
SUUGAAN:- Ukhtunaa Al-faadilah, Hooyo Umu Safaa, Ilaahay ha xiftiyee oo Suugaan badan ka tirisay Halganka aan ku jirno, ayaa Walaalkeen Abwaan Abuu Anas ka codsaday in uu Suugaanta Walaasheen Umu Safaa ku luuqeeyo, xiriir Golaha Baraarugga Islaamku ay la sameeyeen, Walaasheen waxay noo sheegtay in ay u ogolaatay Abwaan Abuu Anas in uu ku luuqeeyo Suugaanta halgankaa ay tirisay Umu Safaa.
Haddaba waxaa noo diyaar ah, Labo Gabay oo kamida Suugaanta Umu Safaa, Gabayga Koowaad waa Gabaygii Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan, markii Xabsiga loo taxaabay ay tirisay, Walaasheen Umu Safaa, Ilaahay Sheekha iyo Umu Safaa ha xiftiyee. Gabaygaan wuxuu taabanayaa xeerarka la dagsado ,sida Dastuurka iyo Wadaaddada Al-ictisaam ee Maslaxad gaalnimo u arka!, taas oo Sheekh Xasaan markuu diiday Xabsiga loo taxaabay, Culima badan oo diidi jirayna Dastuurada ay ku colaadiyeen Sheekh Xasaan.
Umu Safaa ayaaba ku bilowday Gabaygeeda, “ Waxaa dunida xeer laga dhigtee, lagu xasuuqaayo” Xukunkii Ilaahay lahaa, niman ku xiiqaaya” ”Xeer beegti niman sheegtay oon, cidiba xaaleynin”.
Insha Allah dhawaanna waxaan idin soo gudbinaynaa Gabaygii Gubaabo ee Umu Safaa, oo Abwaan Abuu Anas uu ku luuqaynayo.
DHAGAYSO: Gabaygii Ummu Safaa oo Abwaan Abuu Anas ku Luuqaynayo!.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Gabayga Hoos Ka Akhri
- Waxaa dunida xeer laga dhigtee, lagu xasuuqaayo,
- Xukunkii Ilaahay lahaa, niman ku xiiqaaya,
- Xeer beegti niman sheegtay oon, cidiba xaaleynin,
- Iyo kuwo xaddiisoo xaqii, xidhaya oo diiday,
- Wadaad xumaha xiimaaya ee, xumaha sheegaaya,
- Xaaleyni maynee annagu, waan xagjiraynaaye,
- Ku xujooba nimanyahow xaqaad, naga xabaasheene,
- Xurmo male ninkii lagu xantee, dunidu xaalayso,
- Xaashe’e maxaa idinka xidha,y xarunta Tawxiidka,
- Maxaad ugu xadrayseen raggaad, hore u xuurteena,
- Xassanow waxay kugu xidheen, xaqa caddeyntiisa,
- Xisaab kuguma heystaan marnaba, inaad xad dhaaftaaye,
- Xaawaleyda nimankii xidhee, xeerku qaban waayey,
- Inay maanta kugu xoomayaan, xaajo waa curade,
- Xarrumaha colaadaha ninkii, xume ka oogaaya,
- Xasad iyo hadday kugu xayiri, Xaqa iftiinkiisa,
- Xumahay dugsanayaan raggii, xiimi jiray waaye,
- Ka xumaani maayaan marnaba, cadowga xoomaaya,
- Xassaanow hadday kugu xumeyn, xidhidda jeelkooda,
- Xaqa inuu Ilaah kugu sugaan, Xaakim kuu barinay.
Suugaantii Abwaanad Umu Safaa iyo ku Luuqayntii Abwaan Abuu Anas Ilaahay dhammaantood ha xiftyo, Miisaanka Xasanaadkana ha u saaro, Aamiin Aamiin Aamiin.
Golaha Baraarugga Islaamka
Somalimidnimo.com












































Horta gorma lagabya? Gabayga waxa kena laba arimod 1 xanaq 2 farxad gabayga waxa lagumujiya wixi aad awodi weysay inad sikale kumujiso
allaahu akbar waa gabay taariikhi ah waana dhaxall u hari doona caruurta bari waayo sayid maxamed dadka badankoodu way foolxumeyaan halgankiisii waxy ku sheegaan inuu dadka iska dili jiry xaq daro laakiin markaan maqalnay gabayadiisa waxan ogaanay in cidii gaalada u gargaarta una fududaysa inuu dadka iyo diinta ku sii tunto oo kaliya uu dili jiray xataa haday qabiilo raacaan uu la dagalami jiray gabayadiisa ayaa cadeeyay waxanan ogaday in somalida waligeed lagu yaqaanay iyadoo islaam sheegata inay qaar ka mida u shaqayn jireen gaalada af iyo adin marka waad mahadsantihiin walalaha xaqa afka ku difaaca lama wayayo cid gaaalo u daba dhaqda kolay wax kastaaba ha ku kalifaane iyo dhalin yaro u diida nasashada insha allaah wado kasta walwal ha ku maraan hadh kastana wadno xanuun ha ku fadhiyaan wada hawsha dhalin yarada muslimiinta ah ayan la hadlayaa illaahayna talo saarta intuu gaal farxi lahaa gaalo raac iyo munaafaqna daaco qudhmi lahaa geerida ayaa ka fiican bidni llaahi kariim waa labo rajo midood uun walalyaal aduunkan ujeedo kale looma samayn kaliyaata inaa illaahy lagu caabudo cidii diidana ha dilo cidii adeecda qur aankana ha la daayo allaah wuu hadlay hal mar ayuu hadly waana kitaabka marka labaadna waa xisaabta inta u dhaxaysana waa camal waliba kii allaah noo diray oo kaliya kolay aniga sidaas ayaan u fahmay shareecada ilaahay waana sidii nabi muxamed u hirgaliyay ninkii isagoo muslim ah diiday hadalka illaahay ha la qaato badhax iyo baqtina yaan lagu qasin ma qabo in nolosha uu istaahilo lkiin gaalka cidna kuma qasbayso qasab ku muslim WAMAA AATAKUMU RASUULU FAKHUDUUUHU WAMAA NAHAAKUM CANHU FANTAHUU dastuurkii nabiguna waa qur aanka kii abuu bakar iyo cumar waa quraanka iyo dakii muslimiinta ahaa oo dhan wsc
umu safaa iyo abuu anas ilaahey haka abaal mariyo janatul firdowsna haku arzaaqo.
Mida kale ilaahey haka qabto umada muslimka ah culimadan labaxdey ictisaam oo ah culimada raaxada!
Waxaan somalimidnimo ka codsan lahaa inay soo saaraan cajal ay ugu magacdarayaan ictisaam shaley iyo maanta. si umada muslimka ah looga cadeeyo dhibka ay kuhayaan iyo fataawooyinkooda iska hor imaanaya.
Waxaana alle ubarinaynaa culimada rabaaniyiinta in alle s w haqa kusugu kuna dilo haqa.
waxaan aad iyo aad ujeclaan laan lahaa gabadhaas iyo anigu inaan is naqaan oo aan gabayada iyo buraan burada isu dhiidhiibno sidii caano la wadaagayo mana xuma haduu qof weliba fakarkiisa iyo wuxuu aaminsan yahay sheego waxaase ka mihiimsan fakarkaaga oo la sheego xaqqa oo lasheego ilaahow nagu sug dariiqa toosan waxaanse ina adeerey kuleeyahay
Umu xaashi yey maqal
Xaqu waa iska cad yahay
Xakiim baa ilaashada
Nimayxuurto haysiyo
Ninkii xoolo daaqsada
Xishood baynu mudanahay
Nin xisaab sugaayana
Xantu waa kaxaaraan
Carabkeena xanaftale
Xubnaha uu kuxiranyahay
Yey naartu xaganine
Kaxishood ilaahey
Haku xoomin nimankii
Xijaabkaba inooxiray
Xabaashana xasuusn
waa iqan ciyay runtii sxb sare waxow igatab tay meel xun
Abwaan Mohamed,
-
Gabay asbaabo badan ayaa loo gabyaa, labada aad ku soo koobtayna, wax waasic ah ayaad xadiday.
-
Waxyaabo badan baa sababa gabayga, sida Hijaaga (Durid), Amaan, Tacsi, Jacayl, Wasfi, iyo qayrkodba.
-
Gabaygu iyo Sugaantuba waa wax u baahan qawaacideedu barasho! e lama qiyaaso.
To somali salafi walalka malmahan kuma arko waxad ahey important role mid kaciyara wax bdana kala socda shaqsiyadka qar karirsan ururka fitnoway al ictisam malmahan website yada ictisam waxey cado kadhigten in ay aflagadeyay cayaan shekhuna xassaan xusen adan xafidahu allah mid afnijas ah abyadna layirahdo aya wuxu isku dayey muxadaro jediyo shekhun uu ku aflagadeyo wana mid sawac ah oo dabal ah udidi mayo magaca uu sito sh abyada koley walalaha waxan idinka codsanlaha inad tacliiq sartan muxadarada wadadka jahwaresan modayna sh umul sh shibli iyo murjia ween bashir salad anbiyo in ay yihiin somali salafi jwbta wa dhankada wsc wr wp
uma najma ilaah ajar hakaa siiiyo !ukhtii aniga xitaa waxaan jeclaan lahaa in labadiinaba allaah dartiisa idiim barto
Allaahu Akbar Allah ha idinkaga abaal marriyo janadiisa firdowsal acllaa looma hadlo anigaa dhimane waad asiibteen ee Alle carabkiina haka dhowro cadaabkisa Amiin, haniiiiiiiiiiiiiiiiiiiii,an lakum jamiican.
Sarkaal sare oo xisbillah kamida baa, fikirkisa suuriya kuwajahan laweydiiyey; indhahayagu waxay jiraan cidda yuhudu ka hiiliso, yacni cidda ey lacol tahay.
Guntu ama gumeyste kalkaalku fahamkiisa oo gaabannaawadeed buu cadaawad iyo hinaasbu qaada gobta dagaalameysa, waxay ku hadaaqaan;diinta hallooga dambeeyo culimada!! Anaga wax barney dadka, kuwa xijaabka noo xirey!!! Miyeyan ogeyn in kuwo ka kheyr badna kana cibaado badna markey inxiraafeen Alle lacnadey, xagee jooga mid gunta kufriga kaso qaaqleynayoo, sey xaaraan usiinayeen naaxey oo kelyaha ka bararey, illaa uu sidii naagihi diricyo ka qaateen, illeyn dhal le’eg heli mayee.
Ina abyadka sheegeysaan, sow kii kufrigu qabsadoo, isagoo gumeysan, oo dulleysan banaanka loosoo tuurey maahan?!! Marki loo caga jugleeyey, buu iimaanki dabada kasii daayey. Meeshuu joogo waa denmark oo khaansiirka, ceyda Allesw iyo rasuulka scw derajo lagu helo,,,,nimankani dembiga lagu heysto xudaada cas buu dhaafey, hadey xargaha kacbadana qabsadaan la deynmaayo, hadey bakhtiyaana(oyan towbadkeenin)waa la nacdali.
Kamadaale Dareenow dareen kugal ee carabkaaga ilaasho cadaabtana ha uyeeran culumadana kagaabso
T0- UMU NAJMA, WALAAL ADOO RAALIYA NINA CULUMO MA YASTEE ADIGU NAFTAADA DIB U EEGOO HALKA XAQU TAAGAN YAHAY ISTAAG -
MAANTA XAALADA LAGU JIRO DIB U EEG ,,,,
XUSUUSO HADALKII C/LAAHI IBNU MUBAARAK UU U TIRIYAY CAABIDKII XARAMAYNKA KU CIBAADAYSANAYAY,,,GABAYGAA RAADSO OO SIXEELDHEER UGA FAKAR HADALKAA IBNU MUBAARAG
KADIB CULIMADA SOOMAALIYEED DIB U EEG KUWOODA XAQA AAN LA GABAN LASAFO, WALAAHI INII LAKI NAASIXUN AMIIN
kamadaale dareenka dadkiisa akhi waxaan u qoslay si dacad ah kkkkkk iimaankii miyuu saxarooday na?kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk akhiyoow mixnad ayaad tahay walalaha aan aqriyo qoraalkooda ayaad ka mid tahay Allah haku xifdiyo hana badsho mathalkaaga aamiin.
Uma barAu jazakallaahu kheyra jazaa’ ukhti fil caqiida, aduunka waxa ugu daran nin gobo guni rifeysa,,, dadku hadey bur uraan waa guri dumey oo kale, oo sheygi qaaliga ahaa ee dhexyiil iyo dhoobadi baa isku dhexdaata,, marka somaliduna saaseynu nahay maangaabki iyo mudankiibaa is dhexyaacaya, oo ninkii wanaag sameeyaba rifaya, ileyn shaqadiisa waxani maahayn in lagu xamaaley ahayde, oo caqligiisu ma fahmi karo waxa laga hadlayo iyo waxa dhiigga loo daadinaye.
TO: Umu Najam
Ukhtii Alaah haku dhowro waxaan uu sheegin in ay halkaan ka socdaan wax aynaan aqoon jirin cadaabka aad ka hadelayso dadbaa ku gatay carbkooda hadba ukhtiyeey adigu naseexada wad waxaa aga yabaa in ha ama labo qataan.
TO Kamadaale Dacaayada iyo dumiga islaamka.
Waxaan ku oran ahaa ama kuu sheegin in aad tahay dadka meshaan wax ku qora qofka ugu xigmada yar ama ugu dadnimo iita, walaahi qoraakaaga lama akhristo ilaa qof kugu mustawe ah moyee, anoo dumar ah ayaan garan karin saan uga jawaabo balse waxaan ku dareensiin anoo waqtigayga qaaliga ah kaa dhaqaalaysanaaya waxaad ka mid tahay dadka buufiska qaba oo daawada qaata sida hadladaad ama qoraalkaaga ku cad waayo qof fayoow ama xayo islamnimo ku jirto saas uma hadlo waxna uma qoro ee waxaan kugula talin lahaa hadii ay masaajid kuu dhowyihiin aad oo quraan isaara dhah marka hore dharkaaga iyo jirkaagana daahiri oo salaada tuko si ay xumaha kaaga reebto.mana rabo in aan qoraal kale kuu soo qoro markaad i soo cayso waayo hada oon wax kuu qoraayo farahayga wey ka xishoon mana rabo in aan dulmi ka galo xubno ale igu xanaaneeyey.
Islaamahan xoog miyey nagu barran rabaaan, hanala qabsanina yaaqeey Allaah ayaan idinka magan galnaye.