الحمدلله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه أجمعين
Ilaa hadda ma heynno cid sheegata qaraxyadii kaniisadaha Gaarisa! Mujaahidiinta Shabaab ma sheegan! Kaba soo qaad in dad Muslimiin ah sameeyeen sida laga dhadhansanayo hadalka sheekh Umal! Haddii qof Muslim ah oo ehelkiis lagu xasuuqay masaajid, suuqyo, iyo guryahoodii dhaho: waan aarsanayaa, waa wax la fahmi karo! Marka iyadoo qofka Muslimka ah loo ogol yahay inuu aarsado haddana inuu meelaha qaarkood ka sarriigto waa habboon tahay! Su’aasha sheekh Umal la weydiinayo waxay tahay: hadday gaalada Kenya u dhalatay dadka ku leyso masaajidda; ma lagu leyn karaa gaalada Kenya u dhalatay kaniisadaha? Iyadoo Muslimiintu ka aarsan karto gaalada haddana inay cafis ka qaataan arrinta kaniisada oo si kale ula xaalaan gaalada waa wax Muslimiinta laga fili karo. Waxaa dhici karta in qofku wuxuusan shakhsi ahaan ugu dambaabeyn uu iska cafiyo.
Inteynnaan Maxamed Cabdowgii Masar u gelin aan fiirinno in sheekh Umal u doodayo sidii Abu Jahal iyo Qureysh markii Ilaaladii uu watay C/Laahi binu Jaxash (RC) dileen ina Xadrami iyo Mushrikiin uu ku jiray oo Qureysha u waday safar! Waxaa Mushrigaas la dilay maalintii u dambeysay bisha Rajab!Waa tii Abu Jahal iyo Qureysh afka qeylo ku shubteen iyagoo leh: Nabi Muxamed (SCW) wuxuu sheegan jiray inuu xeeriyo Xaramka iyo bilaha xurmada leh; haddana isagaa ku xadgudbay! Ogaada, Abu Jahal iyo Qureysh oo wixii la ogaa ka sameeyey Xaramkii Ilaahay ayaa mushrik la dilay saas uga qeylinaya! Ma garaneysaan cidda dacaayadda looga dan leeyahay? Waa safka Muslimiinta! Maxaa yeelay Muslimiintaa ah dadka qaddiyada u saaxiibka ah! Qureysh Xaramka Ilaahay bay kudileen Umu Camaar iyo Yaasir! Dacaayaddan waxay rabaan inay Muslimiinta u tusaan in saaxiibkood (Nabiga SCW) khalad weyn dhex fadhiyo! Sida sheekh Umal qirtay waa tuu lahaa dowladahu ma kala jecla shacab la laayo! Ha ogaado ama yuusan ogaane, Umal wuxuu u doodayaa sidii Abu Jahal! Umal wuxuu dadka ku dirayaa Mujaahidiinta!
Xaqiiqdii, dayaacaddaasi waa saameynsay Suubbanaha (SCW) iyo saxaabadii ilaa Nabigu (SCW) diiday in la qeybiyo qaniimada laga soo qaatay Qureysh! Ilaa Ilaahay soo dejiyey Qur’aan ay ku caddahay in gefka Muslimiinta galeen iyo waxa gaaladu sheegeyso isu dhigmin! Muujintii khaladka Muslimiinta waxaa sii raacday in Ilaahay Muujiyey dhibka gaaladu waddo iyo Ajarka Muhaajiriinta iyo Mujaahidiinta! Gefkii Muslimiintu galeen waxay ka qaadeen in Ilaahay sheego ajarka Muhaajiriinta iyo Mujaahidiinta. Sheekh Umal wuxuu isu heystaa, Soomaaliduna u heysataa inuu ku jiro dadka xagga Ilaah wax nooga saxiixa (muftiyiinta Soomaaliyeed)! Si fiican ma u muujiyey khudbadiisii dagaalka Kenya ku heyso Soomaaliya, khaladkooda, iyo fadliga Mujaahidiinta? Keliya wuxuu ceebeeyey Mujaahidiinta! Ceeb ma lahaateen hadduu dhihi lahaa markuu khaladaadka gaalada sheego sidoo kalana xuso ajarka Jihaadka inuu dhaho: nimanyahay naga daaya kaniisadaha! Innagoo aarsan karnna aan waxyaalo badan xeerinno! Xitaa si masaajiddu noogu nabad galaan! Ilaahay ha dooriyo wajigiisa hadduusan Aayadahan fiirin say wax u daaweeyeen!
يَسْأَلُونَكَ عَنِ ٱلشَّهْرِ ٱلْحَرَامِ قِتَالٍ فِيهِ قُلْ قِتَالٌ فِيهِ كَبِيرٌ وَصَدٌّ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَكُفْرٌ بِهِ وَٱلْمَسْجِدِ ٱلْحَرَامِ وَإِخْرَاجُ أَهْلِهِ مِنْهُ أَكْبَرُ عِندَ ٱللَّهِ وَٱلْفِتْنَةُ أَكْبَرُ مِنَ ٱلْقَتْلِ وَلاَ يَزَالُونَ يُقَاتِلُونَكُمْ حَتَّىٰ يَرُدُّوكُمْ عَن دِينِكُمْ إِن اسْتَطَاعُواْ وَمَن يَرْتَدِدْ مِنْكُمْ عَن دِينِهِ فَيَمُتْ وَهُوَ كَافِرٌ فَأُوْلۤـٰئِكَ حَبِطَتْ أَعْمَالُهُمْ فِي ٱلدُّنْيَا وَٱلآخِرَةِ وَأُوْلۤـٰئِكَ أَصْحَابُ ٱلنَّارِ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ (217) إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَٱلَّذِينَ هَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ أُوْلۤـٰئِكَ يَرْجُونَ رَحْمَتَ ٱللَّهِ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (218)..
Yaa Cududaar u Helaya inuu Joogo Dhul Gaalo
Soow meynnaan khilaafin hadyigii Nabiga (SCW) iyo inaan dhul gaalo la aadin! Soow Muslimiinta badankooda ma jecla inay soo aadaan Galbeedka iyo nolol raadis ah? Haddii ciqaab Ilaah nagu dhaco; maxaa loo cabaadayaa! Xaqiiqdii waa yar yahay qof jooga Kenya ama Galbeedka oon ku noqon karin Soomaaliya. Ma garanayo waxaan ku jawaabeynno haddii la weydiiso su’aasha ku qoran Qur’aanka: miyaan arlada Ilaahay waasic ahayn?! Iyadooy saas jirto haddana Muslimiintu diide waxaan ka ahayn inay dulli ku noolaadaan oo iska hoos joogaan Kibaki iyo wax la mid ah iyagoo heysta Kismaayo. Marka waa wax meesha ku jira in la ilaaliyo maslaxadda Muslimiinta xitaa haddaan u badannahay dambiilayaal sidaan hadda ku suggannahay!
Ilmo Cabdow oo isku Mowqif Qaadanaya!
Qoraalku ma ahayn inaan ka hadlanno ninkii la oran jiray Maxamed Cabduh ee Masar u dhashay. Sida sheekh Umul ugu saamoobey Ibraahim-dheere iyo Shibli baa Maxamed Cabduh waxaa khadka ka saaray nin la oran jiray Xasan-dheere iyo Jamaaludiin Al-Afgaani! Maxamed Cabduh wuxuu u hadli jiray sida hadda Ictisaamku u hadlaan! Waagii hore sida Itixaadkii buu dafdaf la soo baxay isagoo kicinaya bulshada laakiin waagii dambe wuxuu isu dhiibay Suldaankii Masar, Maxamed Towfiiq binu Ismaaciil (الخديوي توفيق). Waxaa la arkay Maxamed Cabduh oo bilaabay inuu sunadii u arkay inay keeneyso dib-u-dhac! Wuxuu bilaabay inuu noqdo “Qur’aani!” Wuxuu ku saamoobay afkaartii reer Galbeedka! Hadda sheekh Umal iyo Ictisaam halkaas bay marayaan! Soow ma aragnno Ictisaam oo ku leh odayaasha dhaqanka: ku dhaqsada oo soo xula ciddii ansixin lahayd dastuurka?
Markii qumayadu qaadeysay Maxamed Cabdowgii Masar wuxuu ku bilaabay ka hadalka islaaxiyaadka Muslimiinta Masar! Wuxuu sheegay in cilmiga maaddiga ah la barto. Wuxuu dadka u tusay in xadaarada reer Galbeedka keliya looga bixi karo dib-u-dhaca! Waa isla arrinta Ictisaam ee ah: maslaxada, ganacsiga, iyo iyagoo qofkii gaal u gala sida Tigreega iyo Kibaki dhaha wuxuu la mid yahay heshiiskii Nabi Muxamed (SCW) la galay Qureysh! Ilaahay Nabiga (SCW) idin ma tuso! Goormaa Nabi Muxamed (SCW) is dhiibay gaalo! Miyesan ogeyn in Nabi Yuusuf (CS) uu qaxootinimo cagihiisa ku raadsan ee la khasbay oo la iibsaday! Yaa Kenya iyo Galbeedka khasab nagu geeyey? Mar Maxamed Cabdow waraaq u qoray Jamaalu-diin Afgaani buu saan u qoray:
(( ونحن الآن على سنتك القويمة لانقطع الدين إلا بسيف الدين …))
Marka mar horaba hay’adda RAND iyadoo ka duuleysa in Muslimiinta lagu khaldo wadaad-xume waa tay soo qoreen in Shariifka loo keenay inuu saas fuliyo! Shariifku ku guuleysan waa. Hadday waxay wadaan in Bashiir Salaad, C/Qaadir Nuur Faarax, Umal, Axmed C/Samad, iyo Shibli beddelaan Shariif sheekh Axmed. Maaddaama Bashiir Salaad odayaasha dhaqanka ku dhex jiro oo ka dalbayo inay soo xulaan ciddii ansixin lahayd dastuurka baa la sheegayaa in Ictisaam badan geli doono waxay ugu yeeraan Aqalka Sare ee baarlamaanka oo ka koobnaan doona 54 xubnnood oo laga soo doorto 18-ka gobol ee Soomaaliya! Marka in Ictisaamka ka mid ahna halkaas bey galeysaa; in sida Umal iyo C/Qaadir Nuur Faarax oo kalana ahna waxay ku taageereysaa fatwada. Marka Ilaahay waa dulleeyey wadaaddadaas Ictisaam.
Asbuucyo ka hor baa la qarxiyey kaniisado ku yaal Nairobi! Sheekh Umal kama hadal! Axaddii dhoweyd markii la qarxiyey kaniisadihii ku yaalay Gaarisa; Jumcihii ku xigayba wakaas Umal furka tuurtay! Marka wadaaddado halkaas ka gaartay caadifo qabiil; xaggey higsan karaan? Waxaa ugu daran markuu yiri: waxaa kaniisadaha Gaarisa loo qarxinayaa waa in Jihaadka lagu biiro! Wuxuu yiri: saas Jihaad looguma biiro! Marka culumada Islaamka waxay isku waafaqeen in marka cadow soo weeraro dhul Islaam, Jihaadku yahay faradu ceyn! Jihaadku waa cibaabo! Sheekh Umal ma wado keliya dacaayaddaas kore ee la mid ah tii Abu Jahal! Wuxuu wadaa arrin kale oo khatarteeda leh oo ah in Jihaadka dadka laga hor istaago! Wuxuu yiri: waxay dadka usoo qaataan Aayadaha gaalada! Waa fiqi darro! Haddaan Muslimiinta loo daliishan Qur’aanka yaa loo daliishadaa? Marka Muslimiinta lagu dul akhriyo Aayadaha gaalada ku soo degay; micnaheedu maaha gaalaad tihiin; ee waa hala iska jiro dhaqanka gaalada oo qofkii ku deyda haddee Ilaahay cid gooni ah qaraabo lama aha! Haddii sheekh Umal dadka u diido in Amisom, Kenya, iyo Tigree lala jihaado; ma gaalo kaliyaa Nasuustu qabaneysaa?
أَرَأَيْتَ ٱلَّذِي يَنْهَىٰ * عَبْداً إِذَا صَلَّىٰ
Weysha gowrac dibigu haku quustee! Shubahaadka sheekh Shibli waxaa ka mid ah inuu dadka iskugu khaldo in Nasuusta gaalada ka sheekeyneysa Muslimiinta lagu dul akhriyo si aysan ugu dhicin gaalnimada iyo in la yiraahdo idinkaa gaalaa! Hadday Khawaarijtu Imaamu Cali (RC) gaaleysiiyeen; micnaheedu ma aha in Nasuusta la iskaga digayo la isku gaaleysiinayo. Qof kasta waa ogyahay in marka Muslimiinta la wacdinayo oo la rabo inay ka fogaadaan dambiyada in lasoo qaato Aayadaha ku saabsan cadaabka iyo waxa gaalo sugaya! Waxaa saas loo yeelayaa in gaalnimo laga fogaado ee ma aha in dadka lagu dul akhrinayo la gaaleysiinayo. Ilaah baa Nabigiisa ku hal qabsaday Isagoo leh:
وَلَقَدْ أُوحِيَ إِلَيْكَ وَإِلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكَ لَئِنْ أَشْرَكْتَ لَيَحْبَطَنَّ عَمَلُكَ وَلَتَكُونَنَّ مِنَ الْخَاسِرِينَ
Golaha Baraarugga Islaamka
Somalimidnimo.com













































horta yaabe dhul gaalo xagee ah manta ama dhul muslim xagee marka kobaad adunka dhan ilahba leh illah waxu uga raliyahay dhulkisa cidkasta oo cibaddaisa ku guta sida dhabta ah majirto wax ladhaho dhul galo iyo dhul muslim lakin waxa jira dhul sharci allah lagu xukumo iyo dhul daaqud lagu xukumo marka kale kiniya ma ah dhul ka ay xukunto wax dega muslim marlka muslimka kiniya ma ah gaalo ta labaad wa xage dhul muslim manta maba jiro ila tuloyin yaryar mahe dhul islam lagu xukuma manta kismanyo iyo marka aya imka shabab xukuman shabab sharci allah way ku xukuman lakin shabaab wa dhalinyaro an fiqi lahayn oo qaladkoda badan wats culimada ka aman ladahay almuhim shiikh umul makunola dhulgalo waxu kunolyhaya dhulki ilah kuaburay oo ah dhul ilah sharciga allhna wa laguxukumidona insha allah shabaab wa xarko jihadaya lakin an lahayn markis rasmi ah oo lagu xukumo tusale aniga shabab an ahay wan tagera hadan manta damco inan jihado waxan smaynkara inan gaal mel iska maray dilo tasina sharciga ma kubanna waxa lobhanayahya in la kala danbeyo oo nidaam jiro laga amarqato
Salaamun calaa man itabacal huda horta nimanka cabadayow godkina ayay biyo idin kuguso galen ama shekha umal habara ama caaya {wether u kil or kiss or kick talking to sh umal, sh umal is umal he never changes} sakin laqa carabka allaha ka goya shekha haa habaarin
tO KKKKKKKKKKKKKKKKKdarwiishKKKKKKKK
Dameer kuba markuu cuno
Maankaal durbuu ciyin
Dad waxaan ahaynoo
Darwiish loogu yeerana
Abid ways dambaajaan
In kufriga la dabagalo
Darajiyo ku sheeg magac
Fatwo dabacsan kii bixin
Faqiih doora wee yaan
Hadaad diin kasaysaan
Xaqa aad daryeeshaan
Ma dageen gumaysigu
Dakadiyo madaarkii
Daleel kama kaxaysteen
Dumarkiyo caruurtiida
Dool kuma u joogeen
Doolow intuu dagow
Dakadaha ma baadheen
Dibjir xuno sawaaxili
Iyo doqon wayaanaha
Dadki kama xasuuqeen
Ala doqonu calaf male
Maxayse been dawinaysaa
Darwiishse magici baa ba,ay
Markay duliyo sheegteen
Asalaamu Aleikum
Ilaahay wajigiina ha nuuriyo maalinta qiyaamaha, golaha baraaruga islaamka ilaahay ha idin xiftiyo, wacyi galintiina aad ayaan u jeclahay aniga iyo saaxibadayda jaamacada ila dhigta.
walaahi bilaahi xigmad iyo xujaad ku oogteen shiikhaygii umal, culimada soomaaliyeed ha ogaadeen in shacabka soomaliyeed barteen diintooda oo aan shiikh kasta wax ku shuban karin cilmiga iyo aqoonta diintaada aad u leedahay waxay kaa difaaci kartaa shiikh jilaafoobay shubahaadka uu kasii daayo.
Waa balan jaamacada markii aan dhameeyo in aan majliska saxwa golaha baraaruga risaalo ka qoro, umadda soomaaliyeed gaar ahaan dadka afsoomaliga qora ama akhriya sidayda oo kale waxay u baahan yihiin dad wax u qora oo boorka ka jafa.
culimadeeniyow waad ceebowdeen ayaan idin dhihi karaa ee ilaahay usoo laabta isuna soo dhiiba,
wabilaahi altowfiiq
Maxamed Jaamac Khartoum Sudan.
TO;-BEEJAQABYADA BIDAYAASHA{GAALO} IYO QASHINKA TAAGEERA AMA U OOYA;- Dadkayagii Diyaaradaha lagu laaynayay,Guryihii iyo Masaajideenu waa looma ooyaan miyaa?
Imisaa Gedo iyo jubooyinka ay kudishay Nasaarada Kenya?, 5 Caruur ah oo Walaalo ah ayay kudhishay hal Goob, Caruurtii iyo Dumarkii Maxastii Hoosingoow iyo Ceel Cadde Ma’illoowdeen?
Gaalkii Nagu Xadgudba ee Maatadeena laaya,Annaguna tiisaan kutuman!!
Wadaad iska yeeray Iyo Caamay Candho weeyn oo ficil laawe ah *KIR iyo UF baan NIRI*.
Mujaahidiintuse ma’iyaa Gaarisa Galay? mise Dadkii Maatidooda lalaayay oo Godobtii laga Galay Dabajoogaan Gafuura xunta Xanuujiyay? Imaarada Islaamigaa ee Somaaliya wixii Meesha kadhacay masheegan, Dharbaaxaduna waa kayareeyd Dharbaaxada Mujaahidinta.
عن تميم الداري رضي الله عنه قال : سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول : ” ليبلغنّ هذا الأمر ما بلغ الليل والنهار ولا يترك الله بيت مدر ولا وبر إلا أدخله الله هذا الدين بعز عزيز أو بذل ذليل ، عزاً يعزّ الله به الإسلام ، وذلاً يُذلّ الله به الكفر ” أخرجه أحمد . ikhwani inta aad difacsan sh umal dintina ditiina difaca xadith kale oo saxiix ah ba rasulkena csw ku yidhi dadka waxa aad lo dhibaya abiyada iyo rususha waxa ku xigaa culimada waxa ku xiga kuwa mathlkoda ah kowa mathlkoda ah qof walibana wax dhibkisu u gadhisanyahay inata diintisa gadhisintahay csw dhalintow shakhsi ah dinacina eh xududa ilahay difacaa
abu faatima mahamah aya waxay tahay af caytamay nin lu kuyaal aniga ma kula caytamayo mar hadananba ku aqoon lakin wa ka xumahay in somalimidnimo maan gab kasta oo waxu qoro inta kuso daabacayan hadad nin raga tahay orad waxad aminsantahay eed tageraysid u dagaalan aniga iyo cid kale tona afxumo wax kaga qadimaysid malah marka is ci
umaloow gaarisa kaniisada kutaal marka laqarxiyay ayaad afka furatay kuwii nairobi iyo mombasa lagu qarxinayayna wad ka aamustay oo ina adeerka majoogo lkn mujahidintu waxay beegsan donan meelo aadan kufarxin sida garisa iyo dhaman dhulka maqan adiga umal ahna waxad tahay murtad aan diin lahayn
darwiish adiga hadii somalimidnimo aad necbantahay maxaad u sogashey calaamada halgan kulaabo munaafiq baa tahay
Asc wr wb Gaalo madoow xasuuq dhalan gadis diin iyo dad wada oo caamaduba u jeedo wadaad xume yaal qiil ma u heli karaan iney si dadban u difaacan? anigu waxaan rumeys nahay qof mar haddii uusan damiir laheen inuusan diin laheen.Qofku waa iney wax damqaan maanta ciddii muslim sheegata waa aashuun ku adin taas cidna kama qarsoona waxa loo ogol yahay ineey wax sheegana waa kuwo shatiyo heysta oo badankood loo idmaday iney marin habaabiyaan bulshada muslimka ah jidaa,damqasho iyo aarsi gaalo daaye ma ogala in gaalo ilxun xitaa lagu fiiriyo ileen iyagaaba shatiga siiye. alxmdulilaah maanta ishaa macalin ah xasuuq,dhalan rog iyo hanti boobka islaamka lagu haayo uma baahna isu sheegid qaasatan soomaliya, soomalida tiraahda waxii uurka kaa jira afkaa xado waa tuu Bush madaxweynihii hore ee usa lahaa (you are with us or agianst us) oo macnaheedu yahay waa nala jirtaa ama waa naga soo horjeeda.marka gaalo saas ay go,aan ku gaartay ama qawaarij kuwaalo ama mujaahidiinta xag xago adey kuu taal haddii aa safka Bush tahay iyo haddii aa tahay kan ka soo horjeedaba qof walba waxii niyadiisa ku jira uun buu yahay,
Umuloow uurkutaasha
iyo adimahaaga
dhexdooda ilmihii
ku abaadey oo
ameerikaanku
lahaaa in ad iil
ugaleyso ama
aad umul raacan
awelba waan ku
ogeyne qof gaalku
oori kayeeshay
markii uu ilmo weeyn
kuxanbaaro oo ilaahiis
kafogeeyo oo anbiyo
oo ayro go, ana usaaro
ayuu albaabada kaxirtaa
irsaaqadana kajartaa
markaas buu asagoo
amakaagsan afkana
naab kagataal buuu
ilaahiisa baryaa
bal anfariirkaan iyo
yaabkaan horta
umulyahay yaa
ku aroosay
urka kaa baxayaan
ashahaadada
boobnee?
culimadii noolayd intaaad dhamayseen oo aad wax ka sheegooda ka dheregteen, ayaad haatan ku darsateen islaaxiyiintii waawaynayd ee dunida islaamka baraaruga maanta iyo fahamka saxda horsedka ka ahaa sida calamah mohamed abduh, caalimkaan mohamed abduh Allaha ka jaaseeyo intuu qabtay, qolyihiinan cayda culimada caadaystayna ma gaarsiin kartaan dhib waayo kutubtiisii iyo dhaxalkiisii ayaa masar iyo dunida islaamka oo dhan yaala, waxa cantarabaqashka ah ee aad ka qorteen caalimkaas wayna waa been aan sal lahayn iyo ku tiri ku teen iyo male, daniguna xaqa waxba kama taro. aqoon la`aantu waxaas ayay keentaa in uu qofku qoro wax aan sal lahayn. nasiib wanaag mohamed cabduh dadkoo dhan baa yaqaana.
Aslckn walaalaha gob islam waxan oran lahaa sh umal xafidahullaahu waa wadaad salefiya waljihaad baan ka aaminsanahay mithaal yer qofku haddii mar waliba layiraahdo wuxu xadaaqaya hadal bilaa ammaan ah ama xalis wuxu uyahay inu shooq ka qaadaba….walaalaha mujaahidiinta ilaahey haidin xifdiye waad kusaxantihin inay jirto kuwo badan oo ictisam ah meel daran fadhiyaan iyagoo dafirey in badan oo xaqa ah naceyb mujaahidiinta uqaban layaab male inay yirahdaan khawarij weeye cidda xaqa ku dhegta axmed ibn xambl waxa lalahaa waa khaariji ibn thaymiya waxa layiri waa khaariji mxed c/wahab khaariji mid cusub maaha sheikh umal haladaayo yaan lagu riixin qoolooyinkaas sidii foodlayda ucaatameya
XUSHMO IYO XISHOODKII
HADUU ASAGU KATAGEY
WAA LA CAYNAYAA WAANA
LA ISKA DHICINAYAA ASAGAANA
KUTALAGALAY. WAXA QOFKA
MUSLIMKA AH LAGA RABO
SOW MA AHA (1) ASHAHAADO SAX AH
(2) SALAAD (3) ZEKO (4)SOON (5) XAJ
CAMALKA WAAJIBKA AH EE QURAANKA
AAYADO 10 TONAAN IYO 10 TOBANAAN KAHADLAYAAN
SOW MA AHA JIHAADKA
AAYAYADAHA QURAANKA QOFKII INKIRA AMA DIIDA
MUXUU YAHAY? ANAA SHEEGAYA WAA KAAFIR
Salam Aleykum….
Walaalayaal Diiniyan iyo sharciga Islaaamka, Kaniisad ma la qarxin karaa????
http://www.youtube.com/watch?v=jJhHTUqNA2k&NR=1&feature=endscreen
Sheekh shaydhaan umal hadduu mooday in diinta islaamku tahay in masaajida laga dhex maxaadireeyo shacabkana lacagaha laga aruursado sidii suufiyadii dhaqaalaha iyo business-kiisana uu ku dadaalo sidii uu ugu kala socon lahaa waxaan ku leenahay diintaan haysanaa maahan mida aad adigu jeceshahay ama aad dooratay ee diintaan haysanaa waa diintii nabi muxamed csw. ALKITAAB WA-SSAYF. nabi muxamedna csw intuu caloosha soo buuxiyo raashin midkiisa ugu fiicana soo dejiyo masaajida kama dhex maxaadirayn jirin shacabkana lacagaha intuu ka aruursado mashruucayada aad fulisaan ma fulin jirin. CEEB WAXAA KA NASAHAY ALLAH IYO RASUULKIISA TUSAALE FIICANNA WAA NABI MUXAMED CSW. diintaan haysanaa waa diintii nabi muxamed csw. gaalo culimadayadii ayay dhamaysay shacabkayagiina way baabi’isay dhaqaalihiina wayka cuna qabataysay. hadaba hadaan nahay shucuubta islaamka meelkasta oo aan joognaba waan aarsanaynaa kitaabka iyo seeftana waan isku wadaynaa diintii nabi muxamedna ka tagi mayno kana tanaazuli mayno. UMULOW AMA IS BAKHTII AMA IS CIIJI AMA SUN CAB. hadii gaalada kenya hanti kusiiyeen kuna soo dhoweeyeen heshiisna aad wada noqoteen diintaadiina ka tanaazushay, waxaan ku leenahay gaalo anaga heshiis nalama ahan diintayadiina kamaanaan tanaazulin. INSHA ALLAH seefta ISLAAMKA magaalada kaniisadaha ee aad joogto way soo gaadhi toontaa. ama kaniisadaha gal ama is dil inta islaamku kusoo gaadhin
khaalid….adigu magaca asxaabiga iska dhig shaydaan..xaqiiqi ah ayaa tahayee qof sidaa u caytamaya magac asxaabi ma baxsado..lakin kula yaabi maayo shabaabka ayaaba waxaasoo miidhan ah…
asc
khaalidow ma adiga sidan u hadlaya baa diintii islaamku mudatay? diinta islaamka xaal baan siiyay shaal xarir ahna waan huwiyay Allaahna uma baahin qof aan maqaamkeeda aqoon akhaaqdeedan ku sifaysnayn Allaah baana xuma oo dhan ka hufan. Midda kale sh Umal waa bashar macsuumna maahan laakiin diintu waa Caqiido toosan, aqoon, camal iyo akhlaaq wanaagsan, qof aan ku sifaysnayna in wax laga waydiiyo meel ka dhac bay ku tahay diintii, Rabbi Sallim Sallim
as wr wb
qaalid qeyr Alaha kusiiyo cabsi Ilaah baaleh nabi maxamedna c.s.w raacid buu nagu leeyahey hadii culumadii mujahidiinta afka kadeyn weydey oo alle uga baqiweydey oo culumadii ilaaween in Alle lahor istagi doono aduunyana dhamad ledahey waa udoqonimo culumada ceyda mujaahidiinta moodey iney ubanaan tahey. gaalada dhulkenii dadkeeni diinteeni sharaf keenii waxba ulaharin oo sikas taba nogashey waxaa naxariis ah oo naga dhexeeya aan ahey naceyb iyo inaan ka argoosano waxaan dhihi lahaa wadaadada gaalada uga baqeya iney geeyaa gontanamo iyo cadaab aduunyo oo malmo ah ha xasuusteen mujaahidiinta Alle ayey lee yihiin oo guusha ayagey kudanbeyn oo Alaa ubalan qaadey marka waxaan leyahey Alle ugabaqa hadaad inaba Alle taqaanaan oo cilmiginu idin barey Alle hadii kale cilmigaad barateen waa qasaaro alxamdu lilaahi aan maanta diintii baraney aadena naqaldi karin wadaad baqey iyo mid muwaxidana iskaga kaaya qasmeynin waa ilaah mahadii Alxamdulilaah
Yaa is gaaray? Sheeq umuloow waxaan ka cabsanaa sidaa islaamka isaga riixeesid in adi gaalada si toos isugu riixdid…. Meeshaa rabtid ka baqbaqlee absame wada murtadiin ma aha wax badan ayey islaamka u aari doonaan.. Fuley dabaal daneeste qabiileeste waxaan kugu tilmaamo maleh tolkeeen ceebaysay…
Sheikh Allaha dhowro Marwalba Xaqa
ayuu Garab istaagaa Una hiiliya Marka
Qolo Inxiraaf Kudhacay Oo Wadadii Ahlu
Sunnaha Dabo Maray Unbaa Ka Gubto
Markuu tilmaamo. Kaligiisna Maahan Bal
wadaad kaste Oo Ahlul Bidciga Wado Jihaadka Faasidka Ama Muzayaf raddiyo
Waxay dhahaan Mujahidinta Ayuu
necbahay. Marka Umada diinka ha
Barato.Culimada Haku xirnaato. Qolyaha
Xaqa ka ambaday Hala iska jiro Hana La
raddiyo
kkkkkkkkkkkk ala meshan moxoo jahli is kugu imaaday war waxaan oo caay ah maxeey tahay sh umal Kheir allah ha siiyo khudbadiisi waxey ahed aayada quran ah iyo axaatiith ma jira qowl illaa adila ayoo usoo qaadanayay quranka ama axaatiithda ama aqwaashi salfka ee kena waxow ku khilaafay mad hab kii salafiga la iskama caaydama af caydama kafoor kiiso ku yala waxena ku tusini inoo waxba is la haynin
http://www.youtube.com/watch?v=XCToOzBdwlQ&sns=fb
Abuu Xamza waa maxay Jahligu…… khaalid waa magac la share gareeyo cid walba…. tan kale maanta shiekh umal wuxuu soo tufay inuu ka xanaaqsanYahay shiekh xassaaan iyo ardaydiisa… Wuxuu Yidhi waxay Yidhaahdaan waa Ibnu Taymiyaha Casriga kkkkkk. Xasad baa meeshaa iiga soo dhadhamay aniga kollay. Waxaan Leenahay shiekh Xassaan waa Sheikhul Islaaam…. Ma aha shiekhul Dumar wal-Duwal sida umal oo kale…..
Ilaa hada wax dalil ah ad ku naqdisan ma kenina shiekh wuxu ka hadlay masalix wal mafasid wana sax in la firiyo tusale ahan waxa ifo lagu qarxiyey galadi maxa ka dhashay tasi badalkedi in musliminta xolahodi la dhaco in gabdhihi muslimadki la kufsado intas o dhan maxay u dhacen hal gal o dishen fikirkasna wa fikir ay qaban shabab wana fikir ana dinta u adegen qilafayna had yigii Nabi muxamed (S.C.W ) marka bentinana waxa ku qanca dadka mangabka ah iyo dadka cadifada qabil ay madax martay sidi no kale
Abu xamza
saas dadka looguma naseexeyo sheydaan ayaad ledahay inu warkaada maqlana wad raptaa
sheydaan so cey maahan
akhi aadabta qofka wax logu shego saas maahan wanaaga iyo qeyrka inta kataktid cey iyo xaqaaq haka dooraan ilaahey dambigaada hadhaafo
akhi filaah
Bahda Somalimidnimo.com waa suuragal Shekh Umal wax badan oo xaqiiqo ah inuu iska indho tirayo laakiin fadlan culumada yaan la gaarsiin heer Murtad lagu tilmaamo,, Commentiga lagu aflagaadeenayo ha daabicin fadlan,,,, wax qabadkiina allaha idinka Ajar siiyo
Dadka marki ladoho ilahkabaqa oo khawarij iyo takfiir ficiladoda iskadaya xanaqo mellogutalagalay ayey kusocdane hortoda kalexda haqulqulene ” waithaqiila itaqilaha akhadhathul…………………..faxasbuhu jahanama… wakas qurisa
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Salaan kadib, nafteyda iyo naftiinaba waxaan udar daarmeyaa marka ugu horeysa تقوالله teeda kale waxaan idiin leeyahay Nabi muxamad (SCW) waxaa kasuga inuu yiri:
من حسن اسلام المرء تركه ما لا يعنيه Sidaa awgeed waxaan idiin leeyahay waxaan aan dhex dabaalan heyna waa wax laga fiicanyahay, Qof walibana haku fikiro maxaa kaa horeeya
قال تعالئ : ياايها الذين اءمنو اتقوالله ولتنظر نفس ما قدمت لغدٍ واتقو الله ان الله خبير بما تعملون
W/towfiiq
Asc ikhwani salan kadib ina lilah umalow maxa ku waaley ma xoolo adun aya ku waaley ama qabyalad aya kula weynatey umulow ilehey ka baq e ka towbad ken falka ad ku jirto ma waxad ka mid noqotey khuwanada dintooda ku gata xolo aduun ilahey wu awoda inu ku ceyriyo ka dibna ad gacmo horsato, war awey nadwoyinki ad ugu hadli jirty jihadka rux hadalkisa is khilafey been badan ayu so wada marka hadan horey ku dhegeysan jirney manta wa maya alle u towbad ken umulow wa danbi hadalada ad ku hadlaysid asc
Yaasiin……..AKhii waad mahadsan tahay waana kaa qaatay waana daada…lakin akhii waxaan ka xanaaqay qof muslim ah oo waliba caalim ah..waa sheekh umalee ayuu ku tilmaamay kan khaalid wata “SHAYDHAAN”…adigu walaal hadaad Daacad tahay maad sidaad igu tiri oo kale ku dhahdid ileen asagaa iigaga horeeyay qorlaalka uu shaydaan ku leeyahay sheekh caalim ahee …garan maayo Kolley cadaaladaada…lakin waano fiican ayad ii waanisay oo ah qof ha caayin…shukran
ARDAYGII EX Umal….kkkkkkk…..adigu waxaaba Tahay Saaqid,,,waayo kunoqo sheekhaagii umal eed ku caasiday,,sheekhul dumar baad leedahay car yaa i tusa qof aan caytamaynin oo meeshan soo gala waa cajib..dadkku mala akhlaaq diin maba soo baran sheekh umal waa insaan wuuna gafi karaa wuuna asiibi karaa lakin caydu maxay tahay, sheekh umal dambigiisa allah ha dhaafo..kuwa neceb soo ma ah” “موتو بغيظكم
muslim Girl
Ayaan daro waxay ku dhacday qof islaam ah oo islaamnimadii aysan ka muuqan ama wax naftiisa dhib u kenaaya aan dareensanayan sheekhayga alllaah ha xifdiyee Alwaarid Sheikh Umal ayaa waxaan ka dhegeestay waxaa soo baxaya websaydyo wax walba qora oo cida qortana aan la aqoon waxa ay yihiin ma muslimbaa ma galaa maalintaa aad baan u yaabay waxaana ka yaabay sheekha rintiisa iyo sida uu wax u cabiraya waxaan umada meshaan wax ku qoreysa u sheegin in ay naftooda iyaga marka hore cadaabka uga turaan ka dib ay cilmiga barshadiisa ay waqtiga ku dhumiyaan inta ay sheeekh umal oo cilmi iyo caqli toona aan lagu gaarayn la isku dhererinaayo wax caytamaaya waxaan u sheegin oo kale diinta islaamka ha la is caayo meel ay uga jirto ma arag ma diin cusub ayaad barteen oo aduunyada aad ka sameeysateen ma su’aashaas iiga soo jawaaba, armaad maanta jaanis haysataan inta naftu aysan kalxamaha soo gaarin oo aan la idinku oran yaa u cid ah maad is waansataan oo jaaniskiina ka faaiideysataan,maanta dadka xabaalaha ku jira hadaan awoodo maanta waan idinku bedeli lahaa saad runta u soo argtaan. ugudanbeeyntii sheekh UMAL allaah dartiis ayaan ku jeclahay waxaana lee yahay allaah ha dhowro hana xifdiyo inta aan cilmi ka qaatay ayaanan hilmaami karin adaydiisa waxan ka codsan in aysan caytamin oo akhlaaqdii iyo cilmigii sheekhu ina baray aan lagu gabood falin ha lagu difaaco wado ale ka raali yahay waxii horey arday ugu ahana jiray waxaan aaminsanahay oo sheekha ku caasiya waa cid shaydaan la tegay ee aan u ducayno una nasteexayno isha allaah culimada dhamaan hala ciseeyo oo kii xitaa qaldama waa bashar ee haloo sabro hana loo nasteexeeyo.
Abu xamza
sxp cadalad daro igama ahan e commentigisa sifican uma aqrin
marka allaha kubarakeyo
sh. Umalna ilahey dambigisa hadhafo wlh majecleyn inu saas uhadlo mujahidintana duro lkn wa shikheyni wa walalkeyna dambigisa allaha dhaafo ajirna allaha ugu badalo wlh shikha wan jeclahay lkn hadalka afkisa kasobaxaba mujahidintu cara galiya saseytahayna umal cey iyo aflagaado mamudno
Ku muslim girl
horta adigaba bal isfiiri muslim girl aa kuqoran websitekan adna wax kuqoroysaa yaa ku yaqaan marka adi maxad udiday magacada runta inaad qoroto adiga magacada la aqoon markasad ledahay websitkan dadka wax kaqoro lama yaqaan cajiib
midakale caqliga iyo cilmigaba ilaaha baxsho umal dad kacaqli iyo ka cilmi badana wey jiraan e caqliga iyo cilmigaba qof ha ugacma xirin adigo wax difaac isdhahaya
tankale waxa tiri ardaydi umal wax kabaratay ekatagay sheydaanaa qaaday yaab
umal inta laga tago shiikh kale wax malaga baran karo miya hadi ano sh. Umal wax kabara xertisa an katago e an xerta shibili ama xasaan an galo ma sheydaan baa iqaaday walal hadal intadan dhihin wa laga fiirsada waxad uektahay qof qeyr doon ah lkn dagdag hayo ilaahey xaqa hakugu sugo saas ujeceshahayna hakula jeclaado
asc wr wbr aad baan u soo dhaweeyay muxaadaradii shiikh maxamed cabdi umal marka ama shiikh umal caaya ama dila walaahi waa rajul runta idiin sheegay tan kale adigan webka qora anaaba ku gaaleeysiin kara adi marka ka dhamaada shiikha hadana muxaadarada xili ku haboon buu qabtay
To yasiin shugran ducadaad akhiiran balse warkaaga ma fahmin mana ka jawaaabi karo ee fadlan wax cad oo la fahmi karo soo qor
ASC
Wallaalayaal ilaah u laabta ceyda iyo habaarka iska daaya hadaad wax tabaneysaan ruuxa aad wax ka tabaneysaan waca oo la hadla ama waaniya wixii intaa ka reeban waa suaal aqiro.cidna madoneyso in ey ka jawaabto wax maanta lafudud aaqirane ku culus.
mida kale waxaan waaninayaa websidka in markuu ceyda iyo habaarka ka ilaaliyo qoritaankiisa markuu wax rabo in uu soo tabiyo sababtoo ah aqristayaashu siiya figrad xataa hadaad rabtaan mid damiciina u janjeerta laakiin ha sku dayina in aad sameysaan meel lagu ceytamo waxaa ka dhalankaro in leyska dhaafo websaidkan aqriskiisa.
intaa waa iga waano ilaahna haloo noqdo.
war marka hore wan idin salaamaya walalayaal, anigu waxaan ahay nin somali ah oo christian (Masiixi) ah, waxyaabaha ugu waaweyn ee diinta iga saaray waxa ka mida waxaan noqday nin ciil qaba oo u nool in uu gaalo la dagaalamo hadana aan waxba iska celin karin oo isagu aduunka ugu tabar yar,
waxaa dhacda mararka qaar in qof ku yidhahdo alle dartii ayaan u dagaalamaya!! wa maxay sababta aan anigu illahay ugu dagaalamaya? miyaanu illahay isagu is difaaci karin?
waxa kale oo aan la yaabay dad ku leh waxaan furan doona baarays iyo washinton!! illahay ma mid dhul balaadhsi doonaya? ma waxa uu awoodi wayay in uu qof walba meeshisa kaga dhigo muslim?
hadaan usoo noqdo mawduucan ninkan ka hadlay ee ah ha layska daayo dadka cibaadaysanaya, anigu waxaan u arka in ay tahay arin sax hadii aan qiil loo samaysanayn dagaalka
ugu dabayntii
fariin: somaliyey soo raaca ciise aad nabad heshaane
*Baraarujin*
-
In ruux aan ku dhalin loogu yeero ‘Waalid’ Waa xaaraam, si guud baan ula hadlayaa walaalaha Muslimiinta inay arintaas iska ilaaliyaan.
-
Bukhaari wuxuu ku wariyay Saxeexiisa, “Waaxaa noo sheekeeyay Musadad, Waxaa u sheekeeyay KHaalid oo INa Abdullaahi ah, waxaa u sheekeeyay khaalid, Can abii Cuthmaa can Sacad Radiyallaahu Canhu oo yiri Waxaan Maqlay Rasuulki Allaah SCW oo leh, “Ruuxii sheegta ruux aan Aabihiis ahayn asagoo og, Jannadu waa ka Xaaraam”
-
Ruwaayo kale oo uu wariyo Abii Darri, “Ruuxi sheega Aabo aan ahayn Aabihiis, wuu gaaloobay”
-
Source:
Fatxul Bari fii Sharxi Saxiixil Bukhaari Xadiithka # 6385.
waxaaan talada ku darri lahaa cidii ay dhibeyso in xaqa la sheego ha iska nastaan guryahooda ha aadan cidii mujaahidiinta durtaa gaaladana difaacdaa waxa, aan isku nahay ma ay jirto barri ayaan nahay inkiri meyno inay dacwada ka soo qeyb qaateen cilmigoodana ma,aan gaari karro laakiin iima ahan sheikh intaas ma qancin kartaaa reer huuuhaaaaa! hade yaa wax ka dhaadhicin karra, wepsadyo lagu difaaco waad liidiihiin kaas idinkuguma imaano maxaa keena ugu dhex kuftaan miyeydaan damiir laheyn mise waa beyrka jecli xeydha jecli wixiina? yaabka yaabkiis aniga waan taageersanaa inaan culumada la dhaafo laakiin culumada haddii ay ka qeyb qaadanayaan in cirdigeyga oo loogafayana aysan hadlin markii gaalada la wax yeeleyana meelaha difaacaya waxaan u arkaa inaysan mudneyn in la ixtiraamo waayo? nin i arki waayey uma saro joogsanayo non dhibteyda ka damqan waayey waxba iskuma nihin Qabaxahumullaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaah.
TO Waxgarad
Walaal jisaakalaah waad noo faaiseysey allaah hakaa abaal marsho waxaan kaloo kuu sheegn n inta aad noo sheegtay qofka ay uga ajar badan tahay in uu ku xiiqo wax aan cadayn walaalkay noo wad cilmiga khayrna alaah ha ku siiyo
Cajiib cabdi masiixi dhgeysda
allla gabaygii wuu oodsamee ilinka yaw toosin
axmaq waliba eray buu rabaa inuu yiraahdaye
abuu fadima waa inkaaranyee alifka yaw taagay
yaa asqeeyay uunkii nagaa oradka yaa keenay
yaa ilhaamay aadmigii dhamaan ararna yaa sheegtay
in aad daysid aabiga adoon eexna gali haynin
lama arag abu fadimow tan iyo ababahaagiiye
nin ismi leh asaan sheegi karin waa aqoon xume
asalkaaga maa sheegto waa lagu ogaan jeere
mise aniga oo soo ganuudsadaan arar wadaagaynin