
بسم الله الرحمن الرحيم وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
HADALKA SHEEKH UMAL WUXUU KA DHIGAN YAHAY ”TUUGOOW HILLAACA YAA KULA OGAA!!!
Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!
Waxaan dhegeystay khudbaddii Jimcihii shalay ahaa oo Sheekh Umal ka jeediyey Masaajidka uu Sheekha ka yahay ee ku yaal Xaafadda Eastleight ama Islii ninba siduu u yaqaan. Khudbadu run ahaantii aniga waxay iila muuqatay Khudbad siyaasadaysan meelo fogfogna taabanaysa kulan la isugu yimina ka dhalatay, laakiin aniga malahayga maaheyn mid Sheekha kaligii maankiisa ka soo go’day. Waxaan ku sababaynayaa waxa Sheekha hadalkiisa ka mid ahaa inuu afka ku dhuftay inuusan marna raalli ka noqon amase uusan weligii jidayn, jidayna doonin in dad iyo dal Muslim ah aay kufaari ku duusho, arrinkaasi waa arrin aanan anigu weli dhegeheyga ku maqal, waana arrin xagga Sheekha ka cusub markay noqotay ku dhawaaqidda kelmaddaa, taa macneheedu maahan in Sheekhu qabo in dadka Muslimiinta laysaga duulo, laakiin waxaa ku xambaarey inuusan ka hadlin waa danaha adduunyo ee uu haddaba ka hadlay ileyn Khudbadani dano adduunyo ayey u badneyd in la ilaaliyo ee kama hadleyn xadgudubka lagu samaynayo Shareecadda Alle iyo meelaha laga hirgeliyey. Taas waxaan qabaa in Sheekhu helay ogolaansho ah inuu wax ka dhihi karo duullaanka Gumeysiga Kenya ku qaaday Wilaayaadka Islaamiga si aayan u noqon su’aal mar walba taagan oo aan dareensanahay inay soo noqnoqota taasoo ah maxaa looga hadli waayey duullaanka Kufaarta Kenya aay ku qaaday gudaha Soomaaliya iyadoo la daggaalamaysa ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Khudbadu waxay kaloo xambaarsaneyd farriinn loo dirayo kuwa lagu magacaabo Ciidammadda Amniga, caadana ka dhigtay inay boobaan hantida dadka Muslimiinta ah ee Keenya ku dhaqan gaar ahaan kuwa Soomaalida ah, farriintu waxay tahay in ciidammaddu ogaadaan in aay jiraan dad Cullimmo Soomaaliyeed ah ama guud ahaan Muslimiin jideeyana in qaraxyo laga sameeyo Keenya sidaa darteed Ciidammow dadka kala barta oo qaybna waa xaggiina qaybna waa xagga Muslimiinta, oo halkaa baqdin weyn baa Sheekhu ka muujiyey. Masalooyin badan baa Sheekhu ka hadlay, laakiin aad mooddo inay hadafkii ama ujeedaddii Khudbada qiimo tireyso , waxaana ka xusi karaa
1) Sheekhu weli afka kuma ballarin cidda qaraxa ka dambaysay oo hadalka iska majhuulka ahi oo uusan cadayn u hayna waxay macno tireysaa hadafkii mowduuca waxayna dhaawac ku noqonaysaa dadnimada iyo mas’uuliyadda Sheekha sababtoo ah waa inuu caddeeyaa cidda qaraxyada ka dambaysa illaa iminkana cidda ka dambaysa xataa inay Muslimiin yihiin ma cadda warbaahin cadaysayna ma jirto marka laga reebo in cid loo daniyo taasina wax qof weyn oo waliba diin ummaddu ku taqaan isla soo taago fagaaro ama Gurigii Alle lagu caabudayey maahan.
2) Sheekhu wuxuu kaloo ka hadlay in Heshiishkii Xudeybiya ee uu nabigu la galay Kufaartii Qureysh aay u jeedadiisu ahayd in loogu daneeyo dad badan oo Muslimiin ah oo Kufaarta ku hoos nool inaan la dhibaateyn oo aay ka badbaadaan dhibka Kufaarta sidaa darteed loo daayey Kufaartii inay Kacbaddii Alle (Maka) sii joogto iyada oo aay Muslimiintu awooddo inay xoog kaga saaraan waa siduu u yiriye, laakiin hadda ma hayno meel Kufaarta Kenya iyo Muslimiinta heshiish ku kala saxiixdeen si loo badbaadiyo dadka Muslimiinta Ducufada ah ee Keenya ku hoos nool oo uu Sheekhu ka mid yahay.
Sheekhu wuxuu kaloo ka hadlay mawaasiin Sharci ah oo aan laysku inkirsaneyn jiritaankooda iyo siday Muslimiintu ula tacaamuleen, laakiin su’aashu waxay tahay Mgaalooyinka dadka Muslimiinta ahi dhisteen oo iyadoo dadku wada Muslim yahay inta Gaalo xoog ku qabsatay Kaniisaddo ka dhisatay xukunkoodu muxuu noqonaya?
Ma waxay la mid noqonayaan kuwii Islaamka ka horeeyey ee ka dhisnaa Quddus, Masar iyo Yemen oo ixtiraamkooday leeyihiin mise waa kuwo diimo aan jirin lagu fidinayey iyadoo dadka laga dhigayo inay Riddoobaan oo diintooda dib uga laabtaan waana waxa hay’adaha samafalka loo yaqaan aay badanaaba ka shaqeeyaan? S’aashaa Sheekh Umal iyo ragga kale ee la fikirka ah baa ka jawaabaya.
Culimmo badan baa waxay qabaan in Qaaradda Madow ee Afrika la yiraahdo Gumeysiga Gaaladda ee Yurubiyaanka ahi intayan iman oo ku soo duulin in dadka badankiisu ahaa Muslimiin marka laga reebo dad yar oo aan diinba lahayn mooyee (Cawwaan), sidaa darteed dhul Muslimiini deggan tahay oo gaalo xoog ku qabsatay oo laga dhex dhisay Kaniisado ka dambeeyey Islaamka waxay luminayaan ixtiraamkii aay lahaayeen kuwii dhisnaa Islaamka ka hor. Waxaana xaqiiqo ah ninkii taariikhda Afrika wax kala socda amase safar ku sameeyey dalal badan oo Afrika ah inuu arkayo Masaajiddo gaboobay iyo Kaniisaddo cusub oo iska garab dhisan amase aan sidaa u kala fogeyn.
Sida hadda muuqata waxa is haya laba rag oo kala ah Muslimiin iyo Kufaar ninkii isagu qaba inaan sidaa xaajadu ahayn isagoo raba inuu meelo u raadsho xoogaa adduunyo ah oo Alle baxsho isla markaana Alle qaadi karo markuu doono, waxaa u habboon inuu legdinta socota ka dhex baxo, sidaan dareensanahay Sheekh Umalow cidina afkaaga ku lama laha oo ku qoryo qoryeyn mayso haddaad intaad iska aamusto aad bariiska iska miisato, cidina af hayeen kaama dhigan, cid aad iminka ku eedeyn karto wixii Gaarisa ka dhacay ma haysid oo ma hubtid waxa Biddoodka Keenyaatigu sheegeen oo aan hubaal Diimeed iyo mid caqliyeed loo hayn baad adiguna meel la soo istaagtay, nimanka aan dareensnahay inaad daniyeyso, laakiin aad afka soo marin ladahay, wax kugu xambaareyba, waxaa la hubaa oo cid waliba qirsan tahay wixii aay geystaan oo aay sax u arkaan inayan inkirin haddii malaayiin ka naxayso amase ku farxayso, ee adigu af hayeen how noqon oo dhacdo aayan geeysan adigu fagaarayaasha dacwada Islaamiga ah haysla soo taagin talaa laysku leeyahaye.
Waxaan xasuustaa nin aanu saaxiib ahaan jirney oo aanu magaalo kawada nini, laakiin waayadan dambe fudeyd aanan ku aqoon iiga muuqdo iyo weliba inuu cadowgii u galay, ninkaasi waa Yuusuf Maxamed Siyaad(Indho cadde), ayaa Camaliyad Istishhaadi ah oo ka dhacday Dugsiga Tababrka Ciidammadda ee Xalane ee Kufaarta Afrikadi ahay hadda najaaso kala daashay, wuxuu yiri waanu ogeyn dhacdadaan, oo waanu ka dignay laakiin nala kama hoos qaadin, wuxuu hadalkaa Indho cadde ku mutaystay xarig iyo ciqaab mar uu tagay Kampala, sidaa darteed adigana yaan raad ku soo gelin ee ka gaabso cidii ka dmbaysay qaraxyadaas hadaadan cadeyn u hayn.
Waxaan kaloo sheeko ku maqlay hadda ka hor baa abaaro xumi dhaceen dad badan baana cayrtoobay oo xoolihii aay dhaqan jireen ka dhammaadeen, dadku isku mid maahee qaarbaa u bareerey inay ummadda ka xadaan wixii xoolo u hareen, nin ka mid ah raggas xishoodkii ka tagay baa reer u soo dhacay isagoo doonayey inuu caawo xoolo ka xado, isagoo muskii ku naban oo is leh marka reerku seexdo xoola qaar dareerso ayaa wax hal mar ah Alle samada ka tusiyey Hillaac oo aan la fileyn illeyn abaar xun baa jirtee, ninkii reerka xoolahooda ku mashquulsnaa baa is hayn waayey oo yiri ’Alla Waa Hillaac’, reerkii oo la yaaban waxa ninku ka samaynayey muskooda ayaa ugu jawaabay ”Tuugoow Hillaaca Yaa Kula Ogaa” waxaan uga socdaa in shaqo laga dhigto waxaan sal loo hayn iyadoo qasadku yahay nimankaa aay Gaalada is hayaan in dadka lagu diro iyadoo la ilaashanayo daaro iyo dukaamo Allihii keenay qaadan karo, yaan lagu fogaan Allena caro loogaga mutaysan qofkuna wuxuusan arag amase maqal oo uusan markhaati uhayn yuusan ku fidnoobin.
وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين
Wa Billahi Towfiiq
Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)













































asc wr wbr. kani meel xun ayuu ku socdaaye xoolaha iyo daaraha dhaadheer ee uu dartood dadka diintu ugu dirayo gaalnimadana ugu yeedhayo in ilaahay maalin cad dab ka qabadsiiyo kadibna uu tuugsado ilaahay haloo waydiiyo. balaayo ku dhacdaygu hadduu isagu doortay aduunyo iyo nolol muxuu dadka islaamka ah ugu jidaynayaa gaalnimo iyo diin nacayb?
Maan keeygu gadeey ma masaar ayay laqday?
as wr wb
Alle s.w sharafta asagaa bixiya qofkudonuu siiya qofku doonana waa ka siibaa maanta sh umal in dadkii jeclaa eynacaan waxaa keeney wixii eykujecladen beykawaayen
waa musiibo Ilaahoow nasug oo xaqa nagu dil.
Tuugoow hillaaca yaa kula ogaaa?kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk maalinkasta xikmad ayaa laga dhaxlayaa suxufiyiinta islaamka maashaa Allaah ayaan idiin iri anigana.
Suldaan Garyarow caradu yaanay cadaaladda ku dhaafsiin. Ogow culumo wax ka sheegga in cuquubo adag laga dhaxlo iyo qalbiga oo ku meyda geerida horteed.
Hadal badan oo cariiqsi ah aanna ku habbooneyn nin Suldaan ah waa haddii Suldaannimadu sax tahay, xagna aan ku habbooneyn in culimo ah oo karaankiisa wax toosi is leh ayaad meeshan ku madoobeysay, miisaanka aakhiro waxaad kala kulmi doontana Alle uun baa og waxa aad qortayse anigoon cidna u xaglineynin waa dambi iyo mala awaal xumo.
Suldaan intaad is leedahay wax difaac ha ka darin ee Ilaahay ka xishoo oo aakhiradaada u yaab, oo aaladda Ilaahay kuu taskhiiriyay, awoodda iyo maskaxda ha u adeegsan inaad inaad ku xadgudubtid Sh. Umal oo aad og tahay inta uu Ilaahay diintiisa u qabtay lagana yaabo in aad ka faa’iideysatay waqti noloshaada kamid ah.
Waa iga naseexo walaalnimo ee xumaan ha u qaadan lafteydana iska key cafi haddaad igu dhibsatid naseexada.
Maqaal ah waa mid ku yimid xamaasan iyo urur la xigsado sida shabaab iwm waana aflagaado cad iyo xadgudub aan gabasho lahayn ninka soo qoray waxaan leeyahay marka hore alle ka cagso oo caddaaladda haka tagin adigoo qolo u xaglinaaya iimaankaaga ilaasho culimadana haku xadgudbin cafisna way diiso culimada aad jaa,ifaysay.
waxaanse layaabanahay nimanka websitekan iska leh alle ka baqa oo kontoroola waxa lsoo qoraayo intaydaan soo galinin webka.
waxaan naftayda iyo tiinaba u dardaarmayaa cabsida alle.
GACAL BRO WAAKUGU WAAFAQSANAHAY NASEEXADAAS AAD USSOO JEEDISAY QORAGA QOLYAHAAN XARUURIYIINTAA MEEL XUNBAY KUSOCDAAN WALEE HADAYSAN KASOO NOQON FIKRIGAA QALAFSAN WAA DABARGO,WAXAAD KUSIISETADHEERAYSATAAN INATY GAALADAAN AFRKANKA JOGAAN HADAYSAN JOOGILAHAYN CULUMADAA ICLAAMINLAHAYD JIHAADKII CALI BINU ABIIDAALIB OOKALE MARKASAA BIRTA LAYDINKA ASLILAHAA EE SUGA
asc wr wb.
waxaan salaanta muslimka ee kor ku’xussan ku’salaamayaa dhamaan walaalaha soomaaliyeed ee muslimiinta ah, lagana yaabo inay akhristaan faaladan.
salaan ka’bacdi wakhti waxaan ku’jirnaa aad u’xun hadaan soomaali nahay oo ka’xun 20+ kii tagay ee wadanku bur-bursanaa sababtu waxay tahay waxaa noo fayoobaa dadka diinta iyo allah ka’cabsiga aan ku’tuhmayno ee markaa magaca shuyuukh wata ama culimaa’uddiin khaas ahaan ahlu-sunah waljamaacah xaqiiqi, F.G.(ogow suufiyada way sheegataa magacaas laakiin ayaga uma jeedo).
إذاْ أَرَاْدَألْلَّهُ بِقَوْمٍ شَرَّاً، فَتَحَ عَلَيْهمُ اَلْجَدَ لَ، ومَنَعَهُم الْعَمَلَ.
umad haduu ilaahay sharr la’damco albaababada murranka iyo dooda ayaa loo furaa wax qabadka iyo camalkana waa laga manciyaa.
arrintaas maanta soomaali ayaa ku’sifowday,sheikh, caamo, suxufi, salafi…. waa murran, fadhi kudirrir, meeshaad arragtaba 2ba ayaa iska horjeeda oo iska lusha, xataa masaajida ilaahay oo cibaado kaliya loogu talagalay.وَأَنَّ أَلْمَساجِدَ لِلَّهِ فَلَاْ تَدْعُواْ مَعَ اُلْلَّهِ أَحَداً.
anigana intaas ayaan ka’mid ahay oo naftayda ma’bari yeelayo, laakiin waan yaabanahay xagee loo socdaaaaaaaaaaaa subxaanalaah. ilaahow towfiiqda na’waafaji iyo xaqqa iyo sida aad raaliga ka’tahay. aamiin aamiin aamiin.
hadaan intaas ka’gudbo.
waxaan rabaa inaan naftayda iyo walaalka maqaalka qoray iyo inta laga yaabo inay akhrisataba unasteexeeyo.
ilaahay halaga baqo oo yaan asluubta laga tagin iyo anshaxa wanaagsan ee diinteena macaan na’farayso…wax hagaaji adigoo is lehna wax ha’halayn.taas waxaan oogala jeedaa,waxaa iiga muuqda maqaalka walaalkeen ilaa 11 toban khalad oo aflagaado iyo tuhun iyo cadaalad darro iyo hadal is’burinaya isugu jira …waxaa taas ka’fiican hadaad ahal utahay inaad muxaadaro qabatid oo aad si’cilmiyaysan u’radiso oo aad mid-mid isu dul taagto khaladka aad sheekha ku’haysato oo aad xadiith iyo aayad nagu dul akhrisid xujadana aad ku’oogtid, saa baa sharafta ku’jirtaa, hadii kale nin iska caytamay ayaad noqonaysaa!!!.
waxaan ku’qasbanahay 11tobanka khalad inaan muujiyo kuli ama qaarkood hadaan wakhtiga oo ciriiri ah ii diidin.
1.”.muxaadarada kulan la’isugu yimid ayay ka’dhalatay ee maskaxda sheekha kama iman malahayga” ayaad raacisay,WAA TUHUN WARKAAS tuhun wax laguma dhiso karo iyo thani…subxaanalaah. haday jirto sh allaha soo hanuuniyo hadayna jirinna walaal allaha hakuu dhaafo,aamiin.
2.”Gaallo wadan muslim inay ku’duusho waligay ma’jidayn mana jidaynayo mana jidayn doono ayuu yiri” baad qortay, WAA KHALAD SABATA WAXA WEEYE AAN KU’WAYDIIYEE, SH UMAL MA’WAXBUU JIDAYN KARAA??? YAA AWOODAAS SIIYAY??
AQOONTIISA INTAY GAADHSIISANTAHAY UMBUU KA’HADLI KARAA,WUUNA ASIIBI KARAA WUUNA KHALDAMI WAA BASHAR HA’LA OGAADO TAAS.
3″.Danaha aduun baa ka’hadliyay”..WAA TUHMO IYO THANI. MA’QALBIGIISAAD KU’JIRTAA?? ISAGOON ADUUNYO HAYSAN BUU DACWADA KA’HADLI JIRAY IYO ARIMAHA SOOMAALIYEED.
4.”Taas waxaa qabaa in sheekha Ogolaansho la’siiyay inuu arrintan duulaanka ka’hadli karro” WAX CADAYN AH NOOMAADAN SHEEGIN WAA TUHUN IYO THANI…
يَأيُّهااُلَّذِيْنَ ءامنواْ اُجْتَنِبُواْ كَثِيْراًمِّنَ اُلْظَّنِّ إِنَّ بَعْضَ اُلْظَّنِّ إثْمٌ…إلخ
WAXAA KALOOD MUUJINAYSAA SHEEKHA WAXA UU SHEEGO OODHAN IN LOO YEEDHIYO DACWADANA UUNA U’MADAX BANAANAYN,WAA ARIN XAQIIJIN U’BAAHAN.
5.”Inuu fariin u’dirayo ciidamada amniga Kenya”. SHEEKHU MA’SI’YAASIBAA?? MISE WAA FAARAX MACALIN DAWAARA??…CIIDAMADA AMNIGA MA’CARABI BAY YAQAANAAN?? WAXAA TAAS KA’DARAN WAXAY RABAAN BAY SAMEEYAAN CIIDAMADA AMNIGEE WAYBA FIICNAAN LAHAYD INAY WARKIISA MAQLAYAAN IYO FARRIINTRIISA..WAYNANBA MAQLAYNINE!!!.
6″.Inuu tuhmayo shabaab afkana uuna soo marin karin”YAAB!!!MA’QALBIGIISAAD KUJIRTAA…KHALADKA AAD RABTO INAAD SAXDO ADIGA AYAA KU’DHEX JIRABA!!!!
7.SH. waxaad kula talisay inuu afkiisa haysto maadaama uu haysan karo oon cidna ku’khasbayn inuu hadlo…WALAALOW WARKAAGII WAA IS’BURIYAY SABABTOO AH QAYBTA HORE MAQAALKA WAXAA KU’CAD INAAD TIDHI WAALAGULA TALIYAA WUXUU SHEEGO IKHTIYAAR MALEH…WAXBA YAANA TAFAASIIL KU’DHEERAAN KA’GUDUB.
8.”waxaad isku tusaalaysay sh.Umal iyo Yussuf Ziyaad”WAXAAD QORTAY INAAD YUSSUF ISKUMEEL KA’TIMAADEEN SXBANA AHAAN JIRTEEN HADANA UU FUDUDAADAY…LAAKIIN UMAL DIINTA DAARO ADUUNYO AYUU KUBADASHAY…….MESHAAS CADALAD DARRO AYAA KU’JIRTO…YUSSUF DOWLADA AYUU USHAQEEYA MARKII IIGU WAR DAMBAYSAY IYO DASTUURKA XAARANTA AH UGANDANA MARKA LA’XIDHAY DOWLADA AYUU USHAQAYNAYAY IYO UGADHAYSKA TAAS WAA FUDAYD MIYAA??? MISE WAA KA’WAYNTAHAY?ADIGAAN JAWAAB WAAFI AH KAA RABAA!!!
9.ISKU SOO WADA DUUBO WAXAAD UMAL KU’TUSAALAYSAY GABA-GABADA TUUG SIDA KA’MUUQATA SHEEKADA…YUUSUF OO XABAD KULA HORTAAGANA FUDAYD…QALBIGAAGA ILAAH BAA OG HADAAD WAX HAGAAJI IS-LAHAYD INTAAS OO KHALAD QABSO WALAALKAY INTAAN KA’GAABSADAA KA’BADAN WAKHTIGA CIRIIRINIMADIISA AWGEED.. ILAAHAYNA HANOO WADA DAMBI DHAAFO DHAMAANTEEN XAQANA HANA WAAFAJIYO…HADAAN WAX KHALDAY ILAAHAY HA’IGA CAFIYO WAXAAN KUSOO GUNAANADAYAA CAAQIBADA MU’TAQIINTA AYAA LEH IMTIXAAN AYAA JIRA HA’LASABRO FARTAAGA DHEXDEEDNANA HA’LAYAREEYO OO OGOW QOF-WALBA INUU DHALIIL LEEYAHAY..GOORMAAN WAX ISKA CELINAA ANNAGAAB ISKU MASHQUULSANE WAAN FASHALMAYNAA SHAKINA KUMA JIRO HADAAN WAXYAABAHA QAAR LAGA WAANTOOBIN UMADA INAY KALA QAYBSAMAYSO EE RABI HALAGA BAQO WAXAAD BAAHINAYSO ADIGU QOFWALBOOW KA’FIIRSO WAXBA YAAN HADALKU ILA TARAARINE ILAAHAY XAQA HANA WAAFAJIYO ISAGAA TAAS AWOOD ULEHE WSC WR WB.
gacal waxaad ku sigatay in aad caabudo culimada hadaadanba caabudin sababtoo ah garyare maslooyin ayuu ka hadlaye ma culimo ayuu waxka sheegay…. adiga ku naseexeyaa ee culimada ha caabudin cid walba oo khald ku dhacday waa la iftiimin sheekh ama wadaad wuxuu doono hana noqdee….
asc walaalaha islaamka waxaan oran lahaa in an xaqiiqadu sida ayna ahayn
loofahmin waayo ninkaan ma aha nin maalkiisa iyo naftiisa difaacanaya ee
waa nin shaqaala ah oo wuxuu difaacaa maamulada gumeystaha cad unkay
ama wadamo muslim ah hanoqdeen ama kuwo ducufo ah sida keenya oo kale
ha ahaadeene marka ninkaan siduu asaguba yiri hadaan dadkaanoo kale kuwo
kale oo lagu jebiyo jiri lahay waxay dumin lahaayeen kaniisadaha iyo masaajida
oo uu ula jeedo masaajidul suuga dadka diinta looga reebo sida kan uu dhextaaganyahay
haduu masaajid difaaco soow masaajidii soomaaliya iyo caalamka oo dhan gaalo kuma dhex xaarto qaarna madumin haduuse siduu sheegtay ama iska dhigayo uu difaaco dadka soomaaliyeed ee keenya kunool maaka dhacsho maalinkasta keenyaatiga dadka jidadka islii ayeey dumar iyo waayeel inta ka qab qabtaan bay madax furasho kaqaataan dumarkana waa kufsadaan markay doonaan tankale qodbadiisa wuxuu keenyaatiga ugufasaxay hadii laweeraro in ay dumarka soomaaliyeed kufsadaan maalka soomaalidana
dhici karaan asagoo hadalka wata wuxuu yiri maxaa kareebaya in ay dhacaan maalka soomaalida dumarkana kufsadaan hadii qarax xun meelo lagu tuuro wuxuu iska dhigayaa in uu utaliyo umada keenya kunool ee soomaalida ah oo haday qarax kutuuraan keenyaatigu xaq uleeyihiin in ay kusuubiyaan dadka soomaaliyeed waxay rabaan oo asagu fasax siinayo ayaa hadalkiisa kadhadhameysa , tankale dad uusan ogeyn in ay waxaan kadanbeeyaan buu caayey maskaxdooda iyo aqligoo waxkasheegay. ugudanbaayn waxaa hadalkiisa kacadaatay in ay dhalinyaradii shiiqa in uu yahay umaleeyneysey in ay kakala dareereen oo wuxuu leeyahay iisoo laabta hadlkiisaasna waxay kalifi doontaa inshaa alaah in inta horfadhida kadareeraan iyo qandaraaskii lagu siinjirey in uu shiiq iska dhigo oo uu muslimiintana iskudiro oo uu wajibaadka rabaaniga ahna kareebo in qandaraaskaas qoladii siin jirtay ay kagoosato waayo haduusan waxtar ahayn lacagto waa go eysaa.
Ninku soow ictisaam kama tirsana bashiir salaad oo lahadlayey idaacadaha qalaad wuxuu yiri dastuurka waa in diinta islaamka wax looga daraa waayo diinta islaamka waxyaalo fiican baa kujira dimuquraadiyadana waxfiican baa kujira bal qofkii aqli usaaxiib ah sifiican ha udhuuxo warkaas. Dirirna asagoo iska dhigaya in uu dastuurka diidanyahay wuxuu yiri martidideena ayaa laqalday oo uu ulajeedo ciidamada afrikaanta iyo kuwa cad cad ee umadeenii xasuuqaya taas waxay cadeeyneeysaa in ay nimankaan marhoreba gaaloobeen ooba diinta ubarteen in ay magac kuyeeshaan maalna kuhelaan.
Allah awoodiisa waxaa ka mid ah inuu san qofna walalkiis ama jifadiisa ku raaceynin gafka iyo ihaanada diinta, al walaa- wal baraaa ayuu run sheegay walalkeen suldaan maaaha markii ugu horeysay ee uu warbixin qiimo badan ka bixiyo culumada dowladaha daaquudka ka amar qaata waxaan xusuustaa dad ay isku jifo yihiin isagoo u soo marinayaa naseexadiisa barta internetka aniga aad ayaan u qiimeeyaa suxufiyada islaamka qorooladooda iyo wareysigooda run ahaantiina waxaa iiga siyaada aragti dheeri ah Allah ayaana ku mahadsan waayo? waqti islaamka idiin baahan yahay ayaad sidii qorax aan dhacay u soo if baxdeen ee Allah ha idin xifdiyo mathalkiina,na ha badsho wax kale oo aan duco aheyn oo aad iga istaahishaan garan maayeeee (Akramakumullaaahu jamiican.)
Allah awoodiisa waxaa ka mid ah inuu san qofna walalkiis ama jifadiisa ku raaceynin gafka iyo ihaanada diinta loo geysanayo, xaqiiqdii suxufi suldaan garyare waxa uu ka run sheegay al walaa- wal- baraa, maahan markii ugu horeysay ee uu warbixin qiimo badan ka bixiyo culumada dowladaha daaquudka ka amar qaata, waxaan xusuustaa dad ay isku jifo yihiin isagoo u soo marinaya naseexadiisa barta internetka. aniga aad ayaan u qiimeeyaa suxufiyada islaamka qoraaladooda iyo wareysigooda run ahaantiina waxaa iiga siyaada aragti dheeri ah, Allah ayaana ku mahadsan waayo waqti islaamka idiin baahan yahay ayaad sidii qorax aan dhacayn u soo if baxdeen ee Allah ha idin xifdiyo mathalkiina,na, ha badsho wax kale oo aan duco aheyn oo aad iga istaahishaan garan maayeee (Akramakumullaahu jamiican.)
Assallaamu aleykum wr wb
-
Dulmi diid far baa ii taagan wallaal
-
Magacaagu waa qurux badan yahay hadalkaaguna waa badh macaan badhna qadhaadh!
-
Saad u yaaban tahay baan u yaaban nahay?!
-
Qoraalkaagii dheeraa iguma socdo aniga laakiinse soow ima ogolid wixii figradeyda ah in aan ka dhiibto?!
-
ALLE CW quraanka waxa uu noogu shegay markaan af Soomaaliyeeyo soona koobo
“Ka suuli mayaan in ay is qilaaftaan sidaa baaba loo aaburay” Marka ha yaabin halka loo socdaana waa imtixaan lagu kala baxaayo.
-
Ayad kale “Kuwa maqla hadalka raacana intiisa fiican”
Inta aad qaladdaad ka soo saareysid qoraalka Suldaanka maad dhinnaca fiican ka eegtid iyo ujeedda uu rabo in uu soo gudbiyo?!
-
Haddaadse Dulmi diid tahay wallaaloow maxaad Umul u qaban wedyay?
-
Marka uu ku xad gudbaayo Sh Xasan Takar ALLE ha xafidee?
-
Markuu Sh Xassaan Xusseen galaafanaayo maxaa u qaban weyday?
-
Markuu jihaadka duraayo maxaad u qaban weyday ileyn midnimaad rabtaayee iyo isu soo dhawaanshee?!
Shaki miyaa kaga jira Umul maanta in uu diin difaaceyn ee danihiisa la soo fara gashtay uu u arko iyo kooxdiisa Ictisaam
-
Haddii arimaha Soomaaliya uu daneynaayo iyo diinta.
Ma ka hadlay dilkii foosha xumaa ALLE ha u naxariistee Macalin Ceyrooow?!
-
Duulaanka Kenya ee Soomaaliya ma dhaleeceeyay ama ma ka hadlay mise Sh Xassaan baa geesi ah oo u daayay in uu ka hadlo ?!
-
Ibraahim dheere waa caalim isagaa yaqaan maslaxadda ummadaas Soomaali galbeed amiir Mukhtar abu Subeyr ma yaqaan maslaxadda ummada Soomaaliyeed waa dhalinyaro maangaab ah soow ma ahin?!
-
Cilima ku xadgudubtay culima kale hawl noo taal ma ahin miyaa?!
Adigu dhalaan yar baa tahay badarka iska cun miyaa?!
Dulmi diidoow aamin lagama ahin qofka inta uu nool yahay ALLE ha nasugo.
-
ALLE CW waxa uu nagu sharfay in aan nahay ummadaha tan ugu fiican sababta oo ahna wannaaga is farnaa xummaantaa is ka qabanaa.
Taas maanta cagsigeedii baan la nimi sharaftii aan ku heli lahanayna waa innaga luntay.
-
Culimadda haddii ay qaldamaan waa qaldan tihiin lama oran karo? mise marba haddii uu sheekh yahay lama sixi karo wixii kugu muuqda qalad.
-.
Waddaad qaldamay qaladkiisa sax ha innooga dhigina ee ALLE aan uga cabsano caddaallaaddana aan raacno xataa haddii ay qaraartahay. Sidaas buu sharafteenii ALLE noogu soo celin.
-
FG
Sh iyo xaaji waa magacyo waa dambe la iska sameeyay haddii ay jiri lahaayeen waxa loogu yiiri lahaa saxaabaddii RC marka culimadaan qaladka ku jirta magacooda haddii loogu yeero meel loogama dhicin lamana caayin waase ka niyad xunnahay shalay waa jecleyn maanta imtixaan baa yimi la is baray waxaan ku jeclaaneeynay waxa ay aheyd diinta iyaddaana wax ku naceynaa .
Culimada aan raaciyo sh waa ixtiraam qaas ah sida ay hooyadeen caashia RC marka ay Rasuulka CSW ka carootay ay ugu dhaaran jirtay aabaheen Ibraahim CW marka culimadda ha ogaadeen sh ama Xaaji laga tago wax u dhimi meysee qalbigeena ilaaliya oo ALLE uga baqa waxa aad sameyneysaan wannaag ma ahee.qaladkiina ka soo laabta waana idin jeclaaneynaa inshaa ALLAAH
asc walalaha gob islaam iyo dhaman dhaman dhalinta islamka ee commentga bixisay walalayal waxaa lagu jiraa zaman fitan oo galadu sifiican nooga faa,iidaysatay oo ay isu kaaya jeedisay jabkenana ku qoslayso iyo khilafka an ka bixi la,nahay waxaa iga naseexo iyo codsi ah inaan iska dayno kala taagerida culumadan dhamantod meshan mustaqbal iyo inay idho noo noqdan ka sugaynay tabartoodu noqotay inay masjidka 6ka iyo axmar iyagu isku naqdiyaan qilifkodana faafiyan oo cadowgu ka faa,iido. walalaha commentiga qoro iyo walalah gob islam iyo dhaman web islamiya inta shegato waxaa iga codsiya inan iska dayno wadadan kala tageeridooda oo an ka amusno oo aan allah u barino inuu quluubtooda mideeyo tabarteena waa intaa [ man sakata najaaaa] walalayal qofki aamuso wuu badabaday walalayal wadada qilafkoda shegidiisa naga dayee gumaysiga aynu galnay an ka hadlno wadadadana aan u ducayno wlhi markan aqriyo qoralada aad uga hadashaan qilafka culimada iyo halgan wuxuu ka qoro geesiyada tawxiidka wlhi inta ilmeeyo ban go,ansada inan iska daayo websaydyada booqashadooda walalyal allah ka cabsada iska daaya ictisam waa macalimiinteniye aan u ducayno waa iga talo asc