Deg Deg Bishaar Al-Asad Oo Ka Baxsaday Caasumadda Una Cararay Magaalada Xeebtaa Ee Lattakia ( Daawo Dimishiq Holac Iyo Dabaadil!)


DIMISHIQ:-
Warar lagu faafiyey Aljazeera, CNN iyo Reuters ayaa xaqiijinaya in dhiig yacab Bishaar Al-Asad uu u baxsaday Magaalada xeebtaa ee Lattakia. Cararka iyo baxsadka Asad ayaa wuxuu bilowday markii halaagu gaaray oo Wasiiradiisii la xasuuqay maalintii shalay ahayd. Warar ayaa sheegaya in uu doonayo xoogga ciidankiisa in uu iskugu geeyo Magaalada xeebtaa ee Lattakia.

Waxaa Caasumadda Syria ka socda Holac, ciidamada Bishaar Al-Asad ayaa Awooddii ugu dambaysay isticmaalaya, dhinaca kale waxaa ka socda dabaaldig, shacabkii mar hore ayey dareemeen in ciidaankii daaqigu jabay, Haweenkii ayaa Mashxarad ku dhuftay!, Hubkiina wuxuu gacanta u galay sidii Libya ka dhacday shacabka Muslimkaa ee doonaya Shareecada Islaamka!.

Russia iyo China ayaa isticmaalay Vito ay ku diidayaan in faragalin Milatari Reer Galbeedku ku sameeyaan Asad, balse xiligaan lama hayo Asad meel uu jaan iyo cirib dhigay. Calaamadaha dawaaqiiddu markii ay dhacayaan lagu garto waxaa kamida  in ay ka baxsadaan guryaha ay dagan yihiin, waa hubaal Dimishiq in ay kusoo laabanayso gacmaha Muslimiinta, waxaa sidaas yiri mid kamida Culimada ugu waa weyn Syria.

Shacabka Reer Syria ayaa wacad ku maray waxaan Islaamnimo ahayn in aysan ka talinaynin Syria!, waxaa Baraaruggii Islaamku gaaray dhammaan Muslimiinta, dagaalada badan kooda waxaa hogaaminaya Culimada ugu waa weyn Suniyiinta Syria. Syria iyo dhammaan Bilaadu Shaam ayaa ah dhulkii Culimada Muslimiintaa ay ku barbaareen kuna qoreen Kitaabada ugu badan ee Muslimiinta.

Insha Allah, wixii wara ee ka soo kordha Isha ayaan ku haynaa.

Daawo Video Holac Iyo Damaashaad Riix Halkaan  Akhri Aljazeera link  Daawo Video CNN.

Isha Warka, Reuters, Aljazeera, CNN.

C/laahi Shire
Somalimidnimo.com 

 

 

3 Responses

  1. [...] Calaamadaha dawaaqiiddu markii ay dhacayaan lagu garto waxaa kamida  in ay ka baxsadaan guryaha aydagan yihiin, waa hubaal Dimishiq in ay kusoo laabanayso gacmaha Muslimiinta, waxaa sidaas yiri mid [...]

  2. Waxa lagarey waqtigi muslimiinta ay xuriyad heli lahaayeen al asaad waxu aha mid marwalbo ka shaqeeya hagardamada muslimiinta iyo in u daciifiyo abodooda ilaah aya mahadle oo gurigiisa ka saarey ilaahayoow gaal iyo gaala raac jabi waxaan ku ogahay cadowga islaamka dukum daakum aamiin,

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS