qeybteeda:
وَاعْتَصِمُواْ بِحَبْلِ اللّهِ جَمِيعاً وَلاَ تَفَرَّقُواْ
Haddaannu nahay Golaha Baraarugga Islaamka waxaan ku leennahay wadaaddadaas wax-iskuma-falayaasha ah inaysan mar dambe ku dul feegaarin Qur’aanka Ilaahay oo aysan Xuruufta Aayaddaas ku dul qorin hadallo kale! Hadday ku faraxsan yihiin calaamaddaas, waa khasab inay ka saaraan calaamadda dhexe. Waxaannu ku soo xireynnaa:
وَمَنْ يُهِنِ اللَّهُ فَمَا لَهُ مِنْ مُكْرِمٍ
Waa nasiibdarro in niman wadaaddo sheeganaya inay Qur’aankii Ilaahay korkiisa ku feegaaraan iyagoo u hambalyeynaya nin adduunyo-doon ah! Waa ficil aan xitaa cilmaaniyiintu sameyn! Ma filayo inay cududdaar leeyihiin wadaaddada intaas tiro le’eg ee arki waayey waxay sameynayaan! Marka Ilaahay baan dambidhaaf weydiisaneynnaa maaddaama aan soo gudbinnay Qur’aankii Ilaahay oo lagu ciyaarayo! Marka nimankaan ka hadli jirnnay, ma aragtaan iyagoo si ka daran baadarigii Terry Jones ugu ciyaaraya Qur’aanka? Hoos ka akhri tahniyadda oo PDF iyo Aayadda lagu kor feegaaray oo waadix ah!
PDF TAHNIYADDA AL-ICTISAAM HALKAAN RIIX AMA GUJI
F.G. Qoraalku kama hadlayo calaamado Qur’aan lagu xardhay! Wuxuu ka hadlayo waxaa weeye sadarkii iyo meeshuu Qur’aanku ku qornnaa korkiisa (Xarfihii korkooda) baa lagu dul feegaaray! Korka kama waddno saddarro ka sarreeya Aayadda!
Golaha Baraarugga Islaamka
Somalimidnimo.com












































sc wr wbk war adi yaa ku dirsaday qofkii loo diray ma tihid bal firi ilaah kugu dhaarshe caqli yarida kuheeso meeshaas kagaro hool la aan inee ka badatay ayaad xata qoralka ku heesta war naftaada sokama mudna inaad xisabiso sc wr wbk cajiib aduun sii dhumaayo saas lagu kasaa
Asc rersomalimidnimo Shible aya lagu heystay inu kuben aburtay culumadi alqacida oo yiri wa jajusin asago soxiganayo qoralo ay ayagu leyihin marka inigana maquranka iyo wadadada ayad kubenaburaneysan inigo leh waxan kasoxiganay ictisam? Waxan umalayn wixi lashegayay aya rumobay amad mustashriqin tihin?
Cabdiyow cagtii leexataan soo ceshoomayne
Nimankaad cabiri ama tilmaan caama oranayso
Samadaa cadceed muuqatay calal dulsaaraane
Caaqiido diineed haday cudud ku kaalayso
Ictisaam curuurtuu dhaluu siiyey cadawgiisa
Caro masar markay laacayaan ooy caaway u bogaadin
Cadli iyo haday diinka tahay shabaab kama caroodeene
Taraansiid carada lagu maray caaway jiriyeene
Ciil hawgu go inina haduu caaway fiid raacay
Calaamado layaablay baryahan soo celceliyeene
Caradii Kinaaniyo markuu carab u guuxaayo
Ceelkii Garoowaa kufrigu taagtay calankiise
Quraan lagu ciyaariyo kuwanu caamkan ma ahayne
Ceel hoos u qodan bay kuwanu cagaha saareene
Canaan iyo nasteexiyo taliyowaanan celinayne
Awr mawga la caroodayoo cararay wee yaane
Cadaan bay kufriga ula dheceen caynkastuu yahaye
Cadaan iyo madaw gaaladaa ciidanada joogta
Ceeb uma arkaan iyo inay cadaw ahaayeene
Caal taaga reer kore kuwaa lcaado wee yaane
Cadradiyo haweenkii hadii gaal camcaminaayo
Casar bay ahayd goorti uu gaalku ceeb falay
Oo uu cirdiga baaba,shiyo canabti dhawrayde
Filimbuu cadaan uaga dhigiyo caado reer yurube
Ayagoo cimaamada xunbay ciiro saarayde
Ama ay shabaab caayayeen cuurka nookacaye
Ictisaam miyaa ceeb kadhaa caaway waa yaabe
Marhaduu qof caarido sharciga caafimaad beelye
Cadaw ina warjeefaayey iyo ciidan Afrikaana
Kuwii nagu cayaayiray miyaad cudud kadhawraysay
Niman ciidod maamulanayiyo cido dhulkood jooga
Haday caaway barqiyow direen toodna cadaw haysto
Ceeb uma ay laabnayn kuwaad caaway maagteene
Hadii uu cizayn laa kitaab kuma ciyaareene
Ciidiisa gaal soogalana kama caraabeene
Muslim cadawga daafacahayana kuma u caayeene
Oo muu colaysteen shabaab ciida daafacayey
Mushrik caasiyiyo gaalo raac uma carbuuneene
Walaal uu cidlada dhigay kufriga lama u caayeene
Calooshooda kumay iibsadeen ciida meherkeede
Ictisaamku ceelbuu kudhacay hoos u sii cubane
saylici ciraabtuu yiraa caaway daahirahe
Naga daa cabdow qoladantada waanku caajisaye
lctisaam ayaga oo kale waxaykabuuxan barlamaanka afgaanistan markasa maalinwalba hortooda lagu guwaa quraan wiilashooda lagu horkufsadaa
yaahu war naftiina xisaabiya kuwa wax soo qorow
alictisaamn inay calooshod ushaqaystayal aan diin shuqul kulahayn ogaanaye wlaalaha gob islam maamula waxan kacodsanlahaa ayaga oo kaashanaya culumada rabaaniyiinta ah sida sheekh almujahid xasaan xuseen sheekh fuaad maxad khalaf shangole iyo culumo kale oo rabaaniyin ah inay nooso gudbiyan xukunka ay diinta kaqabto alictisaam jazaakalaah qayr
Ictisaamo warkiin ba’ wajigiina ha gubto
ictisaamoow daacuun eber haidinkadhigo dibad iyo gudaha meelkasta xataa sacuudiga
assalaamu calaykum
xaasid nimadu qofkay ka badato xas bay ku riddaa maan taad keenteen in aad quraan kiiba ka xanaaqdaan ! runtii in la idin raadiyo way haboontahay ciddaad u shaqaysaan iyo waxaad tihiin ader logada waan kula aragnaa wax lagu feegaarayna nooma muuqdaan lakiin xaasid wax saxan baa xumaan la noqda
dad waxaad u egtihiin xumaani indha tirtay baroortuna orgiga ka wayn eh waxaad iska dhahdaan nin aan gaalo u haysanno oo mursi la dhaho bay u hambal yeeyeen jamaacada ictisaam ku lakiin quraan bay ku feegaareen adeerayaal dee dad waa wayn baanu nahay
carabtu waxay dhahdaa maah maah macnaheedu yahay eydu ha iska cido eh safarka inoo wada , waxaad tihiin banaanka iyadaaba iska timid barrina dadka bisin ka ku qabsada oo dhaha annaga uun baa bismilaahi dhihi karna cid kale uma ogolin
ictisaam haday kitaab iyo sunada nebiga csw haystan maxay ugu dhex jiraan gaalo aan ilaah keliya amisanen ee sadex ilaah amisan? maxay uga so horjedan in sharciga ilahay lagu mamulo wadanka? maxay kitabka qur,aanka ah ee hoortoda lagu gubay ugu gargari wayeen? maxay dumarka la kufsanayo iyo dadka aan waxaba galabsan ee guryohooda logu tegay oo lagu xansuuqayo ugu gargari wayeen ictisaam inamaka labaxay mahan kuwo xaqaa ku tagan waa kuwo garab maray ee waxan ugu nastexan lahaa dhalinta tageersan kaso hadhaha nimakas aniga manta ka hoor waxaba kama qoriin nimakas laakin waxa i daqantay markan arkay jamecatu ictisaam bilkitaab wasuna marka kitabka iyo sunadu ma in afka laga sheegto oo dabelayasha iyo ciwanada lagu qorta mise wa in lagu dhaqmo
TO : UMU AYUUB WALAL
ictisaam kaad leedahay waxay ku dhex jiraan gaalo ma taqaan horta ? ictisaam ku waa kuwii keenay saxwada islaamiga ah somaliya waa kuwii khuraafaadka ka saaray waddanka waa kuwa diinta dadka baray waa kuwa ilaa hadda la yaqaano ee ducaada ah damcan ani ma zakaynayo oo لا نزكى على الله احد laakiin waa culimada somaliya laga yaqaano ka waran hadaan iska dhaho umu ayuub waa tee ma tii gaalada jeclayd ee islaamka necbayd ! saw wax qaldan maaha ? bal dib u fiiri ictisaamka somaliya oo ogaw kuway yihiin waa kuwa ay ku jiraan SH UMAL , SH CALI WARSAME , SH BASHIR SALAD , SH C/QADIR NUR FARAX, SH AXMED C/SAMED, DR AXMED XAJI GII LA DILAY ( ALAAH HA U NAXARISTO EH ) ma kuu soo koobi karo waa uun ku xasuusiyay bal adba dib u jalleec ictisaamku waxay yihiin wilashan wax soo qora ee cidda ay u shaqeeyaan aanan ilaa hadda garanayn baa inoo sheegay in ay shayaadiin iyo gaalo isugu jiraan ictisaamku laakiin waxaanu aragno baan wax ku binaynaaa marka walal yaan la idin ku dirin dadkii diinta u khidmaynayay iyo ducaadeenii
mahadsanid
waxad tihin way iska cadahay 2jirna ugumashekaynkartan warkas waxadna qolyaha burburka somalida iyo isku dir keda iyo dhibatadadeda kashaqeya afkinanadna isku fashishen somalimidnimo wa caksi wa somali kalageyso
to WADAD
WALAAL KUUMA DIIDANI INAY ICTISAAM QAYB LIXAADLE KA QAATEEN DACWADA
SALAFIGA AH EE SOOOMAALIYA BEENTUNA WAA SHAY XAARANA IN LA IS
XAQIRAANA MA FIICNA WAANA U QIRAYNAA CULIMADA ICTISAAM WANAAGAY U
QABTEEN DACWADA DADKA IYO DALKABA HADA KA HOR.
LAAKIIN CULIMADA AL ICTISAAM EE AAD SOO TIRISAY MAGACYADOODA
ALLAAH BAAN KUGU DHAARSHAYE KA EEG HALKAAN HORTAADA AH EE AAN
COMMENTISKA KU QORAYNO IYO WAXAY KU SUGAN TAHAY XAALADOODU .?!!!
MARKAAN KA REEBO ALLAHA U NAXARIISTEE DR SHEEKH AXMED XAAJI C/MAN
OO AANAN HABAYARAATEE ISAGA WAC CEEBAALA AANAN U HELAYN KAASOO KU
BAXAY GACAN DAALIMAD AH OO AAN ISLAAM SHAQO KU LAHAYN .
HADDAYSE ISLAAMKA HADADDAAN LA JOOGO U GARGAARAYAAN MAXAA KEENAY
INAY DASTUUR GAALO NOO ANSIXIYAAN ODAYAASHA YIRAAHDAAN ALLE UGA BAQA
DADKA AAD SOO XULAYSAAN .?!!!
WAXAY FARAYAAN IYO WAXAY KA DIGAYAAN YAA DANBI BADAN ?!!!!
Walee walaa cajiin webkaan waxaan maanta ayaa magciisa la helay ma ahan somaali midnimo waa somaali kala geeyey waxaa kaloo iga yaabiyey dad diin sheeganaaya oo aan haba yartee aan muslimka cirdigiisa cafin iyo shartiisa toona aniga dumarka u jawaabi maayo oo horaa ula hadlay balse ragaan sida xaawalayda ganbada xiran ayaan la hadlin oo culimada iyo diinta islaamka in ay difacayaan is mooda balse duminaaya allaah uga cabsada dinta iyo dadkeeda oo idinku naftiina cadaabka iyo duliga uga tira inta aad qolo dulaan ku tihiin weli ma arag webkaan oo dadka salaada ka saxaaya ama soonka ama xajka iyo wax la mid ah waxay uun u taagan yihiin kala firdhin iyo kala kaxayn umada islaamka waan kan qora oo iska leh waxuu degan yahay dhul gaalo oo xogaa garaamad ah saf u ga’laa waxaana ka baxsan la dad aan ku mustawe ahayn kana cilmi iyo caqli badan haday run shagayaan ma ka hijrodaan baladka gaalada ay bariiska u fadhiyaan maroodigu takarta saan ma arko horaa loo yiri. way na denbaajin qomkaan dhegaha baadilku xiray dhamaan walaalha wax fahmaaya waxaan kula talin yaan la soo boqan waayo qalbiga ayaa inagu madobaan waayo indhaha waxaa ale inoo siiyey in aan wax uu raali ka yahay ku firino dulkaan umada allaah haka qabto hana so hadeeyo hadii hanuun u qoran tahay.
Ascwrwb -
Wadaad;
Walalka salaxudin jzk akhi. lakin mid ban ugu daraya walalka wadaad culuma’u al ictisam wa culimadeni, diintana uso gargaray dadkana baray, cilmigodana laga faaideystay Alle ajar haka siiye. lakin in la yidhahdho wa culimada qudha ee dadka wax baray oo diinta faafiyay, waxan u arkan arin khalad ah oo gefna ku ah culimadi, ducadi ka horaysay iyo ummadaba. waayo culuma’u al ictisaam dadku maxay ahaayen ba mesha imaneysa, ilayn wa la ogyahay xiligi dacwatu salafiya bilabantaye, wax al ictisam la yidhahdona majirin xiligas, culumadi dacwadas wada bilawdayna dhamaantod al ictisam isugu maywada shubay. markas su’aasheydu waxay tahay qalba culuma’u al ictisaam umadu maxay ahay? culimadi diinta bari jirtay iyo ducadii markazyadu u furnayen maxay ahaayeen?
arinkaygu ma aha in aad dood bilaabo lakin culuma’u al ictisaam ka hor banu Muslimiin ahayn, diinta baran jirnay, culimo iyo ducaad lahayn, inkasto laga yabo in caqiidadu yara khaldaneyd.
ta labaad; culimada al ictisaam ee markazyada dibadaha ama gudaha wadanka haystay ee magaca iyo maamuska umada ku dhex leh, bal ii sheeg oo markii kitaabka Alle la gubay, ninka ka dhiidhiyay, khudbo jumce kusoo qaatay? muxaadiro ka sheegay isagoo ka gubayana? marki subaneheni(scw) lagu xadgudbay, masawiro fool xun laga sameyay, oo xoriyatul qawl lagu dacwooday, ee sheega sheykha al ictisaama ee ka gubtay? ay dhibtay? ka mudaharaaday? masjid ka jeediya khudbo, muxaadaro ama kelimad ku boorinaya umada difaaca nabigena’scw”? marki umada la xasuuqayey falujah, maxmudiya, wadadii xamar amxaradu ku gawracday, kuwii galkacayo masjidka hortisa lagu biireyay, masjidki lagu dumiyay sh abdirahman ee xamar? gabdhaha cafiifadadka ah ee guryahoda, carurtoda, nimankoda iyo ehelkoda iyo xabsidaya lagu kufsado malin kasta iyo in ka badan oo laso koobi karin. bal ii sheeg ninka caalimka ah ee masiir umada u fadhiya oo waxasi ay dhibayso, ka dhiidhiya, ka hadla, ka damqada, umada uga diga. bilaahi calaykim ii sheeg akhi wadaad…
wa bilaahi tawfiiw
Asc Wr Wb
-
To:Wadad iyo Kuwa La Afkaarta Ah
-
Aan Ku Baro dadkaan Soo Socda
1-Cabdullaahi Ibnu Khadal
2-Maqiis Ibnu Sabaabah
2-Dulayxatal Asadi
-
Ragaas Waxay Ahayen Saxaabo Ridoobe,Ridadana Ku Dhinte
-
Hadhoow Saxabanimadooda Naarta Maka Badbaadinee?
oo Mala Dhahaya Qiyamah Ragaan Saxaabe Ahayeena Naarta Halag Joojiyo?
Mise Naarta Ayey Galayaan Madama Ay Gaalnimo Ku Dhinteen?
-
Hadalkaan Waxaan Uso Qaate In Aan Jawaab Uga Dhigo Shubhada
Aad Ku Difaceesid Wadaada Ictisaam,Maxaa Yeeley Ictisam Shaley
Sidey Ahayen Ma Aha Shaleyn Wexey Ahayeena Manta Difac Uma Noqoneso
-
Ictisaam Shaley Hadey Ahayayen Raga Towxiida Ama Dacwada Salafiga Ah
Somaliya So Galiye Maanta Maxay Yihiin?ileen Wixii Shaley Tageene
Adi Hadaad Shaley Nin Xun Ehed Ood Manta Nin Fiican Noqotid Ma Waxaa
La Dhahaya Naga Dayaa Kan Shaley Ayu Daalim Ahaye?
Maya Ee Waxaa La Dhahay Waa Nin Fiican Oo Waxaasna Ka Towbada Keene
-
Sido Kale Shaley Hadaad Fiicneed Ood Manta Xumatid Ma Waxaa La Dhahaya
Nin Fiicanu Ayuu Ahaye Hala So DHoweyo?Waa Maya Ee Waxaa La Dhaya W
Waa Nin Xun Oo Saas Iyo Saas Ah
-
Marka Shaley waxad Eheed Adee Ku Anfacesaye Maanta Maxaad TAHAY?
-
Ictisamna Shaley Hadeey Ahayen Raga Towxiidka Keene Maanta Maxay Yihiin?
ileen Nooma Taalo Shaley Wexey ahayen Sida Ragaas Saxaba ahaaba Aysan
Noogu Oolin Shaley Wexey Ahayeen,Hadaan Hoos Usoo Daadago
-
1-Ictisam Maanta Ayakaa Galada U fasaxe Somaliya Iney Sii Dhax Jogan.
2-Ayakaa Diinta Ka Been Abuurte Oo Yiri Diin Ahaan Wax Diidayo
Malaha Amisom Wadanka Inay Sii Joogan.
3-Ayakaa Yiri Shariif Waa Murtad Maanta Ayakaa Yiri Shariif Waa Muslim.
4-Ayakaa Iska Indha Tire Dhibka Ay Amisom Shcabka Ku Heyso.
5-Ayaka Iska Indha Tire Qur,anka Oo Lagu Tirtiranayo Saxarada.
6-Ayaka Fasaxe Manta In Galnimo Maslaxo Loogu Dhici Karo Shaleyna Ayaka Diide.
7-Ayaka Yiri Shaley Barlaman Gii Gala Waa Murtad Mantana Yiri Waa Muslim.
-
Intaas Ha KuGU Filnaato Jihaadka Waxa Ay Ka Sheegen Oo Ay Ku Shegena
Lama Soo Koobi Karo Ee Caqli Iyo Cilmi Hadaad Ledahay So Dhageso Waxa Ay Dubaan
-
Halasoo Ordin Ictisam Sas Ayeey Ahayen Iyo Sas Ayey Ahayen Ee Maanta Maxay Yihiin?
-
Hadaad Umada Ku Cabsi Galineso Magacyada Wadaadada Aad Soo Qorte
Anigana Magacayo Niman Asxaab Ahaa Ayaan Soo Qoree Wax Ka Dheh?
-
Amaa Qur,aanka Ay Ku Jeesjeesen Allaah Ayaa Ka Abaal Marinayo
Mana La Yabayi Sababto Ah Shaley Aya Hortooda Quranka Saxaro
La Isaga Tiraaye Waxna Kama Aysan Dhihin
-
Maanta Marka Side Wax Weyn Ula Noqoneesa Iney Aayado Qur,aan Ah
Ku Dul Xardhaan Ereyo Ku tusinaayo Tuugsi Iyo Jago Raadis Ah.
-
Allahul Mustacaan Wa Calayhit-Tuklaan
-
Asc Wr Wb
ictisaam waa ceeboodey aan dhaheenaa
cimri wax ma utarin caloosheey caqligii ka galay
ciilkood aa i haayaa kuwaas culumo ku dheel waaye
ceeji aay ku fiican yahiin cafis haloo diido
ictisaamoow ehel ibliis aaka dhigatay islaam beri aas kaa noqday
ilaah ha idin qabto aamiin aan dhaheenaa
Xaaji-Kaad,
Dulayxa Asdi rido kuma dhiman. Wuu ridoobay oo nabi nimo uu sheegtay laakiin wuu ka towbad keenay. Dagaalo badana mucjisuu ka dhigay oo Qaadisiya ku jirto.
To Xaajikaad iyo maadeylo
Waxaan maqli jir Somaalida oo tiraahda ileeyn af aadan lahayn ma aamusisid labda nin fadlan yaan loo jawaabin waayo ma istaahilaan inwaqti lagu baxsho waa la is weydiin waqtiga kuwaas laga hadlo akhiro ee fadlan waqtiga hala dhaqaaleysto waa iga talo islaan nimo.
sc wr wbk moos hadii la fiiqo saan lee waaye,,,,,,,qofka wabsedkaan iska leh horta mala hubaa inuu muslim yahay dadaaw waa iga suaal?
sc wr wbk, salaan kadib qofka webkaan somalimidnimo iska lh ayee kusocotaa horta qof muslim ah matahay? jawaabta ayaan ka sugaya inshlaah hadaa muslim tahay. hadaadan aheenaa sxb hooshaada wado marka
Bayaanka Khaladaad luqawi ah ayaa ku jira:
-
1.Faqrada u hoosaysa waxay ku taala “فيه سني عمره….”
-
Tolow ma سنين عمره ayuu ka waday!
Yaa, Ileen Ictisaamku wax u proofread gareeya ma laha, bayaan caalamiya ayeey soo saarayaan markaasuu khalad leeyahay!!
-
2. Waxaa ku jira pronoun shifting from first person to third person ama iltifaadaad fii qayri maxalihaa:
-
Marna waxay leeyihiin [T]uhanii marna [N]uhanii…
asc dhamaan kadib war nimaka god islam sheegta ee waxan qoraayo miayaysan iyagu lahayn shaqo kale haday run sheegaya may jihadka adan wa ayaab kale sxb faraha ka qaada ictizaam ayaa idin caqiido dhaama waana culimadi saxwada salafiyada soomaliya mesha ay hada joogto gaarsiyay war ilaahay ka baqa oo idinku naftiina xisabaiya naf kale la idinma dirine.xaasidnimadana iska daayo ictisaam waa culimo ilaahay ayaana siiyay cilmiga waxa ay qabteena minan qaban waligiine hilibka culimada iskadaaya oo mar labad waxan iidn leyahay ilaahay ka baqa
ictisaamku waa dad muslim ah ee ka fiirso , sidaad mooday maaha
ikhwaankuna waa ku kuu keenay bararuga islaamka
a/s/w bal ila fiiri waxaan soo socda :
ictisaam maxay ugu hanbaliyeyen dr. mursi ? wayoo ayagana waa ikhwan
intee is ka shabahaan, dhoor meel :
1- ikhwaanka waxay is kutiriyaan in ay yihiin jamaca is laami ah
2- waxaa kaloo kamid ah qawacidooda markaad rabto in aad lawareegto umad iyo dal waa inaad soo martaa qaab dowlad siyaasada aad gashaa barlamanka dowlada markaa tagan gashaa .
3- masaa il dhoor ah waa inaad iska ilaalisaa :
masaa’il imaan wal kufri masaa il jihaad masaa ‘il mushraka fil baarlaman wal wazaara
4- xarakooyinka jihaadiga ah waxaa ka wanaagsan kuwa kale oo is lamiga ah sida ikhwan ictisaam iyo waxii lahalmala .
5- wax barashada aqonta diini iyo madi in xooga lasaaro
6- qori wax mataro ee qali ayaa waxtaraa
markaa intaas ayey ictisaam iyo ikhwaan is ka shabahaan saa darteed ayey ugu hanbaliyeyen
waxayna jeclaan lahaayeen in saa kulawareegan dalka somaliya sida ikhwaan ula waregay masar.
walaalaha ictisam ka so or jeeda ee ku khlaadsan arrimo badan waxaanodhanlahaa ictisam sax wuu khaldanyay waxyaabo badanna xaqa wu arab maray odayaasha waaweyn ee ictisamka hor kacaana danbyo bdan ayyaumada somaliyeed ka galeen 6 sanadood ee ugu danbaysay,maca kulli hada ma inaga mudanyiin ictisam in ayn toosh daba dhigano xarafkay khaldaanba qashaafad ku qabano, haddayn khalad marar u waynana ayn inau samayno?! sumcadda mujahidiinta miyay tay in ayn u xumayno sidaso kale ?caqligiina fadlan ila isticmala kayf ayu u arkaya qofka cadiga haddu arkayo qof qofuun eryanaaya eraygu yidhaahdaba raba n uu khalad ka so saaro?!
salafya jadiid waxyaabaha dadku kaga carareen waxa kaga md ah khaladyo aan jirin radinta iyo tarkiskoodi ay ka dhigteen dadka kale,ictisam odayaashooda culumadeenu ka u jawabto marky diinta meel kaga dhacaan,dhalinyartana so dhaweeya oo ha eryina oo si wanaagsan oo dhbirsan wax aynugu sheegno .talo.com
Xaaji kaad sxb adigoo jaahil ah inad sida uhadasho waa laga wanagsanyahay hada waxad iska dhigaysaa nin cilmi ku doodayo jaahilnimo ayadna ku doodaysaa. Maanta hadu aktaada duleyxa bin khuweylid murtad kayahay bal waa yaabe yaa muslim ah? DULEYXA BIN KHUWEYLID marku nabiga dhintay ayuu nabinimo sheegtay tolkiisa reer bani asadna waa ku raaceen hase ahaatee gaalnimo kuma dhiman oo markii musliminta ay seefta uga shaqeeyen ayuu shaam u cararay kadibna wuu toobad keenay wuuna soo xajiyay xiligii cumar wuxuna ku shahiiday dagaalkii qaadisiya duleyxa waa ninkii dilay saxaabigii cukaasha bin muxsin hadana insha,allah 2dooduba waa shuhado marka sxb arintan waad ku khaldantahay sidaad dulayxa ugu gaftay ayadna ictisaamna ugu gafaysaa intaas waano hakuugu filnaato. WAXGARAD sxb waxad dhahday qofkii xaraf khaldaba waa lasaxayaa haday saas tahay maad lahadashid ninkaan xaaji kaad ladhaho ee beenta daldalaayo jaahilnimadana kudoodayo ee leh duleyxa murtadnimo ayuu kudhintay? Mise asiga makhaldmo oo waa alshabaab? Allow adaa alle maanta hadan aniga dhihi lahaa hadalkas boqol shabaab ah ayaa igaaleysiin laheyd cajiib.
asc wr wb
dhamaan akhristayaasha iyo qoraalada soomaliyeed waxaan idin lee yahay waxba ha isku daalinina ceeyda al ictisaam bil kitaab wal suna waxba idiin tari meeyso diiniyan iyo akhlaaqiyanba midakalle idinka islaamka dadka ma u soo jiideeysaa mise waad ka kala ceeyrineeysaa????
Asc
cajiib!!! maxaa suu faruurey islaamihii ictisaam maragoodii baa saaxada ku fashilmey,,kkk
muslim girl & umu maryama,saxaadaan ragiinii baa garaadaha looga rifey ,,, ee hadii aad wax saxey saan culumada aad illaah ka dhigateen sax oo ayaga waaniya waa hadii aadba waaqica hada jira la socotaan,waa yaabee! dad culumadoodii wixii sax ahaa iyo wixii qalad ahaa ukala cadeen ma aradadoodey ukala cadaaneysaa? ,,mise waxbaa la iska difaacaa ayey idinkaga dhegtey war is ku xishooda oo bal idinku isi soo saxa,,,,culumo wareertey ayaad farqaha ku dhagantihiine,,xaqii iyo baadilkiina ukala cadeyn,,waxaad maalin walba la soo taagan tihiin shaley bey tawxiidka bareen dadka,shaley,,,,, hadey tawxiidka bareen dadka,, maantaa ka sokeeysee maxey maanta hayaan, waxey ahayaan in ay yiraahdaan dastuurku waa xalal dimuraadugu waa fiican yahay muslimka salafiga ah waxaa ka fiican gaalka xarbigaa,ah,marka ha xiiqininee hadii aad tihiin xaq raadis,,maanta waad aragtaan xaqa meeshuu idinka jiro,,raca hadii kale kuwaasha wadadbaa wax laga sheegay,,,waan ka sheegeynaa waana dhalaceyneynaa,,,ilaa ay xaqa uga soo noqdaan,,culumada ictisaam ayagaa tooreyda dhabarka iskaga dhuftey waxeyna noqdeen RADIGII HEERYADIISA CUNEY,,,,,,,,,
Asc
somalimidnimo & walalha wax ku qora barakallaahu fiikum,,iyo Gob Islaam iyo Abwankeena abuu fatima wjzkumullaah kheyr,,,,shaqada aad uheysaan islaamka halkaas ka sii wada,,dageerayashaa ictisaam iyaguna saaxada wey kabixi doonan sey culumadoodiiba uga baxeen saaxda,,,,waana idiin soo duceyneynaa in Allaah idinka xijaabo xasadka iyo jasuusiinta iyo galadaba sharkooda,,,,,,Aaaaaamiiiin
************************************************************************************************
Gob islaam allow guule oo gacanta sare sii
Goor iyo ayaan xaqa ayey garab istaagaane
Goolkey higsanayaan waa in uu xaqu sareeyaaye
Guulow ugargaar gob silam oo garabkooda ahaaw
Goortii la is hajuumee la isku caga jugleyey mageesmarin xaqe wey garb istaageene
gaal iyo munaafiqiyo culumo usuu wixi gees iskuwada racey waa kuwaa sii dabeyshadeye
Gob islaam isma buriyo kalamkooda sidii culumo usuu giiye
Gubaabiyo waxey xaqa noo iftiinshaanba wa nagaa ka xoroowney gaal iyo culumu uusu e
islaamku midnimuu dadka faray iyo isu soo dhawaansho ixtiraam buu faray iyo is qaddarin , dulqaad buu faray iyo daganaansho, qolada golahan qorta waxaan leeyahay dambi kasta oo halkaas ka dhaca iyo afxumo oo gaysto dad xurmo leh qayb baad leedihiin e taas la socda
taageerayaasha waxaan leeyahay qof kastowba adaa naftaada ka masuul ah culimadaan inta caydooda la idiin soo galiyo la idin ku fasaxayo hadhaw idinka saari mayso ilaahaw waxay nagu dhaheen waa wadaado xun xun !!! hadaad dunida jogtaaye ka fiirso cid kastaaba wax way qori kartaa lakin in indhihiinu noqdaan caruurtan wax soo qorta ee aad aragtaan akhlaq meeshay ka jogaan waa nasiib darro markaanu yar yareen wax nala baro waxaa u horaysay akhlaqda iyo ixtiraamka cirolaha culimana hadal keedaba daaa waxay xambaarsan yihiin diintii aflagaadada aad ku haysaan diin taad u gaysanaysaan sabab too ah dadkii diinta xambaarsanaa markaad caydaan dintaad aflagaadaynasaan
mid kalena ogow gaalada reer galbedka iyo kuwa kaleba la aflagaadeeyaan sanad inta aad idinku aflagaadeysaan bil gudaheed inta aad idinku xumaan ka qorteen xarakaad ka islaamiga ee somaliya gaaladu waligeed kama qorin marka is xisaabiya intaan naftiina la xisaabin wax aan nacfi lahayna ha ku daalina dadkana ha dambaajinina
waa iga waano (وتعيّها أذنٌ واعيّة) ……..
asc
Umu yacquub
Talo ku anfacda ma ku siiyaa xaajiyo? xaq difaaci maysid si loo difaacana garan mayside gurigaaga tartiib u fadhi xadiiskaana qabso allaha ku anfaco annaga iyo adigabee “المسلم من سلم المسلمون من لسانه ويده” الحديث dadbaa isu qaba inay khayr iyo diin u shaqaynayaan iyagoo shar gurubsanaya habeen iyo maalin, qofkii wax u sheegna waano ula fariisanaya!
assalaamu calaykum: to; Golaha Baraarugga Islaamka. Runtii waxyaabo badan ayaan idinku raacsanahay idinkuna taageersanahay. waxaana ka mid ah taageerada hiilka iyo hooda ah ee aad u haysaan Jihaadka iyo ahalkiia iyo macluumaadka qiimaha badan oo mar walba aad soo qortaan. Laakiin qoraalkan aad hadda soo qorteen idinkuma raacsani sababtoo ah uma arko wax dhib ah in jameecada Ictisaam ugu hambalyeyso Mursi iyo Ikhwaankaba guusha ay doorashooyinka ka gaareen. waxaan aaminsahay labadaba al-ictisaam iyo al-ikhwaan inay yihiin jameecooyin islaami khaldaad badan way lahaan karaan manhaji ah. in la saxana waa muhim. laakiin siyaabahan oo kale wax looma saxo. sideedaba qof ama koox aad ogtahay inuu/inay qaldanyahay/qaldanyihiin xikmad maahan inaad ku qabsato hadal walbuu ku hadlo iyo tallaabo walbuu qaado. arrintaa waxay sababi kartaa inaad qofkaas ama kooxdaas ku qabsato ama ku dhaleecayso sax iyo qaladba. waana arrin ceeb ku ah sida dad idinkoo kale ah. marka waxyaabaha noocaas iska daaya ilaahay kharkiina ha badiyee. waan ku faraxsanahay in jameeca islaami ah waddan dhan ay xukunto waana soo dhoweynayaa laakiin far baa ii taagan. shareecada islaamka maka mid tahay in aqlabiyad, doorooshin ama axzaab siyaasi ah la adeegsado si loo gaaro khilaafa islaamiya. ilama aha hadaay kamid tahay ha la ii sheego. haddii la yiraahdo wax hala doorto oo aqlabiyad halagu kala baxo waxaa iman in masiirka ummadda gacanta loo geliyo dabaqaadka bulshada ka koobantahay oo dhan. waxaanna ognahay in dabaqaadka bulshadu ka kooban tahay ay u badan yihiin dad caamo oo aan islaamka aqoon weyn u lahayn, dad waxaa ka buuxa fusaaq ah oo aad mooddo inaysan maslaxo u arkin shareecada islaamka, dad waxaa ka buuxa gaal jacayl uu dilloodey. marka sidee geeljirihii , dameereydii, qowsaaradii, tumaaladii,kabo tolayaashii iyo kuwo badanoo la mid ah oo aan diinta waxba ka aqoon loogu fasixi karaa looguna hallayn karaa masiirka ummaddan. arrintaa suurta gal maahan. marka ikhwaanka waxaan qabaa inay si sharciga khilaafsan ay madaxtinimada ku raadiyeen. laakiin bal si taxaddar leh haloo soo dhoweeyo guushooda kollayba hal xaan ah nirig xalaa ah dhalimeysee! LAMA SHEEGIN XARAKO ISLAAMI AH OO KU NAJAXDAY DOOROOSHIN. FIS-TA ALGEERIYA XAMAAS-TA FALASTIIN WAAD OGEYDEEN WAXA KU DHACAY.
assalaamu calaykum: to; Golaha Baraarugga Islaamka. Runtii waxyaabo badan ayaan idinku raacsanahay idinkuna taageersanahay. waxaana ka mid ah taageerada hiilka iyo hooda ah ee aad u haysaan Jihaadka iyo ahalkiisa iyo macluumaadka qiimaha badan oo aad mar walba soo qortaan. Laakiin qoraalkan aad hadda soo qorteen idinkuma raacsani sababtoo ah uma arko wax dhib ah in jameecada Ictisaam ugu hambalyeyso Mursi iyo Ikhwaankaba guusha ay doorashooyinka ka gaareen. waxaan aaminsahay labadaba al-ictisaam iyo al-ikhwaan inay yihiin jameecooyin islaami khaldaad badan oo manhaji ahway lahaan karaan . in la saxana waa muhim. laakiin siyaabahan oo kale wax looma saxo. sideedaba qof ama koox aad ogtahay inay qaldanyihiin xikmad maahan inaad ku qabsato hadal walbay ku hadlaan iyo tallaabo walbay qaadaan. arrintaa waxay sababi kartaa inaad qofkaas ama kooxdaas ku qabsato ama ku dhaleecayso sax iyo qaladba. waana arrin ceeb ku ah sida dad idinkoo kale ah. marka waxyaabaha noocaas ah iska daaya ilaahay kharkiina ha badiyee. waan ku faraxsanahay in jameeca islaami ah waddan dhan ay xukunto waana soo dhoweynayaa laakiin far baa ii taagan. shareecada islaamka maka mid tahay in aqlabiyad, doorooshin ama axzaab siyaasi ah la adeegsado si loo gaaro khilaafa islaamiya. ilama aha hadaay kamid tahay ha la ii sheego. haddii la yiraahdo wax hala doorto oo aqlabiyad halagu kala baxo waxaa iman in masiirka ummadda gacanta loo geliyo dabaqaadka bulshada ka koobantahay oo dhan. waxaanna ognahay in dabaqaadka bulshadu ka kooban tahay ay u badan yihiin dad caamo oo aan islaamka aqoon weyn u lahayn, dad waxaa ka buuxa fusaaq ah oo aad mooddo inaysan maslaxo u arkin shareecada islaamka, dad waxaa ka buuxa gaal jacayl uu dilloodey. marka sidee geeljirihii , dameereydii, qowsaaradii, tumaaladii,kabo tolayaashii iyo kuwo badanoo la mid ah oo aan diinta waxba ka aqoon loogu fasixi karaa looguna hallayn karaa masiirka ummaddan. arrintaa suurta gal maahan. marka ikhwaanka waxaan qabaa inay si sharciga khilaafsan ay madaxtinimada ku raadiyeen. laakiin bal si taxaddar leh haloo soo dhoweeyo guushooda kollayba hal xaaraan ah nirig xalaal ah dhalimeysee! LAMA SHEEGIN XARAKO ISLAAMI AH OO KU NAJAXDAY DOOROOSHIN. FIS-TII ALGEERIYA IYO XAMAAS-TA FALASTIIN WAAD OGEYDEEN WAXA KU DHACAY.
yaquubc
to;waxgarad arrinta ah shifting from 1st prsn pronoun to 3rd prsn pronoun iyo iltifaadaadkaad sheegtey wax dhiba uma arko. waa waxyaabo luqadda ka mid ah haddii maxalkooda la dhigo balaagha ahaan,. laakiin waxaad qalad luqawi ah u aragto aniga iima muuqdo side ” FIIHI SINII CUMTIHI hadalka wuxuu kasoo bilaabanayaa ‘ jameecada waxay waxay mursi u dardaarmaysaa taqwo iyo cadli siday ugu dardaarmayso, inuu dejiyo ama dhigo mashruuca islaamiga ah ” ALLADII QADAA FIIHI SINII CUMRIHI” = EE UU SANOOYINKA CUMRIGIISA KU SOO DHAMAYSTAY” inuu dhigo booska ugu horreeya=”THE PRIORITY POSITON” ee qorshayaashiisa iyo wax qabadkiisa.. MARKA “SINIINA” KOLLAY “JAMCUL-MUDAKKAR SAALIM” NOQON MAYSEE LAAKIIN WAXAA LAGA YAABAA INAY NOQOTO “MULXAQ BIL-JAMCIL-MUDAKKAR AL-SAALIM” HADDAY SIDAA NOQOTO WAXAY LA XUKUN NOQONAYSAA “JAMCUL-MUDKKAR AL-SAALIM” MARKA LA IDAAFEEYO NUUNTAA GO’I . HADDANNA SINIINA NUUNTAA GO’AN ” SINII CUMRIH” WALLAAHU ACLAM
to;waxgarad arrinta ah shifting from 1st prsn pronoun to 3rd prsn pronoun iyo iltifaadaadkaad sheegtey wax dhiba uma arko. waa waxyaabo luqadda ka mid ah haddii maxalkooda la dhigo balaagha ahaan,. laakiin waxaad qalad luqawi ah u aragto aniga iima muuqdo sida ” FIIHI SINII CUMRIHI hadalka wuxuu kasoo bilaabanayaa ‘ jameecada waxay waxay mursi u dardaarmaysaa taqwo iyo cadli siday ugu dardaarmayso, inuu dejiyo ama dhigo mashruuca islaamiga ah ” ALLADII QADAA FIIHI SINII CUMRIHI” = EE UU SANOOYINKA CUMRIGIISA KU SOO DHAMAYSTAY” inuu dhigo booska ugu horreeya=”THE PRIORITY POSITON” ee qorshayaashiisa iyo wax qabadkiisa.. MARKA “SINIINA” KOLLAY “JAMCUL-MUDAKKAR SAALIM” NOQON MAYSEE LAAKIIN WAXAA LAGA YAABAA INAY NOQOTO “MULXAQ BIL-JAMCIL-MUDAKKAR AL-SAALIM” HADDAY SIDAA NOQOTO WAXAY LA XUKUN NOQONAYSAA “JAMCUL-MUDKKAR AL-SAALIM” MARKA LA IDAAFEEYO NUUNTAA GO’I . HADDANNA SINIINA NUUNTAA GO’AN ” SINII CUMRIH” WALLAAHU ACLAM
Asc
To:Maryan mohamud
ma jecli in aan ujawaabo dadka xaqa iyo baadilku isga darsamey
asc
Walaal ummu yacquub
Tadaruf iyo qar iska tuurnimo hadduu xaq kuula muuqday inaadan jawaabin bay arintu ku fiican tahay inta Allaah faraj ka furayo ee dib u fiiri taladaan ku siiyay waa dhaxal gale ha fududaysan ee gows danbeedka ku qabso “المسلم من سلم المسلمون من لسانه ويده” wa salaam
Wc inta aaminsan; qur’aanka,qorigabiyo qalinka inaan la kala qaadin, ee leysku wado,
-
Mas’uul walba maankiisu ka hadla jameecoy, ee wixi aan xadka dhaafin yaan leysku xaman.
Carabta dhahda: idaa sakatal qariibu lam yaskut baciid ama haduu dokeeye kaa aamuso, shisheeye kaama aamusayo.
Kuwan dadka qaar markey fikirkoda soo gudbiyaan, jaahil baa tahay ku hadaaqa, waxay calaamad u tahay maangab madax falluuq qaba. Anigu waan kugu khilaafsaney taas, daliilkeyguna waa kaasa ku deeqda.
Ikhwaanku hadey wixi loo doortey kasoo bixi waayaan, Alle idanki xabsi bey ku dambeyn sida xusnu mubaarak. Waxa ugu horreeya iney qaza cunaqabateynta ka qaadaan.
Somalida:
-
NIn tiisaba daryeela tu kale daryeela, maxad masar u heysaan culimo iyo caamo a kufraad gabdhihiini iyo guryihiiniiba ka gadateen, illaa man raxima rabbuka.
saaxiibada ku howlan la dagaalanka ictisaam aad bay u mahadsanyihiin sida fiican ee aad noogu baraarujiseen khalfiyadda sida khaldan loo qoray waan ka faa’iideysan doonnaa waan sixi doonnaa inshaa allaah waxaase idiin fiicneyd inaad usluubka wanaajisaan si aad ajir u heshaan halka aad cayda khasaare iyo danbi ka helysaan idinka oo og in culimada aad maageysaan ay quraanka kuwii inta ka taqaanaaba idin baray yihiin wax quraanka ihaaneynayana ayna si ula kac ah u sameyneynin warqaddana madbacad ayaa soo daabacday ee iyagu sidaas ha naloogu daaboco ma odhanin.
haddii aad rabtaan ha faafinina tacliiqan
To: xaaji kaad, ina llilahi wa ina illahi rajicuun, war ninkaan, saxaabadii galaysinaya maad ila eegtaan, hadadan ka toobad keenin arintaan, jidkii shiicada martay waad ogtahay haduu tacasub ku indho tiray, taariikhda saxabadana garanaynin, maad ka fiirsatid, ma Dulaxatul asadi baa gaal nimo ku dhintay, innallilah wa ina illahi rajicuun, wallahay wa yaab, saxaabadiina hada ma ictisaam by noqdeen. Oo iyagiina waala gaalaysiiyey.
Qulqul,
Akii baarakallahu fiika,
Arintan ah Sinuun in la jaro nuunteeda oo la marsiiyo ‘Xadfun nuunul ama tathniyada lil idaafati’ Sax ma aha, kalaamka carabtana laguma arkin!
-
Sinuun: Waa magac thulaathi ah oo la jaray laamkiis, oo wuxuu ahaa ‘Sinwu’ markii laga jaray Mufradul laazimka Waawga ayaa lagu bedelay ‘Haa’u ta’niith’, Marka jacmu taksiirkiisii ayaa loo yeelay suuradii Jamcul Mudakaru saalim: Nuunta iyo Waawga rafcan, iyo Ya’da iyo nuunka jarran wa nasban.
–
Waxaana la mid ah erayada ciduun iyo cizuun.
-
Qawl kale ayaa dhahaya sinuuna xaraka lagu icraabaa oo yaadaa laazimaysa ‘Siniina’ forever! sida ‘xiin’
-
Maxalu shaahidka, xadfu nuunil idaafada, labada case-ba cid ku banaysay ma aanan arkin.
-
Marka sidaa darteed ayeey khalad noqoni in la dhaho ‘Sinii cumrihii’ oo aan nuunul idaafa lagu tawahumin, sida saxda ahna waa ‘Siniina cumrihii’ bithubuuti nuuni li anahaa Mutlawwatun bil icraabi laa taaliyan lahuu!
-
Wallaahu aclaa wa aclam!
To Abu salman al somal,
Waxad u muuqata niman tafsiirka qur’aanka iyo siiradaba soo qaadan, waana jahliga idinka heysta xagga taariikhda, kuwa culimada idiin ahna waxay idin baraan ceyds iyo shubhaada lagu furo muslimiinta, adinko cadowga Alle u adeegaya walciyaadu billaahiye.
Sow ma ogid in rag waxyiga qori jirey ridoobeen, oo gaalo u galeen,, ma saxaabey noqonayaan hadey ridoobeen?!! Aqoon la’aanta idinheysatey daliil u tahay, horaa loo yiri; niman wixi tegey ogeyn waxa jooga iyo waxa kusoo socdana ma ogaado. Allow yaa idinyiraada Alle keliya cibaadada u keli yeela, culimo inxiraaftey cadaab idinka celinmeyse.
To kuwA la khaldey,
Culimada inxiraaftey in tooshka lagu ifiyo, dadkana looga digo waa cibaado Alle loogu dhowaanayo, waxaba banaan in la nacdalo, sababtoo ah qur’aankaaba na baraya taas”kuwa qarinaya xujooyink aan kitaabkayaga kuso dejiney waxa nacdalaya Alle sw iyo kuwa wax nacdala”in badan baa qur’aanku nooga digey culimada inxiraafta, ee manhaju anbiyaa ka leexda iyagoo aduunyo iyo saldano ka doorta xaqa. Marka kuwey dhibeyso in khawanada tooshka lagu ifiyow muutuu caradiina. Hadaad Alle qeyrki raalli gelineysaan, Annagu Alle sw baan rillihiisa baryeyna wanaxnu saajiduun insha Allaahu.
To Maryan walshaay waxaa kaa muuqada xaydii lagu yaqaanay gabdhaha islaamka marka islaamtaan dhar la’aanta socta ee leh yacquub baan dhalay lama jaan qaadi kartid waayo adna xadiis iyo ayada ayaa rabtaa in aad wax ku xaliso sidii gabdhihii salefka lagu yiqiin iyana cay iyo muran iyo weiba jahli laabta ka buuxa marka ukhtiyeey waqtiga aan ka dhaqaaleysano iyada iyo kuwa la mustawaha ah ayaan qabaa waxaan u soo qoray qoraal base kuwaan la baxay somalimidnimo dadkuna u yaqaniin somali kala dirayaal ayaan soo gudbin oo malaha islaanta in madaxa dhiig ku furmo ayeey ka baqeen marka ukhtiyeey qofkaan waan arkaa mar walba weligayna uma jawaabin waayo qoraalkeeda ayaan ka sawirtay micnaha ay ku fadhido ee adna saas u fahan.
ASC
Ukhti Muslim girl
Abaayo Allaha ku barkeeyo kuna xifdiyo adduun iyo aakhiraba aamiin. walaal diinteenu waa nasiixa dadkaanina waa dadkeennii xaqbay ina ku leeyihiin marka dulqaadka badi fitantana Allaah ka magan gal, Allaha ina ka nabad galiyee. Khayr badan baan kuu rajeeyay walaashay
Asc
To:maryan mohamud,,,,,, waan ku jawaabayaa maadaama,aad iska tahay ruux waa qica hada jira ka dhacsan,,,,muslimka iga nabad galaya waa kuwee,,,ma midka gaalka raali galinaya ee ufadwoonaya si u gaalku uga raali noqdo,,, daarah dhaahdeer ee ribada lagu dhisey si ay ugu nabad galaan,ma midka diyaaradah saaran ee iska raaxeysanaya dana aan ka laheeyn diin iyo dal iyo dadba,,ma midka mujaahidiinta ku sheegaya khawaarij si uu uga badbaado xarig iyo dil ee dadkii caamadahaa halaaga ku shubaya si uu naftiisa iyo xoolahiisa iyo caruurtiisaba u badbaadaan,kuwaas miyaa kuwa aad udoodoyso ee aad u soo daliishatey xadiithka,hadaba anigu kuwaas dagaal baa igala dhaxeeya afkeyga iyo adinkeyga kama nabad galayaan,,,waxa ku soo kaciyey waa in aad udoodo qaaimiin diinta allaah in ay baabi iyaan,raba,,dadka islaamka ahana raba in aay gaal u afduubaan,kuwaasna waa,,ICTISAAM,,,waxaana madax u ah BASHIIR FASALAQ,balaayo aan ka soo daahin Allaah qoorta ha usuro aduunkana allaah ha ku cadaabo,ma kuwaasbaad usoo daliishatey xadiithka qiimaha badan Allaah ka baq ruux qaa inu diin ah ha udoodin,,waa hadii aad rabto xaqa hadii kale waxaad rabto iska dheh,
wabillaahi tawfiiq
ASC
Ummu Yacquub
Horta qorshahaygu ma ahayn inaan fadhi ku dirir ka qayb qaato ee nasiixay iga ahayd. Tan xigta waxaad horay u tiri “kuu jawaabi mayo” hase yeeshee qowlkaagii waad jabisay. aabad jabiside waxa aad cuskatay eed daliilka ka dhigatay baa iiga sii daran. Walaal horta is daji waxba dhiigga ha isku karin waxan aad soo taxday waa waxa aad meedhiyaha ka maqashay sidii loogu cel celinayay bay run kuula muuqtayو been lagu celceliyo runbay u ekaataa weeye
kuna darso xadiithki hore xadiithkan kale een rajaynayo inuu ku anfici doono
“كفى بالمرء كذبا أن يحدث بكل ما سمع” marka iska hubi waxan aad quraamayso saxnimadooda iyo waliba xaqiiqda ka danbaysa xamaasaddu yaysan ku indha tirin.
Midda aad tiri” waan kuu jawaabayaa maadaama aad waaqica hadda jira ka dhacsan tahay” in wax un ka jiraan waa laga yaaba waayo waaqica hadda jiraa waa “fitno” fitnana waa laga fogaadaa laguma ordo.نعوذ بالله من الفتن ما ظهر منها وما بطن” ا” Adigu ciddaad doonto ku xad gudub ama gaalaysii ama fansalakh ugu yeer ama habaar Rabbi baa kaala xisaabtamaya, aniguse Allaah baan ka magan galay inaan adoomadiisa ku xadgudbo ama ku sifooyo wax aanan cilmi ku koobin waqtigan dhibka badan ee muslimiintii laysku fitneeyay inay isku xadgudbaana loo qurxiyay.
intaa ka dib, walaal nabadaada gal halkaas bay inoo ku xiran yahay wadahadalku xaqa Allaha na waafajiyo nagu oofasado
Kelimadaha ehlu inxiraafku ku hadaaqo waxa kamida:
-
Tadaruf=xaqa oon laga tanaasulin
Khawaarij=baraa’ada daaquutka laga qaato
Cunfi=jihaad
Murtad=muslim(agtooda)
Gumeystaha=dimi(magan u ah muslim sida xasuuqsom)
Isqarxis=istishhaad
Shacab=kufri lajire
Argagaxiso=Mujaahid
-
Waa ereybixinta sheydaan siiyo cadowga Alle sw iyo mu’miniinta, yaan lagu khaldamin ikhwa.
Magaciin ba’yow(murji’a walbtakfiir)ma inaga isku muslima”"”"
Waxgarad. zaadakallaahu wa-iyyaaya walmuslimiina cilman wahman wacamalan. icraabka siniina waan ka shakisnaa. hadalkeyga si jazmi ah uguma aanan go’aaminin icraabka siniina. waxaan u maleeyey in nuunta idaafo ahaan loo jaray. kutub luqana ima ag taal si aan u hubsado. laakiin maashaa ALLAAH si heer sare ah ayaad u kala dhigdhigtay. inay ‘siniina’ iyo ‘sinuuna’ jiraan labadaba waan dareemaayey. laakiin icraabkooda iima kala caddayn. weliba markii danbe waxaan soo xasuustey ‘SINIINA KASINIINA YUUSUF’ waxaan is iri maxaa loo dhihi waayey ‘KASINII YUUSUF’ BIXADFI AL-NUUN. inaad khaldanay ayaan dareemay. laakiin maashaa Allaah si waxaad iigu faahfaahisey aad u bayaansan ishkaalkaan ka qabayna waa iga baxay. ok haldalkaaga waxaan ka fahmay. in ‘sinuuna’ ay labo icraab leedahay. mid in loo icraabo sida jamcul-mudakkar saalimka. tusaale ahaan: 1- ‘CUMRUHU SINUUNA ARBACUUN’ RAFCAN CALAA ANNA SINUUNA KHABAR. ARBACUUNA BEDDEL AMA BAYAAN LAGA DHIGO. 2- MAKATHTU SINAANA’ NASBAN CALAA ANNA SINIINA MAFCUUL MUDTAQ. 3-FALABITHA FIS-SIJNI BIDCA SINIINA. JARRAN BIL-IDAAFATI.. mar kalena waxaa tiri waxaa la leeyahay. 1-cumruhu siniina arbacuun. 2- makhath-tu siniina. 3-bidca siniina. marka labo su’aalaan qabaa. hadii icraabka hore la raaco. siniina ma la dhihi karaa waa mulxaq bil-jamci mudakkar -as-saalim. haddii ay haa noqoto mulxaq oo dhan ma sidaasaa loo icraabaa. tan kale haddii la icraabo icraabka dambe siniina fii kullil axwaal. siniina ma waxay noqon ‘MABNI’ ay hal xarako dhamaadkiisa uu laazimi. bal labadaas ka soo jawaab jazaakallaahu khayran
Asc
To:muslim girl,,,,,,,,,,horaa looyiri islaantii haruurka tumi taqan gabadheduna haadiskey taqaan,,,layaabi maayo caayda ka soo burqatey sababtoo ah wadadkii aad caabudeysen baaba caydamayey maxaa lagaa sugayaa adigana,meshuu shibile ka caaytamayey adigan waxaa lagaa sugaa waa kadaran,,,,cilmigiinu ma wuxuu noqdey in copy aad Google xadiith uga soo qaataan ,,,Allaahuma salim salim,,,,wlhi meel xun bey idinka mareysaa xaalku ,,,,,,,,,Allaahuma surnaa ikhwaaninaa mujaahidiina fii kuli makaan,,,Allaahuma aamiin
meesha macrako xogleh baa ka dhacday khadka iga go.naa 3 cisho to wadad walal horta marabo inaan ku dheerado jawabtada wayo walalo badan ba ku jawabay wana ku mahadsanyihiin sidaa uhafan ey kugu jawaben meda kale nimaka aad magacayooda meesha kuso qortay jawabtodu wa ku hortal mesha aad wax ku qortay firi sawiirada hor yaal miidwaliba meesha u taknayahay wa ujeeda walal qaxa hayska indho tiriin yaan ilahay qiyamaha ku indho tirine dhalinta ictisamka takersan culima la cayey ba dhahadan culimo lama cayiin walalyal ee khaladkooda bala sheegaya idinku khawarij iyo tadaruf iyo kuwa jar iska tuuray, argagixiso ba ledihiin hadalada sow mahan hadalada galadu raali ka tahay sow hadalgaled mahan anagu waxan takanahay galada ya wala,aa sisine kaso hadhaha mana ah waxaan iska camiranayno ee aqwashiina iyo afcashina bay ka muuqataaa wabillaahi tawfiiq
Baarakallahu fiika akhii,
Walaal haa Mulxaqaadka jamcul mudakar ayeey ku jirtaa waxaana lagu sharaxaa shuraaxda Alfiyada baydka ah:
“وارفع بواو وبيا اجرر وانصب سالم جمع عامر ومذنب’’
Sababta uu Imaamu Maalik ugu qayday Jamcul Mudakarka laba arin:
1. Caamir: Ismi calam ah
2. Mudnib: Sifo
Jamcul mudakar waa inuu 2daa xaaladood mid noqdaa, markaas waaw iyo nuun baa lagu dari wax kale iskama bedelayo,
Hadii kale wuxuu noqoni Mulxaqaadka sida Uluu, cishruun iyo akhawaatihii, Arduun, Banuun, iyo Sinuun iyo baabkiisa, Ciliyuun iyo maa ashbaha!
-
Sidaa darted buu sanah markuu isu bedelo sinuun, soo uma jeediin is bedelka ma aha waawga iyo nuunka kaliya e waa xitaa xarakada siinka ayaa is bedeshay s[a]nah to s[i]nuun ama s[i]niin.
Dhanka kale ‘Haa u ta’niithkii’ la socday mufradka wuu maqanyahay, saasaa mulxaq looga dhigay cinda bacdil nuxaat.
-
Marka mulxaqaadka qaar baa la idaafayn karaa sida ‘Ulul fadli’ iyo ‘Ahliikum’, qaarna kama suurowda sida siniina iyo cishruuna oo kale.
-
Kaasi waa qawlka dhahaya waa mulxaq waana luuqada xijaaziyiinta iyo Calyaai qays
-
Qowlka kalena wuxuu dhahayaa xarakaa lagu icraabayaa, yacni Fatxa, kasra ama damma nuunta la saarayo, ya’baana laazimaysa fii kulil xaal (SiniinA, siniinI, siniinU)
-
Saasna waxaa qaba bacda Banii Tamiim iyo Banii Caamir, Nabigana wuu ku hadlay SCW fii ixda riwaayatayn xadiitka ah:
(Allahuma ajcal calayhim siniinaN ka siniini yuusuf)
U fiirso siniinan fatxada saran ‘Tanwiinta’ oo markaas sidii ismi mufrad baa loola dhaqmi, waana macrab oo ma aha Mabni.
Tan in nuunta la jaro cindal idaafati maba banaano oo aslul kalimada ayuuba ka mid yahay.
-
Wallaahu Aclam
Walaal maryama Allaah haku xifdiyo hana noo badsho adoo kale ukhtiyeey qoraalkaaga waxiaan ka qaatay cashar kasoo ah in aan cidwalba loo jawaabin sebankaan ukhti jzk halaa haku barkeeyo naha na wada sugo. waxii aan horay ugu qoray yacquub hoyadiis waan ka noqday waana ka shalaayey ee walaal maryamo hadal waad inoo soo koobtay xigmadisi iyo cilmigiisi.
asw. hal waxaan ku dhihi mutashriqiinta webka qorta
halna juhalada u jiibisa
halan liayga aan aqaan asalkiisa ee abuu faadumo la baxay
kuwa u koreeya ee weebkaan qora adinka waa laidin fahamay
oo culimada ilaahay dadka ka rreba ayaa lidin yiri oo wax yar oo aduunyo ayaad qaadateen laakiin arintaas dawlado idinka xoog badan oo adinku hadal iyo qanaac bay arintiinu ku koobantahaye gacan hadal sameeya ayaa waxbo qaban waayay oo culimadii iyo bulshadii kala fujin waayay.
juhalada u jiibinaysa ayagana waxaan leeyahay horta waxaan waxa soo qoro maxay yihin xagay joogaan ma muslinbaa ma gaalaa ma naagaa ma ragbaa maxaa loo diiday in hal qofna laga yaqaan oo magacooda ay sheegaan bal waxa maalinba caalim islaama ah inta idin so baaso aad rifaysaan bal aqoonsada waxa ay yihiin.
midkaan jaahilka isha la, oo abuu hebla labaxay asaga waa layaan nin asaga ayaqaanaana wa ma waydiyo .
Asc
To: marayan mohamud
waan nasiib xumo in aad axaadiista rasuula(scw) soo daliishato hadana aadan ku dhaqmin sunadii rasuulka,,,,waxaad tiri fadhi ku dirir uma aana imaan oo hadaa yaa kuu soo qasbey in aad tacliiq qorto,,waa cajiib! mideeda kale waxaad tiri manta lagdanka kadhaxeeye xaqa iyo baadilka waa fitan,,,subxaanallaah,,waxaad tiri adomada allah wey iga nabad galayaan oo hadi ya saad shegtey run ka tahay maxaa kugu klifey in ad tacliiq soo qorto waaba hadey runkaa tahaye,,cajiib,, aniga waxba ka ma sheego adoomada allaah ee wanaagsen waxaan heystaana wa culumo diintoodii doolar ku iibsadey una fadwooda raali galinta gaalka,,culumo usuu in aan wax ka sheego waxaanba ugu dhawanayaa Allaah,s,w kor ahaaye,,ee adiga is cadee waxba hadhuuman dhumasho dhabarku muuqdee,waxaana kuugu naseexeyn lahaa in aad allaah kaligii caabudo e aadan udoodin kuwa qaa inu diinka ah si aysan kuugu dhicin in aad ku calacasho yawmul aaqiro
{وَقَالُوا رَبَّنَا إِنَّا أَطَعْنَا سَادَتَنَا وَكُبَرَاءَنَا فَأَضَلُّونَا السَّبِيلَا ﴿٦٧﴾ رَبَّنَا آتِهِمْ ضِعْفَيْنِ مِنَ الْعَذَابِ وَالْعَنْهُمْ لَعْنًا كَبِيرًا }
wabillaahi tawfiiq
TO Ru u
Ukhtii waad iga qoslisay saad u yaaban tahay ayaa loowada yaaban yahay webkaan dad leh muslimiin ma yihiin ayaa su’aasha taagn tahay haleese jogaan haday muslim yihiin maxaa la gudboon maxaase inala gudboon waa su’aal walaalha fayoow oo ehelu cilmiga ah u taala
Asc
reer culumo usuu caabud aalimku waakee! kuwa diifacayana waakuwee
caalimku makan wixii allaah xaratimeyey idiin xalaleynayaa
ma midka tastuurka galku soo dhoodhoobey idiin xalaleynaya
ma midka diintiisii dhaafsadey xoogaa aduunyaa
caalimiin maahee waa qaainiin ee allah hanaga qabto
kuwiinaan kobaha usida culumo usuuga, alla maxey hadab magac soo badasheen ma munaafiqiinbaa,,kkkkk,,,,,ufiirso qoraalku waa hal ruux magacyaduna waa dhawr magac magaciin baye managa isku mida
walee saxaada waad ka socotaan geeridii culumo usuu asiibtey ayaa idinkana guntiga idin heysata,,,,,,,,,, maraka iska sii rafta,webkaan barakeysana afkiina ka duwa,,loogu alalaaso gaalada iyo maceed,,,,,,,sharf iyo wanaag waa horaad ka tagteene
Waxgarad maashaa Allaah Allah haku xifdiyo. ma sibawayhi ayaa soo dhexfariistay webka somalimidnimo.com? mise waa nin kaloo ka ag dhow? ishaa ka toogatay kalmadda siniina. icraabkeeda iyo waxa la xiriiraba. aad baan kaaga faa’ideystey walaal. shalay baan soo iibsadey kitaab lagu magacaabo MIFTAAXUL ICRAAB kalimaad xul ah ayuu icraabkooda bayaaninayaa. illaa oo xarfu istithna ah siduu u gali waad yaabi. waxaan ku arkay ‘I’ oo ficlu amrin ah oo ka imaanaysa ‘WA’AA’ ‘YA’II’. waxaan kaloo ku arkay ‘INNA’ oo ficil amar ah oo ka imaanaysa ‘ANNA’ ‘YA’INNU’ moaning and groaning wuxuu englishku dhaho ayey la mid tahay afsoomaaligu waa gunuunuc baan filayaa. layaabka iigu daran wuxuu ahaa ficil amarkeeda marka yaa’ul-mukhaadabah lala xiriiriyo wuxuu noqonayaa ‘INNII’ ‘INNII’ yaa ficil amar u qaadan! in shaa Allaah wixii iga horyimaada waan ku soo weydiin. inaan emailkeyga kuu soo qoraa laga yaabaa si aad jawaabaha iigu soo dirto. waase haddii aadan waxba ka qabin. wassalaam