
الحمدلله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه أجمعين
يَا أَيُّهَآ ٱلَّذِينَ آمَنُواْ كُونُواْ قَوَّامِينَ للَّهِ شُهَدَآءَ بِٱلْقِسْطِ وَلاَ يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَىۤ أَلاَّ تَعْدِلُواْ ٱعْدِلُواْ هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَىٰ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ إِنَّ ٱللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ
Xaqiiqdii, waxaa Muslimiinta Soomaaliyeed ka yaabiyey markay arkeen bayaan ka soo baxay wadaaddada Soomaaliyeed oo ku dhiirrigelinaya odayaasha Soomaaliyeed inay soo xulaan ciddii ansixin lahayd dastuurka! Waa arrin ugub ah oon looga horreyn wadaaddada Soomaaliyeed! Nasiib wanaag, isla wadaaddada bayaanka soo saaray baa horay u diiday arrintaas oo gaalnimo ku tilmaanay. Ciddii Ilaahay nafta u daayo baa arki doonta waxay wadaaddadaasi la soo shirtagaan! WALLAAHI baan Shariik iyo Shirki Maslaxo lagu gaareyn!
Waxaan shaki lahayn in Islaamku Qariib ku noqday marba haddan heynno wadaaddo u doodaya Shariik iyo Shirki! Ama leh maslaxaa ku jirta in laga qeybqaato Shariik iyo Shirki! Yaa uga horreeyey?
Nabi Muxamed (SCW) iyo Qureysh Vs Nabi Yuusuf (CS) iyo Fircoonkii Masar
Maxaan intaan uga tagto Siiradii Suubbanaha (SCW) ugu aaddeynnaa arrintii ummadahii hore? Allaah baa Qur’aanka ku leh:
لَّقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ ٱللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِّمَن كَانَ يَرْجُواْ ٱللَّهَ وَٱلْيَوْمَ ٱلآخِرَ وَذَكَرَ ٱللَّهَ كَثِيراً
Hadday wadaadddu xoogaa ka dudeen Shabaabka; mey u muujiyaan cararooda sidii hooyadeen Caa’ishu (RC) u muujin jirtay caradeeda iyadoo ku dhaaraneysa Ilaahii Nabi Ibraahim abuuray! Nabigu (SCW) wuu fahmi jiray dhrifka Caa’isho! Marka iyadoon qofku dambi ku dhicin baa saas loo muujin karaa cararadaada! Ilaahay hanoo dambi dhaafo. Waxaan soo wadnnaa arrin aan ka suuroobin karin hooyadeen Caa’isha laakiin waa iska tusaale! Ka warran hadday dhihi lahayd: Ilaahaygii Namruud abuuray? Ilaahay isagaa Namcuud abuuray laakiin suurtogal ma ahayn Caa’isha (RC) iyadoo rabta inay cararadeeda dareensiiso Nabiga (SCW) inay Namruud soo qaadato! Waxay soo qaadatay Nabigii ay is lahaayeen, Nabi Ibraahim. Haddii Ictisaam u xanaaqay Shabaab waxaa la rabay inay wad wadaan Salafiyo Jadiida iyo Xarakooyin la mid ah laakiin lama rabin inay ka boor kiciyaan Amisom iyo Xamar, Jigjiga iyo Cabdi Iley, iyo Kibaki iyo Kenya! Marka macquul ma aha in xurguf dhextaal Muslimiinta darteed loo galo gaalada ama Shariik, Shirki iyo dastuur dadka loo qurxiyo!
Teeda kale goormaa sida dagaaloogayaasha; wadaaddo is haya isu soo wadan jireen gaalo? Mucaawiye (RC) waa diideyn in Ruum ka caawiyaan dagaalkii uu kula jiray Amiirul Mu’miniin Cali binu Abii Daalib (RC).
Waa iayda waddaado badan hadda la soo shirtageen ka hadlidda Muslimiin ku hoos nool yihiin gaalo ama cid kale oo arxan daran dabadeedna tusaale u soo qaadanaya ummadihii horee miyeysan ku filneynn Siiradii Nabiga (SCW) iyo saxaabada?
Soo Suubbanuhu (SCW) ma diidin dalabaadkii Qureysh sida inay ka dhigayaan madax, u guurinayaan gabadhuu dalbado, u xoolo goynayaan? Miyaan Qureysh ogoleyn in diimaha la isku soo dhoweeyo oo sanadna Ilaah lagu caabudo diinta Islaamka; sanad kalana la walaaqdo Shirkiga Qureysh?! Waxaan wadaaddadaas weydiineynnaa haddii masalaxo darteed loo qooshan karo Shirki; maxaa Nabiga (SCW) iyo saxaabadu (RC) u qaadan waayeen dalabaadkii Qureysh bal si kala-bar waqtiga loo caabudo Allaah iyadoo diinta Islaamka sanad lagu soo rogayo Maka? Maxay wadaaddadu ka fahmayaan Qur’aankan:
{ وَدُّواْ لَوْ تُدْهِنُ فَيُدْهِنُونَ(8) وَلاَ تُطِعْ كُلَّ حَلاَّفٍ مَّهِينٍ (9)
قُلْ يٰأَيُّهَا ٱلْكَافِرُونَ * لاَ أَعْبُدُ مَا تَعْبُدُونَ * وَلاَ أَنتُمْ عَابِدُونَ مَآ أَعْبُدُ * وَلاَ أَنَآ عَابِدٌ مَّا عَبَدتُّمْ * وَلاَ أَنتُمْ عَابِدُونَ مَآ أَعْبُدُ * لَكُمْ دِينُكُمْ وَلِيَ دِينِ }
Aqaliyadda kale waa isla saxaabadii oo qaarkood u hijrooday Xabasha. Indhaha aan ka laabnno xaaladda boqorkii Najaasha! Ma diintii saxda ahayd ee Nabi Ciisuu (CS) heystay mise maya! Waxaa iska cad in nimankii wadaaddo-gaaleedka ahaa ee hoos joogay Najaasha aysan isagoo kale ahayn maaddaama Qureysh khaladday oo ku direen saxaabadii u hijrootay markay hadiyad siiyeen! Waxaa saxaabadaas loo dhaafi waayey waa Najaasha!
Saxaabadaasi waxay kuwii Makah uga duwan yihiin waxay joogaan dhul qariib ah! Sidoo kale aan isha ka laabbanno goorta Najaasha soo islaamay! Yaa haya meel saxaabadaas Hijrootay kula shaqeeyeen boqorkaas caadilka ahaa ee cadligiisa uu ka markhaati kacay Nabi Muxamed (CS)? Xitaa haddii cadligu yahay kii curfiga ahaa ee aan isha ka laabanno kii Sharciga ahaa? Xitaa dagaalkii dhex maray Najaasha iyo kuwii damcay inay af gambiyaan kama qeybqaadan saxaabadii? Ma jirto waqti Najaasha markaas uga baahi badnnaa cid la shaqeysa! Weliba Najaasha waa ogaa geesinimada saxaabada iyo akhlaaqdooda! Wuxuu sameyn karay inuu Karaamo ka raadsado saxaabadaas Ilaah karaameeyey?
Muslim Faro-ku-turis ah mala Xaali Karaan Gaalada Caalamkoo Dhan
Annagu ma dhaheynno sheekh hebel baa saas qoray! Waxaan heynnaa daliil qadci ah oon labo isku khilaafeyn! Waa dowladday Nabiga (SCW) iyo Muslimiintu ka dhiseen Madiina! Keligood baa markaas Muslimiin ka ahaa adduunka oo dhan! Kama hadleynno ashkaas ay dhici kartay inay markaas heysteen wax lagu sheegi karay diintii saxda ahayd ee Nabi Ciise (CS). Xitaa hadday jireen ma laha ictibaar oo lama aqoon!
Qofkii is dhaha: waqtigaas waa gudbay oo hadda Muslimiintu waa badan yihiin oo waxay u baahan yihiin fiqi waaqic ku dhisan! Dabadeedna waa in gaalada xoogga weyn si aysan fahmeyn loo dhex galaa si Muslimiintu awood u yeeshaan! Waxaas waxaa ku hadley wadaaddo Xijaas iyo Hindiya joogay waagii Ingiriisku qabsanayey! Aaway faa’iidadii ka dhalatay la-shaqeyntii gumeysiga? Maxaan ka leennahay Xaddiiskan:
عن أبي هريرة رضي الله عنه، عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال: بدأ الإسلام غريباً، وسيعود غريباً كما بدأ، فطوبى للغرباء
Yaa garanaya qariibnimo ka weyn wadaaddadii Soomaaliyeed oo u ol’oleynaya ansixinta dastuurka? Arrintaas darteed baa keeneysa in Islaamkii ku noqday sidii hore! Wiilasha godadka galaya oo Hijroonaya oo gaalo isu soo baheysatay waxay dugsanayaan Siiradii Nabiga (SCW) iyo saxaabada! Waxay weheshanayaan Hijradii Suubbanaha, Uxud, Axzaab, Mu’tah, iyo Fatxu Makah.
Wadaaddoow ha Dabo Marina Dagaaloogayaashii oo ha Beddelinna
Waxaan kulligeen u baahannahay inaan garanno halaagga khaatumo-xumadu keento. Haddii qofku cimri joogo kumaba jiro! Xitaa raggii gabay Soomaaliga yaqaannay waa ogaayeen:
- Nin da’yari dambaab iyo ha galo diradirayntaase
- Diintii Rasuulkiyo haddaad daacadda ujeeddid
- Oo aadan dariiqada ka bixin duuddi Nabi Aadan
- Oo madaxu deebtaa ku yahay waa digniin dhab ahe
- Sidee baad dawaar ugu rogtaa dunida geestaada?
- Ma dugaagga cunayaad tihiyo haadka daba jooga?
- Mise derisnimaa kaaga dhiman hadalkan deelqaafka?
Allaah baa Qur’aanka ku leh:
أَوَلَمْ نُعَمِّرْكُمْ مَا يَتَذَكَّرُ فِيهِ مَنْ تَذَكَّرَ وَجَاءَكُمُ النَّذِيرُ”
Marka aan Xaddiiskan is xasuusinno
فوالله إن أحدكم أو الرجل يعمل بعمل أهل النار حتى ما يكون بينه وبينها غير باع أو ذراع فيسبق عليه الكتاب فيعمل بعمل أهل الجنة فيدخلها وإن الرجل ليعمل بعمل أهل الجنة حتى ما يكون بينه وبينها غير ذراع أو ذراعين فيسبق عليه الكتاب فيعمل بعمل أهل النار فيدخلها قال آدم إلا ذراع
Khalad ka soo Noqosho
كل ابن آدم خطاء، وخير الخطَّائين التوّابون
Xaddiiskaas culumo badan baa daciifisay. Waxaa jira culumo ku sheegtay inuu habboon yahay sida Albaani (AUN). Micno ahaan waa arrin Islaamka raad ku leh.
Nabiyaal Ilaahay baa arrinta sidii la rabay aan u xukumin sida ku laga fahmayo Qur’aanka, kuna sugan Axaaddiis Saxiix ah.
وَدَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ إِذْ يَحْكُمَانِ فِي ٱلْحَرْثِ إِذْ نَفَشَتْ فِيهِ غَنَمُ ٱلْقَوْمِ وَكُنَّا لِحُكْمِهِمْ شَاهِدِينَ (78) فَفَهَّمْنَاهَا سُلَيْمَانَ وَكُلاًّ آتَيْنَا حُكْماً وَعِلْماً وَسَخَّرْنَا مَعَ دَاوُودَ ٱلْجِبَالَ يُسَبِّحْنَ وَٱلطَّيْرَ وَكُنَّا فَاعِلِينَ (79). الأنبياء
Waxaan ku soo xireynnaa hadal qurux badan oo laga soo xigtay sheekh CUBEYDULLAAHI BINU ALXASAN AL-CAMBARI (AUN):
إذاً أرجع وأنا من الأصاغر ، ولأن أكونَ ذنباً في الحق أحبَّ إليَّ من أن أكونَ رأساً في الباطل
Wuxuu leeyahay: marka waxaan u noqonayaa (Xaqa) anoo yar; inaan ahaado dabo-gibin ku dhex jirta Xaqa baa xaggeyga laga jecel yahay inaan ahaado madaxa baadilka!
Marka wadaaddoow inaad dadkiina Xaqa u sheegtaan idinkoo masaajiddo jooga, kana fog maamullo dowladeed, baa idin ka fiican inaad dhex booddaan Shirki, dastuur, Amisom, iyo baarlamaan!
Somalimidnimo.com












































wadaadoow waxaad iskusifeeysaa allaah wadaadaduukusheegay dameer iyo eey ineey yihiin markaad dastuur udoodaan cadaabtaad isilloowsiineeysaana in rabbi idintiinbindoono isagoon kabaqeen reeraha sakaraatka ah eeaadkasoojeedaan jareer iyo jileec cadaan iyo madoow kuwo yar iyo kuwo badan xataa juudwamajuud wadaadoow hayeeeeeeeeeeeeey
as/c kariim marka waxan salamayaa dhaman dhalinta musliminta ah khaasatan kuwa khayrka jecel salan waxu qoralkeyga kusocdaa shaqsiyan dadka ama dhalinta musliminta ee website-ka wax ku qora walal allah adin dhawra khayrkana allaha idin waa fajiyo halmidse waa iga waano walalayaal markasta oo aad wax qoraysan waxan samaysaan tacasub aad usamaynaysaan wadada qaar qaarna aad liidaysaan ama aad dacaayadaynaysaan waxan arkaa inaad utacasubaysan shekh xassaan xuseen adam allaha dhawree waa skeekheena waan jecelnahay laakin waa mina aadan wuuna gafi karaa wuuna asiibi karaa laakin adiga udoodaya sheekha ee hor socda kuwa kalana dacaayadeynayna maa xaaluka miyaadan allah ka baqaynin miyuusan nabigeena oran ( man samata najaa) ama oran ( man kathura kalaamahuu kathura khadha’ahuu) akhi kariim naftaada allah uga cabsa sheekh xassan jana kuma geynaya janada camalkaaga yaa ku geynaya waxaa kalo aad ogaataa qof ama sheekh ladacaayadeeyay jihaad kuma guuleysta ama sheekh iyo dadwayne liiska horkeena muslim guul kuma gaara nasrina kuma yimaada rabi ka xishooda oo waxyaalaha aad shaashada so gilineysaa rabi uga xishooda midakale xisbiga aad adiga taageersantahay hadii uu khalad leeyahay ha daboolon oo wanaagiisa oo kaliya hasheegin dhexdhexaad kanoqo oo runt dul istaag taas ayaad ku badbaadaysaa aun iyo akhira midakale waxad labaxaysaa magac aad uquruxsan sida ( gollaha baraaruga islaamka) ama ( mujaahidiinta ) sooma ogid in suufiyaba la baxeen ( ahlu suna wal jamaaca) magac quruxsan in dadka lagu qalda wey fududahay laakin dhaqanka ayaa loo baahanyahay abshir nur bacadle waxu yiri asago sufiyada duraya (inaad magac badalataa cadaab looga bixi maa) walalyaal iska hubiya hadalkaad qoraysaan iska daaya dacaayada musliminta aad ugaysanaysaan waa iga naseexa walalnimo wabilaahi tawfiiq
Waxaan la yaabay,waagii hore wadaadada Al ictisaamka iyo suufiyada waa doodi jireen oo isa soo hor fariisan jireen markaasaa shacab waynuhu dhegaysan jireen doodahaas,sidaasaa waxaa ku dhacday in suufiyo quraafaadkoodii laysaga talo baxay.hada maxaa wali halmarna lio waayay wadaada Al shabaab ugu waawayn sida sheekg xassaan iyi kuwa Al ictisaam sida shible,in xiwaar lays hor fadhiyo oo kama dambays ah qabtaan deedna lagu kala baxo.mise suufitadii baa ka diin jeclayd kuwaan? Somalimidnimo fadlan arrintaa maena kama shaqayn hadal aad internet ku qortaan un baad ka adagtihiin,uma malaynayo hadii aad xassaan u gudbisaan inuu arrinta dastuurka kala doodo al ictisaam si buplic ah inay diidayaaan.
Asc Islamka iyo shabab kalaqada islamka qariibnima wukujiray midhada kadib lasugi ma aha tarikhda fahma xiligi gumeysiga wadamada islamka oo dan walagumeystay diinti walagatagay xitamasar oo tarikh deer ulahayd islamnimada oo imamu shafici iyo raglamid ah jogi jiren waxa kutalo(taxrir squre) oo micnehedo yahay gobti xuriyada waxa lagaga xorobayna wa islamnimada caalamul islami intisikalena waxamadaxkanoqday niman xunxun sida qadafi iyo sadam iyo xusni mubarag somaliyana waxa madaxkanoqday siyad bare oo diinlawe aha kadib maxadacay? Waxadacay in islamnimadi lagaxorobay dib uso nolatay shabab waxey racen waxyalihidinta islamka caqabada ku aha(xumanan igama aha) marka ha umaleynina hadeyshabab mesha kabexen iney diinta islamka qarib kulabatay lakin wa gartin inad sa dahdan layab maleh waxan kudari wadada aad haysatan iney shabab tageran waxkale umeyna diidin ineykhaldanyihin umbey arken sababkale majirto wadadadu hadey shabab tagerilahayen manta haldaqad aya lagaturi laha lakin hada sumcadodi wali wajirta shacabka somaliyedna wa xushmeyan inkasto shabab ey dawac weyn ugeysten culumada marka hada hadey shabab mesha kabexen culumadodi waweyneyd aya jogto mecnehedu ma aha iney dinti mesha kabaxday waxa qariibka kulabtay wa shabab ma aha dinta xadithka sixun ayad ufahantay shabab hadey damadan mawaxad daheysan dinti ayadamatay? dinta hada melfíican ayey mareysa ragba borki kajafay somaliyana inshaalah weykahargali donta sida masar hada shabab waxan kulatalin laha wixi dacay wudacay khilafki so afjara iniga iyo culumada ictisam heshiiya nin aqonyahan ah oo wadad ah soxula ragbadan aya jogo oo culuma ah aqonyahana ah marka dalka dabaqabta intusan diinlawe lawaregin xukunka kadib ale naciqabin sidi wagi hore marki ladoho raga iyo dumarka wa iskumid sidi jale siyad bare ciqabta nagu habstahay waxey katimid waxkale ma aha aniga niyarban ahay lakin fikradeyda wa intas wabilahitowfiq
ASCW WR WB DHAAMAAN WAAN SALAAMAYAAH MAAMULKA WEB IYO AKHIRISTA YAASHA KU/ MAXAMADY sxb maahmaah nin baa jirey doqon ah wuu lumay markuu lumay baa la soo helay markaas baa lawareystey waxaa la yiri maxaa ku helay markaas buu jiri intuu qoysley buu yiri kkkk maxaa layga helin barina waa lumine hada waxaan kuu sheegayaah ader horta nin yar baa tahay laakin aqaligu yaaran iyo weynaa maleh waa adiraaka masar? teeda kale raggan a sheegaysid oo aad oroneysida wax bey boorka ka jafayaan macrifo ma u leeda hay ii sheega akhii wax dhaca aduunka ama caalumu islam taariikhada ayaa qorin marka ader toos wax badan baa kaa maqan oo ah waaqica dhabta ah test ka qaada wax raggaan u geeyey iney mujaahidiinta la dagaalaan soo bara masar ragga hada loo dhiibay wax ahaan jireena iyo wax maanta yihiin balance sa meeh markaa wax soo qor MAAHMAAH HADII AAD RABTO DHEHE FIICAN MARKA HORE WAXAA LA NOQDAAH DHAGEYSTE FIICAN WS WR WB GOB ISLAM GUUL GAALO JAB
ASC
walaalayaal waxaa rabay in aad ii soo heshaan qudbadii farmaajo ku yiri waxaan halkaa u joognaa in Danaha mareykanka iilaalino. Walalayaal waa u baahnaa ee ii soo raadiya.
ku amir shibile aduu kulaweynyahay ee lasoco wiil dhashay bilkahor ayaa markuu hadalbarto ladoodidoona shibile dastuur inlagudhaqmi karo iyo inkale ee kafiirso shey kulafacaa lagufariistaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa
الصومال بلد مسلم لا يوجد فيه طوائف وملل غير إسلامية.ولذلك
لا خلاف في تطبيق الشريعة في الصومال ولكن الخلاف هو في كيفية تطبيقها وعلى أيّ مذهب. بعض البسطاء يرون أن لا حاجة لمرجعية بشرية يتحاكم إليها النّاس عند الإختلاف لأنّ الكتاب والسّنة كفيلان لحلّ الخلاف الذي ينشب بين الناس. هذا الكلام يردّده بعض الطّلبة وأنصاف العلماء وهو في الواقع كلام ساذج لا يقوله من بذل أدنى جهد للتفكّر في المسألة. فلا بدّ من مرجعية سياسية متفق عليها بين الجميع تفصل في النّزاع. وهذه المرجعية إن لم يتفق عليها الناس فهي تفرض نفسها بالقوة كما فعل الأمويون والعبّاسيون والفاطميون والعثمانيون والسعوديون والدّول الحديثة التي أتت عن طريق القوة أو عن طريق الإنتخابات. فالسلطة الزمنية أي الدّولة تفرض فهمها بالكتاب والسنّة علي المجتمع وتكون هي بذلك المرجع الذي يضبط الخلاف. فالدّولة السّعودية مثلا هي التي تعين هيئة كبار العلماء والمفتي وهي من يقرّر المناهج الدراسية والدينية. وما دامت هي تسيطر علي الوضع السياسي فلا خلاف في المجتمع في فهم الكتاب والسنّة فيما يتعلق بالأحكام الدينية التي تخصّ المجتمع. وإن وجد هذا الخلاف السّلطة تحسمه. كذلك دولة إيران والسودان والكويت وغيرها من الدّول. يمكن أن يكون لك رأيك الخاصّ بك كشخص ويمكن أن تعبّر عن رأيك في أحيان كثيرة وتمنع في أخري ولكن الرّي الذي يسير عليه المجتمع هو رأي المتغلّب إمّا عن طريق القوّة أو عن طريق الإنتخاب. إذا حصل في بلد ما فراغ في السلطة يحاول كلّ فريق أن يفرض رأيه في الدّين أو في السياسة علي المجتمع. وهو يحاول أن يجعل نفسه الحكم الذي يرجع إليه الناس ويصدرون. فانظر في الأماكن التي يسيطر عليها شباب المجاهدين والأماكن التي تسيطر عليها الحكومة الإنتقالية وأقاليم البنت لاند وصومالي لاند. هل تري صراعا دينيا في داخل كلّ دويلة أو قطاع؟ لا يوجد خلاف يذكر لأنّ الحكومة التي تحكم المكان حسمته. فأتساءل هل يمكن أن نجد طريقة حضارية نتّفق فيها على مرجعية بشرية نتحاكم إليها عند الإختلاف أو نترك للقوّة أن تحسم ذلك وهو كما هو حاصل الآن؟
asc walaalayaal walaalaha shabaab sida eey rabaan in diinta islaamka loogu dhaqmo ma ahan manhajki rasuulka ,
walaayaaal diinta islaam jihaad waa sax in la jihaado cid muslim ah ii diidi karto ma jirto lkin ma waxaa lagu jihaadaa dadka muslimiinta maa inta la dhaho gaalo waaye aa ayaga ladilaa mase gaalada. walaaahi aniga waxaan goob joog u ahaay xamar shabaab oo xafad dad masaakiin ah daganyihiin yimaadaan oo madfac tuuraa kadibna cararaa markaad dhahdo war maxaa u carreysiin oo umada u baabineeysiin waxoow ku jawaabay nin shabaab ka tirsan madfaci aan ridnay waxoow ku dhacayaa kuwo galada la joog kii eey ayaga soo ridaane waxow ku dhacayaa dad ka fadhiistay jihaadka maslaxo ma ogolo maalin walbo muslimiinta ayey gaalo ku sheegaayaan aygane lama dhaho gaaalo ayaa tihiin war illaahey ka baqa oo umada muslimiinta ah la laka ququbin oo haleesugu yimaado shuuro dhibaatada umada muslimiinta ha ku dhacday waad arkeeysaan waxaad sabab u noqoteen in gaal oo dhan oow somaliya yimaado maantane tabartiina waad aragtaan taas waxa keenay waad ogtihiin waa diinti oo aad si aan sax eheyn aad u isticmaasheen war ilaaheey aan kabaqno kheyrkiin waad aragteen meeshu uu idingeeyay
Al-ictisaam waxaan dhihi lahaa waa kuwo dulloobay oo ka baayac mushtaraya diinta oo maslaxadooda kaliya eeganaya, ee yaanan waqti lagu bixinin ka hadliddooda.
-
umada haloo bayaaniyo waxyaalaha xaqaa’iqa ah ee ka qarsoon ee al ictisaam aysan oggoleyn ama ka jaahil yihiin
-
u jeeddadu waa in dadku wax fahmo ee maaha in al ictisaam laga dhigo niman diin yaqaana, oo khalad ku dhacay oo lala niqaashayo ama loo cudur daarayo.
-
waa jaahiliin, asxaabul masaalix wal manaabir, waxa ay ku xiran yihiin culumaa’u aala Sacuud oo dowlada sacuudiga aan yac ka dhihi karin ku tumashada diinta, maxaad u maleyn wadadaad xume soomaaliyeed oo sakaraat ah kuna daba xidhan wadaad kaloo salafi amriiki ah.
-
kutubtooda iyo muxaadaraadkooda hala gubo, kama fiicna ahlu bidaca bal iyagaaba ka daran waayo waxa ay kuugu soo dhuumanayaan salafi baan ahay.-
-
ASC
walaalayaal waxaa rabay in aad ii soo heshaan qudbadii farmaajo ku yiri waxaan halkaa u joognaa in Danaha mareykanka iilaalino. Walalayaal waa u baahnaa ee ii soo raadiya. dad indhala’aan ku raacsan baajira marka kuwaas baan ku qancin lahaa.