SEEFTII SAITOTI QAADAY SAAXIIBADIISNA WEY SUGI!, Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abuu Cabduraxmaan)

بسم الله الرحمن الرحيم  وبعد

الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

 

SEEFTII SAITOTI QAADAY SAAXIIBADIISNA WEY SUGI!!!

 

Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

George Kinuthia Saitoti oo ka mid ahaa madaxyo-weyntii dowladda gumeysiga cusub ee Kenya ayaa dhawaan waxaa madaxa qaaday seeftii Alle (swt). Saitoti waxaa dad badan oo Muslimiin ah una kuur gala siyaasadda Bariga Afrika aay aaminsan yihiin inuu ahaa nin miisaan weyn ku leh siyaasadda gurracan ee lagu hayo Shucuubta Muslimiinta ah ee mandiqadda. Saitoti, wuxuu dhalasho ahaan ka soo jeeday laba qolo oo ka mid ah qowmiyadaha Kenyaanka ah laakiin uu jiro muran weyn oo dhexyaala kaas oo salka ku haya deegaan. Labada qolo waa Masai iyo Kikuya, waxa jira ismariwaa ku salaysan lahaanshaha caasimadda Kenya ee Nairobi oo qolo walba aaminsan tahay in iyadu aay deegaan ahaan leedahay, wuxuuna ahaa ninka isku hayay labadaa qolo maadaama uu labadaba farac jinsi ah ku lahaa.

Saitoti dhimashadiisu waxay mugdi weyn gelineysaa u ololeynta xoog weyn oo liddi ku ah Muslimiinta Bariga Afrika. Saitoti waxa lagu tiriyaa inuu ka mid ahaa rag yar oo fara kutiris ah oo loo yaqaan cabqariyiinta dhaqaalaha ee qaaradda Afrika, wuxuuna ka mid ahaa dadka aad loogu tixgeliyo waxa loo yaqaan East-Africanism, taasoo salka ku haysa in la helo waddammo badan dhaqan iyo dhaqaalena isugu xiran Nasaarana u nasab sheegta si mar walba muran loo geliyo aqlabiyadda dadka Muslimiinta ah ee Bariga Afrika.

Anigu waxaan ka mid ahay dadka tuhunsan in Saitoti ka mid yahay amase uu yahay gacanta weyn ee dhabarka ka riixaysay colaaddii lagu qaaday dowladda Suudaan aakhirkiina sabab u noqotay in dalka Suudaan la kala gooyo si loo xalaaleeyo sheegashada ah in aqlabiyadda waddammo badan oo ku abtirsada Nasaaro in aay gobolka ku badan yihiin. Saitoti wuxuu ka mid ahaa ragga suura geliyey in la sameeyo waddammo dhowr ah oo ku midoobay in webiga Nileka cagaaran (Blue Nile) oo aay dadka Masar aad uga faa’iideystaa la carqaladeyo iyadoo isbahaysi diimeed laakiin oo la siyaasadeeyey loo adeegsanayo. Saitoti waa ragga ka shaqeeyey mashruuca la doonayo in ciriiri xagga dhaqaalaha laga geliyo dalka Suudaan, isagoo buddhige u ahaa mashuura la yiraahdo “the Lamu Port and Lamu-Southern Sudan-Ethiopia Transport Corridor (LAPSSET).

Mashruucaasi wuxuu xididdadda u siibayaa maydaankii dhoofinta saliida ee dhexmari jirey Suudaan, wuxuuna isku xirayaa dhul aad u baaxad weyn iyo magaalooyin aay leeyihiin Suudaanta koonfureed, Itoobiya iyo Kenya. Mashruucaasoo dadka u kuurgala siyaasadda mandaqaddu aay aaminsan yihiin inuu xataa naas nuujin u yahay Uganda iyo dalka Jamhuuriyadda Koongo. Taas oo u muuqata ciyaar khatar ah oo liddi  ku ah dowladda Suudaan.

Saitoti iyo saaxiibkiis Orwe Ojode, isla markaasna ahaa gacanyarihiisa ayaa labaduba waxay qalqaalo xooggan u galeen sidii loo boobi lahaa hantida dadka Muslimiinta ah ee Soomaalida iyadoo marmarsiinyo ka dhiganaya in Soomaalidu ku lug leedahay qaraxyo dhowr ah oo is xig-xigay kana dhacay magaalooyin ka mid ah dalka Kenya, ka dib duullaankii qaawanaa ee Kenya ku qaaday dhul dad Muslimiin ahi deggan yihiin shareecadda Allena lagu xukumo, iyadoo ka masayrtay kala dambeynta iyo nabadda ka jirta.  Labadan nin oo labaduba aakhira isu raacay aana Alle uga baryayo inuu caddaabtiisa ku fogeeyo maadaama aay ku dhinteen Jaahilnimo ah inayan Alle u hoggaansaneyn ayaa waxaa laga tabi doonaa goobo badan oo shirqool Muslimiin lagu sameyn jirey, dad badanna waa ka nasan doonaan dhibkoodii iyo lugooyadii aay ku hayeen Muslimiinta Kenya iyo guud ahaanba Mandiqadda.

Waxaa xusid mudan inay isku raacsanaayeen in Soomaalidu ahayd dhibka ka jira mandiqadda, waxayna isku raaceen in aay macquul tahay in sharci loo heli karo in hantida Soomaalida la dhaco dhiiggoodana la baneysto maadaama lagu soo eedeeyey inay yihiin Mas madaxiisii yaallo Nairobi sayntiisuna taallo Muqdisho, taas oo ah farriin loo dirayo Ciidammadda Amniga Kenya oo dhaqan u leh dambi abuurid iyo dhac iyo dhammaan dadka Keenyaanka ah ee aan Muslimiinta ahayn, marmarsiinyana u noqon karta in xoolaha Soomaalidu yihiin xoolo aay mudan tahay in layska dhaco dhiigoodana layska baneysto iyadoo loo adeegsanayo sharci baas oo aay gaaladu samaysatay.

Saitoti wuxuu ahaa gacantii dhaqaajisay in dalka Soomaaliya la iska galo oo faragelin qaawan lagu sameeyo, isagoo adeegsanaya ninka aad mooddo inuusan weli qaangaarin marka uu saxaafadda la hadlayo ee la yiraahdo Maxamed Yuusuf Xaaji Faarax oo Kenya ugu magacaaban Gaashaandhigga haddana si raadgadasho ah loogu sii dhiibay booskii uu ka geeriyooday Saitoti si dambiga loogu sii badiyo dadka Soomaalida ahna loogu diro.

Guud ahaan waxaan marnaba shaki ku jirin mu’aamaraad badan iyo shirqoollo loo maleegayo ummadda Muslimiinta ah meel kastoo aay joogto Alle waa kii og mar walbana waxaa arrintu tageysaa oo aan muran lahayn tii Alle, dadka cadowga ku ah Shareecadda Alle in koonkiisa lagu soo dabaalana way dabar go’ayaan intii la doona ha qaadatee oo Allaa xukunka iska leh.

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)
Somalimidnimo.com 

6 Responses

  1. Xaji says:

    Asc to suldan garyare wad mahadsantahaye qoralkada gal unbad waxkagashegtay ama sax ha ahado waxad shegtay ama khalad intabadan kuwa webkan waxkuqoro quraladokama weyneysid aflago kadan ah somalida ama culumo ama qabailo aniga tarikhkenya ayan ka aqoda hadan waxyar kugudaro tarikh nairobi waxa iskaleh masai gikuyo waxba kumaleh nairobi lafidigeda wa eray kasojedo luqada masai mecneheduna wa (place of cold water

  2. xasan faarax says:

    ninkan garyare maqaaladiisa ma tayo badnaan jirin laakiin maqaalkan waxad moodaa ilaa xad in uu macquul yahay, waxyaabo run ahna ay ku jiraan inkastoo uu ku daray waxyaabo asaga ay latahay oo sax iyo khladba noqon kara

    inta badana waxaa uu ku qoraa maqaaladiisa waxyaabo khiyaali ah oo aan sal lahayn.

    laakiin isbedelkiisaan waan soo dhawaynaynaa

  3. abu hudayfa says:

    KU HASAN FARAH
    SXB GARYARE WAA NIN WADAAD AH WAX BEEN AH KAMA SHEEGO AFKIISA
    MEESHA WAXAA KU QORANA WAAN ARAKNAAH WAX BEEN AH KU MA QORNA
    BALSE ADIGA MA WAXAAD DIFAACIN GAALADA DALKA ISLAAMKA KU SOO
    DUUSHAY OO MAATADA CARURTA RUSHAYNISAH
    SAITOTI WAA GAAL ILAAHAY ABAALKIISA MARIYEY DHAR BUNA KU JIRAAH
    CIDII KA NAXSANAH JAHANBO BAY BIYO KUWA CABIN NIN KASTA WUXUU
    MACIIISA NOQON SAAXIBKIS

  4. alaahu akbar says:

    seeftii saitoti iyo olowe ojode halaagtay maantana waxay sugaysaa yusuf xaaji iyo murtadiin kale oo nasaarada kenya ushaqeeya

  5. umu_barau says:

    Maashaa, Allah suxufi suldaan Allah ha ku xifdiyo hana badsho mathalkaaga, walee inuu yahay maqaal wax ku ool ah yuuse u yahay waaye su,aasha? wuxuu,u yahay cidii caqli u saaxiib ah. waxaan arkaa niman u soo taga shaqo inay caayaaan islaamka soona aada wepsadyad islaamka, war dhallinyaro armaad soo qaldanteenoo kani kiinii aheyn ba! isha nooga daaya suxufiyiinta habaar lagu karri waaye, baarakallaahu fiikum suxufiyiinta reer tawxiidoow Amiin.

  6. caaqil says:

    waxaan maragka ahay suldaanka markuu qaato qalinka in munaafiqiin badan iyo jaahhiliin dhagowaaweyn in caloosha xanuunto waana saas seeftii alle waasideedii isnaseegimeysaan,,,,

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS