
MUQDISHO:- Magaalada Muqdisho ayaa ku laabatay, Taariikhdii Madoobayd ee ka ganacsiga Dhiigga Muslimiinta. Magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay, kumanaan culimo, Ducaad, Saraakiishii Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Halgamayaal dagaal kula jiray dowladda cadowga ah ee Itoobiya.
Waxaa kamida Culimada la dilay, Burburkii Soomaaliya kadib, Sheekh Maxamed Axmed Rooble Boqolsoon, waxaa Magaalada Muqdisho sirdoonka cadowga Itoobiya dhaawaceen oo isku day dil ka badbaaday, Calaamah Sheekh Cabdinuur, Ilaahay ha caafiyee, wali Caalimka waxaa dhaawiciisu ka muuqda garabkiisa.
Waxaa isla xiligaas dhaawacyo soo gaareen oo isku day dil ka badbaaday, Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dhaawacu ka gaaray Lugta ama Canqowga, waxaa isweydiin leh, Sheekh Maxamed Cabdi Umal, xiligaas Tolow Ma Khawaariij ayuu ahaa?, maadaama uu diidanaa cadowga Wadankeena kusoo duulay uuna Jihaad kula jiray dowladda Itoobiya ee uu maantay difaacayo?, Shaki kuma jiro Cabduh Masar in uu lamid yahay, waxayna cadayn u tahay sida ay Dad badan isku badaleen.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Dhagayso Sharif Murtad oo leh xiligii uu Muslimka ahaa “Wiilashiina Diyaarad la saari maayo, maxaad oga aamusan tihiin!?, waxaa hubaala Muuse Suudi, Qanyare, Bashir Raage, C/qaybdiid iyo Maxamed Dheere in aysan ka ganacsiga hadda ka socda Magaalada Muqdisho sidaas u xoog badnayn, marka Wadaaddadii Boorsooyinka waa weynaa ee Muqdisho marka laga saaray Qabqablayaasha Garoomada ka soo dagayey Muqdisho Maantay soo gaalada ma difaacayaan!?.
Rabiicul Soomaal, Kacdoonkii Ugu Horeeyey Ee Dal Muslim Ka Dhaca Soomaaliya Ayuu Ahaa Sanadkii 2006!.
Qof kasta oo Taariikhdu qiimo ugu fadhido waa og yahay, in Umadda Soomaaliyeed ay Muslimiinka kale oga horeeyeen Kacdoonka, waxaad maqlaysaa Rabiicul Carabi, Soomaalidu waxay duliga dareemeen iyo ka ganacsiga Muslimiinta, Sanadkii 2006. Sharif Murtad waa kan leh sidaan, “Haddii aan run ka sheegi lahayn Kitaabka Ilaahay iyo macaanida laa ilaahay ilalaah, Mohamedda Rasuululaah, scw, sidaan ma aanan noqon lahayn?, “Islaamkii Nabi Maxamed scw, Saxabaada sidaan miyuu ahaa!?, “Wiilasheena waxaa loo xirayaa garweyn ayey leeyihiin Sulweelkuna waa u gaaban yahay, Ilaahay ayaan idin ku dhaariyaye ma dambibaa!?”.
Waxa Muslimiinta lagu haysto Sharif ayaa noo sheegaya, marka Wadaadxumaha difaacaya miyaan rumaysan karnaa!?. Waa xaqiiqo Wadaaddadaas aan ka reebi lanahay, Ibraahim Dheere, Faroole, Sharif, Gaandi, Axmed Madoobe in ay sida Sharif oo kale u hadli jireen oo Muslimiinta maantay laga ganacsanayo ay difaaci jireen, marka waxaa sahlan in laga shakiyo Diintooda ama iimaankooda!, waayo Wadaaddo markii gaalo iyo Munaafaqiin la taabtana Afka Qaylo ku shubanaya, shacabka Soomaaliyeed oo laga ganacsanayana aanan ka hadlaynin bal Adiguba wax ka dheh.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Isha Maqalka Idaacadda Alfurqaan.
Ha Akhriyo Hana Daawado Qofkaan ogayn, Qoraalo Xabsiyada Qarsoon ee Muqdisho ku yaala, laga qoray, kana daawo Masawiro iyo Muuqaalo Link’yada hoose sidoo kale hoos ka daawo Muuqaalo Video aan idin soo xulnay. http://www.thenation.com/article/161936/cias-secret-sites-somalia
http://mwcnews.net/focus/analysis/12081-cia-prison-in-somalia.html
http://terrorfreesomalia.blogspot.com/2011/07/secret-underground-prison-in-mogadishu.html
http://www.harpers.org/archive/2011/07/hbc-90008152
Sanadkii hore 2011 waxaan soo turjunnay, Warbixintii Suxufiga Maraykankaa Jeremy Sachill uu ka diyaariyey, Xabsigii qarsoodiga ahaa ee Magaalada Muqdisho ay ka furteen CIA’da Maraykanka, sidoo kale warbixintaas waxaa ku jiray waraysiyo Suxufigu la yeeshay, Qanyare, Axmed Madoobe, Indhacade, Axmed C/salaan Sharif Sheekh Axmed, Wadaaddo magacyadooda la qariyey oo dhammaan Suxufigu sheegay in ay la shaqeeyaan CIA’da Maraykan marar badanna ay la kulmeen.
HOOS KA DAAWO MUUQAALADII SUXUFI JEREMY SCAHIL.
HOOS KA DAAWO SHARIF OO LEH MARAYKANKA XIRIIR AYAAN LAHAYN XILIGII MAXKAMADAHA!.
Muslimiinta Caalamka jooga waa og yihiin Sharif in uu Jaajuus ahaa, laakiin Wadaaddadeenii Soomaaliyeed waa laxdhukan Abaar moog, Waaqica lama socdaan iyo Ninka ay difaacayaan waxa uu ku hadlo, balse Dhalinyaradu waxay ka horeeyaan Wadaaddada boqolsano xagga waaqica iyo Sirdoonka. Axmed Madoobihii Dhalinyaradu sheegeen in uu Jaajuus yahay, waatii Wariyaha Maraykankaa uu u sheegay in uu Sirdoonka Maraykanka ka codsaday taageero iyo wada shaqayn!.Marka Dhalinyarada Al-ictisaam iyo Culimadooda waa in ay wax Akhriyaan iskana hubiyaan waxa ay difaacayaan Ilaahay oga cabsadaa.
Maxamed Xaamud
Somalimidnimo.com












































SH UMAL waxa uu leeyahay hala hoos hadhsado sow waxan maahan ee uu waliba dadka uga dhigayo maslaxo iyo nolol? meeldaran alle haka tuuree intan oo dhibaato ah oo ay gaaladiiba qiranayso ma ku qancin waayay dhibna ma ugu filnaan wayday dhibaatada ay gaaladu ku hayso shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah?????? indhaha alle hakaa tuuro umulow
Subxanallaaah ninkaan bal eega? shariif murtadoow nacladii Allah kugu dhacday, Allah waxa aan kaaga baryey sida aad islaamka u qayaantay inuu Allah cadaabkiisa kuugu soo da,dajiyo aduunka si xuna kuu dillo adiga iyo inta kula mid ka ah ba.
Shariif-waan aragnay ee waxaanan aqoon intee sheekh oo asagoo kale ay ayaa Nairobi jooga. intee sheekh ayaa u shaqeeya CIA. waxaan araganaa ayagoo hadlaya oo intaa Mujaahidiinta iyo Jihaadka Wax ka sheegaya.
Waxaan is waydiiiyay haduu murtad iyo shaydaan(shariif) uu shalay ahaa wadad ,jihaadka kubooriyo dadka,,Maxaa dadka damiirka leh oo layaabayaan umal booskiisa in uu fariisan karro!! miyeeysan cibro noogu fillan aqwaasho say isku shabahaan
labadaba waxay kuwada furtaan ducada istiftaaxa
labadaba isku si ayay isaga indhatiraan dhibaatadeena,tan gaaladana udhibsadaan
labadaba jihaadka iyo mujahidiinta wa nicibyihiin
Aniga ummal booska shariif buu iijooga,waxaanse ubaa haduu madax ahaan laha shariif in uu kadarilahaa
takfiiirka somaliya wa idinka …hadii umal aad gaaal u aragtaaan yaa agtiina muslim ka ah …qayr ayan kurjaeynaaaa ….
ayan idin rajeyna ayan idin rajeyna ayan ulajeda…ALAHA nawada soo hanuuniyo
Ilaahay Hasoo Daayo asraa almuslimiin meel walba ay kujiraaan
Ilaahayna hasoo dadjiyo Dib uxureynta wadamada muslimiinta
Walakiin adka Idin jecel
Abuu Qatada As-somali