بسم الله الرحمن الرحيم وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
KII LA TUURABA MAXAA TUURO LOOGU YEELAA?!!!
Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!
Waa arrin iska sunno ah oo aan dadka wax kala garnayaa aayan la yaabeyn markay maqlaan amase aay arkaan koox dabagelis gaalada u ahayd oo markii dhuuxa laga dhamaysto, laguna soo reebo shaati ceebeed in tuuro loo yeelo oo la yiraahdo waa tuugo iyo dad aan istaahilin in wax loo dhiibto amase lagu haleysto. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”Miskiin baa misko la fuulo leh” taasi waxay daliil u tahay in nin walba oo oo gaalo ku adeegato uu akhirka ku dambaynayo in sida haddaba muuqata amase horeyba u dhacday loo raad-raadiyo ceebaha qolada dabageliska u ah gaalada.
Taariikhdu been ma sheegto mana taqaan naxariis, bal aan dib u yara jaleecno rag badan oo af Soomaali ku hadli jirey oo noqday dabagelisyo wixii qabsaday iyo meeshii aay ku dambeeyeen.
Dalka Soomaaliya waxa soo marey ilaa dhowr madaxweyne iyo ra’iisal wasaare, imisa ayaa dalka joogta amase tii alle ugu timid oo ku geeriyooday? Waxaan filayaa marka laga reebo Cabdirishiid Cali Sharmaarke oo Laascaano lagu dilay iyo Aaden Cabdulle Cismaan oo dalka isagoo jooga tii Alle u timi mooyee intooda kale mid noolna ma joogo mid dhintayna dalka gudihiisa kuma dhiman, maxaa sababay?
Sababo badan baa loogu malayn karaa:
1) Midkoodna Alle Kitaabkiisa iyo Sunnada Rasuulka dadka Muslimiinta ee uu hor joogay kuma dhiqin uguma yeerin ee wuxuu dabada qabsaday qawaaniin shaydaaneedkii gaaladii dalka gumaysatay aay nooga tagtay.
2) Waxay cadaawad iyo isneceyb dhex dhigeen ummaddii Muslimiinta ahayd ee Soomaaliyeed ilaa iyagii xataa waayeen meelay ku negaadaan taasoo dhaxalsiisay inay dibadda u wada cararaan.
3) Qolaba qolada ka dambaysa ayaa cadow looga dhigay ilaa la gaadhay inayan iyagu is badbaadin oo midba midkii ka horeeyey uu cadaawad u qaado.
Waxaan xusuustaa mar aan sagaashaandkii(1994kii) akhriyey wargeys bile ah oo ku soo baxa afka Ingiriiska kana soo baxa carriga Ingiriiska lana yiraahdo New Africa, ayaa waxaa lagu soo daabacay su’aal aad u baaxad weyneyd oo la doonayey in lagu muujiyo cawaaqib xumada ku dhacda niman badan oo madax ka ahaa Africa, Carabaha iyo Dunidii la gumaystay oo dhan. Su’aashu waxay ahayd maxaa madaxda dalalkan aan kor ku xusay markii xukunka laga qaado uu mid walbaa ugu cararaa dalkii horey u gumaystay dalka uu madax ka ahaa, dabadeedna uu uga noqdaa darawal wada taxi (Cap Driver), oo ah shaqo hooseysa marka loo eego jagada iyo derajada uu soo marey ninkani.
Su’aashaa waxaa jawaab fiican oo kaafiya ka bixiyey nin aan filayo inuu qoraa ka ahaa isla wargeyskaaska oo la yiraahdo Kaffour. Kaffour wuxuu jawaabtiisii ku bilaabay sidatan. Wuxuu yiri markii gumeysigu yimi dunidii uu gumeystay wuxuu shaqaale ka dhigtay laba nin oo kala ahaa nin waardiye u ah dhulkana tusa lana siiyey xirfadda shaqo ee Ilaal (Guardian). Ilaalku wuxuu aaminsanaa inuu yahay ciidan nidaamsan, laakiin maaheyne wuxuu ahaa nin waardiyeeya ninkii caddaanka ahaa ee gumeysiga ahaa gurigiisa, loo mana ogoleyn inuu reerka ninka caddaanka ah soo dhex galo ee shaqadiisu waxay ku ekeyd kadinka hore ama irrida laga soo galo guriga. Ninka kale ee isna shaqada la siiyey wuxuu Cunto Kariye (Cook). Cunto kariyuhu wuxuu ahaa mid reerka ku dhex jira cuntada kariya dabadeedana qeybiya, wuxuuna u muuqday mid reerka ka xiga kan ilaalka ah.
Ninkii caddaanka ahaa wuxuu ka shaqeeyey colaadda labadan nin ee isku haybta ah laakiin mid walba shaqo la siiyey, muxuu sameeyey? Wuxuu ku amray kii cunto kariyaha ahaa inuu san la hadlin amase waxba siin ninkii ilaalka ahaa xataa wuxuu ka dhaadhiciyey inuu cuntada hambada ah ee reerka ka soo hadha uu fuusto bannaanka ku taal ku shubo isagoo u diidaya kii ilaalka ahaa. Halkaa colaad aan xal lahayn baa dhex gashay labadii shaqaale ee gumeytaha. Markii la gaadhay in xornimo beenaadkii la siiyo wadammaddii la gumeysanayey, gumeystihii wuxuu mid walba oo labadii shaqaale ka mid ahba dhegta ugu sheegay inuu dalkii iyo maamulkiisiiba uu isaga kaga tagay. Kii cunto kariyaha ahaa wuxuu ku yiri gurigan iyo dalkiiba adigaaan maamulkiisa kugu wareejiyey ee ninkaa ilaalka ah yuusan soo gelin haddii kale wuu kaa qaadayaa. Kii kale ee ilaalka ahaana wuxuu dhegta ugu sheegay inuu gurigii iyo dalkiiba isaga kaga tagay, cunto kariyahaana uu guriga ka saaro. Labadii shaqaale oo colaad dheer uu awal dhex dhigay ayuu haddana mid ka daran kula sii dardaarmay.
Wuxuu Kaffour warkiisa sii raacshay in waddamo badan oo gumysiga ka xoroobay aay markii hore madax rayid ihi xukunka qabatay, laakiin muddo yar dabadeed in taladii dalka aay la wareegeen madax ciidammo ah oo nooc afgambi ah ku yimi, taas oo Kaffour ku cabirayo in ninkii ilaalka ahaa galay gurigii kuna dilay amase ka cayriyey kii cunto kariyaha ahaa ka dib markii gumeystihii tegey.
Haddaba nooca dowliga ah ee loo sameeyey wuxuu ahaa mid ninkii gumeystaha ahaa dhistay dabadeedna uga tegay nimankii isaga u khidmeyn jirey iyo kuwii ilaalin jirey ee maaheyn mid dadku dhistay ee ummaddu fahmaysay. Dadka Soomaalida markii gumeystihii Ingiriiska iyo Talyaanigu ka tagay wuxuu uga tagay nimanka aan soo sheegay qaybo ka mid ah, dadka Soomaalida ahna ma ahayn kuwo wax ka garanayay nidaamkaan gumeysigu ka tagay ee loo soo ergiyey. Laakiin waxaa dhacday si dadka la khaldo loona fahamsiiyo waxaan aayan garaneyn nimankii gumeysigu wax baray waxay ugu micneeyeen wax dadka Soomaalida ah fahmi karaan oo ahayd ”Hashii Maandeeq” sababtoo ah Soomaalidu Geelu micno weyn buu ugu fadhiyey oo way fahmi kareen.
Jahwareerkaa aay gumeystayaashu uga tageen waddammaddii aay gumeysteen oo weliba dadku Muslimiin ahaa, ummaddii wuxuu dhaxalsiiyey, in laga marin habaabiyo nidaamkii saxda ahaa ee aay isku maamuli lahaayeen, kaasoo ah nidaamka Shareecadda Islaamka oo ummaadu fahmi kartay, ileyn dadku Muslimiin bay ahaayeene.
Waxaa weli muuqata in dhabbihii lagu socdo oo weli kuwii aay dhaleen kuwii gumaystaha u khidmeyn jirey aay soo taagan yihiin iyagoo maalinba mid la soo saarayo oo la soo taagayo masraxa siyaasadda, markii kuwa hadda taagtaagan la ceebeeyo oo tuuro baas loo yeelana la cayrsho.
Waxaan taariikhda soo marin in jabhad noocay doontaba ha ahaatee aan weli laga adkaan amase la baabi’in. Dadka ku hamiyaya ama aaminsan in Al-shabaab laga adkaan doonana aayan ahayn kuwo garaadkoodu sareeyo, taariikhdana aan waxba kala socon. Waxaa hubaal ah in saaxadda siyaasadda Soomaalida aay marwalba isugu soo hari doonaan labada garab ee is haya kuwaasoo kala aha Garabka Alle (xisbu-Llaah) iyo Garabka Shaydaanka (xisbu-shaydaan), waxaana u kala taagan oo kala metelaya Mujaahidiinta iyo AMISOM, laakiin kuwa cawaanta ah oo aay hadda adeegsadaan ee Shariifyo iyo wixii la halmaalaba waa iska tagayaan dhawaan, sababtii lagu cayrin lahaa baana hadda falankeeda la hayaa.
وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين
Wa Billahi Towfiiq
Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)












































Suldaankeen suaashuu tawilay tacabirkeed weeye
Kay gaalo tuurtaba maxaa waligi tuur saaray
Ow kuruska taalada kadheer looga tiiceeyey
Taariikhda maxaa looga dhigay tiro mid loo waayey
Tijaabada hadaan doonay oo taawiloo jiriyey
Nimankaa tahluukada qabee tawsta lagu reebay
Waxaan fili ibliis baa tabcada taatik badanaaye
Xashri baa tartiib teed ku taal oo tanziil qorane
Sawdigaa tacliintiyo quran taam u garan maahan
Shaydaanku goortuu tusee tiimbin dhagartiisa
Tawbada midkii seejiyee turunturaynaayey
Qosol buu intuu tibix kasiin faraxa taahaaye
Marku toobiyaha seejiyiyo tawbadiyo khayrka
Waa kii ku tiiq tiiq sadee kajanka tuuxeeyey
Togag dheer markuu kala dhexee toobiyaha seejay
Jees jees tabtii lagu yaqiin taafih baan garane
Saw tuu taha xaytay ee tiicayee luuday
Xashri baa tilmaan dhaba Ilaah nagu tusaalayne
Nin ibliis taxaabaan midis taabo galahayne
Taws iyo dhibuu mudan hadaan tawbad loo qorine
Goortuu tafaha xaytayoo laga tol roonaaday
Oo yiri tahluukiyo halaag teebka idin gooye
Taydaan umeel waayey oo tiin ma xaalayne
Iga taga tabtii aan la imid way tabaalayne
Ibliis baa fal tuuraleh waqiis aan ka tagahayne
Gaalkuna wakiil toos ahoo taabacuu yahaye
Tolan iyo qamaanyiyo markuu qalac tumaateeyey
Towbada markuu seejiyuu tiray nasiib koode
Taariikhda gaal raac ayaa saatan loo tumaye
Xagay taacibiyo uga baxaan tiih ka hariwaayey
Tuurtana waxaw yeelay waa dhagar tabteedaahe
Talaf goorti laga yeela ee diinka laga tuuray
Mid waliba halkay uga tagaan ciidu may tabine
Taws iyo utuna khaas ahiyo tiih lameel aadye
Tol u booya maahiyo kufriga kaba tolkodiiye
Tiirkiis Ilaah jabi anigu tuuray hadalkiise
Suldaanow tiraabtii ebyiyo tawgi suugaane
Tuuga kufrigu uu watee tuuri dabadeedna
Tuur aan buskoon iyo hinjaa abid ku tag naane
Waa talada shaydaan waxay abid ta,wiishaane
Saw maanan tacabirin jawaab tabiyey weedhiiye
suldaan maxamed suldaan walalkayoow si fiican oo waafi ah ayuu hadalkaaga ii deqay run,ahaanti waa maqaal cajaa,ib leh dhinacyo badana aad umadeena wax ka tustay laakiin waa cidii dhaga wax weeleynaya leh. hadaladaddii qiimaha badnaa ma soo wada koobi karro balse waxaa aad ii soo jiitay hadal ay in badan oo dhallinta ah hadal hayaan ama qurbo ha joogaan ama wadanki ha joogaan oo aan aniga waliba ka mid ahay, hadalkaas waa (DADKA KU HAMINAYA IN AL SHABAAB LAGA ADKAAN DOONO AYAA AHEYN KUWA GARAADKOODA SAREEYO!!!) waa hadal qiimo badan waxaana hadalkaaga uu i soo xusuusiyey hadalkii Allah ee ahaa ciribta dambe waxaa iska leh (mutaqiinta) mutaqiina waxaa ah cidii shareecada islaamka rabta oo afka aan ka aheyne ay ka tahay mid ka soo go,day qalbiga. markii jamaal cabdi naasir uu ku xukumaydil sayid qudbi raxmatullahi calleyhi ayaa waxa warqad u soo diray jamaal cabdi naasir nin saaxiibkiisa ahaa misna gaal ahaa lana dhihi jirray (TIITOOW) waxa uu ku yiri jamaaloow ninkaas sayid qudbi ah ha dillin!!! oo waliba sadex arrimood sababtood haku dillin.
1-waa nin waayeel ah oo da weyn ahee ha dillin iska dhaaf waayo? waqtiba uma harrin.
2- waa nin aduun weynaha magac dheer ku leh, dad badana ay jecel yihiin.
3-waa,inaad marka qof dilleysid afkaartiisana la dishaa? lakin ninkan afkartisa ayaa taal.
ma uu san yeellin taladii saaxiibkiis waana shahiiday sayid qudbi sida aan Allah uga rajeyneynana waa gaarray mowqifkiisii ahaa ka run sheega inuu ka mid ahaa jayshu muhamed, naxsabuhuu kadaalik wallaahu xasiibuh, kolleey taariikh ayaa is qoreysa ee rabigeey islaamka ha guuleeyo melkasta oo ay joogaan, waxaana qof walba waajib ku ah qofkasta ah oo naga mid ah inuu u duceeyo haddii uu san taageero kale awoodin, soomali ayey ka dhasheen aasif in wadankoodii lagu baacsado walee taariikh ayaa is qoreysa.
Maashaa Allah garyare illahay miisaanka xasanadka ha kuu saaro mathalkaagana ha badsho Amiin, cadowgeena waa hal caqiidadeenuna waa hal sow maahan cullumo Allay hoosta ka xariiq, fikirkasna siday walasheen umu barau, u shegtay ba markuu soo bxaayeyna sidaas ayuu gariib u ahaa, inuu ku noqonayo gariib waxaa noo sii sheegay nabigeenii muxamed aha csw, laakiin waxaa hubaal ah inaan marnaba la tir tireynin walaahi waa ballan qaadkii raxmaanka. jazakumullahu kheyran dhamaantiin.
asc..
to Suldaan Maxamed Garyare
akhiifilaah ILLAAHAY hakaa abaalmariyo maqaalkaagan kariimka ah ,,,diintan waaad u hiilisay illaa ay qayrkaa ay hamiyaan makaanka sharafta leh ee aad gaadhay ..kolayba munaafiqiin joojinmaayan adagaalkoodii tabar daradu kamuuuqatay ..waxaana aad ii cajab galiyey maqaalkii aad akhrisay (1994kii) sida aad u xasuusatay iyo waliba sida aad ufaafahisay ilaahay hakaa abaalmariyo mar labaad iyo marsadexaadba
وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين
asc…..
to umu_barau
ukhtil kariib hadalkaagan maxaa ka qaymo badan maxaa kawanaagsan illaahay hanoo kaa daayo.. aad baan ugu helay sida markasta aad fikirkaaga wanaagsan uga dhiibato ..
niyadaad nooqaboojisay insha allaah gabdho badan way kugu dayandoonaan insha allaah….
suldaan garyare qalinkiisa waxaakacabsada wargeeysyada ushaqeeya kufaarta qandaraaskana qaatay ee wargeeysyadaas kuwa qora waxaanleenahay caradiina kudhinta
a/c/shukran akhuunaa yadhyare qalinkaaga inaadku jihaado haka caajisin illaah xifdin hakuu siyaadsho amthaalkaagana , muslimiinta haku badiyo
to_ umu_bara,, baarakaalu fiika yaa ukhtii ilaahay haku xifdiyo gabdhaha somaliyeedna kuwo xaqa garab istaaga alaah haka dhigo
kuwaku hadaaqaya alshabaab baa laga takhalusayaa waa jaahiliin alaahna wuxuu yiri wa acridh canil jaahiliin , waarma junuud alaah adeegsadaa laga adkaadaa waar maxaad ka garan junuuda rabi, waar shabaab waa umah kaamilah oo utaagan duminta kufriga iyo koruqaadida diinta
—–fadlan doqonimada iyo jahliga intaad iska daysaan iyo qabiilcaabudida orda diinta alaah macrifo u yeesha markaasaad qiimaha shabaabul mujaahidiin garanaysaan
alaahuman sur ikhwaananal mujaahidiin fii kuli makaan wakun macaahum yaa xayu yaa qayuum ,