DHAGAYSO: Raali Galin Waa Dhamaystiran Tahay Muxaadaradii Maantay Sheekh Xasaan Xuseen Abuusalmaan Qayb2 (Al-Qowlul Ammiin Fii’ Saddi Al-Cudwaanil Mubiin)


NAIROBI:-
Waxaa Warbaahinta Islaamigaa soo gaartay Muxaadaradii Sheekh Xasaan Xuseen Abuusalamaan uu maantay jeediyey, waa Maalintii labaad oo Sheekh Xasaan Muxaadaraddkiisu ay socdaan, waxaa loogu magac daray Muxaaradaadka

 FG: Waxaan idin ka raali galinaynaa in Muxaadarau ku istaagaysay halsaac, Insha Allah ayada oo dhamaystiran hoos ka dhagayso.

(Al-Qowlul Ammiin Fii’ Saddi Al-Cudwaanil Mubiin)

 

Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan wuxuu u kala qaybiyey Muxaadaraadka, Labo Qaybood oo uu ugu magac daray,

(Xog- Waran Iyo Xaab Qaad)

 

DHAGAYSO QAYBTII LABAAD MP3 HALKAAN RIIX AMA GUJI

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Masjidu Bilaal Nairobi
Somalimidnimo.com

28 Responses

  1. Gor-Gor says:

    Shiikha meel ayuu kaga soo haray umal waxan leeyahay meel libaax hilib kucunayo bisad mag joogte la huleel meesha, shiikhu wuxuu ku fiicanyahay inuu salaf jadiid radiyo ee karakaadka jihaadiga ah agtoda hamarin.

    • As Salama caleykum, Ikhwanii Ilahaey ka baq, shiikh Umal cirdigiisa ma ideen banana
      Shiikha calimka somaliyeed yaan lagu xaad gudbin xaraam caleeg, sh xasaan masaloo diinii haddii uu ka naqashoo is fine lakinn camadina fadlan shiikh umal xafidulah iska dayaa waa maclinkina waa calaam, war shiikh ka xashooda oo ilahey ka baqaa , sh xassan god kula geli mayoo. Ilahey shiikh Umal xafid

  2. asc wrwb sheekhana allaah ha xafido hana dhooro aamiin iyo dhamaan mashaa ikhda somaliyeed aniga waxaan lee yahay culimada ixtiraamkooda xageena waa in eey isku mid noo noqdaan oo aanan kala xigsan oo aanan mid gooni ah aanan ku xadgudbin allah ka baqa oo culimada aan wada ixtiraano eyaga ha is radiyaan hana is rifaan laakin anaga aan ka gaabsano

  3. ahmedbashir says:

    allahu akbar waa muxaadaro qiimo badan waxna laga fahmi karo waaqicana la jaan qaadeysa wadaadka allaha noo xifdiyo adduun iyo aakhiro wadaadka allaha ka ilaaliyo sambariiraxo iyo is moodsiis’ wadaaka inta uu garab taaganyahay kheyrka iyo diinta Allah ayuu wanaaga garab taagnaayaa wadaadka waxaan Allah uga baryaayaa inuu xaqa ku sugo amin yaa rabbi’ xaqiiqatan waxuu cabiray meesha iyo godka ay ku daateen wadaado badan waxuu daaha ka qaado wax badan oo daboolnaa waxuuna iftiimiyay wax waliba oo mugdi ku jiray waxuu muujiyay geesinimo iyo dhiiranaan waxaan leenahay sh.xassaanow halkaas ka wad insha’allah guusha adiga ayeey kula jirtaa inta aad u gargaareysid diinta Alle, inta aad difaceysid walaalaha mujaahidiinta ah,inta aad la kacaa kufeyso ka jawaabidda masaailo muran la galiyay annagana insha’allah waxaan kuugu soo kabeynaa ducada.

  4. Guhaad says:

    @ makaahili
    sxb ma aqriday qoralkaaga intadan so dhigin kahor .
    Wxad tahay 2 mid uun
    1-qabaliyyun xaaqid….magacaagayna ka muuqataa inad UMAL ku qabiil tahay.
    2-inad DOQON tahay waliba kha’in ah mxa yelay wxad nagu qancin rabtaa XAQ iyoBAADIL inan dhexdhexad ka ahaano…..
    Culimadu HAYS RIFAAN kulahaa …wxad tahay kii yiri oo kale “RUN HASHEEGIN BEENA HASHEEGIN WXAD SHEEGTANA HAWAAYIN!

  5. caaqil says:

    July 27, 2012 at 8:14 pm

    allaah ayaakumhadsan intiinan kale ee noosuurta gelisay dhamaan isgaarsiinta islaamka muxaadaradaan nafaqada badan oo aanweliba lagadhargeyn rabbi haidinka abaalmariyo, sheekheenana xassaan allahaxafido inta diinta illaahey doc wereenka iyo dhibta kuheysana illaahey hadhameeyo markaan oowaxaanweydiisaneynaa allaah inuu markaan qabto sidii rer caadkii kibray iyo kuwii kahoreeyay ee nuux ictisaam markaan halawaayo. rajo kolleey aniga kamasugaayo, bye(qataar)

  6. Ahmed says:

    asc Walaal Abu salmaan sida aad u sheegta culimada in la ixtraama way fiicantahay, laakiin bal ka waran sheekha ku yidhaa dagaalka lugu la jiro Ugandhiiska ,burundiiska kiiniyaanka, xabashida, siiralyoonka waa dagaal fidno ah,

    abu salmaan bal wadaadkan hoos ka daawo wuxuu la shir yimid ixtiraam ma leeyahay
    http://www.youtube.com/watch?v=GyZNpzb-yKE

  7. abuu sundus says:

    sheekh xasaan xuseen waa geesi geesi dhalay waxaa tahay ninaan baqin oo gaalada kadabanaageen waxaan jeclaan lahaa al-ictisaam iney kugutaysato ay iska daayaan dabadhilifnimada gaalada madmadoow iyo kuwa catcat kaafir waa kaafir

  8. Abu Abdalah says:

    Saax baad kuhadashay almakaahili, culimada waa isradiin karaan oo mid ba midland kale waxii khaladad uu u arko wuu saxi Kara, mar marna waa la isjafi karaa, lakiin wayahaan juhaashi Iyo xawo Leeydi baa xitaa culimada cayneeyso. War ilahay halaga baqoo oo culimada ha la daayo, yaryarka Iyo xawaleeyda ha faaudessten lakiin yeeysan culimada caynin. Wasaalaam

  9. TO: DADKOO DHAN says:

    walaalaha ogaada in maxaadirada la soo galiyay gob islaam ay half-tahay (kala badh). maxaadiradu waxa ay socotay 2hr &10min. labo saac iyo toban daqiiqo ayay maxaadiradu socotay waxaana lasoo galiyay 65min. waxaa maqan 65min oo kale. gob islam way soo kal jareen wayna fiican tahay inay saas yeelaan oo dadka ayay u fudu dahay in ay dhagaystaan kana caajisin. marka waxaa halkan la soo dhigay (A) oo ah 65min. waxaana maqan (B) oo iyaduna ah 65min. marka saa ula socda. ma dhamaystirna in ayaa maqan. gob islaa saa ugu sheega idinkuna wada dhagaysta cilmi ayaa meesha dhexfadhiyee. totalka maxaadirada waa boql iyo sagaal iyo labaatan daqiiqo. 129min. aad ayay u dheertahay wayna adagtahay in ladhagaysto. daarul xadiith u sheega in ay kala jarjaraan sida GOB ISLAAM inkastoo gob islaam ay aysan soo galin (B). tii shalayna way kasii dheerayd tii maanta. waxa ay ahayd 3saac oo dhiman 15min. iyada iyo tii maan taba hala soo kala googooyo hana lasoo post gareeyo. waan sugay insha allah.

  10. abuu ayuub says:

    asc dhamaan bahda walaalaha gob islaam sida aad indhaha noogu furteen ilaah ha idinka ajar siiyo marka xigta sheekh umal waa sheekh xigmad baddan run ahaantii aniga aad baan u dhageeysan jirey una jeclaan jirey markuu xaqa taageeri jirey laakin markaad u fiirsato waxaa xigmadii kaqaadey waxkale maahan ee waa dulmiga uu difaacayo qof walba oo xaqa difaaca waa xigmad baddan yahey qof walba oo baadil difaaca waa xigmad laawe

  11. mohamed says:

    Asc walalaha musliminta marka hore alah aya mahad iska leh tan xigta an alah ka cabsano wayo alah ka cabso wa shay aad iyo aad umuhimsan asc

  12. abuufatima says:

    Ictisaamku kaartayday dhigteen way ku dhumayaane
    Dhibta iyo mashaqaday wadeen loo dhardhaareeye
    Dharaartiyo hamaynkaba faqii laysla dhookeeyey
    Dhulka waxay xariiqeen shaxdana dhidibka loo aasay
    Dhuumac shawga beentaa wixii laysla wada dhuubay
    Dhabayaasha qaylada wixii buun ka dhalawsiiyey
    Dhulka aan xorayniyo wixii been naloo dhiibay
    Dhaqaalaha waxay naga shubteen jeebna lagu dhawray
    Dhiigyacabka aan layna iyo dhidir naloo sheegay
    Dhaawiciyo baxnaaniyo waxay qaylo soo dhacaysay
    Dhankaa iyo galbeediyo wixii yurub la dhoofaayey
    Dhurde ooman wee yee waxaan dhibicdu deeqaynin
    Hadal aan dhabtii jirin wixii lagu dhankaaxaayey
    Soo dhiib akhii iyo wixii ficil is dhaafaayey
    Niman dhoohan baanee waxii diin naloo dhibayey
    Dahabkood waxay dhiibayeen dumarku dheeraadyo
    Jeebab dhumucyo waynliyo wixii xashimo loo dhaanshay
    Dhidid dhawr wixii laga afjigay dhawaqi yeeraayey
    Rag dhuudood yaqaanaa jiroo aysan dhaafayne
    Wixii aan dhag jalaq loogu siin cabasho dhawr jeera
    Oo maqalka laga dhuujiyoo loo dhag jalaqaynin
    Walaalow waxay ina dheheen dhamac raj jiifjiifay
    Oo dhaawacoodiyo lanacay dhiig baxoodiiba
    Wixii aan dhaleecaynayoo aan dhab ula yaabnay
    Ma dhaqaalo gaaraad rabtaan eeda lagu dhaafay
    Waa niman dhurwaa cunahayiyo dhidar wayaanaahe
    Dhuuntana balaayo u gashay dhuugi culumaadleh
    Anse naga dahsoonaa dhabtiyo dhaqanka qoomkaase
    Xaq ayaan dhabaaboco dadayn duhur dharaareede
    Dhalintiyo shabaabkii kutaan dhuug wadaad xiratay
    Iyo dhidiryo yey baa heloo cabayey dhiigoode
    Saw inay dhaqaaqaan sharcigu dhabuma faalaynin
    Dhacdadaas ragii lagu dhigee dhiig buxu asiibay
    Dhibta waw adkaysteen inbadan mana is dhiibayne
    Dheeftana duqaw kuma qabsane waa u dhaafeene
    Malintii dhurwaayadi lariday dheega naga fuulay
    Iyo libin dhibadan loo maroo dhiig rag loodaadshay
    Ictisaamku waatay dheheen dhiiba furayaasha
    Waa niman dhuquulaha yaqaan dhaanka loo rarine
    Waana niman dhabtii wada yaqaan dheef si loo cunine
    Waa niman khabiiriin ku dhana oon wax dhaafayne
    Dhurde malab arkaad moodaysaa saysu dhibayeene
    Dhaniin meeshi lagu sheego dhoobte qoladiiye
    Waa wada dhaqaal yahan kurtood shayna dhaafayne
    Dhuudiyo waxay xeel barteen maanki wuu dhumaye
    Goortay dhaqaalihi marsheen loona wada dhiibay
    Dhacyo boobku waa tuu dhocoo dharaq ku diimeene
    Shacabkay dharbaaxada bareen wada dhagaraaryowye
    Dhiiba mooyiyee may lahan ayagu dhaqan ikhyaareede
    Dalsan bay dharaartii cadayd dhalida qaadeene
    Duhur bay waxay wada dhurteen maalki dhoobnaaye
    Nimankays dhamaasaaayayee hoosta dhawraayey
    Dukaamaaba dhacadiida iyo moolal dhaadheere
    Dadna wali dhuraha looma darin dhacay sugaayeene
    Waxes ay balaayadu dhacdoo uunku dhakafaaray
    Dheelmataanka goortii hamayn Malase loo dhuuntay
    Hadii ayan shacbiga dhumin lahayn gaalma dhuuxeene
    Dharka culumaday nagu hodeen oon wax dheerayne
    Baleeg waxay dhawaaqaan Xassaan dhibic markuu sheego
    Xog dhamaystirayd buu hadeer nooga dhurayaaye
    Dhawaqiyo waxaa buuqa dhigay dhibay maleegeene
    Fatwo nalagu dhibayey inbadan gaal u dhurayeene
    Hadaan Eebahay naga dharqaban dhiibnay ciidiiye
    Waxaas dhidiro gaaliyo dhigeen yeydan dhalandhooli
    Dhaqana dooriskaas muuqda iyo dhuliyo ciid baylah
    Dhigaalkii jankiis khan waxaas laysu wada dhiibay
    Dastuur ay kufrigu soo dheheen nalagu dhaamaayey
    Ictisaam dharaar qura ma oran qawl dhankoodaahe
    Waxay yeydu dhiigeen cabtee dhuugu naga haagay
    Dharaartii cadayd iyo wixii dumar la dhookaystay
    Wixii ay dhufaaneen baree dhadiga loo mooday
    Dhiidhiibsi hablihii sidood socod la dhuuheeyey
    Ictisaam dharaar qura ma oran qawl dhankoodaahe
    Nimankay dhabtood sidan tehee dhaqan ibliisaadleh
    Dhuyaciyo hareeriga hadaan kagaga dhawsiiyo
    Dhadinkiyo mareenkii hadaan dheega kala fuulo
    Diintuu ka dhiciyee Xassaan aan dhankiis joogo
    Dhib miyaa kujira maansadaan dhiilka ugu qaaday
    Dhardhaarada irjaaguu Xassaan dhabu iftiin shaaye
    Asagaa dhabtii nooga filan dhamacna leefsiine
    Waa dhalad islaamoon kufrigu waxu dhaquulayne
    Alow dhawr dhibtoodana kahay dhaafimayn ruuxe

    • dastuurdiid says:

      asc abu faadima walaal gabayo aad dastuurka qabyo qoraalka ku ridineysoo noo alif qeyr Allaah ku siiyee. maalmahaan oo ramadaan ah dastuur gaalnimo ayaa muqdisho lagu ansixin rabaa . ugu qeyb qaado ridinteedaa gabayo adigoo Allaah kuu furey fanigaas. mana ku dhahayo ictisaam iska dhaaf, mayee madaxa kasii garaac waa kuwa dastuurka gaalka u qurxinaayo umadee, si degdeg ah ayaa loogu baahan yahay muqdisho gabayo dastuurka gaalnimadiisa iyo shubahaadkiisaba radiya, sida waxey lee yihiin Allaah ka sokoow xukunka shacabkaa leh, iyo quraanka ka sokoow sareynt aan cidi ka sareyn dastuurkaa leh, waxeyna ka wadaan xukunka baarlamaankaa leh iyo sareynta dastuurka leh. caamadaa la qaldi.jazaakalaahu qeyr.

  13. Abu somali says:

    Umada somaliyed shabab wax fikirkoda ku qansan ad ayey u yaryihin marki bulshada inteda badan lo firiyo percentage yar ayad ka tihin marka wax wen ma so kor dhineysin mida sh xasaan arimahan takfirinta dadka inu galo labo arimod ku qasabtay inay jirto masa’isha u ka hadlayo inusan fahmin iyo inu isle yahay xaladan wa xaladi ad ismu jin lahed tasina waxa dalil u ah marba qof ayu isku taga waxa ognahay in sheka 3 sano ka hor in saxada dacwada an lagu aqon mida kale shekha fatawidisa waxay ku so baxan su’alo markas la waydinayo isago ka firsan o shurudihi lo marayey firin ayu iska xukuma marka ninba nin ayey uga dhagan tahay isago ku tagerayo danihisa iyo fikirka u amisan yahay bal aragno mesha lagu garo culimada caydoda

  14. Ibnulqayim says:

    Wale xaqi wu dilacay umul iyo ictisaam dhabarka ayey kajaben..xasaan.wa libax libaxyada islamka kamid ah ama waxan dhihi karna dhufeys dhufeysyada musliminta kamid ah ictisam difaca kufri waxa ay kudarsaden tuugsi.waxa kasixun wadad wado goodir qaaday midka daba socda.haday habrihi talyaaniga latumanjiray ay leyihin nag ba wax xukumi karta.iyo labo qowl ba kuso aroortay.iyo sheq hebel ba fatwodey.duligas dhan ictisamba leh.xasan .waxan alle kaga baryaya.in alle kuugu bishareyo firdowsal .acla ana xurul ciinta kula raxeysatid.insha allah.‎نحبك في الله يا شيجنا

  15. umu_barau says:

    Allahayoow mathalkiisa badi sheikh xasaan xuseen adam xafidahullaah xaqiiq maanta rujaasha isaga oo kale ah waa, ku yar yihiin zamankeena, run,ahaantiina waa in lagu faanaa caalimka hadduu xaqa ka leexan, dad kala nasiib badane Allow dhowr sheikhena Amiin, gob islam jazaakumullaahu kheyran idinkana halgankiina ku dayasho,ayuu mudan yahay .

  16. To: GUHAD GUHAD
    Walaakeeyga muslima ahow kheer allaah haku siiyo allaahna xaqa hanawada tuso aamiin hadalkaagan iyo bisha lagu jiro waxaad moodaa in eey iska hor imaanayaa ee allaah hakuu danbi dhaafo dhamaanteen iyo intii muslimiin ah hadalkaaga waa sidan (@ makaahili
    sxb ma aqriday qoralkaaga intadan so dhigin kahor .
    Wxad tahay 2 mid uun
    1-qabaliyyun xaaqid….magacaagayna ka muuqataa inad UMAL ku qabiil tahay.
    2-inad DOQON tahay waliba kha’in ah mxa yelay wxad nagu qancin rabtaa XAQ iyoBAADIL inan dhexdhexad ka ahaano…..
    Culimadu HAYS RIFAAN kulahaa …wxad tahay kii yiri oo kale “RUN HASHEEGIN BEENA HASHEEGIN WXAD SHEEGTANA HAWAAYIN!) aniga intaas midna ma aanan oranin mana aanan ka hadlin shakhsi nusuusta diiniga ah taabatay ee waxaan ka hadlay culumida dhamaantood erayga i rif ah na sheekh xassan fadahullaah ayaan ka bartay asaga ayeyna hadal qabsi u tahay mida kale qofka haduu qaldamo lama caayo ee waa loo nasteexeeyaa amaa mida qabyaalad aad igu tilmaamtay kaliya in aan u nasabsheektay awowgeeyga taasna waxaan filayaa in aadan aqoon u lee diinta iyo taariikhda saxabada iyo farqiga u dhexeeyo nasabsheegasho iyo qabyaalad waa kala labo walaalkeeyga guhaadow allaah haku xafido soonkaagana allaah hakaa aqbalo iskana daa ceeyda qofmuslim ah aad ceyneeysid oodan aqoon u leheen waxa uu yahay mahad sanid

    • Guhaad says:

      @ almakahiili
      asc salan ka dib
      wallahi walal ALLE dartii umbaan kuugu caroday markan AQRIYEY farrintada HADANA WAD CADEYSAY MOWQIFKAAGA iyo WARACAAGA marka walal iga ralliahow ANA RAALLI KA AHAY

  17. Abuu maqdas says:

    Shiiqa alah ha xifdiyo wax kasto wuu cadeeyay lkn waxa fcn in qof kasta aad dhagesatiin ka dib waxii diin ah ka qaatay waxii umad muslimnta ka naxinya galdana ka farxinaya halgo tago culamdana yaa lacaanin inta aan warkoda cadeysatay mahee sida janaqoow bashiir salaad cali wajiis oo gaalda hoosata uga jira dasturkana wax ka hufaayo

  18. Allah haka abaal mariyo sheekheena baraarujinta uu islaamka lagarabtaaganyahay cadowga gaalada allaah ka amaan galiyo

  19. mukhtarnov says:

    waxaan idiinsoo jeedinayaa culimadii somaaliyeeday iska daaya is jiijiidashada oo u tashada dalkiina iyo dadkiina ku leeday dagaalka qaarkiina iska daaya daba dhilifka aad noqqoteen walow qaar idinka mida aadka arkayso astaamihii khawaarijta

  20. maxamed says:

    asc
    ikhwaani waxa muxaadarada loo soo daayey waa in khaladka iyo saxa aad ku kala ogaatid waxa weeye qofkii sharka wada waa in loo sheegaa oo aan waxba loo qarin marka aad leedihiin culimaduu wey is redinkaraan lkn inagu yaanan kala raacin taas macnaheedu waxa weeyaan shariif waa sheekh ee inaga waa inoo sheekh ee yaan la caayin
    walaalayaal ninkii mara wadadii shariif ama sheekh ha ahaado ama siyaasi ha ahaado waa la iska ogaanayaa oo waa in la iska ilaaliyaa
    ninka maanata ku leh dagaalka socdaa waa fidno oo muslim ayaa lala dagaalamayaa waa isagaa faasiq ah mujrim ah oo aan ilaahay ka cabsanaynin oo diintiisa iibsaday oo shililmaad mahiga soo qaaday siistay ee walaalayaal kaasi walaahi sheekh ka fog oo ilaahay ayaa soo saaray wuxuu yahay ilaahay ha xifdiyo sheekh xasan xuseen oo simbiriiraxaaas ay culimadii soomaliyeed ku dhaceen haka ilaaliyo

  21. Yaasiin says:

    Ku. Abu somali

    waligey wax kaa xun ka caqli yar kaa dhaga jigsan ka in arag yar mamaqal mana arag
    mamudnid inlagu jawabo wayo sufahada in lo jawabo mahabono lkn caqli xumadada ayan layaabay nin dhintay o jirkisu iska nolyahay aya tahay wayo musliminta ayad kala qaade dadka musliminta meel kasta ey joogan jihaadka weytaagersanyihiin wana ayidsanyihin e inted kakentay dadka jihaadka taagersan percentage yar weye


    waxad iila muuqata nin maskaxda kajiran mana ahan in hadal lagugu khasarsho


    takfir iyo khawarij ad afka lataage bal axkamtoda mataqan mise ictisaam intad kamaqashay baad baaq latiri

    -
    isdaji maandhow hajabine bilcaamaha ka adagtihin iyaga kujihaada
    waxan kacabsoha qaarkin in adana fitno kutilmamo ilay fitnad ubaratene

  22. abdi says:

    a/c www walaalaha muslimka ah waan idin salaamayaa dhamaantiin waxaan kaloo salaamayaa walaalaha wepka somalimidnimo.com oo kudadaalay soogudbinta xogta dhabta ah waxaan idin leeyahay guuleysta jizaakalaah wt www

  23. Salim says:

    Asc, Anaga caamada ah wa in aan tacasubka joojina oo cilmiga kala baxna meesha, sheekh Umal si edeb badan bu uga niqaashaye mas,alade ee sheekha yaan lagu xad gudbin, Sheekh xasanaana waxan dhihi laha , sheekhana marka aad ka gar naqsanayso ma,alo cilmi ah Xanaqa iyo dagaal ka meel so dhig. Hebel hala dilo iyo wa gaal, macna ma samaynayso. Wa talo.

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS