Muqdisho oo la Muuq Dilayo! Mahiga ma waxuu Rabaa in Magaalo-madax laga dhigo Garoowe sida Dodoma u Tahay Magaalomadaxda Tanzania

Yaa yaqaan magaalo-madaxda Tansaaniya (Tanzania)? Waxay u dhowdahay in qof kasta ku dhaho Daarusalaam (Dar es Salaam) laakiin magaalo-madaxda Tansaaniya waa Dodoma! Sidoo kale magaalo-madaxda Nayjeeriya waa Abuja! Lagos iyo Daressalaam waxaa ku nool malaayiin qof! Halka Abuja aysan ku nooleyn xitaa dad gaara hal malyan oo qof!

Lagos iyo Dar es Salaam waa halbowlaha dhaqaale ee labadaas waddan! Waan maqleynnay in ninka sheegta wasiirka dastuurku lahaa: weli waxaa laga hadlayaa waxa laga yeelayo Xamar! Ogaada, dastuurka saas ah waxaa lahaa hala saxiixo wadaaddada Ictisaam! Xitaa guddoomiyihii Imaamyada Waqooyiga Ameerika wuxuu ku jiraa kuwa Xalane kula shiraya Amisom!

Marar badan baa Somalimidnimo.com tiri: Shariif sheekh Axmed waa shimbir; shimbirutuna buulkeeda bay dab surtaa! Sidoo kale ogaada in Mahiga u dhashay Tanzinia! Tanzania waxay magaalomadax ka dhigteen magaalo yar oo la dhaho Dodoma 1996! Dhowr boqol oo kiilomitir bay u jirtaa Daarusalaam! Laakiin Dar es Salaam waa magaalo-ganacsi!

Muxuu yahay dastuurka diyaarka ah haddii wasiirkii dastuurkuba leeyahay: weli ma garanayo waxa laga yeelayo Xamar? Ma sida Washington DC baa ka dhignnaa? Ma sida Dodoma? Mise sida Abuja oo kale?

Tarsan waxay ku mashquuliyeen lacag-uruursi iyo booqashooyin! Haddeer buu soo hambaaruray!

Somalimidnimo.com

8 Responses

  1. Jamal says:

    Ilahayow galadan noo tashatay wadanka nooga qabo mujahidintana gule.

  2. mooha says:

    To: webkan culimada somaliyeed lagy aflagaadeyo ee hilibkooda lagu cuno war ilaahay ka baqa gob islaam ayaad la baxdeen balse god islaam ayaadtihiin waxaana dadka uga digayaa inaysanwebkan culimada in lacaayo loo furtay inaan lasoo booqan si aan bari uga noqono waxa ay wadaan shabaabow culimada ma waxaad kula
    dirirsantihiin markii ay idin dhaheen khawaarij
    ayaad tihiin yes khawaarij waad tihiin kamana
    carari kartaan sababtoo ah shuruudihii khawaarijta waad buuxiseen umadana waxaad ka weeraraysaan oo aad laynaysaan culumada aqoonyahanka waxgaradka si hadhaw dadka
    caamada iskugu soo haraan oo aad ugu talisaan
    waxaadna dhalinyarta ku qaladaan salaadiina
    badan soonkiina badan balse waxaas waxba
    kama jiro diintuna dhuunta idiinma dhaafin haday idiin dhaafto culumada ayaad nabad galin lahaydeen shabaabow imisaad culumo
    aqoonyahan waxgarad layseen inkaarta culimada waa tan muuqata oo balaayo idinka xoogweyn oo dhinac walba idinkaga timid uu ilaahay idinku saliday culumadeenu khayr allah siiyo wey sii wadayaan in umada looga digo qatarta khawaarijta astaamahoodana la cadeeyo si aan dhalinyarada loo qaldin mana jiigsanayso arintaas waligiinba cabaada oo ooya

  3. sacdiya says:

    oo maxad saas uleedihiin yaa xamar isku aminaya hada kadib markii somali hantidedee dhigteen 1991kii watee lat=yiri habexaan wixii aan hawiye ahayn oo macal banta ay dadka hantidodii haystaan oo xitaa aysan oran somaliwaynay nacafiya, anigu waxan kutalinlahaa magala kale halaga dhigo casumad sababtoo ah hamar wixi naga sogaray baa wali maskaxda kujra

  4. waayo'arag says:

    ilaahay ayaa mahad oo dhan iska leh.Naxaris iyo nabadgelyo ha ahato nabi maxamed korkiisa.
    Tarzan oo turkido sambus badan oo bisil diyaarat usoo saaren oo leh:” Haddi caasimada laga badalo xamar, somalida laka dira”.= macnahu waa dagaal sokeye oo qabiil. iyo
    Faroole oo heshiis lasoo galay dowladda mushrikiinta ee India oo leh: “Haddana caasimada laga dhigin Garowe, burcadbadeednimadi aan kusoo caan baxay ayaan ku noqon”. KKk watas TFG. Kilaaf iyo Danoyiin gaar ah oo shisheeye dusha ka maamulo weeyan macnaha TFG. Wa dad la haysto oo maxaabiisa. Markii hore Uganda iyo ethiopia imikana india iyo turkida ayaa agendoyin gaar ah wataa.
    Su’asha meesha taal wa Odayaasha Xamar lagu wareeriye maxay arintan kaleyihin? Maxase keenay caasimada Xamar halaga badalo? waa jeerta mahiga iyo 4.5 tiisa, waxaso dhan.qabiilada muslimka ee somaliyeed ayaa leysku baa’biinaya.

    To: mooha booha
    Mowduuca manta waa caasimada ma xamar mise garowe laga dhigaya. ee khawariij iyo wadaado lagama hadlayo! Wadaadkad sheegeysid( waa umal) cia-da ayay u wada shaqeyaan.Muslimka cool ayay ku yihiin.

  5. Asad says:

    BAISMILLAAH WAXAAMAHAD LEH ALLAH NABAD IYO NAXARIIS NABIGEENI KORKIISA HA AHAATO WABACU ,

    Waxaad layaabaysaa dadkaan soomalida layiraahdo Qaar badan oo kamid ah waxay kahadlayaan xamar baa caasumad lagaqaaday iyo xamar baa dad waxlaguyeelay ,
    Waxaan soo xasuustay soomalida baa waxay tiraahda Waraaba waxuu arkay Hal iyo Nirig markaasuu Hashiina Naasaha gooyay Nirigtiina Bishimaha ama Faruuryaha markaas buu ugodlay
    Nirigtiina waxaa go an afkii Hashiina waxaa go an Naasihii intuu kuqoslay buuyiri maxay kunuug taa ama kanuugtaa hadaba waar magaciin hajire maxaynu caasimad kadhiganaa oo gacanteena kujira Dalkii somaaliyeed gumaysi ayuu dib galay Walaalaha dagaalamaya iyo mujahidiinta Haloo duceeyo hanalataageero waahadaad waxgaradtihiin mabatihiine Wabillaahi tawfiiq

  6. ciise sunni says:

    muqdisho iyo garoowe soo un soomaaliya ma,ahan maxaa dhib ah oo ku jiro,,, anigu waxaan ku talinayaa in laga dhigo tuulada Beerxaani ee kismaayo u dhaw

  7. umu_barau says:

    Muqdishooy waa lagu xumeeyey yaa ku xaal Mari,haayo meeshii xuduntey ku aasneydeey shabaaab sabab ha noqdaan xaal marriskaa aamin, deegaan ahaan muqdisho in laga badalo waxaan u arkaa is dhameeya haddii aan yeelna,na waxaa ku xigta adis ababa iyo tanzania ayaa noqoneysa magaalo madax dagaaalo sokeeye ayey rabaan inaan ku baabi,ino inta hartay ee iska diida dadkaygoow.

  8. arlaa says:

    ok hadii garowe laga dhigo ama dhuusa mareeb somalia lee mahoo.
    mafahmin waxa qoraal kaan looga jeedo. caasumada meel yar ee kooban in laga dhigo waan ku raacsanaha aniga. war rabi kacabsada hadaad muslika aad sheegataan tihiin oo culimada aflagaadada kadaaya. allow munaafiqqinta muslimka sheegta nolosha kudhib

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS