Al-ictisaam Midabo baddanaa! (Qore Nuur Axmed Sheekh Cabdi Qureyshi Qayb2)


MAQAAL:- Waxanu kusoo jirnay qoraaladii taxana ahaa ee aanu diirada ku saaraynay kooxda Al-ictisaam ee waayahan dambe ku caan baxday inay middabo baddan diinta u yeelaan si waafaqsan siyaasadda kooxdooda. Qoraalkan waxan uga hadli doonaa inshallah qiso yar oo na dhex martay aniga iyo Al-ictisaam intii aanu ku jirnay halgankii wadanka looga xoreynayay gumaysigii xabishida.

Qormada Oo Doc Ah Halkaan Riix Ama Guji | Qoramada Oo PDF Ah Halkaan Riix Ama Guji |

Kadib markan kasoo laabtay magaalada Asmara ee carigga Eretria halkas oo lagu yagleeyay xisbigii dib uxoreynta Soomaaliya ee uu hogaaminayay shariif sheikh axmed waxa fariin iisoo dhiibay walaalihii aanu wada joognay Asmara si qof kasta wadanka uu ka yimid uu shacabka ugu baraarujiyo ka qayb qaadashada xoreynta dalka gaar ahaan dhaqaalada oo markaas aad loogu baahnaa. Waxa dhacday in aan la kulmay dhamaan gudigii masjidka oo wada ahaa Al-ictisaam waxana kulankas ku jiray Sheekh cabdiraxmaan Abyad, gudoomiyihii masjidka, kii maaliyada, iyo kuwii dacwada intaba.

Waxanu wada galnay shir albaabadu u xiran yihiin waxana walalaha ka codsaday in ay ii fasaxan inan warbixinta aan ka waday Asmara u gudbiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u ogaadaan halka uu wax marayo iyo waxa soo qabsoomay. Waxa hadlay marka hore nin ka mid ah qoladii al-ictisaam waxa uuna igu yiri waxanu kaa rabnaa inaad noo sheegtid waxa aad dadka u sheegaysid marka hore!!! Aad baan ula yaabay arintaas ay isku wad raaceen Al-ictisaam iyo waliba wadaadkii cilmiga aan ku tuhunsanaa oo iska aamusan meeshana fadhiya!.

Waxan ku iri walaalow aniga waad I taqaanan xumaan ma wado, wax kale oo diinta kasoo horjeedana ma wado maxaad sidii qoladii askarta waraysi iiga qaadaysaan maad ii ogolaatan ama ii diidaan.

Si kastaba ha ahaatee dantaada ayaa maqaar ey loogu seexdaa, waayo waxa aniga arintas iiga waynayd iguna taagnayd fariintii Asmara aan ka waday iyo in waqti uusan jirin loona baahan yahay in la xoojiyo dhaqdhaqaadii xornima doonka ee ka socda caasima Soomaaliya.

Waxan bilaabay inaan ku dul akhriyo wixii aan macluumaad hayay si bal ay u arkaan in arinkani uusan wax kale ku jirin ee ay tahay kaliya fariin ka timid walaalihii joogay Asmara, markii aan dhameeyay wixii macluumaadka ahaa ayaa waxa laigu yiri inshallah iska tag anagaa kuusoo jawaabi doonee!!!

Waxan sugaba asbuuc oo aan dhex meeraysto masjidka ragiina waydiiyo goormaan hadli doonaa ayaa waxa laiisoo diray nin ka mid ahaa gacan yarihii Al-ictisaam waxana uu ii sheegay jawaabtan ( WAANU KA XUNAHAY KUUMA OGOLAAN KARNO INAAD WARBIXINTAN GUDBISO.)

Aniga oo aad ula yaaban arintii ayaan iska aamusay waxana magaalada ka raadsaday meel aan dadka ku kulmiyo si bal aan amaanada isaga rido ugana warbixiyo in arintaasi igu dhacday.

Waxan soo kireeyay meel wayn oo loogu talo galay shirarka waxana Allah fadligiis isugu yimid dad badan oon u sheegay asbuuc ka hor waxa xiligaas ii balansanaa xagga taleefonka dhawr wadaad oo ay ka mid ahaayeen culimadii hogaaminaysay shacabka Soomalaiyeed.

Waqtigii markii la gaaray ayaan garaacay taleefonkii mid kamid ah Culimadii waa BUSY! Waxan garaacay kii ku xigay waa BUSY! Waxan garaacay kii ku xigay waa BUSY! Cajiib war tolow xagee la iga haystaa side bay sadexda culimo BUSY u noqdeen.

Waxan sugaba waxa isoo wacay nin aanu is naqaanay oo joogay masjidkii Soomaaliga wuxuuna ii sheegay in sadexdii wadaadba ay toos ugu xiran yihiin masjidka dadkiina ay dhaqaysanayaan !!!!!!! ALLAHU MUSTACAAN.

Abul cataahiyah RAximahullah waxa uu yiri

أما والله إن الظلم شـؤم* وما زال المسيء هو الظلوم

ستعلم في الحساب إذا التقينا* غداً عند المليك من الظلوم

إلى الديان يوم الدين نمضي* وعند الله تجتمع الخصوم

Arintii markii ay soo dhamaatay ee masjidka ayaan wadaadadii isqabsanay waxayna ii sheegeen in ay la ahayd in raggan iyo anigaba iskumeel joognay saas darteedna waxayba u haysteen inaan arinta aniga wado, arintii waxba kama soo qaadin oo ikhlaas dartiis baan isaga daayay mana sii wadwadin. Intaas kadib waxa dhacday in ragii uu kamid ahaa shariif iyo asxaabtiisiiba ay ka goosteen Asmara oo ay naga falaagoobeen gaaladiina u galeen si ay mansib ugu gaaraan dhiigii muslimiinta ee ay shaatiga diinta ah ku laayeen lagasoo bilaabo daynuunaay, Iidaale,bledweyn, ila kismaayo.

Intaas kadib waxa dhacday in la dortay shariif loona doortay inuu hogaamiye u noqdo kooxdii Jabuuti lagusoo dhoodhoobay halkas oo uu wadaado badan Allah ku imtixaanay qaarkoodna ku tilmaamay doorashadii shariif shekh axmed inay lamid ahayd tii Cuthmaan ibnu cafaan oo kale Wallahul mustacaan.

Waxan aad ula yaabaa markii shariif la doortay qofkii ugu horeeyay ee u bishaareeya Umadda waxa uu ahaa Maxamed Idiris oo ka hadlay TVga universal halkas oo uu afka abur kasii dayay kuna booriyay shacabkii dulmanaa ee Soomaaliyeed in hada ay ,ay taageeraan Shariif oo dawladiisu tahay mid fiican lana garab istaago!!!. Su’aasha mudan in la is waydiiyo waxay ahayd maxa faraq u dhexeeyay Cabdullahi yuusuf iyo Shariif sheikh axmed? Ma koofiyadii uu watay ayaa dawlad islaam ah ka dhigtay? Maxayse ku dhinteen kumaankii dhalinyaro ee shariif iyo Janaqoow ay ku laayeen magaca islaamka? Su’aashaas dadka akhristayaasha ah ayaanu  u dayn inshallah.

Wuxu xaal halkaas joogaba waxa dhacday in Janaqoow iyo Ibbi ay booqasho ku yimaaden magalada Copenhagen halkas oo ay Ageda siyaasad ah ka wateen iyaga oo waliba xildhibaano ah kana yimid Jabuuti, waxa uu isku dayay in uu masjidka ka hadlo waa uuse ku fashilmay laakiinse salaadii jimcaha ayaa waxa istaagay walalkii gaalaysiiyay qolyihii la kulmay safiirkii Itoobiya ee qaybta hore aanu kusoo marnay waxa uuna khudbadii ku sheegay  in Janaqoow uu yahay munaafaq oo diintii iibsaday xaaraana ay tahay in la dhagaysto  la tago meesha uu ka hadlayo.

Waxa khudbadii kadib ka dhacay masjidkii qaylo iyo sawaxan oo dad kamid ahaa dadkii masjidka intay istaagan ku qayliyay CULIMADII BAA LA AFLAGAADEEYAY!!!, walaal aad aan u jeclaa oo daacad ahaa ayaa u jaawabay ragii waxa uuna ku yiri imisa sano ayuunu Cabdullahi Yuusuf gaalaysiinaynay!!!!.

Intas kadib waxa dhacday in masjidkii iyo magaladiiba ay markale sawaxan iyo buuq qabsato oo meelkasta arintii laiska waydiiyo, waxan loosoo diray masjidkii odoyaal dhaqameed si ay arinta wax uga ogaadaan waxa ayna la kulmeen gudigii masjidka ee Al-ictisaam waxana laga codsaday in arintan laga cudur daarto ee aflagaadada ah!!. Jimcihii ku xigayna waxa istaagay ninkii gudiga haystay ee al-ictisaam waxa uuna si kal iyo laab ay ku jirto uga cudur daartay in Janaqoow la aflagaadeeyay uuna raali noqodo!!!!

Hadaba Akhristoow qoladii horey loo gaalaysiiyay ee la kulatay safiirki Itoobiya waxa kusii dhacay cuqdad aad u daran o ay u qabaan masjidkii midabada badnaa ee ay haysteen Al-ictisaam waxayna is waydiiyeen war maxaa loogu cudur daaray Janaqoow oo booskii Cabdullahi yuusuf fadhiya,anagana naloogu diiday in cudur daar laga bixiyo gaalaysiintii iy naagihii nalaga furay!!!!

Maalintas kadib kuma aana laaban masjidkii oo waxa ii soo baxay in Al-ictisaam ay diinta midabo badan u yeelaan markay doonan oo ay dantooda ku jirto waxana marag ma doonto ah in dad aad u badan oo shacabkii masjidka ahaa ay isaga haajireen markii ay arkeen arintan cajiibka ah ee ay ku dhaqmayaan kooxdan Al-ictisaam ee bulshada wareerisay.

Waxa intas sii dheer in meel kasta ay la istaageen Soomaliya waxa ka socda waa FITNO oo halgan ma aha ee yaanan la taageerin dadkaas yaan lacag la siin. Su’aashu waxay tahay ciidankii xabashida iyo kuwo kale oo ka daran ayaa jooga sida Uganda, Brundi,Kenya, maxa faraq u dhexeeya halgankii waagii aanu ku jirnay iyo kan maanta socda waa su’aal ay ka jawaabi waayeen Al-ictisaam oo idil iyo culimadoodaba.

Qaybtii Koowaad Halkaan Riix Ama Guji 

La soco Qaybta 3-aad inshalah.

Somalimidnimo.com

13 Responses

  1. mohamed said mohamed says:

    waan idin salaamayaa walaalahayga islaamka ahoow walaalayaal ilaahey diinta hana fahansiiyo oo shaydaanka hanaga saaro walaalayaal ilaahey nagama yeelo firqooyinka rasuulkeena (scw) uu naarta ku sheegay in ay galayaan ilaahey waxaan ka baryaa markasta in soomaaliya uu xasiliyo ka taago dawladad iyadu isku filan dadkeedana ilaahey isku keeno aamiin aamiin walaalayaal culimada ictisaam waxaan ka hadlayaa ani rayi.ahaantayda runtii kama mid ahi balse runtii wax khalad ah kuma ogi banii.aadan waa khaldami karaa laakiin culumada ma fiicnah in wax laga sheego mahadsanidiin culumada websitkan masha.alaah

  2. Qulqul says:

    Assalaamu calaykum. Horta waxyaabaha ictisaam laga sheegayo inta badan waa wax muuqda inay xaqiiqo yihiin walow aniga aan jeclaan lahaa in oraahyada ugu fiican la adeegsado si isku dhowaansho loo helo. Laakiin dhanka kale waxaan qabaa inay muhim tahay in lasoo bandhigo khatar walba oo muslimiinta lala maagan yahay si looga digtoonaado ama ictisaam haka timaaddo ama dad kale. Al-ictisaam waxaa ceeb ugu filan inay jihaadka socda qabanqaabintiisa ka qeyb qaadan waayaan. Hadday durraan ama fitno ku sheegaan iyadana waa ceeb kasii weyn. Haddayse dhanka cadawga ka soo jeestaan markaas waxaa waajib noqon in layska dhiciyo. Sida muuqatana kuwa ka mid ah ayaa la shaqeeya dawladdan ay gaaladu sida tooska ah u maamusho. Laakiin maadaama ay isugu jiraan sida muuqata dad kala fikir ah- Qaar badan baa ka garaabaya waxyaabaha jira- waxaan jeclaan lahaa inaan si aada loogu talax tegin. Nas’alullaahal-caafiyata fiddaarayn. Aamiin.

  3. asad yare says:

    Marka aad u fiirsato raggan yar yar ee midba maalin maqaal soo qorayo waxaa kuu caddaanaysa in ay yihiiin rag Mansab yar oo adduun loo diidey oo xanaaqay iyo qaar kale oo qabiil dartiis u xanaaqay, hadda markaad walalka maqaalka qoray u fiirsato wax xikmad ah oo ku jirta maleh bal waxaad ka dareemaysaa sida uu sheekada isugu xidhayo in ay wax badan ka qaldanyihiin oo ay tahay wax la isku soo toos toosiyey hebel baa la gaalaysiiyey ee hebelna maxaa loo gaalaysiin waayey, hebel baa loo cudurdaaray hebelna maa loo cudurdaaro,wadaad hebel baa taleefan iga qaban waayey, masjid baa la ii diidey, Asmara ayaan ka qayb galay,Ilaah baan idinku dhaarshee bal intaas maxaa xikmad ku jirta????
    War xarakada Shabab Asmarada aad adigu sheegayso ee aad ka qayb gashay ayeyba u arkayeen meesha Riddada iyo insilaakhu kasoo bilowday, haddii aan maalin kasta kusoo celiyo qoraalkayga sh.xassaan wuxuu gaalaysiiyey al ictisaam ee muu Ikhwaan al muslimiin,hay’adda culimada sucuudiga iyo salafiyada nuur ee masarna gaalaysiiyo hadaan maalin kasta intaas lasoo taagnaado maxan faa’iideeyey
    Ikhwa aan maskax kaashanno waxa aad wadaan just waa fadhi ku dirir ee maaha aqoon kororsi iyo dacwo.

  4. ogaansho says:

    Su’aal Shabbab ma mabda Calaamiyiin ama Shiica ayey aaminsan yihiin? maxay dadku ugu kacsan yihiin? waxaan rabaa inaan ogaado sababta Soomalidu inteeda badani aysan ula garab joogin waxan ay halkan ku sheeganayaan inkastoo qudhooda aan ka dareemey negative/hadalxumaan.

  5. Ata-turki says:

    Al-ictisaamka midaba badanaa!Mashallah xog badan baan maqaalkan ka dhaxalnay!laakin waxaan jeclaan lahaa sheikha in wadaado isku sheegyadii dadka ku dul naxaay ee Timirta carabta leexsan jiray haatana dadka ku dhex milmay iyaguna in daaha laga feedo.
    Al-ictisaam koleyba joojin maayo in karkaarka is weedaariye waa balan in aynu war iyo wacaalka aad inoo hayso aan kaa dhuuxno.

  6. asc waxaan xasuustaa markii itoobiyaanka soo galeen habeen an meel kushireyney
    anagoo dad aad ubadan ah in an kuheshiin weeyney in an garab istaagno dadka itoobiyaanka ladagaalaya saas oo ay tahay dadka intiisa badan in lala dagaalo itoobiyaanka
    diyaar bay u ahaayeen laakiin dad yar baa buuq nagu furay oo yiri dano gooni ah baad leedihiin diin iyo daldifaac idinkama aha oo shaar been been ah baad gashateen waxaad noo badalaneysaan shaarkii qabiilka markaas anigu aad iyo aad baan ugu yaq yaqsanayey dadkaas oo waxaan islahaa umada qabiil ayaa qalbiga uriyey markaas baa naag aqoon yahan ah ooyin ladhacday wey barooratay kursigii bay iska tuuri lahayd waxay tiri soomaaliyeey saas miyaa dan idiin ah in amxaaro qindhiciley ay xanruntii soomaliya ku xarxaarto waxaa la bixiyey qof walba wixii uu kusoo tala galay anigu waxaan baxshey lacag dhameyd 400 dollar naagtii iyo gudi an markaas islaam moodayey baa loodhiibey waqti badan saas baan lacagta ugu dhiibi jirney dadkaas waa danbe waatii jabuuti ay shariif iyo qaa iniiintii aadeen barlamaan shaydaan ayaa naagtii iyo qaar kamid ah dadkii lacagta naga aruurin jirey soo noqdeen waxaa yimid naagtii iyo gudi ay kujirto wadankii an joogey tv casimada an joogey laga daawado oo af soomaliga kuhadla ayaa naagtii soo fariisatay oo leh soomaali waxay soo dooratay hala taageero ana anoo codku iga soobixi la yahay baan taleefoon usoo diray qofka tvga daawanaya codkayga iyo kan naagta waa maqlayaan waxaan weydiiyey itoobiyaanka iyo maxay ku kala duwanyhiin afrikaantaan sanka weeyn waayo itoobiyaankaaba karoone oo waa dad anaga noo eg oo haday naag qabsadaan oo naagtii ilmo garac ah ay dhasho soomaali baa laga yaaba in uu ilmihii u ekaado laakiin jareertaan sanka weynleh ilmaha ay dhalaan xaataa lama qarsankaro tankale xaduudba malahin ee maxay ujoogayaan xamar adigase waataad lacagta naga aruurin jirtey adoo ganbada ruxaya oo lehayd wadankii cadow baa qabsaday hadana kuraastii cabdulaahi yuusuf baad kuwareegteen marka ilaa arintiinu diin iyo wadeniyed ma ahayne qabyaalad bay ahayd oo in kursiga qaadataan baad rabteen naagtii dhidid baa inta kasoodaatay bay hadba dhan dayday jawaabna waa ii weydey waayo isku reerna waan ahayn waana kuqarxiyey

  7. abuuwaliid says:

    asc waanyaabanahay

  8. abuuwaliid says:

    ASC NIKAJIHAAD KAKA HADHA EENAHAYN KUWALOOCUDURDAARAY MA AJRIBAY KALELAYAAN MEYEE WAALACIQAABI CIQAABAKALADUWAN BAALACIQAABI AAN EEG NO DIINTA ISLAAKA العقاب الا ول الهلاك قا ل الله تعا لى ولا تلقوا با يد يكم الى التهلكة العقا ب الثاني اللعنة قا ل ا لله تعا لى ان الذين الى قوله اؤلائك يلعنهم اللا عنون العقاب الثا لث التحير قا ل الله تعا لى يتيهون الارض العقاب الرابع العذاب قا ل الله تعا لى الا تنفروا يعذبكم عذابا اليما العقاب الخا مس النفا ق قا ل الله تعا لى ولو ارادوا الخروج لاعدوا له عدة ولاكن كره ا لله انبعا ثهم وقيل اقعدوا مع القاعدين العقاب السادس الطبع على قلوبهم وعدم الفهم قال الله تعالى رضوا بان يكو نوا مع الخوالف وطبع على قلوبهم فهم لايفقهون الفتنة والعذاب قال الله تعالى فليحذر الذين يخالفون عن امره ان تصيبهم فتنة اؤ يصبهم عذاب ا ليم العقاب السابع الفسق قال الله تعا لى والله لايهدى القوم الفاسقين العقاب الثامن يحل الله السيئة مكان الحسنة قال الله تعالى ان الله لايغير ما بقوم حتى يغيغروا ما با انفسهم العقاب التاسع المعيشة الضيق قال الله تعالى ومن اعرض عن ذكرى فان له معيشة ضنكا
    ويلى الاحاديث انشاء الله

  9. abuuwaliid says:

    CIQAABTAHORE 1 ILAAHAYBAAHALAAGAYA KUWAJIHAADKAKAFADHIISTAY SABABLA AAN 2 LACNADBAAKUDHACAYSA XAGA ILAAHAY IYOMAA IGTAXAGEDE IYO MUMININTA XAGOODABA 3 WAREERBAY KUJIRAYAAN WANAAGA IYO XUMAANTAMAKALASAARIKARAAN 4 ILAAHAYBAACADAABAY CADAABDARAN XANUUNKULUL HADAYNATOOBADKEENIN 5 CALAAMATUNIFAAQBAY KUDHACEEN XAGAILAAHAYNA WAALGAFADHIISIIYAY 6 ILAAHAYBAA QALBIGOODA DABOOLAYA XAQANAMAFAHMAYAAN 7 WAALAFID MAYNAYAA WAANALACADAABI 8 WAXAALAGUMAGACAABIFAASIQIIN OOMAGACAASAYQAADANAYAAN 9 MEESHII WANAAGA HADAYBAWANAAGLAHAAYEEN ILAAHAY XUMAANBUU UDHIGI UGABUUXIN 10 WAXAY KUNOOLAAN NOLOL CIDHIIDHI AH WAXAA ARINTAAS DHAN KUJIRA WADAADXUMAYAASHA

  10. caaqil says:

    RABBOOW LACAG BADAN ISII ANIGA CAAQIL AHAAN SI ICTISAAMKA INTAAN USIIYO AY DIINTAADA UDIFAACAAN ILEYN WAXEEY JECELYIHIIN ADUUNYO IYO MAAMULKEEDEE bye(qataar)

  11. Qulqul says:

    Adigoo hadallo wanaagsan adeegsanaya ayaad haddana ujeedka aad leedahay gaari kartaa. Waxaan la yaabbanahay dadku ma faseexadaa ku yar mise waa xumaan u jeed? Sow ma ogid inay waajib kugu tahay inaad isticmaasho erayo wanaagsan markaad munkar raddinayso? Afxumadu inayan bannaanayn sow ma ogid? Qofku inuu jihaado- xoog, xikmad ama xoolo wuxuu doono haku jihaadee- iyo inuu muslimo kee horeeya? Waxaan ognahay qofaan muslim ahayn inaan jihaad laga aqbalayn. Haddaad mujaahid dhab ah tahay muslimiinta carrabkaaga iyo addinkaaga haka badbaadeen. Almuslimu Man Salimalmuuna Min Yadihi Walisaanih. Iyagu hadday jihaadka ka gaabiyeen idinkuna ma waxaad ka gaabinaysaan in carabkiina iyo addinkiina xifdisaan? WALLAAHI IN BADAN OO KA MID AH KUWIINAAN MUJAAHIDIINTA TAAGEERSAN QASWATUL QALBI AYAA IIGA KIIN MUUQATA! ILAAHII NA ABUURAY AAN KA CABSANNO. HADALLADEENNA AAN HUBINNO. “ALAM YA’NI LILLADIINA AAMANUU AN TAKHSHACA QULUUBUHUM LIDIKRILLAAHI WAMAA NAZALA MINAL XAQQI…” ALLAAHUMMA INNAA NAS’ALUKA QULUUBAN KHAASHICATAN WANACUUDU BIKA MIN QASWATIL QULUUB.

  12. Gundiid says:

    Salaamun calaykum

    To asad yare. Adiga maxaa ku gubaya hadaadan Al-ictisaam ama qoladii diinta ka been sheegtay ee shaatiga gashatay hadadan ahayn waayo waxa ii muuqata walaaku inuu ka hadlay arin dadku wada ogaayeen una baahnayd in lagusoo celiyo si wadaad dambe been dadka ugu sheegin. Tusaalaan kusiin ee qabso hadaad xaq doon tahay.

    1- Shirkii Carta waxa loo ololaynayay Cabdiqaasin oo dastuur gaal watay wadad xumayaashiina way taageereen anigaba aan ku jiree Allah iga dambi dhaafee, xataa wadaadadii waxay galeen baarlamaankii sida sheekh Cumar faaquur Xarimahullah iyo kuwo kale.

    2-Waxa lasoo doortay Cabdullahi yuusuf kadib wadaaddii way kasoo wada hor jeedsadeen oo waxay ku eedeyyeen dastuur gaalo iyo inuu gaalo soo kaxaystay waana lala dagaalamay.

    3- Waxa intaas kadib lasoo doortay shariif shekeh axmed inta badan wadaadaii waala taageeray bal culimadii ugu waawaynayd sida shariif cabdinuur, cumar faaruuq, maxamed idriis, cabdiraxmaan sheekh cumar iyo kuwo badan oo baarlamaanka galay.

    Intaas oo waaqico Asad yaroow ma waxad leedahay way ku saxsaneeyeen inay marba shaati badashaan? oo waxad leedahay wadaadadu way ijtihaadeen?

    Aniga iigama muuqdaan wax qabyalad ah walaalka waxana adiga kaa muuqda in ay ku dhibtay arintan lasoo saaray waayo hadaad daacad tahay waxa ku qoran oo sax ah waad aqbali lahayd.

    Allaha nasoo hanuuniyo dhamaanteen
    SC

  13. Gundiid says:

    to ASAD YARE: Waxan kaa ilaabay Asadoow inaadan waxba kala socon Asmara iyo shirkii maxa yelay waxad tiri Alshabab way ksoo horjeedeen, markii hore kama soo horjeedsan laakiin markii dambe ayay kasoo horjeedsadeen waxana kaa maqan in ay joogeen alshabab shirkaas waxana kamid ahaa raggan

    1- Sheekh Kabo kudukade
    2-Sheekh Muxidiin RAximahullah oo la shahiiday Maclin aadan ceyrow Raximahullah.
    3-Macalin xaashi
    4-Cabdalla cadale
    5-iyo rag badan oo hada masuuliyiin ka ah alshabab.

    Marka bal xogtaas soo baar inshallah

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS