Ma Daaci Axmed Deedaat (AUN) baan u Tiirinnay Hadal uusan Oran? Daawo Dooddiisa

Ilaah baa mahad leh. Ammaan iyo Nabadgalyo ha ahaato nabi Muxamed korkiisa. Sida la sheego, Axmed Deedaat (AUN) iyo Dr. Zakir Naik waxaa Ilaahay gacantooda ku soo muslimiyey khalqi badan. Waan ognnahay in Nabigu (SCW) yiri haddii Afsoomaali ahaan loo dhigo: in Ilaahay sababtaada ku soo hanuuniyo hal nin baa kaaga kheyr badan geela kiisa gudguduudan.

لئن يهدي الله بك رجل واحد خير لك من حمر النعم

Hadda waddamo reer Galbeed ah ayaa Zakir Naik u diiday inay siiyaan dal-ku-gal uu ku soo galo waddamadooda! Sababtu waxaa weeye, muxaadarooyinkiisa waxaa ku muslima dad. Halka wadaaddo Salafiyiin sheegta oo Khaliijka iyo Soomaaliyaba jooga aan cidna dal-ku-gal u diidin!

Horta qoraalkii Axadda aan soo galinnay ee ku saabsanaa arrimaha cidda qoraalka Baybalka ku qoran ee ku aaddan cidda sidii Nabi Yuunus (CS) u galay caloosha nibiriga u geli doonta dhulka dhexdiisa, dabcan isagoo nool, ay Kiristaanku qabaan in Ciise laga wado! Inteynnaan qoraalka usii gelin waa la ogaadaa arrimo dhowr ah:

1- Arrintu waxay ku qoran tahay Baybalka. Muhiim ma aha inaan ka hadalnno!

2- Ducaad Muslimiin ah oo inta adeegsadeen qoraalkaas; si fiicanna aan u wajihin!

3- Golaha Baraarugga Islaamka oo keenay Towjiihaad cusub, insha Allaah!

4- Golaha Baraarugga oo soo bandhigay qaabkay u keensadeen Towjiihaadkaas!

Salbinta Daaci Axmed Deedaat (AUN) u Diiday Nabi Ciise (CS) waa Tee?

Haddaad akhrisatid ama dhageysatid ama daawatid muxaadarooyinka daaci Axmed Deedat (AUN) waxaad arkeysaa inuu diidan yahay inaan la salbin oo la dilin Nabi Ciise (CS) isagoo soo qaadanaya Qur’aanka iyo weliba Baybalka! Qofkii fahma wuxuu ka wado salbinta baa garan lahaa waxaan ka sheegnnay! Haddaba fiirsada filimka soo socda oo ah dood dhex martay Axmed Deedat (AUN) iyo nin kiristaan ah. Maadaama filimku dheer yahay, waxaad sameyn kartaan waxaad fiirsan kartaan laga bilaabo marka filimku marayo hal saac iyo 48 daqiiqo (1:48) ilaa haddaad rabtaan dhammaadka!

Sida Towjiihaadka Axmed Deedat (AUN) looga bartay, ma diido in Nabi Ciise (CS) lagu salbiyey geed laakiin wuxuu leeyahay: xitaa hadday dhacday ma dhiman! Weliba Towjiihaadkiisa wuxuu u soo qaataa arrimo badan oo ku saabsan dad la salbiyey laakiin aan dhimman. Isla filimka buu ku sheegaa ama filim kale in isagu salbiga uu sheego yahay in lagu dilo halkaas! Wuxuu leeyahay “crucify = to kill”! Marka dhib uma arko in Nabi Ciise (CS) maxkamad la saaray dabadeedna geed lagu salbiyey saacado! Laakiin ma ogola inuu halkaas ku dhintay!

Axmed Deedat ma ahee waxaad arkeysaa kummannaan ducaad Muslimiin ah oo qaba ama iyagoon fahmin la doodajya gaalada iyagoo leh: haddii Nabi Ciise (CS) rabay inuu dhinto si dadku loogu dambi dhaafo; muxuu isagoo ku salbisan geed u lahaa:

Matthew 27:45–46

45 aNow from the 1sixth hour darkness 2fell upon all the land until the 3ninth hour.

46 About the ninth hour Jesus cried out with a loud voice, saying, “aEli, Eli, lama sabachthani?” that is, “My God, My God, why have You forsaken Me?

Dabinkaas waxaa ku dhacay Axmed Deedat (AUN), Dr Zakir Naik, Badaawi, iyo Muslimiin badan oo ugu badisa is-barbar-dhiga Diimaha! Isagoo Axmed Deedaat bixinaya Towjiihaad buu ka dhigayaa dhimashada Nabi Ciise (CS) ee Kiristaanku sheegayo inaysan xaqiiqo ahayn ee Nasuustu ama xitaa Baybalku dhaho: qofkii dambaaba waa qof Ilaahay ka furtay, haddaad Iimaanka diididna tahay qof dhintay! Waad fahmeysaa in daacigu leeyahay: marka la fiirsho sida idiin qoran Kiristaankoow!  Waxaa Towjiihaadkiisa laga fahmayaa inuu tuso in laga wadi karo Nabi Ciise oo dambi galay sidii Nabi Aadam (CS)! Isagoo is leh: Nabi Ciise (CS) dhimasho u diid baad sidaad filimka ku arki doontaan wuxuu mala-awaalayaa arrin gef ku ah Nabi Ciise (CS)

Sida ku cad muxaadarooyinkiisa iyo waliba buug-yare uu ka qoray baad marar badan buu ku sheegayaa inaan Ciise (CS) la dilin isagoo la salbiyey laakiin uusan waxba ka qabin ama ku doodayo inay dhici kartay inuusan dhiman maaddaama uu seddex saac kaliya salbisanaa! Filimkaad ka arki doontaan. Marka waxaa jira buugyare loogu magacdaray Is Crucifixion Fact or Fiction? Wuxuu dhahaa mar mar “Is it Crucificiton or Crucifixion?

Mar daaci Axmed Deedaat muxaadaro ku qabtay Masjidka Jamia Mosque, Nairobi buu sheegay inuusan ku xeel dheereyn barashada diinta Islaamka! Marka waad arkeysaa mararka qaarkood isaga iyo weliba Dr Zakir Naik oo Towjiihaadkooda ku dhisaya arrimo aan sax ahayn! isla filimka waxaad ku arkeysaa inta lagu jiro daqiiqadaha aan idiin sheegnnay, daaciga oo leh: haddii Nabi Ciise (CS) qof nooleyn lahaa (idinka Ilaahay); qofkaasi wuxuu noqon lahaa qof aan dhimaneyn ee haddeerba nala joogi lahaa! Wuxuuna yiri wixii Nabi Ciise (CS) sameeyey ma ahayn “resurrection” oo ah soo nooleyn ee waxay ahayd “resuscitation” soo-naaxid/soo-baraarugid sidii qof koomo ku jiray! Iska daa nabi Ciise (CS) oo la siiyey Mucjiso ah inuu wax soo nooleeye xitaa nabiyaal kale sida nabi Muuse (CS) baa la siiyey Mucjiso wax-soo-nooleyn ah. Fasirka Aayadda soo socota muran kama jiro oo Mufasiriintu waa isku raacsan yihiin in nin dhintay la soo nooleeyey waagii Nabi Muuse (CS). Waxaad ka fahmeysaa hadalka Mufasiriinta in ninkii markuu sheegay ciddii dishay ku noqday dhimashadiisii!

وَإِذْ قَتَلْتُمْ نَفْساً فَٱدَّارَأْتُمْ فِيهَا وَٱللَّهُ مُخْرِجٌ مَّا كُنْتُمْ تَكْتُمُونَ (72 ) فَقُلْنَا ٱضْرِبُوهُ بِبَعْضِهَا كَذَلِكَ يُحْيِي ٱللَّهُ ٱلْمَوْتَىٰ وَيُرِيكُمْ آيَاتِهِ لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ (73 )

Waxaan mar kale ku celineynnaa, arrinta ay kummaannaan, haddaysan malaayiin ahayn, ee ducaad ka mid ah Muslimiintu kala doodaan arrinta Baybalka ku qoran; waa dood lagu dhisay waxaan jirin! Ogaada, dooddan waxaa gala Muslimiinta ugu badisa is-barbardhigga diimaha oo Deedaat (AUN), Zakir Naik, Badaawi, iyo kuwa kalaba ku jiraan! Ducaadaasi waxay wax ku dhiseen xuub caaro! Waxaan leennahay, arrinta Kiristaanku u tiirinayaan nabi Ciise (CS) waxay u dhacday Nabi Muxamed (SCW); marka ma aha arrintu sida ducaaddaas Muslimiinta ugu badsha is-barbardhiga diimuhu u galeen doodda. Marka qofkii raba saan wax u la soo baxnnay haku noqdo qoraalkii hore!

Xaqiiqdii, Dr Zakir Naik oo waxyaalo badan lagu heysto, kana marnnayn tacasub xagga Mad-haba ah haddana ka faa’iido badan wadaaddo loo yaqaan Salafiyiin ee caan ka ah Khaliijka iyo Soomaaliya! Waxaa dhici karta in dad gaaraya hal malyan oo qof ama ka badan ku muslimeen muxaadarooyinka Dr Zakir Naik! Arrimahaas darteed baa hadda waddamo badan oo Galbeedka u diideen inay siiyaan dal-ku-gal!

Marka annagoo aragnna kheyrka ducaddaas baan haddana sheegeynnaa waxay ku khaldamaan ee u baahan sixid! Marka saasoo kale haddii loo saxo wadaaddada Soomaliyeed ee ka qeybqaadanaya dastuur-ansixin; macnaheedu maaha in cid la neceb yahay! Hoos ka daawada filimka ku saabsan daaci Axmed Deedaat oo la doodayo kuwo Kiristaan sheeganaya.

Golaha Baraarugga Islaamka

Somalimidnimmo.com

18 Responses

  1. Xasan says:

    Qofkii yiraahda nabi ciise waa la salbiyey murtad soo ma aha wuxuu rabo hasheegtee?

  2. Afka labadiis says:

    Khabuuro la qodo iyo daaci dhintay khaladaadkiiso la baaro isla markaasna lagu faano somalimidnimo.com adaa I baray. culimadeena waa weynkaa mar aad daba dhigataan idinkoo masawiro been abuur ah soo xiganayo waa shirqool aad la maagantihiin umadda soomaaliyeed ee buun buunin iyo been raad u yeelid adaa I baray. Masaajidka abuu bakar oo kamarooying lala soo galo meeshay ummada salaada ka tukanahayaan ay iyagu masawiro qaadis ku dhaqaaqaan hadhowna photoshop ku suubshaan beentaas adaa I baray. Laakin hal baan nii qiray. Inaad phd ka haysa taan dhinaca afsoomaaliga iyo been abuurista iyo indha sircaadka.

  3. Abu- salman a somali. says:

    Intaad ku jirtaan wadaad qaldamay Iyo meeshan uu wax ka qaloociyey, sxbayaal soo galiya, akhbaarta xiisaha leh, Dagmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe oo ay ciidamada qaranka kala wareegeen afduub layaasha shacabka wareeriyey, Iyo duulimaadyo shacabku ulkala gooshayaa, muqdisho Iyo Sh/dhexe oo ay shirkada Juba bilowday Iyo shacabko faraxsan, masha Allah , illahow wiilasha naga dhunsan noo soo celi, Somali is raacday.

  4. Abdalla says:

    To Abu-salman ninka la baxay
    -
    riyo ayaad ku jirtaa hadaad dooneysid Somali in ay isku raacdo gaalnimada aad wadaan!!
    -
    Meel ku qoro -Insha Allah- cadowga Balcad tegay in ay shalaay iyo qoomamo ku dambeyn.
    -
    Gaaladu Marka ay meel qabsato-ba u saxiixa adinka oo odhanaya Ciidanka Xoogga !! kkk ciidanku xaguu idiin joogaa mise Uganda iyo Burundi ayaa Xooggiina ah. wan sugeynaa meesha aad ku dambeysaan Ilaahay idnakiis

  5. lafoole says:

    Ikhw-
    Sufahada soomaliyeed yaan loo jawaabin ee xikhmada qoraalka ama dagaalka aan ka niqaashno si aan u kala faaiidaysano.

    Somalida waxaa ku jira mid xaaskiisii u geeyey sargaal xabashi ah. somali waxaa kujira kuwa dhahaya Ugandha iyo Burundhi iyo Xabashi iyo kenya Baa dowlad noo dhisaya.

    kuwa uqaba in dowladahaas Naf iyo Maal ku bixiyeen sidii soomali dowlad loogu dhisi lahaa

    Wax fahmi maayaan. wax mafansana. ama waa kori doonaan ama waa la isticmaalaa sida shariifka iyo inta dowladahaas la shaqaysata

  6. To somalidnimo please your not geting what the shekh is trying to say he is using the wisdom god gave to him but the story is clea in the quran im among his studnt you knw if you want to convert christian you must beat in their own believe they said jesus was crucifyd at the same time they believe god has the ability to save him so if you want to argue somebody like that you must do as the shekh has done then after that wen you beat them in the dibt is the time for you to tel wat you believe because if you told a christian jesus was not crocifyd he wil simbly say No so you must use wisdom to convert hm im very sory you r telling the public what your not understanding if you want to knw what shekh diidan belive about jesus please get his words when he is explaining the verse ( wamaqataluhuwama salabuhu walakin shubihalahum winanladina ikhtalafufihi balrafacahulahu ileyhi its in another dvd not this one here

  7. .To somalidnimo please your not geting what the shekh is trying to say he is using the wisdom god gave to him but the story is clea in the quran im among his studnt you knw if you want to convert christian you must beat in their own believe they said jesus was crucifyd at the same time they believe god has the ability to save him so if you want to argue somebody like that you must do as the shekh has done then after that wen you beat them in the dibt is the time for you to tel wat you believe because if you told a christian jesus was not crocifyd he wil simbly say No so you must use wisdom to convert hm im very sory you r telling the public what your not understanding if you want to knw what shekh diidan belive about jesus please get his words when he is explaining the verse ( wamaqataluhuwama salabuhu walakin shubihalahum winanladina ikhtalafufihi balrafacahulahu ileyhi its in another dvd not this one here

  8. Abu Abdalah says:

    Yes, I believe you guys need to understand English before you make judgments like that, the sheikh explained in many other DVDs his point of view regarding this issue, but in this debate he is saying if we said he was crucified and we go with your point(cristians) then there is a lot of contradictions and that’s when he said if jesus was son of god or god himself then why did he say lord lord save me, if he is the lord why did he needed help. But it does not mean the sheikh believes in the crucifixion of Issa( cs). And honestly Ive seen many mistakes like tht on this website you guys need people who understand and knows a language before you make a judgment. And quit rushing to judgement you guys rush to judgement allahs isn’t gona ask you about a mistake some one made. But will ask you if you accuse someone wrongly. And know your views thinking that sh deedat believed in this mess. Fear Allah guys and quit playing with the religion and stop taking wrong of the duat and culima. Fist it was the Somali sheikhs now is English duat who is next.

  9. Samodoon says:

    Halka qaarkeen waa isku yar xiiqeen. Mid Soomaali iska yeelayo rabana inuu inaga dhaaadhiciyo ciidamo shisheeye ineey yihiin kuwa qaranka Soomaaliyeed iyo kuwu ku wareersan micnahaa kalmadda salbinta waxa uu yahay. Salbinta waxa af-ingiiista lagu yiraahdaa crucifixion oo ismu ficil ah ama crucify oo fical ah. Crucify waxa uu macneeda aas’aasigaa yahay dilis qof la dilo iyadoo lagu musbaariyo ama lagu xiro mucatab “To put (a person) to death by nailing or binding to a cross.”

    Hadaba qofka waxa la oran karaa waa la saliibiyey (one was crucified) marka labo shardi ay kulmaan. Midda koowaad. in qofka lagu musbaaro ama lagu lagu tolo mucatab dushiisa iyo marka labaad, inuu qofku ku dhinto isagoo xaaladda ku sugan. Haddii, hadaba qofku aanu ku dhiman sidaa oo isagoo nool laga soo dajiyo halka lagu musbaarey. Lama oran karo qofkaasi waa la saliibiyey lakiin waxaa la oran karaa inuu ka samato baxay saliibin (that he or she survived crucifixion).

    Intaa markeynu isla garano waxan jeclaan lagaa sida ay Muslimiintu u fahamsan yihiin isku dayga ay gaaladu isku dayeen dilisna nabi Ciise (nabadgalyo iyo naxariisi dushiisa ha ahaatee). Arragriyada ku yimid ijtihaadka culumada qaarkeed waaa seddex arragti middood haba lagu kala badnaadee:

    1. substitution theory oo qabta ruux oo loo ekeeysiiyey Nabi Ciise in badalkiisa la saliibiyey (another person thought to be Jesus was crucified in his place),
    2. Ascension theory oo qabta in Nabiga intaanba la qaban oo loo tashanayey inuu Ilaahey samada ula kacay.
    3. Survival theory oo qabta in nabiga la saarey mucatabka balse Ilaahey ku badbadiyey xaaladda la galiyey kaddib markii Ilaahey ugu ekeysiiyey caddoowga in Nabigu ay naftu deeysay oo dabadeed sidaa ugu ogolaadeen ehelkiisu ineey qaatan oo aastaan. Kaddib markii caddowgu ka war helay inuu Ilaaheey ka badbaaday saliibintii ayuu Ilaahey ula kacay nabiga xagga samada.

    Ra’yigaa danbe ayaa haddaba la sheegaa inuu Alaha u naxariistee Axmed Deedaat qabay inkastoo aanan anigu arkin meel cad oo uu sidaa ku leeyahay. Balse sida aan ka dhadhansaday doodihiisa cajiibka lahaa intooda badan oo aan daawadey, Axmed Deedaat waxa nuxurka doodiisu salka ku hayay inaanu Nabigu ku dhiman mucatabka dushiisa. Ra’yiga la sheego inuu Sheekhu qabayna wax ku jabini ma jiraan bacdamaa aanu khilaafsaneey guud ahaan quraanka gaar ahaan aayada (4:157) oo u qoran sida tan:

    وَقَوْلِهِمْ إِنَّا قَتَلْنَا الْمَسِيحَ عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ رَسُولَ اللَّهِ وَمَا قَتَلُوهُ وَمَا صَلَبُوهُ وَلَٰكِنْ شُبِّهَ لَهُمْ ۚ وَإِنَّ الَّذِينَ اخْتَلَفُوا فِيهِ لَفِي شَكٍّ مِنْهُ ۚ مَا لَهُمْ بِهِ مِنْ عِلْمٍ إِلَّا اتِّبَاعَ الظَّنِّ ۚ وَمَا قَتَلُوهُ يَقِينًا

    Afka Ingiriiska sida uu turjumay Sheekh Abdullaahi Yusuf Cali (Ileeheey ha u naxariistee) waa ay sida tan:

    That they said (in boast), “We killed Christ Jesus the son of Mary, the Messenger of Allah”;― but they killed him not, nor crucified him, but so it was made to appear to them and those who differ therein are full of doubts, with no (certain) knowledge, but only conjecture to follow, for of a surety they killed him not.―

    Wa Billaahi Towfiiq

  10. Nimanka meeshaan wax ku qora waa niman aan aqoon badan iyo karti laheeyn laakiin waxa eey ku takhasuseen afsomaliga iyo kala jab jabinta umada islaamka ah waxaa ka baxsan waayay umadii islaamka kuwa dhintay iyo kuwa noolba bal maxeey ka faganayaan khaladaad aan jirinba xitaa hadeey jiraan soo ma aha in laga shaqeeyo maslaxada iyo wanaaga dadka noociina oo kale ayaa islaamka dadka nacsiinayo ilaahay ka baqa oo galaaa u shaqeeysaan ayaan u maleenayaa ee dhibta ka daaya umada muslimka aad u soo shaqa tagteen

  11. moha says:

    the debate is about crusification and the shiekh is against to the strongest that ciisaa radiyallaahu canhu was put into the cross, i don’t see how this proves sheikh deedaat was for that idea. walaalayaalow wadaadka waadintay marnaba meshaankumacado asooleh nabi ciisaa lasalibay , marka iska ilaaliya khaladkaanookale.

  12. Young Deedat says:

    ASC. Dear brother please make sure you understand before aadan wax dhihin. Sheikh deedat was giving lectures and have dialogs with non-Muslims more than 60yrs. He never came across such a thing. People make mistakes i can understand that. Delete this article before it gets you and the rest of your followers in to deep Dambi. The sheikh always uses their bible in order them to see that they are wrong after that he use the Kalamullah (Quran). Listen careful and always remember that a language which is not your mother tongue could sometimes get you confused. Always remember the sheikh is in the otherside of the world (Akhira) May Allah swt have mercy on him and on us. Walaahi we are weak and we are quick to judge. I am not here to make you look stupid or an idiot. We are all humans and human being was born to make mistakes. Lets ask Allah to 4gives us. Allahuma Amin.
    Asalaamu C/kum W/tulaahi W/barakaatu.

  13. Caaqil says:

    Asalaamu calaykum.

    Kheyr Allaha siiyo walaalaha Baraarugga Islaamka. Ma filayo in dad badan fahmeen waxa walaaluhu ka hadlayaan! Walaaluhu waa sheegeen in daaci Axmed Deedat diidan yahay in Nabi Ciise la salbiyey ama la dilay. Laakiin si doodaha Axmed Deedat laga fahmayo ma diidana ama isagaaba afka u gelinaya Kiristaanka inay aaminaan in Nabi Ciise (CS) lagu salbiyey geed laakiin uusan dhiman! Waa arrintaas darteed wuxuu usoo qaadanayo dadkii Filibiin u dhashay ee is salbiyey lakaiin aan ku dhiman! Sidoo kale wuxuu afka u gelinayaa in Kiristaanku aamtno in Nabi Ciise (CS) intii la dhihi lahaa si xaqiiqo ah buu u dhintay loo fasiro inuu sidii Nabi Aadam (CS) dambaayey oo dhimashadu tahay “spiritual dheath”! Islaamku ma sheegin wax dambi ah oo Nabi Ciise (CS) galay! Kiristaankuna ma qabaan wax dambi ah oo Ciise (CS) galay?

    Horay walaaluhu u sheegeen in waxa ka soo horjeeda Islaamka ee Baybalku sheegayo la tuurayo! Qofkii sheegaya waa inuu ku dhaho waa khalad waxa idiin qoran. Laakiin macquul ma aha in wax xitaa Kiristaanku aysan inuu daaci Axmed Deedat ka soo dhambasho in la yiraahdo: intii la dhihi lahaa Nabi Ciisaa (CS) si xaqiiqo ah u dhintay la dhaho waxaa dhici karta inuu dambaabay sidii Nabi Aadam(CS) oo kale.

    Waxay kaloo walaaluhu sheegeen oo filimka ka muuqata Axmed Deedat oo aamisan inaan Nabi Ciise soo nooleyn dad dhintay isagoo ku cilleeyey hadday arrintaasi dhici lahayd in maanta dadkaasi nala joogi lahaayeen! Wuxuu ku fasiray in waxa uu ku sameeyey Lazarus (ninka Kiritaanku dhahaan waxaa soo nooleeyey Ciise (CS) nin suuxsan! Arrinta daaci Axmed Deedat sheegayo waa ka soo horjeedda Islaamka iyo Kiristaankaba! Islaamku wuxuu sheegay in Nabi Ciise (CS) la siiyey Mucjiso ah inuu wax soo nooleeyo! Ma naqaan ciddii soo nooleeyey laakiin walaaluhu waxay soo qaateen DALIIL kale oo u dhacay Nabi Muuse (CS). Waa qisadii arrinta caanka ahay ee reer Banii Israa’iil la yiri sacii qala! Ma jirto cid isku khilaaftay in labada Aayadood ee ka dambeysa Aayadaha ka hadlaya Sacaas ku timid nin dhintay oo la soo nooleeyey!

    Maxaa naga khaldan?

    Ma waxaad rabtaan in khaladka ducaadda sidiisa looga tago? SUBXAANAHALLAAH! Mise waxaad maqasheen waxbaa la raddiyaa? Marka sheekha Allaha u naxariistee maaddaama uusan aqoon durugsan u lahayn diinta Islaamka sida Axmed Deedat laftiisu qirtay waa la saxayaa! Ugu dambeyn walaaluhu waa sheegeen in sheekha loo rajeynayo in dad badan Ilaahay ku soo muslimiyey gacantiisa!

    Haddaydaan aqoon waxa laga hadlayo meel iska fariista.

  14. Somali Salafi says:

    Asc wr wb
    -
    Ikhwaani Sheekh Deedat ma qabo arinta aad u tiriseen
    Markasta u ka hadlayo Salbinta Nabi Ciise cs wuxu so qaata
    Suratul Nisaa, ayada 157
    -
    وَقَوْلِهِمْ إِنَّا قَتَلْنَا الْمَسِيحَ عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ رَسُولَ اللَّهِ وَمَا قَتَلُوهُ وَمَا صَلَبُوهُ وَلَٰكِن شُبِّهَ لَهُمْ ۚ وَإِنَّ الَّذِينَ اخْتَلَفُوا فِيهِ لَفِي شَكٍّ مِّنْهُ ۚ مَا لَهُم بِهِ مِنْ عِلْمٍ إِلَّا اتِّبَاعَ الظَّنِّ ۚ وَمَا قَتَلُوهُ يَقِينًا
    -
    That they said (in boast), “We killed Christ Jesus the son of Mary, the Messenger of Allah”;- but they killed him not, nor crucified him, but so it was made to appear to them, and those who differ therein are full of doubts, with no (certain) knowledge, but only conjecture to follow, for of a surety they killed him not
    -
    Cajaalkan hoose ka daawo wuxu shekha qabo
    Isaga o aayadan so qadana markey daqiiqada tahay 2:00 ila dhamaanta
    Waa cajalad soconeysa 9 daqiiqo
    http://www.youtube.com/watch?v=lNpIYB7wWSg&feature=related
    -
    Ikhwaano dhowr video o kale o arintaan caden u ah
    Waan idin keni kara hadaad u baahataan

  15. Abu Abdalah says:

    You guys need to stop playing with the religion and stop bad mouthing the scholars first the Somali sheikhs now the English dead ones who is next, al albani, uthaymeen, IBn baz, and so forth and so on, then you will reach the sahabah then even the prophet. Fear Allah guys anyone with the smallest senses can understand your full of it.

  16. Rashd says:

    Maxeytahay xigmada kujirto in ahmad didad khaladkisa xiligan lashego? Galada ha arkan inu ninkan jahilyahay miyadkawadan midedakale axmad diidad markulaha cilmigeyga wa yaryahay wuxu kutusirabay in cilmigu usan damadlahayn lakin ninkas dinta aqon ayu ulaha khasatan quranka iyo tarikhda sida sh.cumarfaruq ayu aha dad badan oo caamo ubadan aya iskadadiciyay inu shekhu waxwalbo aqon ulaha marku laha aqonteyda mabadna dadka ayu tusayey in cilmigu usan daman nabi muxamad ayaba yiri (wamautitu milal cilmi ilaqalilan) marka xagujoga sh.didan sheku aayadas ayu qalbiga kuhayey marku laha cilmigeygo wa yaryahay markad kucebeyso ninyiri aqonteyda diinta wa yartahay waxa kadalan inad nabimuxamadna sidas oo kale kucebeyso hadakahor ayu nin christan ah oo sh.didan ladodayo aayadas sodalishaday asago nabimuxamad kushegayo jahil so brothers avoid washing the dirty linient of the shekhs in public

  17. Rashd says:

    Galada markey websitka ku arkan sh.didat sawirkisa waxey iskudayayan iney ogadan waxa lagashegayo ilen aqon ayey uleyihin ninkan

  18. bicolo says:

    ahmed didat haduu wanagsan yahay naftisa u nar ka bad badiyay hadu xumana naftisa un ba la weydinayaa in qof u xukumo qof kale waa ku gaf makra kuwa nool oo dhiag walalahood islamka dadianyo o dhigoda islamka banestay o in is qarxiyaan cadestay yaa uga digaaayo qatarta ay naftosa ku sugan tahay rabiywo kuwaas bad baadi

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS