DAAWO/DHAGAYSO: Sh. Xasaan Xuseen Oo Eedayntii Sh. Umal Ee Dilkii Dr Axmed Xaaji Ka Jawaabay Fariin Codsiyana U Diray Beesha Leelkase Iyo Gob-Islam Oo Cajal Cusub Soo Saaraysa!.


NAIROBI:-
Sheekhul Islaam Sheekh Xasaan Xuseen Aadan Abuu Salmaan, ayaa Isniintii shalay ahayd Muxaadaradiisa oga hadlay, dilkii Dr Axmed Xaaji C/raxmaan Ilaahay ha u naxariistee, wuxuuna ka jawaabay dhammaan eedihii iyo dakanadii Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu isku dayey in uu dhabarka u saaro Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan.

Fiira Gaara: Golaha Baraarugga Islaamka ayaa Insha Allah, Cajal ka soo saaraya dilkii Dr Axmed Xaaji C/raxmaan iyo dilalka qorshaysan ee ay wadaan Sirdoonka Itoobiya iyo Reer Galbeedka dilal kaas oo lagu ugaarsanayo  Waxgaradka Soomaaliyeed gaar ahaan Aqoonyahanada iyo Saraakiisha xoogga dalka Soomaaliya!.

Sheekh Xasaan waxaa hadaladiisa kamid ahaa markii uu ka hadlayey dilka Dr Axmed Xaaji C/raxmaan ee uu jawaab ka bixinayey eedayntii Sheekh Maxamed Cabdi Umal, , “Waxaan dhowr jeer codsaday Muuqaalkii uu Sheekh Umal sheegay in uu daawaday in aan daawado, waa la iga diiday, waxaan iri xattaa meel igu tusa oo la taga Muuqaalkiina, waa iga diideen, xattaa waxaa loo diiday in ay arkaan, Rag Beesha Leelkase kamida oo Ganacsato iyo Ducaad ah, marka waa howl Urur wato”.

Waxaa Sheekh Xasaan kamida Hadaladisa, “Beesha Leelkase wixii diyo iyo Dam ah, Aniga ha iisoo doonteen gaar ahaan Qoyska aan ka dhashay, hadday rabaan Gogol Daarood ha dhigtaan, Markhaatina ha usoo kaxaystaan Sheekh Maxamed Cabdi Umal!”

Sheekh Xasaan waxaa kale oo hadaladiisa kamid ahaa, “Waxaa la dilay Dr Axmed Xaaji Bishii December Sanadkii 2011, xiliga aan fadwooday Al-ictisaamka in Mafsado loo dili karana, waa xili uu mootanaa Dr Axmed Xaaji waligayna magac ma sheegin ee masalo diiniya ayaan ka hadlay, xiliga aan Fatwada ku dhajiyey Al-ictisaamna waa markii la i xiray waxyar kahor!”.

Sheekh Xasaan ayaa yiri, “Masalada aan Al-ictisaam oga hadlay waa masalo diiniya mana ahi Nin ka qoomamaynaya, diin ayaan u arkaa Ninkii wax isku haya haka niqaasho Masalada, Aflagaada iyo been abuurkana hala joojiyo, Dr Axmed Xaaji C/raxmaan dilkiisa waan ka xanuunsannay sida Umadda Soomaaliyeed oga xanuunsatay, haddii aan nahay Reer Daarulxadiithna waxaan u dirtay Qoyska Tacsi”.

 

Codsiga Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan U Diray Beesha Leelkase.

 

Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan ayaa ka codsaday Beesha Leelkase in aanan Cajalka been abuurkaa lasiidaynin, waayo Sheekhu wuxuu sheegay in cajalkaas been abuur yahay oo uu lamid yahay cajal Asha-haado ladirirka Puntland ay ka duubeen Wiil Soomaaliya oo la yiraahdi Ayuub.

Sheekh Xasaan Xuseen, wuxuu kale oo uu sheegay Dad daawaday Cajalka been abuurkaa ee sirdoonak Puntland iyo Al-ictisaamku sameeyeen in ay ku jirto arin sumcad xumo u keeni karta Dr Axmed Xaaji C/raxmaan iyo Qoyska uu ka dhashay, waana arin been abuura, arintaas ayaa ah in Dr Axmed Xaaji C/raxmaan uu ahaa Jaajuus oo Nin Xarakada Al shabaab dileen oo Axmed Kayze la yiraahdo uu sheegay in uu CIA’da Maraykanka u shaqaynayey Dr Axmed Xaaji C/raxmaan waana been abuur lagu sameeyey Dr Axmed Xaaji iyo sumcad xumo la doonayo in loogali suuqa.

Arinta Sumcad xumada ku ah, Dr Axmed Xaaji C/raxmaan iyo Qoyskiisa waa arin been abuur ah, sida Sheekh Xasaan caddeeyey iyo  3Qof oo kamida Beesha Leelkase oo daawaday Cajalka kadibna Sheekh Xasaan Xuseen u sheegay, been abuurka lagu sameeyey Dr Axmed Xaaji C/raxmaan.

Sheeko dheer weeye oo aad u xiisa badan waana howlo Xarakada Al-ictisaam ay wataan, waxaa nooga waramaya Sheekhul Islaam Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan. Cajalka been abuurkaa waa Cajalka Sheekh Maxamed Cabdi Umal sida fudud xukunka ugu dhisay waxaana Kenya keenay,  Axmed C/samad iyo Fu’aad Aflow oo difaaca xarakada Al-ictisaam u adeegsanaya bahdilidda Dr Axmed Xaaji C/raxmaan iyo Qoyska uu ka dhashay!.

DHAGAYSO MP3 Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan oo kawarama Cajalkii Sheekh Umal Xukunka ku dhisay MP3 Halkaan Riix Ama Guji 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

DHAGAYSO Eedayntii Sheekh Umal ee dilka Dr Axmed uu ku eedeeyey Sheekh Xasaan Xueen Mp3 Halkaan Riix Ama Guji

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Hoos Ka Daawo Cajalka Sheekh Xasaan Ka Hadlayo ee Asha-haado ladirirku ka duubeen Wiil Soomaaliya.

Hoos Ka Daawo Cajalkii Beesha Leelkase ka duubeen Wiilkii Asha-haado ladirirku ka Duubeen Cajalka.

Akhri Qormadii Asha-haado ladirirka Puntland iyo Suufiyada Galgaduud ay ka duubeen Cajal Wiil Soomaaliya oo ay cabsi galin iyo jirdil ku sameeyaan waa Wiilka Sheekh Xasaan kawaramayo.


Akhri Bayaankii Waaliyaasha Wilaayaadka Islaamigaa ay ka soo saareen dilkii Dr Axmed Xaaji C/raxmaan Halkaan Riix Ama Guji

 

Hoos Ka Dhagayso kana Eeg Link’yadii Wararkii ku saabsanaa dilka Dr Axmed Xaaji C/raxmaan, Culimada Wilaayaadka,Xarakada Al shabaab iyo Qoyska Dr Axmed Xaaji Maxay ka dheheen!?.

 

DHAGAYSO: Shirwac C/raxmaan Maxamuud oo ah Wiil uu Adeer u Ahaa Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo Dilka Adeerkiis cadaynaya ciddii ka dambaysay,  MP3 Halkaan Riix Ama Guji  Akhri Qoraal Halkaan Riix Ama Guji

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Bayaan Tacisa Maktabada Daarul Xadiith PDF Halkaan Riix Ama Guji | Word Halkaan Riix Ama Guji

DHAGAYSO: Sheekh Xasaan oo ka hadlay been dilka Dr Axmed Xaaji C/raxmaan markii la dilay MP3 Halkaan Riix Ama Guji  Akhri Qoraal Halkaan Riix Ama Guji 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

DHAGAYSO: Sheekh Xasaan oo sheegay nimankii dilay Dr Axmed Xaaji in la garanayo, MP3 Halkaan Riix Ama Guji  Akhri Qoraal Halkaan Riix Ama Guji 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

DHAGAYSO: Sheekh Jaamac C/salaan Warsame oo ka hadlay dilka Dr Axmed Xaaji C/raxmaan MP3 Halkaan Riix Ama Guji Akhri Qoraal Halkaan Riix Ama Guji  

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

DHAGAYSO: Sheekh Xasan Maxamuud Takar oo ka hadlay dilkii Dr Axmed Xaaji C/raxmaan MP3 Halkaan Riix Ama Guji  Akhri Qoraal Halkaan Riix Ama Guji

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Akhri Bayaankii Xarakada Al shabaab ugu Jawaabtay Beesha Leelkase PDF Halkaan Riix Ama Guji  

Akhri Qoraal Halkaan Riix Ama Guji 

 

بسم الله الرحمن الرحيم

الحمد لله الذي خلق الموت والحياة، وكتب الموت على البشر، وقدّر آجالاً لا تُقدّم ولا تؤخر، والصلاة والسلام على الحبيب القائل : «  أيما أحد من المؤمنين أصيب بمصيبة فليتعزّ بمصيبته بي عن المصيبة التي تصيبه بغيري فإن أحدا من أمتي لن يصاب بمصيبة بعدي أشدّ عليه من مصيبتي »، وعلى آله وصحابته الغر الميامين

أما بعد

فإننا قد فوجعنا كما فوجع كثير من المسلمين بنبأ مقتل الدكتور الشيخ أحمد حاج عبد الرحمن رحمه الله رحمة واسعة وجعل مثواه في الفردوس الأعلى

ونحن إذ نكتب هذه التعزية التي تصدر من قلب مكلوم يتفطّر أسىً وينزف دما ندين مثل هذه الأفعال الإجرامية التي تفتح على الأمة  باب شر وقى الله الأمة شره

كما نعزّي الأمة الإسلامية عموما، والصومالية خصوصاً، وأسرة الشيخ وذويه بالذات عن تلك الرزية المفزعة بفقدان الشيخ رحمه الله الذي يعتبر أحد الشموس التي توارت عن هذا القطر المنهك بالأزمات والرزايا مسبقا

سائلين الله عز وجل أن يجعل مثواه في جنات النعيم جنات الفردوس في مقعد صدق عند مليك مقتدر، وهتكَ الأستار عن تلك الأيدي الفاجرة، وأن يفرغ الصبر والسلوان على الأمة وعلى أقرباء الشيخ رحمه الله

إنا لله وإنا إليه راجعون، لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى

من مؤسسة دار الحديث نيروبي كينيا

11/1/1433ه

7/12/2011

 

 

Golaha Baraarugga Islaamka
Somalimidnimo.com.

58 Responses

  1. Abuuzeyd says:

    Allahu akbar waxan maqli jiray beenu raad maleh umalow wakaas waxi lagu so dhibay cademahoda adrew wax isku fal o xubu dunyaga cudurka ah haku darsan iftiraa allah uga baq o ka leexo wadadka da,da yar iskaday hinaaskee wa iga talo umalow uburtad qubtay aafo makaga danbeyday umalaw adaa tunka taagaye ayaar ma uqanacday ictisamaw waa jamcul shayadine umalaw islamka usoo laapo

  2. cabdulahi anas says:

    oo hada ictisaam gaalo miya waa iga su’aale

  3. mohamed says:

    TO.CABDULAHI ANASOW walaakeyow su.aashas dadka haku bahar gelinin ileen waxaa jira dadka intooda badan waxa lagayaaba in ay uga jawaaban si fudud oo ay dhahaan ..haaa..waagaalo weliba ayagoo ulaheyn cilmi marka halkaasi waxaa kadhalanaya fikar khaldan o jahli kudhisan marka anigu waxaan leeyahay ICTISAAM waa culimaddeeniweye laakin khaladkoda qaadanmeyno ayaga iyo kuwakalaba amaa wixii xaq Ah waynu ka qaadaneynaa dhamantod marka culimada yaan lagu fuddudaanine halagagaabsado WABILAHI TOWFIIQ.

  4. Colaad says:

    A/laahi Anas,

    Adigu ma waxaad leedahay Gaalnimo kumay dhicin mar haday baneeyeen in golayaasha sharci dajinta laga qayb qaato oo lagu biiri karro.

    Haday su’aashaadu maya tahay ood leedahay Gaalnimo kumay dhicin, Anaga iyo Iyaga Ictizaam ahiba arinkaas waanu kugu khilaafsanahay oo waxaanu qabnaa in uu arinkaasi gaalnimoyahay.

    Hadii aad tidhaahdo Haa oo waa gaalnimo waxay sameeyeen laakiin waa loo cudurdaarayaa cudurdaar jidha aawadii. Markaa waxaanu kuleenahay waa adiga iyo ijtihaadkaa iyo anaga iyo ijtihaadkayo.

  5. Ghurabaa says:

    Al xamdulillah. Wallaalayaal dil masahlano hadana qof culumo ah dilkiisa marka sh.xasaan wuu is cadeeyay marka iftiraaga uu sameeyay sh. Umul ha cadeeyo warka iyo cajalaha uu meelaha la joogjoogo hala yimaado li anahu warka iyo dacwada waa la cadeeyaa hadii kale hada walitoole cajalahaaga ayaan heesanay oo aan dhegeesan jirnay marka xitaa laqbada shiiq ayaan kaa joojineenaa asc

  6. umuayuub-3 says:

    asc wr wbrt ramadaan kariim walalaha meelkasta aad joogatan ilaah ha idin ka abaal mariyo camalkan subaan cidkasta oo ka qayeb qadatay sh xassan xuseen adan abusalmaan ilahay haka xiftiyo sharka iyo shirqolada ay ictisaam lawareegayso

  7. Cayrow says:

    sh. xasaan ayaa hadalkiisu isburinayaa ani ayaa dhagaysatay asi oo leh

    alqaatiliu mujaahid wal maqtuulu shahiid. waxa uu ku dhahay hadalkaas NAWAAQIDUL ISLAAM.

    Tankale sh. ma qabiiliitaa mise waa daaci maxuu qabyaalada iyo arimahaas ugu meeraysanayaa.

    hadalka sh. xasaan aad iyo aad ayuu isu buriyaa marksata.

    fudayd iyo salfadhi la’aan ayaa ku jirta sida asxaabtiisa shababka

  8. lafoole says:

    Walaalayaal nimakan(Ictisam) inay culumo yihiin ama ahaan jireen su,aal kama taagana. waxaa su,aal,kataagantahay nimanka ma laqabtay, oo mala dhex galay, oo qarbiga gacanta ma ugu jiraan mise uguma jiraan. waxaan qabaa in nimanka laqabtay oo lagu shaqaysto.

    waaa dhici kartaa inay jiraan kuwo aan lasocon in tallada Icitsaam maraykan iyo reer galbeed ka go’do. kuwaas markay ogaadaan in taladooda ay wataan reer galbeed iyo Ethiopia, haday diintu run ka tahay way ka soo bixi doonaan sida kuwo horeba sameeyeen. laakiin waxaan marnaba shaku ku jirin in ictisam lawato. Marka marnaba yeynaan ku aaminin Jihaadka iyo Shareecada Islaamka. hadday dadka wax barayaan waa khayr,laakiin Jihaad iyo Shareeco way gadayaan oo wax yar oo duni ah ayay siisanayaan.

  9. abdi-xayi says:

    TO:maxamed umal umalow aafadii kugu dhacday miyaad la’an fariirtay, feeraha miyaa ku qaracmay mise faruuryihii ayaa dhawaqa qabey, waad arakta foolxumadii kaa raaacday fadwooyinkaakii xumaaa, culimada alle cizeeyay waad la coleytantay, cadow baad ku tilmaatay iyo kuwo aan cilmi la’haynine, mowlaha ayaa kula xisaabtami doona maalinta qiyaamaha, doolarka iyo duulimaadyadaad jeclaatay waa waxaan wax kuu tari dooninee. Jihaad baa kaaga mudan in aad u marto boqol masaafood

  10. Mohamed says:

    Asc ramadan karim walalayal awalan sh umal iyo sh xasaan wa 2 culumo ah midkodna gaal ma aha ictisaamna gaalo ma aha qof an cilmi lahayn aya culumada si fudud ku galaysinayo insha alah waxa an sugnaa wa jawabta sh umal

  11. Cabdullahi says:

    Umal labo beelood oo isku qabiil ah, oo muslimiin ah oo sooman oo bil rabadaan, jooga ayuu fooda isku galiyey. umal iyo sheikh xasan waa isku qabiil hadana waa ilmo habreed. Saas oo aytahay umal wuxuu doorbiday in uu tolkiisna dambiilayaal kadhigo habaryartiis sheikh xasan dhashayna gablamiyo intuu sheikh xasan dilo. Bal umal hadii Hooyadiis ama habaryartiis oo ah dadkii isaga murximka ilaahey uga dhigay uu saas ugalayo. Allah baan idinku dhaarshaye sidee buu soomali ama muslimiin asxaan ugu samaynayaa.

  12. cabdulahi anas says:

    to mohamed akhi runta taabatay qaarba jaahilnimo isaga jawaba ka fiirsasho la’aan marka
    su’ashi wa lalaabtay waxba haka jawabina

  13. salaado says:

    sh,umal afkiina kabixiya nin cilme kugaaro majiree waakaas xasaan waligiis malaga hayaa hal cajal oo waano ama wacdi ah oo umada wax ugu qabanaayo aan ka,aheen wax haladilo sh,umalna ilaa yurub buu muxaadaro u aadaa somaalidii dhaqankooda rogmay in uu towxiidka u saxo bale lba nin dil waxaan a.heen luguma haayo waa xaaan iyo xasan takar

  14. berrisamaad says:

    Ummadii waxay u kala baxday dhibe=Shabab,s+Sakiin,Shariif iyo Faroole, dhibane=Maskiin cidka danbayso ilaah mooyee aaney jirin. Soomali diin layku haysta ma jirtee hanti ayaa laysku hastaa.Soomali wali kibir iyo qabwayni ayaa ku jirtee hadii Islaam jacayl idin hayo Muslimka Burma waa la dhameeyey oo qolada dhagaxa/buda’s caabuda {waa hadiii diin loo hiilanayo oo Muslim dhibaateysan la daryeelayo Ummada Burma ayaa inoo baahan} ee adin iyo afba halkaas ku leexiya. intaa ummad isku afa isku diin kala qaad qaadeysaan maalin Musheekh iska hor keenaysaan awoodan aad ku faanaysaan meel ka munaasabsan geeya. gaalada aad ka adacoonaysaan afkiina iyo adinkiina ayey wadanka ku yimaaden.

    idinkaa casuumad ku dalbadey keenayna wadanka ,kalana aqoon muslimka saxaa iyo kan iska dhigdhigaya ee jaajusnimada u yimid inta aad intaa ka ogaanaeysaan waxba idiima hagaagayaan. tusaale waxa haysaan nin ajananbi ah oo Faransiiska u dhashey ilaa hada waa uu noolyahay, laakiin markaad Soomalida tuhun yari iidinka galo waa idinkaa si deg deg ah oo cadaaladi ku jirin u dilaya . marka wixiinu miyaaney ahayn hanti doon.burcad waa idinka
    kan dhacay baayacmustar caceeda u fadhiya 200 doolar oo aad canshuur joogto aad daba wadaan wa idinka,caruuro silsilado ku xirna waan aregnay oo la leeyahay diinbaa la baryaa da’dooduna u dhaxayso 7-10 sanadood.dhib uunbaad ka shayqaysaane dheeftiina aawey.teeda waa isla shaqaysataan Af Caska madaxwayne lagu sheegayo,Sakiinka jahilinamda idikaga midka ah,iyo Farool oo u dhaqamaya sidii Hitler u dhamaynaye dadka.

    =

  15. ilaah baa mahad iskalex oo diintiisa koryeeley waxaan umada muslimiinta ah uga bishaareynayaa in nasriga uu soo dhowyahay gaalana ay jabtey culumaau suuna ay jabeen ileen diintii alle s w bey kabeensheegeene marka illaah aanu barino si ay gaaladu iyo gaalo raacyadu ujabaan

  16. aw says:

    al istisaam waxay marayaan sida ay suufiyada ay marayeen sideetamaadkii culimada yaan wax laga sheegin suufiga suu u lahaa ayaa laxaab qaaday hadana ictisaam waa la xaab qaaday suufiyada ayaaba dhaama saa iyaga boqolaal sano ayay shaqeenayeene kuwaan 30 sano xataa ma dhamo

  17. Yaasiin says:

    Ku. Ceyrow

    -
    sh.xasaan hadalkisa isma burinayo

    -
    sh.xasaan mas’alo sharci ah ayu kahadlay


    in mafsado qof lodili karo qofki rabana hakala niqaasho isaga diyaarahe


    midakale fatwadaas sh.xasan wuxu jedshay ugu yaran lixbilod marku dugnaa allaha uraxmadd dr axmad xaje se lo dhihi kara marka dilka dr axmed xaji waxa fatwoday xasaan waayo dilka ayaa horeyay fatwada dambeysay marka wad fashilantihihin


    waxba boorka ha isku qarina


    xasaan mas’alo ayu kahadlay walina diyaru uyahay in lagala niqaasho wana mas’alo fiqiga caan kuah


    marka ceyrowow xiqdi xisid o safiihnimo lagu daray aya kamuqato
    marka waxan kulenahay xisadka iskadhaae hadad diidana
    (caradaada kudhimo)

  18. leeeeeelkase says:

    **cabdulahi anas
    Tuuuuuuuuuug aya tahay waxi run horta waa lashegeyaa

    mid labaaaad Nibankaa Ugaadeeeen awlaba layiri Doqonkii Ogaadeen Dolo lagaqad

    hadii aanu hay Leelkase ma nihin dad Banooni lagu ciyaarayo Dr ahmed X c.riman
    waa layaqaaaan cidii dishay lelkasuh 100 98% meel bay isku raacsanyiihin

    Ogadeeeenow hadii aad joojin weesaan shekadina walhi Dakanuu idn ku noqon oo nin ka iidn ku wangsan idnku shiikshan oodinku hantida badna ayaa u maqan.

    by amedyare12@hotmail.com by Tyo

  19. Dirir says:

    scw

    -

    Waar waxaan is dhihi markaan dhagaysay warkiisa, Xasan dooddiisa inay shaki sii abuurto mooye waxban xallin mayso.

    -

    Waar kuwa ka ag dhow ha u sheegeen hadal badan haan ma buuxsho.

    -

    Fitnada uu fidinayo yeyan haaraan kala degin.

    -

    Allow fiqi sax ah na sii

  20. abu khaled says:

    ikhwah waa war fiican waana war lagu farxo in been abuur ay ictisaam iyo ash-shahaada la dirirka puntland ay soo dhoodhoobeen ee uu sh. umalna lasoo shir tay.
    ikhwa wxaa idinka codsanlahaa hadaad haysaan taariikhda sh. xasaan oo faahfaahsan ma iisoo diri kartaan sheekha waxaan ka arkaa uun website-ka markaa ikhwah bal maruun taariikhdiisa cidii hysaa haynooga waranto
    Jazaakumulaahu khyr

  21. mohamed says:

    CABDULAAHI ANAS akhii mahadsanid saasbaan karabaa taladeydii waad qaadataye waynu iskulenahay telada aniguna teladaada wanaagsan waan Qaadan isha,allah

  22. muuse says:

    To leelkase shaqsiga labaxay: marka hore waxaan ka xumahay magaca beeshayda intaad adeegsatid in aad dad akhyaar ah ku caydid, Taasna xaq umalihid. Mideeda labaad Ogaadeen waala yaqaan waadad sharaf ilaahey siiyey, Umal ayaa isku dayaya in uu sharafta karido, oo danbiilayaal kadhigo, taasna ALLAAH raali kama aha. waxaan kaloo aad ula yaabey danbiga culus oo umal reer tolkiis uu dusha u saaray miyuusan ogayn in isaga laftiisa aano qabiil loodili karo.

  23. Garmaqaate says:

    SUBXAANALLAAH. Wadaaddadii laga sugayey diinta faafinteeda iyo in ay dadka wax baraan baa iyagii geesaha is haysta oo maalin walba waxa taagan Sh. Hebel baa Sh. Hebel cajilad u duubay!
    Diintii bay waxay geliyeen mugdi oo magac dileen. Waxan arki jirey niman isu gabya iyo dumar isu buraanbura; balse waa wax aan loo soo joogin wadaaddo diinta isu adeegsanaya si uu midba kan kale uga guulaysto.

  24. ali says:

    aniga kole umal wan ka shakisanahay ninka diyaradaha kor iyo bari ugu kala goshaya gaaladana ay raali ugu tahay in caalim muslim ah lagu shego ma ila qumana
    Aniga kole fatwo kama qaato ilaa an dalil koda an ugu qanco marka sida an arkayo malmahan wa laga dalil xoganyahan umal marka ikhwanii sheikh yan la raacine naska saxan hala raaco

    Ilahayow diinta nagu su

  25. muuse says:

    To cabdullali Anas: Su’aashaada Jawaabteeda hadii la soogaaabiyo waa: Haa al-ictisaam waa Gaalo. Laakiin hadii aad rabtid jawaab maldahan ama meecmeecasho badan leh. waa in aad tiraahdid, sida iguba sheegtaan. maya waa muslimiin la ilhaaneestay oo waa mustadcafiin oo xaalad xun beykujiraan. Dadkuna markeyihiin muslimiin la dulaystay oo daciif ah, hadii ay markaas layimaadaan wax shareecada ka soo horjeeda waa iska caadi ileen waa lugu kalifaye oo ducufee.

  26. Cayrow says:

    To yaasiin waxii aflagaado ah korkaada allah kasawaabiyo ani kula caytami maayo
    Waxaam kui sheegayaa xasaan wax laga xasdo mahayo waayp asi ayaa dhunsan
    Qabyaalad in uu ku meeeraysto maxaa u keenay asi oo sh. Ah
    Tankale muxaadaro kasto uuu jeediyo hadalkiisu waa isburiyaa
    Hadalkaas waxa laga arkaa dhamaan duruustiisa
    Waa laga arki karaa
    Ani sh. Waxaan leeyahay bahashu meel aam kasoo laabasho lahayn ayay kula gashay
    Allaha kuu fududeeyo
    Adina yaasiin dameer dhaan raacday ayaad tahay
    Hadii aan kuu cudurdaaro qabiil ayaad sh. Kuracdaye xataa xertiisa maaahid

  27. Annas says:

    To Yasiin Waxba madan sheegin iska aamus ama wax Cilmi kudhisan sheeg!

  28. Abu Faisa says:

    Assallaamu aleykum wr wb
    -
    Cayrow waxaad ku tiri yaasiin “waxii aflagaado ah korkaada allah kasawaabiyo ani kula caytami maayo”
    -
    Fiicnaan laheydaa in aad intaas ku dayso balse waxaad tiri haddana “dameer dhaan raacday ayaad tahay”
    -
    Soow isma aadan burin?! soow maadan caytamin?!
    -
    Arinta sheekhul Islaam as Soomaal sheekh xassaan xusseen ALLE ha dhowree haddalkiisa isma burinaayo si cad oo caasho garato ah buu doodiisa usoo bandhigtay kulama qabo waxa aad la soo shirtay!
    -
    Sh Islaam as Soomaal in uu lunsan yahay baad sheegatay adiga miyaa hanuunsan?! Ictisaam oo la isku daray baan hooskiisa gaari karin, xasadna in uu jiro iyo maseer laba cali is weydiinmeysee fahamka ALLE baa bixiya!!
    -
    Waxba ha u dar daarwelin sh Islaam as Soomaal waxa uu ka diiday Umul inuu cabsi geliyo wax la isku heystaa mid fahmaya uma ekid ee ALLE weydiiso in uu kuu furo fahamka, waa adiga oo kale culimada caynaya oo liidaya haddana kuwa ku leh culimaa la caayay bal is dhageysta uun idinka.
    -
    Waxaan ku weeydiiyay Umul ma is buriyaan muxaadarooyinkiisa ?! mase la socotaa shalay iyo maanta waxa uu kala hadlaayo iyadoo aysan jirin oo wax is badalay?!
    -
    Hawshaan uu Umul isku furay in looga gar helay waa la arkaa ciddii si caddaalad ah u eegta mid meel u caddahay meelina ka madoowdahay ma sheegin?!
    -
    Wallaakeey yaasiin waxaan leeyahay iska samir.

  29. Faduma says:

    Waxaan qirayaa in aad naftiina daycdeen waa inta waxbaa la qoraa wax u qoreeysa waxaana iga talo ah maad yare nastaan bishaan oo in badan ale xasuusataan, war dadku yaab badanaa biyeeyan bishaan aqoon mise waa dad qaflad ku jira waxaan idin leeyahay alaah qaflada ha idinka saaro.

  30. mohamed says:

    To.Muuse .war maxaa kugu dhacay kajoog hadal kaasi oo aad tiri ictisaam waa gaalo waxaan karaa waxaad utiri hadalkaasi oo gefka ah mataqaanaa mas alada culeys keeda marka sidaas dar teeda kasoonoqo hadalkaas oo culimada halaga,gaabsado

  31. Cayrow says:

    abu faisa waad ku mahadsantahay waanadaada kowdahore ani sh. xasaaan manecbi mana ka xasdayo waxii Illah baray, lakin xaqiiqada la iskama indho tiri karo waayo sh. NAWAAQIDL ISLAM markii uu aqrinayay ayuu sidaas u fatwooday. marka is waydii korrmuu nawaaqidul islaam aqriyay. ma kahor mise ka dib dilkii sh. allah yarxamuh.
    intaas ka dib sh. waa loosoo jeedin karaa waxii cilada uu leeyahay waayo asi rasuul illah maaha. sh. xasaan waxyaabo badan oo uu kudhahay duruustiisa ayuu hadane qiil u raadiayaa. tusaale waxaa ah in DHULKII xukuumad gaalo ah ay ka jirto isda asi markaas uu u arko in ay dadka dagan waajib ku tahay ka hijroodaan. ok

    somalia dowlad gaalo ah ayaa ka jirta marka waa in laga hijroodaa waayo waa ARDU KUFRIN. sh. intaan u hijroonaa kenya miyaa

  32. Yaasiin says:

    Ku. Ceyrow

    -
    runtaa kushegay mise runtaa kugubee kkkk
    hadey runta kugubee haku gubto ana wan kushega

    -
    midakale xasaan hadu dhunsanyahay adi iyo ictisaam miya hanunsan

    -
    xiqdi inu kaabuxo wan kushegay miyadan arag umal sidu isku burinayo bal keen meel xasaan hadalkisu iskuburiyay boqol meel o ictisam iskuburisay aya lahaay

    -


    ku. Anas

    -
    maxad shegtay o an kaga jawaabaahe maba hadline mise in lagu jawabo ayad jeclaatay ok intan jwb hakugu filnaato allaha kuhanuniye

    -
    ku . Abu faaiza

    -
    akhi wa sax wa in an samarna dadka qaarkod xiqdi iyo xasidnima kabuuxdo sida ceyrow kan labaxay

    -
    marka akhi wa sida shegtay
    e alle hahanuuniyo anagana hana sugo

  33. Yaasiin says:

    Anigu umal waxba kamashegayo o ku xadgudbi maa lkn sida ninkan ceyrow labaxay u sh. Xasaan ugu gafay ayan laya banahay bal hakeno hadalada shiqa e isburinayo wan kasugeynahe wan qaba in culumada laceynin lkn dadka araadisha ah aya arinta kufududaado bal ceyrowow darusta ama muxadaroyinka isbura keen ama xiqdi iyo xasidnimadada lajoog melaha alla ku abaal maraahe

    al qaafilatu tasiir wal kilaabu tanbax

  34. c.wali shire says:

    alahuma calayka bil culumaa asuu fa inahum layucjizunak

  35. Somali Salafi says:

    Asc wr wb
    -
    To: Cabdullahi
    -
    Akhi hadal weyn o qiimo badan ayad ku hadashay
    -
    O waxad tiri:
    -
    Hadi Umal habaryartiis sheikh xasan dhashayna gablamiyo intuu sheikh xasan dilo. Bal umal hadii Hooyadiis ama habaryartiis oo ah dadkii isaga murximka ilaahey uga dhigay uu saas ugalayo. Allah baan idinku dhaarshaye sidee buu soomali ama muslimiin asxaan ugu samaynayaa.
    -
    Akhi waa runta hadu umal, sheekh Xasaan o habaryartiis dhashay sidaas u galayo
    Wax laga sugo ayaba jirin UMAL WU FOGAADAY

  36. Waxgarad says:

    Waan dhagaystay ‘Xujatul JIhaad’ muxaadaraadkiisii, runtiin si asluubsan, oo cilmiyeeysan ayuu u kala dhigdhigay.
    -
    1. Taariikh uu ka warbixiyay, iyo wixii daaha gadaashiisa ka socday oo ayna inbadan ka war haynin, iyo maraaxishii uu soo maray nizaaca u dhexeeya Al-ictisaam Vs Dhaaifatul Mansuurah.
    -
    2. Arin malin dhowayd sheegay oo ahayd in doodii Suufiyada ay reer Daarul Xadith ka qayb galeen ayuu sheikhu cadeeyay, Marka 11 sano ka hor ninkii sheikh ahaa miyaa maanta laga siibi!
    -
    3. Cibro iyo Taariikh: Dhowr iyo tobon sano ka hor ayaa isla meeshaas waxaa isku helay 2 nin. Nin oday ah oo dacwada wax badan u soo qabtay iyo wiil dhalinyaro ah, ayaa ka dooday mawduucyo la mid ah kuwan maanta, guushiina waxay raacday wiilkii aan aadka looo aqoonin xiligaas, wadaadkii dacwada East Africa haystayna halkaasaa lagu diray!
    -
    Wiilka wuxuu ahaa MOhamed Uma
    Odayguna : A qaadir Cukaashe.
    -
    Waa xaal aduune, wiilkii waagas oo hada Ciraystay, ayaa isagiina, isla meeshii uu odayga soo dhigay ayaa waxaa dhigay wiil ka da’ yar….’Taariikkhu Yuciidu bi nafsihii’
    -
    Ma ishii Cukaashaa soo riday?
    Ma mabda’ii uu cukashe kaga raayay, buu turay?
    -
    Akhristaw adaan kuu daayay!

    waxaa cajiib ah, in maxalu nizaacu uu yahay kii dhawr iyo toban sano ka ho.r
    -
    xaqiiqatan wadaadkan, wuxuu dagaalyahanada u noqday gaashaan ka difaaca Mubdhiliinta!
    -
    Haduu Imaamul Qazaali markuu islaamka ka difaacay Baadhinyadii iyo Falaasifadii loo bixiyay ‘Xujatul Islaam’
    -
    Aniguna waxaan arkaa sheikh Xasaan oo ka difaacay Mujaahidiinta, Jamaacaatkii soo weeeraray,
    -
    Marka saw ma haboona in loo bixiyo ‘Xujatul JIhaad’ magacaasna intaan ka warqaba cid asaga hortii loo bixiyay ma arkiin!
    -
    Bal laqabkaas ha la hirgaliyo,

  37. aar says:

    al ictizaaam wal tastuur wal kufr. MA MUSLINBAA MISE GAALO??????. KUFRIGAY MAANTA UGA DHOWYIHIIN IIMAAANKA. ALLE IDIN HOOJI ICTIZAAMOOW, MAXAY MASAAKIIN LACAG KAXADEEN IYAGOO DIIIN UGUSOO GABANAYA. LAAKIIN MAANTA FILIMKOODII WAA GUBTAY, BEEN BADNIDA, IYO INDHA ADAYGA IYO XAASIDNIMADA IYO DULMIGA IYO GAALNIMADA INAY ISKU TAAGEERAAN MOOYE ISKAMA QABTAAN. WAA DAALIMIIN. ILAAHAY CEEBIHINA SOO DEDEJI.

  38. Waxgarad says:

    واسكتهن الإعتصام لما رأو *** بعينيهم ردّا مقنعاً قد تكررا
    ويوما على نيروبي حسانٌ *** أغار بها في وثبة القوم مدمرا
    ولـوماً على أهل الأنحراف***فإن عادوا فسوف نعود أكثرا
    هذا “حجة الجهاد” مرغ أونوفكم** مثل أسودٍ انتصرت ثم شمّرا

  39. Jibril ali jibril says:

    Asc Dabkaan waxaa shidayo amo dilay sh axmed wa jawasis rabto in umado madaxa isgashtan waxaa huriyey ictisaam o gash ku shubay meydki o bananka yeelo ayey lasoboden al shabab aya dilay malmo ka dib hadana sh xasaan ka dambeyey ayey dhahen gacamey in c/samad umal shible kuwas kurkoda alle haku shububa marki maskinkam xitaa dal iyo dibid mel uu manta adi karin ku nabayan ayagana melkasta u dooliyan wale balayo ayey u shaqeyan e diin mawadan ka fugado tnkle ninka labaxay ceyrow magaca sharaftisa firi adne isfiri fadlan ictisaam labax

  40. bukhaari salafi says:

    asc wr wbrtkt

    walayaal horta hala isku galaysiiye emasalada sifican halo obaro horta malagu galoobaa kkk
    intaas is waydiya qofki idhaha haa wa lagu gaalboobaa kitaabka oo ana la siku xukunim daliilkeda hakeeno

    xasuusin

    isku xukunka kitabka alle waa wajib

  41. Dirir says:

    Akh Waxgarad:

    -

    salamu c w wa Ramadan kariim

    -

    Sheekhow sow ma wanaagsana caddaynta iyo difaaca xaqa halka ninkan aad ku magacaabaysid xujutul islaam.

    -

    Sheekhul Islaam, xujutul islaam iwm Xasaan ka foge waar ninkan yar yaan loogu kaalmayn ayda uu jiidhayo.

    -

    Tabjiilka qaarkii waa lagu inxiraafaaye taa ha la ogaado.

    -

    Allow fiqi sax ah na sii

  42. bukhaari salafi says:

    Calaamah sh maxamed cabdi umal waxan qabaa shabaab wuu u naxay walahi wali waxa uu isleyahay ha is daba qabteen ee xukunka khawaarij ee ay leyihiin buu ku ridi lahaa

    marka midida ha isku sii foaynina umal wali waa idin nxayayee mana gaari kartaan waracisa iyo akhlaqdisa allaha xifdiyo

  43. Ubax says:

    Kuwa soo qoraaya sheekh Umal habaryartiis ayaa dhashay xasaan ma ogtihiin masaldu hadaay diinta rabi farha la gasho in wiil iyo hooyadii kala tegayaan, qaraabadu waa mesheedii ee wax ha isku qaldina sheekhun wax aan rabi fariy moyee wax kala ma sheegin taas hadii lagu nacaayo allaah ayaan marna ku nacayn oo idinku naftiina u tura oo ha dayicinina.

  44. Abu Faisa says:

    Assallaamu aleykum wr wb
    -
    Cayrow wallaal
    Adigaa mudan mahad ALLE sokadii, culimada aan isu deyno iyagaa innaga cilmi badan yeynaan ku tacasubin sax iyo qalad! kii xaqqa ku taagan aan taageerno kan qaldamayna aan niraahno waa qaldan tahay.
    -
    Haddii Umul rabo wareeg labaad waa u furan tahay, in uu ka joogo baan jeclaan lahaa balse waa sugeynaa waxa xigga iyo cidda ka faa’ida!.
    -
    Intaan keliya baan wax badan ku ogaanay haddii ay sii socoto wax badan baa bannaanka immaan inshaa ALLAAH, kuwa kalena waa shaqeysan hayaan shaqadooda ayey wataan!!
    -
    Hadalka ha ku soo gaba gaboobo sida uu ku soo gaba gabeeyay Sh Xassaan ALLE ha dhowree oo ah wax ka dhageysta laakiin 3 ariimood iska ilaaliya!
    -
    Waxaa u furan in ay la galaan niqaash furan oo ay ummadda wada dhageysaneyso haddii kale aniga oo jaahil dhaga waaweyn ah baa fahmaya oo ay dhibeysaa waxa ay ICTISAAM faraha kula jirtee, diinta ha laga run sheego ama ha la iska aamuso haddii lagu nabad heli xagga ALLE in la aamuso ama la fariisto iyadoo fadhi jirin.
    -
    Waxgarad wallaal
    khayr fara badan ALLE ha ku siiyo sida ay anniga ila tahay magacaas “‘Xujatul JIhaad’” marba haddii aan looga horeyn aan u kaadino sheekha caddow badan buu leeyahay ay ku jiraan kuwa aan isku midab, af, diin iyo dal wadaagno kuwaas baan ka cel celin lanahay kuwa tun weynina waa sugi hayaan ducadda aan ugu kaalmeyno in uu ALLE ka xijaabo oo uu sugo!
    -
    Waxaad nooga filnaantaa mid i yiri dib iga joog, suxulna ii dhiibay! waxa uu soo qorana aan dhibsanaayo halkaanna adiga iyo wallaal Somali salafi keliya in uu la niqaasho in uu u yimaado sheegtay wax badan waa in ka faa’idaa labadiina aniga sidaas ayey ila noqotay hawlaha marka ay kala dagaan nasriga ALLE keeno sheekha magacyada ugu fiican waa loo bixin ay ugu horeyso tan aad soo jeedisay kuwa maseyr iyo ciil la mura dilaaci doonee inshaa ALLAAH.

  45. Abuu-caa,isha algedaawiyi says:

    Asc, akhyaarta xaqa difaacayso, bacda salaam horta dilkii marxuum axmad cabdiraxmaan waxaa ka danbeeyey waa la og yahay oo waa ps puntland weynaiska beri yeeleen xarakada alshabaab, balse waxaan idin waydiinayaa akhyaarta ma ogtihiin in ictisaam ka danbeeyeen dilkii almujaahid cabdulaahi iraad taliyihii ciimada mujaahidiintii al itixaadul islaam ee ogaadeenya inay xamar ku dileen adaadka bastoolada iskama dhigi jirin waxayse ku khayaameen ictisaam inay dheheen xajka ayaan kuu qaadanaa markuu pastoolada ka tagana aan khaarijino markay gaari ku soo qaadeen ee ay keeneen airport xamar ayey dheheen waxbaa khaldamay markay soo celiyeen asagoo fara madowna wey khaarijiyeen! Sheekh hanad oo ka mid ahaa muujaahidiinta ayagaa dhaawacay ka dibna ictisaam ayaa yiri isbitaal ayaan u qaadaynaa jabuuti ku yaal dabeedna waxay u dhiibeen fbi loona gudbiyey guatanamo ictisaam inta nin mujaahida ay iqtiyaaleen meel bay noogu qoran tahay waana xisaabin doonaa insha allah ee yeysan idinku wareerin sheekha hebel baa la dilay reer towxiidow indhaha fura.

  46. Kamadaale Dareenka Dadkiisa says:

    Gunta gunuunuc iyo hoos ka hadal baa lagu yaqaan,,,,war nimanyow iimaan la’aanta damiinimo iyo xishood la’aan baa laga qaada. Mujaahidiinta Alla magacooda kor u qaadey, oo waa nimanka magtoodu malaayiinta lacaga gaartey waxayna daliil untahay saan Alle uga rajeyneyno walaa nusakii calallaahil adade, iney manhajul anbiyaa ku taaganyiin, halkaad adinku daar kufri iyo murtad ama munaafaq ku kakkabsantihiin.

    -
    Inna shaani’ak huwal Abtar

    -
    Waxa warkiinu noqon Abtar(Alle idanki)waayo taariikhdu ninkii dhiig wax ku qora bey sheegta, adinku fulaya fiigaya tihiine, iska daaqa cowskiina intaad sidii jawaan la buufiyey dharku idinka yaraanayo, illaa aad diric free saysa ka qaadaneysaan!

  47. Yaasiin says:

    Ku. Kamadaale

    kkkkk iska daaqa cawskiina inta sidi jawaan labufiyay dharku idinku yaraanayo ilaa ad dirac free saysa kaqaadaneysaan kkkk


    walee taarikh dahaba waad heysa akhiyow ilaah hakubarakeyo halkas uga sii miis bukhari beenaale iyo jacfaru irjaa’

    naftaa kasibaxoyse qusiya o mel kuhubsada

  48. Muxsin says:

    Xassan hadu shekh iniiyahay anaga hostan kaxariiqnay

  49. Sahal says:

    Ilaahow umuuraha sahal, takfiir u baan maqli jiray, ileen meel dheerba mayna jirin. War bal arka waxa qof aan dahaarada si fiican u qaadan aqoon Sheekh Umal wax ka sheegaya, balse arka kuwa badan oo hadii kalimada towxiidka macneeya la yiraahdo aan garanayn oo Sheeha Maxamed C. Umal Xafidahullah aka la laacaya. Wallee waa aakhiru saban. Sheekh Xassaaan allaha dhowree isna ma aha in wax aan gar ahayn laga sheego oo la caayo.

  50. Asad yare says:

    Xasaan iyo inta la fekerka ahba waa in la weydiiyaa arrimahan:
    Sh.abu muxamad al.maqdisi wuxuu fatwooday hadda ka hor in Muslimiintu ay u banaantahay in ay galaan oo isu sharaxaan parlamaanaadka waa haddii ay maslaxad u arkaan, weliba isagoo (maqdisi) qaba oo in badan kutubtiisa ku qoray in parlamaanaadku iyo dasaatiirtu ay kufri akbar ah yihiin hadaba waa su’aale Sh.Maqdisi ma kufri buu ku dhacay mise waa mujtahid qaldamay hadduu kufri ku dhacay maxaa loogu cudurdaaray oo loo takfiirin waayey, hadiise uu ijtihaadkiisa aad salimteen maxaa kan ictisaam u salimi waydeen???
    Suaasha 2aad: Sh. Abu busayr adarduusi oo aad taqaaniin mawaaqiftiisa gaalaysiinta wuxuu fatwooday in Ay masaaridu u codeeyaan oo doortaan Xaazin Abu Ismacil oo la ogyahay in uu galay oo xildhiban ka noqday parlamaan leh dastuur kan somalia ka fog waa kan masare okey hadaba Abu Busayr ma gaaloobay waa kan fatwooday in parlamaan iyo madaxweyne dastuurkoodu kufri yahay in loo codeeyee? ?
    Sh.Ibn Baz,Ibn cuthaymeen iyo culimo waaweyn oo badan waxay qabeen in parlamaan iyo dastuur in la taago ay tahay kufri akbar ah waa sida Ictisaam qabaane hadana (Culimadaasi) waxay hal mar wax ka badan fatwoodeen in parlamaanadka la geli karo maslaxo darteed okey maxa lagu kala farqiyey markaas ragaas iyaga ah? ??

  51. faarax hebel hebel says:

    kamadaale, sxb anagu mujahid ma diidanin, lakin runtii al shabaab wa ka baqaynaa, qofkay rabaan bay dilaan, maxkamad dag dag ah, iyo baaritaan aan laga fiirsan, iyo qofkay fahmi waayaan inay dhahaan wa gaal baan ku baranay.

    marka nimankaa lafahayga ayaan uga baqaynaa ee maaha inaan gaalo iyo amisom rajo ka qabno hadaanu nahay shacabka somaliya

    waana waxa maxaakiimtii xamar loogu wada yaacay, xaga shabaab laga yaacayo, ma af garanayno, lama sheekeysan karno, lama doodi karno…lama kaftami karno….wa sidii ajnabi noo yimid oo kale, bud bay nala dul taagan yihin.

    nabiga csw…dadku wa ku yaaci jireen, wax weydiin jireen, jeclaan jireen….ee lagama baqi jirin…dhibka shabab haystana wa taas……lafaheena ayaan ugala dhuumanayna…adna waxaad leedahay taageera

    hadaad taageero somali ka rabtaan, bal dhaqanka dadka somaliyeed fahma…oo dadka soo dhaweeya oo la sheekeysta….oo u naxariista…gacal ha idiin arkaan…..

    lakin intaad abu abu la baxdeen…qofkaad fahmi weydaana tiirka geysaan…hala yaabina in qab qable dhaqanka somlida yaqaan loo cararo…jabka shabaabna waxa keenaya wa iyaga iyo shacabka oo wax xiriir ah lahayn…xaga maxaakiimta xata kan khamriga caba taageersanaa…oo u arkayay wadaado somaliyed oo xabashi naga dhicinaya

  52. Allamagan says:

    Abuu Aaisha Al gadaawi

    waxan filayaa inaadan dan badan ka lahayn soonkaagaa, maxaa yeelay waxaan ka gartay beenta tiradda badan ee aad iska daldalayso, sow Alle ku dhagaysan mayo. Culimadda aad sheegayso loogama baran inay wax dilaan, waxaad aad hadda isku khilaafsan tihiina waa war dilka muslimiinta iska daaya oo qura.

    Marka akhii qusac balaadka tiradda badan iska daa. Teedda kale dhow jeerbaan ku arkay waxaad had iyo jeerku haysaa AHLUTOWXIIDOOW, akhii arintaasii waa arin quliwi ah, maxaa yeelay dadka aan fikirkaaga aamin sanayn markaa wa AHLU SHIRKI. Alla kabaq oo haddaalaadda aan cilmi iyo xaqiiqo midna kusugnay inka daa

  53. [...] Waxaa Shacabka Soomaaliyeed ay la yaabban yihiin sida dad 20 qof kudhow ay Xarakada Al shabaab ugu soo dirtay in ay dilaan Dr Axmed Xaaji C/Raxmaan? Sidaas darteed ayaa dadka badankiisu rumaystay Bayaankii Xarakada Al shabaab ay u dirtay Beesha Leelkase. Bayaankaas oo ay ku beeniyeen in ay dilee… [...]

  54. Xasan sheekh says:

    Dr Axmed waxaa dilay nimanka budlaan ladakaalama islaamka ku nool wasalaamu caleykum

  55. Au nur says:

    Muxadaradki hore ee xassan aya kufilan in culumada lagulayo lakin marku hadalkiisi socon wayay ayu sicad ufadwoday in culumada lalayo markasubentiisa leyahay shacab aya liigu kicin raba asaga ayaba shacabka culumada kukiciye

  56. mohammed says:

    aselam wealeikum werahmetu allah weberekatu maasher almusliminalmujahidin ana akukum almuslim from ertrea but please iwant to say that iloveyou sory icant read somali please can write by arabic language of quraan and ahelaljena asela allah an yuhini mujahiden weyumitni shehiden

  57. asc shiiq waxaan gadaa dahab dadka haday idhahaan ii hay ayagoon lacag isiin ma uhayn karaa mise ribaa soo galaysa

  58. Asc,xasaan waa cadyahay warkiisu ee itixaad ha cadeeyaan warkooda umaduna ha iska ilaaliso nimankas kolba meel usoo dhex fadhiisanaya ee dublamaasiyiinta ah markaan saas leeyahay xasaan mataageersani waxaan kalanahay mashriq iyo maqrib arimaha qaar ee lakiin waa cadyahay oo waxbaa looga tashanayaa ninkaas, imaa itixaad umadu hadaraaseyso diinta ilaanhayna iyagu mas,uuliyad noogama ahane aan ka qaadano culimada xaqa kutaagan sas ayaan dhihi lahaa wasalamaucaleeykum.

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS