
Akhristayaal hooyo walaasheen Umu Safaa waxay sanaddo wadday gabayo ay ku iftiimineyso Xaqa, kuna guubaabineyso in cadowga laga difaaco diinta, dalka, iyo dadka. Naguma cusba silsiladeedda gabayada. Intaan cod ahaan uusan noogu soo gudbin walaalkeen Abu Annas bal waatan hooyo Umu Safaa oo leh:
- Hadal waa murtiye meel horaa laga hingaadshaaye,
- Niman baa hataatacay baryahan oo hadaaq wada’e,
- Waxay nagu hujuumeena waa hadaf colaadeede,
- Hamigaagu wuxuu heybsadaa lagu hadaaqaaye,
- Himilada wanaagsani aday haybad kuu tahaye,
- Hardankiyo colaaduna raggay kala hufaayaane,
- Hadduu hadafku meel qudha ahaa maanta waa halise,
- Haddal-heyntu waxay heysataa kii hawaawiyaye,
- Hurdo laguma helo hadaf waxaad hiigso leedahaye,
- Halgankii Jihaadkaan wadnnaa hadhayow yeelkaaye,
- Hungurigu ninkuu qaadayoow hooganaatahaye,
- Hogoshii da’eysaba haddaad daba hableynayso,
- Ninka heeryo kugu xidhay haddaad heensaha u qaadday,
- Waa lagu hungoobaa ninyahow howshan oo kale’e,
- Ninka heybsi kugu dillaya ee halis ku gaarsiiyey,
- Inaad waliba hiil ugu dartaa waa hogaan xuma’e,
- Hilibkii walaalkaa nin cunay kaama rabo hiile,
- Hagar iyo wuxuu kula rabaa inuu ku hoojaaye,
- Maxaad ugu harraaddeen ileyn howshu waa bilow’e,
- Adaa hadalka noo furay inaad howl na galisaaye,
- Waakaa halyeygii hadlee haadshay xumihiiye,
- Nimanyahow hagoogani maxaa idin halaagaaya??
- Maxaa idin halleeyee wanaag idinka hoos siibay??
- Halyeeyada jihaadaaya ee huray naftoodiina,
- Ninka hagar la doonnee waliba hadal xun sheegaaya,
- Inaan howdka marinnaa ragyahow sow habsami maahan.
Somalimidnimo.com












































AAHEEY ALLEYLEHE WAA HABSAMI IN HOWDKA AANU MARINNAA EE (soodaa soodaa umu safaay, waaba lasugaayay gabaygaadee sooooodaaaaaa)bye qataar.
Labo sheikh hadey muranto cilmi iyo aqoon ay kumurmeen, Umu safaay maad ilmahaada iska korsatid.
Asc uma safwa carabkada allow naarka dhowr kuwas allow so hanuni hadikale umada mel xun aye ku hogaminan< :haadan iyo waxay ka turi halowdi naared :hogan xuma wa midas iyo hadaf warerkas :haween hogan mel ka sugi oo heeyrifee umadi :surwaal halaf ah markaay gashtaan oo wali boor lahafiiqda mahiiga aaway iyo waa kaa hergali liisku hadal siiyo :wadada too san umada waa lagu hanuunsha :hadaay hadaf leyahiin weynoga digi lahaayen :horay usocda waa kaa hilibkeydi haada heensaday?
MaanshaAllah ukhtaah Raxmaanka fahankaada ku dhisan caqliqa iyo damiir wanaaga Allah ha kuu barakeyo, janooyinkiisa ha kagu casuumo aamiin Allahuma.
hilibkii walaalkaa nin cunay kaama rabo hiilo cajiib.
Maanta oo gaalo dhan cuneyso islamkii soomaaliyeed,ninka maanta ka hiiliyaa ruuxuu rabo ha noqdee sow taariikhda galiyo maayo.
wale si fiican ayaa loo kala miirmayaa laysma gaarin, Allow na mooti.
Wagar
-
Hooyadan imminka maxay la soo shir tagtay?
-
Hablaha diinta ha barteen deetana xaqa ha sheegeen.
To:-ç/laahi,akhii haddii aad taariikhda islaamka raad-raac kusameysid waxaa kuu soo bixi in haweenka muslimaadka ay kujiraan qaar badan oo door muhiim ah kaqaatay difaaca diinta alle, naf iyo maalna uhuray safka horena iska xaadiriyay islamarkaana heer fiican kagaadhay fahamka diinta iyo fidinteeda heer iyaga loosoo cilmi doontana gaadhay, hooyanimadooda iyo ilma haaysadna kagamayna mashquulin ugar-gaarida iyo isgarabtaaga xaqqa iyo ehelkiisa iyo kahiilinta iyo hoojinta baadhilka iyo kuwa horboodaya,taasoo dhaxal-siisay in ay gaadheen martabooyin sar-sare oo rag badan uusan gaadhin
asc gabadha umusafaa ee mujaahidadaa hkayr ala hasiiyo ilaahay haka abaalma riyo jihaadkeeda kuwabadan baa labahkaylay naf tooda iyo maalkooda iyo fikirkooda inay ku anfacaan naftooda iyo walaala hoodba
Umu Safaa Ilaaheygii ku abuurtay ka xishoo ee afkaaga ka daa culimada wa bil ramadaan ilaahey ha kaa qabto culimada aad afka ku taagaysid subxanallaaaaaaaaaah
To Abdullahi
Walaal malah gabayga maad dhuuxin bal tidican dub ugu u akhri
Ninka heeryo kugu xidhay haddaad heensaha u qaadday,
Waa lagu hungoobaa ninyahow howshan oo kale’e,
Hadii kaas aad fahmiwaydo bal kan hoose akhri
Hilibkii walaalkaa nin cunay kaama rabo hiile,
Hagar iyo wuxuu kula rabaa inuu ku hoojaaye,
Maxaad ugu harraaddeen ileyn howshu waa bilow’e,
Umu Safaa , Afku kuma go,o ee halkaa ka wad , waxaad taabatay boogtii ictisaamka.
ku kaafiya, ma aqaan waxaad kaafisee bilramadaan uun miyaad adigu taqaan maxaadse kataqaan abwaanada alle jecelyahay ee umu safaa il cawo aakuheesee badkaan hasoogelin muufadaada murtadiinta udubo
اولا:السلام عليكم ورحمة وبركاته بعدالتحيه
ku:kaafiyo
marka hore qofka wa in uu xaq sheego xaqana wey si fcnthy marka lagu jiro bil kheeyr in la sheego walasheyn umu safaa wax xun kuma hdlin wa hdlo muhiim u ah qof kasta oo caaqil ahفعتبروايااولولئ الالباب بهداالشعرانطلق من فم له قيمة علي كل من يفهم بشي ءمن الحق فم اختناام صفاء حفظه الله من كل سوء
Gun islaam inaa tihiin garay islaamkiiye umusafaa in uu garleyahay garaw xalaalede garle naag jilaa gurigi naareede gafkaa wadaan waa gini colaadeede. Gafuur duub inaa tihiin garay dadkii e gurigiina naar in uuyahay goorhore la sheegye
Uduceeya umu safaa xoogaa way caajistaye aamiin