
Ramaddaan ka hor baan u sheegnnay shacabka Soomaaliyeed inay ku soo kallan yihiin niman maafiyo ah oo markii dadkii ka kala cararay masaajidkay joogeen bilaabay inay sameysataan hay’ad samafal ooy lacag ku aruursadaan! Haddaba waxaa soo baxay filimkaan idiin soo sheegnnay!
Shaki ma leh in dadkay filimka ka soo duubeen yihiin Muslimiin dhibaageysan oo u baahan waxqabad! Laakiin yaa lacag ku aaminaya niman isticmaalay lacagtii Masaajidka Ilaahay! Weydiida dadka ku tukada Masaajidka Abu Bakar As-Sidiiq ee ku yaal Minnesota? Ganacsatadii masaajidka caawin jirtay baa lacagtii ka goostay markay arkeen imaamkii masaajidka oo la keenay safiiro! Iyo wadaaddadaas oo ku soo dhoweeyey Minnesota cadowga Soomaaliyeed, wakiilka Zenawi ina Iley!

Waa ogaydeen inuu Bahuko lahaa: waxaa jira wadaaddo nala shaqeeya! Markii Maxamed Idiris ka lahaa Mu’tamarkii sanadkii hore: I don’t care about Mogadishu waxaa Mu’tamarka soo agaasimay masaajidka Abu Bakar ee C/Raxmaan Imaamka ka yahay! Iska daa inuu dadka Xamar raalli gelin bixiyee wuxuu yiri: xildhibaannada dowladda Shariif waa kuwii ugu fiicnaa ee abid soo mara waddan Islaam! INAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN! Waa xildhibaanno-ku-sheeg muddaba aan soo fariisan meel lagu sheego gole baarlamaan! Marka wadaadku saas leeyahay ka hor baa laga xirtay xildhibaannada meeshay ku shiri jireen! Saasooy tahay; wadaadkaas baa leh: waa Xildhibaanno u heellan inay Shareeco Islaam wax ku xukumaan!

C/Raxmaan sheekh Cumar iyo Dhooye waxay sugayeen intay Shabaabku Xamar ka baxayaan! Iyaga iyo Amisom ballan baa meel u yiil. Inteydaan filimka daawan dhageysta Cismaan Caato oo ka hadlaya markii baarlamaanka laga xirtay iyo kaddib Mu’tamarkaas oo wadaadku ka leeyahay: waa xildhibaannadii ugu fiicnaa ee abid soo mara Soomaaliya.
Sida ogtihiin dadweynihii ku tukan jiray masaajidka Abu Bakar ee Minneapolis baa yiri: haddaan Dhooye laga qaadin agaasimaha masaajidka; ma bixineynno hal doolar. Sidaas darteed waa la ceyrshay Dhooye! Dhooye hadda wuxuu soo toshay gorof uu rabo inuu ku maalo shacabka Maraykanka deggen.

Shaki ma leh in Soomaali deggen Xamar iyo meelo kale u baahan yihiin caawinaad. Qofkii raba inuu caawiyo shacabka ay sida hay’adaha gargaarka isku soo sawireen ha ugu diro lacagaha dad aamin ah oo jooga Muqdisho! Waxaa halkaas ka jira hay’ado muddo caawinayey dadkaas! Kuwaas toos haloogu diro lacagta! Waxaan shaki lahayn in haddii lacagta Dhooye iyo C/Raxmaan la mariyo ay qeyb badan ka qaadanayaan. Lacagtii Masaajidka Ilaahay baa loo heystaa? Xaggee joogtaa lacag aan lagula xisaabtami karin.
Wadaaddada Ictisaam waxay aruursanayaan lacag ay ku galaan doorasho! Ma filayo cid dambe oo Maraykanka lacag ka siineysa! Dadka waxay u qabaan xoolo! Dooye iyo wadaadku waagii Geeddi iyo C/Laahi joogeen waxay heysteen boorar ay ku diidan yihiin Itoobiya! Hadda Itoobiya, Kenya, Burundi, Ugaandha, iyo belo ka badan baa joogta waxayna tageen Xamar! Maxaa is beddelay? Marka Bahuko waa beenaale laakiin waa ku run sheegay inay wadaaddadaasi la shaqeeyaan.
Guji/riix si aad u dhageysato codkii Bahuko iyo wadaaddo qaarna Xamar caayayo; qaarna u doodayo xildhibaannada!
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Halkan ka daawo filimka Dhooye iyo C/Raxmaan sheekh ku dawarsanayaan iyagoo ku deyday qaabkii hay’adaha gaaladu iskugu sawir jireen dadka dhibaateysan!
Somalimidnimo.com












































Assalamu calaykum wr wb.
Waxaan la yaabanahay kuwaan yey sirayaan umada in ay fahantay dhagartooda miyeeysan ogeen waxay isku badaleen Jilayaal Muusigada ay agtooda xalaal ka tahay.
Umada Soomaaliyeed waxay u baahantahay cid ka fekereyso danaheeda ee uma baahna cid in ay ku danaysato dooneyso marka dadweynow yaanan leydiin dagin ee Sadaqada aad baxsaneyso cid aad amaanadiisa ku kalsoontahay u dhiibo.
OGEYSIIS OGEYSIIS
Wxaa dhamaan walalaha khyrka jecel la ogeysinayaa in muxadaradii SH.XASSAAN ee mudo lawada sugayey ay 7-26-12 waa barri oo khamiis ah saacaduna tahay 5:00 AM XILIGA MINESOTA si LIVE ah uga dhageysan kartaan GHURFATUL-HIDAAYAH @ 12188621300 adoo kadibna galinaya 428136 si aad qolka uhaleesho
Armeysan ka,aheyn naxariise lagu yiri soo qorra dadka inta naxariista ku jirto!!! Si ay uga ganacsadaan oo hadhoow loo xirro!!!, miyaaney ogeyn inay cafiifaadkii u istaagay waxa,ay maanta arkeen inay iyaga xabsiga galiyeen!!!, miyeysan gabdhaha ku marqaati furrin, Alla maxaa nimanka nifaaq ka buuxaa walee sadaqo aan baxsanayo idinka idiinma soo marro, inay dhiil dhaqaale soo xirteen waxaad ku garaneysaa sida ay dadka afka ugu galinayaan kuye cunto iyo biyo ayaad u baahan tahay sow maaha!!! Kkkkkkkkkkk ma,awalbaa la mooganaa,in bank,aadamka u baahan yahay biyo iyo cunto, waxaan kaloo la yaabay beentooda markay dhaheen cidka hadashay ma jirto!!!, illaahay baan idinku dhaarshaye imisay mujaahidiinta ka hadlayeen oo ay na wacyi galineysay? Waa gaan yaraa ayaan aad u daawan jirray filimaanta dagaalka! Waxaan Ku arki jiray markii atooraha xaga dagaalka laga awood bato, ayuu aadi jirtay duurka nin dagan si,uu u soo taba barto,isagoo xooga saaraya farsamadii hore mid ka badallan inuu la yimaado!!!, nimanka antooniyo fabiyo sidisii ookiyaalaha madoow ii soo qaatay walaanan waxba u dhiibaneyn, sadaqadeydana iyaga u soo Mari maayo, ee bal hal su,aal hala,ii weydiiyo, miyey tageen dhinaca shabaab ay ka taliyaan illeyn abaarta hal meel maahee!!!, mideeda kale mala hubaa inay gaareyso dadkas dhiban, waayo? Arrintii Nimca Ali yusuf, ayaan nimanka uga sii aamin baxnaye suura gal ma tahay inay xisaab u diyaar yihiin maxaa yeelay xoolo badan iyo dad badan ayaa nooga maqan, haddii ay suurawdo inay aqrisanayaan qoraalkeyga ha iiga jawaabaan su,aasha ah sideen ku rumeysan karnaa facaala kheyrkooda Mar Haddii ay iyagu beeneysteen facaala kheyrkii ay wadeen hablaha u xirran meesha ay joogaan? Maxaase kalifay inay u nusreen waayaan? Sideese iyaga loogu ogolaaday inay dadka kaligood wax taraan? Timir lafbaa ku jirtee ma taba,barkii cusbaa ayey rabaan inay maalmo ku korsadaan caruurta kuna dhaqdaan reerka? Qabaxakumullaaahu awalasnaa akhawaatukum maxaad xabsiga noogu illowdeen anagoo shaqada aad hada wadaan idinkaga horeynay?.
He he he cabdiraxmaan sh cumar ????? waa sax dadka in gaalo waxba siin weliba masaakiinta ciidamada mooryaanta TFG da waa laayaan waana qabsadaan
intaas waan ogeeyn ee aaway gaalkii maraykan ee ad masjidka kula shirteen ictisaamoow??? hada miyaad nookeenteen in 2 dollar oo ad guryo kudhisataan dadka masaakiinta ah iyo naagaha beerka jilicsan ay caayrta kahelaan in ad guntigooda kafurataan shayaadiin ilaah iyo aadane kadeecay waryaada ictisaamoow dee gaaladaad caabudi jiirteen miyaa masaliftey waryaada isku xishooda umadu waa idinfahamtaye indho cadeyntaan iska daaya garkaana iska jara dhibkiisa hadii adnaan ilaah dartiis uwadan!!
Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun arrin aad iyo aad ufool xunweeye haddaaney jirin buun buunin ilaah hasoo hanuuniyo maxa iga ggaley mogdisho inu yiraaho nin weyn oo culumo sheeganayo dad badan ayaa aaminsan sheekh hebel caano madaadiye sidee ugu suurtowda dhaqanka ceynkaas ah war dhaqan ka xun aya laga filayaa haddaaney ilaah daba qaban
@ somalimidnimo
wxa qalad cad ku ah NAQLIGA iyo CAQLIGA in qof ad dadka uga digaysaan DIIN-XUMADIISA,KHIYAANADISA, iyo BAADIYEYNTA uu muslimiinta ku dhex faafinaayo aad ugu yeedhaan SHIIKH HEBEL !!! ama IMAMKA MASJID HEBEL….
2 daa kala daaya
TUUG DIINTIISA GATAY sheikh ama imam in la dhoho wxay baabi’ineysaa JARXINTA iyo QAYLO-DHAANTA aad waddaan ee DADWEYNAHA ku aadan …,
Lax dhukani warmoog!!!!! ileen hay’ada HARO ee sanadkii hore markii abaaruhu jireen ay ICTISAAMKU nalahaayeen dad ayaan caawinaynaa hay’ad aan ahayn HARANA lacag kuma diri kartaan walaa shaqsina kuma diri kartaan illeen waxbaa jiray!! waa hay’ad ay iyagu samaysteen oo shacabka lagu gaajaysiinayo caawinadoodana isbaaro loogu dhiganayo!!! aniga iyo reerkayaguba waxaan bixinay lacag ku dhow $200 oo aan siinay ICTISAAMKA. lacagtii ay naga aruuriyeen meel ay geeyaan illaa iyo hadda lama yaqaan. hadaan ogahay hay’adan inay tahay midan, lacagba miyaan siin lahaa? markii ay lahaayeen xawaaladahana lacag laguma diri karo oo waa la xidhayaa gabigoodaba, WESTERN UNION ayaana la isticmaalayaa illeen iyaduna HARO oo kale ayay ahayd. ICTISAAMOW shacabkii cunaqabatayn inaad saari kartaan baad umalayseene wallee shacabka soomaaliyeed iyagaa si dhab ah idiin cunaqabatayndoona INSHA ALLAHU TACAALAA. waa shacab gaalo u tashatay loona soo wakiishaday wadaad xume. qofkii wax diraya dadka iyo hay’adaha jooga wadanka gudihiisa wax u diro. yaan gacanta loo galin nimankan BEENAALE BAHUKO leeyahay waynala shaqeeyaan. LAX DHUKANI WAX MOOG calankeedii dhac.
arin kale oo sir ah ayaan idiin hayaa. ICTISAAM waxa ay ka sameeyaan COLUMBUS iyo MINNESOTA. waxa ay soo dirsadaan naago wareega xaafadaha oo odhanaya qof ayaan caawinaynaa ee wax la bax. wallaahay oo billaahay oo tollaahay anay guriga iigu yimaadeen 7/23/12. markaan saa u arkay ayaan gartay inay yihiin naagihii ICTISAAMKA lacagaha usoo aruurin jiray. markii waxaan moodayay inay yihiin dad soo khaldamay. lkn waxaan u sheegay inaanan lacag hayn.
war dadow wax bixintu haday run idinka tahay dadka wadanka gudihiisa jooga ugu dira waxa aad diraysaan.
subxaanalaah kuwa webkaan qora waaa tixsi meesha xun uunbeey wax ka sheegaan bal culimadaaas dadka u gargaaraya maxaaad xumaaan uga abuuraysaaan
waxaad tahiin dad aan culumada runta ka sheegin haddii aad tahiin somlaimidnimo.com idinka ayaaba tuuga ah oo la shaqeeyo al shabaab tuugayeheey dadka ha dhuminina
waan kugu raacsanahay ilaahay qayrbadan ha ku siiyo xamdi waayo kuwaan wax ka sheegayo culamda ayaaba tuuga ah markaas ayey dadka waalayaan ninkasta waxuu sadaqeesto ayuu helayaa malinta qiyaamo qofkii raba ha cuna aduga u niyeeso iney heleen dadka masaakiinta ah ayaga ayaaba rabaa in la soo aruuriyo lacag la siiyo al sheeydaan tuugo ilahaay ha idin soo qabtowax qoro oo dhan webkaan somalimidnimo.com
Galada mahadey imatay awalbo weyjogen marka sax mase saxla an culumau su xara kumajiran
To: Qof kasta oo hadal qoraya. Bismillaahi. Horta sideedaba hadal waxaa loogu talo galay inuu FARRIIN gudbiyo. EXPRESSION-KA AMA TACBIIRKA aad isticmaalayso adaa ikhtiyaar u leh. Laakiin mar haddaan Muslimiin nahay waxaa nagu waajib ah inaan TACBIIRKA ugu fiican adeegsano markaan hadlayno. “WAQUULU LINNAASI XUSNAN, WAQUULUU QAWLAN SADIIDAN, MAN KAANA YU’MINU BILLAAHI WALYAWMIL AAKHIRI FALYAQUL KHAYRAN AW LIYASMUT.” Nusuustaas waxay noo caddaynayaan inaan adeegsano hadallo wanaagsan markaan hadlayno. Hadal waxaa jira hal tacbiir ah masalan ‘jumlad’ oo ku tusinaya macaani fara badan islamarkaana gudbinaya farriimo badan. Bilcaksi waxaa kaloo jira hadallo mid walba tacbiir mucayan ah la adeegsaday hase ahaatee dhamaantood ku tusinaya hal micno hal farriina gudbinaya laakiin kala tacbiir macaan. Marka adigaa lagaa rabaa inaad doorato tacbiirka ugu fiican. Waxaa la yiri “LISAANU MAN YACQIL FII QALBIH, WAQALBU MAN YAJHAL FII FIIH” Qofka caaqilka ah carrabkiisu qalbigiisuu ku jiraa=yacnii wuxuusan ka fiirsan kuma hadlo. Jaahilka qalbigiisuna afkuu u saaran yahay=oo macnaheedu yahay hadalka kama fiirsado. Next time markaad hadal oranayso ama aad qoreyso aad uga fiirso si aadan u dambaabin. khaasatan hadda oo lagu jiro bil RAMADAAN waxa aad u fiican in lays ilaaliyo.
Asc. Wanaag unbaa ka muuqda video-ga iyo dad muslimiin ah oo gargaar u raadinaya walaalo muslimiin ah, ee xumaanta xageed ka aragtaan.
ALLAH SWT wuxuu yiri!,(Kuwa ku dhiba mu’miniinta iyo mu’minadaha wax aysan galabsan waxay xambaarsadeen masabbid iyo dambi iska cad). {33:58}.
Asc, sln kdb, bis millaah. To:xamdi and amran, waa maxay aflagaadada aad u geysaneeysaa mujahidiinta aad u la aad deysaa xagaa iyo xumaan, sow ma’ahan wiilasha kaliya ee ka difaacaya wadan gaalada ku soo duushay wadankan muslimka ah alle ka baqa dumar ayaad tihiin waxad tihiin kuwa kaliya ee madaafiicdau ku harqayo gaalka africanka ah miyaadan rabin islamka in wax lagu xukumo
Al-ictisaam kowaanka ayuu ino saaran yahay! Walaahi baan ku dhaartay in aysan inaga baxsanaynin.Hade ninkii maskaxadiisa qabraysantahay baad usoo gaban kartaa ee ma aha Cilmaaniyada!
Al-ictisaam ma wuxuu isku soo maqiiqi rabaa in inagiiba ina afgambiyo oo deeganadeenii ka dhex qaraabto? Walee la iskama yeelo.
qofwalba inta hurdo kasoo tooso buu asagoon waxba ogeeyn ayuu bad ama fulikaano dhexda iskaga tuurayaa waxaan CADDE iyo inta an lasucon nimankaan filinka sooduubay waxay yihiin waxaan usheegayaa soomaalidu waxay tiraahdaa libaax nin an ogeyn ayaa lax kadhigta marka walaalayaal yaana nimankaan idiin dhuuman war macaankooda waayo qofkii
an taariikhdooda lasocon wuxuu umaleeynayaa dad masaakiinta u gargaaraya laakiin qofkii horay ulasocdey cirbad kuma aaminayo waayo waxaa cabdiraxmaan sh cumar kulan kula yeeshay hada kahor safiirka mareykanka u fadhiya keenya masjidka uu iimaamka kayahay waxayna kuwads hadlayeen luuqada ingiriiska waxaa looga tashanayey sidii loo dhameyn lahaa dad muslimiin ah oo gaaladu ubixisay argagixiso wadaadkaan iyo saaxiibadiis kaamiro sir ah baa laga diibay asogoo talooyin siinaya gaalka sidii muslimiintaas loo baa bi in lahaa marka nin asaga keli ah ma ahayne soomaalida ictisaaam ee gaalka lafadhidey ee waa badnaayeen midba mar ayuu taladiisa iyo sidey latahay in loo dhameyn karo al-shabaab ayeey fakarkooda dhiibanayey marka niman dad muslim ah iyo gaalo is haysa gaaladii lajirsadey miyaa muslim ah oo muslim iyo dad masaakiin ah caawinaya??? intaas keli ah ma aha ee ceebahooda iyo munaafiqnimadooda lama koobi karo anigu waxaan aad iyo aad u aqaan ictisaamka oo intooda badan wadamada carbaha lacag mushaar ah baa uga socota qaar kamid ah 30 ilaa 40 sano kahor baa ladiiwaan geliyey oo yahuuda ayaa dhaqaaleysa si islaamka looga horgeeyo lahacag shidaalka carbaha ayaa wax laga siiyaa waayo aniga walaalahay baa kujira oo an hada ogaadey
asalaamu calaykum
Wlaalayaal xanka ma fiicna ee iska daaye,waliba siiba bisha ramadaan.
Wax cadeyn ah ma aha war la googooyey iyo xan cad oo ah in lacag masaajid laga xadey sidaad shegeysaan. Markhaatiyaal lagu kalsoon yahay iyo cadeyn ah la imoow oo video ka duub ka bacdiina soo gali ( markaas baan kaa aqbali, waana iney ahaadaan 4 ama kabaddan markhaatiyaashaas).
Warkaad goygoyseen uu aad wakhtigii ama suaashiii sheekha laweydiiyey meesha ka saarteen ma aha wax cadeyn ah oo cadeyneysa xankiina, ee waxay idinku tahay sharafxumo iyo meel uga dhac sharafta culimadda, intaas kadib arrinkaan marka la isku dar daro ma xan kaliya waa ka weynyahay. Been bay gaari.Inii culimo tuugo lagu tilmaamo danbii intee dereer la`eeg waaye,adigoo wali soo bandhiggin wax cadeyn ah.
intaas kadib wlaalayaal Ilaahay subxanahu watacalaa ka cabsadda oo Ilaahay wuxuu ogyahay waxaad naftiina dhexdeeda ku dhex sheekeysanaysaan iyo waxaad kula sheekeysaneysaan dadka kale. Ilaahaas miyuusan mudnayn in laga cabsaddo oo la cadaalad falo, la qiimeeyo lagunna hadlo wax fiican lagganna fagooda qawlka zuurka ah iyo xanta( waliba xanta culimadda). Maalin baa Ilaahay la horistaagi bani aadam oo dhan, ayadoo la soo bandhigayo acmaashii uu qofkasta suubiyey oo dhan, xataaa atom kheyr ah iyo shar ah, ilaa qofkaas uu Ilaahay u garto Naar ama Janno, Marka wlaalayaal Ilaahay ha loo toobad keeno hana la weydiisto inii fitnadda kaa fogeeyo teeda muuqatta iyo tan qarsoon. amiin,bishii barekeysaneyd baa lagu jira marnana ma haboona Ilaaha camalkasta oo aad fuliso ujeeda inaad ku caasisid adigoo og. Waxaanu ku jirnaa bishii Quraanka bishiii danbi dhaafka bishiii horeynta. oo laga xoreeya dadka muslimiinta ah Naar, waxaanu ku jirnaa bishii la quudin jiray fuqaradda oo la afurrin jiray, ha horistaaginna sadaqadda dadka wlaalaha, Ilaahayna tawbad fiican weydiista kana cabsadda.
” Xataa lacala ha dhacdo lacag bay xadeen ma banaantahay inaan faafissid??( masa`ala kale baa meeshaas ka soo baxday).”
c/raxmaanoow af ingiriiska mataqaan ? hadaadan aqoon ii fasir dheh qof afka ingiriiska sifiican ugu hadla markaas baad fahmeeysaa waxa ay kuwada hadlayaan cabdiraxmaan sh cumar iyo ninka cad ee safiirka mareykanka ahaa ee keenya cajaladii oo xoogaa jar jaran ee ay isku keen keeneen baa somalimemo kujirta ka eeg dhanka midig ee hoose waxa looga saaray ma ogi somalimidnimo laakiin anaa wada daawaday 2011 somalimidnimo ayeey kujiri jirtey hadana waxaan rajeeynayaa in dib loosoo celin doono ayadoo an waxba laga badalin cajalkaas
Assallaamu aleykum wr wb
-
Ma xuma in dadkeena dhibaateysan la taakuleyo oo wax la taro!
Balse su’aasha wallaasheen umu barau ee aheyd dhinaaca shabaab ma tagteen?!
taas baan jeclaan lahaa in ay ka soo jawaabaan.
-
Mid laba falaar ku dhacay mid isha iyo mid barida baa la yiri tee horta lagaa bixiyaa?!
tan barida ayuu yiri. Hadda baahida ummadeena waa ka danqaneynaa ee bal tee hor bixinaa tii lagu xoreynaayay mise tii la quudinaayay!
-
Hadaad hayad HARO la dhaho sameysateen lacag la’aan ahaaneysaan safiirkii iyo galaada kale baa idin siin sidii Maxamed Idris account-kiisa loogu soo riday $300 kun Dollar oo uu garan waayay halka ay ka timi ee marka aad heshaan sheydaan yuu idin duufsan ee ha noqonina labada sharifeyn iyo kuwa ka macaasha ummadii dhibateysan,
-
Hadaad wadankii ka soo laabateen wax ma iska badalay figradiinii halgan-ka aad ku jirteen tan iyo waagii C/Laahi Yusuf mise shariif weli amiir ayuu yahay nooga soo jawaaba?!
-
Doqonimo weynaa wixii gaalo ogoshahay uun baa la aruurin karaa haddii gaalo tiraah maya waa maya!! waa cajiib maxaa is badalay.
-
5 dollar maalin waliba haddaan idin soo diro ma iga gaarsiin kartaa 25 dollar wiilasha gaajada,dhaxanta, kuleylka kaneecada, hurda xumada iyo cabsida ku jira in ay diinta iyo dalkii difaacaan, haddeynaan taas isku aragti ka aheyn hawshiina iska wata ALLE baan u baryeynaa wiilashaas u taagan diinta iyo dalkii.
-
Umu barau in aysan tegin baan u badin waayo mid mu adin ka ah masjid ii dhow oo ah la reer ah shariif Ahmed xilliig C/Laahi Yusuf laga joogi wayay baa hadda 180 degree is kala fireeyay wax lagu kala fireeyona ma arag waxa uu tagay xamar xilligii XSM ay maamulayeen ceelasha biyaha waxaan iri haye mar haddaad wadankii tagtay waxa is badalay ii sheeg indhaahaaga soow macalin kuuma ahin wuxuu yiri ma tegin ceelasha biyaha iyo meel ay joogaan XSM maxaa u tagi weysay sidee xal cadaalad ah u gaari kartaa baan iri haddaba waxba kaa weydiin maayo baan iri hadda masjidkii wax arurintiisii baan niyad u heyn ma innagabaa isku meel ka xanuunsaneynaa!
-
Khayr ma xuma laakiin in meel wax la iskugu keeno soow ma fiicneyn!
-
Horta wadanka ha la xureeyo waa la doogsan yaan la dacaroon!!
-
Rammadaan kariim
Assallaamu aleykum wr wb
-
Hablihii lagu xiray XSM baa wax u aruurineyseen maxaa ka tiraahdeen Ictisaamoow!
-
Sh C/qaadir Muumin ALLE ha xafidee warbixintii dhibatada ummadeena ee sanad ka hor uu ka qeyli dhaamiyay miyay tani ka xanuun badan tahay xassanoow?! ma jecli in aan kugu yeero magac ay kugu yereen Somalimidnimo
-
Waxaan la yaabaa diinta laga hago meesha gaalo dun weyni ay ogoshahay lagana diido waxa ay diido.
Tusaalle
-
Siiriya oo kale markii wax ka dhaceen masajidii oo dhan baa laga habaari laga duceyn wax laga aruurin dawladdaa kufaarta ogol hadhow magacaagaa la isticmaali soo dhiib annagaa gaarsiin adiga waajibkaaga waa gudatay keen! thanks cajiib! cashar nooma kordha miyaa!
-
Bariga iyo WARSOW iyo Soofiyeedkii markii la la dagaalaayay waxaa la ahaa mujaahidiin hadda gadaal ha soo eegin maya isa soo dhiib! thanks shaqada wacan ee aad qabateen!
-
Rasuulka CSW waxa uu noo sheegay in qofka muminka ahi aan isla god aan laba jeer laga qaniinin waa sidee Ictisaamoow wax idinma kordhaan miyaa?!
-
Midaba badanidiinaa cajiib!! war dadka diinta ha ka fidneynina ALLE uga baqa!
-
Jihaad la idinkuma ogee iska fariista ummadda ALLE bay qabtaayee iska fariista hal centi oo idin kugu baxa si qalad ah waa shalayto weyn maalinta qiyaamee iska fariista!
-
ALLE kor ahaayee waxa uu leeyahay “Hagaajiya waxa dhaxdiina ahaaday” aan isaga imaano safiirkii iyo xaalkiisii!
-
Aan isaga immaano Gumaadsom iyo xaalkooda!
-
Aan isaga immaano dastuur gaaleed iyo kitaabka!
-
Aan isaga immaano arintii macalin ceyroow ALLE ha u naxariistee iyo ciddii dishay?!
-
Aan isaga immaano duulaanka wadankii iyo diintii lagu yahay bal intaas oo dal maxay naga rabaan, ma in aan u sujuudno?!
-
Macluul iyo dhib Soomali hadda uguma horeynee, mijo dhoqaad marba mid baa la qaadayee aan horta sida wax u kala muhiimsan yihiin aan u kala hormarinee cunaqabteynta ka qaada mujaahidinta aad ku soo rogteen.
-
Ka daaya dacaayadda iyo duritaanka
-
Idinkoo miyir qaba soo fariista miiskii aad fariisiseen safiirkii.
-
Masjidkii ummada ka wada dhaxeeyay ee aad isku koobteen ummada usoo celiya horta!
-
Somalimidnimo khayr fara badan ALLE ha idin siiyo sida wacan ee aad noola socodsiisaan idinkaa nooga filan in aan meel kale war ka doonano, jazaakumul LAAHU khayran.
Abu fa,isa, saxiix akhi kuwa xabsiga gabdhaha ku soo booqan waayey, hal maalina maxkamadoodii iman,ayaa muslimiin u gargaaraya waa,ii cuntami la,dahay! Macaan jacel miyaa qaatalahumullaah sidey xaqa u daba mareen, kuye gabdhuhu qeynuunkay jabsheen walee amaamallaah hortiis waan idinku marqaati furri haddii aydnaan Allah u towbad keenin, subxaka yaa Rabi , dhagar badnaa nimanku dibqalooc baaa?.
Abufaisa webkan miyad ushaqeysa ???
Assallaamu aleykum wr wb
-
Xasan wallaal ma shaqaa ii heysaa! beryahaan unemployment baan ahayee!!
-
Maxaa qoonsatay?! qoladaan shaqada ay hayaan maba qaban karee! ALLE ha garab galo waa u duceynaa.
-
Web-kaan ma ku xajiimooneysaa xasanoow annaga waxa uu noo yahay kaniini aan isaga dejino madax xanuunka, waayo waa ka gubaneynaa dhibka Islaamka iyo wadankeenii iyo ummadeenii.
Fadlan su’aal = ayaan qabaa waa bishee bisha lagu jiraa???