Dadweynaha oo Codsanaya inaan usoo Hormarinno Qoraalkii Berri oo Arbaco ah la soo Qori lahaa! Kaftan!

الحمد الله والصلاة والسلام على رسول الله وبعد

Waxaa jira dadweyne sheegaya inay ka heleen qisadaas dhex martay saxaabada – C/Raxmaan binu Cowf iyo labada Mucaad Allaha dhammaantood raalli haka noqdee! Waxaan dad qaar ku niri: tan dambaa daran! Ilaahay hanoo dambi dhaafo. Kheyr jacaylkaan uga jeednnaa oo waxaan iska jecelnahay Nasuusta laakiin waxaa dhici karta inaysan booskeedii ahayn. Inkastoo qoraaladayadu yihiin kuwa diin ahaan ah. Marka wixii diin ah waa loo soo qaadan karaa arrin diin. Kama wadnno qoraal kasta oon soo qornno baa diin ah ee waxaan ka wadnnaa Taxanaha Ramaddaanka insha Allaahu.

عن عقبة بن عامر قال كانت علينا رعاية الإبل فجاءت نوبتي فروحتها بعشي فأدركت رسول الله صلى الله عليه وسلم قائما يحدث الناس فأدركت من قوله ما من مسلم يتوضأ فيحسن وضوءه ثم يقوم فيصلي ركعتين مقبل عليهما بقلبه ووجهه إلا وجبت له الجنة قال فقلت ما أجود هذه فإذا قائل بين يدي يقول التي قبلها أجود فنظرت فإذا عمر قال إني قد رأيتك جئت آنفا قال ما منكم من أحد يتوضأ فيبلغ أو فيسبغ الوضوء ثم يقول أشهد أن لا إله إلا الله وأن محمدا عبد الله ورسوله إلا فتحت له أبواب الجنة الثمانية يدخل من أيها شاء

Dadka qaar baa hadda leh: tii berri noo soo hormariya! Waxay na xasuusineysaa qiso uu ka sheekeeyo sheekh hadda nool Allaha xafidee. Wuxuu goob joog u ahaa haweenay qaalli uga soo dacwootay ninkeeda! Waxay sheegtay inuu habeynkii u galmoodo  ilaa 30 jeer! Igu dambeyntii qaadigii wuxuu xukumay kala-bar intay haweentu sheeganeysay – 15 jeer! Maxaa dhacay? Haweentii oo waxaa la arkay maalmo kaddib qaalligii u timid oo leh: wax ka daran tii horaa dhacday! Qaadigii wuxuu yiri: maxaa dhacay? Waxay tiri: markuu ka falo xasho 15 jeer ee aad u xukuntay buu dhahaa: 15-kiihabeyn dambe ii soo hor mari! Ma war baa ka nool!

 

Hadda shacabkii baa ka dalbanaya in qoraalladan gaagaaban ee Ramadaanka loogu talogalay kii berri loo soo hormariyo!

 

Insha Allaahu qoraalka berri wuxuu soo galayaa marka saacadda Maka iyo Soomaaliya tahay 6-da aroornimo ama loo yaqaan 12-ka aroortii. Si aan saacadda loogu wareerin waa qorrax-soo baxa waxyar ka hor ama kaddib. Marka fisha qoraal gaaban oo qiimo leh.

Somalimidnimo.com

14 Responses

  1. Caaqil says:

    War nimankani ma waxay rabaan inaan surwaalada iskaga kaadino!

    Waxaan ahaa mucaaradkiina laakiin hada waxaan ku jiraa dadkaad soo jiidateen ee idin ku soo biiray. Inkastoo dhib badan tihiin hadana waxyaalo badan baa la idin ka faa’iidaa.

    Ila tagtee taar u dira taan jeclaa!

    Ictisaamkaan jeclaa waxaan leeyahay nabadeey.

  2. Faarax-Deeq says:

    Assalaamu Calaykumwr.wb

    Waxaan u malaynayaa walaalaha SomaliMiniMo waxay rabaan in ay xoogaa naga khafiifiyaaan Kulaylka Soonka.

    looool, makala garanayo ma waxaan ku Qoslaaa Qisada Qosolka Badan mise waxaan ku Qoslaa Tacliiqa uu bixiyey walaalka iga Horeeya ee Caaaqil, “Ila tagtee taar u dira taan jeclaa! Ictisaamkaan jeclaa waxaan leeyahay nabadeey”

    Aad ayaad iiga Qoslisiiseeeen Waleee.

    Waxaan Jeclaan lahaa in Golaha Baraaruga iyo Walaalaha Midnimo ay yareeyaaan Maqaalada ay ka Qoraan Jamaacada Ictisaaam,, Gaar ahaan Bishan Barakaysan ee Ramadaan.

    Allaah ha idin Barakeeeyo hana idin Xifdiyo.

  3. Faarax-Deeq says:

    3 maalmood Hadaad noo soo Hormarin lahaydeen Qisada waan idiin Ducayn lahayn,,, lol

  4. caaqil says:

    kan caaqil labaxay magackale maaweysay magacaan rag ayuu ucarbuunanyahay ee labax waxkale

  5. caaqil says:

    kan caaqil labaxay magackale maaweysay magacaan rag ayuu ucarbuunanyahay ee labax waxkale ictisaam inaatahay shaki iigamajiree miskiin habeen kujira ayaadtahay ee toos waadharaar cade

  6. caaqil says:

    MAAMULKA WAXAAN KACODSANLAHAA HADIILA AWOODO IN MAGACYADA LAGU AAGEERO MUWAXIDIINTA IYO MUJAAHIDIINTA IYO XAQA ALLE IN AYSAN BILILIQEEYSAN KUWO IIMAANLA SIDA ICTISAAM IYO KUWO AANBA DIIN IYO WAXAYTAAGEERSANYIHIINBA UUSAN U CADEYN WAAYO WAXAAN OGAADA IN XAQA ALLE IYO MUWAXIDIINTA INTA TAAGEERTA SIKASTOOY U YARYIHIIN AMA UTABARYARYIHIIN IN AYKUSUGNAADAAN WAXA AYTAAGEERSANYIHIIN IYGOON MAGAC BADALAN AMA MABDA TAAS AYAAIICADEEYSAY IN ICTISAAM IYO KUWO SAKARAAD AH KUMEEREESTAAN MAGACYADA MUWAXIDIINTA EE TAAS HALAOGAADO (bye,qataar)

  7. waayo'arag says:

    Bismillah, aniga ayaa inikalasaari insha allah!

    caaqilka xarakada taageersan hasito magaca caaqil.
    caaqilka ictisaam taagersan magac kalle hala baxo,
    waa simple.
    haddi labadiinuba aad tageersantihin jihaadkana, lakala baxa caaqil A iyo caaqil B
    midwalba mabdi’isa ha difaaco .
    Tfgna wey udhamaatay labadiinuba lasocda.

  8. laascaanood says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. TO: SOMALIMIDNIMO. waan qoslay waana dhoola cadeeyay. sidaad iiga qosliseen ilaahay ha idiinka qosliyo aduun iyo aakhiraba. waxaan kaloo ka codsan lahaa walaalaha somalimidnimo mar haddii qoraalkiiinu gaaban yahay in aad noo soo raacisaan tafsiirin afsoomali ah. shaqsiyan waan ogahay marka qoraalku dheeryahay in aysan fududayn in aad xarafxaraf u tafsiirisaan lkn waxaan idinka codsanayaa inaad noo fatsiirisaan haddii qoraalkiinu gaaban yahay iyo hadaad awoodaanba. waxaan saa u leeyahay carabiga ma aqaano xadiithka lasoo qorayna tafsiirin lama socoto. jazaakallahu khayran. way fiicantahay qoraal gaaban iyo tafsiirintii axaadiista. ilaahay janno ha idinku abaal mariyo.
    -
    TO: LABADA CAAQIL.
    caaqilka magaca ku qabsaday caaqilka kale, maxaad ku haysataa walaalka xaqqa soo kala fahmaya. waxaa laga yaabaa muuqatana in cilmi ahaan uu kaa cilmi yaryahay wadaado diinta ka runsheegayna aysan culumo u ahayn kuwa been usheega oo aduunyadooda iyo danohooda ku raadsada sheekhnimada inay wax u akhriyaan ayaa suurowda. teeda kale ICTISAAM dadka qurba joogta ah ayay culumo u yihiin dhariiqii ilaahayna ka leexiyaan. dadka somaliya jooga iyo ICTISAAM way is yaqaanaan xatta puntland oo ay aad ugu badan yihiin shacabku waa yaqaanaan in ay qudhun iyo qabyaalaystayaal iyo gaal la adeegsayaal yihiin. marka dadka la wareeriyay ee wareersan culumo diinta ka runsheegtana aan haysan waa qurba joogta ee dadka ha maagin ee daa. walaalkaasna in uu joogo qurbaha ayay u badan tahay.

  9. umu_barau says:

    Allow sahal libaax seexday bay niman salaaxene!, armay guryo badan u dumaan qisadan oo gob islaam iyo taageerayaashedu hadhow ku soo noqotaa?!!! Kkkkkkkkkkk, taar u dira taan jeclaa,aaaaa!!!, Ha ka xaaxaabiyeen cidii libaaxa seexday salaaxday iyagaa daan daansiga ku hor marraye, walee gob islam waa mixnad,Allow idin barakee Amin.

  10. garyaqaan says:

    caaqilka taageersan xarakada ayaa leh magaca xaqiiqdana udhow ninka taageersan ictisaam wuxuu uegyahay nin magaca biliqeestay oo kalsoonina aanmeeshakuheeynin waayo magacan caaqil mudo waan arkijiray.

  11. Abookow says:

    k.k.k.k. qisadan naagata ka cabaneysa duqeeda shalayna sh/fu.aad allah xifdiye ayan ka maqlay wa qiso qosol leh ino badiya qisoyinkas oo kale.labda caaqilna oo isku heysta magaca kan mujahidinta tagersan aya leh mgca kan kalena wa ulabaxayle

  12. abuu mula says:

    allhu akbra allhu akbra labad caaqilta mujaahidta waa A iyo caaqil B oo ictisamahay

  13. abu zeyd says:

    asalamu caleykum walalayal marka hore alle ayad mahad o dhan u sugnatay marka xiga somalimidnimo iyo gob islam waxan leyahay alle ha idinka aqbalo camalka aad wadaan e ku sii socda jidka xaqa ah.
    أسلك طريق الهدي ولايغرك قلة السالكين * وإياك وطريق أ لضلال ولا تغترن كثرة السالكين.

  14. umu_barau says:

    Caqil ansaar, iyo caaqil muhaajir ayaan kala siin lahaa rijaashaas qiimaha badan ee magaca isku heysta wuu idin deeqaaye daganaan waligiin ogaada iskuna dhimriya jazakumullahu kheyran.

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS