Guddoomiyaha Guddiga Imaamyada Waqooyiga Ameerika, Ahna Imaamka Masjidka Abu Bakar As-Sidiiq ee ku Yaal Minneapolis, MN, USA oo Amisom kula Shiray Xalane! Muxuu C/Laahi Yuusuf uga soo Horjeestay?


Waxaa ninkaas sheegta guddoomiyaha guddiga Imaamyada Waqooyiga Ameerika ahna imaamka masjidka Abu Bakar As-Sidiiq ee Minneapolis ku yaal ahaan jiray si daran uga soo horjeeda C/Laahi Yuusuf iy Tigreega! Wuxuu u istaagi jiray heesaha ay qaadaan Prof. Cabdi Samatar! Wuxuu ka khudbeyn jiray bannaanbaxyada isagoo leh sidaan daawan doontaan ama maqli doontaan:  Itoobiya ma rabnno; hanaga baxdo!

Markii la arkay Imaamka oo ka hadlaya soo-gelitaanka Tigreega baa loo diiday inuu safro! Markii Shariif sheekh Axmed sheegtay baa la arkay wadaadkii oo qof kale ah. Sida sawirka ku argtaan wakaas hoosta ka galay Shariif sheekh Axmed! Waa tii uu masaajidka keeni jiray safiirkii Maraykanka u fadhin jiray Kenya, Michael Renneberger! Wakaas wakiilka Zenawi, ina Iley ku soo dhoweeyey Minnesota! Hadduu ina Iley soo dhoweynayo muxuu ka rabay C/Laahi Yuusuf iyo Geeddi?

Safiirkaas baa ka dhex leh shirkii: waxaan isku kiin xireynnaa wadaaddada Xamar jooga ee Amisom hoos jooga! Sidaan marar badan idin maqashiinnay afhayeenkii hore ee Amisom, Bahuko baa qirtay inay jiraan wadaaddo “Safiyiin” sheegta oo la shaqeeya!

Shir dhex maray wadaaddo uu ku jira Imaamka Imaamyada W. Ameerika, sh. C/Raxmaan sheekh Cumar iyo Amisom oo Xalane ka Dhacay!

Ina Sheekh Cumar, Bashir Salaad iyo niman  kale ayaa Amisom iyo UNPOS xerada Xalane ugu qabatay Siminaar qarsoodiya oo loogu talagalay wadaadxumayaasha taageera Amisom iyo Shariif! Wariyaal ku sugan Magaalada Muqdiso oo Siminaarka loo diiday ayaa soo xaqiijiyey arrintaas!

Markii Musalliintii ku tukaneysay ogaadeen in Imaamkoodii Amisom Xamar kula shirayo baa horjoogayaasha Masaajidka Abuu Bakar As-Sadiiq ku sireen dadka masaajidka ku tukada in C/Raxmaan sheekh Cumar iyo mid  gacan yara u ah ay hay’ad Islaamiya ah ka bixisay qarashaadkii lagu raacay diyaaradaha isla markaana ay magaalada Muqdisho u tageen sidii ay hay’addaas oga caawin lahaayeen Lacag Aruursi! Waxay dadka ku dhaheen: imaamka iyo nin kale baa lacag u aruurinaya gobollada Baay & Bakool!

Dadweynihii waxay dhaheen: maxay marka hore annaga lacag nooga aruurin waayeen? Maxay u qarsadeen shirka? Dadweynihii waxay dhaheen: waxay Golaha Baraarugga Islaamku sheegi jireen baa run ah! Soow iyagii maalin dhoweyd noo keenay safiirka Turkiga u fadhiya USA? Soow iyagii wiilasha u diray Istanbuul? Ileyn ninku waa siyaasi?!

Waxaa hubaal ah markii Hay’addaas magaceeda la isticmaalo oo ay ku raad gataan in mar dambe shacabka Soomaaliyeed aysan mar dambe  aamini doonin, dhaqaalo dambana aysan ku bixinaynin maadaama Ina Sheekh Cumar iyo gacan yarayaasha la socda ay horay u sheegeen xiligii shacabka Soomaaliyeed abaaraha iyo gaajada u dhimanayeen in ay xaaraan tahay in lacag la iska diro! Bal waxaan arki doonnaa Masuuliyiinta Hay’adda lagu raad gadanayo waxay ka dhahaan!

 

 Al-ictisaamka  oo Muqdisho iyo Nairobi ku Qabanaya Shirar ay ugu Ol’oleynayaan Doorashooyinka Bisha Agoosto

Waxaa dhinaca kale ka socda Ol’ole loo malaynayo in dhaqaale loogu aruurinayo niman u sharraxan Al-ictisaamka. Waxaa Magaalada Nairobi kusoo qulqulaya wadaaddada iyo ducaadda Al-ictisaamka horbooda. Waxaa hadda soo gaaray Magaalada Nairobi Axmed C/Samad oo Muqdisho ka yimid iyo Fu’aad Aflow oo ka yimid magaalada Qardho. Sidoo kale Ina Sheekh Cumar, Bashir Salaad iyo niman kale ayaa Muqdisho kasoo duulaya saacadaha ama maalmaha soo socda.

C/Raxmaan ma wuxuu Xamar u Tagay inuu soo Cesho Wiilashii Jihaadka ka Aaday Minnesota?

Wararka la isla dhex marayo ayaa tibaaxaya in barnaamijka Dhooye iyo C/Raxmaan sheekh Cumar ay la saxiixdeen dowladda Maraykanka in ay kamid tahay isku-dayga soo-celinta dhallinyaradii Jihaadka Soomaaliya u aadday oo marar badan waalidiintii wiilashaas dhalay ay dowladda Maraykanka u sheegeen in wiilashooda la diray oo  ay shirarkii iyo muddaharaadyadii ay Dhooye iyo C/Raxmaan Sheekh Cumar horboodi jireen ay ka dhalatay in ay aadaan Soomaaliya.

Ma cadda in ay xiriir la samayn karaan Muhaajiriinta balse waxaa la xaqiijiyey in Dhooye iyo C/Raxmaan Sheekh Cumar ay gaareen Ceelasha Biyaha iyo Afgooye. Waxaa arrintaas soo shaac baxday markii waalidiintii Ilmahoodu Soomaaliya aadeen qaar kamida la arkay ayaga oo horjoogayaasha Masaajidka Abuubakar la galaya Shirar, waxaana dad ka ag dhow ay sheegeen in ay Waalidiinta rajo weyn loo muujiyey!

gabi ahaanba ma cadda ujeedooyinka safarka Dhooye iyo Ina sheekh Cumar balse dad qaab qabiil xamaasad u qaaday oo ka xanaaqay in wadaadkii ciidamada shisheeye diiddanaa uu Muqdisho ku aado dhaqaalaha Muslimiinta ee Masaajidka Abuu Bakar Sadiiq ay ku bixiyaana siyaasad loo isticmaalo! Horjoogayaasha masaajidku waxay dhaheen: lacagta tigidhada waxaa ka bixiyey hay’ad!

 

Hoos Ka Daawo C/Raxmaan Sheekh Cumar Cajalkii Shalay Iyo Maantay.

Nimankaas hadda Amisom iyo UNPOS kula shiray Xalen waxay ka hadli jireen bannanbaxyadii looga soo horjeeday Tigreega markii C/Laahi Yuusuf joogay!

HOOs Ka Daawo C/Raxmaan Sheekh Cumar oo Heestii Waddaniga Ahayd ee Professor Samatar U Taagan!


Hoos Ka Daawo Gabdhaha Muslimaadkaa oo C/Raxmaan sheekh Cumar ku guubaabin jiray inay buraanburaan iyo kuwo qaarkood aan xabsiyada loogu tegin!

Safiirka Maraykanka Kenya U Fadhiyi jiray Kenya & C/Raxmaan Sheekh Cumar! Muxuu sh. Umal u difaacay?

 

Maxamed Xaamud
Somalimidnimo.com

16 Responses

  1. talo says:

    asc wr wb walal dadkina da yarta ah waxan idin lehay qof aya sa ah iyo qof difaacisa idin an fici mayso waxka ad difaacay so ha ahado mid ad dinta ku difacayso tkle dinta ha labarto dinta halo istago cid u maqan majirto ada laga raba inad dinta difacdo qofkastow ilah kuma bahdo dintisana kuma bahno e ada u bahan dinta iyo dacwada halo iskago intad galo iyo kanisad ka qarxiyay ad u tacsiyayn wakh ti yusan kaga dhumin dintada u istag hadad ka jedsatana ale kuma bahno dintana cid difacdo lama wayayo‏

    قال تعالي وأن تتولو يستبدل قوماغيركم ثم لايكونو أمثلالكم

  2. cabdiraham shekh cumar haday diinta dhab katahay muxuu cabdulahi yufuf ugaalaysiyay oo sharif shekh axmad iyo tegreega hoosta ooga galay waa nooc isir nacayb waxaa maanta kufarxi lahaa ina shekh cmar iyo murtadiin kale ayaa mukhdisho lagu qarxiyay

  3. Yaasiin says:

    So maaha ninki dhahay i don,t care mogdisho

    wadad weyno muftiya wixi maato nagala dilay meydki marinada warna marekan yaa lanabin i aay dhoonkeer muqdisha yiri mamaqashen maalamahaan kkk wale koba kutukade gabaygas wu lahelay
    war wadadan ilaa man raxilaah gaaladey uadegan dan iyo masiir somaliyeed wey marabaan e yalagu daalin halaga daneyso wadna arki doontan markey gaaladu soburiso iyago buushashka qaxotiga dagan mujahidintu mucawino ugeyneyso

  4. sh cali says:

    asc

    cabdiraxmaan sh cumar
    waxuu katirsanaa oo kamid aha alitixaadkii soomary saaxada jihaadka oo hada isdhiibay
    ayaga markee isdhiibeen waxaa soo baxay dhalinyaro u taagaan saxad jihaadka wwaana kuu leestiin dhalinyarada hada alitixaadkii waxuu labaxay magackale oo ah alictisaam ayee labaxeen

  5. Xusen yaxye says:

    Warmadjogtan ragan aad kudiiraten amey ini habaran wan huba halnino kamid ah sida sh.m.idiris hadu ilah ini baryo in mardambe nili arkidonin xita alshabab idacado iyo twitar ayey qaban weyna kagabsadan culumada

  6. Abu Shida says:

    Ascwrwb -

    Xusen Yaxye,

    Akhi waxa laga hadlayo marka hore faham, cid la iska duraya ma jirto amd la iska xodxodanayo ilaa inay masirki diinta, ummada, dalka ay raban inay galadu ugu adegsadan. teda kale ninkan ad ledahay yuu idin habarin ama hadu habaro wax bad noqonaysan. marka hore isaga miyanad u baqeyn adunka meshu aado mujahidiinta iyo culimadoda ayu afka ku haya, dura, dacayadeya, ceebahoda sheega, xuman oo dhan usoo jiida, gaalo iyo gaalo raacyo uga hiiliya, been iyo wax xun oo dhan ku furaa… nimanka uu intas oo dhan ku sameynayo wa niman gaalo ribad ugu jira, naf iyo maal Alle diintisa u huray, jiif iyo raaxo diiday, xasaskodi iyo carurtodi ka tagey, isaguna habenba hutel qaaliya seexda, luftansa iyo emirates raaca… walahi way ka amusen oo Ilaahay darti uga amuseen xiqdigisa, naceybka iyo xumanta uu uqabo mujahidinta, Alleyna tas u dhafeen, ma habaran, wax kuma yidhahdan, xataa ma radiyan.. lakin waxan rajeynaya in Alle uga hiiliyo, ka qabto ummada oo caalamad ka muujiyo cid ala iyo cidii afkeda iyo adinkeda laga baxsan waayo…
    wa bilahi tawfiq

  7. Umu Caaisho says:

    Sheekh maaha, waa qabiiliiste danayste ah, diintana ku shaqaysta asaga & C/Qani Qorane iyo kuwa la midkaa, waa in sharciga ALLE lagu qaado.
    Walaalayaal idinkana beer jileeca iska daaya xukunka ALLANA waa cad yahay sheekh iyo imaam midna ha ugu yeerina, waxa uu mudan yahay ku sheega…
    Culumadii Rabbaaniga ahayd maxaan ugu yeeraynaa haddii kuwaan iyo kuwa la midkaa oo diintooda hungiraga iyo caloosha ku wata aan shiikh dhahno.

  8. hudiya says:

    Amisson iyo Wadaada Alictisam labaxay labadaba waxaa xukuma maraykan. waxay u shaqeeyaan maraykan. bal ii sheega waxa Cabdiraxman sheekh cumar ujoogo ceelasha biyaha. armaan aragnaa mardhow Assagoo General ah oo Jihaad iclaaminaya.

  9. fariida says:

    ku xusen kkkkkkkkkkkkkk waxaan u amleehaaa inaad naga qoslisid aad u soo qortay, waaba kala daran yihiine ma maxamed idiris ayaad hada ii amaaneysaa, waxa uu Allah wax ka aqballaa kuwa diintiisa difaacaya islaamkana jacel kana damqada dhibkooda kuwaan maahoo waa shaqaalle dawladeed awoowe igala her warkaas iguma socohaayee,kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

  10. cabdifataax says:

    midka wanaaga noogu sheega INA IDIRIS (SH MAXAMED IDIRIS) waxaad tahay nacas naagaha iyo caruurtu ka caqli badan yihiin. war nacas yahow wadaadka aad difaacayso iyo ina sheekh cumarka amisom xamar kula shiraya keebaa daran?? ina idiris ayaa daran. ABDIRAXMAAN SH CUMAR ma maqal isaga oo dhahaya kitaabka quraanka yaanan dadka la barin loona tafsiirinin. lkn waxa uu yahay maanta cid iiga sheekaynaysa malahan cid iiga sheekaysana uma baahni. indhahayga iyo dhagahayga ayaa ii markhaati ah.
    INA IDIRIS waa ninka SOUTH AFRICA shacabka soomaaliyeed ku soo dhoweeyeen lacagna u aruuriyeen iyagoo u haysta in uu yahay gacalkooda iyo wadaadkii aakhiro u horseedi lahaa sidii ay ku heli lahaayeen ilaahayna ugu dhowaan lahaayeen iyagoo ka faaiidaysanaya cilmi ay islahaayeen wuu xanbaarsanyahay. markaasu waxa uu bilaabay in sheekhii shacabka south africa diinta bari jiray uu isku dayo in uu dadka dhaafiyo. sida la ogyahayna dowlada south africa diinta islaamka lama dirirto. hadii ay tahay kenya oo kale wadaadka wuu xidhi lahaa ina idiris sida ay ka sameeyeenba nairobi iyo maraykan. markaas ayuu ka mamnuucay masaajidkii wadaadkii shacabka diinta bari jiray. wadaadkaasna waa sh maxamed amiin. markii layidhi maxaad saa u samaynysaan ICTISAAMOW waxa ay ku jawaabeen KITAABKA QURAANKA ah ayuu ka runsheegaa marka uu tafsiirinayo dadkuna inay bartaan ma rabno iyo in laga runsheego kitaabka allah toona. hadday taas dhacdana dadka isma qabanayno. ILLEEN WAA NIMAN ILAAHAY KA FURTAYE. ama amisom lashira, ama ducaada ku xidhxidha kenya, maraykan, puntland, somaliland, yurub iyo meelkastaba. shacabkii hadaan nahay waan idin ogaanay lacag danbena walle igama qaadaan ama masaajid ayaan dhisaynaa dhaha ama marmarsiinyo kale iila imaada.

    • maxamed says:

      Ku c,Fatax, ilahey ha ku barkeyoo akhii
      Ilahey ka baq Sh Maxmed Iddriss ha ku
      Been abuuran, xishood will yar bad tahayee
      Hadd ka hor will adoo kalaa baa ku been abuurtey
      Fadilatu Sh C/raxmaan Sh omar
      Ninkaas maanta xabsii buu ku jiraa
      Waa habarkii Shiikh, Marka cabdifatxoww
      Walaalo iska ilaale oo culumadda
      RabaaniyintA iska daa

  11. bicolo says:

    kuwaan qabil maka aha caydaan din iskaba daye waxaan hubaa nooc mina waali waye oo hadba aad geed isku qadeysaan indho la.aan jahilnimada idinku weynatay wax idinka aad leedihin ayaa wax laga saraa dinta alaah subxana wa tacala ayaa leh u daya alaah dintiisa aad malinba kaa dontaan ka sareysaaan sow ma ogidin guri adan laheen in adan qof ka sari karin bal ka waran ialaah hadaad u gacan dhafaan din tisa in aa dadka ka wada sartaan islamaka waxaa la faraxy in dinta alaah dadka ugu yeraan ee meel lagu amray dadka ka sara ma jirto marka q_l_l l u daya dintisa aad culanka ku tihin o aaad kii aa dotaan malinba ka sarareysan

  12. Bint Soomaal says:

    soomaalidii balaayaa haysato ilaahay haka saaro aamiin.cadawgaaad u jeedo waxaa lasii xun midka dharka kuugu jiro ee kugu magaca ah ama dhaqanka ah.sida kuwa sheegtay”culumaa” ee cadawe kalkaalayaasha ah.ilaahoow sharta ay umada ku duufsanaayaan naga qabo adaa awood lehee. midii shalay ee umal waxay cover u tahay ragaan tagay xalane iyo ceelasha biyaha si isaga loogu mashquulo kuwaana looga aamuso.sooomaalida qaar ineey lax dhukan yihiin weligood isma weydiiyaan sababta culumada badankood aysan u dhoofi karin la geliyay listiga argagaxisada. waarna ay dhoofaan shanadkii 6 mar oo visaha xitaa sahal loogu dhigay.sida cukaasha,umal,abdi dahir,ahmed daahir.iwm.shibile. cairo,Eu, usa canada, jigjiga and so on.kuwii diinta runta ka sheegeyna xabsiyada loo taxaabo.subhanallaah.ilaahoow shartooda umada islaamka ah ee la dulmiyay ka qabo.aameen

  13. Yaxye xusen says:

    Asc nimankiinan iswalayo culumada mawaxad kunacden khaladka meshu kajiro umbey iniishegen markii maxakimnti lajabshay culumada waxay shegen khaladka inu gudaha kajirao ilah majabsho umad dambi la aan ah shababna waxeydehen sabab majirte wanalaga adkaday un culumadi marki warkoga ladiiday oo garonka jihadka lagalay arinta waxay noqotay sidan aad arkeysan kanisad laqarxiyo ardey laqarxiyo culumo lalaayo iwl

  14. Yaxye xusen says:

    Marka hadiiba aad jihadeysan jihadkiina sax hanoqdo jihadka wa cibado qaali ah marka wa in sharuudiisa ladawro wa sida salada sawmka iyo xajka

  15. salaxudiin says:

    Geeska Afirika…
    Sh.Abdirahman…
    Views: 4304

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS