Maalmihii Madoobaa Ee Idaacadaha Muqdisho (Maqaal)

MAQAL:- Aqristoow miyaad isweydiisay xaqiiqda warar Bilihii ugu Danbeeyay isasoo tarayay oo warbaahinta Soomaalida ay kudaabaceen Mareegahooda,idaacadaha Muqdisho in badan oo kamid ahna ay kasii daayeen FM-yadooda Qiimaha Shidaalka kubaxaya laga bixiyo Xarunta Xalane ee Gobalka Banaadir.

Marka laga Hadlayo Jiritaanka War Dhab ah oo aad ugudbinayso Dhageestahaaga Ama Aqristaha kugu taxan waxaa lama huraan ah inaad kukasban kartid sheegida isha warka aad kasoo xigatay iyo karun sheegida Dhacdada aad kahadlaysid.

Saxafiyiinta Soomaalida oo kushaqeeya Daruufo adag ayaa Naftooda ubiimeeyay inay kashaqeeyaan idaacadaha Muqdisho oo Milkiilayaasha idaacaduhu Badankooda ay kumaqanyihiin Wadamada Qurbaha.

Saxafiyiinta kahowlgala idaacadaha Magaalada Muqdisho  waxaa xaqiiqo ah intooda badan inaysan war uhaynin miisaaniyada kubaxaysa idaacada Sanadkii iyo sida lagu maareeyo lacago adag oo laga qaato Hayaddo ,ururo,iyo Dowladdo aysan garan Karin.

Idaacadaha haatan Muqdisho  laga dhagaysto waxa ay kor udhaafayaan 20 idaacadooda.idilkoodana waxa ay leeyihiin Mareego wararkooda ay kusii gaarsiiyaan Soomaalida Qurba Joogta ah.

Sidee bay ushaqeeyaan idaacadahaasi

 

Idaacadaha Muqdish in ku dhaw 20 saac ayay hawada kujiraan,waxyaabaha ay afuufaan marka aad dhagaysato waxaa kuu soo baxaya inaadan waxba kafaaideyn waayo waa isku masdaaqiyad,waxaana kaaga filan labaatankooda inaad mid kamid ah aad kadhagaysato.

Sidee ugu kaaftoomay Dhagaysiga idaacadaha Kale

Dalka Soomaaliya sida aad lasocotaan waxaa kaholcaya Dagaallo udhaxeeyay Jabhado kala duwan oo ay kujiraan shisheeye kayimid Wadamo Badan oo dhaca Qaarada aynu kunolnahay ee Africa.

Qolyaha isku haysto Soomaaliya waxaa ay sheegteen magacyo iyagu loogu yeero.

Tusaale:

Dowladda kudhisan taageerada Qaramada Midoobay waxaa ay sheegteen in Dowladda KMG ay yihiin islamarkaana ay Dowladd kayihiin Wadanka Soomaaliya.

Dowladda Tan waxaa hogaamiye u ah Shariif Sheekh Axmad,mana kataliso Hal Gobal, Soomaaliya oo dhan warkeeda iska Daa Hadana waxaa loogu yeeraa Dowladda Soomaaliya.

Idaacaduhuna magacaasi si buuxda ayay ugu fududuutay in Wararkooda ay kucelceliyaan.

Ciidamo kasocda Dalalka Ugaandha,Burundi.Kenya.Seariliyon,Jabuuti ayaa Soomaaliya kusugan, waxaana loogu yeeraa Magaca ay sheegteen oo ah Amissom.idaacaduhu waa ay yiraahdaan marka laga reebo idaacada Andulus oo afka xarakada Mujaahidiinta Alshabaab kuhadasha.iyo idaacada Al-furqaan oo ah idaacad ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed sida madaxdooda warbaahinta ay usheegeen.

Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ah urur kataliya dhul kabaaxad weyn kuwa aynu sheegnay,waxaa ay labaxeen xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Magacaasi miyay sheegaan idaacadaha Muqdisho? jawaabtu waa maya

Waxaana sidaasi ay kuweynayaan Dhageestayaal ama aqristayaal  badan oo shabaabka Taageero u ahaa  kuwaasi oo kusugan Gudaha Dalka iyo Dibadiisa.

Hardanka Dagaal iyo Loolanka siyaasadeed ee kajira Muqdisho iyo Gobalada koonfureed idaacaduhu isku si uma wajahaan,waxaana ay soo xigtaan Hal dhinac oo ah Dowladda KMG iyo Amisom Taasina waxay  dhaawac kutahay Dhaxdhaxaadnimada ay sheegteen.

Dabayaaqadii Sanadkii Tagay waxaan maqlay khabar ahaa in Muqdisho Gaar ahaan Xarunta Xalane ay kasoo dageen qubaro kutaqasusay Saxaafada iyo Siyaasada kuwaasi oo uudhashay Maraykanka iyo Faransiiska.

Rag saxafiyiin ah Soomaaliyeed ah ayaa xiligaasi ii sheegay in ragaasi ay uyeereen qaar kamid ah idaacadaha Muqdisho, iyagoo usheegay in lacago adag lasiin doono islamarkaana ay lashaqeeyaan warar loo diyaarin doono codadkooda,islamarkaana iyagu ay falanqeyn doonaan Waxa aynu niraahno Faafaahinta.

Su’aal ayaan wariyihii weydiiyay taasi oo ahayd miyay umadax banaan yihiin warka hanaanka loo suugaynayo ama loo taxliilanayo?

Maya qodobada ladoonayo in warka lagu soo hadalqaado ayaa wariyayaasha  lasiinayaa ayuu iigu warceliyay.

Xiligaasi idaacado laba ah oo xiligaan Muqdisho kahowlgala lana yiraahdo Kulmiye,iyo Shabelle ayaa ayiday qorshahaasi qalinkana kuduugay heshiis ah in warar been ah laga baahiyo goobaha ay joogaan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Sifudud uma rumaysan wariyaha warka ii sheegay,waxaana raad raac iyo baaritaan kusameeyey warka dhagahayga kusoo dhibcay ee ah heshiiska ay wadagaareen Labada Warbaahin iyo saraakiisha fadhigoodu yahay Xalane ee kasocda Dowladdaha Maraykanka iyo Faransiiska.

Yaanan Hadalka kusii dheeraan ee aan gudaha ugalo Warbixinta.

waxaana ogaaday in warka la iisheegay uu jiro,Durbana waxaan dhagta uraariciyay dhagaysiga warka Subax mid kamid ah idaacadaha Heshiiska galay.

warka ugu horeeyo ayuu ahaa, dhageestayaashuna way sugaan oo waa ay ufurfurcoon yihiin, laakin maxay kugu taalaa warka ayaa igu noqday war Been abuur ah oo laga sheegay Dagmo aan kusugnaa.

Warkaasi waxa uu ahaa shabaab oo layiri, laba nin ayay qoorta kaga jareen Duleedka  Dagmada Afgoye.

Islamaalintaasi Habeenkeeda waxaan dhagaystay idaacad hartay ee iyana qandaraaska kujirtay, iyana waxa ay sheegtay in Xarakada Al-shabaab ay dhac ugayteen Geel ay leeyihiin Dad kudhaqan Xudur.

Dagmadaasi waxaa joogay dad qaraabo ila ah, markuu warka idlaaday ayaan wacay, waxaana la ii sheegay in warkaasi uu sal iyo raad toona lahayn.

Sheekadu waxa ay iigu cadaatay Dayax shan iyo toban ah,waxaana ogaaday inay bilaabatay Burburkii warbaahinta Soomaaliya oo maamulkeeda faraha ay kudhigeen wadamada reergalbeedka.

Xaaladu waxa ay sii socotaba , shabaabul Mujaahidiin oo Dhufeesyo adag kulahaa Muqdisho ayaa kudhawaaqay in xeelad dagaal ay kaga soo baxeen dhufeesyadii Muqdisho iyadoona Ciidamada Amisom ay isku fidiyeen dagmooyinka Muqdisho.

Muqdisho marxalad kale ayay gashay, ogowna waxaa wali taagan oo dagaalo gali kara ciidamadii laba sano in kabadan Muqdisho ku horfadhiyay shisheeyaha.

Tirada Idaacadaha Muqdisho waa ay sii bateen,waxaana sii kordhay munkarka ay faafinayaan iyagoona waji Cusub lasoo baxay.

Idaacado badan oo dhawaan lafuray ayaa qaatay Qandaraaskii lagaga horeeyay, iyagoo kaga dheereeyay Beenta laga baahinayo xarakada iyo shacabka kudhaqan wilaayaatka Soomaaliya.

Idaacadaha iminka sida tooska ula shaqeeyo Maraykanka waxaa kamid ah idaacada Risaala,Dalsan.iyo kuwa kale oo la ii sheegay laakin aan baaritaano kuwada marka aan soo cadeeyana aan usoo gudbinayo aqristayaasha.

Shabaab iyo Beeralay ayaa dagaal uu dhexmaray,diyaarado ayaa duqayn kudilay hebal hebal oo madaxda shabaab katirsan,Kenya oo kismayo laba Kiilo Mitir ujirta, Alshabaab oo cabsi darteed uga baxay Dagmo Hebal,Saraakiil badan oo alshabaab kasoo goostay,iyo warar kale oo aan lasoo koobi Karin iminka waxaa afuufay inta badan idaacadaha Muqdisho.

Wararkaan iyo kuwa kale oo aad maqli doonto ma uusan usoo dirin wariye ay kuleeyihiin Halka laga hadlayo,warka Gudihiisana laguma xusin Codka goobjooge Meel Hebel jooga,

Talo

Xiligaan lajoogo aduunka waa uu hormaray marka loo eego Qalabka isgaarsiineed ee la adeegsado.waxaana Hubaal ah in Tuulada Ama Magaalada aad beenta kasheegayso inay kusuganyihiin Shacab Soomaaliyeed oo wax laga weydiinayo warka kabaxay idaacadaada ama Webkaada.

Wariyayaasha oo aan anigu kamid ahay waxaan kuleeyahay iska daaya Beentu waa Xaaraan ,dhaawacaysa Sharaftiina, Danbina aad kumutaysanaysaan sheegisteeda.

Yuusun idiin sirin Nin Yurub ama Maraykanka kusugan oo aanan kala jecleyn cida sharafteeda iyo nafteeda kuhaligayso Wadanka Soomaaliya,waxaana isagu in adiga lagu dilo kala weyn qalabka ushidan ee aad utaay mishiinka wadayay.

Gunaanadkii

Aqristaha Waqtiga qaaliga  ah kubixiyay warbixintaan Bal adigana  isweydii Dabagalna kusamee waxyaabaha aan kahadlay, waxaana kuu soo bixi doono xaqiiqda rasmiga ah oo ay kushaqeeyaan saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo kuwa Caalamka.

wq/wariye saalax Gurey

 

 

 

7 Responses

  1. dhiblawe says:

    Shuran,wan aragna benta ey wadan

  2. salwa says:

    mashaallah akhi salax runta ayat tabatay anigu inbadan ban arkay balayadas labuufinayo oo wax kajirin xataa website yada kamid ah waxa been abuurka fafiyo lakin xaqiiqda way unsoo bixi may ogo taas, ilahay haka ajar siiyo

  3. mujahid in yemen says:

    Jazakallah akhii saax guure,

  4. Salaxow walle benkama adan shegin hadalkaaga aniga hada wadanka kuma sugni lkn dhaman wan ogahay idacadaha muqdisho lkn inta aynolyihin walalaha adiguba ad kamidtahay ayaa naga shafiyo benta idacadahas iyo webkodaba alle waxan kabaryaa in u idinku sugu xaqa shegidisa iyo walalaha kale e kashaqeya idacadaha ama webyada islamiga alndalus iyo alfurqan walle ilahay xaqsore weye xili lo bahna rag naga shafiya benta axmaqyada afkena hoyo kuhadla o an wadaniyad nimo xitaa anan kujirn qalbigoda alle swt waxan idinkaga baryaa cumrigina inuu idin barakeyo aamiin aamiin

  5. kkkk waa wax laguqoslo maxaayeelay been ayey sheegaayaan meesha ey warbixinta kasheegaayaan qofna imajoogto ayaa ledahay afayeenkiina abuu muscab meel uusan wiligiis tagin ama udhaween wax warbixin kasiihaayo joogin ayuu dhahaa marwalbo sidaas ayaa dhacday intaas ayaa dhaawac ah intaas waa ladilay intaas o baabuus ah waa lagubay su.asha waa yaa ugadhexwaramo ciidamada gaalo dhexdooda asaga maa joogo wariye maa ujoogo runloow miyaa walaalayaal been hadii layirahaado cid alshabaab kabeenbadan malahan wariye madax walaaaa ciiidan iyo wixii taageersan e hanoqonine ri bireesan o ri dooxan kuqososhay dad inee qalaan alshabaab isweediis malahan e umada xagxagashada kadaaya

  6. daadireey says:

    somalimidnimo adinka been sheegtaan muqdisho nabad ah oon hada ku noolahay dhahdaan dagaal madaafiic kadhacday muqdisho hada jidkii nabada qaadatay aad mar hore shabab laga xoreeyay nabad ah dhahdaan dagaal ka dhacay qof in bistoolad ku dishaa waa dhacdaa lakiin dagaal ma ka sameen kartaan qof kasta og waxaas iska cadahay

  7. Kamadaale Dareenka Dadkiisa says:

    To daadufoow,

    Adoonku ma fahmo, waxna ma arko illaa qofka iskalehvwax tuso ama u sheego! Muqdisho wa lagula jooga, waxa ka dhacayana waa lookeeda marka adiga sayidkaaga amisom baad ka sugta warlka jaallow.

    Caqli xumada adoonimada cadeyn u ah waa inaad ku hadaaqeydo nin gaala qabsadey, ninkii lahaana waa laga xoreeyey!!! Halka waxa iiga cad inaadan muqdisho joogine, kuwa kufriga luflufta tahay.

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS