Qaar ka mid ah Ictisaam oo Yiri: Maslaxo Raajix ah Darteed waa loo Duceyn Karaa Zenawi inuu Caafimaado iyo Ibraahim-dheere oo la Sheegayo inuu Booqday Isbitaalka Zenawi ku Jiro!

 

Xaqiiqdii, labo kooxood ee aadka uga welwelsan dhimashada Zenawi waa reer Galbeedka iyo Jabhaddii Soomaali Galbeed ee isu dhiibtay Tigreega! Is-dhiibitaankaas waxaa ka dambeeyey Zenawi oo keliya! Marka la eego Xabashida, ma jiro wax farqi ah oo xagooda u dhaxeeya Dulyadeyn (Mujaahid) iyo Ibraahim-dheere! Ama sheekh Xasan Turki (Mujaahid) iyo Casoowe! Keliya qorshahaas waxaa watay Zenawi oo rabay inuu iska dejiyo Soomaalida intuu xirxirayey madaxdii Amxaarada ee ku kacday! Hadduu dhinto Zenawi; qorshihii Ibraahim-dheere waa ka kac!

Iyagoo Ictisaamku dareemay khatartaas baa qaarkood soo jeediyeen in Ilaah loo baryo in Zenawi ka kaco cudurkaas! Iyagayii bay ka dhex tolantay! Ninkoodii la is lahaa waa ugu caqli badan yahay baa yiri: Soow Allaah ma oran:

وَلا تُصَلِّ عَلَى أَحَدٍ مِنْهُمْ مَاتَ أَبَداً وَلا تَقُمْ عَلَى قَبْرِهِ إِنَّهُمْ كَفَرُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ وَمَاتُوا وَهُمْ فَاسِقُونَ [التوبة:84]

Odayaashooda mid ka mid ah baa yiri: Aayadan waxaad dhigeysaan meel aan ahayn booskeeda!  Wuxuu yiri: Aayadan waxaa laga qaadan karaa keliya in haddii Zenawi dhinto aan lagu tukan karin laakiin ma diideyso in loo duceeyo intuu nool yahay! Wuxuu yiri: waxa Usuuliyiintu dhahaan “Mafhuumu mukhaalafa” baa laga qaatay in Aayaddu dhimasho keliya sheegtay! Marka haddaan nahay Ictisaam waxaan ka fahmeynnaa in haddaan Zenawi dhiman loo duceyn karo!

Horay waa tii Cabdi Iley ugu shiriyey Ictisaamka Jigjiga! Waxaa Ictisaamku dhaheen: nolosha Zenawi waxaa ku jira maslaxadda Muslimiinta Soomaali Galbeed! Hadduu Zenawi dhinto waxaa dhici karta inuu yimaado qof Amxaar ah oo neceb Soomaalida sidaas darteed wataas culumadeennu ogol yihiin in loo duceeyo Zenawi iyagoo cuskaday qaacida ah:

مالايتم الواجب إلا به فهو واجب

Waxay dhaheen: soo-jiididda maslaxadda Muslimiintu waa waajib! Nolosha Zenawina waxay dan ugu jirtaa maslaxaddaas! Marka in loo duceeyo Zenawi waa waajib!

Waxaa la sheegayaa in Ibraahim-dheere booqday isbitaalka Zenawi ku jiro. Ma hubnno in loo ogolaaday inuu agtago sariirta Zenawi iyo in kale!

Qofkii la socda caqliga Ictisaam lama yaabayo ducadooda ku jeedda Zenawi! Nimankaas intaas oo sano diidi jiray Shirki iyo Dastuur; soow iyaga ma aha waxa hadda odayaasha ku leh: ansixiya dastuurka? Xaggee joogtaa ducada gaalka Zenawi; haddayba ummadda u rabaan dastuur? Soowse iyagii lahaa inta Nabi Yuusuf (CS) soo qaataan: hala hoos galo gaalo? War nimanku han gaabanaa!

Sawirka hoose fiiri wadaaddadii Ictisaam qaarkood oo ku tukanaya meydka nin ay gaaleysiiyeen ooy dhaheen halagu jihaado; weliba iyagoo Mahiga safka “salaadda” la soo galay! Marka arrinta ducada Zenawi ma aha wax ku weyn xagooda!

Somalimidnimo.com

31 Responses

  1. Yaasiin says:

    Somalimidnimo
    *
    waxa haboneyd inaad cod soraacisaan lkn ictisam wax walba walaga filankaraa

    *waxan kacabsoha marku dhintana in waraaqad tacsiya udiraan

    *
    gaalka qofka ah iloow sohanuuni wa loogu duceyn kara bal qaainimadoda hadey maslaxo umad rabaan mey hanun alle uweydiyaan
    markey inu noolado ugu duceynayaan war ictisaam iimaankodi iyo diintoodi wey saxaroodeen waxna mesha kuma hayaan waxey uqabaanba in iyaga kaliyah diinta yaqaanaan

    *ilaahey waxan kabarya nimankan inu so hanuunsho hadusan larabina inu shartoda umada kaqabto

    • Omari says:

      asc wax walba ka filo al ictisaam lakin xaqiiqo cad ayaa loo bahan yahay
      teeda kale walalha Gobislam arinta Raage Omar ma ka hadasheen mise wali ninkaas diinta alh wax ka aqoonin hada sida qaldan u hadlay Nabigeena Muhamad SCW

  2. ibnu Xusseen says:

    ACW

    Baarlamaanku waa sharcidajiye… waana rabinimo sheegasho… waana shirki iyo kufri….!

    Waxaa cadeynaya aayada (31) suuratu baraa’ah, oo kahadlaysa culimadii yahuud iyo nasaaro oo meesha baarlamaanadu hada inoojoogo waagaa hore iyaga ujoogay. Waxna banayn jiray waxna xaaraameyn jiray alle sokadi shacabkuna kuraaci jiray. Alle wuxuu aayadaa ku tilmaamay in yuhuud iyo nasaaro culimadaa Rabiyo ka dhigteen, allena u shariig yeeleen…!!

  3. ibnu Xusseen says:

    Halgan.net waa websayt jiran, “comment” khilaafsan ra’yigooda ma ogola oo waa tiraan.
    waxay arintaasi tusaysaa jileeca mad-habkooda oo aan naqdi iyo ra’yi khilaafsan u

    dulqaadankarin….!
    waxaa mahadsan websiydka somalimidnimo.com oo kaduwan halgan.net xaga xoriyada qoraalada oo

    ogol inlagu qoro ra’yi kasta oo khilaafsan kooda..!
    waxaan ugu baaqaynaa halgan.net inay geesinimo muujiso oo fasaxdo qoraalada khilaafsan ra’

    yigooda…!

  4. ASC WR WB

    Ninkii Jihaadka ilaahay uu inoo dajiyay o ah xalka umada markee dhibaato kujirto kutilmaamay … wax aan ku habooneen oo aan socon karin xili walba oo laga daaaalo wax walba ka filo !!

    Nin Jihaadkii uu waday dhahaya luqada qoriga wax soconaaya malahan dantu waa wada hadal … iyo raali galin gaalo wax walba ka filo !!

  5. Yaasiin says:

    Shirib gaaban

    *sadax walxaatoo jiin kutaal murtad shariifoow kasoo jawaab

    *jandaaya farees inaad jiid jiidataa lasheegaye kasoo jawaab

    *amisom inaad jaceshahaa lasheegaye kaso jawaab

    *liwaadnimo inaad jideysayaa lasheegayee kasoo jawaab

    @ hadii kale murtad jaqala weyn gaal ujadbeysanaa tahee jahanamo xageeda aad

    shirib ictisaam

    afar walxaatoo ceyn kutaal ictisaamow bal socadey

    *
    *qofkii gaalka caawiyaa inuu ridoobin so cadey

    *
    *baarlamaan cilmaaniya caadi inuuyahay soo cadey

    *
    *fatwo muslim carro galee oo gaal qanceyso soo cadey

    *
    * dastuur canaasiirtu so qorteen in loo codeeyo soo cadey

  6. abuuwalidd says:

    asc qeebtii 3 dexaad eecalaamooyinkamunaafiqiinta 46 waxaygooyaan raximkaxidhiidhkiisa 47 gaaladayay kuraacaan danahooda gaarka ah iyo gaalnimadaba 48 waxay raacaan wixii ilaahay cadho galinaya waxayna kafogaadaan wixii ilaah raaligalin 49 quraanku ma anfaco iyo xadiiskubawaykasiifogaadaan uun 50 xumaanta hadaad udiidid dhag jalaq umasiiyaan 51 waxay gorfeeyaan colaad iyo macsiyodanbi kadhan ah mumininta 52 xumaantamar kay samaynayaan dadkayay iskaqariyaan ilaahayna kamaxishoodaan 53 waxay jecelyihiin xumaanta mumininta 54 waxay kufarxaan dhibka ku dhaca mumininta 55 wixii wanaag ah ay muminintu helaan waykanaxaan 56 waxayrabaan inaan katanaasulo diinteena 57 waxayku dha leeceeyaan mumininta xukundoonid iyo kuraasijacayl 58 aduun yadaalawayn ooy kahormariyaandiinta 59 muminiintawaxay kutuhmaan yari aqliyaad 60 waxay kiciyaan dadwaynaha ooy kudiraan dadkadiintaleh 61 waxaydha haan muminintu waxay keeneen shar iyo fitan iyohkilaaf iyofaqri 62 hanjabaad muminiinta kadhan ah xidhay iyodil iyo tarxiilba 63 cunaqabatayn gaajaysiin si ay dadka diintooda ugaleexsadaan siloohoosyimaado 64 dadwayna ha yaysiraan siyaabo kaladuwan wayhkayaameeyaan inshaa alaah waaxaaxigidoonta sidalaysaga ilaaliyo

  7. Mahmud says:

    TO YAASIN sxb horta waxa kamuqata inad tahay nin khayr jecel lakin wadadi aad ku gaari lehed maheysid sababto qof hadi naceysa inuba gaal gaalnimadisa cadahay yahay mogi waa ladhaxdhaxeysta e ila xad lama naco sidokale hadi ad jeclaneysa waxan kadaremaya xamas ad uxowli dher oo ad kutagersantahay shakada somalimidnimo iyo waxkasta oo ey soqoran run iyo beenba akhi filahi dhexdhaxeyso yusan kulatagin xamaska midakale waliga qof islam eh oo fikir un ad ku kala duwan tihin ha aflagadeyn qofka kale oo ad isku ra’i tihina ha iska jeclanin calasha isku xizbi ayan tagerna darted naftadana xisabi cadaladana hakatagin wayo allah wuxu quranka kuleyahay {walaa yajrimanakum shana’aanu qawmin calaa alla tacdilu icdilu} illa akhiril aaya. Xaqa allaw nagu sug

    • Guhaad says:

      @ mohamed
      marka hore wxn aad uga xumahay inad RASUULKII thaqaleynka magaciisii MUXAMAD ahaa(scw) intad isku magacowday hadana BADASHAY sidii gaaladii !!!
      GAF AYAAD KU JIRTAAYE IS DABAQABO.

      Tan kale walalka YAASIIN mowqif cad ayu ka qaatay ICTISAM iyo baadinimadoda WUNA KA BARI NOQDAY marka hadad qalad ku haysato banaanka keen HADAAD ICTISAM tahayna SHIRIBKA ka jawaab, hadi kale wxagu waa DIFAACID DUUL KHAWANA ah, wxana ku haysata aayada leh “WALAA TAKULLIL KHAA’NIINA KHASIIMAA” al aayah.

  8. soomaali says:

    TO YAASIIN
    SHIRIB GAABAN OO AAN UGU JAWAABAAYO YASIN
    SHARIIF IN UU SHEEKH YAHAY SHABAAB AYAA INOO SHEEGAY
    SHARIIF IN UU MUSLIM YAHAY SHAHAADADA AYAA NA SHAAFIHEE
    ADIGA IN AAD SHEYDAAN TAHAY AFKAAGA AYAY KA SOO SHIIREE

  9. caaqil says:

    illaah idinkama aqbalo idinkana kansarka afka rabbigeey haidinkurido oo macal zenawigiina jahanamo kuwaara

  10. soomaali says:

    TO YAASIIN
    SHIRIB GAABAN OO AAN UGU JAWAABAAYO YASIN
    YAASIIN IYO DADKA KU FIKIRKA AH
    SHARIIF IN UU SHEEKH YAHAY SHABAAB AYAA INOO SHEEGAY
    SHARIIF IN UU MUSLIM YAHAY SHAHAADADAA NA SHAAFIHEE
    ADIGA IN AAD SHEYDAAN TAHAY AFKAAGA KA SOO SHIIREE
    SHARIF IN UU MUSLIM YAHAY SHANTA SALAADAA NA SHAAFINEE
    SHIRIB WAX KAMA TAQAANIDEE SHIBAA KUU SHARAF BADNEED

  11. Xaaji-KaaD says:

    Asc Wr Wb
    -
    Ictisaam Kheyr Lagama Sugeeninee Yaan Lala Yaabin Wax Walboo
    Ay Sameeyan Ama Hadal Walbo Ay Ku Hadlaan
    -
    Baryahaana Waxaa La Sheege Inee Nairobi Ku Kulmayan
    Hadana Wey Jogan Ayaa La Yiri Oo Fatwo Ayeey Soo Sarayan
    -
    Walibo Fatwo Sh Xassaan Ka Dhan Ah Oo Loga Soo Hor Jeedo
    Waxaa La Hubiye Rag Badan Oo Ictisaam Ah In Ay Jogan
    Kuwa La Taban Karo Oo Ayaka Ah Waxaa Ka Maqan
    Bashiir Salaadka murtadka Ah Iyo C/Raxmanka Minnesotta Imamka Ka Ah
    -
    Marka La Takfiiriye Ayeey Kasoo Baxeen Meesha Ay Ku Xaseesnayen
    Madama Uu Hadle Ninkooda Ugu Aftahansana Ee Ina Umal
    ileen Marka Horeba Wax U Hadlo Ayeey La,ayeene
    -
    Wadaadba Yiri Umal Ninka La Dhaho Mar Walboon La Kulmo Wuxuu Rabaa
    Inuu Iga Dhadhiciyo Nin Aan 25 Sano Aqaane Oo Manta Dowlada Ethiopia
    Ka Ah Gaashanle Sare Inuu Yahay Mu,min Muwaxid Ah,Mujahidika Duurka
    Ku Jiro Ee Muwaxidka Ahna Inuu Yahay Khaariji Balaayo Ka Dhacde
    -
    Wuxuu Yiri Waa Culumaa,u Suugi Saxda Ahaaye Yeysan Xaqa idinka Marin Hababinin
    -
    Calaa Kulli Xaal Ictisaam Sidey U Dhanyihin Gaalo Ayeey U Galeen
    Maantana Waxey Ku Fanayan Oo Ay U Shaf Garacanayan
    (Waxaan La Shaqeyna Dowlada Mareykanka,Ethiopia Iyo Kenya)
    -
    Alllaha U Naxariiste Macalin Aadan Xaashi Ceyrow Ayaa 1990skii Yiri
    Nimankan Aad Wadado U Hesatan Wadaado Ma Ehee Dadyahow Ka Daneesta
    Oo Cilmiga Barta Ragaab Waa Daneesteyaale
    -
    Anakana Warkiisa Oo Xaqiiq Ah Maanta Ayaan Dul Taaganahay
    -
    Ictisaam Gabalkooda Wuu Dhace Waxa Ay Wadaana
    Wlh Diin Ma Aha Ee Waa ZANDAQO iyo Diin La,aan
    -
    ilaahow La Kala Miiraye Ictisaam Hana Raacinin
    -
    Waa Tana Mantana La Leeyahay Meles Ayeey U Duceynayan
    Walalkeey YASIIN Ayaa Xujo Ku Oogay Oo Wuxuu Yiri
    Hadey Maslaxo Muslim U Socdaan Meey Allaah Muslimiinta
    Hanuun Iyo Wanaag U Weydiiyan Inta Ay Gaalka Nolal U Wedyiin Lahayen?
    -
    Allahuma Salil Salim,Allaahuma Salimna,Nas,alullaahs-Salaamata Wal Caafiyah
    -
    Ku Bishaaresta Insha Allaah Sh Xassaan muxadaroyinkiisa Dibka U Dhace
    Inee Bilaaban Doonan Maalinta Sabtida Ah Ee Soo Socota Bacdal Casar
    Waqtiga Nairobi Wana Malin Ramadan Ah Sida Ay Shegen Walalaha Nairobi
    -
    Asc Wr Wb

  12. Abu layth says:

    السلام عليكم ورحمة الله وبركاته . ILAAHOW HANNA FITNAYNIN. haddii la iyiraahdo ICTISAAM ayaa saxaro ku qadeeyay maanta naftaydu beenin mayso. sababtoo ah waxaan markhaati iyo shaahid ka ahay ICTISAAMKA aabohood (sheekha kuunyadiisu tahay MR. KHAWAARIJ, UMAL) oo masjidkii ilaahay ka dhex leh in aad disho gaal waxaa ka ajar badan kana wanaagsan ilaahayna loogu dhowaanayaa in aad laysaan khawaarijta!!!! SUBXAANAHLLAH. waxa uu yiri gaalka dilkiisa waxaa ka horeeya dilka khawaarijta!!! XAGEE BAY KITAABKA QURAANKA iyo SUNADA kaga taalaa DILKA GAALKA WAXAA KA HABOON KANA WAAJIBSAN KANA WANAAGSAN DILKA KHAARIJITA???
    war iyo dhamaantii magac cusub ayuu UMAL labaxay oo ah MR. KHAWAARIJ.

  13. Yaasiin says:

    Ku: mahmud

    *sxp horta xaqa allaha nagu sugo xaqiiqdi ictisaam aniga dhawr arimod ayan kaga sohorjeda o qaarkood xita kufri kenayaan

    *
    tankale shabakadan qeyrka kujeclahay markey xad gudubtana bariyan ka ahay waxan waliba kudhahay waxa fiicneyd inaad cod sooraacisaan
    marka akhi qeyrka alla hanagu sugo aamin

  14. qorane says:

    nin aduunya joogow maxaa aragti kuulaaban.
    -
    ictisaam maanta waxaa laga rabay in ay kahadlaan waxa shareecada islaamku kaqbto qabsashada dhulaka muslimiinta ay qabsadeen gaaladu .
    -
    ma waxay maraysaa in ay uduceeyaan kaafir zanaawi!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

    -
    waxaan lahadlayaa dadka difaaca ictisaam .wali ma aragteen wadaadada oo kahadlaya kufaarta xasuuqaysa muslimiinta? ma anaga oo muslimiin ah baad naga raacaysaan kufaar.
    -

    muslimiinta ethiopia waxay udhagtaagayaan guusha walaalahooda muslimiinta ah.bisha ayna qaniinsanyihiin waxayna leeyihiin ilaahayow guulee walaalahayaga soomaaliya.markaas baa naacow noogu dhaw beeleeyihiin.
    -

    taariikh weeye waxaan dhacaya iminka.book madow bay galidoonaan ictisaam hadaysan soonoqonin.

    -

  15. Yaasiin says:

    Ku. Soomaali

    _
    *wiilyahoow damiinbaad tahoo docna garaneyne

    doqon habaabaa tahoo dacarta leefaahe

    daandaansiyo waxaad wadaa waxaan ladooneyne

    midilaacdo xaajada hadaan diirka kacadeyne

    shariif, murtad inuu yahaan daliil uhaayaahe

    ashahaatay inayuusuf asoo gaalka daba joogo

    waasa laga diidayoo dagaal dibnaha loosarye

    murtad iyo waxa loo yiqiin dabadhilif amxaaraade

    inayuusuf dariiquu dagnaa shariif maanta wuu maraye

    waqtigaw dhaxeyee
    gaalka wey daba ordaane

    waxaad shariif ula saffee saw dulinimo maahan?

    *
    *
    shan salaad hadu dugtoo kufri udoodaayo

    o baadhiyaa walaalkey dhahoo

    islaamka diidaayo

    o dimiquradiyad raacayo diinta kadulbooday

    waa kuu safiihnimo inaad muslim ku sheegtaahe

    maxa dabada kuusuray ninkaan gaalka darajeystay?

    War hooy af laba daanlahaa muranka
    deyneyne

    burundiyo yugaandhow
    dhahdaa dariska weyaane

    doofaarada kirishtadey gacal wadaagaane

    yahuud iyo waxey dusaan ehel amxaaraade

    daaraha kufrigaa laga amraa waana adeecaaha

    daanyeer walbuu ilma dayuuseede

    sidaa iyo kasiidaran daahir cad weeyaane

    bal maxey dafirid kuu taree daliil wan kusiiyee

    *

    @

    bal hadaad diintiyo sharciga deylna ka aqoonin

    oo nawaaqid laguu dhigin waxa diinta burinaayo

    axkaamtiyo shuruudaha
    wixi arkaanoo dhan

    maandhoow bal daalaco intin dabinka kuuqoolin

    hadiikale daacuflow deyso qurunkaada

    • waaniye says:

      Awall gabaygu qiimuu lahaa loo qadariyaaye.
      sharci loo qarriraybaa jiroo lagu qargooyaaye.
      rag loo qiray abwaanimo ayaa qeexay jeerhora.e.
      qormadeey dajeenbaan cidkale qori kutuurayne.
      qabyo ugama tagin wiilashii qiimaha lahaaye.

      hayeeshee quur aan fahmayn qiimihii gabayga.
      oo wada qasbaysaa ukacay sabankan qaarkiiye.
      nin waliba iskama qaadi jirin qaaq intuu dhaha,e.
      qodobaa lawada fiirin jiray meel uu kuu qabane.
      iska qaad murtidu maaha iyo qowlkanaan idhiye.

      gabay qiimihii waa inuu meel qastiyayaaye.
      o sida kitaab caalim qoray qodobo yeeshaaye.
      o qodoba qodobkuu ku xigo u xabadqaadaaye.
      hadii kale qasaayaad tahaye jooji qaladkaaga.
      o gabay qoraalkiisa daa waad qudh bixiseene.
      o tiraabtan aan qodobna rabin qaado tabartaada.

  16. abdirashiid says:

    waxaan ka codsanayaa walaalaha gob islaam in gabaykaan ku qoraan webkaan, ictisaam inay cilmaaniyiin yihiin cododkooda cadayn noogu filan, wax ma gartayaal in ay yihiin cilmiga ay iska indhatirayaan cadeyn noogu filan, inay fuluus qaatayaal yihiin fodwooyinkooda fahmid noogu filan, qowlalkooda iyo ficiladooda waa labo kala foolxun, gaaladay ka faraxshaan mujaahidiintay ka naxshaan, jirjiroolayaal in ay yihiin jaajuusinimadooda cadeyn noogu filan, sharci naceyb in ay yihiin shayaadiin jeclidooda cadeyn noogu filan, waa tii masaajida ku marti qaaday cadowka mu’miniinta, murtad iyo munaafiq kalkaalkooda fahmid noogu filan, nacebyihiin, jihaadka ay nacebyihiin doolarka iyo duulimaadyada jecelyihiin, raaxo iyo caalim rabaani ah waa labo aan meel isla galin,

  17. xamaas says:

    asc marka aad qoreeyso war waxaa loga baahanyay qofka muslimka ah in aad taxadirtaa waxbadane aad iska ilaaliso tankale 3qof oo isla ah madaxweeynayaa somalia katali iyo aad midna dhahdaa murtad 2bane aad dheeygo magacooda no good tankale dadka ma muslimisid mana gaaleeysid ee xisabi waxa kasoo baxaayo afkaaga adiga kaligaa ayaad geleeysaa qabrigee waana kutaageeyrsanthy in gaal siwalbo wax loogasheeygo oo ale oo abuurathy ayaa yasaba lkn xadgudubka malagutaageeyro qifka muslimka ah ereyada murttat iyo gaal sheeydaan waxyaabahaasi halaga taxadiro waxbadan kuwabadan oo qabyaaliista ahne wa qoraan webkaani

  18. Maxamad says:

    Ku xaaji kaad iyo yasiin laba munafaq aya tihiin dacaad nigama aha waxad shegeysan car wakas dharta iney dabnigatahay waxad shegeysan oo eysan probaganda ahayn hadad daratan khaladkiina wan iniishegi

  19. Horta webkan isku shegey halgan muxu umasaxa rayada kooda kaduwan waar mey isku kalsoonaadaan haba yaraate wax adkeysi ah male waana daciifnima ay is ku ogyihiin waxanna is iri waxbaa kajira waxyaabo badan leexin ah maxa yeeley ceyrin cune calooshi

  20. sc wr wbk,horta idinka halgen net affka kuhayee umajedaan wabsedkan beenta baneeyay

    had iyo jeer beenta sheeego waxaa tihiin dad xiiqsan yahuuda miyaa lacag idin siiso si aad islaamka u ceebeesaan baq baq wax matartee cabaadka yareeya

  21. Fatima says:

    SU’AAL

    Rabadaanka see yeeli dootaan?

    • asc
      war illayn tanoo kale waa noo dhimanayd! Qandhadii ictisaam laga qaaday waaba sii kordhaysaa ka soo horrayn mayso, gaalkii jirrada iyo odagii qufaca iyo habartii kufta ma ictisaam baa idiinka dhex muuqada? waaxaani waaba jirree see wax u jiraan?
      Tolo
      Ramadaan baa soo galay iska joojiya waxaan aad shaqada ka dhigateen maxaa yeelay isma waafaqayaan waan soomanahay iyo waxaan baan ku dhex jirayaa xasuustana haddalkii Rasuulkeenna scw “من لم يدع قول الزور والعمل به فليس لله حاجة في ان يدع طعامه وشرابه”رواه البخاري ومسلم وغيرهما

  22. Yaasiin says:

    Ku – maxamad

    -
    waxa wanaagsan inaad horta qofka sida loogu naseeyo barato
    waxa laga yaaba qof qaldan inaad aragto inaad saxdana aad rabtid hana munaafaq aad kutilmaamtid kadibna kaasii fogaado waxna waxna kaadhageysan waayo

    markad qof wax ushege sidagan ugu sheeg walaal meeshaas iyo meshaas aad kuqaldantahay saasaana udaliila qofkaa wax caqli hadu leyahay qaladkisa hadu ucadaado wukaayeela lkn munaaqatahay dacad kaama ahan hada war uga bilowdid wu kasifogaahaa

    - wa iga suaale akhiyow

    *

    “iney daacad iga aheyn yaa kuushegay ma qeybkaad ogtahay ?

    * qofka daahirkiisa maa laxuk miyaa mise baadinkisa?

    -
    tankale inaan dhaarto maribin lkn hadad kuqancee ilaahi cirka iyo dhulka abuuray nabi muxamadna scw koonkaan usoodiray ayaa kudhaartaye borobogaando iney iga aheyn wa iga daacad maw qifkeygana maqarsanaayi wu cadyahay

    -
    lkn isdaji walalaha ad munafiqinta kutilmamtayna cafis weydiso wa hadad xaq doontahay asc

  23. abu zayd says:

    asc ikhwanii hanbaliyo waxaa isoo gartay hada in uu bakhtiyay gaalkii weenaa mila zanaawi in uu kala tagy dunida dhibka uu ku hayay muslimiin badan alaahu akbar alaahu akbar walcizatu lilaah

  24. waaniye says:

    Awall gabaygu qiimuu lahaa loo qadariyaaye.
    sharci loo qarriraybaa jiroo lagu qargooyaaye.
    rag loo qiray abwaanimo ayaa qeexay jeerhora.e.
    qormadeey dajeenbaan cidkale qori kutuurayne.
    qabyo ugama tagin wiilashii qiimaha lahaaye.
    hayeeshee quur aan fahmayn qiimihii gabayga.
    oo wada qasbaysaa ukacay sabankan qaarkiiye.
    nin waliba iskama qaadi jirin qaaq intuu dhaha,e.
    qodobaa lawada fiirin jiray meel uu kuu qabane.
    iska qaad murtidu maaha iyo qowlkanaan idhiye.
    gabay qiimihii waa inuu meel qastiyayaaye.
    o sida kitaab caalim qoray qodobo yeeshaaye.
    o qodoba qodobkuu ku xigo u xabadqaadaaye.
    hadii kale qasaayaad tahaye jooji qaladkaaga.
    o gabay qoraalkiisa daa waad qudh bixiseene.
    o tiraabtan aan qodobna rabin qaado tabartaada.

  25. waaniye says:

    Awall gabaygu qiimuu lahaa loo qadariyaaye.
    sharci loo qarriraybaa jiroo lagu qargooyaaye.
    rag loo qiray abwaanimo ayaa qeexay jeerhora.e.
    qormadeey dajeenbaan cidkale qori kutuurayne.
    qabyo ugama tagin wiilashii qiimaha lahaaye.
    hayeeshee quruun aan fahmayn qiimihii gabayga.
    oo wada qasbaysaa ukacay sabankan qaarkiiye.
    nin waliba iskama qaadi jirin qaaq intuu dhaha,e.
    qodobaa lawada fiirin jiray meel uu kuu qabane.
    iska qaad murtidu maaha iyo qowlkanaan idhiye.
    gabay qiimihii waa inuu meel qastiyayaaye.
    o sida kitaab caalim qoray qodobo yeeshaaye.
    o qodoba qodobkuu ku xigo u xabadqaadaaye.
    hadii kale qasaayaad tahaye jooji qaladkaaga.
    o gabay qoraalkiisa daa waad qudh bixiseene.
    o tiraabtan aan qodobna rabin qaado tabartaada.
    REPLY

  26. waaniye says:

    asc wll anigu malihi gabayga kor kuqoran ee qof ayaa magacayga isticmaalay ee aniga yaan loo qaadan inaan leeyahay gabaygaas mahadsanidin

  27. Yaasiin says:

    Waligiin calaacala ceytamo afkana furta

    -
    sidii cunug cataaboo ibidkiin na caasiya

    -
    sharciga dacal kasogala o dacal kale kasiibaxa

    -
    wa calaamaad munaafaqe laba afleeya cumrigiin


    ictisaam sidoodii masaajida ka ceytama

Leave a Reply

© 2012 somalimidnimo.com · All rights reserved · RSS