
Ilaah baa mahad leh. Ammaan iyo Nabadgelyo ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa. Akhristayaal xubnnaha Golaha Baraarugga Islaamka ee qurbaha jooga marna mey hilmaamiin inay Masiixiyiinta iyo kuwa aan waxwaba aaminsaneyn u caddeeyaan Islaamka! Qolyo Masiixiyiin ah waxay si toos ah ugu dhaheen xubnno ka mid ah Golaha Baraarugga: idinkoo kale maannu arag! Waad na dhibteen!
Qaabka Golaha Baraaruggu ula Dooddo Masiixiyiinta iyo kuwa aan waxwaba aaminsaneyn!
Horta Dooddayada waxaan ku saleynnaa Islaamka iyo waxa culumada Muslimiinta ah ka dhaheen Baybalka iyo Kiristaanka! Waxaan ka faa’iideysannaa ducaad ku xeel dheer is-barbar-dhigga diimaha sida Allaha u naxariistee Axmed Deedaat iyo Zakir Naik! Mar mar, mas’alooyin ay ku khaldameen ducaaddaas, baan u isticmaalnnaa siday iyagu u isticmaalaan ka fiican! Soow meynnu maqlin Fuqaho inta ka dhageystaan Axaadiis rag ka mid ah Muxadithiinta dabadeedna ka dhaliya Fiqi iyo mas’alooyin ay ka faa’iideystaan Muxadathiinta laftoodu? Gadaal ka akhri tusaalooyin ka mid ah arrintas! Culumada Islamaku waxay dhaheen arrinta Baybalka waa seddex qeybood:
1- Qeyb Islaamku qiray.
2- Qeyb Islaamku diiday.
3-Qeybna si toos ah ugama hadlin Islaamku.
Markaan la doodeynno Masiixiyiinta; dhibta ugu daran waxaan ku qabnnaa caamada Muslimiinta iyo kuwa Salafiyiin sheegta oo Salafiya Jadiidiyaha ah! Markay waxay sheegaan waayaan bay dhahaan: maxaa idinkoo Qur’aanka iyo Sunadda heysta uga hadleysaan Baybalka?! Waa hadal sax ah ooy ku diidayaan sidaan wax u wadnno. Ma fahmayaan saan wax u maareyneynno!
Xaqiiqdii, markaan Baybalka ka hadleynno waxaan xoogga saarnnaa arrimaha Islaamku caddeeyey ama diiday! Waa waxaan hubnno! Annagoo kiristaankii kula hadleynna luuqad ay fahmayaan baan haddana waxaan ka hadleynno ku saleynnaa Islaamka! Waa sidii Imaamu Cali (RC) laga sheego: dadka kula hadla waxay fahmayaan. Tusaale ahaan waxaan isticmaalnaa qoraal ku qoran Baybalka oo leh: Ilaah baa Malag u diray Maryan si ay u uureysato Ciise (CS). Annagu arrintan Islaamkaan ka ogaannay. Aanba say qoreen u dhahnnee waa arrin Islaam ah waxaan ka hadleynno!
Dhallinyarada Salafiya Jadiidiya waxay nagu dhahaan: sida Qur’aanku u hadlo u dhaha! Waxaan dhahnnaa waa saxe; waxay na dhahaan: ma rumeysin Qur’aan! Marka maxaa ku jaban haddaan isticmaalnno arrin aan isla ogolnnahay?
قُلْ يٰأَهْلَ ٱلْكِتَابِ تَعَالَوْاْ إِلَىٰ كَلِمَةٍ سَوَآءٍ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ أَلاَّ نَعْبُدَ إِلاَّ ٱللَّهَ وَلاَ نُشْرِكَ بِهِ شَيْئاً وَلاَ يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضاً أَرْبَاباً مِّن دُونِ ٱللَّهِ فَإِن تَوَلَّوْاْ فَقُولُواْ ٱشْهَدُواْ بِأَنَّا مُسْلِمُونَ
Waxaan dhallinta Salifiya Jadiidah fahansiin weynnay inaan Aayaddaas gaarkeeda ku warwareegeyso laakiin ma fahmayaan dantayada! Waxay nagu noqdeen sidii ninkii Acraabiga ahaa ee fahmi waayey Mucaad (RC):
عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ الله عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لِرَجُلٍ: “مَا تَقُولُ فِي الصَّلَاةِ؟” قَالَ: أَتَشَهَّدُ ثُمَّ أَسْأَلُ اللَّهَ الْجَنَّةَ وَأَعُوذُ بِهِ مِنْ النَّارِ أَمَا وَاللَّهِ مَا أُحْسِنُ دَنْدَنَتَكَ وَلَا دَنْدَنَةَ مُعَاذٍ، فَقَالَ: “حَوْلَهَا نُدَنْدِنُ” أخرجه أبو داود
Sideen Ducaadda ku Xeeldheer Barbardhigga Diimaha u Horumarinnaa Xiwaarkooda?
Waxaa jirta in Allaha u naxariistee Axmed Deedaat iyo Zakir Naik ku khaldameen waxay ugu yeereen aayad ee ku jirta Baybalka:
For as Jonah was three days and three nights in the belly of a huge fish, so the Son of Man will be three days and three nights in the heart of the earth. Matthew 12:40.
“Sida Yuunis (CS) uu seddex maalmood iyo seddex habayn ugu jiray caloosha kalluun/nibiri, sidoo kale baa Ina Dad (Ina Aadam) uu seddex maalmood iyo seddex habayn ahaan doonaa dhulka bartankiisa. Mattew 12:40
Axmed Deedat wuxuu qabaa, Dr Zakir Naikna ku raacay, ogaantayo, in Nabi Ciise (CS) la dhaawacay (la salbiyey) oo isagoo dhaawac ah la gashay god oo halkaas ku jiray seddex beri! Labada daaci si dadban bay u caawinayaan Kiristaanka! Laakiin wuxuu Ilaahay Qaddaray in tobonneeyo sano ka hor, xubnno ka mid ah Golaha Baraarugga Islaamku, si kale u dhigeen arrintaas! Ogaalkayo, maannu arag cid nooga horreysay oo qisadaas inta ka wareejiso shabahaadda Kiristaanku ku shabahayaan inay u dhacday Nabi Ciise (CS) u wareejisa nabi Muxamed (SCW)! Annagu waxaannu sheegnnay in cidda ay waxay aayadda ku sheegeen ka warrameyso ee godka ku jiray seddex maalmood iyo seddex habeyn ahaa Nabi Muxamed (CS). Haddaba haddii lagu qanco sidaan wax ula soo baxnnay, waa in arrintaas la faafiyo maaddaama ay ka habboon tahay sida labada daaci u maqashiyeen balaayiin qof! Labada daaci waa dad caan ah oo Muslimiinta Aasiya ku nool marka laga reebo Carabta, iyo kuwa qurbaha jooga ku xiran yihiin muxaadarooyinkooda!
Saan horay horay idinku sheegnnay waxaan wax ku saleynnay Islaamka. Kaddibna waxaan isticmaalnnaa oo ku raddinaa waxa u qoran Kiristaanka! Waxaan ka faa’iideysannaa cidda arrimahaas ku xeel dheer sida labada daaci. Nabi Yuunis (CS) ooy Jonah u yaqaannaan ma ka hadlay Nabi Muxamed (SCW)? Shaki noogama jiro maxaa yeelay Allaah baa leh:
وَإِذْ أَخَذَ ٱللَّهُ مِيثَاقَ ٱلنَّبِيِّيْنَ لَمَآ آتَيْتُكُم مِّن كِتَابٍ وَحِكْمَةٍ ثُمَّ جَآءَكُمْ رَسُولٌ مُّصَدِّقٌ لِّمَا مَعَكُمْ لَتُؤْمِنُنَّ بِهِ وَلَتَنصُرُنَّهُ قَالَ أَأَقْرَرْتُمْ وَأَخَذْتُمْ عَلَىٰ ذٰلِكُمْ إِصْرِي قَالُوۤاْ أَقْرَرْنَا قَالَ فَٱشْهَدُواْ وَأَنَاْ مَعَكُمْ مِّنَ ٱلشَّاهِدِينَ
Ibnu Jariir (AUN) markuu fasiray Aayadan wuxuu leeyahay:
حدثنا مـحمد بن الـحسين، قال: ثنا أحمد بن الـمفضل، قال: ثنا أسبـاط، عن السديّ: { وَإِذْ أَخَذَ ٱللَّهُ مِيثَـٰقَ ٱلنَّبِيِّيْنَ لَمَا ءاتَيْتُكُم مّن كِتَـٰبٍ وَحِكْمَةٍ }… الآية. قال: لـم يبعث الله عزّ وجلّ نبـياً قط من لدن نوح إلا أخذ ميثاقه: لـيؤمننّ بـمـحمد، ولـينصرنه إن خرج وهو حيّ، وإلا أخذ علـى قومه أن يؤمنوا به، ولـينصرنه إن خرج وهم أحياء.
Sidoo kale sida Qur’aanku sheegayo Nabi Ciise (CS) oo ugu xigay Nabiyaasha waa u sheegay reer Banuu Israa’iil:
وَإِذْ قَالَ عِيسَى ٱبْنُ مَرْيَمَ يٰبَنِي إِسْرَائِيلَ إِنِّي رَسُولُ ٱللَّهِ إِلَيْكُم مُّصَدِّقاً لِّمَا بَيْنَ يَدَيَّ مِنَ ٱلتَّوْرَاةِ وَمُبَشِّراً بِرَسُولٍ يَأْتِي مِن بَعْدِي ٱسْمُهُ أَحْمَدُ فَلَمَّا جَاءَهُم بِٱلْبَيِّنَاتِ قَالُواْ هَـٰذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ
Sidaan soo sheegnnay Axmed Deedat wuxuu qabaa in Nabi Ciise (CS) la salbiyey oo looga tagay dhimasho! Marka isagoon dhiman bay god gasheen laakiin waa noolaa marka godka la galinayo! Horta hadalka daaci Axmed Deedat wuxuu ka hor imaanaya Qur’aanka oo caddeeyey inaan la salbin:
وَقَوْلِهِمْ إِنَّا قَتَلْنَا ٱلْمَسِيحَ عِيسَى ٱبْنَ مَرْيَمَ رَسُولَ ٱللَّهِ وَمَا قَتَلُوهُ وَمَا صَلَبُوهُ وَلَـٰكِن شُبِّهَ لَهُمْ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ ٱخْتَلَفُواْ فِيهِ لَفِي شَكٍّ مِّنْهُ مَا لَهُمْ بِهِ مِنْ عِلْمٍ إِلاَّ ٱتِّبَاعَ ٱلظَّنِّ وَمَا قَتَلُوهُ يَقِيناً
Hadalka Axmed Deedat (AUN) ee ah in Nabi Ciise (CS) dhimasho looga tagay waxaa kaloo diidaya Baybalka hadda u qoran Masiixiyiinta:
Who in the days of his flesh, when he had offered up prayers and supplications with strong crying and tears to him that was able to save him from death, and was heard in that he feared. Hebrews 5:7
But God raised him from the dead, freeing him from the agony of death, because it was impossible for death to keep its hold on him. Acts 2:24.
Labadaas qoraal ee Baybalka Cahdiga Cusub bay ku caddahay in saacadihiisii u dambeeyey Nabi Ciise (CS) Ilaahay isu dulleeyey oo ooyey kaddibna Ilaah badbaadiyey (save him from death). Marka sida kiristaanku qabaan, daaci Axmed Deedatna rumeysnaa in la salbiyey laakiin uusan dhiman; waxaa diidaya isla Baybalka oo yiri “freeing him from the agony”!
Qaamuuska Oxford Advanced Learner’s wuxuu “agony” u dhigay sidan: agony = extreme physical or mental pain! Marka qof qodxo masiimaar oo kale ah lagu salbiyey oo yiri: biyoow biyoow oo dhiig baxay waa qof ciqaab xun dhadhamiyey. Baybalkuna waa diiddan yahay inuuba dhitaas arkay! Waa jiraan qeybo Baybalka ka mid ah oo sheegaya in la salbiyey! Laakiin waa arrin aan sugneyn! Markay ugu yaraato, Baybalka laftiisaa cadow isku ah oo iska hor iyo gadaal imaanaya! Qeybo badan oo Baybalka ka mid ah baa laga fahmayaa inaan Nabi Ciise (CS) la dilin! Insha Allaahu mar baan xusi doonnaa.
Arrinta labada Daaci Axmed Deedat iyo Zakir Naik ku heystaan kiristaanka waa: meeday seddexda maalmood iyo seddexda habayn? Kiristaanku waxay dhahaan Ciise waxaa godka la gashay Friday evening (habaynka Sabtidu soo galayso); wuxuuna ka kacay subixii Axadda! Markaad Baybalkooda akhriso waxaad arkeysaa in subaxaas Axadda ah ay meeshay sheegayaan maran tahay! Hadday dhihi lahaayeen seddex maalmood, waxaa la oran lahaa habaynkaas Sabtidu soo geleyso iska dheh maalin, Sabtida maalinteedana maalin, xitaa Subixii Axadda oo meeshu cidla’ tahay maalin! Laakiin marka la dhaho seddex habayn iyo seddex maalmood waa khasab inay tahay 72 saacood! Kiristaanku waxay hayaan 36 saacaado – 12 saac oo habaynka Sabtidu soo galeyso, 12 saac maalinta Sabtida, iyo 12 saac oo ah habaynka Axaddu soo galayso. Subixii Axaddu meesha waa cidla’!
Runtii ciddii qortay arrintaas waa ogaayeen in laga wado Nabi Muxamed (SCW) laakiin intay lahaayeen wax qariya bay Masiixiyiintu god ku dhaceen oo xitaa xisaab ahaan bay u khaldan tahay arrinta ku saabsan Salbinta iyo Soo-nooleynta Nabi Ciise (CS). Marka haddii xisaab iyo Saynis lagugu qabsado, xaggee ka baxaysaa?
Seen ku Ogaannay in Cidda dhex gashay Caloosha Dhulka tahay Nabi Muxamed (CS)?
Sida labada daaci sheegeen, tusaalaha Baybalku soo qaatay ee ku saabsan Nabi Yuunis (Jonah) waa inuu noqdaa qof nool ileyn Nabi Yuusnis (CS) wuxuu caloosha nibiriga ku jiray isagoo nool! Meel laga maro ma leh hadalka labada daaci! Xitaa fikirka Kiristaanka ee ah Nabi Ciise (CS) waa la dilay oo isagoo meyd ah buu ku jiray caloosha dhulka ma anfaceyso! Hadda cidda tusaalahaas ku habboon waa Suubbanaha (SCW) markii isaga iyo Abu Bakar galeen Godka. Qofkii wax ka akhriyey Baybalka wuxuu ogyahay in sida Muslimiinta oo kale, Baybalku isticmaalo Sanadka dayaxa! Markay leeyihiin habaynka Jimcaha waxaa laga wadaa habaynka Jimcuhu soo galayo sida Muslimiintu u isticmaalaan! Muslimiinta hadda labada siba waa isticmaalaan!
Isweydiin ma leh in Nabi Muxamed (SCW) iyo Abu Bakar (RC) galeen oo Qur’aanka iyo Axaaddiistaa sheegay. Waxaa Ahlu Siyarku sheegeen in Nabigu (SCW) ka baxay godkaas habayn Isniin ah! Waxaa la qoraa in Isaga (SCW) iyo Abu Bakar (RC) godkaas galeen habayn Jimce soo galayey! Waa meesha kiristaanku ka dhahaan markay qisadaas ka hadlayaan “Friday Evening”! Marka Suubbanuhu wuxuu godka ku jiray seddex habayn iyo seddex maalmood – habayn Jimce soo galayo & maalin Jimcaad, habayn Sabti soo galeyso & maalin Sabti ah, iyo habayn Axad soo galeyso & maalin Axad ah! Nabigu (SCW) uma hoyan godkaas habayn Isniin ah! Ilaahay fadligi, waxaan qabnnaa in arrinta Baybalka tusaalaha u soo qaatay ee ku addaan Nabi Yuunis (CS) ay u dhacday Nabi Muxamed (SCW).
Islaamku waa ka hadlay in Nabiyaasha la amray inay rumeeyaan oo raacaan Nabiga (SCW) hadday soo gaaraan! Haddaad akhrisid Baybalka, labadiisa Cahdiba, waxaad arkeysaa qoraallo badan oo ka hadlaya Nabiga (SCW) laakiin xoogaa ay beddeleen laakiin horay baad ka fahmeysaa in Nabiga (SCW) laga wado!
Maaddaama qoraalkii nagu dheeraaday, intaas baan ku soo xireynnaa! Marka insha Allaahu arrinta qisada Yuunis (CS) waxay u dhacday Nabi Muxamed (SCW).
Maalmahan waxaa batay in markii la damco in culumo ama ducaad la saxo in la dhaho: culumadaad caayeysaan? Daaci Axmed Deedat (AUN) wuxuu qabay in Nabi Ciise (CS) la salbiyey laakiin uusan dhiman oo isagoo nool god la geshay? Waa arrin Qur’aanku diidayo! Marka intiisii khaladka ahaydna waa saxnnay; intii daacigu ku saxsanaana waa ka faa’iideysannay! Marka insha Allaahu waxaannu soo wadnnaa qubanayaal badan oo ku saabsan sida loola dooddo Masiixiyiinta iyo kuwaan waxba heysan.
F.G. Horta kuma talineynno in Baybalka la akhristo! Khaasatan qofkaan Islaamka wax ka aqoon! Dhib uma aragnno ciddii u akhrisa inay caawiso Kiristaankaas lunsan ileyn waa fiican tahay inaad taqaannid halkuu ka imaanayo qofka kula doodaya! Ogaada, cidda dhahday Nabi Yuunis (CS) wuxuu caloosha nibiriga ku jiray 3 habayn iyo 3 maalmood waa Kiristaanka! Yaan lagu dagmin cinwaanka qoraalka! Annagu waan ognahay in Yuunis (CS) galay calooshaas laakiin waqti maannu sheegin. Waxaan xusnnay in culumadu tiri: Nabi Muxamed (SCW) baa godkii ku jiray seddex habayn iyo seddex maalmood! Maaddaama Ilaahay amray Nabiyaasha oo dhan inay rumeeyaan Nabi Muxamed (CS) oo raacaan hadday soo gaaraan baan niri: tusaalahaas Nabi Yuunis (CS) ee Kiristaanku soo qaateen; hadduu jiro, waxay u dhacday Nabi Muxamed (SCW) maaddaama ay caddahay in Nabi Muxamed (SCW) god ku dhuumanayey isagoo nool! Ilaahay baa ku mahadsan, maannu arag cid nooga horreysay is-barbardhigga Nabi Muxamed (SCW) godkuu galay iyo tii Nabi Yuunis (CS) ee Kiristaanku soo qaataan!
Golaha Baraarugga Islaamka
Somalimidnimo.com












































golaha baraarugga islaamka kor culumaausuu hoos
Waxaad moodaa in aad is dhaafiseen hadalka bibleka qaybta new testmentiga waxa godka lagaliyay sadex habeen iyo saddex maalmood waa nebi ciise ee horta maaha nebi yuunis.sidaad kusoo celceliseen.nebi yuunis diintaa sheegtay inuu calool nibiri galay,hadana meel lagu diiday majirto maalmaha ay sheegeen diimihii naga horeeyay,waayo hadii aysan diinteena ka hor imaanaynin dhib malaha qaadashada taariikhdooda,laakiin waa ciise cidda ay ku wadaan dhulkaa lagaliyay saddex maalin iyo…….midaan aad tiraahdeen waa nebiga iyo abuu bakar waa tusaale fiican maashaa allaah.iskumaba fiirin hada ka hor,midba gooni ayaan u aqaanay.hadalkayga ugu dambeeya fadlan soo naqliya oo na tusa meesha axmed deedat ku qabay in ciise la salbiyay,hadii kale sidaad dadka ku dhihi jirteen ,meel saara .
Ictisam iyo masixh
Hordta golaha bararuga ad shegetan mawaxa lagu caya dadka culumada ah wayo aniga waxan modaye marka dahdeyn sheikh shibile aya kutagan mujahidinta waxan modaye waxa run ah lakin waxan ogade in ad ku ben abraneysan sawabto ah manta waxad belawdeyn benti uguweyned ahmed dedaat aya aminsana in nabi cise(cs) la salibeye. Wandabane cajaladahese odan ee namaqashi cotkisa asago dahaya waxan amin sanahay in nabi cise ladile ona asago dabac ah ba godka lagaliye waxa ogata hadkeniweysid inatihin dadka islamaka kalageynaya golau suu omartabe anan ladaheynin golaha bararuga mawaxa nadihe rabta ahmed dedaat wuxu sodire cajalad markudinte kadib aniga waxan aminsana wibsidka in uyahaye mid laguqoro runta waxana u aminsana wibsid eyleyehen dad muslimin ah lakin u maeko wayo intad sodaften culumadi somaliyed aya waxadba rabtan in nimanki difacaye dinta islamka o garsinaye melo adna edinka garikarin aya hada kuben aburaneysa waxad rabtan in ad dadka nacsisan islanimada o iskadafa sidas o hadad tixin muslimin dab ah oguyera dadka dinta e haka fijina walayal wa egadartaran
AscWrWb, Walaalaha Gob-islam Fadlan isku daya inaad keentaan caddeyn, meesha uu Sheikh Axmed Diidaat (AUN) ku yiri: Nabi Ciise cs ayaa la salbiyay, Jawaab ayaa la idinka sugaynaa insha ALLAH.
a.s.c w/w. Waxaan salaamayaa marka hore dhamaan musliminta waana uduceynaya in uu allah guusha siiyo kuwa dartiisa udiriraya walaalaha baraaruga islamka kheyr ma ogi waxkele kuma ogeen waxaana udardaarmayaa in ayna katagin xaq ayaga oo isleh wax fahamsiiya Crishtaanka caasiyey alaaha abuuray qur’aanka ayaa idinku filan daliil wax uusan kahadlin majirto wax welbo haloo celiyo qur’aanka iyo sunada ogaadana gaaladu marbey seyf ubaahantay oo hadii aadan kuwa maxadaxa adag ladirin waxba kuusocon maayaan (dacwada iyo jihadka) jazakumumulaah
Asc wr wb
-
Gob islam axmed deedat ma qabo in nabi ciise cs la salbiyay godna la galiyay
Aniga dhagaheyga ku maqlay isaga o arintaas radinaya
O leh Lama dilin lamana salbinin isaga o Quranka so xiganaya
-
Fadlan arintaas ka noqda ama wax cadeen ah keena
Sheekh deedat waa daaci kheyr badan
Ilaa iyo hadana wax gaf ah kuma arkin
walaalaha gob islam wad ku amaanantiin sida fiican ee aad u doodaysan iyo luqatu xiwarka fican bes mid ayaan arkay in aad k khaldanteen ta ku sabsan axmed diidaat iyo caqiidadiisa _maca anuu haddi ay dhab tay sdad sheegteen aydan wax dhibato ah u gaysan_
waxa fiican marka aad arrimo xasaas ah sda tan oo kale ka hadlaysaan in aad bayyino keentaan,
can’t u see now how ay uga leexdeen dadku mawduuci asalka ahaaba oo ay tacliiqiyeen inta yar ee ku sabsan axmed didat